MustaqbalexpressonlineXawaalada
Mustaqbal 4433 S Graham St. Seattle, Wa 98118 Phone: 206-723-6567
Almus, Halal
Store 4433 S. Graham St.
Seattle, Wa 98118 Phone 206-722-0796
“Hadaan Ahay Sh.
Maxamed Cali Geedi, Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa Dhacdadii
Masjidka Al-Huda Ka Dhacday, Taas Oo Ahayd Wiil Dhalinyaro Ah Oo
Masaajidka Ka Kacay Markii Afartii Rakcadood Ee Hore La Tukaday,
Tacliiqiyayna Aayadihii Jihaadka Ee Suratu Al-Tawba Ee Imaamku
Ku Tujinayay. Wuxuu Ku Soo Daray Tixdii Ina Cabdille Xasan Uu U
Tiriyay Dadka Reer Somaliland Ee Uu Ku Canaananayay Jihaad
La’aanta”
Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) – Sheekh
Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah culima’udiinka magaalada
Hargeysa ayaa sheegay in aanu wax xidhiidh ah la lahayn ururka
Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia.Sheekh Maxamed Cali Geedi
waxa uu beeniyey,
“Waxaan Balan
Qaadayaa Inaan Ummada Dhex U Noqdo, Qof Danbe Oo Sharci Daro
Lagu Xidhi Doona Dhici Mayso” Taliyaha Cusub Ee Booliska Cilmi
Kabaal
Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) – Taliyaha
cusub ee ciidanka booliska ee dhawaan madaxwayne Axmed Siilaanyo
xilkaas u magcaabay Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa
shaaca ka qaaday in dilkii habeen hore lagu khaarajiyey
taliyihii ciidanka Asluubta gobolka Sool Marxuum Cabdi Ciise
Nuur dilkiisu uu salka ku hayey arimo la xidhiidha aano qabiil,
Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) -
Urursiyaasadeedka UDHIS ayaa markii ka hadlay mawqifkooda ku
wajahan muddo dhaafka doorashada golayaasha deeganka kuwas oo la
sheegeen in loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan wax
looga qabto ,Waxa kale oo ay sheegeen in ay Xukuumada Madaxweyne
Siilaanyo ka rajaynayaan sii ambo qaadka geedi socodka
dimuqraadiyada isla markaana ay waxa ugu baqeen in la furo habka
xisbiyada badan oo uu wakhtiyadii ololaha doorashada balan
qaaday.Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed kooban oo ay
ka soo saareen Xasiiskooda Magaalada Hargeysa .
Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) - Wasiirka
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi
Axmed, ayaa beeniyay war doraad ku soo baxay Wargeyska madaxa
banaan ee Haatuf, oo sheegayay in Masjidka Al Huda oo uu ku
tukanayay lagaga dhawaaqay in la taageero Kooxda xagjirka ah ee
Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta dalka Somalia.Waxaanu
wasiirka awqaafku sheegay in aanu ku sugneyd wakhtigaas
masaajidka,
Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) - Taliyihii
hore ee Ciidanka Asluubta Cabdi Suldan Maxamed Geele ayaa shalay
si rasmi aha xiliki ugu wareejiyay taliyaha cusub ee dhawaan
Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay Maxamed Xuseen Faarax.
Munasiban xilwareejinta oo ay ka soo qayab galeen Wasiirka
Cadaalada Ismaciil Muumi Aare, qaar ka mid ah ciidamada asluubta
masuuliiin ka iyo xubno ka socda hay’adaha ciidamda Asluubta
wadda shaqayntu ka dhaxayso oo ay ka mid yihiin Marwo Faadumo
Siciid iyo Maxamud Aabakor.
Tan iyo 1921kii,
Mawlaanaa Abul Kalaam Asad waxa uu ahaa qof si xamaasad leh u
raacsan horumarka islaamka iyo dhaqdhaqaaqa khaliifada islaamka.
Laakiin xiligaa dabadeed gabi ahaanba xagga waxqabadka iyo
fikirkaba wuu is-bedelay, ilaa uu gaadhay heer dadka qaarkiis ay
indhaha ka marmartaan si ay u hubiyaa in uu yahay "Asadkii" ay
yaqaaneen, iyo in uu qof kale oo cusubi ka dhex dhashay
isbedelada ku yimid awgiis. Abul Kalaam Asad waxa uu imika
noqday boqolkiiba boqol wadani Hindi ah.
Weeraryahanki kooxda
Manchester City ee Robinho ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AC
Milan kadib markii uu saxeexay heshiis afar sano ah, halka
weeraryahanada kooxda Milan ee kala ah Marco Borriello iyo Klaas-Jan
Huntelaar ay kooxda isaga tageen.Laacibka heerka caalami ee
dalka Brazil ayaa maray tijaabada caafimaadka isaga oo magaalada
Milan la yimid agaasimaha guud ee Milan Adriano Galliani oo ka
danbeeyey heshiiska uu ku yidid Robinho oo aan wali la shaacinin
qiimaha ay Milan kusoo iibsatay.
Ciyaaryahanka difaaca
uga ciyaara kooxda Chelsea Paulo Ferreira ayaa ku dhawaaqay in
uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah taasoo macnaheedu uu
noqonayo in aanu dib ugu ciyaari doonin xulka qaranka ee
Portugal oo uu kasoo jeedo.Laacibkan 31 jirka ah ayaa u sheegay
xidhiidhka kubada cakta dalka Portugal in uu uga tagay xulka
sababo shaqsiyadeed kadib markii uu si qota dheer uga fakiray
sida uu hadalka u dhigay. Ferreira oo ka ciyaara dhinaca midig
ee difaaca ayaa u saftay xulka Portugal 62 kulan isaga oo
kulankiisi ugu horeysay u ciyaaray bishi September sanadkii 2002
xiligaas oo ay la ciyaareen xulka England.
Shirkada soo saarta
buuga qaamuuska ingiriiska ee Oxford Engilish Dictionary ayaa
go,aan ku gaadhay in aanay ku daabici doonin Internetka Qaamuus
cusub oo iminka la soo daabacayo iyagoo Sababta uga dhigay in
iibsigii buugaasi uu aad hoos ugu dhacay,Jariirada Daily Express
ayaa qortay in daarta soo saarta buugaa ee Oxford University
Press ay sheegeen inay ka fekerayaan inay ku daabacaan buugaa
Dictionary-ga ee cusub boga Internetka kadib markii uu yaraaday
iibsigii buugaa ee suuqyada.
“Badhtamaha Suuqa Aniga Oo Jooga Ayuu I
Salaamay Badhasaabku, Waxanan Is Weydaarsanay Hadalo Ku Saabsan
Xadhigii Masuulkii UDUB Ee Uu Xidhay, Ka Dibna Ilaaladiisii La
Socotay Ayuu Amray Oo Gaadhigiisii Ayuu Igu Geeyay Saldhiga"C/casiis
Xuseen Raage
"Ma jirto haba yaraatee wax sharci ah
oo loo raacay xadhiga guddomiyaha UDUB ee awdal "
Guddoomiyaha Siyaasada UDUB cumar jaamac
Boorama, September 1, 2010 (Haatuf)
- Guddoomiyaha Xisbiga UDUB
ee gobolka Awdal C/casiis Xuseen Raage ayaa shalay lagu xidhay
saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, kaas oo aanu wax ka
weydiinay xadhigiisa isaga oo ku xidhan saldhiga Boorama ayaa
xadhigiisa ku tilmaamay mid aan hore u dhicin.Guddoomiyuhu waxa
uu sheegay in isaga oo suuqa badhtankiisa maraya ay halkaasi ka
kaxeeyeen Badhasaabka iyo ilaaladiisa,
Afxumadan iyo
hanjabaadan dawladda Kulmiye illaahay ka soo daayey ma laga
yaabaa inay inaga xidho laynkan yar ee xooluhu Sucuudiga inoogu
dhoofi jireen ee uu Al-jaabiri soo furay.Nimanku malaha waxay is
moodayaan inay wali Mucaaridkii yihiin. Bal eega ina Xaashigan
lagu saliday Total ee isagoon baadhitaan-ba samayn iska odhanaya
lacagtii ay haamaha galisay way soo wada ceshatay ee waliba
hadana Afka ka dhigi la yarkii Sacad ee haamaha dawladda u
maamulayey, Cashuurta sidaalkana Baanka u dhigi jiray.
Mujaahidku lacag badan usoo xaree dawladan Khasnada madhan iyo
deynta culus ka dhaxashay Rayaale iyo Cawil.
Hargeysa, September
1, 2010 (Haatuf) – Maareeyihii hore ee dakada berbera Eng. Cali
Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) ayaa ka dhawaajiyey in aanu xisbi
gaar ah u shaqaynayn, laakiin uu shaqaynayey dawladii wakhtigaas
talada dalka haysay, waxa kala oo uu ka hadlay waxyaabihii u
qabsoomay mudadii uu hayey maamulka dakada, waxa kale oo uu
xusay in ay jireen waxyaabo baddan oo uu damacsanaa in uu qabto
oo xilka-qaadistiisu ka soo hormartey.Waxaanu intaas ku daray in
uu hada u baahan yahay in uu nasto, maadaama oo uu mudo badan
soo shaqaynayey.
Xukumada Cusubi
Wakalada Biyaha Burco ma inta ay fadhisanayso ayay sugaysaa mise
waxanay ka warqabiin xaalada xun ee ay waqtigan ku sugan tahay
Wakaalada Biyaha Burco? bulshada reer Burco ayaa dhawrkii sano
ee u danbeyay waxa dhinaca biyaha ka haystay mushkulad aad u
balaadhaan, taas oo ay sababeen cida maamulkeeda leh
wakaalada.Mushkiladan oo ay gundhig u tahay musuqmaasaq iyo u
kala exasho shaqaalaha Wakaalada ka hawlgala lagu sameeyay,
Hargeysa, September
1, 2010 (Haatuf) - Shirkadda Xawilaadda iyo Sarrifka lacagaha ee
Dahabshiil ayaa 15 ka mid ah shaqaalaheeda u soo xidhay tabobbar
ku saabsan kor-u-qaadidda aqoonta shaqaaleha waaxda sarrifka
lacagaha ee shirkadda oo muddo laba maalmood ah uga socday
Xarunta shirkadda ee magaalada Hargeysa. Tabobarkan oo ay
ujeeddooyinkiisa ka mid ahayd barashada ka-ganacsiga sarrifka
lacagaha iyo sidii ay shaqaalaha waaxdan ka hawl-galaa isku-xidh
shaqadooda la xidhiidha u yeelan lahaayeen, ayaa waxa ka soo
qayb-galay shaqaalaha shirkadda ee ka hawl-gala laamaha kala
duwan ee ay shirkaddu ku leedahay dhulalka ay ka shaqayso.
Hargeysa September 1,
2010 (Haatuf)-dhalinyarada iyo caaqilada beesha Ciise ee Gobolka
Selal, ayaa saluug weyn ka muujiyey saamiga xukuumada cusub ee
uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay tilmaameen inaan beesha u
cuntamaynin taasi,
Hargeysa, September
1, 2010 (Haatuf)-Maareeyaha Cusub ee Wakaalada Biyaha Hargeysa
Ibraahim Siyaad ayaa xilkii kala wareegay Maareeyihii hore ee
wakaalda Khaliif C/laahi Xuseen munaasibada ay xilka kula kala
wareegayeen labadan masuul oo ka dhacday xarunta Wakaalada
biyaha ee Hargaysa, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ay
ka mid yihiin Badhasaabka gobolka Gobalka Hargyesa Axmed Cumar
C/laahi (Xamarje). Maayir ku xigeenka Hargaysa Maxamed C/laahi
Uur Cadde, Agaasimaha guud ee wasaarada Macdanta iyo biyaha
Axmed Ibraahim Suldaan iyo saraakiil ka tirsan hay’ada African
70,
Waa Qiso
xambaarsan jacayl iyo muruugo badan oo dhex martay laba gabdhood
iyo wiil jamacad wada dhiganayay kana waramaysa jiritaanka
calafka. W/Q: Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi) mukho4me@hotmail.com
(Q.1aad)
Falaadhaha cadceeda
ee guduudan oo wax walba qurxinaya dhulkuna waa dhul bereed ay
ka buxaan Ubaxyo aad u qurux badan oo aad moodo kuwo loogu talo
galay jacaylka, shimbiro cod qurux badan ayaa dhagaha dadka ku
soo dhacaya goobtuna waa buurta Daallo oo Ardayd jaamacadeed ay
booqasho ku tageen amintuna waa casar gaaban oo buurta xageeda
sare waxa soo fadhiistay dhado aad baraf moodo
Tan iyo 1921kii,
Mawlaanaa Abul Kalaam Asad waxa uu ahaa qof si xamaasad leh u
raacsan horumarka islaamka iyo dhaqdhaqaaqa khaliifada islaamka.
Laakiin xiligaa dabadeed gabi ahaanba xagga waxqabadka iyo
fikirkaba wuu is-bedelay, ilaa uu gaadhay heer dadka qaarkiis ay
indhaha ka marmartaan si ay u hubiyaa in uu yahay "Asadkii" ay
yaqaaneen, iyo in uu qof kale oo cusubi ka dhex dhashay
isbedelada ku yimid awgiis. Abul Kalaam Asad waxa uu imika
noqday boqolkiiba boqol wadani Hindi ah. Waxa aanu ugu baaqaa
qoomiyad midaysan muslimiinta iyo kuwa kaleba.
Ciyaartoygii ugu
danbeeyey ee ka noolaa xidigihii ka qeybgalay koobkii aduunka ee
ugu horeeyey ee laqabtay sanadii 1930-kii ayaa ku geeriyooday
dalkaasa hooyo ee Argentina isaga oo jira 100 sano. Ninkan oo
lagu magacaabol Francisco Varallo, ayaa u ciyaaray xulka qaranka
dalka Argentina kulankii finalka ahaa ee ay magaalada Montevideo
ee xarunta Urugauy kula ciyaareen xulka Uruguay sanadkii
1930kii.Laacibkan geeriyooday ayaa waxa xiligaasi kooxdiisa
Argentina lagaga badiyey 4-2 ay guusha ku raacday Uruguay oo
ahaa marti galiyayaashii ciyaarhaa aduunka ee sanadkaa.
Ciyaaryahankii hore
ee kooxda Liverpool iyo qaranka Argentiana Javier Mascherano
ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona ee dalka Spain
markii uu £17.25milyan iyo badh lacagta Inigiriiska ee Ginigada
ah kaga wareegay kooxda Liverpool, isaga oo tijaabada
caafimaadka maray habeen hore. Xidigan 26 jirka ah isla markaana
ah kabtanka xulka Argentina ayaa mudo shan saacadood ah waxa dib
u eegis iyo baadhitaan ku sameeyey dhakhaatiirta kooxda
Barcelona sida laga soo xigtay dhakhtarka guud ee kooxda
Barcelona Ricard Pruna.
Booliska dalka
Austaralia ayaa jeelka u taxaabay nin lagu magacaabo Spiderman
ama ninkii Caarada ninkaas oo magaciisa caadiga ahi yahay Alain
Robert ayaa gacmihiisa iyo lugihiisa ku kora daaraha dhaadheer
ee aduunka,Ninkan ayaa boolisku qabtay isagoo Fananaya daar
dheer oo ku taala magaalada Sydney ee dalka Australia. Wakaalada
wararka ee dalka Australia AAP ayaa sheegtay in ninkaa oo u
dhashay dalka faransiiska inuu gacmihiisa iyo lugihiisa ku koray
daarta Lumiere Building oo ka kooban 57 dabaq taas oo ku tala
wadada Street Bathurst.
Waxa lagu jiraa 10kii
danbe ee bisha Ramaan, waana tobanka habeen ee ugu khayrka badan
sanadka iyo bisha Ramadaanba. Hadaba waxa yaabaha ay la gaarka
yihiin tobanka habeen ee ugu danbeeyaa bisha Ramadaan ayaa waxa
kamid ah waxa ku jira habeen ka khayr badan kun 1,000 bilood
waana habeenka looyaqaan (Laylatul Qadriga). habeenka oo aha
habeen ka khayr badan Kun Bilood ayaa waxa uu Alle (SWC) fursad
u siiyay in dadka muslimkii ka faa’iidaystaan oo ku kabaan
cimirgooda gaaban waana beenka Alle uu soo dajiryay quraanka oo
qur’aanka la keenay samda ugu sokeysa ee looyaqaan Samaa u
dunyaha, iyada laga soo dajay luuxul maxfuudka.
Ma waxa lagu jiri
doonaa doorashadii wakhtigeedii kuma qabsoomayse’eh muddada ha
la kordhiyo? Ma sidaas baa qaranimo lagu sheeganayaa in saddex
nin inta ay afka isa saarsaaraan dabeeto ay ku taliyaan
doorashadii dib ha loo dhigo aan dadka sii haysanee.
Su’aasha ah xiliga la qabanyo doorashooyinka golayaasha
deegaanka iyo labada Aqal Baarlamaan waa arin ka weyn in saddex
siyaasi iyo todoba xubnood oo Komishanka ahi ay kaligood ka soo
taliyaan, nimankan xuquuqdii muwaadiniinta u tashaday, malaha
maba oga in xaga dadweynaha ay muddo kordhintii noqotay
Badeecatul Caajis aanay cidna ka iibin karayn, dalna laguma wadi
karo saddex nin oo mar kasta wax ku soo heshiiya.
Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) – Guddoomiye ku
xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Aadan Maxamed
Mire Waqaf, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inuu ku
tartami doono jagada Guddoomiye-nimada xisbiga UCID, waxaanu
sheegay in uu marka wakhtiga doorashada Guddoomiye-nimada xisiga
UCID la gaadho uu diyaar u yahay tartan inuu u galo
mansabkaasi.Waxaanu sidaas ku sheegay Aadan Maxamed Mire Waqaf
waraysi khaas ah oo uu wargeyska Haatuf xalay ku siiyey khadka
tilifoonka.
Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) – Masaajidka
Magaciisa la yidhaahdo Al-Huda ee ku yaala mid ka xaafadaha
magaalada Hargeysa ayaa habeen hore lagaga dhawaaqay in la
taageero ururka Al-shabaab ee dagaalka qadhaadh kula jira
dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif ee Somalia iyo
Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka ah.Sida ay dad Masaajidka ku
tukanayey Salaaddii Taraawiixdu Ay Haatuf u sheegeen, markii la
tukaday 4 Ragcadood ayaa waxa dhacday inuu Masaajidka ka dhex
kacay nin ka mid ah dadkii halkaasi ku tukanayey, ninkaas oo
dadka u sheegay inay waajib ku tahay inay taageeraan Jihaadka uu
ku jiro ururka Al-shabaab,
Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) – Waxa shalay
xafiiska maareeyahay wakaalada korontada ka dhacay xaflad ay
kula kula kala wareegeen xilkii Hay’ada korontada oo ay kula
kala wareegeen masuulkii hore ee wakaalada kororantada Eng.
Xuseen Cilmi Warsame iyo maareeyahay cusub Xasan Cismaan Aadan (Sabce).Xafladaas
xilka lagula kala wareegayey ayaa waxa ugu horayn madasha ka
hadlay Maareeyihii hore ee wakaalada korontada Eng. Xuseen Cilmi
Warsame waxaanu ka hadlay waxyaabihii u soo qabsoomay intii uu
joogay,
Wadooyinka Dagaalku
Ka Socdo Ee Muqdisho Oo Ay Isku Kaliyeysteen Dhawaqa Rasaasta
Iyo Dhinacyada Dagaalamaya
Muqdisho, August 31, 2010 (W.Wararka) – Afar ka
mid ah Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa maalintii shalay
ku dhintay Hoobiye ku soo dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa
Somalia, Hoobiyahaas oo ka soo dhacay dhinaca kooxda Alshabaab
ee dalka Somalia.
Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha
Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi ayaa shalay xilkii
kala wareegay Guddoomiyihii hore ee hay’addaasi C/raxaman Xuseen
Ismaacil Cadami.Xafladda xil wareejinta oo ka dhacaday Hoolka
Hay’adda shaqaalaha Qaranka ayaa waxa ka soo qayb galay
Xildhibaano ka tirsan labada Gole, shaqaalaha Hay’adda iyo marti
sharaf kale.Ugu horey waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyihii hore
ee hay’addaha Shaqaalaha C/raxmaan Xuseen Ismaacil Cadami,
Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) - Kulan
balaadhan oo shalay ka dhacay Qasriga Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha JSL, Madaxweyne
ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada),
hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Dorashoyinku,
ayaa si guud iskugu afgartey in aanay sababo badan awgood aanay
suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo
Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay
in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.
Aslaamu Calaykum Wa
Raxmatullaahi Wa Barakaatu.
Waa aad ku mahadsantahay waraaqdaadii 25kii Janaayo. Fikradaha
aad ka qabto Mirsa Qulaam Axmad ee aad cabirtay waa qaar aad u
sax ah. Xataa haddii aynu muran ahaan u soo qaadano in uu Nabi
Maxamad (NNKH) dabadii Nabi soo baxayo - in kasta oo uu malahani
Quraanka iyo Xadiiskaba lid ku yahay - haddana marka aynu ku
hakanno sida qof anshax iyo maskax gaaban loogu boqray in uu
noqdo Nabi, waxa aynu si dhib yar u garanaynaa sida ay hoos ugu
dhacday fikradda Nabinimadu xiligeenan.
Ciyaaryahanka caanka
ah ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ku guulaystay
badiba codadka dadka ku xidhan shabakada Goal.com oo wax ka
qorta ciyaaraha.
Shabakadan oo dhawaan akhristayaasheeda waydiisay bal cida ay
sanadkan u caleemo sarayaan ciyaaryahanka ugu wanaagsan ayaa la
sheegay in uu kaalinta koowaad ku guulaystay ciyaaryahan Messi
oo helay 31%, halka uu kaalinta labaad soo fahdiistay
ciyaaryahan Sneijder oo u ciyaara kooxda Inter Milan.Laacibka
caanka ah ee Cistiano Ronaldo oo si weyn looga yaqaana dunida
ayaa kaalinta saddexaad soo fadhiistay ka dib markii uu
uruursaday dhibco gaadhaya 10%.
Ciyaaryahanka caanka
ah ee Zlatan Ibrahimovic, oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray
kooxda Milan ayaa sheegay in uu hiigsanayo sidii uu ugu
guulaysan lahaa billada Ballon d´Or. Laacibkan oo hal sano oo
xirfadiisa ciyaareed ku soo qaatay kooxda Barcelona ayaa shalay
marayay baadhitaankii caafimaad ee ugu dambeeyay ka dib markii
uu si rasmi ah uga mid noqday kooxda Milan. Ciyaaryahankan oo la
hadlayay warfidiyeenada ayaa yidhi “Billada Ballon d´Or waa ta
keliya ee aan ilaa hada u ham iyo dig leynayo
Nin u dhashay dalka
India oo 23 jir ah oo lagu magacaabo Gopal Gujjar, ayaa lagu soo
waramayaa in uu si xun u dhaawacmay ka dib markii uu ku qarxay
Tilifoonkiisii Mobilka ahaa ee uu sitay oo noociisu ahaa Nokia.
Warkan oo aanu ka soo xiganay warsidaha lagu magacaabo India
Times, ayaa intaa ku daray in ninkan ay dhaawacyo halis ahi ka
soo gaadheen dhegta midig, qoorta iyo cududaha. Sarkaal u hadlay
booliska dalkaa ayaa sheegay in aanay jirin cid goob joog u
ahayd dhacdadan marka laga reebo hadalada uu ninkan dhibanaha
ahi ku sheegay in uu Moobilkiisu ku qarxay,
Ciidamadda amaanka ee
dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee Imaarada Dubai ayaa xabsiga
u taxaabay nin u dhashay dalka Ivory Coast oo ku khasbay
haweenay shaqaale ka ahayd bangiga dhexe ee dalkaa in ay u
sarifto Lacag foojari ahayd oo gaadhaysa Hal Milyan oo Dollarka
Maraykanka ah. Warkan oo aanu ka soo xiganay Wakaalada Wararka
ee AP,
Qaar ka mid ah
waxgaradka reer Togdheer ayaa war ayamahanba wasiirka Duuliista
hawada ay ka qorayeen qaar ka mid ah warbaahiintu ku tilmaamay
mid xaqiida ka fogWaa yaabe maxa loo canjarafaynayaa Wasiirka
shaqadadiisa dardargeliyay ?Waxa aanu ka xunahay oo la yabanahay
warka isku midka ah ee Wabka Ramasnews ku soo celceliyay dhawrka
jeer warkaas oo ku saabsan Wasiirka duulista hawada Maxamud
Xaashi Cabdi Damdamis madarka Burco yaalay si ku meelgadh ahaan
ugu warejiyay madaarka magaalada Berbera oo shaqadiisu xaami
tahay waqtigan,
“Xukuumadu Waxay
Gobolka U Soo Magacwday Rabshad Wadayaal, Gacmahana Waa La Isla
Gaadhi Sida Ay Ku Socdaan.....”
Gudoomiyaha UDUB Ee
Gobolka Awda Lcabdicasiis Xuseen Raage
Boorama, August 30, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha
xisbiga UDUB ee degmada Boorama Maxamed Cabdi Axmed (Ilkacase)
ayay shalay ciidanka Bileyska ee magaalada Boorama u taxaabeen
kuna xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, masuulkan
xidhan oo wargeyska Haatuf la xidhiidhay ayaa sheegay in shalay
subax ay ciidanka boolisku ku waabariisteen guriga uu ka degan
yahay magaalada Boorama ka dibna ay u sheegeen in la soo amray
inay soo qabtaan isaga.
Xidig Ka Mid Ah
Xidigihii Gadhwadeenka Ka Ahaa Halgankii Dib U Xoraynta S/land
Oo Inaga Baxay
Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Alle ha u
naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Col.
Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa Saraakiishii Milatery ee
Urur-kii Xaq u dirirka ahaa ee SNM ee ka xoreeyey dalka
Somaliland taliskii dhiigyacabka ahaa ee Afweyne, isla markaana
ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jarmalka.Rabbi
naxariistii Janno ha ka waraabiyee Col. Cabdilaahi Askar, ayaa
shalay galab si heer Qaran ah loogu aasay Xabaalaha Sh. Muuse
Ducaale ee duleedka caasimada Hargeysa.
Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Shirkada
wadaniga ah ee Som Cable ayaa maalintii shalay ku soo bandhigtay
Hutel Maansoor qaabka ay uga hirgalinayso Dalka Cable-ka Badda
hoostiisa mara ee dhawaan la filayo in dalka la keeno iyo
qorshayaasha ay u dajiyeen mashruucaasi inay uga faa'iidaystaan
dadka reer Somaliland. Kulan balaadhan oo ay shirkadan Som
Cale-ku soo bandhigaysay ayaa waxa ka qayb galey Wasiiro aad u
tiro badan oo ka tirsan Xukumadda Axmed (Siilaanyo) labada shir.
Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Wasiirka
arrimaha gudaha Somaliand Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shalay
xilkii ka qaaday xoghayihii fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa
Maxamed Aw Aadan Wayrax , isagoo u magacaabay Xoghaye cusub oo
magaciisu yahay Deeq Xirsi Xujaale.
Sidaa waxa lagu sheegay Waraaq uu shalay soo saray Wasiirka
Arrimaha Guddaha Dr. Gaboose, taas oo uu ku magacaabay Deeq
Xirsi Xujaale in uu bedalo xoghayihii hore ee dawlada Hoose
Maxamed Aw Aadan Wayrax,
Ma waxa uu ahaa
aabihii fikradda mise ma ahayn. Waa maxayse waxa raadka ku
yeeshay? Kitaabkiisa "Fikradaha Diinta ee Seer Sayid Axmad Khan"
- ee dhawaanta lagu daabacay Machadka Dhaqanka Islaamka, laahoor,
kaas oo Bashiir Axmad Daar ku sheego in uu Seer Sayid Axmad Khan
si googta ah uga soo xigto Shaah Waliyllah raacana
fikradihiisa.Hababka cudurdaarka ee Seer sayid Axmad Khan waxa
ay dhaawaceen aqoonta islaamka iyada oo aan cidi dareemin.
Xidiga kooxda Chelsea
iyo qaranka ingiriiska Frank Lampard ayaa la filayaa in qarliin
lagu sameeyo, isla markaana uu seego kulmada is reerrebka Euro
2012 ee wadankiisa England ciyaari doono, halka Peter Crouch iyo
Bobby Zamora uu shaki weyn ku jiro safashadooda. Lampard ayaa la
beddelay qeybtii dambe ee kulankii Chelsea ay 2-0 kaga badisay
Stoke sabtida, waxana loo diyaarinayaa qaliin maalinta salaasada
ama Arbacada.Fabio Capello ayaa lagu wargeliyey xaaladda, mana
awoodi doono in uu ugu yeedho xulka ciyaaryahanka khadka dhexe
ee khabiirka ku ah kubada samaynta kulamada uu xulka England la
yeelan doono Bulgaria iyo Switzerland.
Gudoomiye ku xigeenka
kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa ka shanqadhiyey in Milan
ay hada noqotay kooxda ugu weeraryahanada wanaagsan caalamka,
saacado kadib markii ay lasoo wareegtay laacibka kooxda
Barcelona iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic. Galliani ayaa ku
adkeystay in Milan ayna ka baqi doonin cidna mar hadii ay heleen
weeraryahankii hore ee kooxaha Inter iyo Juventus kaasoo ay
habeen hore ugu danbeytntii soo xera geliyeen.“Hadii aad afka
hore ka wada ciyaarsiiso Zlatan Ibrahimovic, Alexandre Pato iyo
Ronaldinho,
Haweenay u dhalatay
dalka Taiwan, oo lagu magacaabo Huang Yu-yen, ayaa lagu baal
mariyay lacag gaadhaysa Seddexkun oo Dollarka Maraykanka ah ka
dib markii ay ku guulaysatay in ay bil gudeheed ku qabato Afar
Milyan oo Kaneeco ah.Shirkadda haweenaydan gudoonsiisay
Abaalmarintan lacageed oo ah Kambani sameeya Dabinda lagula
dagaalamo xasharaadka iyo cayayaanka ayaa daboolka ka qaaday in
haweenaydani ay samaysay mid ka mid ah dadaalada ugu badan ee
lagula tacaalo la dagaalanka Kaneecada oo wexyeelo xun ku haysa
caafimaadka aadmaha.
Boosaaso, August 30, 2010 (W.Wararka) - Ciidamada
Bileyska maamul goboleedka Puntland ayaa magaaladda Boosaaso ka
fuliyey howlgalo Raaf ah oo ay ku soo qabqabteen dad badan oo ka
soo jeeda koonfurta dalka Somalia.Howlgalada ayay ciidanku ka
sameyeen intiisa badan oo ay galeen qaar kamid ah hoteelada ku
yaalla magaalada, isla markaana ay kasoo qabteen tiro dad ah oo
ay xabsiga u taxaabeen.Dadka la qab qabtay ayaa deganaa
hoteelada,waxaana ay ciidanku saareen gawaadhida loogu talagalay
maxaabiista oo ay ku geeyeen xabsiga.
Xaafada Gantaalaha oo
kamid ah Degmada Ibaraahim Koodbuur ee magalaada Hargeysa ayaa
shalay waxa ay qaadeen Olole nadaafadeed oo balaaadhan waxana
Ololohaa soo abaaabulay oo qayb libaax ka qaatay Ururka
Dhaliyada ee UDUG. Hadaba Iyada lagu jiro xili Roobaad ayaa waxa
laga cabsi qabaa in ay ka dilaacaan goobaha khasinka cudurada
faafa ee uu horseedka u yahay Shuban biyoodku iyada oo dhawaan
ay ka dilaacen degmooyin ka tirsan Somaliland.
Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) – Shirkada
Total ayaa la filayaa inay dhawaan dalka ka xamaan urursato ka
dib markii ay ku guul daraysatey doorkii maalgashi ee ay dalka
Somaliland u timid, taas oo dawladdii Marxuum Cigaal kula
heshiisay inay dalka keento shidaalka muddo 50 sano ah.
Shirkada Total ayaa ayaa ay ilo xogogaal ahi sheegayaan inay
bilihii ugu dambeeyey aanay wax shidaal ah dalka Keenin kadib
markii shirkadaha wadaniga ah ee Redsea iyo Qaran ay keeneen
shidaal ka jaban ka ay keento shirkadda Total.Shirkada Total
ayaa iyadu foostada shidaalka ah siisa $180 halka ay shirkadaha
wadaniga ahi ay ka siiyaan $135,
Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) – Wasiirkii
hore ee arrimaha gudaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cali (Cali)
ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war shalay uu daabacay
wargeyska Ogaal oo sheegayay, in isaga iyo madaxwaynihii hore
Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ay dhawaan Markab Maraykanku
leeyahay oo ku sugan Jabuuti kula kulmeen Saraakiil sar sare oo
Maraykan ah oo waraysi la yeeshay, waxaanu C/laahi Ciro ka
dhawaajiyey in aanu warkaasi waxba ka jirin Jabuutina uu u tagay
arrimo shakhsi oo gaar ah.
Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) - Madaxweyneha
Somalilad Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay soo
saaray digreeto uu ku magacaabay guddi ka kooban 10-xubnood oo
ka hawl geli doonta cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa .Guddidan
oo uu guddoomiye uga dhigay Maxamed Xuseen Caabi, halka uu
guddoomiye ku xigeena uga dhigay Dr. Dr. Axmed Yuusuf Obolos.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta
madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha
Somaliland C/laahi Cukuse Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran
ayaa waxa uu u dhignaa sedan :-
Tan iyo markii ay
Somaliland xornimadeeda kala soo noqotey dalkii la isku odhan
jiray Somalia waxa ay soo martey marxalado badan oo midiba mid
ka hawl iyo dhibaato badneyd, Madaxwaynihii ugu horeeyey ee
Somaliland C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) (AHN) waxa ahaa
Guddoomiyihii SNM ee isagoo dalka maamulaya 2 sano oo dhib iyo
rafaad badan, waxa uu Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland
doorwayn ka qaatey nidaamkii dib u heshiisiinta beelaha
Somaliland oo hadii aan taas la samayn aanayba suurta gasheen in
dawladnimo la helo,
Nairobi, August 29, 2010 (W.Wararka) – Dawladda
Kenya ayaa difaacday marti qaad ay u samaysay Madaxweynaha Dalka
Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, kaas oo maxkamada dambiyada
dagaalka Haige ay waaran lagu soo xidhayo u jartay.Mr. Al-bashiir
ayaa isagu maalintii shalay ka dhex muuqday madashii lagu
saxeexayey Dastuurka Cusub ee uu dhawaan dalkaasi u codeeyey.
Midowga Yurub iyo maxkamada dambiyada dagaalka ee Haik ayaa
labaduba waxaa ay ka dalbadeen Kenya inay xidho madaxweynaha
Sudan si loogu qaado dambiyada dagaalka ee la sheegay inuu ka
galay gobolka Darfur.
Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) – Salaadiin,
odey-dhaqameed iyo ganacsato ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo
habeen hore munaasibad ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa
Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ku hambalyeeyay talaabada uu
shirkada Somcable ugu ogolaaday inay dalka keento isgaadhsiinta
bada hoosteeda marta ee fiber optic.Salaadiinta iyo waxgaradkan
ka soo jeeda deegaanka gobolka Saaxil ayaa sheegay inay
Madaxwayne Axmed Siilaanyo qaaday talaabo lagu farxo maadaama oo
uu si geesinimo leh u kala saaray shirkadihii kala duwanaa ee ku
tartamayay keenida dalka ee isgaadhsiinta badda hoosteeda Marta.
Horyaalka ingiriiska
oo maraya todobaadkiisii Sedexaad ayaa waxa ay ciyaar xiisa
badani dhex martay kooxaha Arsenal iyo Blackburn Rovers.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka kooxda Blackburn ayaa waxa
goolasha ku horumartay kooxda Arsenal waxana gool ka koowaad u
dhaliyay Theo Walcott daqiiqadii 20aad ee qaybtii hore kooxda
Blackburn oo ku dagaalamayay garoonkeeda iyo taageerayaasheeda
hortooda ayaa waxa ay dadaal u gashay sidii ay gool bar bardhac
ah u keeni lahayd waxana ay arintaa suurtogal ka dhigtay
daqiiqadii 27aa gool kaas oo uu u saxeexay Diouf qaybtii hore ee
ciyaartana waxa lagu kala nastay
Hargeya, August 29, 2010 (Haatuf) - Ururka
wadaniga ah ee Horseed ee gobolka Hargeysa ayaa ku tilmaamay
ogalaanshaha uu madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland Axmed
Maxamed Siilaanyo ee uu mashruuca Cable-ka bada hoos mara ee uu
ku siiyey shirkada wadaniga ah ee Somcable ee uu leeyahay
ganacsadaha wadaniga ah ee Maxamed Aw Siciid in ay tahay talaabo
sax ah oo lagu diirsaday, isla markaana ay dad badan oo
muwaadiniinta oo reer Somaliland ah ay shaqooyin faro badan ka
heli doonaan, sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ururka
wadaniga ah ee Horseed uu ka soo saaray caasimada qaranka
Jamhuriyada Somaliland ee Hargeysa,
Dhar qaadashada
Galbeedka iyo dhismaha aad u cusubi, waa waxa ugu fool xun ee
aan weligay arakay. Sawirka aan mawduuciga ahayn ee aadka
maalmahan loo jecelyahay, waxa uu u eg yahay sawirda ay abuuraan
kuwa waalan ee ku jira dhakhtarda dadka waalan. Waxa ay
sawiradani leeyihiin: "Noloshu qiimo iyo ujeedo toona ma laha.
Ilaahna ma jiro. wax waliba way isku qasanyihiin oo waxba ma
jiraan."
Qalabka warbaahinta
madaxbanaan ee Somaliland oo dalka ka hanaqaaday tan iyo
sanadkii 1991kii wakhtigaasi oo Somaliland xornimadeedii ay kala
soo noqotay Somalia, Saxaafada Madaxa Banaan ee Somaliland waxa
ay u hawlgashay siddii ay dunida iyo dalkaba ay u gaadhsiin
lahayd xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland.Waxaan ay taasi
Somaliland u suuragalisay inay caalamka ka hesho ixtiraam lagu
tilmaamo inay Somaliland tahay ilayska dimuqraadiyada Geeska
Afrika Laakiin, haddan waxa taas barbar socday xadhig iyo tacadi
joogta ah oo maamuladii kala danbeeyay ee dalku ay kula kaceen
Wariyeyaal tira badan.
Burco, August 29, 2010 (Haatuf)-Qaar ka mid ah
Cuqaasha Gobolka Togdheer ayaa baaq ay shalay ka soo saareen
Guriga Cuqaasha ee magaalada Burco waxa ay ku tageereen
go'aankii madaxweynuhu shirkada Somcable ugu ogolaaday in ay
xadhiga Kaybalka ee Berbera la la soo gaadhsiinayo ay iyadu
keento.Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka
Togdheer Axmed Aadan Yuusuf, waxay cuqaashani, ku baaqeen in
arrintaas sida uu madaxweynuhu ku soo afjaray la raaco oo aan
laga dayin siyaasad iyo murano, isla markaana cidii kale ee
doonaysayna ay nasiibkooda qaadan
Kamiliya Shaxaata
Zaakhir, oo ah haweeneey uu qabay Tadros Samaan oo ah baadariga
kaniisada wadaadka Markus ee ku taal Mowas ee magaalada AlMinya
ee dalka Masar. Kamiliya oo 25 jir ah ayaa islaamnimada aqbashay
muddo hal sanno laga joogo laakiin se si qarsoodi ah diinta ugu
jirtay. Waxay dhigtay xaflad ay ku shaacinayso inay Muslimad
noqotay, ka dibna way soo baxsatay iyadoo la soo xidhiidhay
ehelka Sheekh Masri ah oo lagu naaneyso Abuu Yaxya.
3 Cunid ama Cabbid
Bareer Ah (oo si u kas ah loo sameeyay): Waxa u daliil ah
Qowlkii Ilaahey (S W) “Cuna oo cabba ilaa khayd cad iyo ka
madoobi kala baxayaan), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal
dhaca). Al-Baqarah, aayadda 187.Aayaddani waxay caddeyneysaa in
cunnidda iyo cabbiddu ay soonka jebiyaan, waxana arrintaan lagu
gaar yeelay qofka u sameeya si badheedh ah (ula kac). Qofku
haddii uu wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’
ah u sameeyay, ama lagu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama
burayo.
“Nimanka I Soo
Weeraray Waxay Ahaayeen 8 Nin, Saacaduna Waxay Ahayd (6:00)
Anigoo Afurkii Ku Sii Socda Ayuu Weeraku Igu Qabsaday Istaanka
Basas-Ka Kililka Ee Suuqa, Waxayna Ahaayeen Dadkii Tuugta Ahaa
Ee La Soo Daayey”C/rashiid
Beergeel
Hargeysa, August 27,
2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa C/rashiid
Beer-Geel ayaa abaaro Lixdii Maqribnimo ee shalay lagu lagu soo
qaaday weerar Tooriyo loogu talo galay in lagu dilo, kadib
markii sida uu sheegay Guddoomiyuhu isaga oo gaadhigiisa wata,
Cafiskii
Madaxweynuhu ku sii daayey maxaabiista ayaa waxa ay ummadda u
horseeday cabsi iyo fiid carow, kadib markii habeenadan ugu
dambeeyey tuug ku gaashaaman mindiyo dhaadheer iyo baangado ay
halis galiyeen nafaha dadka wakhtiyada dambe iyo fiidadowgaba ka
sii caraaba suuqyada ay ka raadsadaan quutal daruuriga oo ay
meelo dhexe iyo suuqa badhtamahiisa-ba kaga soo baxaan ragaasi
dhawaanta la soo daaeyey oo ay ka mid yihiin Tuug waaweyn oo
caan ah.Tolow dawladdan cusub ee laashay guddidii nabadgelyada ee Tuugta
xukunka degdega ah u jaraysay, hadana ka seexatay amaankii
ummadda, malaha xagga tuuug la dagaalanka tii Riyaale ayaaba la
xasuusan oo la mahadin doonaa.
Hargeysa, August 27,
2010 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
Sillaanyo ayaa Shalay ku dhawaaqay Qaybtii labaad ee
xukuumaddiisa, kaas oo magacaabay in ka badan 35 xubnood oo
isugu jira Agaasimeyaal iyo Xilal kale.Sidaana waxa lagu sheegay
Waraxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaas oo uu ku saxeexnaa
Afhayeenka Madaxtooyadu C/laahi Cukuse.Warsaxaafadeedkaasina
waxa uu u qornaa sidan:
Hargeysa, August 27,
2010 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyada Somaliland, Eng. Maxamed
Xaashi Cilmi ayaa sheegay in guddidii loo saaray dayntii
Wasiirkii hore Ee maaliyada Mr. Cawil uu sheegay in lagu
leeyahay Wasaarada Maaliyada ay soo celiyeen, isla markaana
aanay ahayn arin dhamaatay.
Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay in isbedelka ku yimid
lacagta doolarka ay tahay wax caadi ah oo mar marka qaar marna
kor u kaco marna hoos u dhac ku yimaado.
Faraqa qudha ee yimid
waa gacmaha oo isbadalay. waxa ay arintani si cad u muuqatay,
markii uu qalalaase lagaga soo horjeedo Muslimiintu ka dhacay
magaalada Caligarah iyo magalooyinka kale ee Hindiya ku yaal,
halkaas oo muslimiin badan oo aan dambi lahayn lagu laayay.
Nehroo oo ah nin bilaa diin ah, si adagna u aaminsan
hantiwadaagu, waxa uu raacaa hababka maadiga ku dhisan sida
madaxdiisii hore ee isticmaarka. Kama laabto in uu ku isticmaalo
cadaadis la mid ah kii uu Ingriisku dadka Hindiya ku hayn jiray.
Koobka horyaalka
qaarada Yurub ee UEFA Champions League ciyaarihiisa sanadada
2010-11 ayaa guruub yadiisa ayaa waxa la shaaciyay xalay. Koobka
ugu xiisha badan koobabka kooxaha caalamka oo lagu tilamaano
horyaalka kooxha yurub Ee ChampionkaXalay sidii uu ku caanka
ahaa loo kala qaybshay 8guruubHadaba Group ugu horeeya ee A waxa
iksu haleeli doona kooxaha Werder Bremen, Tottenham Hotspur, iyo
Twente. Ciyaaraha horyaalka kooxaha qaarada yurub guruubyada loo
kala qaybiyay sanadkan ayaa ah sidan:
Muftiga caan ah oo si
weyn looga yaqaano Imaarada Dubai oo lagu magacaabo Dr Ahmad
al-Haddad, iyo Qaar ka mid ah Aqoonyahaynka u dhashay dalka
Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqay in ragga u dhashay
Imaaraadka Carabta laga mamnuuco in guursadaan haweenka
Ajaanibka ah ee dalkooda ku nool si ay u sii korodho lacagta ku
baxda guurka lamaanayaasha is guursada ee u dhashay dalkooda oo
lagu qiyaaso in ka badan $490,000 Cdn..
Dawaladda
Boqortooyqdda Saudi Arabia Ayaa si rasmi ah ugu dhawaaday in ay
wado qorshe ay ku dhisayso magaalo cusub oo aan hore u jirin oo
loogu talo galay dadka Xujaajta ah ee imanaya Xajka oo ay ku
bixi doonto lacag gaadhaysa Siddeed Bilyan Oo Dollarka
Maraykanka ah sidaana waxa sheegay Wasiir ku xigeenka Dawladaha
Hoose iyo Horumarinta Miyiga ee Saudi Arabia.
Wasiir ku xigeenku waxa sheegay in magaaladan cusub ee
hirgalinta dhismaheeda la qorsheeyay in loogu talo galay in laga
dhiso guryo loogu talo galay in ay seexdaan Xujaajta u imanaysa
gudashada Xajka,
Aabo Axmed Muxumed Nuur, Iyo Hooyo Mulki
Xaashi Muuse Iyo Caruurtooda Oo Kala Ah, Khadra Axmed Iyo Caruurteeda,
Deeqa Axmed Iyo Caruurteeda, C/Risaaq Axmed Iyo Xaaskiisa, Caadil Axmed
Iyo Xaaskiisa, Naasir Axmed Iyo Xaaskiisa, Muuna Axmed , Ugbaad Axmed,
Maxamed Axmed, Mumtaaz Axmed Dhamaan dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo
Bogaadin Udirayaan Meherka
Mustafe Sh.C/Raxmaan Sh.C/Laahi (Gargaar) Iyo Shugri Sh.Maxamed Sh.Axmed
Oo 08/082010 meherkoodu ka dhacay magaalada hargeisa HOTEL MANSOOR
waxaanu leenahay reerkii lagu nastee nagu negaado awlaad saalixa kala
hela AAAMMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN
Iyo
Shugri Sh.Maxamed Sh.Axmed
Oo 08/082010 meherkoodu ka dhacay magaalada hargeisa HOTEL MANSOOR
waxaanu leenahay reerkii lagu nastee nagu negaado awlaad saalixa kala
hela AAAMMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN Aamiin……………………Aamiin……………….
Iyo Shugri
Sh.Maxamed Sh.Axmed
Oo 08/082010 meherkoodu ka dhacay magaalada hargeisa HOTEL MANSOOR
waxaanu leenahay reerkii lagu nastee nagu negaado awlaad saalixa kala
hela AAAMMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN
Aamiin…… Aamiin…… Aamiin…… Aamiin…