Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1803 Aug.10, 2008

Qado Sharaf Kulmisay Muxaafid Iyo Mucaarid Oo Ka Dhacday Hargeysa

Baarlamaanka Somaliland Ma Yahay Gole Ay Ku Hungoobeen Shacbigii Soo Doortay?
Maxamed Cumar, Haatuf Staff  

$10 Oo Ay Maaliyaddu Ku Darsatay Tacriifadda Oo Sababay In Toddobaadkii U Dambeeyey 30,000 Oo Geel Ahi Bilaa Cashuur Ku Galaan Djibouti

Xukuumadda Oo Guddoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Komishanka Ku Eedaysay Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Shabaab Iyo Xubno Cusub Oo Burco Laga Soo Xidhay

Diyaaradaha Dagaalka Ee Ruushka Oo Duqeeyay Magaalooyin Georgia Ka Mid Ah 

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Iyo Mudaneyaasha Wakiilada Oo Maryo Dhiigle Ku Kala Furtay Heshiiska Ay Xukuumaddu La Gashay Al-Jaabiri

Guurtida Oo Guddi U Saartay Xeer Riyaale Awood U Siinaya Inuu Dhismeyaasha Iyo Dhulka Danta Guud Iibin Karo

Kooxo Budhcad Ah Oo Nin Soomaali Ah Ku Dilay Koonfur Afrika 

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baaq Gaar Ahaan Ugu Socda Ciidamada Qaranka Somaliland

Halkani Waa Hargeysa  

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Shirweynaha Gar-Adag Oo Go’aamo Iyo Baaqyo, Maantana La Soo Geba-gabeynay

 

“Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aamin sanyahay Ilaalinta Jiritaanka iyo Madax-banaanida Somaliland”

Gar’adag, August 17, 2008 (Haatuf) – Shirweynaha Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo) uga socday magaalada Gar’adag ee Gobolka Sanaag ayaa shalay la soo gebagabeeyay waxaana halkaas laga soo saaray baaq iyo go’aamo ka soo baxay arrimihii shirku ka hadlay muddadii uu socday, iyadoo la filayo in maanta si rasmi ah looga akhriyo baaqyada iyo go’aamada Shirka xaflad ballaadhan oo loo samaynayo xidhitaanka shirka.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Ducaale, shirkan oo si rasmi ah u furmay 26kii bishii hore ee July, waxaa shalay laga akhriyey go’aamo iyo baaqyo 18 qodob ah, kuwaas oo 10 ka mid ahi ay yihiin kuwo gaar u ah beesha iyo danaheeda, halka 8-da  qodob ee kale ay yihiin kuwo caam ah oo loogu tala-galay warbaahinta iyo.

Baaqa iyo Go’aamada Shirka oo uu ku saxeexan yahay  Shir-gudoonka Shirka Iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan C/Laahi Suldaan Cali Muuse ayaa waxa ay u dhignaayeen Sidan:

1. Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aamin sanyahay Ilaalinta Jiritaanka iyo Madax-banaanida Somaliland, waxana uu Beesha Caalamka, Ururada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, ugu Baaqayaa inay qadderiyaan rabitaanka Shacbiga Somaliland oo ah aqoonsiga Madax-banaanid Somaliland,.

2. Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahayna ilaalinta Nabadgelyada Somaliland in ay muhiim tahay.

3. Shirku waxa uu Beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta Nabada Iyo Nabad-ku-wada noolaanshaha iyo sidoo kale deris-wanaag in lagu wada noolaado.

4. Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baaqayaa Nabad-ku-wada noolaanshaha oo uu aaminsan yahay in ay qayb ka tahay deris wanaaga.

5. Shirku waxa uu canbaaraynayaa dhamaanba falalka argagixiso, Afduub, Jidhdil iyo Dhamaanba Xadgudubada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha oo dhan, cid-kasta oo ku kacda.
6. Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhamaanba xadgudubyada lagu hayo Suuqa Xoolaha Somaliland oo Dastuurku ka dhigaayo mid madax-banaan, Sidaas daraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in ay faraha kala baxdo Suuqa Xoolaha, oo laf dhabar u aha hanaanka dhaqan dhaqaale ee dalka.

7. Shirku waxa uu walaacweyn ka qabaa nidaamka Diwaangelinta Doorashooyinka soo socda, gaar ahaan Qodobada odhanaaya “Codbixiyuhu-waxa uu ka codayn karaa oo keli ah goobta uu iska diiwaangeliyey”. Waxana uu ka codsanayaa Golayaasha Sharcidejinta inay wax ka beddelaan qodobadaas, isla markaana xeerarka dalka la waafajiyo hab-dhaqanka iyo duruufaha dadka reer guuraaga ah.

8. Shirku waxa uu Xukuumada ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagta Giinbaarta ah ee laga qaato gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo isugu jira Kuwo been abuur ah iyo lacagtii Somaliya ee gabowday.

Sida warar shirkaas ku dhowdhowi ay sheegeen Riyaale iyo xukuumaddiisa oo xafladda xidhitaan shirkaas lagu marti-qaaday ayaa diiday inay ka qaybgalaan.



 


Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo Sheegay Inuu Murashax U Yahay Tartanka Mansabka Madaxweynenimo Ee Xisbiga Kulmiye Gudihiisa

Hargeysa, August 17, 2008 (Haatuf) – Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiilada JSL, isla markan xubinka ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa shaca ka qaaday inuu u taagan yahay loolanka jagada jagada madaxweynenimada ee xisbig Kulmiye dhexdiisa ee lagu dooran doono kalfadhiga Golaha dhexe ee xisbiga oo qabsoomi doona 23 bishan aynu ku guda jiro kuna qabsoomi doona magaalada Burco.

Xildhibaan Maxamed Cali oo maanta la filayo inuu warbaahinta kusoo bandhigi doono damaciisa, siyaasadeed ee kuwajahan tartanka madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa inta la ogyahay ilaa hada waxa uu jagadaasi kula loolami doonaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu ahaa Murashaxa keliya ee jagadasi u taagnaa ka hor intii aanu Xildhibaanku daaha ka rogin Damaciisan uu ku doonayo inuu ku tartamo jagada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye Gudihiisa, waxanay taasi noqonaysaa markii ugu horeysay ee gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed-Siilaanyo lagula tartamo hoganka xisbiga tan iyo markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye Sanadii 2002-dii.

Xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa inuu dabayaqada bishan Augost doorto murashaxiinta xisbiga kulmiye uga qaybqaadandoonta loolanka doorashada Madaxtinimada Dalka ee ku mudaysan inay dalka ka qabsoonto 29-ka Bisha March ee Sanadka danbe.
 


Xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Oo Golaha Guurtida Khilaaf Weyn Ka Dhex Abuuray

C/Laahi Dheere Iyo C/Qaadir Indho Oo Inqilaabay Wax Ka Badelka Xeerka Xuquuqal Iinsaanka

Hargeysa, August 17, 2008 (Haatuf) – Fadhigii shalay ee golaha guurtida oo la filayey in guddida shuruucdu ay golaha soo hor dhigto xeerka komishanka xuquuqda aadamaha xeer Lr. 39/2008 oo ay golaha wakiiladu soo ansixiyeen balse xeerkaasi komishanka xuquuqda aadamaha ayaa waxa guddidaasi shuruucda ka maroorsaday gudida arimaha bulshada iyo xoghayaha golaha C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere), taas oo fadhigii shalay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada mudane C/qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo shirgudoonku ku soo dhaweeyey si xeerka Komishanka xuquuqda Aadamaha ay golaha warbixin uga siiyaan ayaa waxa dhacday in warbixintii uu jeedinayey ay mudaneyaasha goluhu qaylo iyo sawaxan kala hor yimaadeen iyagoo saluugay habka uu warbixinta u jeedinayey iyo gudidii xaqa u lahayd ee shuruucda oo iyaguna ku dooday in wax ka badalkii xeerkaasi ay soo diyaariyeen, isla markaana sheegay in gudidoodu ay sharci u leedahay daraasaynta iyo naaqishaada xeerkaasi.

Fadhiga shalay oo uu gudoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo madasha fadhiga uu khilaaf weyni ka dhex abuuray cida awooda u leh wax ka badalka xeerka komishanka xuquuqul iinsaanka taasoo markii Gudoomiyaha gudida arimaha Bulshadu Md. C/qaadir Indho shirgudoonka ku soo dhaweeyey si uu warbixinta xeerkaasi golaha uga jeediyo ayaa waxa isla markiiba hadalo ku lid ah warbixintaasi kala hor yimid gudoomiye ku xigeenka guddida shuruucda Md. C/raxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) oo isagu ku dooday in xeerkaasi komishanka xuquuqda Aadamaha ee golaha wakiilada ka soo gudbay ay iyagu u lahaayeen awooda wax ka badalka iyo naaqishaada, sidaa darteedna ku dooday in aanay gudida arimaha Bulshadu awood sharci aanay u lahayn warbixinta xeerkaasi balse shirgudoonka ayaa gaashaanka ku dhuftay soo jeedinta gudida shuruucda isla markaana ku adkaystay in gudoomiyaha gudida arimaha bulshadu warbixinta xeerkaasi golaha ka jeediyo.

Hasa yeeshee gudoomiyaha guddida arimaha bushada ayaa sheegay inaan warbixinta xeerkaasi wali u dhamaystirnayn balse muddada loo kordhiyo, balse warbixin kooban oo uu golaha ka jeediyey ayaa waxa uu goluhu ka dhex abuuray Buuq iyo qaylo ay kaga soo hor jeedaan warbixintaasi taas oo markii dambe shirgudoonku ka joojiyey hadalka, markii mudaneyaashu ku qayliyeen.

Khilaafka xeerka komishanka xuquuqal iinsaanka ee guddiyada arimaha bulshada iyo shuruucda ka dhex abuurmay ayaa la sheegayaa inuu sabab u yahay qodobka 10-aad ee xeerka oo dhigaya habka xulista xubnaha komishanka taas oo laba xubnood oo golaha guurtida ka socda ay ka qayb galayaan xubnaha komishanka xuquuqal iinsaanka taas oo ay sida ilo xogogaal ahi noo sheegeen ay guddida arimaha bulshada iyo xoghayaha golaha guurtida C/laahi Dheere ay damacsanyihiin sidii labadaa xubnood ay uga soo dhigi lahaayeen shakhsiyaad ka madax-banaan golaha guurtida taas oo sida guddida shuruucda ay ku doodaysana ay rabaan sidii labadaa xubnood ee komishanka qaranka looga dhigi lahaa laba xubnood oo gudida shuruucda iyo xuquuqal iinsaanka golaha guurtida ka socda, waxaanay tibaaxuhu sheegayaan in taa ujeedadeedu tahay damaca gudida arimaha bulshada iyo C/laahi Dheere ay ku inqilaabeen wax ka badalka iyo gacan ku haynta xeerka komishanka xuquuqal iinsaanka oo golaha guurtida muddo dheer hor yaalay taas oo ay isbaaro hor dhigteen sidii xeerkaasi golaha uu u hor iman lahaa.


Mashruuca Rajada Oo Soo Qaban Qaabiyey Sidii Wax Looga Gaysan Lahaa Dugsi La Doonayo In Loo Dhiso Carruurta Naafada Ah

 

Hargeysa, August 17, 2008, (Haatuf) - waxaa xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo qaadhaan loogu ururinaayey dugsi loogu tallogalay caruurta Naafada ah ee ku dhaqan wadankeena, Xafladan oo loogu magacdaray mashruuca rajada ayaa lagu qabtay hoolka Casalama Welding Holl ee magaalada hargeysa.

Dugsigan oo loogu tallogalay caruurta baahiyaha gaar ah qabta ayaa waxa uu la mataano yahay dugsi ka jira dalka Canada oo la yidhaah Sunny View Public School of Toronto, Canada.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Cali/fu’aad oo ka tirsan hawl-wadeenadas ururka ka shaqayn doona caruurta naafada ah, kuwaas oo loo samayn doono dugsi ay waxka bartaan isla markaana ay u hoydaa, waxaanu ka sheekeeyey sidii ay ku bilowday, isagoo sheegay in guddoomiyaha mashruuca rajada uu fikirkan hindisay, isagoo arintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “ Suhuur waxay ka shaqaysaa cisbitaal daryeelaha caruurta masaxda ka naafada ah ee Toronto, markaasay fikir ku dhashay oo ah in ay wadankeeda ka samayso goob lagu daryeelo caruurta naafada ah, ka dib 2005 ayey halkan timid, fikradan ay wado anagu aad yaan ula yaabanyd oo waxaanu aaminsanayn in aanu halkan ka socon karin,balse hawshii kamay daalin oo halkii ayey ka waday, mar labaad kii ayey noo sheegtay in dugsi ka jira Canada uu  gacanta ku hayn doono oo qalabka iyo hawsha wadi doonaan maamulka dugsi ku yaal dalka Canada, aad ayaan ula yaabnay, markaas waxay noo sheegtay in ay doonayso in dawladu ay dhul ay ka dhisto dugsiga wax lagu barayo naafada la siiyo, sidaasayna dawladu ku siisay dhul.

Imika waxaa xubno ka ah 500 oo qof oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dawlada Canada oo doonaya in ay hawshaa gacan libaax ka qaataan”

Waxaa kale oo isna halkaas ka hadlay wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim ( Cali Sanyare) waxaanu aad ugu mahad naqay doorka ay ka qaateen hawshan iyo siday u rabeen inay uga midho dhaliyaan, waxaanu sheegay in bariga ay timid uu xilka ku cusbaa, balse uu si fiican usoo dhoweeyey ,waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “ aad iyo aada yaan ugu mahad naqayaa guddoomiyaha mashruuca rajada iyo ku xigeenkeeda oo labadooduba kaalin weyn ka qaatay,  waxayna arintani ka taraysaa caruurteenan naafada ka ah maskaxda oo u baahan dugsigan oo kale,  waayo maanta caalamka waxaa la marayaa in uu qof waliba uu waxbarto, haduu naafo yahay iyo haddii aanu  ahayn waa in wax la baraa, dugsiyadan noocan oo kale ahi waxay u baahan yihiin qalab iyo in macalimiin si gaar ah loo tobabaro , manhajkoodu waa gaar, markaa aad ayaan ugu mahad naqayaa dugsigan casriga ah ee ay halkan ka hirgelinayaan, waxaan kale oo aan u mahadcelinayaa dhamaan dadkii reer Somaliland ee gacanta ka gaystay iyo masuuliyiinta reer Canada ee kaalinta weyn ka gaystay mashruuca rajada.

Waxaana leeyahay raguna ha ku daydaan hablahaa dadaalaya ee jecel inay wadankooda wax u qabtaan, waxaana farayaa hablahan dadaalkiina ha joojinina ee albaabkasta garaaca, haddii hore laydiin maqli waayo xoog u garaaca waanu yara dhago culusnee, dadaalkiina ha yaraysanina wax walba waad heli doontaana” ayuu ku soo xidhay wasiirka Qorshaynta Qaranku.

Sidoo kale waxa iyana ka hadashay wasiirka qoyska Faadumo Suudi oo sheegtay inay labada wasaaradood ee Qoyska iyo Waxbarashada inay ku hadlayso, iyadoo intaas ku dartay in labadooduba ay hawlo gender-ka ah ay kawada shaqeeyaan, isla markaana ay soo dhoweynaysa dugsigan loo samaynayo caruurta maskaxda wax ka qabta, waxayna aad ugu mahadnaqday dhamaan dadkii kaalinta ka geystay hawl gelinta dugsigan caruurta lagu barbaarinayo isla markaana wax lagu barayo, isla maraana wixii la tari karo la taro oo la garab qabto sidii uu dugsigani u looga shaqay siin lahaa.

Intaa ka dib waxaa iyaduna ka hadashay Guddoomiyha mashruuca rajada ( Projec Hope).

Suhuur Xasan Abiib waxayna sheegtay waxaa looga baahan yahay dugsigan iyo sida la rabo in looga faa’iidaysto, waxayna sheegtay in ay isku yimaadaan oo loo midoobo ururada iyo dadka wax ka geystaa caruurta maskaxda ka jiran, taasina ay keeni karto in si weyn loogu warhayo ubadkeena maskaxda naafada ka ahi, waxaana ka  mid ahaa hadalkeeda “ aad ayaan ugu mahadnaqayaa dadka halkan iskugu yimid iyo kuwo ka maqan ba, waana in loo mideebo oo dadka ka shaqeeya arimahan iyo ururada daneeyaba waa inaynu isku biirnaa sidii caruurteena wax loogu qaban lahaa, isla markaana  waa in uu qof walba oo naafo ahi uu wax bartaa, dadka aan haysan meelo ay seexdaana waa inay dugsiga kafaalo qaado, waxaa jira caruur badan oo doonaysa in ay waxbartaan balse aan haysan awoodii uu wax ku baran lahaa, maadaama oo dugsiyadeenii inta badan ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay sidaas darteed caruurta aan awoodin inay meelaha gaar ah wax ka bartaan waa in aynu waxbarnaa, qof kasta oo wax ka gaysanayan waanu soo dhaweynaynaa” ayey ku soo xidhay guddoomiyaha mashruuca rajada.

Intaa ka dibna waxa isna magaca shirkada MSG ku hadlay Cabdirisaaq Ismaaciil waxaanu sheegey in ay horaba u caawin jireen isla markaana ay kaalin ka qaataan horumarka dalka, waxaanu intaa ku daray in uu kaalin mugleh ka qaadan doono shirkada MSG, waxaanu halkii ku balan qaaday $5000 oo dollarka maraykanka ah inuu ugu deeqayo dugsigan.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax.

Intaa ka dibna waxaa xaflada lagu soo bandhigay film Documentary ah oo ka waramaya marxaladihii uu soo maray dugsigan hada la wado ee curuurta maskaxd ka jiran loogu tallo galay, waxaanu ka sheegeeyey sida la rabo in loo daryeelo caruurta maskaxda ka jiran, iyo waliba sida dugsigan ka jira Canada ee ay isku magaca yihiin caruurta dhigataa siday yihiin iyo caruurteena naafada ka ah maskaxda ee wadankeena joogaa siday u tabaalaysan yihiin

Shirkada Dahabshiil Oo Shaqaaleheeda Gobolada Bariga Tababar Uga Furtay Burco

Burco, August 17, 2008 (Haatuf) – Shirkada Dahabshiil ayaa shaqalaheeda gobolada bariga tababar uga furtaya magaalada Burco, tababarkan oo hal malin soconaya ayaa waxa ka soo qaybgalay dhaaman shaqalaha gobolada Togdheer, Sool. Sanaag iyo deeganada hoos yimada goboladaas waxana u malinti jimcii uga furmay huteelka City Plaza ee magaalada Burco.

Mulkiilaha shirkada Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo tababarkaas u xidhay shaqalahisa ayaa ka waramay qorsha soo socda ee shirkadiisa waxana uu shegay in ay shiirkadu hada ku hawlantahay dhismaha bangi cusub oo calamiya isla markana ay adegyada shiirkada ku gadhsiin doonto dadyowga kale ee aan somalida ahayn ee dafaha aduunyada.mr D-shiil waxa uu xusay in uu iyana dhowaan furi doono shiirkad ay tan walalo yihin oo tilifoono casriya iyada oo u baladhinayo casriyayna shirkada tilifoonada ee Somtel.waxana uu ku nuuxnuxsaday in uu isku hawlo mar walba siidi uu ku horu marinlaha una wanajin laha adeega shiirkadisa ka dheexeya macamiishisa dalka dononba ha ahadene. isla markana uu ku dalili doono wixii u dadkisa kala qaban karo dhinaca horumarta danta guud.

Ugu danbayn waxa uu mahadnaq baladhan u soo jediyay shaqalaha shiirkada ee gobolada bariga
Xasan Maxamed Jaamac (xasan-xiis) madaxa suuq gaynta ee shiirkada dahabshiil oo ka mid ahaa sarakiisha tababarka bixinaysay ayaa sheegay in tababrkan oo ah kii labad ee nocisa ah ee ay shiirkadu shaqalaheeda u qabato ay uga gol leyihin tayaynta shaqalahooda isla markaan uu socon doono waxana uu inta ku daray in tababrkani ka koobanyahay 3 qaybood oo ay ta hore tahay siidi loo hagajin laha xidhiidhka shaqalaha shiirkada iyo macamiilka shiirkada, ta labad in sii wanagsan loo ilaliyo lacagta macamiilka, iyo ta sadexad oo ah siidi loo baladhin laha adega bangiyada oo u shegay in ay lagama maar mantayhay mar walba in ay shiirkadu la jaanqado casri kasta oo marka joga taasina ay tahay mid uu maamulka shiirkadu ku hawlanyahay,

Maxamed Yuusuf Axmed oo ah mareyaha gobolka Togdheer ee shirkada ayaa isaguna halka ka jeediyay helmado soo dhowayn ah oo u ku soo dhowaynayo shaqalaha shiirkada ee gobolkisa u martida ah oo isaga yimi meelo kala durgsan taas oo u ku amanay siida wacan ee ay waqtiga ugu soo hureen taragan dheer ee ay soo mareen. tababarkan ayaa waxa u ahaa mid shaqalaha shiirkada ee gobollada bariga u socday hal malin iyada oo kii kan ka horeyayna 20/7/2008 lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Shirka Djibouti Uga Socday Kooxaha Somalia Oo Dib U Furmay

Djibouti, August 17, 2008 (W.Wararka) – Waxaa dib uga furmay Magaalada Djibouti shirkii Dibu heshiisiineed ee u dhexeeyey dawladda Mbagathi iyo Isbahaysiga dib u xoreynta ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah wajigii labaad ee lagu doonayo in lagu sii ambaqaado heshiiskii bishii June ee sanadkan ay magaalada Jabuuti ku kala saxeexdeen dowladda Mbagathi iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa guddiyo ay soo dirsadeen dowladda Mbagathi iyo kooxaha mucaaridka ahi ee ka dagaalama magaalada muqdisho qaar ka mid ah.

Waxaa furitaanka shirkaasi goob joog ka ahaa diblomaasiyiin ajnabiya oo isugu jira Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo ururo kale oo Caalami ah.

Mas’uuliyiintii kulankaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa wasiirka diinta iyo Awqaafta ee Djibouti Axmed Cabdulaahi Suldaan oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu ku wacyi gelinayay siyaasiyiinta Soomaalida, iyo baahida loo qabo inay u jajabnaadaan dib u heshiisiinta iyo sidii shacabka dhibaatada soo gaadhaysa looga samatabixin lahaa si loo gaadho xal waara oo ay Somalia ku xasisho.

Somaliya waxaa muddo 18 sanadooda ka socday dagaalo ba’an oo barakiciyey kumanaan qof, dagaaladan ayaa kuwii ugu ba’naa ay ka socdaan Somalia iyadoo ay ciidamada itoobiyana halkaa ay ka gaysteen tacadiyo fool xun sida ay sheegaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha.

 

 



C/Laahi Yuusuf Oo La Kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa, August 17, 2008 (W. Wararka) – Madaxweynaha Dawlada Mbagathi C/laahi Yuusuf ayaa la kulmay Ra,iisal wasaaraha dalka Itoobiya Males Zenawi halkaas oo la sheegay inay Dawlada Itoobiya ugu yeedhay isaga iyo Ra,iisal wasaarihiisa oo khilaaf weyni soo kala dhexgalay.

Kulankan ay yeesheen labada masuul ayaa waxa uu ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow labadaasi masuul, kuwaas oo ka wada hadlaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka cakiran ee u dhaxeeya C/laahi Yuusuf iyo Raysal wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde,hase yeeshee lama oga waxa ka soo baxay kulankaasi ilaa hadda waxaade la filayaa inuu Zenawi kulan la yeelan doono Ra,iisal wasaaraha xukuumada Mbagathi oo isaguna halkaas jooga.

Madaxweynaha Somalia iyo raysal wasaarihiisa oo Itoobiya ujooga sidii ay u dhexdhexaadin lahayd, ka dib markii uu soo kala dhex galay khilaaf ba’an oo ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiya gobolka Banaadir Maxamed-Dheere ee dhawaan uu Ra’iisal wasaare Nuur Cadde xilka ka qaaday.

Khilaafkan C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa gaadhay todobaadkii u dambeeyey halkii ugu saraysay iyadoo ay mudaneyaasha baarlamaanka ee Mbagahti ay diyaariyeen Mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado, taas oo ay mudaneyaasha baarlamaankaasi ku kala jabeen arinta xilka lagaga qaadayo Raysal wasaare Nuur Cadde.

Dadka sida weyn ula socda khilaafka u dhaxeeya labada masuul ee ugu sareeya xukuumadda Mbagaati ayaa sheegay inay arinta khilaafka ee u dhexeeya C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ay ka dhalatay Heshiiska uu Nuur Cadde usoo bandhigay kooxaha mucaaridka ee dib u xoreynta oo hadda heshiiskii ay labada bilood ka hor Djibouti ku gaadheen,kaas oo hadda lagu sii ambaqaadayo oo uu Madaxweyne C/laahi Yuusuf aanu taageersanayn qaabka wax loo wado.

 


Makhaayado Iyo Dukaamo Ku Yaala Boosaaso Oo Dabqabsaday

Boosaaso, August 17, 2008 (W. Wararka) – Makhaayado kuwa lagu qayilo a iyo dukaamo intooda badani ka samaysnaayeen buulal yaryar oo ah kuwa lagu qayilo ayaa uu dab qabsaday ka dib markii uu dab ka kacay mid ka mid ah makhaayadahaa loo yaqaano dabakaayooyinka.

Goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa wakhtigii uu dabkaasi ka kacayey halkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dabkan kacay uu caawiyey dabaylo halkaasi ka jiray iyo dabakaayooyinkan oo ka samaysnaa walxo u nugul gubashada.

kooxaha dabdamiska ee dowladda Hoose ayaa ku guuleystay dabkaasi inuusan ku sii fidin xaafado dhowr ah.

Laakiin dad badan ayaa rumeysan kicitaanka dabkaasi oo ku soo beegmay dabeyl aan waqtigaasi dhacaynin awgeed inuu u soo koobmay tirada guryaha uu gubay.

Ilaa iyo haddana lama sheegin inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay dabkaasi, waa markii ugu horeysay ee sanadkan uu badhtamaha magaalada Boosaaso dab ka kaco.


 

 


Maamulka Puntland Oo Mamnuucay Ololaha Dadka Isu-Sharaxay Madaxtinimada Warbaahintana Ku Amray Inaanay Soo Gudbin Karin Warkooda

Boosaaso, August 17, 2008(W. Wararka) Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo baahinta ololaha musharxiinta isu soo taageysa xilka madaxtinimada Puntland, xilli uu hore u soo baxay amar musharixiinta loogu sheegayo inay ololohooda bilaabaan bisha November.

Guddoomiyaha gobolkan Bari Dr. Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) oo maanta ka hadlay furitaanka siminaar uu Ururka NUSOJ magaaladan Boosaaso uga furay suxufiyiin ka hawlgasha magaaladan Bosaaso ayuu ku wargeliyay madaxda Idaacadaha oo goob joog ay ka ahaayeen furitaanka siminaarkaasi in aanay tagi karin goobaha lagu qabto shirarka jaraa’id iyo ololaha madaxtinimada Puntland.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in musharixiinta loo gudbiyay waraaqo wargelin ah, waxayna dib u bilaabi karaan ololohooda marka la gaadho bisha November.

Wareegtadii ugu horeysay ee Cadde Muuse uu ka soo saaray ololaha doorashooyinka waxay soo baxday 6-dii bishan, balse amarkaasi ka dib waxaa Boosaaso soo gaadhay ilaa labo musharrax oo ka ololeeyey magaaladan Boosaaso.

Waxaana hadda magaalada Boosaaso ka socda Olole uu sameynayo mid ka mid ah musharixiinta madaxtinimada Puntland kaas oo sheegay in ilaa todobaadkan uu olole sameyn doono.

 


 


Bush Oo Ugu Baaqay Ruushka Inuu Dhammaaday Dagaalkii Qaboobaa

Washington, August 17, 2008 (W. Wararka) - Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush ayaa ugu baaqay dalka Ruushka in uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa, bush waxa uu hadalkaasi sheegay mar uu magaalada washington ugu waramayey suxufiyiinta..

Bush ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in qaaradda Yurub ay ahayd qaarada ay dadkeedu is dilijireen, soona mareen dagaalo qadhaadh oo taariikhda adduunka ku xardhan, balse wakhtigan ay dadka ku nool qaaradan Yurub ay ahaayeen qaarad markii ugu horeysay dadkeedu si xor ah ay isaga kala gudbaan.

Dhinaca kale bush waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay in Ruushku wakhtigan dimoqraadiyadda iyo xorriyadda sii baahaysa inay liddi ku noqdaan, laakiin waxaa haboon ayuu yidhi in Ruushka uu ogaado kuwada noolaanshaha xorriyadda inay ku jirto danta dhinac walba.

“Horumar dhaqaale iyo mid nabadgelyoba waxaa lagu gaadhi karaa marka la helo xorriyad iyo Dimoqraadiyad” ayuu yidhi Bush.

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa mar kale ku celiyay Ruushka inuu si deg deg ah uga saaro ciidankiisa dalka Georgia.

Dagaal Culus Oo Ku Dhaxmaray Beledweyne Ciidamada Itoobiya Iyo Xoogaga Maxkamdaha

Baladweyne, August 17, 2008 (W.Wararka ) In ka badan 11 Ruux ayaa ku dhintay dagaal culus oo ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Xoogagii Maxkamadaha iyo Ciidanka Itoobiya maalintii shalay magaalada Beledweyne ee badhtamaha Somaaliya.

Dadkan oo u badan kuwo Rayid ah ayaa qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanku ugu galeen goobo Ganacsi iyo guryo ay ku jireen, halka kuwa kalena rasaastu ugu tagtay meelo kala duwan oo ka mid ah Magaalada.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Maxkamadaha ayaa la sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay kaga geeriyoodeen 4 Askari halka 3 kalana uu dhaawac ka soo gaadhay dagaalkaas.

Dagaalka ayaa sidoo kale saameyn muuqata ku yeeshay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka, waxaana xidhmay dhamaanba goobihii Ganacsiga Magaalada taas oo keentay in xataa ay dadku waayo goobo ay ka dukaameystaan.

Dagaalkan shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo socday Shan Sacadood oo xidhiidh ah ayaa ku soo beegmay xilli maalmo ka hor ay soo guryo noqdeen dadkii ka barakacay dagaalkii hore ugu dhexmaray isla gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Maxkamadaha, waxaanu sababay inay dad badani dib u qaxaan, kuwaas oo ay u suurta gali weyday inay guryahoodii ka qaataan wax alaabo ah.

 

Boorama: Shirkadda Telcom Oo Soo Saartay Magacyada 66 Qof Oo Ku Guuleystay Abaalmarinno Ay Ku Heleen Nasiibkooda

Boorama, August 17, 2008 (Haatuf) - Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh C/laahi Cige ayaa shalay ka qaybgalay munaasabad shirkadda isgaadhsiinta TELCOM ay ku guddoonsiisay cidda ku guulaysatay abaalmarino shirkaddu dadweynaha macaamiisheeda ahi nasiibkooda ku tijaabinayeen.

Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed, Shheekhal beledka Gobolka Awdal Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal kana mid ah salaadiinta gobolka, Maayarkuxigeenka Boorama Muumin Gadiid Cumar iyo marti sharaf kale.

Hadal lagu furay xafladdaasi oo uu ka hadlay madaxa waaxda Suuqgeynta Shirkada Telcom Khadar Cabdi Xuseen ayaa ugu horreyn waxa uu ka warramay waxa keenay in shirkaddu hawsha intaa leeg ee abaalmarinada kala duwan ah ay dadweynaha iyo macaamiisha ugu soo bandhigtay taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay ka mutaysteen shirkadda isla markaana dhaqaalaha shirkaddu ka hesho dadweynaha aanay iyadu isku koobine ay wax ka siiso dadweynaha macaamiisheeda ah.

Sidoo kale ayaa khadar Cabdi Xusen ka warramay dedaalka shirkaddu ka qaadato hawlaha horumarinta adeegyada dadweynaha iyo adeega isgaadhsiinta isagoo sheegay in Boorama ay tahay meeshii ugu horreysay ee shirkaddu ka taabo qaadday wakhti aanay isgaadhsiintan casriga ahi dhulka somaliland aanay ka jirin.

Sh. Cabdulaahi Sh.Cali Jawhar oo isna munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay sida shirakadda TELCOM u tahay hormoodka shirkadaha isgaadhsiinta maadaama iyada lagaga dayday adeegyada telefoonada ee wakhtigan jira, sidoo kale ayaa sheekhu ka warramay dedaalkii loo soo maray sidii isgaadhsiin casri ah dalka looga heli lahaa isla markaana TELCOM noqotay shirkadda keliya ee isku biimaysay maalgelinta hawshaasi.

Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud oo isna halkaasi Shalay khudbad ka jeediyey ayaa isna ka warramay waxa keenay horumarinta isgaadhsiinta Somaliland, isagoo tilmaamay in Telcom ahayd shirkaddii u horreysay ee dalka ama Boorama keentay telefoon casri ah oo waagaa lala yaabanaa, dadkuna teleefan u tegi jireen jig-jiga ama Jabuuti. Profeesarku waxa kale oo uu sheegay in horumarka cid uuni keento inta kalena ka daba qaadato, sidaa darteedna TELCOM ay tahay tan keentay ee laga daba qaatay.

Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal kana mid ah salaadiinta Awdal ayaa sidoo kale ka warramay horumarka ay gaadhay shirkadaasi iyo sida ay horumarka u gaadfhsiisay dadweynaha marka laga eego adeegyada ay u fidinayso, sidaa darteedna ay reer Boorama ka mudan tahay tixgelin gaar ah.

Xaaji Daahir Aw Cilmi kana mid ah odayaasha caanka ah ee Boorama ayaa sidoo kale ka warramay waxyaalo badan oo horumar ah oo Boorama ka bilowday kaddibna ku fiday dhulka Somaliland ama Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dawladda Somaliland gobannimadii Somaliland ee 1960kii, waxbarashadii Somaliland ee Maxamuud Axmed Cali Illaahay ha u naxariistee uu macallinnimadiisii ka bilaabay, iskaa wax u qabsada sidaas oo kalena ay Telcom Boorama ka bilowday hawsheedii Somalilandna ay u gaadhsiisay.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Maxamuud sh.C/laahi oo furay sanduuqii lagu riday waraaqihii lagu helayey abaalmarinada ayaa TELCOM ku hambalyeeyey horumarka dhinaca isgaadhsiinta ee ay u bilowday Somaliland.

Waxa shalay halkaasi lagu shaaciyey magacyada in ka badan 66 qof oo ku guuleystay abaalmarinada TELECOM, kuwaas oo laga soo ururiyey degaanada Wajaale iyo Boorama, waxaana kaalinta koowaad gashay gabadh dhallinyaro ah oo ku guuleysatay Gaadhi noociisu yahay Toyota Garande, halka kuwa kalena ay ku guuleysteen abaalmarinno isugu jiray Kombiyuutaro, telefoonada Moobilka ah oo noocyo kala duwan leh, kaadhadh ku shubashada teleefanada oo qiimahoodu u dhexeeyo 20 doollar ilaa 40 doollar, madaxyada teleefanada, iyo alaab kaleba.oo qaarkood qiimo sare joogaan.

 

Top