Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1825 | Septem 2008 | |
Xakamaynta shilinka Somaliland oo uu guddoomiyaha baanku nooga waramay waa arin sir ah wax ka bedelka iyo kaabista xeerarkana cidda dalban kartaa waa Hay’adda ku shaqaysa ee dabaqda.
Hay’ada Car Internatnional Oo Computer-ro Gudoonsiisay Todoba Suxufi Oo Soo Dhamaystay Tababar Ay Ku Soo Qaateen Niarobi
Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaale) ayaa shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay ka mid ahaanshihii xisbigaasi ka dib markii sida uu sheegay uu soo gaadhay xisbiga kala jab weyni, taas oo masuuliyadeeda uu keenay hogaanka sare ee xisbigu
|
Hargeysa, September 04,2008 (Haatuf)- Baskii dadka rakaabka ah siday ee uu habeen hore daadku ku qaaday dooxa magaalada Hargeysa ayaa shalay subax laga saaray goobtii uu ku qaracmay ee agagaarka dugsiga sare ee Faarax Oomaar iyadoo sidoo kalana goobtii gaadiidku ka talaabi jireen ee u baskaasi daadku ku qaaday ay maalintii shalay gaadiidkii marayey ay caqabad ku noqotay burburkii ay daadadka roobku soo gaadhsiiyeen jidkaa sida kumeel gaadhka ah ay gaadiidku u isticmaali jireen, taas oo dhiidhidii uu ka tagay daadkii xooga lahaa ee soo maray habeen hore ay gaadiidkii marayey xanibeen, taas oo gaadiid badani ay galeen dooxa dhexdiisa, kuwa kalana ay dirqi ku marayeen, iyagu habayaraatee aanay gaadiidka yar yari ee sida taagaasidu aanay maraynin balse ay ka soo wareegayeen bariishka weyn ee magaalada ee uu gaadiidku isticmaalo, gaadhigii baska ahaa ee uu habeen hore qaaday daadadkii xooga lahaa ee ka soo rogmaday Dooxa oo inta badan dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa laga soo badbaadiyey. inkastoo aan la xaqiijin in cidi wax ku noqotay daadkaasi iyo in cidkale oo Baskaasi la socotay uu la tagay Daadku, hadana waxay ilo xogogaal ahi sheegayaan in dhawr qof la’laayahay balse ilaa hadda wax xaqiijinaya lama hayo. Dhibaatadan muddooyinkan dambe ay daadadka soo mara dooxa magaaladu ay ku qaadaan Gaadiidka ayaa ka dhalatay ka dib Bariishkii labaad ee dunsan oo ay daadad xoog ahi dumiyeen muddo dhawr sanadood ka hor ah, taas oo dhisme cusub oo Biriish ah oo la doonayey in laga dhiso goobtii uu Biriishkaasi hore ka dumay ayaa inkasta oo guddi isku magacowday dhismaha Biriishkaasi cusubi ay lacago qaadhaan ah ka ururisay shacbiga isla markaana shirkad gaar ah dhismaha Biriishkaasi qandaraas lagu siiyey ayaa hadana ilaa wakhtigan xaadirka ah fari ka qodnayn dhismaha Biriishkaasi iyadoon isla markaana la garanayn waxyaabaha uu u xaniban yahay dhismihiisu, iyadoo shacbiga iyo gaadiidka labada daamood ee magaalada u kala gooshana ay dhibaato weyn ku hayaan daadadka ka soo rogmanaya dooxa oo inta badan kala xidha isu socodka gaadiidka labada daamood u kala baxa. Hargeys, September 04, 2008, (Haatuf)- “ xubnaha salaadiinta ah ee habeen hore nala kulmay waxay naga codsadeen inay goob joog ka noqdaan wada hadaladayada labada dhinac anaguna waxaanu ku nidhi naga raali ahaada labadayadii dhinac ee Burco ku soo wada-hadalnay uun baa wada hadlaya” sidaas waxaa yidhi mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo hogaamiye u ah garabka xisbiga KULMIYE ee ka biya diiday qaabkii shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ku qabsoomay Burco, kaas oo ahaa ka uu ka dhashay khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee KULMIYE. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxna kaga waydiinay kulankii habeen hore ay kooxda salaadiinta ahi garab kooda kula yeesheen magaalada Hargeysa. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa isagu noo sheegay in xubnaha salaadiinta ahi ay ugu soo bandhigeen hindise ay kaga codsanayaan in ay goob joog ka noqdaan wada hadalada labadooda garab ee xisbiga KULMIYE u kala qaybsan yahay, isagoo mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali ka hadlaya kulankaa ay salaadiinta wadayeesheena waxa uu yidhi “ xubnaha Salaadiinta iyo odoyada ah ee habeen hore kulanka noogu yimid waxay noo sheegeen inay doonayaan in wada hadaladayada wejiga labaad ee labada dhinaca ay goob joog ka ahaadaan, anaguna waxaanu salaadinta u sheegnay inay naga raali ahaadaan oo wada hadaladayada ay u dhexayn doonaan labadayada dhinac ee wajigii hore-na magaalada Burco ku soo wada hadlay, sidaas darteedna wada hadalada wajiga labaadna ay labadayada dhinac oo kaliya ay ku koobnaan doonaan, sidaas darteed waxaan u sheegnay salaadiintu wakhtigan xaadirka ah inay naga raali ahaadaan, waqtiga goobjooga la noqonayana aan wali la gaadhin sidaasi ayaanu ku kala tagnay salaadiinta iyo odayaashii noo yimid” Mar aanu waydiinay mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali in kulankoodi labada dhinac ee KULMIYE oo balantu ahayd inuu dhaco xalay uu qabsoomayo iyo in kale waxa uu yidhi “ kulankayagii labada dhinac ee wejiga labaad caawa ma qabsoomayo oo dib buu u dhacaya” Dhinaca kale waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in wada hadaladii wejiga labaad ee labada dhinac ee xisbiga KULMIYE ay si ka fool ka fool ah isugu soo horfadhiisan doonaan kulan caawa ka dhici doona Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Xirsi Cali Iyo Abshir Xasan Ayaa Xabisga Laga Sii Daayey Iyagoo Aan Wax Maxkamad Ah La Hor Geyn Hargeysa, September 4, 2008(Haatuf) – Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Abshir Xasan Xaashi, Madaxii hore ee gaadiidka Madaxtooyada ayaa xabsiga laga sii daayey ka dib markii muddooyin kala duwan xabsiga ay ugu jireen xadhig Aar goosasho oo aanay maxkamad sharci ahi aanay xalaalayn. Xirsi Cali ayaa shalay duhurkii xabsiga laga soo daayey ka dib markii uu muddo bil ah ku xidhnaa xarunta CID-da iyadoo muddadii uu xidhnaa aan wax maxkamada la hor geyn. Ciidanka Bilayska ayaa afartii bishii hore waxa ay Xirsi Cali ka soo qabteen duleedka Magaalada Burco, waxaanay xukuumaddu qabshadiisa ka dib ku eedaysay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia. Hasa yeeshee xukuumaddu wax caddayn ah oo arintaa la xidhiidha may soo bandhigin waxaana ay maxkamada gobolka Hargeysa diiday dhageysiga dacwadiisa iyada oo cuskatay in Xirsi laga soo qabtay gobolka Togdheer sidaa darteed ay xaq u leedahay maxkamad Togdheer in ay dhagaysato dacwadaas, sidaasi darteed waxa uu muddada bisha ah ee uu xidhnaa uu ahaa mid sharciga baal marsan oo aanu sharcigu jidayn. Xirsi Cali oo sii dayntiisa ka dib la weydiiyey sifaha loo sii daayey ayaa sheegay in qaabkii loo soo daayey uu la mid yahay qaabkii loo qabtay waxaanu yidhi “Markii horena maxkamad sharci ahi ima xidhin imikana maxkamadi ima soo dey, waxaana la isoo daayey iyadoo wax maxkamada la Igu hor geyn eedihii la ii haystay ee ay xukuumaddu igu eedaynaysay” Gudoomiye ku xigeenkii hore ee komishanka oo la weydiiyey xaaladiisa caafimaad hadda sida ay tahay ayaa sheegy in ay xaaladiisa caafimaad fiicantahay isaga oo xusay in uu dhawaan shirjaraa’id uu ku soo bandhigi doono xadhigiisii, waxaanu isagoo ka jawaabaya in eedihii loo jeediyey uu ka hadhi doono maadaama oo horiyadiisii loo soo celiyey waxa uu sheegay in aanu mar naba ka hadhi doonin xadgudubka intaas leeg ee lagula kacay taas oo wax loogu dhimay sharaftii iyo xuquuqdii muwaadinimo. Sii deynta Xirsi Cali ayaa waxa ay ka dambaysay ka dib marki ay xukuumaddu maalmihii u dambaysay ay dhaqdhaqaajisay odaal ka soo jeeda beeshiisa iyadoo xukuumaddu isku dayeysa inay dambabasto xadhiga iyo eeda culus ee ay kula kacday gudoomiye ku-xigeenkii hore ee komishanka doorashooyinka. Dhinaca kale Abshir xasan Xaashi oo muddo afar bilood ka badan ku xidhnaa xabsiga Mandheera ayaa habeenikii Salaasadu soo galaysay Guure lagaga soo daayey xabsiga Mandheera. Abshir oo hore u ahaan jiray madaxa gaadiidka Madaxtooyada ayaa ciiidanka bilaysku 1 may 2008 ay si fool xun uga qabteen hotel Imperial ee magaalada Hargeysa waxaana taliyaha bilayska Maxamed Saqadhi Dubad oo xiligaasi ka hadlay xadhiga Abshir in loo xidhay aflagaado Madaxweyne hasa yeeshee maalmo yar ka dib ayaa Saqadhi eediisii beeniyey waxaana uu ku andacooday in Abshir Xasan u xidhan yahay dambiyo aanu sheegin waxa ay yihiin, waxaana isla xiligaasi Abshir loo dhaadhiciyey xabsiga wey ee Mandheera ka dib markii sida la sheegay guddida Xaaraanta ah ee nabgalyadu xukun sara joog ah ku xukuntay iyadoo aan xataa la hor gayn Abshir guddida xukuntay. “ Habeen hore (habeenkii Salaasadu soo galaysay) ayaa xabsiga la iigu yimid iyadoo aan waxba la ii sheegin ayaa la isoo qaaday ka dib afartii subaxnimo ayaa gurigayga la isoo hor dhigay” sidaa waxaa yidhi Abshir Xasan oo aanu weydiinay sifaha loo sii daayey.Abshir Xasan ayaa waxaa muddadii uu xabsiga ku xidhnaa waxaa loo geystay Jidh dil iyo takoorid waxaana muddadii uu ku jiray xabsiga xaaladiisa caafimaad ay gaadhay heer dhakhtarka Hargeysa loo dhigo xanuun la soo darsay awgeed halkaas oo muddo lagu daweynayey ka dibna lagu celiyey xabsigii markii uu ka ladnaaday xanuunkii. Xadhiga labadan muwaadin ayaa la rumaysan yahay in uu yahay mid Aar-goosi ah oo Xukuumadda Rayaale ay kaga daba joogto eedo ay labadan muwaadin u jeediyeen. Abshir ayaa horaantii bishii January shir jaraa’id ku soo ban dhigay musuq maasuq ay qoyska madaxtooyadu ku kaceen isagoo u markhaati eedo musuqmaasuq oo wargeyska Haatuf baahiyey xiligaasi isla markaasna ay wakhtigaasi u xidhnaayeen saddex Suxufi oo ka tirsan wargeyska Haatuf. Waxaana madaxtooyadu tan iyo wakhtigaasi ku hawlanayd sidii ay uga Aar goosan lahayd Abshir Xasan xadhigna loola tiigsan lahaa. Xirsi Cali oo xubin ka ahaa isla markaana gudoomiye ku xigeenka komishanka doorashooyinka ayaa waxa uu daaha ka rogay fara galin uu Rayaale ku hayey komishanka, iyo mawqifka uu Rayaale ka taagan yahay doorasho dalka ka dhacda isagoo ku eedeeyey Rayaale inuu carqalad ku yahay hawlaha komishanka oo aanay xubnaha komishanku madax banaanay sidaasi darteedna uu Xirsi iskaga xubinimadii komishanka. Eedaha uu Xirsi xiligaasi u jeediyey Rayaale ayaa la sheegay in uu aad uga cadhaysiiyey Madaxtooyada waxaana wararku ay sheegeen in xadhigiisu uu yahay mid uu Rayaale uu kaga aar goosanayay Xirsi Cali Budhcad Baddeeda Somalia Oo Qabsaday Dooni Kuwa Dalxiiska Ah Paris, September 4, 2008 (W. Wararka) – Budhcad baddeed Somaliya ayaa shalay qabsaday dooni kuwa dalxiiska ah oo laga leeyahay wadanka faransiiska. Doontan ay budhcad baddeeda Somalidu afduubeen ayaa waxaa saarnaa muwaadiniin u dhashay dalka faransiiska oo maraysay badda caddan, Wasaarada Arimaha Dibada ee Faransiiska ayaa sheegtey in Budhcad baddeeda somaliya ay maraakiibta ka afduubaan biyaha somaliya iyo meelo ka baxsan badda Somalia oo ah biyaha caalamiga. Wasaaradu waxa ay sidoo kale cambaaraysay falalka lagula kacayo doonayaha iyo maraakiibta maraya baddaha ee ay qafaashaan budhcad baddeeda somalida ahi. Horaantii sanadkan ayaa budhcad baddeed Somaliya waxa ay xeebaha xeebahaasi ka afduubeen markab kuwa dalxiiska ah oo ay leedahay dawlada faransiiska, markabkaas oo ay saarnaayeen in ka badan 20 dalxiisayaal ah oo u dhashyay wadankaasi, kuwaas oo geeyey markabkaa xeebta garacad halkaas oo ay ku qaateen madaxfurasho dhan 2milyan oo dollar, ka dib markii ay budhcad baddeedu ay soo daayeen markabaa ay madaxfurashada ka qaateen ka dib ayaa ciidamada Faransiiska ee sida gaarka ah u tababaran ay weerar ku qaadeen budhcadii halkaana ay ku dileen laba ka mid ah 6 kalena ay gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale lama oga waxa ay budhcad baddeedu ka yeeli doonto doonidan ay la socdaan dalxiisayaal faransiis ah kuwaas oo hore budhcaddii ay faransiisku qabteen aan la garanayn illaa iyo hadda meel ay ku dameeyeen, inkasta oo ay wararka gaar sheegayeen in ay ku suguna yihiin xabsi ku yaala wadanka faransiiska oo halkaasi dacwad maxkamadi kaga socoto. Balse qabsashada dadkaan faransiiska ah ayaa dadka ka faalooda arimaha aminga waxa ay sheegayaan in ay dhici karto in burcad badeedu ay ka dalbato dawlada faransiiska in ay keenaan ragii ay kaga qabteen deegaanka garacad isla markaana ay madaxfurasho bixiyaan, hasa yeeshee dadka qaar ayaa sheegay in ay aad uga naxeen marka ay ogaadaan in dadka la afduubay ay u dhasheen faransiis kuwaas oo khasaare ka soo gaadhay markii uu faransiisku duqayn u gaystay deegaankaa ay soo galeen budhcad baddeedu markii ay qaateen lacagta madaxfurashada ah. Si kastaba ha ahaatee biyaha Soomaaliya ayaa noqotey goobaha aduunka loogu cabsida badan yahay ka dib markii budhcad badeedu ay awoodoodu sii korodhay ka dib markii ay heleen dhaqaale buuran oo u saamaxaya in ay meel ka baxsan biyaha soomaliya ka afduubi karaan maraakiibta iyo doonyaha baraya. Dhamaan ururada badmaaxiinta aduunka ayaa qaylodhaan ka muujiyey budhcad baddeeda Soomaaliyeed ee wakhti xaadinkan awoodoodu sii balaadhanayso, balse ma jirto ilaa iyo hadda cid arintan wax ka qabanaysa, iyada oo ay xeebaha somaliya ku sugan yihiin maraakiib iyo ciidamo uu leeyahay wadanka maraykanku, ilaa iyo haddana ma jirto wax la taaban karo oo laga qabtay. Dhanka kale maamulka Puntland ayaa marar badan ku celiyey inaanay awood u lahayn in ay wax ka qabtaan budhcadan baddaha fadhiisinka ka samaysatay somaliya waxaana ugu danbeeyay war uu siiyey saxaafada Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse oo sheegay inaanay waxba ka qaban karayn iyagu kana itaal roonaadeen budhacad baddeedu, imbadan waxa uu maamul goboleedka Puntland ku celceliyay in madaxfurashada laga bi0xiyo maraakiibrta ay tahay dhibta u weyn waxaanay soo jeediyeen in aan madaxfurasho la bixin oo xoog wax lagaga qabto budhcad baddeeda sii faafaysa. Sii Daynta Suxufiyiin Lagu Afduubay Muqdisho Oo La Filayo In La Sii Daayo Toronto, September 4, 2008 (W. Wararka) Wargeyska Toronto Star ayaa ku waramaya in ay socdaan wadaxaajoodyo lagu doonayo in lagu sii daayo suxufiyad Canadian ah iyo Sawir qaade Australian ah iyo nin Somaali oo la sheegay in uu ahaa turjumaan oo lagu afduubay magaalada muqdisho dhawaan. Amanda Lindhout, oo 27 jir ah iyo sawir qaade Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia ayaa lagu kaxaystay qori caaradii 10 maalmood ka hor meel 20km banaanka ka ah magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya. Afduubayaasha ayaa waxaa ay sidoo kale ajnabigan la kaxaysteen darawalkoodii oo Soomaali ah iyo wariye Abdifatah Mohammed Elmi, oo hormuud u ahaa iyaga. Ilo wareedyo kala duwan oo ka imanaya dalalka Somalia, Kenya, iyo Canada ayaa waxa ay sheegayaan in xidhiidh lala sameeyay afduubayaasha oo ay la sameeyeen koox sadexaad oo ka odayeeynaysa howshan waxaana lagu rajo wayn yahay in lasii daayo suxufiyiintan Ajnabiga ah. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa wargayska Toronto Star u sheegay inay jiraan warar xaqiijinaya in ay bad qabaan oo aan wax waxyeelo ah loo gaysan lahaystayaasha. Gabadha suxufiyada Canadianka ah Ms Lindhout waxaa ay gudaha Soomaaliya kaga shaqaynaysay wariye madax banaan balse waxaa uu saldhigeedu yahay magaalada Baqdaad. Ra’iisal Wasaaraha Pakistan oo ka badbaaday iskuday Dil Islamabad, September , 2008 (W. Wararka) - Ra’iisul Wasaare Pakistan Yuusuf Raza Gilani ayaa maanta ka badbaaday iskuday dil ka dib markii uu gaadhigii uu saarnaa lagu weeraray magaalada caasimada ah ee Islamabad. Weerarkan ayaa maanta ka dhacay jidka isku xidha Madaxtooyada iyo Airport-ka caalamiga ah ee magaalada Islamabad. Sida ay sheegeen warbaahinta dalka Pakistaan waxaa ka muuqday gaadhiga Ra’iisal Wasaaraha rasaas xoogle oo lagu furay gaadhigii uu saarnaa. Balse rasaastan ayaan gudaha u gelin gaadhigan oo ahaa nooca iska difaaca rasaasta. Weli ma jiraan cid sheegatay weerarkan, hase yeeshee qaar ka mid ah hogaamiyeyaal ka tirsan xukuumada Pakistan ayaa bilaabay in ay farta ku fiiqaan kooxda Talibanka ee ka dagaalanta waqooyiga Pakistaan iyo dalka Afghaanistaan. Wararka ka soo baxay gobalka Waziristan ee Waqooyiga Pakistaan ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay 5 qof ka dib markii ay ciidamada huwanta Maraykanka ay halkaasi ku duqeeyeen kooxaha taageersan Talibanka. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dagaalo xoogleh ka socdaan Waqooyiga dalka Pakistaan dagaaladaasi oo u dhaxeeyey ciidamada Pakistaan iyo dhaq dhaqaaqa Talibaanka, kooxdan ayaa sheegtay in dagaaladan ay ku faafin doonaan guud ahaan dalka Pakistaan maadaama dowlada dalkaasi ka talisaa ay ku tilmaameen mid lidi ku ah dhaq dhaqaaqooda. Dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Madaafiic ku dhacay Bakaaraha Muqdisho, September 3, 2008(W. Wararka) - Xaalada magaalada Muqdisho ayaa shalay duhurnimadii degenaansho ay ka muuqadaa ka dib markii ay saaka qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada ay ka dhaceen dagaalo dhexmaray ciidamada Dowlada Imbagathi iyo kooxaha ka dagaalama magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii kooxaha ka dagaalama Muqdisho ay madaafiic ku tuureen xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya. Dagaalkii maanta ayaan waxaa ku dhintay 4 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan dawlada Imbagathi iyo mid ka mid ah maleeshiyooyinka, halka ka kalena uu ahaa qof rayid ah. Dagaalada ayaa ka dhacay saaka nawaaxiga degmada Wardhiigley iyo goobo kale oo ka ag dhaw Hawlwadaag. Balse waxa la uu Dagaalka xoogiisa ka dhacay nawaaxiga Jidka Aadan Cadde iyo Geed Jaceyl. Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyey in Labo madfac oo Hoobiye ah ay ku soo dhaceen Suuqa Weyn ee Bakaaraha ka dib dagaaladii shalay, labadaasi madfac ayaamau cidna wax ku noqon sida ay sheegayaan goob jooge yaal ku sugnaa halkaasi. Afhayeen u hadlay ciidamada Dowlada Imbagathi ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxihii soo weeraray iyaga oo sheegay inay dhinacooda labo askari ka dhaawacmeen. Shiikh Mukhtaar Roobow oo isagu u hadlay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in dhinacooda uu kaga dhintay dagaalkii shalay mid ka mid ah , halka uu ku sheegay khasaaraha dhaawaca ee soo gaaray Al Shabaab 4 qof. Dowlada Imbagathi ayaa ku eedaysay in Al shabaab ay wadaan carqaladeyn amniga magaalada Muqdisho iyo dalka xili lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan. Abu Mansuur ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan xataa Bisha Ramadaan iyo marka laga baxo illaa inta laga helayo nidaam Islaami ah oo dalka ka taliaya sida uu ku sheegay war uu maanta gelinkii danbe soo saaray. Malaysiya oo laba Markab oo kuwa dagaalka ah usoo diraysa Somalia Kuala Lumpur, September 4, 2008 (W. Wararka) Dowlada Malaysia ayaa la sheegay inay laba Markab oo ciidamada badda ah usoo diri doonto biyaha gacanka cadmeed ka dib markii budhcad baddeed Soomaali ah ay afduubeen laba markab oo nooca shidaalka qaada ah oo u shaqaynayay shirkada maraakiibta MISC Bhd oo ah shirkada ugu weyn dalka Malaysia ay ku afduubanyihiin biyaha Somalia muddo ku dhaw afar maalmoodn. Akmal Hisham, oo ah Xoghayaha shirarka jaraa’id ugu qaabilsan ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Malaysia Najib Razak ayaa sheegay in Maraakiibtan dagaalka ee dowlada Malaysia usoo dirayso xeebaha gacanka cadmeed ay galbin doonaan afar markab oo shirkada MISC ay leedahay kuwaas oo ka howlgalaya goobahaasi. Masuulkan ayaa waxa uu ka gaabsaday inuu sheego xiliga labada markab ee dagaalka ay usoo diri doonaan xeebaha Soomaaliya. Shirkada MISC oo ah shirkada ugu weyn aduunka oo leh maraakiibta qaada gaaska dabiiciga ah ayaa sheegtay shalay inay joojisay maraakiibteeda isticmaasha biyaha gacanka cadmeed iyo xeebaha wadanka Soomaaliya tan iyo inta ay sii xoojin doonaan amaanka aagagaasi. Budhcad baddeeda Soomaalida ee afduubka ku haysta labada markab ee shidaalka qaada ee laga leeyahay dalka Malaysia ayaa waxa ay shirkada MISC ka dalbanayaan inay bixiso lacag madax furasho ah oo dhan 4.7 million oo doolar si ay u sii daayaan labadaa markab. Aaska Madaxweynihii Hore Ee Zambia Oo Shalay Ka Dhacay Lusaka Lusaka, September 4, 2008 (W. Wararka) – Aaska Madaxweynihii hore ee dalka Zambia Levy Mwanawasa ayaa meydkiisa shalay lagu aasay magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia. Mwanawasa waxa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Faransiiska 19-kii bishii hore ee August, ka dib markii maskaxda dhiig kaga furmay. Aaskiisa Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay hogaamiyeyaal Afrikaan ah, saraakiil sare sare oo ka socota dalalka Maraykanka iyo Yurub. Mwanawasa waxa uu madaxweyne ka noqday dalka Zambia sanadkii 2001, waxaa mar kale dib loo soo doortay sanadkii 2006-da. Waxa uu ku guuleystay bilad Caalami ah oo lagu siiyay heerka uu gaadhsiiyay dhaqaalaha dalkiisa. Hogaamiyeyaasha Afrikaanka ah ee ka qeyb galay aaska Madaxweynahaasi geeriyooday ayaa waxa ay ka kala yimaadeen 14 dal, waxaana ka mid ah madaxdaasi madaxweynaha dalka koonfur Afrika Thabo Mbeki, Madaxweynaha dalka Tanzania ahna hogaamiyaha Midowga Afrika Jakaya Kikwete, iyo madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe. Dhismaha Laanta Ilaalinta Cashuuraha Ee Dekadda Berbera Oo Gebi Ahaanba La Baabiiyey Berbera September 4, 2008 (Haatuf)-Dhismaha laanta cashuuraha ee gobolka Saaxil oo u dhawaan aasaasay hogaanka ciidanka Aadan Axmed Guun ayaa la sheegay in gebi ahaanba la baabiiyey ciidankaas uu hogaanku ka dhisay gobolka Saaxil. Dhismaha ciidankan ilaalinta cashuuraha ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii dhawaan taliyaha ciidanka boolisku Maxamed Saqadhi Dubad u magacaabay Aadan Axmed Guun hogaanka ilaalinta cashuuraha ee bilayska, kaas oo wakhti yar ka dib laga eryey hogaanka saadka iyo lacagta oo uu iyadana wakhti yar joogay. Ma jiraan warar rasmiya oo ka soo baxay dhinaca bilayska oo sheegaya warkan in la tirtiray ciidankaasi, hase yeeshee sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi taliyaha ciidanka bilayska Maxamed Saqadhi Dubad inuu ka dambeeyay tirtirida ciidankaas, hogaanka ilaalinta cashuuraha ee gobolka Saaxil, isla markaana ma cadda in hogaanka gebi ahaanba la baabiiyey iyo in arrintu ku kooban tahay oo keliya dhismaha uu hogaanka aan wali shaacini ku kala guray ciidanka saldhiga dekadda iyo madaarka ee magaalada Berbera. Hogaanka cashuuraha oo magalada Berbera u joogay hirgelinta iyo meel marinta heshiiskii Al-jaabiri iyo xaafado ammaan daro oo lagu xidhiidhinayey wakhtigaas ayaa dhismaha ciidankan la sheegay in la tirtiray ayay bilaowgii horeba waxaa ka biyo diiday bilayska gobolka Saaxil, taas oo saameyn ku yeelatay hawlaha bilayska gobolka Saaxil iyadoo ay aad u hadal hayeen qaabka farsamo ee taliyuhu u xulanayey ciidanka, iyaga oo dhaliilayey habka loo maray arrintaa isla markaana farta ku godayey inuu kaligii ku kooban yahay xulashada ciidankaas. Hogaanka ilaalinta cashuuraha ayaa ahaa mid horeba aan u jirin taniyo intii ay jirtay Somaliland kaas oo dadka aqoonta u leh shaqada bilaysku ay sheegeen inaan loo baahnayn, isla markaana anay jirin hawl u baaqatay, taas oo ay ciidanka bilaysku daboolaan hawshii ay jiri jireen ciidanka ilaalinta cashuuraha. Ciidanka bilayska oo laga warqabo aan qaadan mushahar ku filan ayaa mar kasta oo laysku dayo in la sameeyo hogaankani u arkaa inay tahay mid lagu koobayo in gaar ah taas oo mooral jab ku rida ciidanka bilayska oo hada kaltan u gala ilaalinta goobaha dakhliga, waana sababta ay khubarada hawlaha bilaysku ku macneeyeen inay suurta geli weydo dhismaha ciidanka ilaalinta cashuuraha oo marar hore laysku dayey in la sameeyo. Khaladaadka Siyaasiga ah ee Madasha ka Dhacay Waa Sadex Nooc (shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye) By abdiaziz Ahmed Mousa abdiaziz2@hotmail.com
Anigoo ka mida Qoreyaasha Somaliland ee Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye Daraasadda ku samaynayey waxaan wargeyska Haatuf ugu mahadnaqayaa sida Qiimaha leh ee ay iigu dhiirigeliyeen inaan si dhexdhexaada uga hadlo sida uu khaladku ku yimid sida loo baahnaa in ay u saxaan dhinacayda is hayaa. Haddaba aan Diirada saaro meelaha uu khaladku ka yimid dhinacyada is haya waxaanan u kala qaybiyay Sadex-qaybood, Khaladaadka Shirgudoonka iyo sida u Haboonaan Lahayd inay arrinka shirka ka yeelaan. 1- Waxa marka hore si khaldan loo xulay oo aan u arkayey in ay ka baxsan tahay nidaamka Dimuqiraadiga ah habka Short list-ka loo sameeyay taas oo aad arki karayso in hogaanka sare aanay shaacin cidda isku sharaxaysa jagooyinka gudoomiye, ku xigeen ama Xoghaye laakiin ay iyagu iskood u xuleen, aniga waxa ay ila tahay in ay u bandhigaan golaha dhexe xubnaha is sharaxaya oo aanay u yeedhin saddexda qof ee ay short list-ka ku soo saareen si meesha ay uga baxdo mugdi ku yimaad hogaaminta shirka ama loo odhan cid ayuu u afduuban yahay oo shirgudoonku keenay, wada tashiga iyo caddayntu waa mabaadi’da (principal) Dimuqiraadiyadda, sidaa awgeed waxa u fiicnaan lahaa Hoggaanka xisbiga in musharaxiinta araajida dhiibtay inta la soo xulo iyagoo dhowra golaha la hor-keeno. Tusaale ahaan shirkii golaha dhexe ee Kulmiye 23-25 August 2008 dhacay, waxa la soo xulay Saddex qof oo kaliya oo aan tartan codeed lala-galin oo duuduub lagu qaatay kuwaas oo kala ah Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, Xoghaye, sidaas ayaa lagu ansixiyay manayna jirin cid kale oo la tartantay. Waa laga yaabaa in hoggaanku ka fikiray meelo-badan sida hababka qabiliga ah ee Somaliland wax ku qaybsato laakiin iyadoo nidaamyaddaa la dibaaqayo haddana waa in transparent ay noqotaa Doorashadda shirgudoonku. 2- Shir-gudoonku waxa uu ku gefay oo khalad uu ka galay awoodoodii xeer hoosaadku siiyay. Tusaale kolkii ay ku dhawaaqeen in shirku xidhan yahay oo la shaah tago 15 daqiiqo gudahood, waxa buriyay go'aanka Ergooyinka qaar oo miiska garaacay oo lahaa hala dhameeyo doorashada Musharaxa Madaxweyne iyo ku xigeen, laakiin waxaan u arkaayey anigu in ay khaldanaayeen Shirgudoonku kolkii ay maqleen ergooyinkaas waxaana u haboonayd in ay ku socdaan go'aanka ay shirka ku hakiyeen, si loo helo waanwaan haddii la waayo xubnaha kale ee duday shirku waa sii socon lahaa sida ay ila tahay aniga. Waa run in habeenimadkii 24 August jilbaha la is dhigay si loo ogolaado in shirku furmo 25 August 2008 oo doorashadda la galo iyadoo aan la hakin haddana principal-ka dimuqiraadiyadda ayaa ah in wada tashiga la badiyo si loo helo Doorasho si cad u dhacda oo xalaala. 3- Shirgudoonku inkastoo ay ka soo baxeen waajibkoodii ay shirka u gudoominayeen haddana may haboonayn in ay dhaleeceeyaan waxa ay abuureen ama ay masuulka ka ahaayeen sidaan ka akhristay Joornalada ama idaacadda aan ka dhageystay xubno shirgudoonka ka mida oo eedaynaya shirkay gudoominayeen, waayo haddii wax khaldan yihiin sameecada ayey haysteen oo way caddayn kari lahaayeen awoodna waa ay u lahaayeen in ay joojiyaan shirka ama ay ka baxaan waana sifo sharci darro ah oo ka baxsan masuuliyadda qaran ee laguu dhiibay inaad u aragto in lagu handiday. 4- Waxaan ku talin lahaa in kolka shir-gudoon xisbi la abuurayo waa in marka hore la shaaciyaa ka dibna xubnaha soo doonta intaan la kala saarin qaar-kood la siiyaa Seminar ku saabsan gudoominta shirka ka dibna loo bandhigaa golaha dhexe in ay kala doortaan xubnaha noocan ah, waxa kale oo ku haboonaan lahaa shir-gudoonka in ay hubiyaan cards-ka Ergooyinka oo ay isku eegaan qofka iyo sawirkiisa kana eegaan liiska dhabta ah ee ay hayaan. Kolka la codaynayana ay cards-ka ka soo ururiyaan Ergooyinka marka ay gacanta taagaan kuwa diidan iyo kuwa ogolba, si loo xaqiijo codadka la dhiibtay, laakiin may dhicin taasi waana khalad ay galeen, maamulka shirgudoonku in ay gacanta cidda taagta uun tiriyaan iyagoon hubsan cards-ka Ergooyinka. Sida aynu la socono Technologyadda Casrigani waa mid daqiiqado ku abuuraysa cards la nooca kuwa aad sidato sidaa awgeed xaqiiji liiska magaca aad hayso iyo card-ka ergayga. Khaladka Kooxda Hoggaanka Xisbiga haysa iyo Ergooyinka la socoday, 1- Kooxda ay hoggaaminayaan Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo inta badan Xubnaha Ergooyinka ahi waa ku saxsanaayeen in ay Fadhiistaan Madasha si ay u fuliyaan shaqada ay u yimaadeen Burco .. xubnahaasi iyo hogaankuba waa ku saxsanaayeen in ay fadhiistaan Madasha oo uu shirku u qabsoomo ama u buuxsamo kooramku ama ha dhinaadee, wayna ku saxsanayeen Shirgudoonku in uu shaqadiisa qabsado oo uu ka soo xaadiro madasha, tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyadda ayaa ah No one person or group should exercise a monopoly of power over the election process. Laakiin nasteexo ahaan Xubnahaasi waxa ku fiicnaan lahayd in ay wakhti yar siiyaan xubnaha kale ee Cadhooday si ay u ilaaliyaan Midnimada Xisbigooda waana tiirka dimuqiraadiyadda wada tashigu, waxa Kale oo ku haboonaa in ay taageeraan fikirka shirgudoonka oo xeer hoosaadku siinayey in ay xidhi karaan shirka taasina waxa ay ahayd khalad ay sameeyeen kolkii ay horjoogsadeen go'aanka Shirgudoonku ku dalbaday in 15 daqiiqado la shaah tago isagoo Shir-gudoonku ogaa in xubno badani ladqabo ku maqan yahiin qaar badana kolkii coddayntu dhacday waxa ay igu yidhaahdeen waxaan moodaynay in shirka lagu qabanayo Cigaal Hotel oo ah galbeedka magaaladda Burco, kolkaa waxaa halkaa ka muuqatay in Ergooyinku cadho meesha ku soo galeen oo ay jiidhsiinayeen wax walba, cidna aanay u joojinayn sidaasina waa ta sababtay in xisbiga ay ku bilaabanto Mucaaridad dhexdiisa ahi. Waxa kale oo qumanayd in hogaanka xisbigu uu ladqabada ka qayb-qaato oo aanu iska fadhiyin taasina waa khaladka ay hogaanka xisbigu sameeyeen, sida ay dimuqraadiyaddu tahay waa waajib in uu qofku fikirkiisa wax ku diido waana xoriyad qawlka ergaygu leeyahay in uu ka cadhoodo arrin laakiin waa in la qanciyaa, tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyadda ayaa ah sedan: Political Parties must be accountable to the people who elected it into power “waa arrin dimuqiraadiya in hoggaanku daacad u noqdo Dadka doortay”. Waxa fiicnaan lahayd in 15 daqiiqo la joojiyo shirka si loo abuuro wada hadal ama maalinba si ergooyinka loo qanciyo taasna waa principal ka Democrati-yada in la wada hadlo si loo saxo khaladka , haddii ay suurta gali waydana sida uu farayo dastuurka xisbiga iyo xeer hoosaadka Golaha Dhexe waa in Lagu Dhaqmo, Laakiin sifo Dimuqiraadiya may ahayn in koox walib ku socoto hadafkeeda ama rabitaankeeda si ay u khalkhal-galiso kooxda kale , waxaana taa lagag baxayaa sharciga u yaal xisbiga, Waa Arrin wanaagsan in xisbi qabsado Shirkiisa Golaha dhex ,waana dhici kartaa sida afrika lagu yaqaan in dimuqiraadiyada la baal maro laakiin waxa muhiima in ugu yaraan waxuun dhacaan si loo gaadho dimuqraadiyada aynu hiigsanayno in dalku ka bilaabmo Kooxda Ka Cadhootay Shirka Khaladaadkii ay Sameyeen iyo waxa ku Haboonaa Kooxda Cabdirahman Aw Cali iyo Cadami waxa ku haboonaa in ay fadhiistaan Shirka oo ay halkaa ka sheegaan waxa ay doonayaan kana dhaadhicyaan kooxda kale in shirka dib loo dhigo muddo yar taasna waa heli kari lahaayeen, waxaana u aaneeyay khaladkaa hogaanka kooxdaasi Haddii uu qorshe u dajisan Yahay,sababo badan ayey shirka ku hakin lahaayeen,…waayo kooxda shirka fadhiday ama madasha ka soo xaadirtay iskumay raacsanayn Qodobo badan oo xeer hoosadka golaha dhexe iyo dastuurkaba ha Sida ta Gudoomiye ku xigeenka Xisbigu in uu automatic u Noqodo Gudoomiyaha Xisbiga marka lagu dhawaaqo Natiijada Madaxtooyadda. Waxayna taas kaga faa'iidaysan lahaayeen in saacado badan uu socodo Muranku waxa kale oo meesha la keeni lahaa xeer hoosadka oo qodobka Absolutely Majority iyo simply majority uu waqti qaadan lahaa inta laga doodayo waxayna dib ugu dhigi lahaayeen qodobo badan oo ku jira Dastuurka xisbiga Sida ka golaha fulinta tiradiisa, oo 25 ahayd oo la gaadhsiin lahaa 65 …waa heli kari lahayeen haddii ay fikir ku daraan baajint shirka maalin si Ololaha ay ugu jiraan in ay xubno helaan ay u sii wadaan waxaana dhici kari lahayd in ay guulaystaan arrimo badan, Laakiin waxa khalad ahaa in ay qaataan go'aanka ay shirka kaga baxeen taasina waxa ay ahayd mid lagaga adkaaday marka aad eegto sharciga u yaala Xisbiga ee Dastuurka iyo xeer hoosadkaba ,Maadama Aqlabiyadda Golaha Dhexe buuxisay Kooramkii waajibna ku noqotay shir-gudoonka in uu Doorashada qabto maadama Kooramku buuxo, Waxaan arkay ilaa 10 xubnood oo iyagu soo laabtay oo ka mid ahaa kuwa cadhooday laakiin sharciyan gartay in ay muujiyaan waxa ay doonayaan ama diidayaan, sidaa awgeed khaladka ugu weyn ee kooxda cabdirahman iyo cadami halkaas weeye , waa laga yaabaa in ay aragti kala qabaan laakiin waa sida ay aniga ila tahay,wayna jiri kartaa in ay farsamo kale ahayd ka bixista shirku markii ay arkeen arrimo badan. Waxa u haboon Xisbiyada in ay ku dadaalaan kolka ay qabanayaan Shirar noocan ah in ay qorsho balaadhan u dajiyaan si aanu ugu keenin xisbiga fowdo ,waa jirtaa in xubno badani u arki doonan habab ay kaga faa'iidaystaan khaladaad ka dhaca shirka iyagoo dano gaara wata laakiin ku dadaal in aad qanciso dadweynaha aad codka ka rabto , tiir ka mida tiirarka dimuqiraadiyada ayaa ah ,The qualities of leadership for sustainable democracy are found in those who act in an honest, transparent, and accountable manner. They are consensus-builders, open-minded and fair. They are committed to justice, to advancing the public interest, and they are tolerant of opposing positions. La Soco Habka ay u Galeen Wadahadalka iyo sida ay qolo waliba u arkaysay wajigii hore ee Burco ka Bilaabmay Waxa qorey Abdiaziz A Musa E-mail abdiaziz2@gmail.com
|