Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1826 Septem 5, 2008

 

Goobtii Daadku Ku Qaaday Baskii Rakaabka Siday Oo Shalay Gaadiidkii Isticmaalayey Ay Ku Xanibmeen Ka Dib Markii Uu Daadku Gooyey Wadiiqadii Yarayd Ee Sida Ku  Meel Gaadhka Ah Loo Sameeyey

 Xirsi Cali Iyo Abshir Xasan Ayaa Xabisga Laga Sii Daayey Iyagoo Aan Wax Maxkamad Ah La Hor Geyn

Salaadiintu Waxay Naga Codsadeen In Wada-Hadaladayada Ay Goob Joog Ka Noqdaan Anaguna Waxaanu Nidhi Naga Raali Ahaada Kulankayagii Ma Qabsoomayo” Muj: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

 

Dhismaha Laanta Ilaalinta Cashuuraha Ee Dekadda Berbera Oo  Gebi Ahaanba La Baabiiyey

 

Ciidankii Tubataariyada Berbera Oo Gebi Ahaanba La Baabi’iyey

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Walaalkii U Xidhay Aargoosi Siyaasadeed

Budhcad Baddeeda Somalia Oo Qabsaday Dooni Kuwa Dalxiiska Ah

 

Sii Daynta Suxufiyiin Lagu Afduubay Muqdisho Oo La Filayo In La Sii Daayo

 

Ra’iisal Wasaaraha Pakistan oo ka badbaaday iskuday Dil

 

Dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Madaafiic ku dhacay Bakaaraha

 

Malaysiya oo laba Markab oo kuwa dagaalka ah usoo diraysa Somalia

 

Aaska Madaxweynihii Hore Ee Zambia Oo Shalay Ka Dhacay Lusaka


Labada Garab Ee Kulmiye Oo Wada-Hadaladoodii Wejiga 2aad Xalay Ku Yeeshay Ambassador Hotel Kuna Gaadhay Heshiis Kale Oo Hordhac Ah

Hargeysa September 5, 2008 (Haatuf) – Labada garab ee xisbiga KULMIYE ee khilaafka cakirani ku dhex maray qaabkii shirweynihii golaha dhexe ee KULMIYE u doortay musharixiinta jagada Madaxweyne ku xigeenka oo xalay kulankoodii labaad ku wada yeeshay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay inay heshiis ku wada gaadheen qodobo ay ka mid yihiin in wada hadalada la sii ambaqaado iyo in aan muddada wada hadaladu socdaan aan dhinacna warbaahinta ka hadal.

Kulankan labaad ee ay isku soo hor fadhiisteen labada garab ee xisbiga KULMIYE u kala qaybsan yahay oo ku qabsoomay xalay Hotel Ambassador ee magalada Hargeysa ayaa la sheegay inuu dhex maray guddiyadii labada dhinac ee wejigii kowaad ku soo wada hadlay magaalada Burco, kuwaas oo ka koobnaa 14 xubnood oo ay kala hogaminayeen Axmed Siillaanyo iyo Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax.

Afhayeen kulankii xalay ay labada garab ee xisbiga KULMIYE u doorteen Mr. Beer-Geel oo aanu khadka telefoonka xalay kula xidhiidhnay isla markaana aanu  wax ka waydiinay waxyaalaha kulankaasi labada dhinac ay yeesheen iskula gaadheen, ayaa inkastoo uu afhayeenku ka warwareegay inuu wax tafasiil ah ka bixiyo arrimaha kulankasi layskula qaatay haddana waxa uu si kooban sheegay in jawi wanaagsan uu kulankaasi ku qabsoomay isla markaana ay isfaham guud ka gaadheen in wada hadalada la sii wado midnimada iyo wadajirka xisbigana la ilaaliyo wax kastana lagu dhameeyo wada hadal isla markana habeenka Axada kulan saddexad laysugu soo noqdo isaga oo arrimahas ka hadlayana waxa uu yidhi “kulankii xalay waxa uu ku furmay jawi wanaagsan iyo is afgarad si fiicana waa loo wada hadlay, waxaana lagu heshiiyey in midnimada iyo wadajirka xisbiga laga wada shaqeeyo waxkastana lagu dhameeyo wada hadal, isla markana halka laga sii wadao wada hadalada habeenka Axadana kulan kale la isugu yimaado sida darteed kulan wanagsan ayuu ku qabsoomay.”

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in labada garab ee xisbiga KULMIYE  ay kulankaasi iskula qaateen in wada hadaladooda ay soo dhex galaan guddi dhexdhexaad ah oo ka gar naqda arrimaha  ay isku hayaan ee khilaafkoodu ka dhashay iyo mawqifyada kala durugsan ee ay kala taagan yihiin.

Inkastoo labada dhinac ee KULMIYE ay ku heshiiyeen in aan dhinaca warbaahinta midkoodna ka hadal ayaa haddana dhinaca garabka Axmed Siillaanyo waxay warbaahinta dalka ee kala duwan ay siiyeen waraysiyo ku saabsan arrimaha musharax-nimadooda.

  


     Guddida Wasiiradda Ah Ee Riyaale U Xilsaaray Dakhli Kordhinta Oo Xafiiskii Wasaaradda Beeraha Uga Digo Rogtay Madaarka Hargeysa

Hargeysa, September 05, 2008 (Haatuf) – Guddidii wasiirada ee uu Riyaale dhowaanta  u magacaabay Dakhli kordhinta ee xaruntoodu ahayd  wasaarada Beeraha ee Hargeysa ayaa ka digo rogtay halkaas, isla markaana u wareegay dhinaca Airport-ka ka dib markii ay wasiiradani wasaaradihii ay masuulka ka ahaayeen ay dadweynihii hawluhu kaga xidhnaayeen ay maalin walba ugu imanayeen xarunta wasaarada Beeraha  oo wasiiradani ay haleeli waayeen shaqadan cusub ee loo xilsaaray oo ah Dakhli kordhinta dhaqaalaha dalka ka dib markii ay xukuumada Riyaale la soo daristay hoos u dhac dhinaca dakhliga ahi, taas oo ay xukuumaddu hadda u tafaxaydatay sidii ay cashuuraha qaarkood kor u qaadi lahayd si loo helo dakhli.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad xogogaal ah oo ku dhow-dhow wasiiradan ayaa tibaaxay in maalmahan u dambeeyayba ay  wasiiradani u wareegeen Airport-ka oo ay hawlahan ku qabtaan  ka dib markii sida ay wararku sheegayaan ay wasiiradani khaatiyaan iska taageen dad faro badan oo maalin walba ay jaanis ka waayeen oo ku guddo galaan hawlaha Dakhli kordhinta dhaqaalaha dalka ee muddooyinkan dambe ay ku hawlanaayeen wasiiradan uu Daahir Riyaale u igmaday in soo qorsheeyaan isl amarkaana ilo dhaqaale oo cusub u raadiyaan sdii dakhliga hoos u dhacay ee dalka loo kordhiyo ayaa waxay yihiin wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Waran Cadde, wasiirka Qorshaynta Cali Ibraahim Xasan,  Siciid Sulub, Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Wasiirka Beeraha Aadan Axmed  (Dhoolo yare), wasiirka ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax,  Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cali Maxamed Qoor-seef.

Kooxdan wasiirada ah oo la sheegay in Riyaale dhowaan u magacaabay inay daraasad ku soo sameeyaan meelaha ay xukuumaadu ka heli karto dakhli hor leh oo kor loogu qaado hoos u dhaca ku yimid dakhliga  Dawladda ayaa muddo bil ku dhow waxa ay ku shirayeen xarunta wasaarada Beeraha, kuwaas oo ku hawlanaa sidii ay ganacsatada ugu qancin lahaayeen cashuuro cusub oo ay doonayaan inay ku soo rogaan badeecadaha qaarkood, ayaa ilaa hadda waxa ay cashuuro ku soo rogeen Hoteelada, Xawaaladaha, Jaadka, shirkadaha Isgaadhsiinta.

 


Wefti Ka Socda Labada Gole Baarlamaan Ee Somaliland Oo Badhtamaha September Socdaal Ugu Anbabixi Doona Botswana

Hargeysa, September 05, 2008 (Haatuf) – Wefti ka socda labada gole Baarlamaan (Wakiilada iyo Guurtida) oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladu Md: Baashe Maxamed Faarax ayaa la filayaa in 14-ka bishan September  ay u anbabaxaan dalka Botswana.

Weftigan oo ka kooban 10 xildhibaan oo ka tirsan guddi hoosaadyada golayaasha Wakiilada iyo Guurtida oo hawlo Aqoon korodhsi ah ugu baxaya 14-ka bishan September, 2008 dalka Botswana ayaa sideed ka mid ahi waxay ka tirsan yihiin sideeda Guddi hoosaad ee golaha Wakiiladu leeyahay halka ay laba xubnood-na ka tirsan yihiin Guddi hoosaadyada golaha Guurtida.

Socdaalkaas oo la sheegay in Hay’adda IRI ay soo qorshaysay isla markaana la sheegay in muddo toban maalmood ah uu qaadan doono, muddada ay joogaan dalkaasina ay kaga qaybqaadan doonaan shirar lagu gorfaynayo hawlaha Baarlamaanadu iyo qaababka ay u shaqeeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu hogaamin doona weftigaasi labada gole baarlamaan ee u anbabixi doona dalkaasi Botswana oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isla markaana waxkaga waydiinay ujeedada weftiga labada gole baarlamaan ay ugu anbabaxayaan iyo tirada xubnaha weftigaasi uu ka kooban yahay, isagoo guddoomiyuhu ka hadlaya weftigaasina waxaa uu yidhi “ weftigan oo ka socda labada gole baarlamaan ee wakiilada iyo Guurtida oo ka kooban toban xubnood oo sideed ka mid ahi ay ka socdaan guddi hoosaadyada kala duwan ee golaha Wakiilada, laba xubnoodna ay ka mid yihiin guddi hoosaadyada golaha Guurtida, insha Allaahu 14 ka bishan September, 2008 ayaanu u anbabixi doonaa dalka Botswana taas oo ujeedada socdaalkanina uu ku saabsan yahay (Capacity building) kor u qaadida aqoonta xildhibaanada labada gole, waxaana socdaalkan soo agaasimay Hay’aadda IRI”

Mar aanu waydiinay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada muddada uu safarkoodu qaadan doono waxa uu sheegay in muddo toban maalmood ah ay u qorshaysan tahay inay ku maqnaan doonaan dalkaasi.

Guddoomiyaha mar la waydiiyey safarka Guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad Cabdicasiis Maxamed Samaale oo muddo laba todobaad ah ugu maqnaa dalka Kenya waxaa uu sheegay in socdaalkoodii dalka Kenya ay ku tageen uu u soo dhamaaday isla markaana waqtigan xaadirka ahna ay ku sugan yihiin Caasimada dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, isagoo intaas ku daray in maalinta sabtida ah ee barito ay dalka dib ugu soo guryo noqon doonaan.

Socdaalkan ay ku baxayaan weftiga labada gole baarlamaan ayaan ahayn safarkii ugu horeeyey ee weftiyo ka socda golayaasha baarlamaanku ay dibed ugu baxaan, balse waxaa hore u jiray safaro noocan oo kale ah oo ay golayaasha baarlamaanku hore ugu safreen dalal ka tirsan Yurub iyo Afrika kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dalalka Ingiriiska, Rwanda, Uganda, Ethiopia, Tanzania, Sudan, South Africa iyo dalal kale oo ka tirsan qaarada Afrika.

 


Dhalinyarada Gobolka Saaxil Oo Ku Baaqay Inay Qaadacayaan Diiwaangelinta Haddii Aan Saamigooda La Siinin

Berbera, September 05, 2008, (Haatuf) – In ka badan dhowr iyo labaatan xubnood oo ah dhalinyarada aqoonyahan ka ah ee ku dhaqan deegaamada gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay ka biyo diideen sida ay u maamuleen guddiyada Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee heer Qaran shaqaalaha ka hawlgali doono goobaha Diiwaangelinta ee hawlahooda dhawaan laga bilaabi doona gobolada dalka,

Xubnahaasi dhalinyarada ah oo kulan ku yeeshay maalintii shalay xarunta horumarinta dhalinta ee ay maamusho hay’adda wadaniga ah ee Gavo ayaa kulankaasi dood iyo falan qayn ay ku galeen ka dib ku marti qaaday  una warameen wariyeyaasha u jooga waxay dhalintaasi u sheegeen in  komishanku duudsiyeen xaquuqdii ay saami ahaan u lahaayeen aqoonka da’da yar  ee gobolka Saaxil, waxaanay sheegeen haddii aanay komishanku ka noqonin isla markaana aanay siinin dhalinta Saaxil saamigooda in ay arintaasi saamayn taban  ku yeelan doono  arrimaha Doorashada iyo Diiwaangelinta ee gobolka Saaxil isla markaana ay qaadici doonaan cidkasta oo loo soo diro inay ka hawlgasho gobolka.

 Mustafe Ismaaciil cali oo u hadlaayey dhalinta gobolka Saaxil isagoo arintaas ka hadlaya waxa uu ku bilaabay hadalkiisa “ waxaanu nahay dhalinyaradii aqoonyahan ahayd ee tirinaysay in ay fursad shaqo ka helaan hawlaha Diiwaangelinta, wacyigelinta iyo Doorashooyinka, nasiib darose waxaa dhacday in guddida Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta ee heer Qaran ay gabi ahaanba duudsiyaan saamigii iyo xuquuqdii  ay lahaayeen dhalinyarada aqoonyahanka ah ee gobolka Saaxil, taas oo yaseen kuna tilmaameen dad aan aqoon lahayn iyagoo sal uga dhigay duudsigooda malaha jaamacad taas oo macnaheedu tahay dadka gobolka Saaxil ku dhaqani aqoon malaha, halka gobolada kale ee dadka mid walba laga siiyey tixgelintiisii dhalinti dhiggayada ahaa  ay ka hawlgalayaan hawlahaasi Diiwaangelinta gobolada Togdheer, Hargeysa, Boorama, Ceerigaabo ila Sool hadaba cida ay fariintayada oo jawaab celin u ah go’aanka Komishanka guud iyo Diiwaangelintu ka qaateen kuna duudsiyeen saamigii ay dhalinta gobolka Saaxil ayaa waxaan uleenahay oo u sheegaynaa anaga oo ogsoonayn awal horeba in aanu xubina ku lahayn oo lanaga siinin guddidayaas 14 ah aanan xubina lanaga siinin, iyadoo taasina ahayd nasiib daro marka horaba iyo xaqiraad haddii tanna lanoogu daray, waxaanan u sheegaynaa in aanan aqbalaynin ogolaan doonin sida ay u maamuleen go’aankaas ay cagta hoostooda ku galinayaan dadka reer Saaxil, waxaanu xusuusinayanaa haddii halbeega ay wax ku qaybiyeen uu yahay meeshii jaamacado leh ayaanu wax ka qaadanaynaa Saaxil jaamacado way leedahay, dadka reer Saaxilna waxay la mid yihiin oo ay la aqoon yihiin buulshada kale ee gobolada dalka ku nool, waxay la wadaagaan jaamacadaha dalka iyo kuwa wadamada dibada lagala yimaado, waa dulmi,waa xaqiiraad qaadan mayno yeelina mayno, markale waxaana leenahay kama hawlgali doonaan dad gobolo kale ka yimid, waxanu ugu baaqaynaa arintaas dib ha loogu noqdo Saaxilna ha la siiyo xaquuqdii ay lahayd, anaga oo ah inta badaha ka soo hadhay da’yartii lana mid ka ahayd ee camal la’aan darteed badaha isku shubtay, waa nasiib daro in maanta la yidhaahdo aqoon ma lihidin yaa aqoonta naga qaad

Gobolada aduunyada kale waxaa mudnaanta loo siiyaa sida ay u kala dhaqaalo badan yihiin saaxil oo ah lafdhabarta dhaqaalaha wadanka waa ayaan daro in iska daa in sadbursiyo nala siiyee in aan sinaan ka wayno oo indhaha lanaga saraysiiyaa waa ayaan daro.” Ayuu ku soo xidhay afhayeenka dhalinyaradaasi u hadlay.

Waxaa iyana halkaas ka hadlay Sacdiya Ibraahim Ismaaciil, Cali Saleebaan Xasan, kuwaas oo dhamantood ka hadlay arintan.

   


C/Raxmaan Saylici Oo Lagu soo Dhaweeyey Boorama Iyo Ciidamada Amniga Oo Xayiray Kolonyo Gaadiid Ah Oo Ku Biiri Lahayd Soo Dhaweyntiisa

Boorama, September 5, 2008 (Haatuf) – Musharraxa Jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye ee lagu magacaabay shirweynihii xisbigaasi dhawaan ku yeeshay magaalada Burco, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama, inkasta oo soo dhaweyntiisa ay kala dhimeen ciidamada amniga Boorama oo kaantaroolka dhinaca Hargeysa u soo baxa ku xanibay tobannaan ka mid ah gaadiidkii soo dhaweyntiisa diyaarka u ahaa, kuwaas oo dadkii saarraa iyo ciidamada amnigu halkaas isku dhaafsadeen hadallo kulkulul, oo mararka qaarkood ku sigtay in la isku fara saaro.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh Socdaalka C/raxmaan Saylici ee Boorama oo ahaa mid muddaba la sugayey ayaa ku soo beegmay wakhti uu muran siyaasadeed hadheeyey masiirka xisbiga Mucaaradka ugu weyn ee Kulmiye.

C/raxmaan Saylci oo hor kacayey qaar ka mid ah saraakiisha xisbigaasi oo uu ka mid ayahay Ismaaciil Muumin Aare oo isagu ka mid ahaa ragii u tartamayey musharaxiinta jagadda Madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi, isla markaana ka tanaasulay markii dambe musharaxnimadiisii iyo Guddoomiyaha gobolka Hargeysa Xamarji, Axmed Xuseen Oomane iyo xubno kale oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Masuuliyiinta Xukuumadda ee gobolka iyo degmada Boorama ayaan iyaga lagu arag goobaha soo dhaweynta marka laga reebo dhawr xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorama.

Xamaasadda lagu soo dhaweynayey C/raxmaan Saylci oo ay horkacayeen haweenka taageera xisbigaasi iyo dad weyne kale oo tiro badan ayaa waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyey qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada Borame iyo xubnaha weftiga hor kacayey qaarkood .

Soo dhaweyntaasi kadib ayaa musharax Saylci iyo wafdiga u horsocdayba waxay dadweynihii soo dhaweeyey iyo kuwo kale oo ku biirayba ay kala hadleen goob fagaare ah oo ku dhex taalla mid ka mid ah guryaha maritida ee gaarka loo leeyahay.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Geelle oo yidhi "Meeshani waxay ahayd meeshii aanu samarroonka ugu sheegnay inaan C/Raxmaan Saylci maanta aanu wadano sidaa darteedna ay nagu garab siiyeen taageeradiisa musharrxnimada mansabka Madaxweyne ku xigeenka Illaahayna waa noo aqbalay, waxaananu ku rajo weynahay inaad sidaa iyo si ka fiicanba aad usoo dhaweeyn doontaan C/raxmaan saylci naguna taageeri doontaan."

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Hargeysa, Axmed Cumar C/laahi Xamarji oo isna halkaasi hadallo kooban ka jeediyey ayaa yidhi "waxaan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen, waxayna taasi markhaati ka tahay wixii Burco ka dhacayna ay ahaayeen guul usoo hoyatay reer Soomaaliland, waxaanan Ismaaciil Muumin Aare ku amaanayaa sidii firfircoonayd ee uu isugu soo dhaweeyey bulshadii Burco ku shirsanayd.

Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa hubaal ah inay maanta tahay maalin weyn waxaananu idiin keenay laba arrimood oo kala ah musharraxnimada mansabka Madaxweyne ku xigeenka ee Saylici iyo tan labaad oo ah midnimadii aynu dhaqanka u lahayn anigoo weliba idin xusuusinaya in Saylci yahay astaanta midnimada Somaliland.”

Intaa kadib waxa hadalkii qaatay Inj.Saylci oo yidhi “Waxaan marka hore u mahadcelinayaa dadweynaha sharafta leh ee isoo dhaweeyey, ina taageeray waxa kale oo aan ku faraxsanahay aniga oo ay dalcaddii iga saareen walaalahayga reer Awdal iyo xisbiga Kulmiye oo iwada taageeray, waxaa ii farxad ah inaan ku soo laabto meeshii bilowgii la igu caleemo saaray mana iloobi doono waxay ii qabteen walaalahayga bariga, reer Awdalba iyo galbeedkaba.”

Inj. Sayalici oo ka waramaya hoosna u dhigaya khilaafka la sheegay inuu Kulmiye hadheeyey ayaa sidoo kale yidhi "khilaafku waa wax ka dhashay tartankii waana dabeecadda aadamaha inaanay go'amaadu wada raalligelinin waananu wadnaa dedaalkii aanu ku soo afjari lahayn sababtoo ah waxaanu isku nahay dad reer Kulmiye ah.”

Sidoo kale ayaa munaasabaddan shalay waxaa ka hadlay qaar ka tirsan siyaasiyiinta beesha Saylac iyo Wakiilka xisbiga UCID ee gobolka Awdal Shiine dheere.

Si kastaba ha ahaatee soo dhaweynta saylici ayaad moodaysay inay ku yaraayeen taageerayaasha iyo siyaasiyiinta Garabka ay is hayaan ee taageera Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland C/Raxxmaan Aw Cali, isla markaana go'aanka Axmed siillaanyo ku magacaabay C/raxmaan Saylici ay la ahayd wax riyo ah kuwaas oo aan ilaa imika la ogeyn waxay la iman doonaan haddii uu dhammaan waayo khilaafka u dhexeeya labada garab, iyadoo dhinaca kalena ay C/raxmaan Saylci iyo wafdigiisuba ay ka muuqatay sida ay uga go'antahay inaan Kulmiye u joojinayn cid kasta oo ka hortimaadda go'aankii Burco ee lagu magacaabay.

Sidoo kale waxay Saylici iyo wefdigiisu ay hoos u dhigayeen khilaafka u dhaxeeya xisbiga Kulmiye kaas oo aan ilaa hadda wax heshiis ah laga gaadhin.

 Maxkamadda Midawga Yurub Oo Fasaxday Hanti Ay Lahaayeen Shakyhsiyaad Somali Ah Oo Lagu Xayiray Xawaaladii Al-Barakaat

Luxemburg, September 5, 2008 (W. Wararka) – Maxkamadda Midowga Europe ayaa fasaxday hanti ay lahaayeen shakhsiyaad haysta dhalashada dalka Sweden oo asalkoodu Somali yahay oo laga xanibay sanadkii 2001-dii ka dib markii dawladda Maraykanku ku eedaysay xawaaladdii Al-Barakaad in ay xidhiidh la leedahay Argagixisada.

Maxkamadda cadaaladda ee Europe ayaa shalay Arbacadii kaga dhawaaqdey dalka Luxemburg in saddex muwaadin oo Swedish ah kana soo jeeda Soomaaliya asal ahaan oo hantidooda lagu xanibey bangiga Al Barakat sanadkii 2001-dii lagu xadgudbay xuquuqdii ay u lahaayeen inay helaan difaac iyo in la dhegeysto oo ay ka jawaabaan waxyaabaha lagu eedeeyey ee loo xanibey hantidooda.

Wakaaladda Wararka ee UPI ayaa ka soo xigatey saraakiil ka tirsan maxkamadda caddaalada ee Yurub in hantidaasi ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaalida ahi la xanibey hantidooda ka dib markii Mareynkanku u gudbiyey Qaramada Midoobay liis ay ku qoran yihiin ururo iyo shaqsiyaad lagu xidhiidhinayo Argagixiso ka dib qaraxyadii 11 September ka dhacay magaalooyinka New York iyo Washington.

Maxkamadda kama aanay hadlin hantida kale ee Bangiga Al-Barakat lagu xanibey ee ay lahaayeen ganacsato Sooomaaliyeed.

Ka dib qaraxyadii dalka Mareykanka ka dhacay 2001 waxaa uu Mareykanku dacwado ku soo oogey ururo iyo shaqsiyaad Islaami ah oo loo haysto tuhumo ku saabsan inay lug ku leeyihiin arimo argagixisanimo markaas oo la xayirey xisaabaadkii ay Bangiyo iyo shirkado kala duwan ku lahaayeen ururadaasi, iyadoo shirkada Al-Barakaat oo ka mid ahayd shirkadaha waaweyn ee dhinaca xawaaladda lacagaha ee Soomaalida ee ay saameysay xayiraadaasi.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartey hore ugu sheegtay in eedeymaha Maraykanka ee ku aadan Al-Barakaat aan wax caddeyn ah loo heyn.


 Markab Laga Leeyahay Dalka Masar Oo Lagu Afduubay Xeebaha Gacanka Cadmeed

Eyl, September 5, 2008 (W. Wararka) - Kooxaha budhcad baddeedda Soomaalida ah ayaa habeen hore qafaashay markab laga leeyahay dalka Masar oo la sheegay inuu marayay xeebaha Gacanka Cadmeed.

Kooxda budhcad baddeedda ah waxaa la sheegay inay markabkaas ay afduubeen kula sii jeedaan dhinaca degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal ee maamul-goboleedka Puntland.

Wasiirka macdanta iyo batroolka ee maamul goboleedka Puntland Xasan Cismaan Alloore oo ku sugan degmada Eyl ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in kooxaha budhcad-baddeedu ay soo qafaasheen markab hor leh oo laga leeyahay dalka Masar.

Wasiirku wuxuu sheegay in kooxda budhcad baddeeda ah la sheegay inay ku sii jeedaan degmada Eyl, waxaanu xusay inaanu wax faahfaahin ah ka helin shaqaalaha iyo alaabta saaran markabkaas, hase yeeshee ninka wasiirka ka ah maamulka Puntland waxa uu sheegay inuu isagu halkaas u tegay xaaladda ka jirta degaankaas oo la sheegay in budhcad-baddeedu maraakiibta ay soo afduubaan kula dhuuntaan halkaas.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in uu halkaas ku arkay ugu yaraan sagaal markab oo ay gacanta ku hayaan budhcad baddeedu.

Masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland, ayaa hore loogu xidhiidhay inay lug ku leeyihiin kooxaha Budhcad-baddeeda ee maraakiibta ku afduubta xeebaha Somalia, iyagoo lagu eedeeyay inay kooxahaasi ku shaqaystaan isla markaana ay masuuliyiintaasi marka dambe ka galaan dhexdhexaadinta lagu sii dayno oo ay inta badan soo jeediyaan in budhcad-baddeeda la siiyo lacago madax furasho ah, kadibna ay lacagtaasi iyaga jeebadahooda ku dhacdo.


  Dawladda Yemen Oo Xidhay Safaaradii Ay Ku Lahayd Muqdisho

 

Muqdisho, September 5, 2008 (W. Wararka) - Safaaradii Dawladda Yemen ay ku lahayd magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ayaa irdaha loo xidhay sida uu sheegay afhayeen ka tirsan safaaraddaas.

Xidhitaanka safaaradda Yemen ee Muqdisho ayaa yimid maalinimadii Arbacadii markii ay kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbagathi ay weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia halkaasi oo fadhi u ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isla markaana ay safaaradda Yemen-na jaar la tahay.

Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbagathi iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somalia ayaa la sheegay inay madaafiic iyo hoobiyeyaal dhowr ah ku tuureen xarunta Safaaradda Yemen oo markaasi ay ku sugnaayeen shaqaalaheedii.

Afhayeenka safaaradda Yemen ee Muqdisho oo ka gaabsadey in magaciisa la xigto ayaa sheegay in shaqaalahooda ay ku wargeliyeen in safaarada ay ka baxaan oo aanay safaaradda iman illaa wakhti dambe, isagoo sidoo kalena sheegay in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Yemen ay ku soo wargelisey in safaarada si ku-meel-gaadh ah loo xidho.

“Waxaa na haystay dhibaatooyin ammaan-daro oo ka jira Muqdisho, waxaana na soo gaadhay hanjabaado iyo caga-jugleyn nagaga imanaysay kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho, safaaradduna waxay xidhnaanaysaa illaa iyo inta aanu war kale ka helayno qaybtayada noo qaabilsan ammaanka” ayuu yidhi afhayeenka Safaaradda Yemen oo codsaday in aan la magacaabin sababo ammaan awgood.

Saraakiil ka tirsan dawladda Mbagathi oo jooga Muqdisho ayaa iyaguna sheegay inaanay ogeyn wax dhibaato ah oo ammaanka ku saabsan oo ku khasbi kara in safaaradda la xidho.

Safaarada Yemen ee Muqdisho waxay ka mid ahayd safaarado faro ku tiris ah oo ka hawlgalayey Muqdisho tan iyo intii ay dawladda Mbagathi fadhiisinka ka dhigatey Muqdisho, lamana ogga xilliga ay masuuliyiinta Yemen dib u hawlgelin doonaan safaaradii ay ku lahaayeen magaalada dagaalada hoyga u noqotay ee Muqdisho.

Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Mbagathi iyo ciidamada Itoobiyaanka ee Somalia ku sugan ayaa inta badan weeraro la beegsada dhismayaasha iyo shakhsiyaadka dawladda iyo kuwa ajnabiga ee ku sugan meelo Somalia ka mid ah.


 

 Duufaano Ku Dhuftay Dalka Haiti

Port Prince, September 5, 2008 (W. Wararka) - Dalka Haiti ayaa waxaa soo food saaray masiibo dabiici ah kadib markii duufaano is xig xigay ay ku dhufteen dalkaasi toddobaadyadii u dambeeyay sida uu qiray madaxweynaha dalkaasi Rene Preval.

Saddex duufaan ayaa in ka yar 21 maalmood waxaa ay 170 qof ku dileen dalkaas haiti iyadoo kumanaan kalena ay dabaylahani ka barakiciyeen guryahoodii oo ku yaala dalkan ka mida wadamada xeebta kulaala ee Caribbean-ka la isku yidhaahdo.

Saraakiisha wadanka Haiti ayaa waxa ay sheegeen in duufaankii ugu dambeeyay oo loogu magacdaray Hanna uu laayay dad ka badan saddexdii kun ee sanadkii 2004-tii uu ku dilay wadankaasi duufaan noocan oo kale ah sida madaxweyne Preval sheegay.

Duufaanka Hanna ayaa imika waxa uu ku sii socdaa jasiiradaha Bahamas laysku yidhaahdo halkaas oo digniino ka dhan ah dabaylahan laga soo saaray.

Xarunta qaranka duufaanada Maraykanka ee NHC ayaa sheegtay in duufaanka Hanna uu marayo meel 575km dhanka koonfur bari ka xigta deegaanka Nassau isla markaana uu ku sii jihaysan yahay dhanka waqooyi galbeed.

Hay’addu waxa ay sheegtay in duufaan kale oo isna la yidhaahdo Ike uu sii xoojinayo duufaankan oo quwadiisu tahay afar duufaanood oo la isku daray oo imika garaacaysa Atlanti-kada Furan.

 


Militariga Maraykanka Oo Weeraray Deegaano Ka Tirsan Dalka Pakistan

Angoor Adda, September 5, 2008 (W. Wararka) Militariga Maraykanka ayaa arbacadii dorraad weerar ku qaaday degaano ka mid ah dalka Pakistan iyagoo beegsanaya saldhig ay u arkeen in lagaga soo qaadayay weerarada ka dhaca dalka Afghanistan, sidaas waxa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada militariga Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistan.

Sarkaalkan ayaa diiday in magaciisa la baahiyo, xogta oo aad xasaasi u ah darteed isla markaana aanu fasax u haysan inuu ka warbixiyo.

Hawlgalkan ayaa wuxuu ahaa mid aanay si guud u wadaageyn ciidamada Militariga ahi.

Ciidamada Nato iyagu inta badan gudaha uma galaan Pakistan, marka laga reebo baacsi ay baacsanayaan kooxaha iska caabinta mooyaane.

Waaxda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa diiday in ay wax faahfaahin ah ka bixiso jiritaanka weerarkaasi.

Laakiin saraakiil ka tirsan gaashaandhigga dalka Maraykanka ayaa waxay qireen inuu jiro hawlgal ciidamada Maraykanka ah oo ka socda gudaha dalka Pakistan.

Sarkaalka ka tirsan ciidamada Maraykanku waxa uu sheegay in tiro yar oo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee noocoodu yahay Chopper-ka ay ciidamo ku daadiyeen meel ku dhow deegaanka Angoor Adda oo ku yaal koonfurta gobolka Waziristan, halkaas oo ay saameyn ku leeyihiin dagaalyahanno ka tirsan Taliban iyo al-Qaacida.

Warbaahinta gudaha Pakistan ayaa waxay sheegtay in ciidamada Maraykanku ay rasaas ku fureen shacabka.

Sarkaalka Maraykanka ahi waxa kale oo uu sheegay in tiro yar oo haween iyo caruur ahi ay soo baxeen si ay u daawadaan ciidamada.

Laakiin ciidamada ayaa waxay beegsadeen saddex dhisme oo halkaasi ku yaalla waxayna kala kulmeen ayuu yidhi rasaas dhinaca dhismaha lagaga soo ridday.

Waxaana ciidamadu ay ku tuhmayeen inay halkaasi ku sugnaayeen shakhsiyaad caan ah oo mas’uul ka ah tababarida iyo qalabeynta kooxaha weerarada ka geysta gudaha dalka Afghanistan.

Sarkaalkan militariga Maraykanka ka tirsani waxa uu sheegay in aanu caddeyn u haynin in bartilmaameedka weerarkaasi uu ahaa xog laga helay meel ay ku sugan yihiin Osama Bin Laden hogaamiyaha al-qaacida iyo ku xigeenkiisa Ayman al-Dawaahiri iyo in kale.

Dawladda Pakistan oo ka hadashay weerarka Maraykanka ayaa ku tilmaantay xadgudub lagu soo sameeyay dhulkeeda.

In dhowaalaba xidhiidhka Pakistan iyo Maraykanka ee dhinaca la dagaalanka kooxaha loogu yeedho argagixisadu muu ahayn mid fiican.

Saraakiil Militari oo isugu jira Maraykan iyo Pakistan ayaa waxa ay dhowaan kulan ku yeesheen Markab diyaaradaha Xambaara oo uu leeyahay Maraykanku, waxaana la sheegay in kulanka heerkaasi u dhacay uu muujinayo in Maraykanku si weyn u dhaliilsan yahay awoodda Pakistan ay u leedahay la dagaalanka kooxaha hubaysan ee ku sugan xuduudda dhinaceeda ee ay la wadaagto dalka Afghanistan.

 

Top