Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1828 Sept 8, 2008

 

C/Raxmaan Cirro Oo Sheegay In Mooshinkii Lagu Doonayay Aqoonsiga Somaliland Oo Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Kenya Is-Hortaagay Uu Haysto Fursad Dib Loogu Dhaqaajiyo

 

Faransiiska Oo Isu Diyaarinaya Weeraro Cirka Iyo Badda Oo Uu Ku Qaadayo Budhcad Badeeda Majeerteeniya

Hargeysa: Gaadhi Mark II Ah Oo Xalay Daadku Qaaday

 Wasiirka Maaliyadda Oo Amray Inaan Wax Qaad Ah Lagu Cashuurin Kastamka Bali-Gubadle Iyo Dadweynaha Degaankaas Oo Arrintan Ka Soo Horjeestay

 Dhinacyada Khilaafku U Dhexeeyo Ee KULMIYE Oo Ku Heshiiyey Inay Guddi Dhexdhexaadin Ahi Soo Kala Dhexgasho

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Beeniyey In Ku-Xigeenkiisii Dalka Baxsaday

 “Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu Waxay Bilaamaysaa 14-Ka October”

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta, Ismaaciil Muuse Nuur.

 Kooxaha Maxkamadaha Oo Maamul Islaamiya Kaga Dhawaaqay Kismaayo Iyo Awooda Sii Kordhaysa Ee Ay Kooxahaasi Ku Yeelanayaan Koonfurta Somalia

 

Boqolaal Qof Oo Ku Dhintay Duufaan Ka Dhacay Dalka Haiti

 

Maraykanka Oo Ciidan Khaas Ah U Duraya Somaliya Si Looga Hortago Budhcad Baddeeda

 

 

 

 


Natiijadii Imtixaanaadka Shahaadiga Ah 2007/2008 Ee Dugsiyada Hoose/Dhexe Iyo Sare Ee Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay

Liiska Magacyada Ardayda Ugu Sareysay Imtixaanadda Shahaadiga Ah

Hargeysa, September 8, 2008 (Haatuf) – Wasiirka waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadh-weyne) ayaa shalay si rasmiya  ugu dhawaaqay natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyo Fasalada 8aad ee dugsiyada hoose dhexe ee dalka 2007 ilaa 2008. oo ay u fadhiisteen arday ay tiradoodu gaadhayso 9727 Arday, kuwaas oo xafiiska imtixaanada qaranku ay si rasmiya u soo saareen natiijada 10-kii Arday ee Imtixaanada dugsiyada sare iyo Hoose dhexe ugu sareeyey oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, waxaana imtixaanadda sanadkan ee dugsiyada sare aad uga muuqday uguna sareeyey ardayda dhigata dugsiga sare ee SOS ee Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil oo iyagu ku guulaystay Aqlabiyada natiijada imtixaanada dugsiyda sare, kana galay kaalmaha ugu horeeya.

kuwaas oo 3027 Arday ay ka mid ahaayeen Dugsiyada Sare, 6702  Ardayna ay ka tirsanaayeen dugsiyada Hoose dhexe ee dalka.

Waxaana ardayda dugsiyada sare ee imtixaankaa gashay ku gudbay 2905 Arday halka ay 9-Ardayna ka dhaceen, 113 Ardayna aanay ka soo xaadirin imtixaanka, Ardayda dugsiyada Hoose dhexe ee imtixaanadaa gudbay waxay iyaguna tiradoodu dhan yihiin 5683 Arday, halka ay 707 Ardayna ay ka dhaceen, 68 Ardayna laga kansal-gareeyey 244 Ardayna aanay ka soo xaadirin Imtixaanadaa la qaaday, waxaana Imtixaanadaa la qaaday ku gudbay 85%.

Xaflada lagaga dhawaaqay natiijada Imtixaanada dugsiyada sare iyo dugsiyada hoose dhexe oo shalay lagu qabtay xarunta guud ee guddida Imtaxaanada Somaliland ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wax barashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne), Wasiiru dawlaha waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed, Wasiir ku xigeenka Ismaaciil Maxamuud Madar, Agaasimaha guud Cali Cabdi Odowaa, maamulayaasha dugsiyada sare iyo hoose dhexe ee dalka iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa xafladaasi khudbad kooban ka soo jeediyey wasiirka waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne) waxaanu haddalkiisa ku bilaabay

“Ardayda Imtixaanada dugsiyada sare iyo dugsiyada hoose dhexe u fadhiistay sanad dugsiyeedka 2007  iyo 2008 waxay tiradooda guud tahay 9727 Arday oo u kala baxa dugsiyada sare oo dhan 3027 Arday isagoo tirada dugsiyada sare ee imtixaanada galay ay tahay 35 Dugsi, Ardayda dugsiyada hoose dhexe ee imtixaanaka gashay tiradooda guud iyagana 6702 Arday.

Dugsiyada sare waxaa imtixaanka ku gudbay 2905 Arday  waxaa ka dhacay 9 Arday, waxaa imtixaanka aan ka soo xaadirin oo ka maqnaaday 113 Arday, dugsiyada hoose dhexe waxaa gudbay 707 Arday Waxaa laga kansal gareeyey imtixaanada 68 Arday waxaa ka soo xaadirin imtixaanka 244 Arday, imtixaanadii la qaaday waxaa gudbay 85%, waxaanan mahad naq u soo jeedinayaa guddida imtixaanada qaranka xilkasnimadii iyo hawl karnimadii ay ka geysteen soo saarida natiijada imtixaanada iyo qaabkii ay u maamuleen iyo macalimiintii saxaysay ee dibu eegista ku sameynayay imtixaanadaba waajibaadkoodii si wanaagsan bay u guteen lamana arag wax khal-khal galiya imtixaanka geedi socodkiisii, Ardayda aan sida sharciga ah ku fadhiyin fasalada waxaan leeyahay haka waantoobaan, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa ardayda imtixaanada dugsiyada Sare iyo hoose dhexe ee la qaaday ku gudubtay iyo kuwa heerarka fiican ka gaadhay marks kii imtixaanka waxaanan si gaara u hambalyaynayaa ardayda dugsiyda sare ee SOS ee degmada Sheikh oo iyagu noqday ardayda ugu saraysa ee darajada sare ka galay imtixaanadii dugsiyada sare ee la qaaday”

Intaa ka dib guddoomiyaha guddida imtixaanada Qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa xafladaasi ka yeedhiyey magacyadii ardayda ugu saraysay imtixaanadii dugsiyada sare iyo hoose dhexe ee sanad dugsiyeedka 2007 ilaa 2008 waxaanu halkaasi ka sheegay in dawlada Suudaan ay Aqoonsatay shahaadada dugsiyada waxbarashada Somaliland, “muddadii imtixaanadu socdeen waxaanu aragnay arday warqadahoodii imtixaanaadka xaga dambe fariimo ugu soo qoray macalimiinta saxaysay oo ay leeyihiin macalinka imtixaankayga saxayoow hadhow baan kuu abaal guddi iyagoo tilifoonadoodana ku soo qoray, arimahaas oo dhana waanu ka diyaar garownay aadna waanu uga fiirsanaynay, waxaanse halkan idiinku bushaaraynayaa in dawlada Sudan ay Aqoonsatay Shahaadooyinka dugsiyada waxbarashada Somaliland waxaanay wasaarada waxbarashada ee dalka Sudan warqad qoraala oo ay ku Ictiraaftay Shahaadada waxbarashada ee Somaliland usoo dirtay wasiirka waxbarashada, sidoo kale imtixaanadii aanu qaadnay waxa ay noogu dhamaadeen guul waxaanan mahad naq weyn u jeedinayaa macalimiintii doorka sixitaanka iyo ilaalinta geedi socodkii imtixaanadaba aadka uga qayb qaatay ee xilka weyn iska saaray” Intaa ka dib gudoomiyaha imtixaanada qaranku waxa uu xafladaasi ka akhriyey liisaskii natiijada iyo magacyada ardaydii kaalmaha ugu sareeya ka galay imtixaanadaa shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dugsiyda hoose dhexe waxaanay u qornaayeen iyagoo dhamaystiran sidan:-

Tobanka Wiil Ee ugu sareeyay Natiijada Imtixaanaadka Dugsiga Sare ee SOS

S/N

Roll Number

Name

Marks

School

1

3220209

A/Rahman Shire Mohamed Samire

982

SOS

2

3220208

A/Rahman Mohamed Abdillahi Urade

971

SOS

3

3220204

Abdillahi Ismail Hussein Abdillahi

939

SOS

4

3220218

Farah Elmi Farah Bulale

933

SOS

5

3220212

A/Salan Sulub Ahmed Abdi

922

SOS

6

3220238

Saleiban Abdi Muse Khaire 

915

SOS

7

3220201

A/Kadir Abdillahi Aidid Hassan

912

SOS

8

3220230

Mohamed Jama Anod Guleid

911

SOS

9

3220235

Mukhtar Suleiban Tarabi Hassan

910

SOS

10

3220221

Abdillahi Abdi Mohamed Farah

892

SOS

Shantii Hablood ee ugu sareeyay Dugsiga Sare ee SOS y

S/n

Magaca

Darajada

Dugsiga

1

Nasra Hassan Ibrahim Egal

845

SOS

2

Isra Ismail Ibrahim Warsame

778

SOS

3

Hamda Ismail Ali Mohamed

772

SOS

4

Samira Ibrahim Muse Mire

736

SOS

5

Kaltun Muse Mohamed Hassan

699

SOS

 Tobanka Arday Ee ugu Sareeyay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Somaliland

S/N

R/L

Magaca

Wadar

Dugsiga

Gobolka

1

832327

C/wahaab Maxamed C/raxmaan X. Yuusuf

566

Guryo-samo

Hargeysa

2

256024

Xamda C/risaaq Xuseen

545

Smart

Togdheer

3

256005

C/fataax Axmed Cali

542

Smart

Togdheer

4

853247

Muuse Axmed Caynaanshe Odowaa

541

Arabsiyo

Hargeysa

5

851689

Xuseen C/laahi Cali Faarax

540

Sh. M. Warsame

Hargeysa

6

848223

Maxamed C/raxmaan Aadan Maxamed

538

Al-Irshaad

Hargeysa

7

831293

Nuuradiin Xasan Maxamed Warsame

537

Sh. Cali Cismaan

Hargeysa

8

852207

Barkhad Maxamed Ismaaciil Cabdi

536

New Gabiley

Hargeysa

9

836258

Maxamed Cismaan Muxumed Nuur

534

Maxamed Mooge

Hargeysa

10

832340

Iid Xasan Cabdi Faarax

534

Guryo-samo

Hargeysa

Tobanka Arday ee ugu sareeyay natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland

S/N

R/N

Magaca

Darajada

Dugsiga

1

2121576

Aidarus Ali Muhumed Bakal

929

26th June

2

1120876

Mohamed Omar Warsame Hersi

918

Al-Aqsa

3

2130688

Hassan/Wali Aden Axmed Dirie

908

Ilays

3

2510992

Yusuf Ahmed Mohamed Dahir

908

Tima’ade

5

2130605

A/Hamed Mohamed Ali Saleiban

893

Ilays

5

2211331

A/Qani Ali Aidid Handule

893

G/libah

7

2160012

Mohamed Mukhtar Qamar Mohamed

877

Blooming

7

1120801

A/fatah Ahmed Hussein Omane

877

Al-aqsa

9

1230701

Ibrahim Nour Aqli Dirie

868

Ilays

10

2121511

A/fatah Mohamed Arab Ali

866

26th June

 

Shanta Gabdhood Ee Ugu Sareeyey Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland

S/N

R/N

Magaca

Darajada

Dugsiga

1

210690

Hibo Aden Ahmed Dirie

796

Ilays

2

2150214

Hibo Ibrahim Dirie Farah

789

Sun-Shine

3

2340164

Khadra Abdi Abdilahi Muhumed

754

D/Gurey

4

2160006

Fadumo Mahamoud Hirsi Hujaale

746

Blooming

5

2220217

Fadumo A/rahman Ahmed Muhumed

733

Prived Condidate

 


Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Oo Deeq Lacageed Ugu Tabarucay Dugsiga Dhagoolayaasha Ee Hargeysa

 

Hageysa September 8, 2008 (Haatuf) – Qaar ka mid ah Dhalinyarada reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa ugu deeqay dugsiga dhagoolayaasha Hargeysa lacag qadarkeedu dhan yahay$3610 (Saddex Kun Lix Boqol iyo Toban Dollar), waxaana deeqdaasi ay jaaliyadu ku soo hagaajisay xafiiska Madaxa hay’ada waxbarashada Afrika (AET) Xasan Embasy, kaas oo isaguna si toos ah shalay ugu wareejiyay deeqdaasi maamulka dugsiga dhagoolayaasha Hargeysa.

Hadal kooban oo uu munaasibadii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday dugsiga dhagoolayaaasha uu ka jeediyay Xasan Embassy ayaa waxa uu yidhi “Waxa sharaf ii ah in aan ku wareejiyo dugsigan dhagoolayaasha ee Hargeysa deeq lacageed oo ay ugu deeqeen niman dhalinyar ah oo reer Somaliland ah oo jooga magaalada London, oo is xilqaamay, lacagtan ayaa qadarkeedu dhan yahay $3610 (Saddex Kun Lix Boqol iyo Toban Dollar), dhalinyartaasi nin ka mid ah oo aan aqaano ayaa magaciisa la yidhaa Fahad Axmed Cumar, waxa haboon in aynu u mhad celino dhalinyaradaasi is xilqaantay, waxa inagana, inagu waajiba inaynu u damqano ardaydan yar yar ee dhagaha la’a ee u baahan caawimada, dadkeena reer Somaliland gaar ahaan ganacsatada, xukuumadda, Qurba jooga, iyo qof kasta oo inaga mid ahi waa inuu isku taxalujiyaa sidii uu ardaydan dhagaha la’a u caawin lahaa, waxa kale oo aan ku faraxsanahay in lacagtani ay dugsiga soo gaadhay bishii Ramadaan oo ay aad ugu baahnaayeen, dhalinyaradii soo dirtay lacagtan waxaan leeyahay anigu waajibkaygii waan gutay oo lacagtii dugsigii aad ugu talo gasheen waan gaadhsiiyay, intaa ka dib waxaan u hambalyaynayaa maamulaha iyo macalimiinta dugsigan dhagoolayaasha Hargeysa, gaar ahaan waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa maamulaha dugsiga, Yaasmiin C/raxmaan oo runtii dedaal badan u gashay sidii uu dugsigani horumar u gaadhi lahaa waanay ku guulaysatay oo waa taa aynu arkayno heerka wanaagsan ee dugsigani maanta marayo”.

Intaa ka dib waxa iyaduna halkaasi hadal kooban oo mahad naq iyo guubaabo isugu jira halkaasi ka jeedisay maamulaha dugsiga dhagoolayaasha Hargeysa Marwo Yaasmiin C/raxmaan Xasan waxaana ay u mahad naqday dhalinyarada reer Somaliland ee deeqda lacageed soo gaadhsiisay dugsiga waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “ ugu horeyn waxa aan mahad naq u soo jeedinayaa dhalinyarada reer Somaliland ee isku xilqaantay inay deeqdan soo gaadhsiiyaan dugsigan, gaar ahaan Fahad Axmed Cumar iyo asxaabtiisa reer London, dadka kale ee reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay ku daydaan dhalinyaradan, hadii aan ka warbixiyo dugsigan oo ilaa imika dhisnaa Todoba Sanadood waxa uu maanta marayaa fasalka 7-aad, sanadkan waxa dugsiga ka qalin jabiyay 12 arday oo bartay xirfada Kombuutarka, waxa kale oo jira 22 arday oo imika ka qalin jabiyay xirfada Arts-ka iyo Xinaha, ardaydani waxa ay wax ku bartaan manhajka Somaliland, waxaana ay wax ku bartaan farta Dhagoolayaasha ee loo yaqaano (Sign Language), runtii dugsigan baahiyo badan baa ka jira, ta koowaad waxa aanu ku jirnaa guri kiro ah, waxaanu u baahanahay in naloo dhiso dhulkii ay dawlada hoose nasiisay ee M/weyne ku xigeenku dhagax dhigay, waxa kale oo aanu u baahanahay gaadiid ardayda qaada, waayo way dhago la’yihiin oo ma maqli karaan hadii uu baabuur hoonka u tumayo, xitaa kuwooda waaweyn ayaa halis ugu jira inay baabuurtu jiidho iska daa kuwa yar yare, waxa kale oo jirta mushahar yaraan macalimiinta haysata, waayo ma jirto cid aanu deeq toos ah ka helno, runtii dugsigan hadii aan is idhaahdo tiri baahiyihiisa laga lug bixi maayo, waxaanse ugu baaqayaa dadka reer Somaliland inay caawiyaan dadkan dhagaha la’a ee dhamaanteen uu xilku inaga saaran yahay, ugu dambayntiina waxaan u mahad naqayaa shirkada Telesom oo bilaash nooga dhigtay isgaadhsiinta, waxa kale oo aan u mahad naqayaa Wargeyska Haatuf oo mar kasta nagu caawiya inuu bulshada gaadhsiiyo wararka ku saabsan dugsigan”.

Ugu dambayntii waxa isaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada Qoyska Axmed Xasan Yuusuf.

 


Hargeysa: Gaadhi Surf Ah Oo Ay Wasaarada Xanaanadda Xooluhu Leedahay Oo Xalay Daad Qaaday

 Hargeysa, September 8, 2008 (Haatuf) – Baabuur Surf ah oo ay leedahay wasaarada xanaanada xoolaha ayaa xalay daad ka qaaday dooxa Hargeysa ka dib markii roobab shalay ka da’yey magaalada iyo nawaaxigeeda uu ka soo rogmaday daad qaaday baabuurkaas.

Gaadhigan Serf-ka ah ayaa abaara 6:00 iyo daqiiqado ee maqribnimo marayey wadada dooxa oo socday daadkan qaaday, waxaana waday gaadhigan nin magaciisa la yidhaahdo Ciise Madoobe oo ay la socdeen dhawr qof oo kale laakiin waa ay ka samato baxeen darawalkii iyo dadkii saarnaa halka uu gaadhigana daadku qaaday.

Taliyaha ciidanka bilayska Saqadhi Dubad ayaa xabsiga u taxaabay darawalkii waday gaadhigaasi balse markii uu saacado xidhnaa ayaa isla xalay la sii daayey.

Xukuumada Riyaale ayaan iyadu wax hawl gal ah oo gurmad ah aan ka geysan baabuurta uu daadku qaadayey habeenadan u dambeeyay halka ay dadweynuhu ka ahayeen gurmadka kowaad ee samato bixinayay dadka saaran gawaadhida uu daadku qaaday.

Gaadhigan Serf-ka ah ayaa isla xalay saacadihii dambe laga soo jiiday dooxa iyadoo ay ku hawlanayeen masuuliyiinta wasaarada xanaanada xooluhu sidii gaadhiga looga soo saari lahaa dooxa.

Dhinaca kale habeenadan u dambeeyay ayaa tiraba dhawr gaadhi uu daadku qaaday, gaadiidka iyaguna maalintii mara wadada dhex marta dooxa isla markaana gala dhooqada iyo ciida uu daadku dhigo oo ka bixi kari waaya halkaas ayaa tiro dhaafay.

“Ceelna uma qodna cidina uma maqna, dawlad u gurmatay gaadiidkaa daadku qaaday ma jirto ee dadka shacbiga ah ayaa ahaa kuwo mar walba heegan ah oo soo badbaadinayey dadka saaran baabuurtaasi”, sidaa waxa yidhi mid ka mida ah dadkii goob jooga ahaa ee ku sugnaa goobtaas.

 


Kastamka Baligubadle Oo Markii Labaad Lagu Cashuuray Qaadka Ay Shirkadda 571 Geyso Burco

Baligubadle, September 8, 2008 (Haatuf) – Kastamka caasimada gobolka Hawd ee Baligubadle ayaa shalay markii labaad lagu cashuuray mid ka mid ah gaadiidka jaadka qaada oo ay leedahay shirkada 571.

Qaadkan ayaa ah qaadka ay shirkadu geyso magaalada Burco ayaa markii u horaysay doraad lagu cashuuray kastamka Baligubadle hase yeeshee taas waxa ka dhashay muran ka dib markii ay wasaarada maaliyada isku daydey in ay is hortaagto qaadkaasi lagu cashuuro kastamka, taas oo ay ka cadhoodeen dadweynaha deegaankaasi balse markii dambe lagu khasbay in qaadkaasi la cashuuro.

Inkasta oo cashuurta qaadkaasi hore ee maalintii doraad ka dib uu wasiirka maaliyadu u amray in aan jaad dambe oo shirkadaasi iyo mid kale toona soo mari karin halkaasi hadana sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad xogogaal ah oo ka mid ah deegaanka Baligubadle waxa shalay kastamka Baligubadle lagu cashuuray gaadhi qaad sida oo u socday magaalada Burco, tiro ahaana qaadkii labaad ah ee soo mara kastamka Baligubadle, isla markaana lagu cashuuro.

 Sida ay ilo xogogaal ahi tibaaxeen waxa subaxnimadii shalay ka hor intii aanu iman qaadkaasi kastamka magaalada Baligubadle ay jireen dareeno iyo shaki ay dadweynaha deegaankaasi ka qabeen madaxda wasaarada maaliyada oo loogu sheegay in ay diidan yihiin soo marista iyo cashuurta qaadka ee kastamka, balse kulankaasi ka dib ayaa la sheegay in uu meesha ka baxay dareenkii iyo shakigii ay qabeen dadkaas, ka dib markii ogaadeen in aanay sarakiishani u soconin in ay joojiyaan cashuurta qaadka ee kastamka. Hae yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in aanay ujeedada safarka saraakiishan wasaaradu meesha ka madhnayn arrintan qaadka ee kastamka Baligubadle socdaal ku gaadhaan saraakiil ka tirsan wasaarada maliyadda iyo dhawr askari oo la socday.

Inkasta oo aanaywararku cadayn ujeedada ay sarakiishani u tageen halkaasi, hadana sida ay tibaaxaha wararkani sheegeen waxa markii ay sarakiishani gaadheen halkaasi ay ku soo urureen dadweyne fara badan oo isugu jira odayaal, cuqaal iyo waxgarad, kuwaas oo kulamo la yeeshay si ay wax uga ogaadaan ujeedada sarakiishan u socdaan.

Ma jirto ilaa hada wax warar ah oo ku saabsan arrintan oo ka soo baxay wasarada maaliyada iyo shirkada qaadka ee 571, hase yeeshee sida ay xuseen warar aan lagu kalsoonayn wasaarada maaliyada ayaa la sheegay inay ku qabsatay qaar ka mid ah wakiilada shirkada qaadka 571 soo marista ay qadka soo mariyeen kastamka magaalada Baligubadle.

Si kastaba ha ahaatee arrintan qaadka ee kastamka Baligubadle aya haddii aanay wasarada maaliyadu ogolaato in uu soo maro halkaasi oo lagu cashuur, isla markaana ay kaga dhabeeyan ganacsatada qaadku la filayaa in ay wax badan ka tari doonto horumarka dhaqale ee gobolka Hawd.

 


Boorama: Jawiga Siyaasadeed Ee Booqashadii Saylici Kadib Iyo Ka Hor Imaatinka C/Raxmaan Aw Cali

Boorama, September 8, 2008 (Haatuf) – Tan iyo markii laga soo dareeray ama uu dhammaaday shirweynihii xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Kulmiye ku yeeshay Burco dhawr iyo toban maalmood ka hor, waxa aad moodaysaa in shirkaasi dareenno cusub iyo xamaasado siyaasadeed oo kala duwan uu ku soo kordhiyey Gobolka Awdal,Gaar ahaana magaalada Boorama .

Ilaa waagaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo tarayey farxad iyo cadho hor leh , ficiltan ku salaysan qabyaalad iyo siyaasad iyo calool xumo ku soo kordhaysa dadweynaha reer Boorama dhexdiisa, taas oo ka dhalatay dhawr arrimood oo is biir-biirsaday, haba ugu dambayso magacaabista musharaxa mansabka Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbigaasi Kulmiye uga qaybgeli doona doorashooyinka soo socda, kaas oo la sheegay in Guddoomiyaha xisbigaasi u xushay shirkii Burco Inj. C/raxmaan Saylci.

Dareenka ka dhashay sidii uu ku dhammaaday shirweynahaa Burco ayaa durba la taabanayaa midhihii ka soo go'ay shirkaasi , kuwaas oo durba laga dareemayo Boorama oo iyadu ahayd meesha cid kastoo timaadaa ama shir ku qabsataa iyadoo raalli ah ay ka tegi jireen, laakiin cadhada reer Booramaha kala duwani ay kala yimaaddeen Burco ayaa u eg mid saamaynteeda la hadal hayn doono sannado badan haddii aan degdeg loo daba qabatayn, Burco oo uu ka dhacay shirweynahaasi kama jiraan waxa maanta Boorama ka taagan waxaanad mooddaa in shirweynahaasi Burco uu kala qaybsanaan u soo jiiday reer Boorama.

Ujeeddadu maaha Magacabista C/raxmaan Saylci ayaa laga xun yahay, balse waxa jira ayaa ah sifaha looga soo dareeray shirkaasi iyo sida musharaxiin reer Awdal ahi iyagoo kala qaybsan uga soo dareereen shirkaasi, waxaanay ahayd inay reer Burco joojiyaan ilaa inta heshiis la gaadhayo ama dhinacyada is haya ralligelintooda laysla meel dhigayo .

Laba maalmood ka hor ayaa waxa Boorama soo gaadhay musharaxa xisbiga Kulmiye u magacaabay mansabka Madaxweyne ku xigeenka doorashooyinka soo socda C/raxmaan Saylci, waxaana Boorama loogu soo dhaweeyey si wanaagsan, balse dhinaca kale markaad eegto soo dhaweyntaasi waxay sii wanaagsanaan lahayd haddii aanu jirin khilaafka ka dhex taagan xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale ayaa waxa la sheegayaa in garabka uu hogaamiyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali la filayo inuu Boorama yimaaddo maanta , iyadoo dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo booqashadiisa iyo musharaxnimadiisuba si weyn looga dareemayo Magaalada, Labada musharax ee reer Boorama ah dembi kuma laha kala qaybsanaantooda siyaasadeed , balse sida dad badani sheegeyaan waxaa kala qaybsanaantaa Aabo u ahaa Axmed Siillaanyo keligii, maadaama aanu la iman siyaasad labada musharax ay heshiis kaga soo baxaan Burco, waxayna arrintaasi dad badani u arkaan in Axmed Siillaanyo ka taliyey sidii reer Boorama iskaga hor iman lahayeen isagoo reer Boorama kaga aargoosanaya codkii ay siin waayeen xisbigiisa shan sano ama lix sano ku dhawaad ka hor .

Axmed siillaanyo waxaa u wanaagsanayd inuu jiritaanka xisbiga dhawro, sababtoo ah guuldarro ama burbur kale oo ku dhaca xisbigaasi wakhtigani waxay meesha ka saaraysaa tartan lala galo hogaamiyaha xisbiga UDUB ee talada dalka haya Daahir Rayaale.

Dhinaca kale dareenka C/raxmaan lagu soo dhaweynayo ayaa ah mid weji kale oo ka baxsan midnimada reer Awdal, isla markaana ay soo dhaweyntiisa xoogga saarayaan beelaha ay ka soo wada jeedaan Daahir Rayaale iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka oo ah beelaha J/Yoonis kuwaas oo aad mooddo in soo dhaweryntooda C/raxmaan Aw Cali ay farriin u noqonayso cidkasta oo taageeraysa musharaxnimada C/raxmaan Saylci iyadoo aad mooddo in dagaalka siyaasadeed ee ka socda gobolkani uu u egyahay mid u dhexeeya Axmed Siillaanyo iyo Muj. C/raxmaan Aw Cali, balse aanu ahayn mid u dhexeeya Cabdiraxmaan Aw Cali iyo C/raxmaan Saylci sidaa darteedna waxay arintani farxadd weyn u tahay Xukuumadda Rayaale taas oo jecel in dagaal kale oo xisbi lagu qaado Axmed Siillaanyo si guusha loogala wareego doorashooyinka soo socda.

Waxa iyaduna meesha taalla aamusnaanta reer Boorama ee arrimahaaasi iyo kala qaybsanaantooda sii fogaanaysa iyadoo loo baahnaa inay isku keenaan labada muwaadin ee ka soo wada jeeda gobolkooda iyo degaankooda, kuwaas oo ay kala jiidanayaan beelaha dhexe ee Somaliland, balse may ahayn inay si xamaasad qabyaaladeed ku dhisan usoo kala dhaweeyaan, haddii taasi socotana waxay aakhirataanka galaafan doontaa midnimadii reer awdal weligoodba ku faani jireen .

Si kastaba ha ahaatee soo dhaweynta la filayo in lagala hortegayo madaxweyne kuxigeenkii hore ,iyo soo dhaweyntii C/raxmaan Saylci ayaa waxaa loo qaadan karaa bilowga dagaal siyaasadeed oo hor leh ,kuna soo beegma wakhti uu Rayaale ka niyad xumaa doorashooyinka soo socda, sidaa darteedna dagaalka siyaasadeed iyo kala qaybsanaanta xisbigaasi gudihiisu waxay reer Somaaliland u horseedaysaa guuldaro kale oo Rayaale mar kale dalkan uu sii xukumo. Balse waxa la gudboon dhinacyada xisbiga KULMIYE inay si dhakhso ah heshiis degdeg ah uga gaadhaan inta aanay arimuhu faraha ka bixin si dalka iyo dadkaba looga badbaadiyo inay ku dhacaan mustaqbal madow oo hadhowto la qoomameeyo.

 


Dumar Iyo Caruur Ka Mida Danyarta Degen Xaafadda State House-ka Oo Socod Cabasho Ah Ku Tegay Xarunta C.I.D Ee Hargeysa

Hargeysa, September 8, 2008 (Haatuf) – Dumar iyo caruur ka tirsan dadka danyarta ah ee degen state house ayaa shalay socod cabasho ah ku soo maray waddada ka timaada xaafada state house-ka iyaga oo socodkaa ku tegay xarunta CID, iyaga oo ka cabanaya raashin ay sheegeen in uu bixiyey nin Carab ahi kaas oo ugu deeqay dadka danyarta ah bisha Ramadaan.

 Caasha Cabdi Maxamuud oo ka mid ahayd dadkii cabanayey ayaa waxa ay tidhi “Anagoo ah dad istaad hooska degen oo haysta dad itaal daran oo danyar ah ururo ayaa bishiiba dhawr jeer ayay noo keenaan qolo cadaana oo ay na sawiraan dadkaa waalan ay magacyadooda soo qoraan, marka mashruucii ay nagu qaateena uu soo baxo ayay na didinayaan, habeenkii ayay noo yimaadaan dhib aada ayaanu qabnaa, dawladayaada waxaanu ka codsanaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan ay naga qabato dadkan gudida xaafadayada ah, aqal haddii uu naga gobto inayta ay tiifii naga duubtaan ayay wixii mashruucaa ay ku qaataanay ay iyagu cunayaan oo wixii dheef ahba inata ay iyagu la soo baxaan ayuun bay naga qaataan, waxa aanu si weyn uga cabanaynaa gudoomiyaha, guddida xaafada iyo ururo maxaliya oo yimaadaan iyagoo wada dad cadaana, taas oo ay ugu dambaysay inta ay na yidhaahdeen markab caawimo ah oo ay carabi ay dadka jilicda san ku soo caawisay ay na yidhaaheedn ayaa naga maamul nagu dhex jira, gudoomiye yaal iyo ururo dumaro ay leeyihiin, oo ay qarkood lacag nagu soo qoreen oo wixii ay nagu soo qaadan kareen nagu soo qaatay anagoo leh dadkaa jilicda san ee qaar ay ka waalan yihiin qaarna ay isa sidaan, kuwaas oo naga hoos dusay markii aanu tagnay dibu dajinta ayaa aanaanu ka helin wax soo dhaweyna iyo wax qabadtoona anagoo ah dad ooman oo ramadaantiina ugu soo gashay wax la’aan, ”

Dadkan danyarta ah ayaa ah kuwo marar badan ay ku dhacdo aimahan ay ka cabanayaan oo kale, isla markaana aan helin cid ay uga dacwoodaan ama wax u qabata oo dhegaysata dacwadooda waxaana xukuumada ku waajiba inay dhibaatooyinka soo gaadhaya dadka tamarta daran ay iyadu wax ka qabato.

 


Lamaane Faransiis ah oo budhcadii soo afduubtay ay la galeen Buuraha ku dhow xeebaha Puntland

Boosaaso September 8, 2008 (W. Wararka) – Wararka ka imanaya degmada Caluula ee gobalka Bari ayaa sheegaya in ay Kooxaha Budhcad baddeeda ee Afduubay Dooni laga lahaa dalka Faransiiska ay la dageen Dadkii saarnaa iyaga oo ula kacay dhinaca bariga ka dib markii dawladda faransiisku ay sheegtay in ay weerari doonto budhcad baddeeda.

Guddoomiyaha degmada Caluula Xareed Ciise Cumar oo u waramay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ay arintaasi jirto, balse waxa uu intaa ku daray sababta keentay in budhcad baddeedu ay xaga bariga ula kacaan uu ku sheegay in ay dhawaanahanba soo baxaysay cabsi ay ka qabaan diyaaradaha dagaalka ee faransiiska oo la sheegay in ay budhcad badeeda afduubka ku haysata muwaadiniinta faransiiska ay ku qaadi doonaan weeraro.

Doonidii ayaa lasheegay in ay dhextaalo biyaha, waxaana warar aan la hubin ay sheegayaan in laga yaabo in ay Burcad Badeedu gubaan doontaasi, waxa ayna taalaa meel ku dhow xeebaha deegaanada hoos yimaada Caluula.

Talaabadan ay qaadeen Burcad Badeeda Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmayah xili ay xalay Burcad badeeda lugu qaaday weerar, waxaana waxyeelo ka soo gaartay Qaar ka mid ah burcad badeeda.

Marwalba kala soco shabakada AllPuntland wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya oo xaqiiqo ku saleysan.

 


Markab Dagaal Oo Maraykanku Leeyahay Oo Qabqabtay Budhcad-Baddeed Somali Ah

Boosaaso September 7, 2008 (W.Wararka) – Koox budhcad baddeed ah oo doonayey inay afduubaan markab laga leeyahay dalka Sucuudi Arabia ayaa la sheegay in dagaal ay kala kulmeen badda, taas oo ay wararku sheegeen in qaar ka mid ah la laayay kuwa kalena la qabqabtey.

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Puntland kana gaabsady in magacyadooda la sheego ayaa sheegay in ay ciidamo iskaashanaya oo ah kuwa Badda ee dawladaha ciidamada u soo diray xeebaha Somalia ay qabteen 6 Lix budhcad Baddeeda ah, isla markaana la sheegay inay dileen 7 kale, sidoo kale waxa la sheegayaa in Saraakiisha ciidamada Puntland ay Burburiyeen doonidii ay wateen Budhcadaasi.

Dhinaca kale, Markab dagaal oo aan la aqoonin cidda leh ayaa Ciidamo saaran waxay Xeebaha Soomaaliya ka qabteen 14 Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo la socday Doon yar oo ay adeegsadaan marka ay wax af-duubanayaan.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland C/qaadir Muuse Yuusuf ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in Markabkaas oo uu u maleynayo in uu Maraykanku leeyahay ay Ciidamada saaran burburiyeen Doontii ay Budhcad Badeedka wateen, kadibna ay gacanta ku dhigeen.

“Weli waanu baadhaynaa cidda Markabkaas Dagaal leh” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumeysiga Puntland C/qaadir Muuse Yuusuf.

Saraakiisha Dekedda Boosaaso ayaa u sheegay warbaahinta Puntland in dekedda uu la soo xidhiidhay Markab dagaal oo soo galay Xeebaha gacanka, isaga oo ka codsaday inuu soo galo biyaha Puntland.

Guddoomiyaha degmada Caluula ee Puntland Xareed Ciise Cumar ayaa sheegay in ay Maraakiib badan oo ay leeyihiin ciidamada shisheeyuhu ay ku soo dhowaadeen deegaanada Caluula iyo hareeraheeda .

Deegaano aan wax badan ka fogeyn Degmada Caluula ayaa lagu heystaa Markab weyn oo laga leeyahay dalka Masar,waxaana sidoo kale isla shalay dhinaca bariga loola kacay dad lagu soo afduubay Dooni laga leeyahay dalka Faransiiska oo ay dhowaan budhcad baddeedu ka soo afduubeen xeebaha dalka yeman.

.


DHACDO LA YAABLE: Qaxootinimo iyo Qoomamayn

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo uu maan-qaaday u tahriibidda dalka Sacuudiga, ayaa iyaga oo markaas ku sugnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen, oo ay Qaxooti ku ahaayeen, waxaa ay heshiis la galeen nin "Ma-naxe" ah oo lagu yiqiin xagga wax-tahriibinta.

Ninkan ayaa waxaa uu ogaaday, ama yaqiinsadayna: inay kooxdani dhammaantood yihiin kuwa il-duufsan, ku cusub dalka Yemen, oo aan fikrad ka heysan fogaanta(masaafo) ay isu jiraan Cadan oo Yemen ah iyo Jidda oo Sacuudiga ku taalla. Waxay kooxdu iska ahaayeen "Reer-baadiye" Soomaaliyeed oo mar-dhoof ah, laakiinse Xoolo badan soo iibsaday, watana Lacag lixaad leh oo Doollar ah.

Ninkii wax-tahriibinayay, ayaa si ku-meel gaadh ah u dejiyay dhallinyarada Xaafad fog oo duleedka Cadan ku taalla, si aanay xidhiidh ula yeelan Soomaalida kale. Wuxuu kula heshiiyay lacag dhan 2500-Doollar, waayo waxay tiradoodu ahayd 10-ruux, oo uu midkiiba bixinayo 250$ oo min Cadan ilaa Jidda ah.

Goor ay saqdii dhexe ahayd, ayuu u soo kireeyay Bas 12-qaad ah(Caasi), wuxuuna ka soo dhaqaajiyay Cadan. Qaab farsamaysan oo uu yiqiin ayuu ku soo gudbiyay Kontoroollada Magaalooyinka. Habeenkii labaad, goor ay haddana saqdii dhexe ahayd ayuu keenay, kuna daadiyay magaalada Xudeyda ee Xeebta Badda Cas, Galbeedka Sanca ee isla dalka Yemen ah.Wuxuuse u sheegay dhallinyarada in magaalada ay soo caga-dhigteen ay tahay Jidda oo Sacuudiga Arabia ah.

Wuxuu u kireeyay oo seexiyay dhallinyaradii meel ku taalla duleedka magaalada,waxaanu ku yidhi "Magaaladu waa halis habeennadii, ee markii uu waagu baryo, qof kasta ha ka baxo Lukaandada oo ha raadsado Eheladiisa".

Isagu wuxuu gacanta ku dhigay oo jeebka ku ritay lacagihii lagu heshiiyay oo 2500-Doollar ahayd, magaaladiisuuna dhinaca ka galay,waayo Soomaalida ayaa tidhaahda:-"Ishiisa laga arkaa Ushiisa lagu dilaa"...

Markii uu Waagii baryay ayay dhallinyaradii ka soo tooseen Lukaandadii. Waxay isu soo raaceen laba-laba; iyaga oo soo abbaaray dhanka Suuqa. Waxay istaageen faras-magaalaha, waxaanay -iyaga oo ku hadlayay af carabi jajaban - dadkii weydiiyeen halka ay ku taallo Xaafadda Km.7 oo ay Soomaalidu ku badan yihiin ee magaalada jiddah...!!.

Dadkii reer Xudeyda oo yaaban , ayaa u sheegay dhalinyaradii habowsanayd, in aanay Xudeydaba ku oollin Xaafad lagu magacaabo Km.7, balse Xaafadda magacaas lihi ay ku taallo Jidda oo Sacuudiga ah.

 Dhallinyaradii oo isla quman ayaa weydiiyay dadkale Su'aal ahayd:-" Halkani Jidda ma aha miyaa ?!!". Waxaa loogu jawaabay:-" Jiddi waa Sacuudiga, halkaad joogtaanna waa Xudeyda oo dalka Yemen ah".

Intii ay iyaga oo qoomamaynaya iska daba wareegayeen, ayaa waxaa gacanta ku dhigay Booliska magaalada, dhowr maalmood oo ay xabsiga ku jireen ka-dibna waxaa lagu soo celiyay Cadan.

Waxay raadiyeen ninkii lacagta ka qaatay ee wax-tahriibiyaha ahaa, waxaase loo sheegay in uu u dhoofay xaggaa iyo dalalka Yurub. Ma aanay aqoon magaciisa oo buuxa, wax aqoonsi ahna kama ay heynin. Soomaaliduna waxaa ay ku maahmaahdaa:-"Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa". Waxaa kale oo la yidhaahdaa:-"Dhar- magaalo si loo xidhaa o way fududdahay, laakiinse dhal-magaalo si loo noqdaa way adag-tahay"...!!.

 


Ciidamada Mbagathi Iyo Kooxaha Ka Soo Horjeeda Oo Dagaal Ku Dhexmaray Baydhabo

Baydhabo, September 8, 2008 (W.Wararka) – Ciidamada dawladda Mbagathi ee Soomaaliya qeybta gobalka Bay, ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday weeraro ka imanayay Kooxaha ka soo horjeeda ee kula dagaalamaya gudaha Somalia.

Ciidamada dawladda mbagathi ayaa iska caabiyey Kooxihii soo weeraray habeenkii xalay gantaalo iyo madaafiic lagu qaaday suuqa xoolaha ayaa haddana waxa ay wararku sheegeen in dagaalku uu saameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada baydhabo.

Saraakiisha dawladda ee Baydhabo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dagaaladii habeenkii xalay ahaa ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxaanay Saraakiishaasi diideen in xalay weeraradu ay saameyn kuyeesheen Xarunta Madaxtooyada & Garoonka diyaaradaha.

Wararka Khasaaraha dagaalkan ayaa sheegaya in halkaasi meydkooda shalay laga helay dad gaadhaya 6 qof, lamana garanayo in ay yihiin shacabi iyo inay ahaayeen Kooxihii weerarada soo qaaday.

dawladda mbagathi ayaa sheegtay in ay tiro badan oo ah kooxihii weerarada soo qaaday ay ku dileen qaar kalana ay qabteen.

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta baarlamaanka Soomaaliya, oo Caasimada Soomaaliya galbeed kaga beegan masaafo dhan 240KM, ayaa ah halka ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin saldhiga u weyn ee ay adeegsadaan ciidamadaasi.

weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Baydhabo ayaa saameyn ku yeeshay howlaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaanay kooxaha mucaaradka ahi hore u sheegeen inay weeraro ku qaadayaan Xarunta baarlamaanka ee magaalada baydhabo.

Top