Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1846 | Sept 29, 2008 | |||||
|
Xasan Turki Oo Sheekh Shariif Iyo Xasan Daahir Aweys Ku Tilmaamay Niman Gaaloobay Oo Ka Baxay Diinta Islaamka Kismaayo, September 29, 2008 (W. Wararka) – Sheekh Xasan Turki oo ka mid ah hogaamiyayaasha ururka Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somaliya labada wadaad ee Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir Aways ku tilmaamay niman gaaloobay oo ka baxay diinta islaamka, iyadoo uu Xasan Turki iminka taliye u yahay kooxo dagaal yahan ah oo la magac-baxay Mujaahidiinta Raas-kaambooni. Sh. Xasan Turki waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu u jeedinayey niman qur-ba-joog ah oo uu la yeeshay kulan dhinaca telefoonka ah (Tel-conference), isagoo Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir Aways ku tilmaamay niman ka ridoobay diinta islaamka, sidaa darteedna buu yidhi ilaa ay toobad keenaan aan waxba laga dhegaysan doonin, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Sheekh Shariif oo uu ku sifeeyey nin gaal ah, maadaama buu yidhi uu gaalada raacay. Xasan Turki waxa kale oo uu si weyn u weeraray isbahaysiga uu Sheekh Shariif madaxda ka yahay oo dhowaan ka qayb galay shirarkii Djibouti ka dhacay ee lagu heshiisiinayey kooxaha debed-joogga ah ee maxkamadaha ka tirsanaan jiray iyo dawladda C/laahi Yuusuf, wuxuuna Xasan Turki isagoo arintaa ka hadlaya yidhi “Qolooyinka isbahaysigu dhibaato xoog leh bay nagu soo wadaan, waxaana loo soo dhiibay lacag dollar ah oo ay si qabiil-qabiil ah hub ugu iibinayaan, doonayaana inay nagula dagaalamaan”. Xasan Turki waxa uu ka mid ahaa ururkii la magic-baxay midowga maxkamadaha ee burburay, taas oo ay isaga (Turki) iyo labada sheekh ee uu hadda ku tilmaamay niman gaaloobay intuba ka mid ahaayeen madaxdii hogaaminaysay, hase yeeshee Xasan Turki waxa uu sheegay inaanu iminka ka mid ahayn midowgii maxaakiimta, wuxuuna iminka hogaamiyaa kooxda la magac-baxday Mujaahidiinta Raas-kaambooni ee gacanta ku haysa magaalada dekedda ah ee Kismaayo. Dableydii Markabka Af-Duubtay Oo Kala Jabay, Qaarna La Khaarajiyey Iyo Wararkii U Dambeeyey Ee Xaaladda Markabka Hobyo, September 29, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Kooxdii dableyda ahayd ee Khamiistii dhowayd Markabka xanbaarsan shixnadda hubka ayaa la sheegay inay u kala jabeen laba kooxood oo ay markabka dhexdiisa isku qabsadeen, taas oo koox ka mid ah labada kooxood laga daadiyey markabka, iyadoo markabkaa markii u horaysay ee la qabtay la geeyey xeebta Eyl, hase yeeshee ay markii dambe kooxda dableyda ee ku guulaysatay inay la wareegto Markabkaa u dhaqaajisay dhinaca xeebta Hobyo. Sida wararku sheegeen nimanka dableyda ah oo ka soo kala jeeday qabiilooyinka Majeerteen iyo Habar-gidir waxa markabka dushiisa ku dhexmaray dagaal, ka dibna waxa meesha laga saaray raggii ka soo jeeday qabiilka Majeerteen, waxaana markabka la wareegay dableyda ka soo jeeda qabiilka Habar-gidir , taas oo raggii dableyda ahaa ee ka soo jeeday qabiilka Majeerteen ay wararka leeyihiin waa la khaarajiey oo badda ayaa lagu daadiyey, halka ay wararka qaarna tibaaxayaan in lagu dejiyey meel xeeb ah. Inkasta oo la sheegay in shixnadda hubka ah ee saaran markabka la afduubay ay ku socotay dalka Kenya, hadana warar goor dambe soo baxay ayaa tibaaxay in shixnadda hubka ah loo wadday dalka Suudaan, waxaana abuurmay dodo ku saabsan shixnadda hubka ah iyo meesha ay ku socotay. Waxa kale oo ay wararku sheegeen inuu ururka Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somaliya si weyn u quudarraynayo inay gacanta ku dhigaan hubka saaran markabka la haysto. Hase yeeshee dhinaca kalena maraakiibta dagaalka ee reer galbeedka ayaa ku hareeraysan Markabkaa, waxayna ku mashquulsan yihiin hawl-gallo ay kaga hortegayaan inaanu hubka Markabkaa saarani gacanta u gelin ururka Al-shabaab. “Islaamiyiintu waxay Muqdisho ka direen baabuur ah nooca dusha furan, kuwaas oo loo diray xeebta Markabku ku xidhan yahay” sidaa waxa yidhi nin aad ula socda wararka sirta ah ee Somaliya oo u waramay mid ka mid ah wakaaladaha wararka, isagoo dagaalyahanka Al-shabaab ku tilmaamay kuwo xidhiidh la leh dhaqdhaqaaqyada ay dableyda maraakiibta qafaalataa ka wadaan xeebaha Somaliya, hase yeeshee waxay wararku leeyihiin way adag tahay inay ururka Al-shabaab la degi karaan hubka culus ee ay ka mid yihiin Taangiyadu, waayo lama hayo qalabkii lagu dejin lahaa hubkaa culus iyo weliba dekeddii laga rogi lahaa, waxaase laga baqe qabaa inay noocyo kale oo hub ah iyo qalab milateri kala degaan, waxayna maraakiibta dagaalka ee halkaa joogaa sawiro ka qaadeen Laashash hoosta kaga jira markabka la haysto, kuwaas oo laga shaki qabo inay gurayaan alaabo markabka laga rogayo. Wakaaladaha iyo hayadaha wararka ee dunida ayaa si balaadhan uga hadlay markabkaa iyo xaaladdiisa, waxayna sheekada markaasi noqotay arin si weyn isha loogu hayo, iyadoo 1320 wakaaladood iyo hayadood oo ka tirsan warbaahinta aduunku ka warameen dhacdada afduubka markabkaa. “Waxaanu si aanaan waxba ka dhimayn u doonaynaa 20 Milyan dollar, kamana yaraanayso, kama badnaanayso”, sidaa waxa yidhi af-hayeen u hadlay dableyda Markabka shixnadda hubka ah xanbaarsan ku haysata xeebta, isagoo sheegay inay lacagtaa madax-farashada doonayaan . Markabkaa oo laga leeyahay dalka Ukraine oo ay dableydu xeebaha Somalia ka qabsadeen khamiistii ina dhaaftay waxa uu hadda ku sugan yahay meel u dhow magaalada xeebta ah ee Hobyo, halkaas oo ay ku hareeraysan yihiin maraakiibta dagaalka ee reer galbeedku oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa saddex xabbo. Af-hayeenka u hadlay dableyda Markabka haysata oo magaciisa ku koobay Sugulle, wuxuu ka waramay maraakiib kuwa dagaalka ah oo bog-cadda ay joogaan ku wareegsan ee gaadh ka haya, wuxuuna yidhi “Waa run oo waxa nagu hareeraysan saddex markab oo kuwa dagaalka ah, wayna noo muuqdaan, hase yeeshee kama baqanayno joogitaankooda”. Sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee dunidu saddexda markab-dagaal ee gaadhka ka haya markabka ay dableydu haysato mid ka mid ah waxa leh dawladda Maraykanka, halka labada kalena ay leeyihiin dawladaha reer Yurub, balse si gaar ah looma sheegin dawladda ama dawladaha leh. Sida la sheegay markabkaasi wuxuu hadda ku sugan yahay xeeb u dhow tuulo magaceeda la yidhaahdo Xinbarwaaqo oo u dhexaysa magaalooyinka Hobyo iyo Xara-dheere oo ku yaal xeebaha badhtamaha Somalia, waxaana hareeraha ka taagan ugu yaraan laba ka mid ah maraakiibta dagaalka ee reer galbeedka, iyadoo la sheegay in sababta ugu weyn ee ay maraakiibtaasi heeganka u yihiin ay tahay inaan hubka markabkaa saaran lagu dejin xeebaha Somalia, taas oo ay dawladaha reer galbeedku ka baqe qabaan inuu hubkaasi gacanta u galo ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somalia. Nin caaqil ah iyo nin kale oo kaluumaysato ah oo jooga magaalada la yidhaahdo Xara-dheere oo 410 Km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inay indhahooda ku arkeen markabka la haysto oo ay hareeraha ka taagan yihiin, aadna ugu dhow yihiin laba markab oo kuwa dagaalka ah. Nin kale oo oday ah oo aan magaciisa sheegin ayaa is-na AFP u sheegay inuu maqlayey ciidamada saaran maraakiibta dagaalka oo isticmaalaya cod-baahiyaal, kuna dhawaaqaya “Haddii aad tihiin af-duubayaasha waxaanu idiinka digaynaa inaad isku daydaan inaad shixnadda hubka ah ee markabka saaran ku dejisaan mid ka mid ah dekedaha aad ag-joogtaan”. Sidoo kale waxay ciidamada maraakiibta dagaalka saarani, iyagoo la hadlaya dableyda ku dhawaaqayeen “Haddii aad dableyda tihiin mid ka mid ahi ha soo dego oo hanala hadlo”, hase yeeshee ninka odayga ah ee u waramay AFP wuxuu sheegay inaanay nimanka dableyda ahi wax jawaab ka bixin dhawaaqa ka soo yeedhay ciidamada saaran maraakiibta dagaalka, iyadoo dhinaca kalena uu afhayeenka u hadlay dableydaasi sheegay inaanay hawl-yari isu dhiibayn ee ay dagaalami doonaan haddii la soo hujuumo, wuxuuna ninkaa af-hayeenka intaa ku daray inuu jiro xidhiidh dhexmaray, iyaga (Dableyda) iyo shirkadda markabka leh. Sida la sheegay waxa jira dad u kala dab-qaadaya dableyda markabka haysata iyo shirkadda markabka leh, waxaana sida ay wararku sheegeen ka mid ah dadka arinta soo dhex-galay safiirka dawladda Koonfur Afrika u fadhiya dalka Ukraine. Hase yeeshee sida ay wararku sheegeen ilaa xaaladda markabkaasi way cakirran tahay, waxaana la sheegay inay Maraakiibta dagaalka ee reer galbeedku si weyn cidhiidhi ugu hayaan dableyda markabka gacanta ku haysa, welise aanay gacanta ku dhigin.Shirkad Irish Ah Oo Si Weyn U Rajaynaysa Inay Batrool Ka Hesho Somaliland Hargeysa, September 29, 2008 (Haatuf) – Shirkad magaceeda la yidhaahdo Enex Energy Resources oo ka diiwaangashan dalka Ireland ayaa rajo fiican ka muujisay inay batrool ka hesho dhulka Somaliland marka ay dhawaan halkan ka bilowdo hawlo batrool baadhis ah. Agaasimaha shirkaddan Mr. Len Tiahlo ayaa waxa uu wargeyska The Irish Times u sheegay inay marka hore sameyn doonaan baadhitaan dhulka ah dabeetana hawshooda ku bilaabi doonaan qoditaanka laba ceel. Mar agaasimaha Enex Energy Resources wax laga weydiiyay inta ay le’egtahay rajada ay ka qabaan inay ku guulaystaan hawshooda, waxa uu ku jawaabay inay rajo weyn ka qabaan arrintaa oo marka ay dhulka fajaasaan ee ay qoditaanka sii wadaan inay gaadhi doonaan batroolka dhulka hoostiisa ku jira. Sida uu wargeyska Irish Times sheegay, shirkadda Enex waxa mashruucan batrool soo saarista ah kula shuraako ah xukuumadda Somaliland iyada oo labada dhinac ay heshiis arrintan ku saabsan hore u kala saxeexdeen. Agaasimaha shirkadda, Mr. Len Taiho waxa uu Kamiyadda batroolka ah ee ay filayaan inay ku jirto bog-cadda loo qoondeeyay, waxa uu xajmiga batroolka dhulka la siiyey ku jira ku tilmaamay mid gaadhaya boqolaal milyan oo foosto. Shirkadda Enex Energy Resources oo dhawaan la aasaasay waxa la sheegay inay ku tiirsan tahay nin inbadan ku soo jiray arrimaha baadhitaanka iyo soo-saarista batroolka oo la yidhaahdo John McKeon, kaas oo dhowaan ka rukhsaystay xubinimadii golaha hoggaamineed ee shirkadda Circle Oil. John McKeon oo u dhashay dalka Ireland waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii shirkadda Circle Oil, waxaanu horaantii bishan ku guulaystay inuu dawladda Liibiya ku qanciyo inay $19 milyan ku maalgeliso hawlaha saliid baadhista ah ee ay Circle Oil ka waddo qaaradda Afrika. Warkan ku saabsan shirkadda Enex Energy iyo xidhiidhka ay la leedahay Somaliland ee uu soo daabacay wargeyska The Irish Times waxa uu ku soo beegmay xili uu wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale booqasho ku joogo caasimadda dalka Ireland ee Dublin.NGO-Yada Maxalliga Ah Ee Ku Hawlan Wacyigelinta Diiwaangelinta Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Ka Haysta Dadweynaha Boorama, September 29, 2008 (Haatuf) – Mid ka mid ah ururada maxalliga ah ee loo xilsaaray dhaqaajinta wacyigalinta diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatada hawshaasi ay kala kulmeen iyo waxay ilaa imika qabteen. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, ururkan oo ka mid ah ururadaaasi oo la yidhaahdo Kaalmo, oo ah ururada haweenka ee gobolka Awdal, ayaa waxay sheegeen inay hawshaasi ilaa imika si fiican ugu socoto balse ay jiraan hawlo u baahan in wax laga qabto qaarkoodna looga baahan yahay inay dib u saxaan komishanka sare ee diiwaangelintu. Xaawa Rooble Cidheere ahna guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Kaalmo oo arrimahaasi ka waramaysaana waxay tidhi “Waxaanu ka mid nahay ururada haweenka ee muddo ka badan toban sano ka shaqayn jiray hawlaha wacyigelinta dhinacyada siyaasadda, caafimaadka iyo adeegyada kaleba, Hawshan diiwaangelinta oo wakhtigan naloo xilsaarayna weli waxaanu ku jirnaa wejigeedii koowaad, oo ah wacyigelin iyo diiwaangelin wada socota, waxan hawshan oo aanu wadnay toddobaadkii ugu horeeyey wax aanu kala kulanay wejiyo kala duwan maadaama ay ahayd markii noogu horeysay ee aanu hawshan oo kale naloo xilsaaro, Dadka codbixiyayaasha ee aanu diiwaangelinayno weli ma fahamsana waxan aanu ka hadlayno, waxayna u baahantahay wakhti dheer sidii looga dhaadhicin lahaa, Dhulku wuu ballaadhan yahay, dadkuna weli waxaad mooddaa inay doorasho uun ku qufulantahay. Dhinaca haweenka markaad eegto, ma helaan wakhti ay is diiwaangeliyaan oo guryihii iyo suuqii iyo adeegyadii qoyska ayey ku maqanyihiin ilaa imika dadka aanu diiwaangelinay waxay ka yihiin boqolkiiba shan 5% sidaa darteedna waxa loo baahan yahay in haweenka meelaha suuqyada qudaarta iyo hilibka looga sameeyo goobo ay ka qaataan foomamka. Dhinaca kale markaad eegto waxay dadka qaarkiina ku weydiinayaan waxa magaca hooyada loogu dari waayey foomka maadaama la leeyahay bay leeyihiin waraaqo aqoonsi ayaan la idin siinayaa, sababtoo ah maanaan aragbay leeyihiin kaadhka aqoonsiga oo magaca hooyada laga tagay. Waxa kale oo jirta isfahan la'aan ka dhex jirta dadka qaarkii oo meelaha qaarkood dadku waxay qaadanayaan foomam badan oo aanaan ogeyn waxay ku samaynayaan maadaama qof kasta laga doonayo hal foom oo keli ah inuu buuxiyo, arintaana go'aano adag ayaan ka soo saarnay. Hawshani waa hawl culus oo aan u malaynayo inay qaadanayso wakhti ka badan kan loogu talo galay ee ilaa 14ka December, magaaladiibaan ka bixi la’nahay weli, baadiye xitaa awooddu way yar tahay, dhulkuna wuu balladhan yahay sidaa darteedna wallaahi walaacbaan ka qabnaa inaa hawsha intaa leeg ku dhamayn karo muddodadaasi, waxanan anagu ka urur ahaan qaabilsanahay deegaanka Boorama oo ilaa 26 goob diiwaangalineed ah welina hawshaasi kaw ma joogto, waxanan komishanka sare ee diiwaangelinta ka codsanaynaa in la badiyo goobaha, lana saxo foomka la buuxbuuxinayo” Maxamed Cabdi Xaamud (Nine) Oo Ku Eedeeyey Wasiirada Ciyaaraha Iyo Kaluumaysigu Inay Bili-liqaysteen Hay’addii Uu Madaxda Ka Ahaa ,Sheegayna Inay Ka Bililiqaysteen Hay’adiii Uu Madaxda Ka Ahaa “Wasiirada Ciyaaraha iyo Kaluumaysigu hay’adii AMADO ee aan madaxda ka ahaa ayey iga boobeen, damiin baana laygu soo daayey” Mr:Nine Hargeysa, September 29, 2008 (Haatuf) – “Xadhigii ciidanka Bileysku igu xidheen habeenkii jimcihii waxa ka soo shaqeeyey wasiirada Ciyaaraha iyo kaluumaysiga oo hay’adii AMADO ee aan madaxda ka ahaana bililiqaystay una dhiibay agaasime aan Deegaanka ahayn, waxaana hadda laygu soo daayey Damiin” sidaa waxaa yidhi guddoomiyihii hay’adda AMADO Maxamed Cabdi Xaamud (Nine) oo jimcihii todobaadkii hore ciidamada Bileysku xabsiga u taxaabeen, balse subaxdii sabtidii laga damiintay xarunta C.I.D-da oo uu ku xidhnaa oo xalay wargeyska Haatuf xogwaraysi khaas ah kala yeeshay arrimihii lagu xidhay iyo qaabkii loo soo daayey iyo guud ahaanba qadiyada uu xadhigiisu ka dhashay. Xogwaraysigaasi iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan: S: Xadhigii ciidamada Bileysku xabsiga kuugu taxaabeen habeenkii jimcihii muxuu ka dhashay? J: Horta xadhigaygaasi waxaa ka soo shaqeeyey wasiirada Ciraaraha Maxamuud Siciid Maxamed, Kaluumaysiga Cali Maxamed Qoor-seef iyo qaar daba joogay, waxaanu ka dhashay qadiyad la xidhiidha hay’adii aan madaxda ka ahaa ee AMADO oo ay xubnahaasi wasiirada ah iyo xubno kale oo daba taagnaa ay iga boobeen oo ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka dooneen in qandaraas Diiwaangelinta ah kaga qaataan taas oo anigu aan qoraal ku cadaynayo inaan agaasimihii fulinta ee hay’adaasi AMADO ahay aan u kala qoray wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka, arrintaas darteedna waxaa dhacday in xabsiga la iitaxaabo. S: Maxaa hadda laguugu soo daayey? J: Waxaan kaga soo baxay xabsiga oo laygu soo daayey damiin ay I damiinteen xildhibaano ka tirsan goleyaasha baarlamaanka, sidaa darteedna damiin baan ku jooga. S: maxaad isku qoonsateen ee aad iska qaniinteen wasiirada Ciyaaraha iyo Kaluumaysiga ? J: Runtii wasiiradaasi waxay qadiyadayadu ka bilaabantay markii aan hay’adii aan ka madaxda ahaa ay soo farageliyeen ee ay Board cusub-na ay isku magacaabeen, agaasime aan deegaanka bariga Sanaag u dhalan-na oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Kaneeco ay iska magacaabeen kuna wareejiyeen gaadiidkii iyo xaruntii hay’adaasuba ayaan aniguna qoraal aan ku joojinayo hay’adaasi aan u kala qoray meelihii ay khusaysay waxaana muuqata in farogelin sharci daro ah ay ku sameeyeen hay’adii madaxnimada laygu doortay ee loo aasaasay horamarinta deegaanka Bariga Sanaag. S: Ma noo sheegi kartaa shakhsiyaadka kale ee aad sheegtay in ay daba joogaan wasiiradaasi ee iyagana board ka cusub ee hay’adaasi AMADO kula jira? J: Runtii way jiraan oo waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, Maxamuud Xirsi Faarax oo ka tirsan maxkamada sare, wasiir ku xigeenka Dib u dajinta Cabdixakiim Garaad iyo xildhibaan Cali Bare oo ka tirsan golaha Wakiilada, iyo nin kale oo la yidhaahdo Bilaa-Bireeg balse arinta xadhigayga waxaa ay ku koobnayd labadaas wasiir ee Ciyaaraha iyo Kaluumaysiga, xubnahaas kale’se kamay muuqanin arrinta xadhiga la xidhiidha. S: Hay’adii AMADO hada may xayirantahay hawlaheedii shaqo? J: Haa hay’adii way xayiran tahay waqtigan xaadirka ah. S: yaa xayiray hay’ada, mase ma noo sheegi kartaa cida xayirtay? J: Waxaa xayiray hay’adaha dawlada ee ay arrintani khusayso S: Waxaa la sheegay in wasiiradaasi kugu eedeeyeen in hawlaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha aad ka soo horjeedo, sidaa darteedna dacwada xadhigaaga ay u soo cuskadeen arimahaasi maxaa ka jira? J: Arrimahaasi waa been abuur wax ka jiraana ma jiraan wax Diiwaangelin ah oo aan diidanahayna ma jirto, balse haddii loo baahdo hay’ad ka fulisa Diiwaangelinta deegaanada Bariga Sanaag way jiraan hay’ado hore uga fuliyey hawlo ku saabsan doorashooyinka deegaanadaasi sidaa darteed waan taageersanahay inay hawsha Diiwaangelintu ay dalka ka qabsoonto balse arinku waa mid ku kooban hay’adii sida sharciga laygu soo doortay ee AMADOCabdillaahi Yuusuf Oo Cabasho U Gudbiyey Meles Zenawi Muqdisho, September 29, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Cabdilaahi Yussuf hogaamiyaha Mbagathi ayaa la sheegay inuu cabasho u gudbiyey Ra,iisal Wasaaraha dawladda Itoobiya Males Zenawi, kadib markii uu taliyaha Ciidamada Itoobiya ee jooga Muqdisho uu ka dhaga adaygay inuu u soo gurmado weerar ay kooxaha muqaawamadu ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada kaas oo aanay Ciidamada itoobiya u soo gurman. Sida ay sheegeen warar xogogaal ahi khilaafka u dhexeeya C/llaahi Yuusuf iyo Taliyaha Ciidamada itoobiya ayaa beryahanba ahaa mid soo noqnoqonayey, kaas oo ay ilaha warkan laga soo xigtey ay sheegeen in taliyaha oo magaciisa la yidhaahdo General Gabre looga yeedhay dhinaca Addis ababa kadib markii uu dacwad ka gudbiyey C/llaahi Yusuf, hase yeeshee lama oga in arinta loogu yeedhay ay tahay in laga bedelayo iyo in kale. Khilaafka u dhexeeya C/llaahi Yusuf iyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee jooga muqdisho ayaa la sheegay inuu ka bilowdey markii uu C/llaahi Yusuf ka dalbaday taliyahaasi in amaanka Madaxtooyadiisa ay ilaaliyaan Ciidamada Itoobiya iyada oo Maleeshiyada hadda ilaalisaa ay tamar beeshay, taasina ay dhiiri galisay kooxahaa dagaalka ka wada halkaas, arintaas oo la sheegay inuu Taliyaha Ciidamada Itoobiya uu ka diiday , taasina ay keentay in uu Madaxweynaha Mbagathi cabasho u gudbiyey Ray,iisal wasaaraha Dalka Itoobiya . Dawladda Itoobiya ayaad moodaa inay beryahan dambe ka soo taagan tahay siyaasada C/llaahi Yuusuf iyo horumar la,aanta hanaanka dib u heshiisiineed ee xukuumadiisu la wado kooxahaa kacdoonka wada oo eedeeda inta badan la saaro inay waxba ka socon la, yihiin madax adayga C/laahi Yusuf, waxaa kale oo xukuummada Itoobiya caddaadis dhinaca dublamaasiyada beesha caalamka iyo dhibaatada ay ciidamadooda jooga magaalada muqdisho kala kulmayaan kooxaha ka soo horjeeda oo sii badanaya ayaad moodaa inaanay waqtigan jeclayn siyaasada C/llaahi Yusuf ee Somaliya sidaas darteed aanay ka bedelin Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee jooga Muqdisho ee Wakhtigan .Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Markabka Hubka Sida Ee Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya Oo Dhintay Hobyo, September 29, 2008 (W.Wararka) – mid ka mid ah shaqaalaha markabka hubka siday ee u rarnaa Dalka Kenya ee ay budhcad baddeeda soomaalidu gacanta ku dhigeen ayaa sida ay wararku Ninka ku dhintay markabka dushiisa ayaa la sheegay inuu u dhintay xanuunka dhiig karka, inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin sababta uu u dhintay iyo inay dileen budhcadu. Markabkan oo laga leeyahay dalka Ukrain ayaa markii ugu horeysay budhcad baddeedu si toos ah ula haddashay saxaafadda madaxa banaan ee Soomaalida, kuwaas oo beeniyey nin hore u sheegtay in uu yahay Afhayeenka budhcad baddeeda haysata markabka laga leeyahay dalka Ukraine ee hubka sida. Ninkan shalay la hadlay saxaafadda oo magaciisa ku sheegay Sugulle ayaa sheegay in uu dul sasran yahay Markabka oo uu ka mid yahay ragga uu markabku gacanta ugu jiro, waxaa kale oo uu ninkani sheegay inaanu wax baqdin ah ka qabin ciidamada dul jooga, iyo in xidhiidh wanaagsan uu dhex maray oo ay la sameeyeen shirkada markabka oo ay ka dalbadeen 20 milyan isagoo beeniyey wararkii hore usoo baxay ee sheegay in 35 milyan codsadeen. Ninkan ayaa beeniyey inay daneenayaan in wax hub ah ay markabka kala dagaan isagoo sheegay inay la dagaalamayaan dadka ku xad gudba xeebaha iyo badaha Soomaaliya. Wuxuuna ku nuux nuuxsaday inaanay dowladda aqoonsaneyn maadaama ay ka adkaan wayday magaalada Muqdisho oo shacabka lagu laayo, waa siduu hadalka u dhigayee. Kabtanka Markabka mar la weydiiyey in uu cadeeyo in Markabka uu dul saaran yahay ayuu sheegay inuu telefonka u dhiibayo Kabtanka Markabkaasi waday. Mr. Sugulle ayaa intuusan telefonka u dhiibin Kabtanka su’aal laweydiiyey ahayd ma jiraan cid ku dhimatay Markabka ama dhaawac ka soo gaadhay, wuxuuna sheegay in cidina aysan wax ku noqon. Balse arinkan ayaa beenoobay kadib markii telefonka loo dhiibay Kabtanka Markabka, oo hadalkiisa ku bilaabay( We have a problem between my men and the soldears…” oo micnaheeda ah dhibaato weyn baa naga dhex taagan anaga (shaqaalaha Markabka) iyo kooxda hubeysan ee gacanta ku heysa. Kabtanka oo luuqada englishka oo ja jaban ku hadlaya ayaa intaasi ku daray in saaka mid ka mid ah shaqaalaha Markabka oo xanuunsanaa uu dhintay, ninkaasi oo dhalashadiisu ama lahjad ahaan u hadlayey Ruush. Hadaba xidhiidhkan ayaa ah kii ugu horeeyey oo saxaafada la yeelato Markabkaasi, kadib markii kooxda budhcad baddeeda iskood ula hadleen idaacada BBC-da. Waxaana uu sheegay ninkaasi lagu magacaabo Sugulle in ay xeebta u jiraan hadda 7 mile oo u dhaw xeebta Xarardheere oo ay dul heehaabayaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka isla markaana ay ku hareeraysan yihiin maraakiibta dagaalka. Waxa kale oo uu sheegay inaanay wax cabsiya ka qabin oo ay diyaar u yihiin inay dhintaan haddii la soo weeraro buu yidhi. Jimciyada Samo-fal Oo 166 Arday Oo Danyar Ah Ugu Deeqay Dharkii Ciiddal Fidriga Hargeysa, September 29, 2008, (Haatuf) Jimciyada gargaarka masaakiinta iyo Agoomaha ayaa shalay 166 arday oo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee ay gacanta ku hayaan ugu deeqay dharkii Ciida oo iskugu jiray dharka dumarka iyo Wiilasha taas oo manaasibadii lagu gudoonsiiyey lagu qabtay shalay dugsiga Al-Furqaan ee Degmada Kood-buur ee xaafada Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa. Munaasibadan Jimciyada Gargaarka Masaakiinta iyo Agoomuhu ay dharka Ciida ku guddoonsiinayeen 166-ka arday ee ka soo jeeda qoysaska danyarta ah oo lagu qabtay madarasada Al-Furqaan oo ay ka soo qaybgaleen waalidiinta ardaydaasi iyo masuuliyiinta jimciyadaasi Gargaarka masaakiinta iyo Agoomaha ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha jimciyadaasi Axmed Ibraahim Walad Cabdalla ayaa waxa uu sheegay in jimciyada gargaarka iyo masaakiinta la aasaasay bishii January,2004, isla markaana uu sheegay in 220 qoys ay raashin siiyaan 166 arday-na ay ka bixiyaan Fee-ga waxbarashada isagoo arintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “ jimciyada Gargaarka masaakiinta iyo Agoomaha waxaa la aasaasay 1-dii bishii January,2004, waxay ku aasaasantay markii aanu aragnay labada qoys ee isku dhow in midna cunteeyo midna qado, waxaanu ku bilownay inaanu raashin siino 220 qoys oo qoysaska danyarta ah ka soo jeeda iyo166 arday oo aanu iyagana waxbarasho siinay, kana bixino dhaqaale mushaharka waxbarashada, sanadkii hore 2007-dii waxaanu ciidsiinay ardayda qoysaskaa danyarta ah ka soo jeeda ee aanu waxbarashada siino, sidaa darteed waxaanu maanta ugu tallogalnay munaasibadan inaanu dharkii ciida u qaybino 166 arday oo ka mid ah ardayda jimciyada Gargaarka masaakiinta iyo agoomuhu ay gacanta ku hayso. Jimciyadan waxay si tabaruc ah ugu adeegtaa qoysaska danyarta ah 200 oo qoys raashin ayaanu siinaa bishiiba, 166 arday-na waxbaanu barnaa” Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka ururka Dan wadaag Nuura-Diin Maxamed Yoonis ayaa halkaasi ka hadlay ,waxaanu halkaasi ka sheegay ajarka balaadhan ee ku jira mucaawiyada caruurta danyarta ah, waxaanu yidhi “ waxaa maanta inoo farxad ah inaanu ka wada qaybqaadano munaasibada ay jimciyada gargaarka Masaakiinta iyo agoomaha ay ku iidsiinayso caruurta qoysaska danyarta ah ka soo jeeda ee waxbarto oo aan awood u lahayn waalidiintoodu inay dharkii ciida iyo lacagtii waxbarashada ay ka bixiyaan waxaanu ugu mahadnaqaynaa deeqdan Jimciyada iyo dadka ku soo tabarucay deeqdan ilaahayna ajar buu ku siinayaa mucaawimadaa ay u geysanayaan qoysaskaa danyarta ah” Dhinaca kale Xabiiba Aadan Samatar oo iyaduna ka mid ahayd waalidiinta ardayda dharka ciida loogu deeqay ayaa iyaguna u mahadnaqday jimciyada gargaarka Masaakiinta iyo Agoomaha, waxaanay tidhi waxaanu halkan uga mahadnaqaynaa jimciyada gargaarka masaakiinta iyo agoomaha ee kafaalo qaaday mucaawimada qoysaska danyarta ah oo muddo dheerna na soo hayey maantana aanu uga mahadnaqayno deeqdan dharka ah ee aanu munaasibada ciida caruurta ugu deeqeeen. Gebagabadii halkaasi waxaa lagu guddoonsiiyey 166 arday oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho dharkii ciida waxaana halkaasi laga sheegay dadka dhaqaalaha ku caawiya jimciyadan masaakiinta iyo Agoomaha oo iyagu kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Carta Qaalib, Nimco Axmed Yaasiin Maxamed, Raawiya, Dr: Rashiid Xasan Maxamuud, Cabdalla Muuse Axmed, Muxibo Maxamed Abiib, ururka abu hurayra Center Canada, shirkada TelesomXaalada Markabkii Siday Hubka ee lagu haystay xeebaha Gobolka Mudug Xarardheere, September 29, 2008 (W.Wararka) - Ilaa iyo markii ay kooxaha Budhcada Baddeedu afduubka u gaysteen Markabka Faina ee laga leeyahay Dalka Ukrain kaas oo siday Hub fara badan ayaa waxa ay noqtay arinta ugu hadal heynta badan Caalamka, Iyadoo Illaa 3-markab ay ku hareereysan yihiin markaabkaasi oo kooxaha Budhcada badeeda ahi ay sheegeen in wax damac ah oo ka haya in ay hubkaa la dagaan aanay jirin, oo ay doonayaan oo qudha lacag madaxfurasho ah oo ay dalbadeen oo dhan 20 milyan. Maraakiibta dagaalka oo ay leeyihiin dawladaha reer Yurub iyo maraykanka oo tiradooda lagu sheegay saddex ayaa ku gadaaman markabkan gacanta ugu jira kooxaha budhcad baddeeda soomalida ah ee ku mamay afduubka maraakiibta iskaga goosha xeebaha soomaaliya. Dhanka kale Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibada Dowladda Mbagaati Maxamed Jamac Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Muqdishu ayaa waxa uu si kulul uu eedeyn ugu jeediyey Ciidamada Shisheeye ee ku sugan xeebaha Somalia. Waxa uu sheegay Agaasimaha Ciidamada Shisheeye ee jooga Bada somaliya “Anaga ayaa ku filan arrintan waxaana caalamka weydiisaneynaa in nalaku gacan siiyo sidii aan uga guuleysan lahayn soo afjarida Budhacada Badeeda. Kooxaha Budhcada Baddeeda ah ayaa waxa ay noqdeen Kuwa keliya ee looga hadal haynta badan yahay Caalamka Iyadoo Dowlada Ukrain sheegtay in aan looga baahnayn Maraykanka in ay xiligan ay soo fara geliyaan arimaha Markaabkaa. Kooxahan ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan Lacag max furasho ah tii ugu badneyd ee ay ebid codsadaan taas oo lagu sheegay 20 Milyan Dollar. Iydoo magaalooyinka waa weyn ee Puntland ay aad ugu badanayaan Kooxaha Budhcada Baddeeda ah ayaa maantay waxaa lagu qabtay Qardho 3 ka mid ah kooxahaasi oo watay Lacag dhan 90,000 oo Dollar sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaal ka tirsan Maamul goboleedka Puntland. |