Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1941 January 18, 2009                          Muxaram22,1430H

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia


Oday John Drysdale Oo Illaahay Ku Hanuuniyey Inuu Islaamo Oo Uu Qaato Diinta Islaamka, Lana Magac Baxay Cabaas Idiris

Markii Hore Jidhkaygu Wasakh Ayuu Ahaa Imika Oo Aan Diinta Islaamka Galayna Jidhkaygu Waa Daahir, Cidkasta Oo Diinta Islaamka Dibada Ka Ahna Waxaan Kula Talinayaa….” Cabaas Idiris, Ex- John Drysdale.

Hargeysa, January 18,2009 (Haatuf)- John Drysdale oo ah nin dhalashadiisu Ingiriis tahay, madaxna ka ah Hay’adda Somaliland Cadastral Surveys ayaa Axadii todobaadkii hore si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu muslimay,isla markaana ashhaadada loogu qabtay masjidka Tabliiqiinta ee magaalada Hargeysa, taas oo uu sheegay in go’aankan uu ku muslimay uu muddo toban sanadood ah uu ka fikirayey isla markaana ay talooyin ugu soo jeediyeen inuu diinta islaamka galo, shaqaalaha ka shaqeeya hay’adiisa, taas darteedna uu sheegay inuu ka ogolaaday, isagoo intaa ku daray in muddadii ka horeysay intaanu muslimin uu jidhkiisu wasakh ahaa, balse uu tilmaamay muddadii uu muslimay inuu dareemay inuu jidhkiisu nadiif yahay, isagoo dhinaca kalana u soo jeediyey cidkasta oo diinta islaamka dibada ka ahi inay muslinto.

Cabaas Idiris waxaa uu sheegay in uu shanta wakhti ee salaada tukado, isla markaana uu barto Quraanka Kariimka iyo luuqada Carabiga iyo Axkaamta shareecada islaamka, waxaanu John Drysdale oo hadda loo bixiyey Cabaas Idiris uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaasa kula yeeshay xafiiskiisa Hay’adda Cadastral Surveys  ee magaalada Hargeysa ku leeyahay, kaas oo uu sidoo kale kaga waramay in hay’adiisu a 13 kun oo beero ah ay ka xadaysay gobolada Awdal iyo Maroodi Jeex, sanadkan cusub ee 2009 kana ay u qorshaysan tahay inay kala xadeeyaan kun beerood oo ku yaala gobolka Saaxil, waraysigaasina waxaa uu u dhacay sidan:

Mr: Cabaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Drysdale oo ka waramaya maalintii uu islaamay waxaa uu yidhi “ Axadii toddobaadkii hore ayaan masaajidka Tabliqiyiinta ee magaalada Hargeysa salaadii Duhur si rasmi ah ugu muslimay taas oo culuma’udiinkii joogay-na ay Ashhaadada ugu qabteen ka dibna ay salaadii duhur aan kula tukaday”

Maxaa kugu dhaliyey inaad diinta islaamka aad soo gasho oo aad muslinto, waxa uu ku jawaabay Cabaas “ Runtii saaxiibadayda shaqaalahayga Hay’ada ayaa in badan igu guubaabin jiray inaan muslimo, ana taladoodaasi waan ka ogolaaday laakiin muddo dheer oo toban sanno gaadhaysa ayaan ka fikiraayey sidii aan muslim u noqon lahaa, dabadeedna ilaahay mahaddii markii dambe ayaan go’aan ku gaadhay maadaama oo aan da’joogo inaan diinta Islaamka ku biiro oo wixii imika ka dambeeya iska cibaadaysto”

S: Intii aanad soo islaamin magacaaga waxaa la odhan jiray John Drysdale hadda oo aad islaantay magacii miyaad bedeshay ?

J: Haa oo waxaan la baxay magac cusub, waxaana la I yidhaahdaa Cabaas Idiris.

S: Goorma ayaad timid Somaliland ?

J: waxaan imid Somaliland markii iigu horeysay 1943 kii, anigoo wakhtigaa ahaa Sarkaal sare oo General ah oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada Ingiriiska, lix bilood ayaana ku soo qaatay dagaalkii Barma, markii dambe ee aan imidna waxay ahayd 1991 kii markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga madaxbanaanida Somaliland oo aan ka qaybgalay shirkii lagu qabtay Burco, markii shirkaasi dhamaadayna ee aan dalkaygii ku noqdayna waxaan qoray sideed Buug oo ka waramaya taariikhda jiritaanka Somaliland, markii dambena waxaan soo noqday 1993 kii ilaa imikana sidii baan u joogaa, balse 1998 kii oo wakhtigaa aan la taliye u ahaa madaxweynihii hore ee Geeriyooday ee Marxuum Cigaal ayaan go’aansaday inaan bilaabo hay’adan kala xadaynta beeraha, taas oo aan qalabkii lagu kala xadaynayey beerahana aan dalka keenay, muddada hawshaa kala xadaynta beeraha aanu ku jirnay-na waxaanu Survey garaynay beero tiradoodu gaadhayso 13 kun oo Beerood, oo ku kala yaala gobolada Awdal iyo Madoori jeex, taas oo sanadkan cusubna ay noo qorshaysan tahay inaanu kun Beerood oo ku yaalla gobolka Saaxil aanu kala xadayno.

S: Ma noo sheegi kartaa dareenkaagu sida uu yahay muddadii ka horeysay intaanad islaamin iyo muddadan aad soo islaantay waxa faraqa ee u dhexeeya ?

J: Runtii maalmihii hore ee aanan muslimin jidhkaygu wasakh ayuu ahaa, imika oo aan muslimayna jidhkaygu waa daahir oo aad buu nadiif u yahay, waxaanan dareemayaa naxariis, Quraanka Kariimka iyo Carabigana waxaan ku talo jiraa inaan barto, shanta salaadood si xidhiidh ah ayaan u tukadaa.

S: Maxaad kula talin lahayd ehelkaagii iyo qaraabadaadii reer Ingiriis maadaama oo aad muslintay adigu ?

J: waxaan kula talin lahaa Qoyskaygii iyo eheladaydiiba iyo cid kasta oo diinta islaamka dibada ka joogtaba waxaan u soo jeedinayaa inay diinta Islaamka soo galaan, waxaase ilaahay mahadii ah inaan anigu nasiib u helay anigoo jooga dalka Somaliland oo ah dal muslin ah oo dadkiisuna yahay ummad muslimiin ah, waxaanan qabaa inaan diinta Islaamka iyo Axkaamteedaba barto muddada aan Somaliland joogo.


Odayaal Iyo Waxgarad Ka Tirsan Beelaha Sacad MuuseOo Xukuumada Riyaale Iyo  Komishanka Ku Eedeeyey  Inay ska Hortaageen Diiwaangelinta Goobo Ku Yaala Waqooyiga Hargeysa

 “Cadaalad Darada Wadanka Ka Socota Inay Dadku Warqadooda Iyo Vote-Kooda Ay Ku Saxaan Oo Cida U Haboon Ay U Dhibtaan Maamulka Dalka”Cumar Ducaale

“Xasan Macalin, Wuxuu Yidhi Labadii Sanduuq  Lagayn Maayo Oo Dhaafi Mayso Diiwaangelintu Daraasalaam” Maxamed Cabdi Arabey

Hargeysa, January 18,2009 (Haatuf)- Cuqaal, Odayaal iyo waxgarad ka soo jeedda beelaha Sacad Muuse gaar ahaan beelaha dega woqooyiga Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay arrinta diiwaangelinta ka qabsoomi wayday deegaanka waqooyiga Hargeysa, kuwaas oo xukuumada Riyaale iyo Komishanka doorashooyinka ku eedeeyey inay hor joogsadeen diiwaangelinta halkaas ka dhici lahayd, waxaanay sidaasi ku sheegeen kulan shalay ay ku qabteen hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, iyagoo sheegay in si toosa xukuumadu u diiday in diiwaangelinta woqooyiga Hargysa aanay dhaafayn Degmada oo loogu talo galay inay ku eekato Degmada Daarasalaan. 

Ugu horeyn waxaa kulankaasi ka hadlay Oday Maxamuud Dhool-dahable waxaanu yidhi “ dhulka dadku way kala leeyihiin, kolay abaaruhu markay dhacaana meeshii daaq leh waa la wada degaa, oo baadka iyo biyaha waa la wada leeyahay imikana waxa halkaa xeebta wada jooga dadkii reer Hawdka ahaa oo faro badan.

Haddaba waxaa aanu ku nidhi qoladan komishanka iyo masuuliyinta kalaba markii aanu ogaanay inay waqooyiga Hargeysa xidhan tahay, waar Hargeysi ha idiin xidhnaatee dadkaasi waxay xaq idinka mudan yihiin inay kaadhadhkoodii qaataan, sida xaq-soorka u wanaagsan ee dadkaasi isugu tageena waxaa weeyaan inaad waydiisaan nin waliba halkuu ku dhashay, dabadeeto taasi marka ay dhacdo cidna lama dulmin, anaguna dulmi tirsan mayno, reeraha kalana lama dulmin, haddaba anaga sidaas shaambada la noogu dhuftay ee la noo yidhi waa la idiin ogolaanayaa, markii labaad waxaa la nagu  yidhi waxba ma jiraan, mar saddexaadna waxa la nagu yidhi ma jirto oo la idinma ogolaanayo.

 Markaanu aragnay meel cid kale xukuntay oo komishanku iyagu xukun ka gaadhi Karin, dadkii arinkan lahaa aan u gudbino oo aan ka hadalo oo aan dadka wax u sheegno ayaanu leenahay” ayuu yidhi

Waxaa sidoo kale isna kulankan hadal ka jeediyey oday Maxamed Cabdi Arabay, waxaanu yidhi “ shirkani waxaa uu daba socdaa oo aanu u qabanay arintaasi maanta oo kaliya lagama hadal ee hore ayaa looga hadlay, waxaana ka hadlay salaadiinta iyo odayaal iyo waxgarad faro badan oo reerka Sacad Muuse ah oo ay ka wada hadleen madaxweynaha, waxay na soo gaadhsiiyeen madaxweynaha markay ka wada hadleen inay madaxweynaha is jiidheen, oo ay isdiideen, anaguna aanu sidaas qabnay inay is diidayaan, waayo hore ayaanu arintaa uga wada hadalnay madaxweynaha kaas oo muddo socday oo hawl faro badan dadka ku qaatay oo nin waliba lahaa waar malaha madaxweynuhu sidaas muu odhan ee ka daaya, laakiin arin sidaas ayuu noqday”

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi Komishanka iyo wasaarada Daakhiliga ayaanu kala xidhiidhnay oo intaa waydiinaynay, waxay ahayd lix sanduuq in la geeyo ayuu bilawgeedu ahaa, kolba meel sidii loo joogsanayey ayaa la yidhi waqooyiga Hargeysa waxa la idiin helay lix sanduuq, halkii aad doonaysaan ilaa berbera, Cabdi Geedina waa la gaynayaa, aakhirkii kolba wax ay isa soo dhintaba ee la yidhaa halkaa la gayn maayo oo taladii masuuliyiintu yidhaahdeen , Bulaxaar-na laba sanduuq baanu gaynaynaa, afartaa sanduuq oo labana cabdi Geeddi labana Bulaxaar.

Waxaanu nidhi mar haddii intaa la noo helay oo imikana doorasho la filayo waxba yeynaan u dheeraan intaa aynu qaadano ayaanu talo ku gaadhnay.

Ugu dambeyntii arbacadii todobaadkii hore ayey masuuliyiintii yidhaahdeen waa la diiday, labadii sanduuq, waxaana diiday wasiir dawlaha arimaha gudaha, Xasan Macalin, wuxuu yidhi labadii san duuq  lagayn maayo oo dhaafi mayso diiwaangelintu Daraasalaam, arintaasi fajiciso kale ayey nagu noqotay markaa shirkayagani wuxuu ku saabsan yahay oo markii horaba ay arinta reer Somaliland wada maqleen Hargeysi inaany bad lahayn oo laga hor joogo inaanay bad yeelan, oo laga hor joogo, magacii ha rage Suldaanka Guud ee suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo maantana aanu u dirnay oo nidhi bal noo kaalay adiga iyo Salaadiinta kale ee wadanka joogta, waayo dee dalka qoladan sacad Muuse oo kaliyi ma laha ee inay reer Hargeysa isku yimaadaan oo la yidhaa waar maxaynu ka yeelnaa arintan iyadoo in badana lana maqlaayey inaanu isku haysanay dhulkaasi, salaadiintayada, odayaashayada iyo wax garadkayaga aanu lahayn maxaanu ka yeelnaa arintaasi, iyada laftoodu inay noo aamusaan maahee inay noo yimaadaan weeyi oo ay  ka hadlaan arintaa.

Waxaan leeyahay Riyaale hadii uu ku dhacayo oo lagaga guuleysto tartanka doorashada inuu maanta sharaf iyo qiime ku noolaado wadanka oo sida uu cabdiwaraabe sheegay sidii Aadan Cadde uu shaxda la ciyaaro dadka oo uu oday wanaagsan oo Somaliland ah uu noqdo weeyaan ee inuu madaxweyne qabiil ku shaqeeya maaha” ayuu yidhi.

Intaa ka dib waxaa isna halkaa ka hadlay Cumar Ducaale waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ wadanka waxa ka jirta dhibaato weyn intan odayaashu ka warameen way ka gun dheertahay, waxaan shicibka reer Somaliland u sheegayaa cadaalad darada wadanka ka socota inay warqadooda iyo foodkooda ay ku saxaan oo cida u haboon ay u dhibtaan maamulka dalka, waxa warqadan loo qaataa ee safafka loo galaa maaha iska gal uun, waxaa weeyi wixii aad diidan tahay inaad kaadhkaaga codka ku difaacdo” ayuu yidhi.

Intaa ka dib waxaa isna hadal kooban ka jeediyey Axmed Cali Dable waxaanu yidhi “ waxaanu xaq u leenahay oo aanan cidnaba ka baryeynin ee haday nabad ku dhacdana aanu doonayno haday ku dhici waydana doonayno ee dhulkayagii iyo dadkayagii reer Somaliland ah, wuxuu xalay guddoomiyaha komishanka ee Kabaweyne yidhi vote kii si wanaagsan ayuu Somaliland uga dhacay , haddaba kuwa waqooyiga Hargeysa degan miyaanay reer Somaliland ahayn, ma talyaani ayey ka yimaadeen” ayuu yidhi axmed Dable.

Waxaa iyaguna halkaa hadalo kul-kulul oo ku saabsan arinta diiwaangelinta waqooyiga Hargeysa ka jeediyey Cumar Maxamed Xuseen ( Ina Maxamed yey), Mawliid Cali Ibraahim (Sabaysa) iyo kuwo kale .


Reer Boorama Oo Ka Maagay Diiwaangelinta Dib Loogu Soo Celiya, kuna Tilmaamay Warqadaha Kaadh Dameer

Boorama, January 18, 2009 (Haatuf) – Qaar badan oo ka tirsan dadweynaha Boorama ayaa ka maagaya inay sidii hore safaf dhaadheer u galaan warqadaha aqoonsiga iyo kuwa diiwaangelinta ee haatan socota iyagoo ka shakisan qiimaha ay leeyihiin warqadaha cadcad ee magacoodu ku qoran yahay ee haatan laga siinayo goobaha diiwaangelinta haatan.

Dad qaangaadha oo doorkii hore fursad u waayey inay qaataan warqadaha aqoonsiga Somaliland iyo kuwa diiwaangelinta oo haatan isku dayey inay fursadan ka faa’iideystaan, ayaa ka warwareegaya ama aan iskuba mashquulin inay u adkaystaan safafka wakhtigan loogu jiro wareegga labaad ee diiwaangelinta iyagoo u haysta ama aaminsan in warqadaha haatan la qaadanayaa ee komishanku bixinayaa yihiin kuwo aan ahayn kuwii sharciga ahaa, oo ama aan lagu coddeyn karayn ama aan noqon karayn kuwa aqoonsi, sidaa darteedna aanay istaahilin in wakhti lagu lumiyo sidii kuwii hore ee komishanku bixinayey.

Shakiga laga qabo warqadahana cadcad ee haatan ay dadka siinayaan hawlwadeenada komishanku ayaan sidoo kale ahayn kuwa hore loogu sheegay dadweynaha si looga dhaadhiciyo in warqadahani yihiin kuwo lagu sugayo warqadaha sharciga ah ee hore komishanku u bixiyey waana hawlaha looga baahnaa in komishanka diiwaangelintu mar kale dadka ku wacyigeliyo in warqadahani yihiin kuwa sharci ah, lagana bedeli doono dadweynaha wakhtiga ugu habboon.

Warqadahan oo dadweynaha qaarkii durba u bixiyeen 'kaadh dameer", magacaas oo loogu yeedhi jiray kaadhadh dawladda Djibouti siin jirtay dadka soo gelaytiga ah ee aan xaqa u lahayn inay helaan kaadhadhka aqoonsiga rasmiga ah ee dalkaasi, ayaa sidoo kale ahayn kuwa tayadoodu wanaagsan tahay, kana muuqan calaamadaha lagu muujiyo muwaadinnimada, sidaa darteedna sababtay in la waayo safafkii dhaadheeraa ee loogu jiri jiray qaadashada warqadaha diiwaangelinta iyo kuwa aqoonsiga ee hore looga bixiyey gobolkan, iyadoo dad kalena Haatuf sheegeen in warqadahani yihiin kuwa lagu lagu qaadanayo uun kharash balse aanay waxba ka dambayn, sidaa darteedna lagu aamusiinayo cid kastoo ka cabanaysay diiwaangelintii gobolka Awdal, iyadoo dhinaca kalena ciddii komishanka u qaabilsnayd wacyi-gelinta gobolkani aanay ka hawlgelin, dadkana aan loo sheegin wakhtiga la bilaabay qaadashada warqadahan.


Arinta Argagixisadu Waxay U Baahan Tahay Istaraatijiyad Ay Iska Kaashadaan Dawladda Iyo Dadweynuhu

Shirgudoonka Golaha Wakiilada

Hargeysa, January 18,2009 (Haatuf)- Kal-fadhigii 37aad ee golaha Guurtida ee hakadka galay muddadii hawsha diiwaangelinta codbixiye yaashu dalka ka socotay ayaa mar kale goluhu sii ambaqaaday kalfadhigii 37aad taas oo mudane yeeshana loogu qaybiyey qodobadii  ajandaha kal-fadhiga 37aad ee u hadhsanaa taas oo shirgudoonka goluhuna ajandaha ku soo dareen qodobo cusub oo ay ka mid yihiin Arimaha argagixisada iyo wacyigelinta doorahada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomi doonta 29 ka march 2009 ka xoojinta amniga xuduudaha iyo gudaha.

Fadhiga shalay oo uu guddoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa fadhigaasi laga akhriyey khudbad qoraale oo shirgudoonku ugu talagalay sii ambaqaadka kalfadhiga 37aad iyo ajandihiisa waxaanay u qornaayeen iyagoo dhamaytiran sidan “ mudanayaal: kal-fadhigan 37aad wuxuu inoo furmay 30/11/2008 sidii aynu ku sheegnay khudbadii furitaanka kal-fadhiga waxa kalfadhigani hawlihiisa ugu muhiimsani ay ahaayeen xaalada  taagan iyo ka qaybgalka hawlaha diiwaangelinta gaar ahaana dhamaystirkooda ka gole ahaan waxaynu ka qaybqaadanay intii itaalkeenu ahaa arimaha la xidhiidha nabadgelyada iyo sidii diiwaangelintu ugu qabsoomi lahayd amni iyo xasilooni . ilaahay mahadii ha ka gaadhee, arimahaasi way inoo fududaatay.

Hadda, waxa ina horyaalla in aynu dhamaystirno ajandaha kalfadhiga 37aad qaybihiisa inoo hadhsan oo aynu ka hadalno xoojinta amniga iyo nabadgelyada guud ahaanba, sidoo kalena ansixinta wixi mashariic xeerar ah ino yaalla.

Dhinaca kale in aynu isku diyaarino wacyigelin balaadhan oo aynu ka qaybqaadano lana xidhiidhsan doorashada madaxtooyada ee inogu soo fool leh, taasi oo sidii golaha u ahayd dhaqanka loo baahan yahay in loo sii tabaabushaysto lana gaadhsiiyo dadweyenaha hadafka iyo ujeedoyinka siyaasiga ah ee aynu ka leenahay, isla markaana lagu dhiirigeliyo sidii ay dadweynuhu ugu codan lahaayeen nabad iyo xasilooni uguna fogaan lahaayeen wax kasta oohagar daamo iyo dhibaato ku ah amniga iyo xasilonida sidoo kalana ka foognaanta dadka ama kooxaha u soo tafaxaystay kahlkhal galinta iyo la dagaalanka nabad ku wada noolaanshaha dadweynah areer Somaliland kuwaas oo ah argagixisada.

Arinta argagixisada ka hortageedu wuxuu u baahan yahay in lagu waajaho nidaam iyo istaraatijiyad ay iska garabsanayaan dawlada iyo dadweynuhu, ka qaybgalka dadweynaha oo la xoojiyo laguna hogaamiyo nidaam iyo qaab dhismeed bulsho ayaa lagaga midho dhalin karaa khataraha inagaga imanaya argagixisada mandaqada iyo tan caalamiga ahba.

Sidaas darteed, mudanayaal, kalfadhigani 37aad marka aynu gabogabayno ajandihiisa waxa inoo yaalla, waa ku talaabsiga wacyigelin balaadhan oo aynu ka samayno goob kasta oo dalka ka tirsan, lana xidhiidha sidii uu qof waliba uu codkiisa ugu dhiiban lahaa si nabadgelyo ah, isaga oo  wax u dhimayn dareemada iyo fikirka qofka kale, balse qadarinaya in loo baahan yahay iskaashi iyo in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo ka hortaga wax kasta oo dib u dhac, khalkhal, arbush iyo jaha wareer ku keenaya bulshada reer Somaliland, kana maran habaabinaya ujeedooyinka , himilooyinka iyo hadafka uu qarankani hiigsana


Mudanayaal Ka Tirsan Wakiilada Oo Xabsiga Ku Booqday Cabdirashiid Qambi, Xadhigiisana Ku Tilmaamay Mid Xaaraan Ah

Hargeysa, January 18,2009 (Haatuf)- Md: Maxamed Cumar Jiir iyo MD: Axmed Maxamed Diriye (Nac-Nac) oo ka mida mudanayaasha xisbiga kulmiye ee golaha Wakiilada Somaliland oo shalay saldhiga booliska degmada Koodbuur ee magaalada Hargeysa ku booqday wasiir ku xigeenkii hore ee hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen 8-dii January 2009ka, ayaa cambaarayn xoog leh u soo jeediyey sharciyada muddada sagaalka maalmood uu ku xidhan  yahay taas oo uu ku tilmaameen mid shuruucda iyo Distoorka qaranka ka soo hor jeeda in muddo ka badan 48 saacanood xabsiga lagu hayo iyadoon wax maxkamada la horgeynin, iyagoo dhinaca kalana sheegay in xoriyada aasaasiga ah ee muwaadiniinta uu u damaanad qaaday distoorku uu xadhigiisu meel ka dhac iyo gef ku yahay in muwaadiniinta loo ciqaabo ra’yigooda siyaasadeed iyo xisbiga uu qofku ka soo jeeddo.

Mudanayaashaasi oo wax ka waydiiyey cabdirashiid Ducaale Qambi mudadii uu ku xidhnaa saldhiga booliska in wax cadaymo ah oo ku saabsan kiiska loo haysto ay hay’adaha baadhistu u soo bandhigeen iyo in maxkamad la horgeeyey waxa uu sheegay in mudadaa 9 ka cisho ah ee uu ku xidhnaa saldhiga booliska aan wax maxkamada la horgeynin, isagoo intaa ku daray in qoraaladii ay dambi baadhayaashu ka qoraana uu tilmaamay in u sheegeen in aanay wax dambiyo oo ay ku horgeeyaan maxkamada aanay haynin.

Isagoo dhinaca kalena mid;Qambi Mudanayaashaasi u sheegay in xaadihiisa caafimaad ay aad u fiican tahay, muddadii uu xidhnaana ay askarta saldhigu si wanaagsan ula dhaqmaan.

Intaa ka dib mudane Maxamed Cumar Jiir iyo Md: Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo wargeyska Haatuf wax ka waydiiyey sida ay u arkaan sharciyada iyo Distoorka Qaranku waxay ka qabaan muddada sagaalka maalmood ah ee uu xidhan yahay waxaanay sheegeen in sharci daro ay ku tahay Distoorka Qaranka  in qofka xabsiga lagu hayo 48 sacaadood wax ka badan tiiyoon wax maxkamada la horgayn, taasina ay tusaale u noqon karto habdhaqanada nidaamyada kali taliska ah.

Md: Maxamed Cumar Jiir oo isagu arintaa ka hadlaya ayaa yidhi “ Distoorka qaranku waxaa uu qeexayaa in qof na aanu 48 saacadood wax ka badan xabsiga ku xidhnaan Karin, balse 48 saacadood gudahood haddii dambi lagu hayo muddadaa gudaheeda baadhisteeda la dhamaystiro maxkamadna lagu horgeeyo, haseyeeshee mudada uu xidhnaa siyaasigan Cabdirashiid Ducaale Qambi waa mid baalmarsan distoorka Qaranka Xad-gudub iyo meel ka dhacna ku ah xuquuqda aadamaha iyo xoriyada muwaadinka ee aasaasiga ah, xadhiga noocan oo kalana waa muuqaalka maamulada digtaytarka ship ka ah ay ku dhaqmeen sidaa darteed waxaanu u aragnaa xadhiga siyaasiga oo cadaalad daro ah, waxaanan u soo jeedinaynaa in xoriyadiisa aasaasiga ah ee lagu qeexay si dhakhso ah loogu soo celiyo, cadaaladuna shaqayso.

Md: Nac-Nac oo isaguna ka hadlaya siyaasiga xidhan ee ay booqdeen ayaa yidhi “ Sifaha uu ku xidhan yahay C/rashiid Ducaale Qambi oo noo sheegay inuu muddadaasi iska xidhan yahay waxaanu u aragnaa dulmi iyo xadgudub loo geystay qawaaniinta iyo shuuruucda dalka u taala oo ka hor imanaysa distoorka iyo shuruucda dalka u taala, oo xaaraan ka dhigaya xadhig kastoo aanay  maxkamadi xaalaalayn, sidaa darteedna maadaama aanay xabsi ku hayntiisa maxkamad soo xalaalaysay jirin, xadhiga uu ku jiraa waa xaaraan aan geedna loogu soo gaban oo distor jabina”

Siyaasigan C/rashiid Ducaale Qambi oo ay ciidamada boolisku xabisga u taxaabeen 8 deedii January ee sanadkan ayaa waxay xukuumadu ku eedaysay inuu ka dambeeyey shaqaaqadii ka dhacday degmada Buuhoodle ee lagu weeraray goobihii diiwaangelinta gudaha magaalada, taas oo taliyaha ciidanka booliskuna  Mr: Maxamed Saqadhi Dubad uu sheegay xilligaasi in si dhakhso ah ay maxkamad u horgeyn doonaan, haseyeeshee mudadaa 9 ka maalmood ee uu xidhnaa ayaan mar kaliya maxkamada la horgeyn isla markaana aanay jirin, wax natiijo ah oo ka soo baxay hay’adaha baadhista balse ilo xogogaal ah ayaa sheegay inaan ilaa hadda jirin, wax cadayna oo maxkamada lagu horgeeyaa, balse laga yaabo in dhawaan la soo daayo siyaasiga xidhan.


Wakiilada Oo Meel Mariyey Xeerka Mamnuucida Miinada Lidka Dadka

Hargeysa, January 18,2009 (Haatuf)- Golaha Wakiilada Somaliland oo todobaadkii hore soo gebogabeeyey dooda xeerka mabnuucida miinada lidka dadka oo ay gudida arimaha gudduhu golaha soo hordhigtay ayaa shalay cod aqlabiyada ku ansixiyey xeerka mabnuucida miinada lidka dadka.

Fadhiga shalay oo uu guddoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Md: Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ay ka soo xaadireen madasha fadhiga mudanayaal tiradoodu gaadhayso 43 mudane ayaa  ka hor intii aanu goluhu codka ansixinta u qaadin xeerka mabnuucida miinada lidka dadka ayaa waxa golaha warbixin kooban ka siiyey xeerkaasi C/qaadir Ismaaciil Jirde oo isagu takhusus  u leh isticmaalka miinada iyo habka ay u shaqeeyaan hay’adaha ka hawlgala hawlaha miinada.

Intaa ka dibna waxa u guddoomiyuhu golaha u soo jeediyey inay u codeeyaan ansixinta xeerka waxaanu goluhu cod aqlabiyada ku ogolaaday ansixinta xeerka mabnuucida miinada lidka dadka 31 mudane, 3 mudane way diideen 5 mudane ayaa ka aamusay guddoomiyuhuna ma codayn.


Bilayska Oo Shaqaaqo Dhul Oo Dhacday Xaafada Shacabka Hargeysa Ku Dhaawacay Laba Qof

Hargeysa January 18, 2009 ( Haatuf ) – Shaqaaqo ka dhalatay muran dhul oo shalay  ka dhacay xaafadda Shacabka ee galbeedka magaalada Hargaysa, ayay laba qof ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada Boolisku ay rasaas huwiyeen dadkii iskaga hor yimi muranka dhulkaasi.

Shaqaaqadan ayaa dhalisay muddo 30 daqiiqo ku dhaw in uu xidhmo jidka isku xidha xaafada jigjiga yar iyo magaalada, kaas oo ay  baabuurtii is taageen markii ay ciidamada boolisku ay rasaasta ku afuufeen dadkii isku haystay jago ku taal xaafada shacabka,ee  caasimadda Hargaysa, waxayna shaqaaqadu ka dhalatay jago dhisme laga bilaabay oo hore u banaanayd, taas oo dad lahaanshiyaheeda hore u sheeganayay oo diidan bilawga dhismahaasi ay ku soo qaadeen weerar gadood ah, isla markaana ay cagta ku mariyeen binadii halkaas ka  dhisnayd. Dhismahan ayaa la sheegay inuu xoog ku dhisanayey nin askari ah oo magaciisa la yidhaa Siciid Foolxun, kaas oo halkaas meel agteeda ah ay markii hore sandaqadi uga dhisnayd , balse doonayey inuu jagadaas banaan uu ku fidsado oo guri daar ah ka dhisto.

Ciidamada Booliska oo soo gaadhey goobta ayaa rasaas u isticmaalay kala dareerinta dadkaas, taas oo ay ku dhaawacmeen laba qof. Waxa kale oo ay boolisku qabqabteen dhawr qof oo ka mid ah oo ka mid ah labada dhinac ee rabshaddu dhexmartay, waxaana xaaladda markii dambe lagu soo celiyay mid caadi ah.


Guddoomiyaha UDUB Oo Guddi Qabanqaabo U Magacaabay Shirweynaha Mudda-Dhaafay Ee Xisbigiisa Iyo Duruufaha Ku Xeeran

Hargeysa January 18, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Madaxwaye Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay  magacaabay guddiga qabanqaabada shirwaynaha labaad ee xisbiga talada haya ee UDUB, kaas oo uu u magacaabay Guddoomiye ku xigeenkiisa Axmed Yusuf Yaasiin.

Rashiid X. Cabdillaahi oo ah afhayeenka Guddidaas ayaa  daboolka ka qaaday maalintii shalay in Madaxweyne Rayaale uu magacaabay  Guddiga qabanqaabada shirwaynaha labaad ee xisbiga UDUB, kaas oo uu sheegay inay muddo kooban guddaheed ay guddigaasi ku soo diyaarin doonto ajandaha shirka iyo muddada uu qabsoomayo.

Xubnaha Guddidan oo la sheegay inay yihiin dhawr iyo toban xubnood oo isugu jira Wasiiro iyo qaar ka mida Guddida fulinta , Rashiid X. Cabdillaahi ayaa war kooban oo uu siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Hargeysa, ma sheegin xubnaha kale ee guddida magacyadooda,  Hase yeeshee, warar laga helay ilo ku dhowdhow xisbiga UDUB, ayaa .

Sheegay inay guddidaas ka mid yihiin  Wasiirrada Hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed, Macdanta iyo Biyaha Mr Qaasim Sh. Yuusuf, Wasiir u-dawlaha Arrimaha Gudaha, Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geele. Sidoo kale xubnaha Guddida Fulinta ee xisbiga UDUB kaga jira guddidaas waxa ka mid ah: Cumar Jaamac Faarax, Maxamuud  Cabdi Malaw, Cismaan Garaad, Rashiid Xaaji Cabdillaahi Guuleed iyo nin magaciisa la yidhaahdo Xasan Cabdi Xabbad.

Shirweynaha Xisbiga UDUB oo muddo laba sanno ah dhaafay wakhtigii xeerkoodu farayey oo ah shantii sanadoodba in mar la qabto waxa uu ku soo beegmay wakhti xasaasi ah oo dalku uu galayo doorashadii Madaxtooyada oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto  29-ka bisha March. Iyada oo ay jiraan loollan adag iyo musharixiin u taagan doorashada xisbiga dhexdiisa oo kula tartamaya Madaxwayne Riyaale iyo ku xigeenkiisa, waxaana si wayn isha loogu hayaa shirkaasi iyo sida xubnaha musharixiinta ah loogu  xaq-soori doono si xalaal ah  musharixiintiisa

Dhinaca kalena, sida ay  xaqiijinayaan warar xogogaal ah oo u dhuun daloola arimaha xisbigu waxaa jira inay  dad cusub shirka la keenayo maadaama ay golihii dhexe ee xisbiga intoodii badnayd aan lagu kalsoonayn, si meesha looga saaro xubnihii aasaasayaashii oo si wayn u saluugsan qaabka hogaamineed ee Madaxwayne Riyaale, loogana baqayo in ay ka horyimaadaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenka.

Waxa la saadaalinayaa sida caadada u ahayd xisbigaas in cidda soo hadalqaada kuraasta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka hadh cad in daaqada laga tuuro, taas oo ay hada jiraan illaa saddex murshax oo ka mid ah xisbiga, kuwaas oo isku taagay inay ku tartamaan xisbiga guddihiisa jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, kuwaas oo haddii la mariyo dariiqii la mariyey Dr Cabdi Aw Daahir markii uu isku taagay inuu Rayaale kula tartamo jagada Madaxweynaha Shirweynihii kan ka horeeyey ay tani keeni doonto dildilaac ku yimaada xisbiga guddihiisa oo laga yaabo inuu dhaawac weyn soo gaadhsiiyo xisbiga doorashooyinka muddada yari inaga xigto.

Xisbiga UCID oo shirwaynihiisii labaad hore u qabsaday ayaa isna la sheegay in bishan gudaheeda uu soo xulan doono musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka.

Xisbiga KULMIYE ayaa isagu dhamaystay shirwaynihiisii oo lagu tilmaamay shirkii ugu ballaadhnaa ee Somaliland ka dhaca tan iyo intii ay jirtay, marka la eego ergada ka qayb gashay, soona xushay musharaxiintii u taagnayd jagada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka oo ay u taagan yihiin Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).


Wufuudii Udub Iyo Kulmiye Ma Liisaskoodii Baarlaanka Somaliya Ayay Ismaaciil Cumar U Geeyeen?

Shirarkii dib u heshiisiinta ee looqabtay  kooxihii Somaliya ilaa 15ka shir gaadhayay Labadii shir ee khatarta ugu weyn geliyaya Somaliland waxay ahaayeen shirkii  Lagu qabtay magalada Carte  ee waddanka Jabuuti 20kii Abriil iyo 30kii Ogosto 2annaddii 2000,iyo shirkii lagu  qabtay dalka Kenya ee 2003ila 2oo4tii socday,Ilaahay isaga ayaa farsamo badane,iyada oo uu madaxweynihii hore ee Somaliland booqasho ku tagay magaalada Jabuuti, 30kii Janaweri 2000dii, oo markii uu soo noqday yidhi, shirkaasi wax mushkilada ah inooma keenayo, waanan soo dhoweynayaynaa in dowlad loo dhiso oo la heshiisiiyo,balse ay shacbiga iyo cidkasta oo qaranimada Somaliland jecelba ka walwalsan tahay khatarihii shirkaas Catre, aadna aan wargaysyada ugu baahinay khatarihii ka iman karayay, aniga oo 20kii Abriil oo ahayd maalintii uu shirkaasi furmayay ,soo saaray bayaan dhowr boqol oo nuqul aan ka sameeyay, aadna ay xukuumaddii Cigaal uga naxday ayay golihii wakiiladu kasoo saareen ,go,aan gole oo cidkasta ka mamnuucayay ka qaybgalkii shirkaas bishii May Horaanteedii, sidaas ayuuna ilaahay inooga badbaadiyay,

Hadana markii uu furmay shirkii kale ee Kenya ee uu muddo socday  dabayshiisiina ay ina saaqday, ayuu Suldaan Xassan  Suldaan nuur kasoo saaray bayaan aad u cuslaa 25kii Sebtember 2003dii,dabadedna markaas ayay hadana labadii gole ee Baarlamaanku kasoo saareen go,aan gole oo muwaadiniinta  dalkan noockastaba ha ahaadene si culus loogaga digayay inuu dembiile qaran noqon doono qofkasta  gacan ka gaysta ama taageera siiya ama ka qaybqaata abaabulista shirarkaa dib u heshiisiineed ee loo qabanayo kooxaha Soamliya,go,aankoosoo soo baxay 11/10/2003dii, ayna u codeeyeen 84 xubnood oo labada gole isugu jiray,

Hadaba Maanta shirkan dib u heshiisiinta ee kooxaha Somaliya ee 15kii Janaweri ka furmay Jabuuti,miyaynaan ku baraarugsanayn in uu madaxweyne Riyaale dalkaas booqasho ku tagay 19kii Desember 2008dii,miyaynaan ku baraarugsanayn inay laba wefti oo Kulmiye iyo Udub  ahi ay halkaas tageen todoba cisho ka hor furitaankii shirkaas, iayada oo ay halkaas wada joogeen ergooyinkii iyo siyaasiyiintii Somaliya EE shiraaks ka qaybgalayay,miyaan laga shakiyi Karin inay labadaas wefti jabuuti geeyeen liisaskii xubnihii Baarlamaanka ee la ururinayay maalmahaas?

Haddii aanu tuhumahaasi run ahayse ujeedadii ay  Riyaale iyo  Geelle ka lahaa yeen weftigeena wakhtigaas lagu beegay maxay kala ahaayeen,Geelle laba amuurood midkood ayuu ka lahaaye,idinkuna bal faaleeya ujeedadii Riyaale!.haddii aan maankayga ku cabbiro ujeedooyinkaas Geelle waxay kala ahaayeen kow,inuu caalamka tuso sida  ay Somaliland u taageersan tahay ujjeedadiisa shirkaas ama  haddii aanay jirin uuba ku sawiro,ta labaadna waxay noqon kartaa inuu weftiga Somaliland ka dhigto,cudurkii khatarta ku ahaa midnimadii Somaliya oo muuqda, dabadeedna dareenka noocaasa lagaga  dhaliyo kooxaha Somaliya isu tanaasul iyo heshiis,hadday sidaas yeeli waayaana ay Jabuuti taageeri doonto qaddiyadda Somaliland ee dultaagan.

Si kastaba ha ahaatee shacbiga qaar ayaa qaba inuu xilligan Riyaale u qalabqaaday sidii uu kaalintiisii laga rabay uga qaaadan lahaa howlaha dib u heshiisiinta Soamliay, inkasta oo oo aanay isaga iyo Siiraanyaba qarsanin inay Jabuuti ku taageersan yihiin go,aankeeda dib u heshiineed ee ay wakhtigan awddo,

,Shakiga jira waxa keenaya in Markii uu dalka Kenya ka socon jiray shirkii dib u heshiintii kooxihii Somaliweyn ay Hadh Iyo habeen kolba meel   ka fadkudin jireen, siyaasiyyinta reer Somaliland ee qarsatada Somalilweynta ahaa.maainbay lasoo bexeen fikrad meelahaas lagasoo dhoobdhaabay oo la odhan jiray caawa caqli keen,dabadedna shirarkoodii wakhtiyada habeenka ah socon jiray ayuu nin habaryoonis ahi ka dhex toosay, markaasuu ku yidhi, sow innagii 1991kii shirkii Burco ka dhacay  caqliga keenay ,waa maxay caqligan labaad ee aad maanta hala keeno leedihiin marya-aloolow?. Riyaale.

Marka intaas aan hordhac ka dhigno, maanta waxa duleedka Somaliland lala yimid shir lagu dhisayo Ilaahay kama aqbalee Dowlad ku sheegtii Somaliya,,marka howlaha noocaasa ay dalka Jabuuti yimaadaan ayaan Aniguna seeftayda lasoo baxaa, aniga oo aan cidna u aabayeelin ayaan oo ninkasta iyo koox kasta oo magac gaara leh oo ay ii muuqato inay shirqooladaas dalkan madaxbanaanidiisa lagu maleegayo,kaalin ku leedahay ayaan qoorta kaga jaraa, maanta waxa caddaystay qaadashada kaalintoodii shirarkaas ,qolooyin aan looga baran oo weligood gabban jiray, kuwaasoo iyaga sidii hablo heerin ah isdaba ordaya goor casara galay magaalada Jabuuti, kuwaasoo ka mid ah dhinicii  marya-aloolka,kuwaasoo iyaga  oo ka hadlayay idaacadda BBCda goor duhur ah ,ku dooday inay aad u taagersan yihiin shirkii dib u heshiisiinta kooxihii Somaliya ee Jabuuti ka socda ilaa maanta.

Hadraawi ayaa 1987dii ku yidhi, niman halgamayaal ahaa oo malaha yara daalay,oo wakhtigu ku dheeraaday oo dabadedna dadkii halgankii SNM waday kula xanshashaqay,waaryaadha ninku weli wuu xoog badan yahaye,ma idinla haboon tahay inay SNM wada hadal lagasho  Siyaad Barre.?

.Jawaabtiina waxa bixiyay gabaygii Daalalay. Ee soo baxay 1987dii,

-  nin da,furay kalkiisoow,

-          dalka waan aqaanoo

-          bahal iaga da,weynoo

-          dad cun ihi majoogee

-          ma didee harkoolow

-          ha igu tumin durbaanada

-          iyo daasadaha madhan

-          dibadda iyo gudahaba

-          dockastaba ado jira

-          iskubaydh dadqalatooy

-          isku duuba qorigu bartaan

-          birtaan daabka haystiyo

-          midigtayda daalacan.

Sida Sunnaha Ilaahay laga bartay, marka uu qadarku fulayo, cid is –hortaagi kartaayi ma jirto, awoodkasta ciddaasi ha lahaatee.halgankii SNM ayaa lagu arki jiray, inay marka ay kooxi daashaba uu Ilaahay usoo diri jiray koox rag ah oo kale oo dardarteedii  qabta, marka ay kooxi fashilantana waxa halgankaas sii hinjin jiray rag cusub oo halkii kasii amba qaadi jiray, maantana madaxbanaanidda Somaliland ayaa sunnahaas ku socota, waxana muuqata inay kooxihii Marya-Aloolka ahaan jiray ay daaleen oo ay aad  u jeclaysteen inay si toosa uga qaybqaataan shirarka  sacabka  weyn aad looga tumo ee Somaliya ee marna duleedka Nayroobi lagu qabto marna duleedka Jabuuti lagu qabto! Taloow maantana yaa ka horjoogsan doono  goroomakaas ciyaaraha ee Jabuuti koobka loo dhigay? Kollay waan hubaayoo sidii sunnaha Ilaahay looga bartay cid uunbuu Eebbe u diri oo Afka kusoo dhufan doontee shacbiga waddankani bal arrimaahas hoos ha u dhugto.

Ina Cumar Geellana ha ogaado inay reer Somaliland arkayaan oo ay fahmayaan qiiq isku qarintiisa iyo hoosaasadiisa,uu isaga oo shirqoolkii ugu dambeeyay noo maleegayo uu sidii uu Farax Nuur Sheegay qosolka beenta ah nagu salaamayo, hadana uu Madaxda Somaliland ee  wufuuda ah  uu kolba hudheelada ku marti soorayo marka ay shirarka Somaliya ka   furmayaan Jabuuti ,lagana yaabo inay si hoos-hoos ah  shirqoolkaas ulasaxeexeen raggaas aan codkii shacabka Somaliland haysaniin,waxana la ii xaqiijinayaa in uu usoo jeediyay wefuudeenii halkaas tagtay Mr  Geelle inay jagadii madaxweyannaha Somaliya ay  qaataan oo ay kusoo heshiiyaan UDUB IYO KULMIYE  nin reer Somaliland ah oo  ay lawada shaqayn doonaan,dadka qaar ayaana leh waa Cawil ama waa Cusmaan Kalluun ama Riyaale ama waa Siiraanyo, waxana ugu dhow labada hore midkood

Hadaba.Ismaaciiloow marna taagtaa marna tamartaa, kolley waxba noolamaad hadhine,inta aanu diyaargaroobayno iska kaayasii dhuuqdhuuq.Somaliland Ilaahaybaa u Hiiliyay  jinka iyo insiga oo dhammi hadday isu tagaana waxba ma yeeli karaan, haddaan ilaahay u qaddarin, adiguna kolba dowladku sheeg Somaliweyn  ah oo  maqaarsaara soo malmaluuq oo weliba ku darso dhufaanadaas reer Somalilabd ee kuu yimid ,oo habsaami ama kolba dib u riix marka aad aragtid in  Somaliland aqoonsigeedii bulshada caalamku diyaaryaha.

Somaliland waxay ku leedahay

-          Wanla qalay sidaasaad hilibkayga wadhatoo

-          Waayahayga badanbaad waraabaha u loogtoo

-          Kuwiirsaad lahaydoo noloshaba ha weydee

-          Anuunbaan wadkaygiyo wakhtigaygu galinee

-          Weyneheen I caysnhee

-          Waxba iilamaad hadhineey.,waxba iilamaad hadhineey

Qore  CALI  Dool  axmed ( Cali  Qoryoolay)