Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1949 | January 27, 2009 Muxaram30,1430H | |||||
Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar
Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID
Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia |
Qabsashada Al-Shabaab Ee Baydhabo, Saadaasha Cidda La Filayo In Shirka Djibouti Madaxweyne Loogu Soo Doorto Iyo Marxaladda Cusub Ee Somalia Lugaha La Gashay Baydhabo/Djibouti, January 27, 2009 (Haatuf) - Xooggaga Ururka mayalka adag ee Al Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kadib dagaal muddo yar socdey halkaas oo ahayd xarunta Baarlamaanka ee xukuumada Mbagathi, waxaana la sheegay inay kooxdaasi gacanta ku dhigeen xubno ka mid ah Baarlamaanka oo u dhashay goboljaasi iyo Guddoomiyihii maamulka Gobolka kuwaas oo au markii danbe sii daayeen. Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shalay galabtii ay magaaldaasi gacanta u gashay ciidamada Ururka Al Shabaab kuwaasi oo la wareegay dhamaan xarumihii maamulka iyo Baarlamaanka ee halkaas ku yaalay, kadib markii ay shalay subaxdii ay magaalada ka baxeen ciidamadii Itoobiya oo iyagu gacanta ku hayey amaanka magaalada oo ahayd xarun muhiim u ahayd dawladda Mbagathi iyo Baarlamaankeeda, Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen mudanayaal ka tirsan Barlamanka Mbagathi ee Somalia kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Ibraahim Isaaq Yarow oo labaduba ka soo jeeda gobolka Bay. Dagaalkan oo muddo gaaban socday ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 15 qof inta la ogyahay tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacantay, hase yeeshee ay xalay xaalada magaaladu ay deganayd waxaanay wararku xuseen inay dadweynaha reer baydhabo ay soo dhoweeyeen kooxda qabsatay magaalada. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay hogaanka kooxda alshabaab ee magaalada qabsatay, hase yeeshee waxa la filayaa in afhayeenka kooxdaasi Roobow Cali oo isagu hogaaminayey kooxda qabsatay Baydhabo uu saacadaha soo socda dadweynaha meel fagaare ah kala hadli doono. Baydhabo ayaa ahayd magaalada kaliya ee aanay kooxda alshabaab mar qudha gacanta ku dhigin taniyo intii ay kooxdaasi dagaalka ka waday Somalia, waxanay tani u tahay kooxadan guul weyn oo ay ku muujinayso awooddeeda milateri iyada oo ay kooxdan xagjirka ahi ay ka taliso badiba magaalooyinka waaweyn ee Somalia xilligan. Dhinaca kale waxaa shalay fashi uu Baarlamaanka Mbagathi ku yeeshay Djibouti ay wax ka beddel ku sameeyeen axdigii dawladda Mbagathi si ay mucaaridka dib u xoraynta garabka shariifku uga mid noqdaan Baarlamanka cusub ee la filayo inuu dhowaan halkaas ku doorto madaxweyne cusub, kadib markii dabayaaqadii sandkii tagey uu madaxweynihii xukuumadii Mbagathi loogu soo dhisay Somalia C/llaahi Yusuf iska casilay xilkii madaxweynaha Somalia. Baarlamankan cusub ee ay yeelatey xukuumada aanay waxbaba gacanta ugu jirin oo tiradiisa lagu qiyaasay 550 xubnood ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ay doortaan madaxweyne cusub, kaas oo ay u sharaxan yihiin xubno tiradooda lagu qiyaasay dhawr iyo toban xubnood oo intooda badani ay ka mid yihiin Baarlamaankii hore ee Mbagathi iyo xubno ka mid ahaa dawladihii maqaar saarka ahaa ee ka horeeyey tan Mbagathi, waxa kale oo iyaguna ka mid ah shakhsiyaad ka mid ahaa dawladdii Siyaad Barre oo aan iyaga saaxada siyaasada lagu arag 18kii sano ee u danbeeyey, hase yeeshee waxa iyagu ilaa hadda dhinacooda soo sharaxay Sheekh Shariif oo kaliya isbahaysiga dib u xoraynta garabka Djibouti waxaanay wararka laga helayo Djibouti ay sheegayaan in ilaa hadda la rumaysan yahay inuu Sheekh Shariif yahay musharaxa ugu muhiimsan ee isha lagu hayo iyada oo raga kale ee aadka loo filayo inay ku soo baxaan jagadaasina uu ka mid yahay Raysal wasaaraha xukuumada ku meel gaadhka ah Nuur Xasan Xuseen. Dawladda la filayo inay ka soo baxdo shirk Djibouti ayay beesha caalamka iyo jimciyada Qaramada midoobayba ay si weyn isugu taxalijinayaan inay ka soo baxdo dawlad wax ka qaban karta arimaha Somalia ee murugsan, taas oo beddelaysa dawladdii ay beesha caalamku afar sano ka hor ku soo dhiseen dalka Kenya oo iyada fashilkeedii uu yahay kan hadda loo fadhiyo Djibouti. Dhinaca kale shirkan Djibouti ee loo fadhiyo inay ka soo baxdo dawlad loogu yeedhay magaca dawlad midnimo Qaran ayaa waxaa ka soo horjeeda kooxo badan oo ka mid ah kuwa ka dagaalamaya Somalia, kuwaas oo ay kow ka tahay kooxda alshabaab ee iyadu shalay qabsatay xaruntii Baarlamaanka Djibouti ku shirsan fadhiisinka u ahayd, iyo garabkii kale ee isbahaysiga oo fadhigiisu yahay magaalada Asmara iyo kuwo kale oo jooga gudaha Somalia, waxaanay dadka arimaha Somalia sida aadka ah ula socdaa ay saadaalinayaan inaanay sida la moodayo arimaha Somalia waxba uga dhoweyn mar haddii aanay heshiiska awood qaybsiga ee lagu dhisayo dawladda aanay ku jirin kooxaha dagaalka ka wada halkaasi. Inkasta oo ay beesha caalamka, Qaramada midoobay iyo dalalka daneeya arimaha Somalia ay iyagu ku rajo weyn yihiin in heshiiskii Djibouti uu guulaystay oo dawladda halkaas ka soo baxdaa ay wax weyn ka qaban doonto khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Somalia, haddana waxa jira dad badan oo iyagu fakir kaa duwan qaba kuwaas oo sheegay inaanay dawladda halkaas ka soo baxdaa aanay wax sidaas u buuran ku soo kordhin doonin xaalada murugada leh ee ay ku jiraan dadka ku nool dalka Somalia waxaana suurto gal ah inay xaaladu hoos ugu dhacdo dagaalo hor leh oo ka dhaca geyiga Somalia. Marka aad eegto dagaalka kooxda alshabaab ay ku qabsatay xaruntii Baarlamaanka iyo bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay halkaas ka baxeen waxay taasi bilow u tahay dagaalka hor yaala Madaxweynaha cusub ee ka soo bixi doona shirka Djibouti iyo waxa kale oo aan iyadana la saadaalin Karin sida ay xaaladu noqonayso maadaama ay kooxa ka soo hor jeeda heshiiskii Djibouti ay bilaabeen guluf dagaal oo weyn kaas oo ay cuddudooda ku fidinayaan magaalooyinka Muhiimka ah si aanay dawladda lagu soo dhisayo Djibouti aanay u helin meel ay ku shaqayso. Si kastaba ha ahaatee dadka aadka ugu kuurgala arimaha Somalia ee isbedbedalka badan waxay saadaal taban ka muujinayaan mustaqbalka Somalia, maadaama oo aanay kooxihii siyaasada ku kala fogaaday u dhamayn dhismaha dawlad midnimo qaran, isla markaana ay ciidamadii Itoobiya ee ilaalin jiray xukuumaduna ay ka baxeen Somalia isla markaana aan la keenin ciidamo caalamiya oo beddela halkii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya xaaladda Somalia waxay u muuqataa inay ku hooban doonto dagaalo kale oo sii kordhiya buruburka iyo qaxoontiga dadka rayidka ah iyo inay Somalia noqoto meelo ay kooxaha isku haya siyaasada iyo dalalka la jaarka ahi ku hirdamaan. Qaban-Qaabada Shirweynaha UDUB Iyo Xaaladaha Mad-Madowga Leh Ee Ku Xeerran Hargeysa, January 27, 2009 (Haatuf) – Ilaa labadii toddobaad ee u dambeeyey waxa lagu guda jiray qaban-qaabada shirweyne uu yeellan doono xisbiga talada haya ee UDUB, waxaana la sheegay inuu shirkaasi qabsoomi doono horaanta bisha Feberweri ee foodda inagu soo haysa. Hawsha qaban-qaabada shirweynaha UDUB waxa wada guddi ka kooban 11 xubnood oo uu gudoomiye ka yahay Madaxweyne-kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, guddigaasna waxa magacaabay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo ay xubnaha guddigaasi isugu jiraan lix xubnood oo ka tirsan golaha xukuumadda iyo shan xubnood oo ka tirsan guddiga fulinta UDUB. Inkasta oo uu xeerka xisbiga UDUB dhigayo inuu guddiga qaban-qaabada shirweynaha soo magacaabi karo xoghayaha guud ee xisbiga, hadana taasi may dhicin ee waxa magacaabay Madaxweynaha, isla markaana Madaxweyne-kuxigeenka oo la rumaysan yahay inuu yahay musharax Madaxweyne-kuxigeen ayaa gudoomiye looga dhigay guddiga, taasina waxay markiiba xisbiga UDUB dhexdiisa keentay guux iyo dareemo laga bixiyey, iyadoo la iswaydiiyey sababta Axmed Yuusuf oo u taagan musharaxa Madaxweyne-kuxigeenka looga dhigay gudoomiyaha guddiga, waxaana taa eedeeyey xubno sheegay inay u sharaxan yihiin jagada Madaxweynaha ee xisbiga dhexdiisa, kuwaas oo sheegay inaanay daw ahayn in nin musharaxa ah madax looga dhigo guddiga soo xulaya ergooyinka wax dooranaya. Guddiga qaban-qaabada shirweynaha UDUB laga soo bilaabo tan iyo maalintii uu Madaxweyne Rayaale magacaabay laba toddobaad ka hor waxay ku shaqaynayeen guriga uu degan yahay Madaxweyne-kuxigeenku, halkaas oo ay habeen iyo maalin foodda iskula jiraan, mase jiraan wax warar ah oo rasmi ah oo ka soo baxay. Hase yeeshee waxay warar laga soo xigtay tibaaxeen inay jaangooyeen tirada ergooyinka shirweynaha ka qayb gelaysa, iyagoo gobol walba saami u qoondeeyey, waxaase la sheegay in tirooyinkaa la qoondeeyey bilowgiiba laga bixiyey dareemo saluug leh, taas oo ay gobolada qaarkood saluugeen saamiga loo qoondeeyey, waxayna wararka qaar tibaaxayaan inay arinta saami qaybsiga ergooyinku keentay buuq iyo ismari-waa ilaa hadda lagu mashquulsan xal u helideeda, iyadoo la sheegay in Hargeysa mooyee gobolada kale oo dhan loo qoondeeyey in laga soo xulo min 40 ergay, halka la sheegay in Hargeysa loo qoondeeyey 60 ergay. Sidoo kale rag door ah oo isugu jira xubno ka tirsan golaha dhexe ee UDUB iyo siyaasiyiinta damaca leh ayaa markiiba dareen diidma ah ka muujiyey sida hawsha loo wado, waxaana laga baqe qabaa in rag badan oo ka tirsan golaha dhexe iyo qaar badan oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga laga reebo shirweynaha. Waxa kale oo aan iyagana guddiga qaban-qaabada wax saami ah laga siin mudanayaasha golaha wakiilada ee ka soo baxay xisbiga UDUB, kuwaas oo ay tiradoodu tahay 33 xubnood, isuna arka inay yihiin kooxda ugu mudan marka laga hadlayo qaybaha xisbiga UDUB maadaama ay yihiin rag la soo doortay, imikana ku fadhiya kuraas qaran. “Cidda keliya ee xisbiga si sharci ah u meteli kartaa waa 33 xildhibaan ee golaha wakiilada” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee ka soo baxay xisbiga UDUB oo dareenkiisa ka bixinaya sida uu u arko qaban-qaabada shirweynaha UDUB. Arimaha sida weyn loo tuhunsan yahay waxa ka mid ah in rag oo loo arko inaanay taageerayn musharaxnimada Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa in shirka debedda ka ahaan doonaan. Sidoo kale qaar ka mid ah ragga ku dhawaaqay inay u taagan yihiin jagada madaxweynenimada ayaa laga shaki qabaa in shirkaba loo diido oo la yidhaahdo xisbigaba xubin kama tihid, ragga sidaa lala damacsan yahay waxa ka mid ah ayaa la leeyahay C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo goor ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay Madaxweyne-nimo, kaas oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale ka baqe qabo inuu cidhiidhi geliyo hadii uu madasha kula tartamo. Inkasta oo aanu midkoodna ilaa hadda daboolka ka qaadin inuu sharaxan yahay, hadana waxa si weyn loo rumaysan yahay in labada nin madasha shirweynaha UDUB loo sallaxayaa ay yihiin Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaase jira dareemo calaamatusu’aal saaraya in Axmed Yuusuf Yaasiin meesha lagula tartamayo iyo inay keligii u xaadhan tahay, iyagoo taa u daliishanaya sababta isagoo sharraxan looga dhigay gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada iyo waxyaalo kale. Dadka u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa shirweynaha UDUB ayaa saadaalinaya in laga baqe qabo inuu soo if-baxo khilaaf dhinacyo badan lihi, waxaana tan iyo markii ay qaban-qaabada shirku bilaabmay soo baxaya guux iyo saluug dabada ku haya tabashooyin kala duwan, taas oo ay dadka qaar u arkaan inay hordhac u tahay khilaaf soo guuxaya. Qaar ka mid ragga golaha dhexe ku jira, xubno ka mid ah aasaasayaashii xisbiga iyo xubno mudanayaal ah ayaa ku hanjebay in hadii loo diido shirweynaha ay iyaguna shirweyne labaad ka garab qaban doonaan. Arimaha kale ee iyagana faaqidaadooda loo toog-hayo waxa ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka ka sokow cidda loo doorran doono manaasiibta ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee xisbiga iyo sidoo kale cidda lagu wareejin doono gudoomiye-nimada xisbiga marka uu Madaxweyne Rayaale ku soo baxo musharaxnimada Madaxweynaha, taas oo la sheegay inay rag badani quudarraynayaan inay dhax-laan gudoomiye-nimada xisbiga. Sidoo kale waxay wararka qaar tibaaxayaan inay jiraan rag Madaxweyne Rayaale culays ku saaraya inuu u qaato musharax Madaxweyne-kuxigeen, taasna oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale laftiisu ka fiirsanayo laakiin aaan ilaa hadda la ogayn sida uu ka yeeli doono, iyadoo dhinaca kalena la sheegay inay Axmed Yuusuf Yaasiin ka go’an tahay inaanu sinaba u waayin musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka. Wiil Uu Dhalay Amiirka Kuwait Oo Booqasho Dalxiis Ah Ku Yimid Degaanka Sheekh Sheekh, January 27, 2009 (Haatuf) – Wiil uu dhalay Amiir Kuwait oo shalay ka soo degay madaarka Berbera isaga oo wata diyaarad gaar ah, ayaa la sheegay inuu haatan ku sugan yahay degaanka Sheekh, halkaas oo uu booqasho dalxiis ah ku joogi doono. Sheekhan reer Kuwait waxa la sheegay inuu dhawr jeer oo hore yimid dalka, gaar ahaan magaalada Sheekh halkaas oo uu muddooyinkan dambe uu ka socday dhismaha Qasri weyn oo la sheegay inuu leeyahay Amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Al-Axmed. Haddaba imitaanka Sheekha reer Al-Sabaax ee shalay waxa uu ku soo beegmay xili uu dhammaad ku dhow yahay dhismihii Qasriga laga dhisayay Sheekh, waxaana la sheegay in wiilka uu dhalay Amiirka Kuwait uu xalayba u hoyday Qasrigaas. Dhinaca kale, ilo u dhuun-daloola booqashada Amiirkan ayaa Haatuf u sheegay in odayaasha iyo waxgaradka degaanka Sheekh ay Sheekha ka codsadeen inuu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo qalabaynta Cusbitaalkii guud ee magaaladaas, iyadoo la sheegay in Sheekhu codsigaas markiiba ka aqbalay, isagoo ballanqaaday in uu degdeg u fulin doono hawshaas samo-falka ah iyo kuwo kale oo la mid ahba. Cali Warancadde Oo Sheegay Iny Alaabta Ganacsi Ee Shiinaha Laga Keenaa Ay Bilaa Cashuur Somaliland Ku Soo Geli Doonto “Qofku Haddii Uu Shuruudaha Buuxiyo Xisbigu Wuxuu Ogolyahay In La Tartamo” Hargeysa, January 27, 2009 (Haatuf/HWN) – Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in Wefti Shiine ah oo ka socday China Overseas Group, oo dhawaan dalka Somaliland booqasho ku yimid Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa laga siiyay Xarumo waaweyn oo ay ku soo dejiyaan Alaabta Shiinaha lagu sameeyo, isla markaana ay bilaa Cashuur ku soo gelin doonaan Somaliland, iyaga oo isticmaalaya Dekadda Berbera iyo Garoomadda diyaarada qaarkood. Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mr. Warancadde waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu xalay isaga oo jooga Hargeysa siiyey Shabakada Wararka ee Hadhwanaag. Ugu horeyna waxa Wasiirka la waydiiyay guud ahaanba xaaladda dalka Somaliland sida ay xiligan tahayay, waxaanu Cali Warancadde su’aashaa kaga jawaabay oo uu yidhi, “Dalku aad iyo aad buu u fiican yahay, nabadiisuna aad ayey u wanaagsan tahay, dadkiisa, Golayaashiisuba diyaarintii doorashooyinka ayay u qalab qaadanayaan, si wanaagsana runtii way u socotaa. Markaa Illahay mahadii meel wanaagsan buu dalku maanta marayaa.” Mar Warancadde wax laga waydiiyay Hub Gantaalo ah oo uu dhawaan sheegay Wasiirka Daakhiligu in Boolisku Guri Caasimadda Hargeysa ka mid ah ku qabteen, halka uu ku dambeeyay iyo ciddii dalka soo gelisay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi Wasiirku, “Arrinkaa waa la wadaa baadhidiisa, waana la qabtay sidii ay Wasaaradda Daakhiligu u sheegtay, hase yeeshee, waxa uu yahay, meesha uu u socday iyo ujeedada ka dambeysay baadhidoodii waa la wadaa, Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaananu ka sugaynaa inay dhawaan soo bandhigto ujeedadii uu lahaa iyo halka uu u socday.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi-Cirro, waxa uu sheegay in Hubkaas la qabtay illaa markii laga soo raray dalka Ereteria ay Sirdoonka Somaliland la socdeen. Sidaa daraadeed su’aal Warancadde laga waydiiyay sababta looga hortagi waayey Hubka maadaama lala socday illaa malintii la soo raray ee markii Caasimadda la soo geliyay loo qabtay, waxa uu kaga jawaabay. “Adduunyada Inteleganes-ku (Sirdoonku) siyaabo badan ayay u shaqeeyaan, waxay leeyihiin kuwo gudaha dalka jooga iyo kuwo dibada ka hawl-gala oo wax ka soo ogaada, kuwaasina xidhiidh ayay leeyihiin, kuwa guduhu waxa ay soo sheegaan ayay kuwa guduhuna ku shaqeeyaan oo ay qabtaan.” “Markaa waxa jira siyaabo badan oo Sirdoonka dibadu wax u ogaado ayaa jirta, waxa suuragal ah marar badan oo Dambiilihu isaga oo hoostaada maraya, haddana aan la qaban, iyada oo aad uga jeedo inaad ogaato wixii Intelegenesku dibadu soo ogaaday, waajibku waxa weeye inay kuwa guduhu ogaadaan waxa uu gudaha uu ka damacsanaa, waxa uu xidhiidhka la leeyahay iyo cidii soo hoosgalaysa ee gudaha u joogta waa inaad ogaataa, laakiin haddii aad dhexda ka jarto xadhigii aad wax ku qaban lahayd, waxa kaa qarsoomaya waddooyinkii dambe ee aad wax ku baadhi lahayd. Inteligences-ka Waxay ku shaqeeyaan laba arrimood, 1- in arrinta xididkeeda la ogaado, 2 waxa weeye qofkaasi in uu dambi ku jiyo iyo in kale inaad cadayso ee aan lagu qaban tuhunka hore ee wax la hubsado.” Ayuu yidhi oo uu sii raaciyay jawaabtiisa Wasiirku. Mar Wasiirka Duulista la waydiiyay, Gaadiid Dabdamis ah oo Madaarka Hargeysa dhawaan lagu soo bandhigay, in uu yahay mid Madaarka u gaar ah iyo in uu yamay mid lala wadaagi karo, waxa uu yidhi, “Waxaanu ugu talagalay inay Caasimadda, Madaarkaba iyo Somaliland-ba ka hawl-galaan, inkasta oo ay kala fogyihiin Magaaladda iyo Garoonku, hadana waxaanu ku talajirnaa illaahay inaguma keeno’e meeshii dab ka kacaba inaanu u gurmano.” Mr. Warancadde mar uu ka jawaabayay su’aal la sii waydiiyay,oo nuxurkeedu ahaa halka ay Wasaaradda Duulistu ka keentay Gaadiidkan Dabdamiska ah, waxa uu yidhi, “Wallaahi waxaanu dib u kicinay iyo kuwo cusub oo aanu soo iibsanay intaba way leeyihiin.” Wefti ka socday dalka Shiinaha ayaa dhawaan dalka Somaliland yimi, isla markaana muddo laba todobaad ka badan oo ay dalka joogeen kulmo la yeeshay Madaxda Xukuumdda ee Madaxweynuhu ugu horeeyo, kormeerana ku tagay Magaalooyin dhawr ah iyo goobo kala duwan. Haddaba Md. Cali Warancadde, waxa la waydiiyay Weftigaasi faa’iidooyinka uu dalka u waday iyo inay Somaliand is-dhaafsadeen, isaga oo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi Wasiriirku. “Wefdigaasi wuxuu ka socday China Ovorseas Group, waa qolooyinka dibada maal-galinta ku sameeya, waana niman qaba in dalkan Somaliland uu khayraad badani ku duugan yahay, markaa inay khayraadka ay qaybtooda ka qaataan oo wax ka soo saaraan, hadday tahay macdanta, Shidaalka, Ganacsiga oo ay Somaliland noqon karto meel aad istaraajiji u ah, oo Africa oo dhan wax loo marin karo, oo xataa bedali karta Dhulka aadka hore ugu maray ee Dubai ay ka mid tahay, Shiinuhu uu ka mid yahay iyo kuwo kale, Ay ka soo dhawyso oo laga siiyo halkan xarumo waaweyn oo ay ku soo dejiyaan waxyaabaha ay ka soo saaraan shiinaha , dabadeedna uu halkan dadku kag iibosado, iyaga oo bilaa cashuur ah la keeno, oo lagu bandhigo, dabadeedna dadkii meelaha fogfog ay lacagta badani kaga bixi jirtay inay ka qaataan Berbera iyo Hargeysa dhulal laga siiyay oo bal-balaadhan ayay u socdeen oo ay ka mid yihiin Garoomada laftooda inay wax ka qabtaan.” Sidoo kale, Wasiirka waxa la waydiiyay goorta uu qabsoomayo Shirweynihii 2-aad ee Xisbigiisa UDUB oo maalmahanba qaban-qaabadiisu socotay. “Dhawaan buu qabsoomayaa, bishan soo socota horaanteeda ayuu qabsoomayaa.” ayuu yidhi Warancadde. Warancadde oo ka jawaabayay, su’aal ahayd waxa jira Musharixiin Xisbigiina dhexdiisa ah oo ku dhawaaqay inay Musharixiin u yihiin Jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, sideed addigu u aragtaa in lagu tartamo Xisbiga UDUB dhexdiisa haddii shirkuba qabsoomo? “Runtii meesha dimuquraadiyad ayaa ka jirta, Xisbiguna wuxuu ogolyahay in la tartamo, nidaamkiisana way ku jirtaa, laakiin in qofku nidaamka raaco, shuruudaha looga baahan yahay buuxiyo, habka uu xisbiga uga mid noqonayo iyo wixiisa oo uu soo gudbisto mooyaane, haba yaraatee, wax cunsuriyad ah oo ku jirtaa ma jirto, nidaamka Axsaabta badan ee Somaliland loo sameeyayna waa in la tartamo. Markaa dee qof dariiqiisa uun ka baydha mooyaane ma filayo in ay wax carqalad aha oo Xisbiga ka jiraa inay jiraan.” “Xisbiga UDUB Magaca Mooyee Wax Uga Hooseeyaa Ma Jiro, Haddii Aad Khaladaadka Xukuumadda Wax Ka Sheegtana….” Axmed Yuusuf Ducaale Hargeysa, January 27,2009 (Haatuf) – Axmed Yuusuf Ducaale oo hore uga tirsanaa xisbiga UDUB, balse badhtamihii sanadkan uga digo rogtay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa xukuumada Riyaale ku eedeeyey in ay doorashada inagu soo foolka leh carqaladaynayso isla markaana cidii dhaliisha ama wax ka sheegta khaladaadka xukuumaddu gasho ay u samayso dambiyo, xabsigana u taxaabto, isagoo dhinaca kalena Axmed Yuusuf Ducaale sheegay inay xukuumadda Riyaale ka masuul tahay sicir-bararka shidaalka ee dadka reer Somaliland haysta. Axmed Yuusuf Ducaale waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf la yeeshay, isagoo jooga Hargeysa, waraysigaasi oo uu kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xaalada uu dalku haatan marayo iyo hab dhaqanka maamulka talada haya oo uu ku sheegay qaar aan u tudhayn dadka iyo dalka. Waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dadweynaha reer Somaliland waxa jirta dad badan oo damqashadii ka ba’day oo la saaxiibay nolosha dhibta badan ee ay haystaan oo aad mooddo waliba inaanay ahayn mid dabiiciya ee ay tahay mid gacmaha lagu sameeyay oo dabadeeto ay iyagu bal si ay ka noqotay taladoodii u daayeen inay sidaa ula saaxiibaan nolosha. Reer Somaliland waxyaabaha aan ku arkay waxa ka mid ah waxay la saaxiibeen dhibaatada sida qofka cudurka macaanka qabaa ula saaxiibo, waxayna ku noolaayeen rajo, anaga laftigayagu markaanu dibada joognay rajaanu ku noolayn, waxa aan aad uga baqdin qabaa oo aan ka wabinayaa waxa kaliya ee lagu noolaa ee la sugayey amal bay ahayd rajadaasi inay soo gaabato ayaan aad uga baqo qabaa, sida wax loo wado ee arxan darada ah, meel ka dhaca ah, eek u dhiirashada dambiyada ah ee dalka iska camimay dhamaantii, illaahay waxaan uga baryayaa dadkan dhibaatooyinka ay qabaan inaanu in kale ugu darin, intana ka dul qaado”ayuu yidhi. S: Waxa inagu soo fool leh doorashadii o ku beegan 29 march, diiwaangelintiina waa gebogabo,waxaa la sheegayaa in xukuumada Riyaale damacsan tahay in doorashada dib loo riixo oo guurtidu arimahaa ay wadaan oo ilaa July dib loo dhigayo, arimaha wax ma ka ogtahay ? J: 15 kii may 2008 ilaa maalintaa la soo gaadhay lafteeda maamulka joogaa, madaxweynaha ilaa wasiirada ilaa xubinta ugu hoosaysa ee taageerta UDUB, waxay ka dhawaajinayeen inay qabanayaan doorashada, markaa aniga iima muuqato doorasho wadanka looga diyaar yahay, sababo badan dartood waxaa weeye waxaa layidhi cudurka ka gala fardaha haddii laga gubo dameer dawlada lama gaadhayo. Xaal halkaas ayuu marayaa meel aanu ku jirin baa laga dayayaa dhibta iyo midhaheedana waxay ku soo noqonaysaa waa dadka ubadka iyo inta itaalka daran ee Somaliland ku sugan, waana dabar-go’ooda, ayaan ka baqayaa waayo sababahaa waxaa ka mid ah dawladani hadday doorasho doonayso, qof bani’aadmi ah weeyi oo bulshada ka mid ah haddii uu rabo dadku inuu doorto oo aanu ku haysan maamul inqilaab oo xoog ah, sida uu ula dhaqmi lahaa waa la garanayaa oo indhaha iska ridi mayno, cid uu maslaxday maan arag, qudh iyo qabiil tagri fal baa laga galay xadhig baa jira sharci daro ah, hanjabaad ayaa jirta, xumaan ayaa jirta, dadka oo aan dan laga lahayn baa jirta, waxa jirta gobolo dhan oo cashuurta uun marka laga soo qaadanayo la xasuusto inay dalka ku yaaliin, oo laga bedeli waayey, lacago qalaad oo calaloobay oo gaboobay oo haddii la furfuro googa’aysa oo dadka halkaa jooga marka loo tagayo laga qaadayo oo aan ku arkay Burco waa ayaan daro, ka bixinayaana waa ku ayaan daro, kan ka qaadanayana waa u iimaan xumo, waayo meel uu lacagta uu isagu cashuurta uga qaadayo gaysan waayey taa ay haystaana uu diiday, haddana yidhi khasab igu doona, waxay bixiyaan dadka caynkaas ah dee waa laba cashuurood bay u tahay, dhawr sanadood oo horana waxa ina soo maray in dakhliga lagu daray oo lacagteediiba la meel dhigay oo baarlamaanka laga ansixiyey oo hadana aan lays waydiinayn, dadka waxaad moodaa lacagahaa in ay ku ilaawayaan nabarada ku dhaca, oo markay qolofi fuusho halka hoosana uu ka shuuqayo inay sidaa isku ilawsiiyaan mar haddaanu indhaha uga muuqanayn laakiin dareenkii damqashadu inuu xidada ka ba’ay baad moodaa. Ta kale waxa jira batroolka aduunka 7 bilood iyo badh horteed $150 ayey foostadu ka joogtay oo waliba saliida qaydhin ahayd, hadda oo aynu joognana kan la sifeeyey ee halkan yaala boqol iyo dhawr iyo toddobaatan ayaa lagaga soo qaadaa TOTAL sida ay ii sheegeen Kaalmaha shidaalka, caalamkiina waxay imika ka joogtaa wax ka hooseeya $35. Waxa jirta duco nabigu (CSW) uu dadka u jideeyey oo ahayd illaahoow ha nagu salidin kaan adigana kaa baqayn, anagana aan noo arxamayn,. Ta kale dadka gaadiidka ee cashuurta bixinayaa waxba laguma soo celiyo oo meel walba way dalooshaa laamiyada iyo wadooyinkaba, markaa naxariis iyo lexejeclo ka haysa cidda maamulka khaaska u leh ee Hawlaha guud. Waxa kale oo jirta qofku haddii uu wax ka sheego maamulka khaladaadka dhacaya oo uu tilmaamo jeelka ayaa loo taxaabaa, dambiyo badan ayaa lagu qoraa, qaar dambiyo tilmaan fog ayaa lagu qoraa oo aan dhici Karin in la taabto oo qoor gooyo ah, waa qofkii loogu badheedhay dil, dabadeedna isagoo maxkamad la geyn baa la iska sii daayaa oo la yidhaa haddana orod oo iska tag. S: Adigu hore waxaad uga tirsanayd UDUB dhawaana waxaad uga diga rogatay KULMIYE, xilligaa aad ka baxdayna waxaad sheegtay in aan meesha talo aad soo jeediso aan lagaa dhagaysanayn oo xisbigu shakhsi u xidhan yahay. Hadda rag baa ka soo dhex baxay ku dhawaaqay inay murashaxiin yihiin tartamaysa sida C/llaahi dirawal, waxa kale oo la sheegayaa in UDUB ay dad iskugu yeedho aqal hoosta laga xidhay ka dibna Riyaale iyo ku xigeenkiisa lagu dhawaaqo in ay ku guuleysteen markaa maadaama oo aad aqoon u lahayd xisbigaas bal ka waran arimahaasi la soo gudboonaaday iyo halka uu ku dambeyn doono ? J: Horta meeshu waa afrika oo waxa laga yaabaa in aanay garanaynin xisbigu wuxu yahay iyo inuu umad ka dhexeeyo oo la kala dhaxli doono oo wax mustaqbal u abuuran iyo masiir uu yahay fahamkooda aanan garanayn dadku sida uu u fahansan yahay, waxa kale oo ayaan daro ah inta fahamsan baa had iyo goor dulman, inta aan fahansanaynina waa kuwo dulmiga sameeya, xisbiga haddaan ka waramo waxaan bulshada ka rajaynayaa inay xusuustaan in badan oo aan ku jiray UDUB, guddida fulinta ee UK baan ku jiray, guddiyaha bariga Landon baan ahaa, xogogaal badan ayaan u hayey, UDUB waa magaca oo kaliya wax ka hooseeyaa ma jiraan, wax badan baan isku dayey oo aan talooyin u soo jeediyey in xisbiga la dhiso, korino, laamaha leex leexday oo dhan ka jarno oo si fiican loo biyeeyo, sidii ninkii yaqaanay ee sameeyey wax ka dambeeyey oo aan anigu garanayo ma jirto, waayo waxa u markhaati ah shirkii isaga lagu doortay shir ka dambeeya oo UDUB leedahay oo gole dhexe ah haddaad maqasheen aniga beenaale ah. Ragana muruqa laba suule ninba si ku ah, ragana ninkii uu tabi waaey ee Cabdilaahi Darawal ku jiray ee aniga iga dul badnaa ama samirkiisuu iga badnaa raganimo badana ay qabtay waa kuwaa imika le kaaga tagi mayno, waxaase weeyi yaa u joojinaya, aniga iima muuqato waayo cidna la baryi mayo, riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyo inta kale eek u jirtaba sidii oo agaasimay waa garanayaan UDUB, lixda gobol buu ina Cigaal ka dhiga isku mid xubnuu ka doortay saddexda oo gole ka sameeyey dadkaa. Anigu ma arko UDUB balse magacasi wuu jira, laakiin xisbi ahaan ma jiro marka nidaamka iyo shuruucda loo eego. S: Sideed iyada u aragtaa rajada xisbiga KULMIYE ee doorashada fooda inagu soo haysa? J: In badan baan rogrogayey oo aan dibada joogay intaanan ka soo bixin xisbiga UDUB, xaga dhaqanka xisbinimo iyo dhismaha maamul wax isku dhaw maaha oo shaqana iskuma laha, halkaa waxaa ka jira wixii oo dhisan oo nidaam leh, waa la isku qabtay waa lagu wada hadlay, intaas oo shirbay qabteen, iyagoo awood dawladeed gacan ugu jirin ayey is qancin ku dhamaystay amuurahoodii, xisbiga maanta u taagan inuu bedelo sababaha uu u bedelayaana waxa weeyi kaad shalayba aad arkaysay ifafaalihiisa sida loo soo dhaweeyey madaxweynaha mustaqbalka Somaliland iyo masiirkiisaba ku xidhan yahay waa Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo xisbiga KULMIYE-ba Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Cusbitaal Muqdisho Ku Yaal Ku Jira Oo La Sheegay Inay Maleeshiyada Majeerteeniya Aargoosi Ugu Haysteen Villa Somalia Hargeysa, January 27, 2009 (Haatuf) – Cabdiraxmaan Mawliid Cabdi, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Hargeysa ee Somaliland ayay maleeshiyaadka Puntland ka qabteen xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo ismaamul goboleedka Puntland sanadkii 2007-kii, ka dib markii ay ciidanka qaranka ee Somaliland gacanta ku dhigeen isla markaana dagaal kaga saareen maleeshiyaadkii majeerteeniya ee gobolka sool ka talinayay. Wiilkan ayaa la sheegay in uu xilligaasi ay ka baxayeen maleeshiyada reer Puntland jiidaha bari ee sool uu ku sugnaa meel u dhow xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo ismaamul goboleedkaasi ay maleeshiyada majeerteeniya ka qabteen halkaas ka dibna ay ula kaceen dhanka magaalada muqdisho, kuwaasi oo wiilkaa ku xidhay madaxtooyadii C/llaahi Yuusuf ee Villa Somalia ee xukuumada Mbagathi xarunta u ahayd. C/raxmaan Mawliid ayaa ilaa 2007kii ilaa dhawaan ku xidhnaa Villa Somalia, iyadoo wiilkan ay u gaysteen jidh-dil wayn, oo marka la eego muuqaalka jidhkiisa laga arki karo nabarada ku yaal iyo meelo ka mid ah jidhiisa oo dubka sare ka dhacay. Sida ay sheegayaan wararka ku saabsan wiilkan ayaa dibada loo soo tuuray ka dib markii lagu kala yaacay madaxtooyadii C/llaahi Yuusuf ee uu iska casilay xilkii madaxwaynaha dawlada Mbagathi, ka dibna ay ciidankiisii halkaa ka baxeen. C/raxmaan Mawliid ayaa haatan waxa la xaqiijiyey in uu ku jiro cusbitaalka Madiina ee Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee wiilkan ayaa la sheegay inuu wakhtigan xaadirka ah ku jiro xaalad caafimaadkiisa laga dayrinayo taasi oo lagu sababeeyay jidh-dilka culus ee loo gaystay. “Lixdankii Ilaa Maanta Lix Gef Oo Siyaasi Ah Ayeynu Gallay” Bashiir X. Xasan Geelle Sooyaalka taariikhdu wuxuu la bilaabmay jiritaanka aadamaha. Laga soo bilaabo Xaawo iyo Aadan ilaa waqtigan xaadirka ah dhacdooyinka taariikhiga ah ee dunida soo mara waa la isu tebinayey. Intii aanu qoraalka luqaduhu bilaabmin wixii dhacdooyin taariikhiga ah ee dunida soo mara jiil-ba jiilka uu ka dambeeyo ayuu sheeko ahaan ugu tebinayey, hase yeeshee intii uu qoraalka luqaduhu bilaabmay qoraal ahaan ayaa la isugu tebinayey. Hadaba hadii aynu iswaydiino su’aasha ah maxay dadku isugu lurayaan inay ka hadlaan ama isu tebiyaan axwaasha soo marta, waxay jawaabta oo koobani noqonaysaa, waa si ay wixii khaladaad ah ee soo mara uga digtoonaadaan oo aanay dib dambe u dhicin, sidoo kalena wixii sax ah ama wanaagsan ee soo mara ay ku daydaan oo halkooda ka sii wadaan. Sidaa darteed taariikhdu waa arin masiiri ah oo saamayn ku leh danaha iyo nolosha mujtamac kasta oo meel ku dhaqan, taas oo macneheedu yahay in hadii aan la sixin wixii khaldamay aanu masiirku toosayn. Marka la eego Sooyaalka taariikheed ee Somaliland lixdankii ilaa waqtigan xaadirka ah ee aynu ku jirno lix gef oo siyaasi ah ayeynu gallay, kuwaas oo si taxane ah u soo noq-noqday, balse inta aynaan sheegin gefafkaa, waxaynu iswaydiinaynaa waa maxay sababta ay gefefkaasi mudada dheer u soo noq-noqonayaan. Jawaabtu iyadoo kooban waxay noqonaysaa nasiib darro haysata dadka reer Somaliland, taas oo ah danaha rabitaanka iyo danaha siyaasiga ah ee ay dadka shicibka ahi doonayaan in la fuliyo iyo madaxda ay igmadaan oo taa waafaqsanayn ee danno siyaasi ah oo kuwaa ka soo horjeeda wata, taasina waxay ku tusaysaa inay shicibka reer Somaliland doortaan ninka siyaasiga ah iyagoo aan aqoon dhab ah u lahayn. Sidaa darteed lixda gef siyaasi ee aynu gallay laga soo bilaabo lixdankii ilaa maanta waxay kala yihiin: 1- Xiligii Seyid Maxamed Cabdulle Xasan: Sida taariikhdu qorayso Seyidku wuxuu inagaga yimi dhinaca Maka isagoo ah sheikh kutub sita, dabadeedna wuxuu yidhi waxaan la dagaalamayaa Ingiriiska, isagoo sheegay inuu diiniya ula dagaalamayo, taasna dadka reer Somaliland way u guuxeen, waxayna dadku ra’yigaa u waafaqeen laba sababood, marka hore in maadaama Ingiriisku gaal yahay loola dagaalamo si diiniya, ta labaad iyadoo ay dadku doonayeen inay ka xoroobaan gumaysiga Ingiriiska, dabadeedna isagoo aan hub siddan ayey hubeeyeen, isla markaana maalgeliyeen oo xoolo siiyeen, ka dibna wuxuu sameeyey ciidan, wuxuuna bilaabay dagaal uu ku qaaday Ingiriiska. Runtii bilowgii dagaalka iyo muddo dheer oo ka dambaysay Seyidku naar ayuu kebisiiyey Ingiriiska, xukunkiisiina qiira-qiire ayuu geliyey, isla markaana dagaalkii Seyidka iyo daraawiishtiisii heer sare ayuu gaadhay, sababtuna waxay ahayd kalsooni uu markii hore ka helay dadka reer Somaliland oo dhan, hase yeeshee nasiib darrada dhacday waxay ahayd inuu Seyidku xiliyadii dambe bedelay qaabkiisii dagaalka oo inta uu dagaalkii Ingiriiskaba joojiyey bilaabay inuu qabaa’ilkii reer Somaliland qaarna soo dhoweeyo oo hubeeyo, qaarna fogeeyo oo colaadiyo si uu xukunka u haysto, wuxuuna dagaalo ku qaaday qaar ka mid ah qabaa’ilkii reer Somaliland oo uu damcay inuu tir-tiro oo uu meeshaba ka saaro, arintaasina waxay bedeshay qaabkii iyo habsamidii uu dagaalku u socday, waxaana dhacday inay qabaa’ilkii uu Seyidku la coloobay ay gaashaan-buur la samaystaan Ingiriiska oo ay dagaal ku soo qaadaan Seyidka, dabadeedna dagaalkii markii hore ahaa jihaadka ee loo arkayey in gaalada lala dagaalamo ayaa mar qudha isu bedelay dagaal sokeeye oo u dhexeeya qabaa’ilkii kala duwanaa ee reer Somaliland, taas ayaana u sabab ahayd jabkii markii dambe ku dhacay Seyid Maxamed Cabdulla Xasan, halkaana waxa ka cad inay dadka reer Somaliland markii hore indho la’aan iskaga raaceen Seyidka, oo ay dagaal iskala galeen iyagoo aqoon u lahayn, waxayna ahayd inay marka hore dersaan Seyidku qofka uu yahay iyo inay ka dhab yihiin waxa uu sheegayaa. 2- Marxaladdii 1960-kii: Markii labaad ee aynu gefka siyaasiga ah gallay waxay ahayd markii ay xorriyadda ka qaadanay Ingiriiska 1960-kii, ee aynu la hadafnay. Markii aynu xorriyadda qaanay waxaynu aaminsanayn mabaadi’I ahayd inaynu dadka Soomaaliyeed oo ay mustacmaradihii reer Yurub u qaybiyeen shan qaybood isla doono oo dawlad qudha ku midayno. Shanta qaybood waxay kala ahaayeen Somaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray, qayb Itoobiya la hoos-geeyey oo ah dhulka Ugaadeenya loo yiqiin (Kililka 5aad), N.F.D oo Kenya raacsan, Somalidii Faransiisku Gumaysan jiray (Djibouti) iyo Somaliland oo uu Ingiriisku gumaysan jiray, dabadeedna Somaliland ayaa xoriyadda ugu hor qaadatay, waxayna taariikhda xoriyaddu ahayd 26-kii Juun, 1960-kii, waxa iyana ku xigtay oo xoriyadda qaadatay Somaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray oo xoriyadda qaadatay 1-dii Julay, 1960-kii, ka dibna waxaynu la midownay dadkii reer Somaliya, inagoo ku riyoonaynay inay samaysanno dawlad qudha, taasina ay noqoto unugii u horeeyey ee Somaliweyn, laakiin nasiib darradu waxay ahayd dadka reer Koonfureed ee aynu la midownay oo aan inala qabin ra’yiga midnimo Somali weyn ee aynu ku riyoonaynay, dabadeedna inta ay inoo aamuseen ayey dhamaan masiiftii dawladda isku taxeen, wax-garadkeenii iyo aqoonyahankeenina midiidiin ka dhigteen oo ku shaqaysteen, khayraadkii iyo dhaqaalihiina la wareegeen. Dabadeedna markii aynu hambaabirnay ee aynu ogaanay inaynu af libaax galay ayey dadka qaar u arkeen in sida keliya ee aynu xoriyaddii kula soo noqon karnaa ay tahay inagoo inqilaab milateri samayna. Ka dibna koox dhallinyaro ah oo reer waqooyi ahaa oo ahaa saraakiil milateri oo aanay tiradoodu badnayn ayaa ku talaabsaday inqilaabkii milateri sannadkii 1961-kii, laakiin inqilaabkaasi wuu fashilmay, saraakiishiina xabsiga ayaa loo taxaabay. Sidaa darteed marka aad eegto dhacdadii lixdankii ee midowga waxaa halkaa ka cad inay Somaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray iska raacnay inaga oo aan wax aqoon u lahayn, isla markaana aan iska hubsan waxa ay aaminsan yihiin iyo sida ay u arkaan ra’yiga aynu qabno ee midnimo Somaliweyn, taasina waxay ahayd gef siyaasi ah oo aynu gallay. 3- Gefkii saddexaad: Gefkii saddexaadna waxaynu gallay…… la soco. Ku-Xigeenkii Badhasaabka Sool Oo Ka Mid Noqday Xubnaha Lagu Kordhiyey Baarlamaanka Mbagathi Hargeysa January 27, 2009 (Haatuf) – Maxamed Dacar Faarax oo ahaa gudoomiye ku xigeenka maamula gobolka Sool ee Somaliland ayaa la sheegay inuu ka mid noqday xubnaha isbahaysiga dibu xoraynta Somalia ee lagu daray baarlamaanka Somalia ee ku shiraya Djibouti. Fakadka ku xigeenkii maamulka gobolka Sool Maxamed Dacar Faarax ayaa sida ay noo sheegeen ilo xogogaal ahi waxa uu dabayaaqadii todobaadkan si qarsoodiya kaga dhoofay magaalada Hargeysa, waxaanu markiiba ka mid noqday xubnaha isbahaysiga garabka Sh Shariif ee lagu daray baarlamaanka cusub ee Jabuuti ku shiraya. Mr Dacar ayaa la sheegay inuu hore uga mid ahaa kooxihii maxaakiimta ee uu madaxda ka ahaa Sheekh Shariif, waxaana uu ahaa sida la sheegay wakiilkii maxaakiimta u joogay gobolka Sool, ka hor intii aanay ciidanka Somaliland ka saarin Laascaanood maamulkii puntland, ka dibna aanay xukuumada Riyaale u magacaabin badhasaab ku xigeen gobolka Sool. Si kastaba ha u dhacdee fakadka ku xigeenka maamulka gobolka Sool ayaanay xukuumada Somaliland ka hadal ilaa hadda. Ururka AFGARAD Oo Ka Digay Doorashada Oo Wakhtigeeda Dib Uga Dhacda Iyo Muddo-Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda Riyaale Hargeysa, January 27, 2009 (Haatuf) warsaxaafadeed uu soo saaray Ururka horumarinta dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano afgarad ayaa ku tilmaamay haddii ay dhacdo muddo kordhin labaad oo loo kordhiyo xukuumadda rayaale inay tahay mid lagu burburinayo masiirka Ummadda oo la doonayo in lagu carqaladeeyo hanaan socodka dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku socoto, taas oo waji gabax ku noqon karta dimuqraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday Somaliland. Waxaana uu u qornaa warsaxaafadeedka Ururka horumarinta dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga AFGARAD oo dhamaystirani sidan:- “Waxa dhowaanahan soo if-baxaya sanqadho isa-soo taraya oo ku aaddan; Muddo-kordhin labaad oo cimri-dherer u noqota Taliska xilligiisii dhammaaday, taas oo sifo kasta oo ay u suurta-gali karto hir-gelinteeda dagaal xooggan loogu jiro. Si uu u wado iyo tub uu u maroyaba, waxa hawshaas ku fooggan, kuna jilan, Madaxweyne Riyaale iyo inta malafsiga kula shuraakada ah oo ay isku qaban la’ yihiin laabaha mujtamaca ee ka sii jeeda iyo dhadhanka macaan ee dhiigga maatadu u sameeyay. Haba falaan sida garaadkoodu siiyay’e, Sidee arrintaasi caqliga u gali kartaa ama loo qaadan karaa? Run-ahaan, waa dhabar-jabin looga dan leeyahay burburinta masiirka ummadda iyo carqaladaynta hannaan-socodka Dimuqraadiyadeed ee shacabku ku tallaabsaday. Waa badhi-fur aan kow ahayn, laba ahayn, se tiro beelay oo Taliska Riyaale si badheedh ah kula kacay heshiiskii Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka ahi wada saxeexdeen: 15.May.2008, kaas oo dhigayay inaanay doorashooyinku hal maalin dib uga dhicin 29.March.2009. Waa jillaafo marag-ma-doon ah oo Taliska gabbalkiisu sii dhacayaa ku hantaaqaynayo Halgankii rubuc-qarniga soo socday (1981-2009) ee ummaddani ugu jirtay helitaanka maamul Dimuqraaddi ah oo ku dhaqa sinnaan, caddaalad iyo hor-u-mar. Haddii ay sidaas tahay, Ururka Af-garad isaga oo ka turjumaya dareenka shacbi-weynaha reer Somaliland, kuna xisaabtamaya cawaaqib-xumada ka dhalan karta muddo-kordhin kale oo dhacda, waxa uu ku baaqayaa/leeyahay: 1. Ma dhici karto, mana jiri karto sabab dib loogu riixo mar saddexaad Doorashada, ciddii dib-u-dhiggaas samaysaana waa cid gacanteeda ku dishay masiirkii ummadda. 2. Golayaasha Baarlamanka, Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda, Axsaaabta iyo dhammaan ciddii lug ku leh Arrimaha Doorashooyinka waxaanu uga nasteexaynaa inay ku sawirmaan dib-u-dhigis kale oo dhacda, maadaama Taariikhdu Indhaha Ku Hayso! 3. Haddii mar labaad Axsaabta Mucaaradka ahi yeelaan dib-u-dhac aan sharciga waafaqsanayn oo ku yimaadda Doorashada; waxay taariikhdu u aqoonsanaysaa Axsaab Riyaale ku taageersan: tacaddiyada xuquuqaha muwaadiniinta, keli-talisnimada, musuq-maasuqa, caddaalad-darrada, mad-madawga siyaasadda Arrimaha Debedda iyo aqoonsi la’aanta, adhi-dillaalista, shidaal u xidhista Total, guryaha Qaahira, kootaynta siyaasadda, af-xumada Madaxtooyada iyo ka-arradnaanta luqadda Diblomaasiyadda, cabudhinta saxaafadda, xisaabtan-la’aanta, biyo-la’aanta caasimadda, shaqo-la’aanta dhalinyarada, tahriibta dhalinyarada, duruufaha naxdinta leh ee ku gedaaman; caddaaladda, caafimaadka, tacliinta, jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo guud ahaan adeegyada aas-aasiga ah. Waxaanu hadalkayaga ku soo meeraynaa tuducyadan hoose oo ku jiray tixdii Gol-janno ee Abwaan: Maxamed I. Warsame “Hadraawi”: “Rag gudboon sal iyo baar, Haddii geel isugu jiro, Gar-ma-qaate dhega li'I, Go'aan wadari leedahay, Hadduu goonnidiisiyo, Gaarkiis u maamulo, Keligii nin gob’a yahay, Inta badan gun hoosiyo, Garax iyo qadhoon iyo, Gaaggaab ka wada dhigo, Marka loo ged sheegtana, Waa Nasiibdaro In Odayadii Guurtida Ee Somaliland Dhistay, Maanta Looga Baqayo Inay Dumiyaan Tan iyo maalintii reer Somaliland ku dhawaaqeen goobi iskutaagooda, waxaa soo maray wakhti adag oo ay kaga gudbeen talo wadaag iyo dib u heshiisiin ay qayb libaax ka qaateen qaar ka mid ah odayadii, culimadii iyo hoggaamiye dhaqameedyadii ugu qiimaha badnaa, kuwaas oo gobol kastoo ka mid ah Somaliland iskaga yimi. Guurtidaasi oo iyagu isku xilqaamay nabadaynata beelihii ku colloobay dagaaladii sokeeye ayaa waxa ay daweeyeen boogihii dagaaladaasi sokeeye, wixii lagu kala qabsaday ee muuqdayna u kala qaaday dadkii haystay iyo dadkii laga haystayba. Waxa kale oo ay dalka ka qabteen ciddii gardaro wadda meeshana ay ka saareen gargaarkii loo fidin jiray fidno wadayaasha, meesha belaayo laga soo sheegana si wadajir ah ayey u demin jireen dab kastoo ka holcaya, iyagoo arimahaasina shacbiga Somaliland kaga kasbaday qadarin iyo ixtiraam. Haddaba haddii aynu dib ugu noqono guurtidii waagaasi iyo guurtida maanta dalka ka jirta waxaad arkaysaa in guurtida maantu lumiyeen haybaddii guurtinimada, waxaanay maanta qarka u saran yihiin inay Somaliland burburiyaan, aynu isweydiino halkay iska weydaarteen foolxumada golaha guurtida, ayaa waxa aynu is odhan karnaa waxay bilaabantay sanadkii 2006-dii wakhtigaas oo golaha Baarlamaanku ka dooday sharcigii doorashada golaha guurtida oo wakhtigiisii dhammaaday, waagaas oo ay dhabarjebin ku sameeyeen sharcigii dalka, isla markaana Daahir Rayaale si sharcidaro ah uu afar sanadood xilka ugu kordhiyey taasina ay noqotay shaabaddii u horeysay ee ku dhacday golahaasi. Waa tan labaade 2008-dii oo u dhammaaday xilkii madaxweyne Rayaale 15-kii May talaabadii ay qaadeen ee ay Daahir Rayaale muddada xilka sanadka ugu dareen si ay sharci daro ugu abaalgudaan sharcidaradii uu iyaga ugu kordhiyey wakhtiga xilka, talaabadaasina guurtidu aanay si xaq ah ugu garsoorin axsaabta mucaaradka iyo madaxweynaha wakhtigiisii xilku dhammaaday arintaasina ay dalka khalkhal gelisay. Dooddii ka dhex dhacday axsaabta mucaaradka ah iyo madaxweynaha oo ay markhaati ka ahaayeen aqoonyahanada iyo indheergaradka reer Somaliland waxaa lasoo jeediyey inaanay guurtidu mar dambe arimahaa siyaasadda faraha lasoo gelin, tasina ay ceeb kale usoo jiidday magaca golahaasi. Haddaba waayadan dambe gaar ahaana wiigagan ayaa sidoo kale golahaasi waxa uu wadaa olole ka dhan ah shirguddoonkiisa oo ay doonayaan inay kursiga ka tuuraan maadaama aanu odaygaasi raalli ka ahayn muddo kordhinta ay u sameeyeen Daahir Rayaale. Iyadoo arintani khatar kale ku keeni karto dalka iyo golahaasiba haddii ay maslaxadda gaarka ah ka hadhi waayaan. Ugu dambayntiina arimahan golaha guurtida kasoo socdaa maaha kuwo wanaagii lagu yaqaanay golahaasi, waxaana aan qabaa inay odayaashii iyo culimadii daacadda u ahaa Somaliland ka dhammanayaan golahaasi, inta ku hadhayna laduufsaday, arrimaha ay haatan ka shqeeyaana ay yihiin ku ujeedooyinkoodu yihiin kuwo duminaya Somaliland, sidaa darteedna ay nasiibdaro tahay in odayaashii golahaasi duminayaan Somaliland loona baahan yahay cid ka qabata. Xaaji Abshir Maxamed Ducaale Boorama Somaliland. Rayaale Waxan Odhan Lahaa ........... Anigoo ka mid ah muwaadiniinta reer Boorama isla markaana in muddo ah la socday waxqabadka iyo wax qabad la'aanta hoggaamiyaha Somaliland Daahir Rayaale waxa ii soo baxday in muddada uu xilka hayey uu qaban kari lahaa waxyaabo badan oo faa’iido u noqon kara dalka iyo dadka. Hadii aan soo qaado waxyaabaha aan odhan karo Rayaale xoogguu saaray muddadii uu xilka hayey, ayaa waxaan soo qaadan karaa dhawr arrimood. Waa tan koowaade waxa uu sii adkeeyey nabadgelyadii uu ka dhaxlay maamulayaashii hore ee Somaliland. Waxa uu sugay xudduudihii in muddo ahba madaxweynayaashii hore maamulkoodii gaadhsiin kari waayeen sida Sool iyo sanaag Bari, intii uu xilka hayeyna Daahir Rayaale waxa uu qabtay doorashooyin badan, ha ugu hooreeyaan kuwii golayaasha degaanka, kuwii baarlamaanka iyo doorashadii madaxweynenimada ee lagu doortay, isagoo dhinaca kalena Somaliland iyo dalalka jaarka ahna xidhiidh fiican la soo sameeyey. Haddii aan intaa kaga gudubno waxqabadka la sheegi karo ee Daahir Rayaale, ayaa waxa mudan inaan xusuusiyo Daahir Rayaale waxa uu qaban kari waayey, ama iska diiday inuu qabto muddada xilka uu hayey iyo waxa uu qaban karo wakhtiga u hadhay. Waxan odhan lahaa Rayaale tayoxumada wasiirada, ayaad ka dhigi lahayd 15 wasiir oo ka warhaya dalka goboladana baahidooda la socda, kormeer joogto ahna ku sameeya. Waxan ku odhan lahaa 220 ka hay'adood ee Hargeysa kuugu oodan ayaad weydiisan lahayd 220 cagafcagafta beeraha, kuwaas oo lagu soo saari lahaa khayraadka dalka ee dhinaca beeraha, oo mashruuca wax soo-saarka banka Wajaale oo keliya ayaa inaga kaafiyi lahaa baahida cunto ee dalka ka jirta. Rayaale waxan odhan lahaa kalluunka badaheenna ka buuxa ayaad muwaadiniinta reer Somaliland u siin lahayd rukhsad lacag la'aan ah, khayraadkeenna yamantu guratana loo dhoofin lahaa dalka Itoobiya si ay inoogu baaqato lacagta adag ee inagaga baxda qaadka Itoobiya. Waxan ku odhan shicibka Soomaaliya isku haysta ayaad gogol nabadeed u dhigi lahayd si aan abaal ugu gallo, isla markaana lacagta adduunweynuhu Kiiniya ku siiyo ee malaayiinta doolar ah si Soomaalidu nabad u hesho, ayaa dalkeenna iyo dadkeenna soo geli lahayd, innagoo dhinaca kalena reer Soomaalia Hargeysa ku weydiisan lahayn inay inna ictiraafaan. Waxan ku odhan lahaa kumanyaalka qof ee reer Somaliland ah ee ka soo barakacay soomaaliya, ayaad guryo jaban u dhisi lahayd, halka kumanyaalka isugu oroomada iyo reer Muqdishaha dalka joogana aad u samayn lahayd xeryo dunidu ku caawiso, innaguna aan kaga badbaadno dhaqan xumada iyo foolxumooyinka suuqyadeenna ay ku hayaan. Allahum maa balaqtu |