Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1874 October 31, 2008


Hargeysa: Weerarka Argagixiso Ee Lala Beegsaday Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiya Iyo Xafiiska UNDP, Khasaaraha Dhacay Iyo Raadadka Ilaa Xalay La Helay

“Waxa Guriga Loogu Tegay Saddex Furaash Iyo Kumanaan Caagadaha Mooya-Saxada Ah Oo Madhan, Qoortana Laga Jaray”


Maraykanka, Britain Iyo Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Weeraradii Shalay Ka Dhacay Hargeysa


BADHEEDHAHA

Argagixisada Somaliland-Diidka Ah Ee Al-Shabaab

“Maraykan Iyo China Toona Nooma Iman Ee Waa Dad Soomaaliyeed Cidda Fulisay Qaraxyadani

faysal cali waraabe


Muj: Xasan Ciise Oo Weerarka Lagu Soo Qaaday Hargeysa Ku Tilmaamay Mid Cadaawadeed Oo Aan Somaliland Waxba Loola Hadhin


IGAD Oo Shirka Nairobi Ka Soo Saartay In Somalia Loo Dhiso Dawlad Cusub Oo Lagu Qaybsado Habka 4.5


Xarumaha Ciidanka Sirdoonka Ee Boosaaso Oo Lagu Weeraray Qaraxyo Loo Adeegsaday Baabuur


Sidee Baa Dhacdadii Shalay Ee Hargeysa Looga Dareemay Boorama?


Rayaale Oo Agaasime Guud U Magacaabay Wasaarada Gaashaan-Dhiga


C/laahi yuusuf oo beesha caalamku ka dalbatay inuu baneeyo kurisga madaxwaynaha


Bilayska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dad La Sheegay Inay Ka Mid Yihiin Budhcad Baddeeda  Reer Puntland


Mid ka mid ah Raga u sharaxan madaxtinimada Puntland oo sheegay inuu soo celin doono Deegaanada ka maqan.

Waa In Xoog Loo Adeegsadaa Budhcad Baddeeda” Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Dalka Kenya Mousa Wetangula,


Qaylo-dhaan Biyo La'aaneed Oo Ka Soo Yeedhay Degaanka Lughaya Kadib Markii Ceelkii Riigga Ahaa Fadhiistay Iyo Saameynta Ay Ku Yeelan Karto Diiwaangelinta


Dildilaaca Komishanka Doorashooyinka, Dayrada Diiwaangelinta Iyo Findhicilashada Guurtida

Faallo: Maxamed Saga


Somaliland Door Intee Le’eg Ayay Ka Ciyaari Kartaa Ololaha Lagula Dagaalamayo Budhcad Baddeeda Somalia

Faallo – Axmed A. Cige


Xaflad Loo Sameeyey Dugsiga Cusub oo Laga Furay Magaalada Burco


 

 


Xukuumadda oo markii u horeysay ka hadashay raadadka laga helay qaraxyadii argagixisadu u geysatay Hargeysa                                                                   

Hargeysa, October 31, 2008 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarkii argagixiso ee Arbacadii dorraad lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiya iyo xarunta UNDP ee Hargeysa, waxayna xukuumaddu ka warantay sidii wax u dhaceen, sida ay arrintaas wax uga qabanayaan iyo raadadka ilaa hadda la helay.

Xukuumaddu waxay arrimahaas kaga hadashay shir jaraa’id oo shalay ka dhacay Xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha, shirkaa jaraa’id waxa si toos ah afka xukuumadda ugu hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isla markaana waxa goob-joog ahaa wasiiro kale oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wasiirka Qorsheynta, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), kuwaas oo iyagu laftoodu warar kooban oo khuseeya hawlahood halkaas ka bixiyay.

Wasiirka Arrimaha Guduhu isagoo ka waramaya sidii ay wax u dhaceen iyo raadadka ay ilaa hadda hayaan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:  “Arrintii argagaxa lahayd ee shalay [dorraad] inagu dhacay guud ahaan khasaarihii ka dhashay, dhimashadu waxay maraysaa 22 qof, dhaawacuna 31 qof, khasaare kale oo aad u ballaadhan baa dhacay oo aan weli la qiimeyn. Runtii wax laga naxo ayay ahayd, waxaana soo maleegay cadowga Somaliland oo dibad ah, mana doonayno inaanu weli hoos u sii dhaadhacno oo baadhistii meel fiican ayay noo maraysaa, saddex guri oo ay saddexdaa kooxood ee wax qarxiyay ay kala degannaayeen waanu helnay, Qalabkii iyo hadhaagii Kiimikooyin ay waxan ka samaynayeen waanu haynaa, insha Allaahu aad baanu ugu rajo-weynahay inaanu natiijo fiican ka gaadhno, inkastoo dhallinyaradii waxan geystay ay iyagu kuwaas isqarxiyay ahaayeen oo ay iyagu dhinteen, hase yeeshee cidii ka dambaysay iyo cidii gacan siisayba waanu heli doonaa, waxaanuse reer Somaliland uga magannahay inay sidii ay awal horeba ugu dhiiranaayeen ee ay gacan ugu qaban jireen cadowga inay maantana sidii iyo si ka firfircoon yeelaan. Waxaanu ilaa xalay haynaa dad badan oo reer Somaliland ah oo nala soo socodsiiyay macluumaad badan, sida guryahan dadka laga kireeyay oo kale oo rag badan oo masuuliyiin ah oo lexejeclada dalkoodu damqayso ay ka mid yihiin, waanuna uga mahadcelinaynaa. In cidii aad ka shakidaan idinkoon tallaabo kale qaadin isagana aan dareensiin aad meeshii ugu dhaw ee ciidanka Nabadgelyada soo gaadhsiisaan, caadifadi yaanay jirin oo qof aan waxba galabsan yaan caadifad lagu waxyeelayn.

Wasiirku wuxuu u soo jeediyay dadka ka ganacsada gaadiidka in ay iska hubiyaan cidda ay ka iibinayaan Baabuurta, isla markaana ay sifo sharci ah ugu wareejiyaan Gaadiidka cidda ay ka iibiyaan, isaga oo sidoo kale ugu baaqay dadka Guryaha kireeya inay hubiyaan oo ay cid dammaanad qaadda ka reebaan cidda ay guryaha ka kiraynayaan, waxaanu yidhi: “Dadka reer Somaliland hadday magaalo iyo tuulaba tahay, waxaanu ka waaninaynaa guryaha ay ka kireynayaan ama baabuurtay ay iibinayaan inay hubsadaan oo ay caddeeyaan. Masalan kuwa baabuurta ka iibiyey haddii aan lagala wareegin oo isagu weli ku qoran yahay, dee isaguun baanu maanta dambiile u haysanaa, oo haddii uu lacagta yar ee kala wareejinta ka lexejeclaynayay maanta dambi ka weyn ayaa soo baxay. Markaa kuwa baabuurta leh ee iibiya waxaan kula talinayaa in qofka baabuurka ka iibsaday uu markaaba sifo sharci ah dhaxalkiisa uga wareego, si qofkaas kale ee leh loogula xisaabtami karo xataa haddii uu shil galo waayo baabuurkii adiguu kugu qoran yahay. Waxa kale oo aan doonayaa inay dadku fahmaan guriga cidda aad ka kiraynayso, inaad damaanad ka haysatid, deebaji ka haysatid iyo meel aad u raacayso xataa haddii uu kirada kaala baxsado adigoon dhinaca nabadgelyadaba ka eegin. Markaa waa inaanu qofna guri kireyn haddii aanu hayn cidda uu u raadraacayo iyo cidda ka damiinanaysa. Dadka deriska la ah dadka guryaha laga kireeyo in wixii aad ka shakidaan noo soo sheegtaan, taas oo waxtar weyn u leh nabadgelyada Somaliland, oo ah ta aynu ku faano oo dad badan oo caalamka ahi ay maanta Somaliland ku barteen nabadgelyada ka jirta.”

Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay inay ogyihiin ciddii ka dambaysay weerarkan is-miidaaminta ah ee saddex xarumeed ee Hargeysa ku yaal lagu soo qaaday, balse wuxuu ka cudur-daartay inaanay wakhtigan wax faahfaahin ah ka bixinayn ilaa ay baadhistooda dhammaystirayaan, waxaanu yidhi: “Haddii aad I weydiin lahaydeen arrintii weerarka yaa ka dambeeya, weli ma sheegayno annagoo og oo maanta tuhunkeedii uu naga baxay, haddana faahfaahinteeda baadhistayada kadib baanu sheegi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Daakhiligu. 

Waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo sheegay inuu Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle xidhiidh la soo sameeyay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo uu wasiirka Arrimaha Dibadda halkaas kaga dhawaaqay in Madaxweynaha Djibouti balanqaaday in dadkii dhaawacyada cul-culusi ka soo gaadheen weerarkii is-qarxinta ahaa lagu soo daweeyo dalka Djibouti, waxaanu dhinaca mahadnaq u jeediyay dawladihii arrintaas kala soo  xidhiidhay kana tacsiyadeeyay Somaliland.

“Waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa dawladihii tacsida noo soo gudbiyay oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dawladda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo walaalkii Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin la soo hadlay shalay galab (dorraad) markii uu Nairobi ka soo noqday, yidhina garab iyo gaashaanba diyaar baanu idiinla nahay, waxana dhici karta in taageeradii u horeysay ee ay fidiyeen in wixii dhaawac halis ah ee aan halkan waxba lagaga qaban karin Djibouti la geeyo oo Cusbitaalka Faransiiska oo ina qalab dhaama uu Madaxweynaha Djibouti balanqaaday. Waxa kale oo aan u mahadnaqaynaa dawladda Ingiriiska oo iyaguna soo hadlay, arrintana cambaareeyay iyo dawladda Maraykankaba, iyo weliba safiiro badan oo soo hadlay, Midowga Afrika iyo IGAD baa ka hadlay. Markaa runtii waxaanu u aragnaa inay tahay taageero weyn, xukuumad iyo shacab-ba waanu u mahadnaqaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Sidoo kale wasiirka Qorsheynta Cali Ibraahim Sanyare ayaa shirkaas jaraa’id ka jeediyay warbixin kooban oo uu kaga hadlay hay’adaha Ajnebiga ah iyo dareenka ay ka qaateen weerarkii is-qarxinta ahaa ee ay la beegsadeen caasimadda Hargeysa, wuxuuna yidhi: “Markay dhacdo arrintii dhacday oo kale waxa jira in hay’addahan inala joogaa ay walaac iyo waxoogaa yari galaan, markaa saaka (shalay) ayaanu uga waranay baadhistu halka ay marayso, arrintanina ay tahay arrin ka wada dhacda dunida oo dhan oo aanay ahayn mid cusub, laakiin dedaalka ay xukuumaddu hayso iyo daba-galka lagu jiro, warka aanu hayno oo dhan waanu u sheegnay, kuwaasina waxay ahaayeen hay’adaha Caalamiga ah iyo EU-da, 12-ka maantana [shalay] waxaanu la shiraynaa hay’adihii kale ee Qaramada Midoobay oo aanu sidaas oo kale ugu warami doonaa, iyagaanay war ka soo bixi doonaa dabadeed,” ayuu wasiirku ku soo xidhay hadalkiisa.

Intaas kadib weriyeyaashii ka qayb-galay shirka jaraa’id ayaa su’aalo weydiiyay wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaanay su’aalihii iyo jawaabahoodii u dhaceen sidan:

S: Waxaad xalay soo yara hadalqaaday shan sannadood ka hor qolo weerar noocan oo kale ah isku dayay laakiinse la qabtay intaanu dhicin, markaa qorshahaa hore qoladii ka dambaysay iyo kan maanta xidhiidh maka dhexeeyaa?

J: Runtii way u egtahay, aad iyo aadna inay isugu xidhnaadaan, baadhista ayaanay ku soo bixi doontaa, laakiin waxaanu imika aad iyo aad u aaminsan nahay inuu kii hore uun la xidhiidho oo ay isku yihiin uun shabakad, tafsiir baanuna ka bixin doonaa.

S: Ilaa iyo hadda ma jiraan cid loo hayaa ma jiraan?

J: Dad u xidhxidhani way jiraan arrintan, laakiinse dadkii falka gacanta ku fulinayay dabcan waa kuwa iyaguna qarxay, laakiin dadka hadda u xidhan baadhista ayaa kala caddeyn doonta.

S: Tirada dadka is-qarxiyay waa imisa?

J: Baabuurkiiba laba ayaa saarnaa baa la leeyahay, saddexdii guri ee ay ku jireen mid kasta laba furaash baanu ugu tagnay, taas oo caddaynaysa warbixinta aanu haynay oo baabuurkiiba ay laba saarnaayeen, markaa waxaanu aaminsannahay lix inay ahaayeen iyo qalabkan ay ku soo xidheen ee qarxiyay oo kiimikalo kala duwan ah.

S: Qalabkan ay adeegsan noocma ayuu ahaa?

J: Waa noocyo kala duduwan oo ah waxyaabahan miinada Anti-taangida ah laga sameeyo oo boodharkii ah iyo waxyaalo kale oo ay ku dareen oo aanu meeshii ugu tagnay. Awoodii qaraxaasi uu lahaa haddaan idiin sharxo hoboskan wuxuu ka soo duulay gaadhigii ku qarxay Madaxtooyada, waanad arkaysaan masaafadda xafiiskan [Arrimaha Gudaha] uu u jirto Madaxtooyada, isagoo ololaya ayuu daaqadda xafiiskan nooga soo galay markii uu ku qarxay Madaxtooyada, taas ayaanad ka qiyaas qaadan kartaa xoogga uu lahaa waxyaabaha ay adeegsadeen.

S: Ma jiraa nin kooxdaas ka mid ah oo lugtu go’day oo la hayaa?

J: Taasi waa warka magaalada ee ma hayno, cid loo hayaana ma jirto.

S: Waxay wararka qaar sheegayaan in muwaadiniin guriga ay kooxdani deganaayeen ku dhowdhow ay Saldhigga Bileyska ee Iftin ka soo riboodh gareeyeen in gurigaas rag aan la garanayn oo lacag badan sita, gaadiidna wataa ay soo degaan, markaa haddii uu jiray riboodhkaas ay dadka la jarka ahaa idiin soo gudbiyeen maxaad wax uga qaban weydeen.

J: Riboodhkaas la leeyahay waa laydiin keenay ma jiro ee waa iska warka suuqa uun, ninka waashmaanka ka ah guriga anigaa xalay wax ka qoray (Statement) oo goob-joog ahaa, cid uu u sheegay iyo xataa isagoo guriga joogay dareen uu nimankan ka dareemay may jirin, markaa warkaasi waa war aan jirin.

S: Waxa jirta ninkaas waardiyaanka ah qolkii uu guriga ka geli jiray waanu soo aragnay saaka, waanu xidhan yahay askartiina way joogtaa guriga, mana jirto cid qolkaas gashay, arrintaas iyada ka waran?

J: Runtii haddaad leedahay gurigii isagoo la baadhin ayaa la soo xidhay, waa arrin aanu annagu dib isugu noqon doono, laakiin annagu ciidankaan u dirnay waxay ahayd inuu bilow ilaa dhammaad guriga soo wada baadho, gurigiina weli ciidanka ayaa ilaalinaya, taasina hadday jirto waa khasab oo waanu ku noqonaynaa.

S: Waxaad madax ka tahay hay’addii dalka ammaanka u xilsaarnayd, waxaana jirtay koox hore oo aad sheegtay inay ahaayeen budhcad badeed oo lacag aad ku qabateen oo aad tidhi ilaa Boosaaso ayaanu daba soconay, markaa arrintan intan le’eg khatarta gelisay wadanka maxaad ula socon waydeen, xageese ku maqnayd?

J: Maanaan maqnayn ee waanu joognay, kiisaskana boqolkiiba boqol inaad qabato maaha, Maraykanka iyo Ingiriiskaa qaban lahaa.

S: Ilaa hadda dadka weerarkan fuliyay ma helay meesha ay u dhasheen?

J: Ilaa hadda lixdaa dhintay noomay caddaan, inkastoo haybtooda naloo yar sheegay laakiin markaanu soo wada-dhamaystirno ayaanu sheegi doonaa.

S: Waxa jira warar sheegay in Mukhaabaraadka Ingiriisku maalin ka hor weeraradan is-qarxintu intaanay dhicin uu idiin soo diray war digniin ah oo uu ku sheegayo in 72-ka saacadood  ee socda fal idinku dhici doono sidaas darteed aad taxadir qaadataan, warkaasi ma jiraa?

J: Kolay taas adigaa sheegaya…


Hay’adaha Ajnebiga Ah Oo Hakad Geliyay Hawlahoodii Iyo Diiwaangelintii Gobolka Hargeysa Oo Dib-U-Dhacday

Hargeysa, October 31, 2008 (Haatuf) – Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay hakad geliyeen hawlihii xafiisyada Hargeysa, sidaas waxa shaaca ka qaaday Madaxa xafiiska hay’adda UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Bruno Lemarquis oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, isagoo socdaal ku yimid Somaliland.

Mr. Bruno oo ugu horeyn ka hadlaya nabadgelyada ka jirta Somaliland wuxuu yidhi: “Nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland wuxuu soo jiitay indhaha Caalamka, waana ta suurto-gelisay inay shaqaalaha hay’adaha gargaarku xarumahooda ka dhigtaan Hargeysa.”

Mr. Bruno waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay weeraradii argagixiso ee lala beegsaday Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiya iyo xafiiska UNDP ee Hargeysa, wuxuuna sheegay inay hay’adaha Qaramada Midoobay qiimeyn ku sameyn doonaan xaaladda weeraradii qaraxyada ahaa iyo halka ay ku dambeeyaan. Waxa kale oo uu sheegay in baadhitaano lagu sameyn doono sidii ay weeraradaasi u dhaceen iyo cidii ka dambaysay.

Sidoo kale Mr. Bruno wuxuu shaaca ka qaaday inay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala xarumaha Somaliland maalmaha socda guryahooda ku negaan doonaan ilaa iyo inta laga soo af-jarayo baadhitaanada lagu raad goobayo cidii ka dambaysay falkii naxdinta lahaa ee lagu qarxiyay goobaha kala duwan ee kala ah Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska UNDP iyo xafiiska Safaaradda Itoobiya.

Waxa kale oo uu sarkaalkani intaas ku daray inuu xidhnaan doono xafiiskii ay Hay’adda UNDP ku lahayd magaalada Hargeysa, hase yeeshee ma sheegin muddo cayiman oo xafiiska UNDP xidhnaan doono iyo muddada ay hakadka ku jiri doonaan hawlaha Qaramada Midoobay ee xafiisyada Somaliland, wuxuuse sheegay inay Saraakiisha Qaramada Midoobay ee dalka joogaa ay xukuumadda Somaliland kala shaqayn doonaan dhinaca ammaanka.

“Shaqaalaha Qaramada Midoobay waxay ammaanka iyo nabadgelyada dalka kala shaqayn doonaan xukuumadda Somaliland” ayuu yidhi Mr. Bruno.

Sarkaalka UNDP, Mr. Bruno markii uu jeediyay hadalkiisii hordhaca ahaa ee shirka jaraa’id, waxa kadib su’aalo weydiiyay weriyeyaashii shirka jaraa’id ka qayb-galay, waxaana ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay “Waxa la sheegayaa inay maanta dalka ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalihii Qaramada Midoobay, arrintaasi ma jirtaa?” wuxuuna ku jawaabay “Way jiraan qaar dalka ka baxay, laakiin may ahayn shaqaalihii muhiimka ahaa, shaqaalaha Qaramada Midoobay badankooduna way joogayaan.”

Waxa kale oo Mr. Bruno la weydiiyay su’aal kale oo ahayd “Malaga yaabaa inaad dalka ka baxdaan maadaama ay xaruntiinu ka mid tahay meelaha lala beegsaday weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa”, wuxuuna ku jawaabay “Maya, dalka ugama baxayno qaraxyadii shalay loo geystay xaruntayada iyo meelaha kale ee magaalada Hargeysa, balse waxaanu baadhitaano ku samaynaynaa wixii dhacay.”

Waxa kale oo Sarkaalka UNDP la weydiiyay su’aal ahayd “Waxa la sheegayaa inaad keenteen khabiiro Ajaanib ah oo ku xeel-dheer arrimaha baadhitaanka dhacdooyinka oo kale, ayna bilaabeen baadhitaankooda ku saabsan qaraxyadii dalka ka dhacay iyo cidii ka dambaysay, arrintaa maxaa ka jira”, wuxuuna ku jawaabay “Haa, way jiraan Saraakiil Ajaanib ah oo dalka soo gaadhay, waxaanay weli wadaan baadhitaanada qaraxyadii lala beegsaday goobihii kala duwanaa ee ay ka midka ahayd xarunta UNDP.”

Dhinaca kale, waxaa soo baxay warar sheegaya in muddo aan la cayimin dib loo dhigay Hawshii Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee laga bilaabi lahaa gobolka Hargeysa, iyadoo in hawshaas gobolka Hargeysa in laga bilaabo u qorshaysnayd 1-da bisha November oo ku beegan Sabtida foodda inagu soo haysa.

Ma jiraan war rasmi ah oo arrintaa ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Komishanka Doorashooyinka, hase yeeshee warar laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah ayaa tibaaxay in hay’adda Interpeace oo Komishanka ka caawisa hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka lagu wargeliyay inay hakad geliso hawlaheeda ilaa muddo aan la cayimin.

Waxa kale oo aan iyaguna qabsoomin tababaro loo qaban lahaa wakiilada xisbiyada ee ka qayb-gelaya hawlaha diiwaangelinta, kuwaas oo ay u qorshaysnayd inay qabsoomaan Khamiistii shalay iyo Jimcaha maanta.


         Badheedhaha          

Xuunshooy goormaad wax ogaataa

Maahmaaha caanka ah ee ay Soomaalidu leedahay waxa ka mid ah “Belaayo dabo la qabto ma leh, ee qoor la qabto ayey leedahay”.

Waxa kale oo iyana jirta hawraar tidhaahd “xuunshooy goormaad wax ogaataa, markaasay ku jawaabtay waxaan wax ogaadaa marka dhagaxa hore igu dhaco, ka labaadna igu soo socdo”.

Belaayado ma aha neef xoolo ah oo dabo iyo qoor leh, hase yeeshe xikmad baa maahmaahdan looga dan leeyahay, taas oo macneheedu yahay inuu aadamuhu ka sii gaashaanto dhibaatooyinka ay fili karaan inay soo waajahaan.

Sidoo kale waxa laga yaabaa inaanay jirin cid xuunsho la sheekaysatay, hase yeeshee uu xikmaddan baytal-qasiiskeedu yahay in looga cabir-qaato liidnimada ay leedahay feeji-xumada iyo war la’aantu.

Marka laga hadlayo dhibaatooyinka dunida ka dhaca way fara badan yihiin, wayna noocyo badan yihiin, wayna kala saamayn duwan yihiin.

Tusaale ahaan ninka xoola-dhaqatada ah ee miyiga ku nooli dhibaatooyinka uu fili karo waxa ka mid ah bahallo xoolaha ka cuna, sida Dhurwaaga, Libaaxa IWM., waxayna khatarta bahaluhu badan tahay habeenkii, sidaa darteed ninka xoola-dhaqatada ahi dhawr arimood ayuu kaga gaashaantaa khatarta kaga iman karta Bahalaha, marka hore xoolihiisa wuxuu u Ootaa xero-adag, mar labaadka habeenkii ayuu soo jeedka iyo feejigada badiyaa, taasina waxay gaashaan u noqotaa ama ay yaraysaa dhibaatadii kaga iman lahayd Habar-dugaag, hadiise uu feejigada caynkaas ah yeelan-waayo habeen walba xoolihiisa goosan buu habar-dugaaggu cuni lahaa.

Sidoo kale hadii ay laba qabiilo oo degaan ku wada nool ama jaar ah ay xurgufi dhexmarto si looga hortago colaad iyo dhiig daata waxa laga dhex-bilaabaa waan-waan iyo wada hadal lagu xalilo arimaha sartu ka qudhantay, hadii kale oo inta ay goori goor tahay sidaa la yeeli waayo waxa taa xigaa waxa weeye xaaladda oo faraha ka baxda, sida dhiig daata, baro-kac iyo baayaal, silic iyo saxariir.

Marka la eego soo-jireenka aadamaha dunida aynu ku nool nahay waxa had iyo goor ku xeerran colaado iyo iska hor-imaadyo taagan ah oo aan nasasho lahayn, kuwaas inta badan ka soo farcama xasaraddo ka dhasha waxyaalo ay ka mid yihiin, curfi qabyaaladeed, dal-durugsi iyo kala riixasho degaan, dumuuc siyaasadeed iyo xafiiltan awoodeed oo la isku qallaco, danno dhaqaale oo xawlal-mariidka la isku gooyo, xasaasiyado dhinaca caqiidooyinka iyo dhaqanka ah oo la iskula dilaaco, qab-qab dhaafay oo la isla jiidho iyo waxyaalo kale oo ay dhamaantood tafiirtoodu u iilanayso xadaafiirta nololeed ee aadamaha lagu il-haameeyey. Sidaa darteed qaran kasta ama ummad kasta oo ku dhaqan dunida guudkeeda waxay ku khasban tahay inay yeelato cadaw iyo nacab hadh iyo habeen warranka la dul-taagan oo doonaya inuu hal-bowlaha gooyo. Marka ay caynkaa tahayna waxay ummad kasta oo meel ku dhaqani fillan kartaa dhibaato kaga timaadda cadawgeeda iyo nacabkeeda, taasina waxay waajibinaysaa inay ummaddaasi yeelato tabo iyo qorshayaal ay kaga sii gaashaamato khataraha kaga iman kara ama ay ka filli karto cadawyadeeda.

Marka laga hadlayo cadaw isha kugu haya laba siyood labada waa kugu dilli karaa, gaadmo iyo badheedh, mid walibana tab ama tabo looga gaashaanto ayuu leeyahay.

Marka arintu tahay badheedh waxay taa jawaabteedu noqonaysaa in bilaawaha laguu tuntay aad adiguna mid xajmi le’eg tumato, marka shan farood laguu taaganona ad-na shan farood taagto. Si kale hadii aynu u nidhaahno hadii dawlad aad col tihiin ay diyaariso cudud milateri oo ay kugu soo weerarayso, waa inaad adiguna diyaarsato cudud milateri oo aad iskaga baaciso weerarka kugu soo fool leh. Markase ay arintu tahay gaadmo waa sidee sida looga hortegi karaa.

Waa laga yaabaa inay tabaha lagaga hortegi karo gaadmadu fara badan yihiin, kalana nooc-nooc yihiin, waxaase tabaha muhimka ah ee lagaga hortegi karo ka mid ah in cadawga aad dareensan tahay inuu kugu soo maqan yahay aad mar walba indho feejigan ku eegto iyo inaad had iyo goor warkiisa doonto si aad u ogaato nabarka kugu soo maqan, waayo marka aad ogaato nabarka kugu soo maqan waxaad heli kartaa tabo dhawr ah oo aad kaga hortegi karto, waxaana tabaha kuu furan ka mid ah, kow inaad nabarka kugu soo maqan ka gabato, ta labaad inaad u diyaar-garawdo sidii aad isaga qaban lahayd iyo inaad ninka nabarka kuu soo sita inta aanu kugu dhufan aad adigu ku dhufato, taas oo macneheedu yahay inaad cadawga gaadmada kula damacsan aad adigu gaaddo inta aanu ku gaaddin. Hase yeeshee hadii aad ogaan-waydo nabarka kugu soo maqan warka ugu horeeya ee aad heshaa wuxuu noqonayaa marka nabarku lagugu basiyo, markaana waxa ugu horeeya ee dhacayaa wuxuu noqonayaa nabarka oo si fiican lagaaga bogto, mar labaadkana saddex xaalo mid uun bay arintaadu ku dambaynaysaa, ta hore in nabarku kaaga dhaco meel hal-bowle ah oo aad jugta u horaysaba naf la soo kici-waydo, ta labaad in hadiiba nolol lagu soo gaadho ay kugu dhacaan nabarro biixiyaha ku jebiya oo aad mar dambeba ciidamin-waydo, ta saddexaad hadii alleba nabar-gardarro kaaga dhigo oo Illaahay kuu tayasiiro waxaan ku seegayn firkanax iyo inaad cagaha wax ka daydo, ka dibna reerka iyo xoolaha laguu daba-maro oo aad ceeb iyo caydh dunida ku dhex-joogto.

Hadaba marka la eego weerarkii isqarxinta ahaa ee Arbacadii doraad lala beegsaday meelaha ay ka midka yihiin, madaxtooyada Somaliland, Safaaradda Itoobiya iyo xafiiska UNDP waxa uu ahaa dagaal gaadmo ah oo ay fuliyeen cadaw arxan darran oo aan wax caqiibo ah u hayn dadka reer Somaliland, markase la eego sida weerarku u dhacay waxa fuliyey dad ku talo-galay inay iyaguna dhintaan, waxna galaaftaan, ta labaad waxay wax waliba dhaceen il-bidhiqsiyo gudahood, ta saddexaad weerarku wuxuu ahaa mid awood ahaan iyo waqti ahaan-ba loogu talo-galay inuu sida danabka u dhaco, sidaa darteed la iskuma canaanan karo maxaa weerarka looga hortegi-waayey oo goobta lafteeda gaashaanka loogu daruuri-waayey ama loo horjoogsan-waayey, taasi hadii ay canaan yeelotana ma helayso garawshiinyo badan, waxaase canaan iyo ceeb  aan laga gal-gallan karini noqonaysa in la ogaan- kari-waayo cadawga xajimigaa leh, ee weliba guryaheena dhexdooda ku diyaar-garoobay, kana soo duulay, iyadoo uu dalku leeyahay hayad balaadhan oo sirdoon iyo wasaaraddo iyo hayado dhawr ah oo amniga qaabilsan, taasina waxay u iilanaysaa inaynu luminay laba qoddob oo aasaasi ah, kuwaas oo kala ah, feejigadii loo baahnaa iyo inaad cadawga kugu maqan warkiisa doonto. Ta kale waxa laga yaabaa inay hayadaha war-doonka iyo hayadaha amniguba inta badan ku mashquulaan meelo dhow-dhow oo ay ishooda iyo cagtooduba ku daasho gondaha hoose, halkii ay ahayd inay ishooda iyo cagtoodu ku daasho saqafka sare iyo meelo fog-fog. Sidoo kale shicibka reer Somaliland ayaa iyaguna marka laga hadlayo dareen la’aanta jirta, iyaguna canaanta wax ku yeelanaya, loona baahan yahay inay sidaa wax ka bedelaan oo ay feejigo badan ka yeeshaan cadawga gabbaadka ka dhiganaya guryahooda iyo xaafadahooda.

Ugu dambayn weerarkii argagixiso ee maalintii dhowayd lala beegsaday caasumadda Hargeysa hadii ay ciddi wax ku canaan lahayd maxaa wax looga qaban-waayey waayey waxaynu jawaabteeda oo kooban ku dhaafaynaa xikmadda ah “ belaayo dabo la qabto ma leh, qoor la qabto ayey leedahay”, taas oo macneheedu yahay in dagaallada gaadmada ah waxa keliya ee lagaga saayid-callayn karaa ay tahay ka hortag. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in dib loo eego, lana xoojiyo awoodda iyo tayada hayadaha war-doonka iyo kuwa amniga si maanta ka dib  ay xaaladdeenu uga baaqsato inaynu sida xuunshada wax ogaanno marka dhagaxa hore inagu dhaco, ka dambena inagu soo socdo.


Komishanka Qaranka Oo Shaaca Ka Qaaday In Hawshii Diiwaangelinta Ee Gobolka Awdal Si Wanaagsan Ku Dhammaatay, soona saarey Natiijooyin Hordhac Ah                                                  

Boorama, October 31, 2008 (Haatuf)-Komishanka Qaranka ayaa sheegay inay si wanaagsan ku soo dhamaatay Diiwangelintii Codbixiyeyaasha ee Gobolka A   wdal,taas oo muddo lix maalmood ah ka socotay guud ahaanba degmooyinka iyo tuulooyinka uu ka kooban yahay gobolka Awdal, kaas oo la soo gebogabeeyey habeen hore saqdii dhexe iyada oo ay wali halkaas ka sii shaqayn doonaan kooxo ka tirsan hawlwadeenada diiwaangelinta muddo shan iyo toban cisho ah.

Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Boorama  ayaa   wakiilada komishanka Qaranka  Cali Maxamed Cabdalle (Biikolo), iyo kan gobolkuba  kaga hadleen dhibaatooyinkii dhacay ,iyagoo guud ahaanba tacsi u diray  qoyskii ay ka baxday gabadh ku geeriyootay  intii hawsha Diiwaangelintu ka socotay gobolka .

Waxa kale oo ay wakiilada komishanku   shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyeen  dhibaatadii, geeridii ,burburkii ,iyo dhaawicii ay geysteen kooxihii  argagixisada ahaa ee qaraxyada ka geystay  magaalada Hargeysa .

Ugu horreyn waxa shirka jaraa,id ka hadlay  madaxa kuxigeenka komishanka qaranka Cali maxamed Cabdalle (biikolo), isagoo  ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi ;

'Ugu horreyn waxa  aan shacbiga Somaaliland ka tacsiyeynayaa dhibaatadii kasoo gaadhay kooxihii qaraxyada ka geystay caasimadda,intii dhimatay allaha u naxariisto,inta kalena alle ha shaafiyo .

Intaa ka dib Diiwaangelintii muddada ka socotay gobolkan Awdal waxay si rasmi ah usoo gebogebowday xalay saqdii dhexe ama 12kii  habeennimo ,waxayna ku dhammaatay  guul ,nabadgelyo .

Waxa kale oo aan idiin sheegeyaa in si fiican  la isku diiwaangeliyey ,dadkuna aad ugu soo baxeen ,wixii itaalkayagu ahaana waxba kala hadhin.Waxa jiray dhibaatooyin badan oo dhacay ,balse lagaga gudbay  isku duubnaan,dedaal iyo wadashaqayn bulshada  reer Awdal  isku kaaya garab taageen xoog iyo xoolaba.

Cilado farsamo oo badanbaa dhacay, kombiyuuterro ayaa xumaaday ,foomambaa kala go'ay ,waxaas oo dhamba  waa laga guuleystay waxayna noqotay in dadku isku Diiwaangeliyaan tiradii ugu badnayd .waxaanu ogaannay natiijada hordhaca ahi  inay gaadhayso ilaa 140,000 (Boqol iyo afartan kun) inay iska Diiwaangeliyeen ilaa hadda lana filaayo in tiro kale ku soo korodho markay ay hawshaas dheeraadka ahi dhammaato"

 Xuseen Axmed Caydiid, kana tirsan komishanka Diiwaangelinta Qaranka, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi : “Diiwaangelintii gobolka Awdal oo ahaa gobolkii labaad ee diiwaangelintu ka dhacdo waxay ku dhammatay si qurux badan,waxan u mahadnaqayaa masuuliyiintii gobolka  ee dawladda ,ama komishanka gobolka ,madaxdhaameedyada  iyo cid kastoo hawshaasi nala fulisayba .

Cilmi Faarax maxamuud ,Wakiilka komishanka ee G/awdal oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa yidhi ''Diiwaangelintii  ka socotay gobolka awdal  waxay ku dhammatay guul.tirada wakiilka sheegay maaha mid rasmi ah welina waa laga yaabaa inay is bedesho.

Dhibi way jirtay laakiin waxan kaga gudubnay isku duubnaan ,annagoo weliba u mahad celinayna ganacsatada  iyo  qaybaha dadweynaha ee dhaqaalahoodii ku bixiyey siday diiwangelintu u hirgeli lahayd .Waxan ku kalsoonnahay inay qolyaha ka tirsan Diiwaangelintu dhammaystiri doonaan intii fursadda u weyday diiwaangelntii rasmiga ahayd inay yimaaddan'"

C/laahi siciid Ismaaciil , kana mid ah komishanka Diiwaangelinta Qaranka ,oo

isna halkaa ka  hadlay ayaa isagu si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii ay ka geeriyootay  gabadhii ku geeriyootay  intii lagu gudda jiray hawsha Diiwaangelinta shaqooyinkii , isriix-riixii, iyo cadhadii  ka  dhalatay hawlihii Diiwaangelinta .

sidaa darteed Dhaliilo way jireen, isgaadhsiin la'aan way ka jirtay eedeedana ma lahayn,waxaanan soo jeedinayaa in wax laga beddelo ,waana carqaladahana aan la xalilin , cilado qalab baa jiray ,marba marka ka dambaysa ayuu qalabku sii xumaanayaa  oo wuu ka sii darayaa .dadkuna yeyna u qaadan in ujeeddo laga lahaa, haddii la yidhaa waxbaa xumaaday ,ama shaqaalahaa daalay.

Sidoo kale waanu u mahad celinaynaa dadkii wax abaabulay, weliba waxa abaabul badnaa dadka gobolka awdal,iyagaa noosoo sheegayey wax walba.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamed Ibraahim  Rijaal  oo ka tirsan guddiga Diiwaangelinta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu caasimada Hargeysa ka tacsiyadeeynayo falalkii argagaxa lahaa ee dhimishada iyo dhaawacaba geystay, intaa ka dibna waxaa uu tilmaamay qaladaadkii ka dhacay gobolka Awdal isagoo arintaas ka hadlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “qaladaadkii ka dhacay  diiwaangelintii Berbera iyo Gobolka Awdal-ba waxaad mooddaa inay marba marka ka dambaysa ka sii darayaan ama sii badanayaan.

sidaa darteedna fiiro gaar ah haloo yeesho waxyaalo kale oo ka soo bixi doona sida warqadaha kala go'aya , is maqal la'aanta iyo isgadhsiinta”ayuu yidhi Rijaal.

Maxamed Aw Jibriil Faahiye oo ka mid ah guddiga gobolka ee Diiwaangelinta ayaa isagu si gaar ah ugu mahad celiyey warbaahinta  dawladda iyo ta  madaxbannaan-ba isagoo ku  tilmaamay inay warbaahintu tahay tan isku xidhaysa  Dawladda, shicibka, iyo guddiga Diiwaangelinta, isagoo sidoo kale maxamed  aw jibriil u mahad celiyey cid kastoo kala shaqaysay hirgelinta hawlaha diiwangelinta gobolka, ayuu haddana  farta ku fiiqay in  madax dhaqameedyada qaarkood laga dareemayey ujeeddooyin ka duwan kuwa aan u socono.

Maxamed Jaamac Colow, oo ka mid ah guddiga diiwaangelinta  ee gobolka ayaa isagu si gaar ah ugu mahad celiyey dadkii u soo baxay diiwaangelinta ee ku mutay dhibta ,qoraxda , cidhiidhiga ,kuna seegay shaqooyinkoodii .

sidoo kale waxaa iyana arinta Diiwaangelinta ka hadlay oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama Wasiirka xidhiidhka Golayaasha Md: Cabdi Xasan Buuni, oo  muddaba Boorama u joogay hawlaha diiwaangelinta ,isagoo wasiirku farta ku fiiqay ujeeddada laga lahaa ,iyo saamaynta ay dalka iyo dadkaba ku yeelatay ammuurtaasi.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi 'Waxan idiin ku yeedhay hadal laba ujeeddo leh .waa mida hore’e haddii aan ka warramo hawlihii Diiwaangelinta  ee lixda cisho ka socday gobolka  aniga oo ka wakiil ahaa xukuumadda, Waxaan aad ugu faraxsanahay natiijada ka soo baxday .

Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa cid kastoo ka  qaybqaadatay hirgelinteeda, odayaashii ,ganacsatadii, haweenkii, sidii looga qayb galay.

Arrinta kale ee aan idiin sheegayaa waxa weeye  dareenkayga ku saabsan weeraradii lagu qaaday goobihii qaraxyadu ka dhaceen ee Hargeysa, intii ku dhimatay alle ha u naxariisto, kuwa kalena alle ha caafiyo.Sawirka lagu ababary meeshii ugu sarraysay ee dawladnimadeenna  waan cambaaraynayaa .

guud ahaan waxaan  u soo jeedinayaa reer Somaliland inay baraarugaan, In badan baan nabadgelyo sheegannaynay,waanay  ina hodday oo cadowgeenu ka faa’iideystay, Inaguna shacbi iyo dawladba waxay ina tusaysaa inaynu hurudnay, waa inaan toosnaa caalmkana alle ha tuso xaqeenna , innaguna aan Boolis wada noqonno si aan gaadh uga hayno nabaddeena.


Gudoomiyaha Jaamacadda Burco Oo Hadal Hanjabaad Ah Telefoonka Loo Soo Mariyey                                                           

Burco, October 31, 2008 (Haatuf) - Gudoomiyaha Jaamacadda Burco Prof. Cabdi-Salaan Yaasiin ayaa la sheegay in hadalo hanjabaad ah loo soo mariyey khadka telefoonka saacado kadib markii uu dhacay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay doraad xarunta madaxtooyada, safaradda Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa iyo xafiiska hay’adda UNDP ee Hargeysa.

Ilo xog-ogaal ah oo arrinta Haatuf uga waramay ayaa shaaca ka qaaday in qof ku hadlaya Lahjadda Boosaaso uu Prof Cabdi-Salaam ugu hanjabay in qudha laga jari doono, iyadoo hanjabaadaas looga soo diray telefoonka lambarkiisu yahay 90771723, kaas oo ay leedahay shirkadda Golis.

Ilo ku dhowdhow ciidamada ammaanka oo haatan baadhaya arrintan ayaa waxay sheegeen in qofka ay hanjabaadani ka soo yeedhay loo malaynayo inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha Argagixisada ah.


Reer Boorame oo bannaanbax ku muujiyay dareenkooda qaraxyadii argagixisada ee Hargeysa                                  

Borama, October 31, 2008 (Haatuf) - Banaan bax lagaga soo horjeedo Qaraxyadii Doraad ka dhacay caasimada Hargeysa  ayaa shalay ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaas oo lagu cambaareeyey falkaas argagixisada ah ee loo maleegay madaxda iyo shacbigaba, taas oo ay tilmaameen in la doonayey in lagu dilo Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo madax sare oo ka tirsan xukuumada iyo hay,adaha ajnabiga ah ee daka jooga si ay dalka fawdo iyo nabadgelyo daro uga abuuraan.

Banaanbaxan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada, maamulka gobolka Salaadiinta iyo xubno kale oo ka tirsan bulshoweynta reer awdal.

Dhamaan madaxdii halkaas ka hadashay ayaa cambaareeyey falalka noocan oo kale ah iyo cida ka dambeysa, ugu horayn waxaa halkaas hadalo baraarujin iyo guubaabo leh-ba ka soo jeediyey wasiirka xidhiidhka golayaasha Md.Cabdi Xasan Buuni ,waxaanu dadweynaha ku baraarujiyey xaddiga ay le,eg tahay wax yeelada loo geystay qarannimada Somaliland, isagoo wasiirku ku tilmaamay inay tahay mid lagu burburinayey qarannimada  dalka, lana doonayey in lagy dilo madaxweynaha, ku xigeenkiisa ,Saraakiisha amniga  si dalku u noqdo mid fawdo ah oo la mid ah soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay  khal-khalka laga abuurayo deegaanada u dhexeeya Awdal iyo Gebiley, xurguf ka dhalatay beeraley isku qabatay degaanada ay isku hayaan Baki iyo gebilay ,waxaanu uu sheegay inaan la buunbuunin arrinta oo aan laga dhigin laba beelood oo laba gobol ah  oo dagaalamaya , ee waa beeraley jufooyin hoose ah , laguna talo jiro in khilaafkooda la dhammeeyo.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige oo isna munaasibaddan ka hadlay ayaa sidoo kale dadweynaha xusuusiyey falalkii dalka ka dhacay wakhtigii lagu jiray Doorashadii baarlamaanka, balse ay u mari weyday, sidaa darteedna aanay dhacdadani noqonayn mid qaranka  Somaliland wax yeeli karta, isagoo dadweynaha ku baraarujiyey inay soo sheegaan cid kasta oo ay ka  shakiyaan lana shaqeeyaan dawladda iyo ciidanka amaanka.

Maxamed Xasan Mataan oo isagu ku hadlayey magaca Qurbajoogga reer Awdal, gaar ahaana qurbajoogga Ingiriiska, ayaa sidoo kale waxa uu ka qaybgalayaasha bannaanbaxa xusuusiyey in waxa Hargeysa ka dhacay   ilaahay ku baabi’inayey xumaanta iyo belaayada ay beryahan dambe odayaal  iyo salaadiin reer Hargeysa ahi ku baahinayeen Saxaafadda, iyagoo marna dhinac u dhigayey xurguf laba beeraley ah u dhaxaysa.

Maxamed Xasan Mataan ayaa sidoo kale qiray in Diiwangelintii gobolku si wanaagsan ku dhammatay, inkastoo ay 40%  dad lagu qiyaasay iska Diiwaangeliyeen gobolka, waxayse ahayd ayuu yidhi hawl lagu  waayo aragnimo qaato .

Ugu dambayntii waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Maxamuud Axmed Barre Garaad, Xaaji Daahir Cilmi iyo Aw Cilmi iyo marti sharaf kale oo ka qayb qaadanaysay bannaanbaxan lagu cambaareynayo falkii argagixisada ahaa ee Hargeysa ka dhacay.

Dhinaca kale  waxaa iyana shirjaraa’id ku qabtay isla markaana ka hadlay hawsha Diiwaangelinta ee dhamaatay iyo qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Hargeysa, qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood iyo xildhibaano ka tirsan golayaasha.

Waxaana ka mid ahaa ragaasi ka hadlay arimahaas  Xildhibeen Axmed Yaasiin sh.Cali  waxaanu sheegay in goobta la weeraray ay tahay meeshii ugu sarraysay qarannimada Somaliland , isla markaana ay tahay calaamadaha lagu yaqaanno cadowga, waxaana uu dadweynaha iyo dawladdaba kula taliyey inay  u midoobaan  wax kastoo keeni kara xasilooni darro cadowgana meel looga soo wada jeesto .

Sidoo kale  siyaasiyiinta ka hadlay arintan ayaa waxa ka mida kuwo ka soo jeedda axsaabta mucaaradka ah, kuwaas oo  iyaguna dareenkooda ku biiriyey jawiga Boorame  ee shalay. C/raxmaan Saylici oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeenada  xisbiga Kulmiye  ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi " waa nasiib darro dhacday, kuwa ku dhintay gardaradaasina illaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo kuwa dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo, Waxaan u  soo jeedinayaa   ciidamada kala duwan ee sirdoonka iyo bilayskaba  leh in aanay indhahoodu ku jeedin maxay lahaayeen axsaabta mucaaradku , oo aanay isku mashquulin arrimo ka baxsan nabadgelyada indhahoodana kor ha u qaadeen ee yaanay hoos uun isku eegin .

Ismaaciil Muumin Are oo ka  tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa isna sidoo kale  dadweynaha reer Somaliland ku baraarujiyey inay feejignaadaan oo aanay iyagu hoos isku eegin, isagoo Ismaaciil sidoo kale inta dhimatay reer Soomaaliland uga tacsiyeeyey kuwa dhaawacmayna  ugu duceeyey in ilaahay caafiyo.

Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay waxay dhaleeceeyeeen falalkii argagixisada ahaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa.


Puntland Oo Sheegay Inay U Qabteen Nin Wadaad Ah U Qabteen Qaraxyadii Ka Dhacay Boosaaso                                              

Boosaaso, October 31, 2008 (W.Wararka) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inay u qabteen qaraxyadii doraad ka dhacay magaalada Boosaaso nin wadaad ah oo lagu tuhsan yahay  in uu lug ku leeyahay, kaas oo sida la sheegay ciidamada sirdoonka maamul goboleedka Puntland ay ka soo qabteen guriga uu ka degan yahay magaalada Boosaaso.

Wadaadkan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Ismaaciil Yuusuf  ayaa ka mid ah mashaa’iikhda magaalada Boosaaso, waxaanay Ciidamada  Sirdoonka iyo kuwa Amniga ee Puntland ay weerar ku qaadeen guriga uu ka degenaa magaalada Boossaso.

Xadhigan ayaa yimid kadib saacado yar markii weeraro  ka dhaceen magaalada Boosaaso maalintii  doraad, kuwaasw oo  lala beegsaday laba xarumood oo ay magaalada Boosaaso ku leeyihiin ciidamada Sirdoonka ee maamul goboleedka Puntland.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan  ciidamada Bilayska  waxa wadaadka la xidhay ee Sheekh Maxamed Ismaaciil soo gaadhay markii la qabanayey dhaawac fudud.

Waxaa  weli ay ku hawlan yihiin Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland sidii ay u heli lahaayeen cidii ka dambaysay weeraradii doraad lagu qaaday xarumaha Sirdoonka ee magaalada

Dadweynaha Reer Burco Oo Sheekh Iyo Shariifba Isu-Soo-Bax Ballaadhan Ku Cambaareeyay Weerarkii Qaraxyada ahaa ee Lala Beegsaday Hargeysa

“Falkani waa mid xun oo barii ka ah Diinta Islaamka, ayna Geysanayaan Kooxo Aan La Garanayn waxay doonayaan iyo waxay diidayaan” Sheekh Cali Warsame

Burco, October 31, 2008 (Haatuf) – Dadweynaha reer Burco oo ay horkacayaan hoggaamiyeyaal isugu jira Culimada waaweyn, wasiiro, madaxda maamulka gobolka iyo degmada, madax-dhaqameedka iyo guud ahaan waxgaradka reer Burco ayaa shalay isu-soo-bax ballaadhan oo ay ku qabteen fagaaraha Kheyriyadda si weyn ugu cambaareeyay weerarka qaraxyada ahaa ee Arbacadii dorraad lala beegsaday caasimadda Hargeysa, iyagoo weerarkaas ku tilmaamay fal waxashnimo iyo cadownimo leh.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, isu-soo-baxaa oo ay ka qayb-galeen kumanaan qof oo dadweynaha reer Burco ah, waxa khudbado ka jeediyay masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal kala duwan, kuwaas oo dhammaantood ku tiiqtiiqsaday cambaareynta weerarkii waxashnimo ee lagu fuliyay xarumaha Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiya iyo Hay’adda UNDP ee Hargeysa.

Muftiga caanka ah Sheekh Cali Warsame oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaashii hadalka ka jeediyay isu-soo-baxa kheyriyadda Burco, wuxuuna Sheekh Cali Warsame falkaas ku tilmaamay mid waxashnimo ah oo ka baxsan caqiidada iyo dhaqanka diinta Islaamka, isla markaana wuxuu dadkii falkaas geystay iyo cidii soo abaabushayba u jeediyey cambaareyn kulul.

Sheekh Cali Warsame isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu yidhi: “Falkan oo kale waa mid xun oo barii ka ah Diinta Islaamka, waxaanan odhan karaa waa ciqaab rabbaani ah oo ay geysanayaan kooxo aan la garanayn waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan, anigu arrintan uma arko wax sax ah oo Janno lagu gelayo, una malaynmaayo inay waxaa samaynayaan dad Diinta u hiilinaya, waxa kale oo aan uga digayaa dadka ay arrintani maskaxda kaga jirto inay sameeyaan inay ka digtoonaadaan oo aanay ku tallaabsan. Ta kale waxaan dawladda ka codsanayaa in marka ay arrintan tallaabo ka qaadayso ay ka fiirsato oo ay cidii ay wax ku caddaadaan tallaabo ka qaado.”

Waxa kale oo isna fagaarahaas ka hadlay Maayarka magaalada Burco, Maxamuud Xasan Dhego-laab, wuxuuna yidhi: “Weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay lagu qaaday Madaxtooyada Somaliland, Safaaradda Itoobiya iyo xarunta UNDP waxa loogu talo-galay in lagu khalkhaliyo muwaadiniinta Somaliland iyo qarannimadeeda, isla markaana lagu joojiyo diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socda, dawlad sida lagu burburiyaa way hawl-yar tahay, laakiin sida lagu dhisaa way adagtahay, markaa waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland meel kasta oo aad joogtaan dadka doonaya inay burburiyaan xukuumaddiina soo sheega oo yaanay idinku gabbane, walaalahayaga reer Koonfureedna waxaan leeyahay kuwa doonaya inay magaca idinka dilaan yaanay idinku soo dhuuman ee u soo sheega ciidamada nabadgelyada.”

Waxa kale oo dadkii halkaas ka hadlay ka mid ahaa Suldaan Cismaan Suldaan Cali, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa; “Anigu odhan maayo kuwa falkan ku kacay waa Islaam ee waxaan leeyahay waa jahli bilaa diin ah ee ka digtoonaada kuwa ku soo gabanaya Diinta ee dhallinyarada ku odhanaya is-qarxiya waad Janno tegaysaane, maanta oo kalena beenaalaha iyo tuugga ayaa cid aan dambi lahayd ku shaanbadeeya ee dawladdu si taxadir leh arrintan ha u baadho si aan layskugu khaldin kuwa wax fuliyay iyo kuwa aan dambiga lahayn.”

Waxa kale oo raggii halkaas ka hadlay ka mid ahaa Badhasaabka gobolka Togdheer, Jaamac Cabdillaahi Biin, wuxuuna Jaamac dadweynaha reer Togdheer iyo guud ahaanba dadka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyadooda ku faro-adaygaan oo meel uga soo wada-jeestaan kuwa burburinaya nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar-sare ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, wuxuuna Maxamed Kaahin cambaareeyay weerarka argagixiso ee lala beegsaday caasimadda Hargeysa.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin kala ah wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan-Weyne iyo wasiir ku-xigeenka Ganacsiga.

“Cidda fulisay falkan noocan ah iyo kuwa ka dambeeyaaba waa cadow dalkan iyo dadkiisaba ku soo duulay, markaa haddii maanta laynagu soo duulay waxa loo baahan yahay inay Burco kaalinteedii qaadato, waanan hubaa Burco inaanay qarin cadowga, si aynu nabad ugu wada noolaanana waa inaad meel uga soo wada-jeesataan wax kasta oo nabadda wax u dhimaya,” ayuu yidhi Wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan-weyne.

Dadweynaha reer Burco waxay fagaaraha Kheyriyadda ka muujiyeen inay aad uga xun yihiin, aadna uga cadhaysan weerarkii argagixiso ee ka dhacay caasimadda Hargeysa. Ta kale isu-soo-baxa ay ku tallaabsadeen reer Burco ee ay dareenkooda ku muujiyeen cambaareynta iyo diidmada ay kala horjeedaan weerarkii Argagixiso ee caasimadda ka dhacay, waa isu-soo-bixii u horeeyay ee arrintaas lagaga soo horjeedo ee ka dhaca magaalooyinka Somaliland