Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1884 November 12, 2008


Taliyaha Bileyska Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii C.I.D-da Mid Cusubna U Magacaabay Xilli Lagu Guddo Baadhista Weeraradii Argagixiso Ee 29 October Ka Dhacay Hargeysa

 


Qiimaha Sarrifka Doollarka Ee Suuqyada Hargeysa Oo Kor Uga Soo Yar Kacay Halkii Hore


Diyaarad Taayirku U Bixi Waayey Oo Madaarka Hargeysa Dhaawac Ku Soo Gaadhay


Midowga Yurub Oo Hawl-Gal Ka Bilaabay Xeebaha Somalia Iyo Yemen Oo Joogitaanka Ciidamada Ajnebi Ee Gacanka Ku Tilmaantay Mid Khatar Ku Ah Nabadgelyada Carabta


Wefti Ka Socda Midowga Yurub, Maraykanka Iyo Norway Oo La Kulmay Madaxweyne Riyaale


Dib-U-Dhiska Maqaamka Sh. Samarroon Ee Boorama Ma Yahay Mashruuc Xukuumaddu Ku Cabsi Gelinayso Culimaa’u-Diinka Iyo Mucaaradka?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee Boorama


Dad Soomaali Ah Oo Laga Celiyey Garoonka Diyaaradaha Ee Uganda


Hogaamiyaha Mucaaridka Zimbabwe Oo Diiday Baaq Ay U Soo Jeediyeen Madaxda Afrikada Koonfureed


Madaxweynaha Masar Oo Booqasho Aan Hore Loo Shaacin Ku Tegay Sudan


 


Xukuumadda Oo Mar Kale Ku Celisay Inay Hayso Raadadkii Cidii Ka Dambaysay Weeraradii Is-Qarxinta Ahaa Ee Hargeysa Ka Dhacay 29-kii October Balse Aan Soo Bandhigin Wax Caddaymo Ah

“Ayaan Sheekh waxaanu qabnaa inay ka mid tahay eedaysanayaasha aanu imika hayno kuwa ugu muhiimsan”

“Yuusuf Garaad Idaacada BBC-Da Laanteeda Afsoomaaliga Dadkii Ingiriiska Ka Dhagaysan Jiray Yaanu Nacsiinin Oo Sumcada Ka Diline Waa In Ninkaasi Fiiro Gaara Loo Yeesho”

Hargeysa, November 12, 2008 (Haatuf) – Wasiirada Arimaha gudaha iyo arrimaha dibada Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa markii labaad sheegay inay si cad u hayaan raadadkii cidii ka dambaysay weeraradii isqarxinta ahaa ee ka dhacay magaalada 29-kii October 2008, hase yeeshee wasiiradani may soo bandhigin wax caddaymo oo muujinaya raadka ay sheegeen inay hayaan cidii ka dambaysay weeraradii is-qarxinta ahaa ee 29-kii bishii ina dhaaftay lala beegsaday Qasriga Madaxtooyada, xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo xarunta hay’adda UNDP ee Hargeysa, isla markaaana wasiiradaasi si cad umay sheegin cidda ay ahaayeen kooxdii fulisay weeraradaas iyo meesha laga soo abaabulay toona. Sidoo kalena, may sheegin wasiiradaas tirada dadka ilaa hadda loo xidhxidhay falkaas iyo waxyaabaha ay ku hayaan dadka u xidhxidhan.

Wasiiradani waxay sidoo kale shirkoodaas jaraa’id ku cambeereeyeen guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo madaxa laanta Af-soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad. Wasiirka Daakhiliga ayaa isagu guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay in uu yahay nin Qaranka iyo dadkii ku dhintay weeraradii argagixiso ku diganaya, halka uu Yuusuf Garaad-na ku sifeeyay inuu yahay nin ujeedooyin kale wata oo doonaya inuu fidmo ka dhex abuuro shacbiga Somaliland iyo Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ugu horeyn shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “waxa kolay iyo kolay na wareerisay oo dalka gudihiisa iyo dibadadiisa nalaga weydiinayaa kiiskii dacwadii qaraxyadii halkuu marayaa, maxaa loo hayaa, halkay socotaa baadhistii waan ka cudur daaranaynaa kiiska la baadhayo lagama hor dhaco dambi, muujin badan iyo wax badan oo aanu sugaynana hadii la faafiyo hadhowto garsoorahan geli karayn hadaanu imika warbaahinta kiiskii kaga sheekayno oo inuu ka garnaqo xaga sharciga ka hor imanaysa, markaa horta kiiska sidiisaba isagoo ah sidii ay wax u jireen iyo wixii oo idil oo faahfaahsan kiiska maxkamadda oo dhaca mooyee inta ka horaysa faahfaahin lama bixiyo sababahaa awgood xag sharci iyo xaga nidaamba, laakiin waxaanu ummadda reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inaanu kiiskii aad iyo aad inoogu fiican yahay raad fiicana aanu hayno, si degdegana maxkamada loo horkeeni doono dadkana maxkamadu u furnaan doonto, doooduna ay furnaan doonto, maxkamadana maalinkasta aanu ku talo gali doono in warbaahinta laga sii daayo si dadka aan maxkamada tagini ugala socdaan doodadaha ayaanu ku dadaali doonaa laakiinse waxaanu ka cudurdaranayna oo aanu rabnaa qoladiinan warbaahintu inaad dadka u sheegtaan inaan kiiska laga hor dhicin oo aan la sii sheegin oo aan la sii faahfaahin.

Waxaan aad iyo aad uga xumahay BBC-da maalin dhawayto war beena oo kicina oo dadkii reer Soomaaliyeed ee halkan ku soo qaxay ee danyarta ahaa ee dadka reer Somaliland sida gobinimada leh ka yeelay ee sida fiican u soo dhowaysay ee ay gogosha u fidisay sida hagar la’aanta ah loo qaabiley ee walaalahooda ahaa in war dacaayad ah oo raqiisa oo aan waxba ka jirin oo uu umadaa iyo umadan isku dirayo ujeedo uu Yuusuf Garaad ka leeyahay ba, isaga laftiisa reerkiisa markii ay dhibatada weyni ka taagnayd xamar, Hargeysa gudaheeda ayuu isagoo cayladiisa wata usoo qaxay uu dejiyey, isagoo meeshii uu reerkiisa u soo qixiyey ee uu ku nabadgalay uu dagay ay ahayd inuu maanta warkii ka sii daayo aad iyo aad ka u qiimaha darnaa ee aanay waxba ka jirin, markaa Yuusuf Garaad idaacadii BBC-da ee laanta afsoomaaliga ingiriiska ka dhagaysan jirtay yaanu nacsiinin oo sumcada ka diline waa in ninkaasi fiiro gaara iskaga yeeshaan, haddii aan gabadhaa (Ayaan) dib ugu yara noqdo inkastoo taliyaha bileysku wax ka sheegay, badhistu cidkasta way soo gali kartaa laakiinse waa inaan qofka lagu xadgudubin xuquuqdiisa waa dhici kartaa in isagoo la qabtay oo la baadhay waxba lagu waayey oo la sii daayey ama maxkamadu ha sii daayso ama inta hore ee baadhista hala sii daayo’e.

Gabadhan waxaanu qabnaa inay ka mid tahay eedaysanayaasha aanu imika hayno kuwa ugu muhiimsan waayo waxaanu tuhunsanahay ama haynaa tuhunba maahee aanu ilaa hadeer haynaa nimankii wax qarxiyey guryihii ay daganaayeen qof dumar oo ilma yar sidata ayaa guri kasta la gayn jiray inay iyadii tahay baanu tuhunsanahay, guri kale oo ay lix habeen oo kaliya ku jirtay intay ka guurtay xaafadii ayey lix cisho ku jirtay oo habeenkii qaraxu dhacayna ka dib ka soo guurtay, waxyaalo badan baanu haynaa oo soo bixi doona maalinteeda oo aanu la sugayno baadhista dhamaadkeeda laakiinse gabadh aanu iska xidhnay oo cadaalad daro ama dulmi lagu xidhay ma jirto, waxaanu tuhunsanahay inay dadkii dalka dambiga ka galay ay tahay oo jananka bileyska ayaa hore u faahfaahiyey baadhisteediina way socotaa, inantii aadka u yareyd ee uu waraysatana (BBC) dee ma garanayno mana xidhna haday xidhantahayna dee may hadasheen warkeedii wuu qaatay (Yuusuf Garaad) gudoomiyihiina wuu qiimayn waayey iyadiina wuu qiimeeyey” ayuu ku soo xidhay hadalkiisii hordhaca ahaa ee uu wasiirka Daakhiligu shirkaas jaraa’id ka jeediyay.

Waxa kale oo isna shirkaas jaraa’id hadal kooban ka jeediyay wasiirka arimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo yidhi “Waxaan jeclahay anigu inaan ku darsado in yar oo wasiirku ka hadlay oo maanta cid walba ku taagan arrintaasi, waxaa aanu xoojinaynaa waxani maaha wax fudud caalamkana dee wax badan oo ka dhacay waynu ognahay sidaad la socotaan Baali iyo Indonesia hadda kuwii gaystay falalkii argagixisada iyo qaraxyada maanta uun buu kiiskoodii dhamaaday, waxaan u malaynayaa ilaa laba cisho gudahood in lagu jiro ayaa xukunkiiba uu dhacay, waxaana dee mudday socdaan September 11 wixii maraykanka ka dhacay waynu ognahay, baadhitaankoodii inuu ilaa hada socdo waynu ognahay, dadka ku xidhan Guwatanamo Bay oo ilaa hada kiiskoodu socdaana waynu ognahay markaa horta sideedaba marka uu dalku yahay dal sharci ku nool uu yahay dal dastuur qaran leh oo xuquuqdii aadamaha ilaalinaya yahay oo dawlad wanaag yahay oo doonayo dimamuqraadiyad sida inagoo kale waxaa had iyo jeer mihiima ah in sharcigii iyo wixii uu lahaa la raaco oo nidaamkaasi noqdo mid aan baydhin , inaguna taa dhaqan iyo hiddo ayeynu u leenahay laakin hamuuntan ina haysa ee ah hada hala dhalo hada hala qabto, hada ha la dilo, hada ha la xukumo adeer meelna caalamka kama dhacdo haa dareenka waa loo baahan yahay laakiin nasiib daro waxaa ah dad waaweyn oo masuuliyina oo doonaya waliba xilal qaran inay qabtaan ay iyagu laftigoodu maanta arrinkaa xujo kaga dhigeen qaranka.

Waxaan leeyahay arrintaasi maaha tu fudud ee waa arin baadhitaan ku saabsan oo u baahan in hoos loogu dhaadhaco oo meel walba la soo taabto, kalsooni bay xukuumadu ku qabtaa hay’adaha nabadgelyada iyo baadhitaanka wada horana waa loogu qabay maanta waa loo qabaa inay sii xoojiyaan anaguna ku baraarujinaynaa wax kale oo meesha yaala runtii ma jiraan waanay ku amaanan yihiin” ayuu isna ku soo xidhay hadalkiisii wasiirka Khaarajigu.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibaddu waxa u sheegay in ay Somaliland badeeda ka ilaalin doonto kana difaaci doonto budhcadbadeeda ka dilaacay dalalka jaarka isagoo falalka budhcadbadeeda ka dilaacday dalalka jaarkana ku tilmaamay falal waxashnimo.

Intaa ka dib Su’aalihii ay saxaafadu waydiisay wasiirka iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

S: Faysal Cali Waraabe wargeysadii ka soo baxay dalka waxaa uu ku qoray inuu madaxweynihii amnigii dalka la seexday ilaa xataa qaraxii ka dhacay Madaxtooyada, arintaasi sideed u aragtaa?

J: Waxaan u arkaa inay ayaan daro tahay in nin doonaya inuu dalka madaxweyne ka noqda oo ku diganaya maanta Somaliland falkaa dhimashada iyo khasaarahaba keenay uu ku digtay oo waliba doonaya mansab sare inuu sidaas yidhaahdo maanta aad ayaan uga xumahay, afkii nin madaxweyne doonaya iyo madaxweyne ku xigeen dalka ka doonaya inuu kalmadahaasi yidhaahdo uma qalanto.

Waxaana leeyahay shalaytana waxa uu lahaa waa maxay ciidankaa badan iyo tiknikadan badan ee uu Madaxweynuhu isku ilaalinayaa maanta waxa uu ku eedeynayaa inuu ka seexday waa kalmad laga yaqyaqsoodo oo laga naxo, ummadda somaliland ayey taalaa oo way arkaysaa codna wuu ka rabaa.

S: Taliyaha ciidanka bileyska iyo masuuliyiintiina kale sidaad sheegaysaan raadadka ilaa hadda la hayo inkastood sheegteen in mar la soo wada saarayo waxaad sheegteen inaaany ku koobnayn reer Koonfureed ee raad dad wadanka u dhashay oo badani ay ku jiraan, markaa dad badan ayaa walaac ka qaba oo leh arintu waxay ba keeni kartaa dhibaato intii la filaayey ka badan maadama dad wadanka u dhashay ay arintii lug ku yeesheen?

J: Waxaan horaba u sheegay imikana ku celcelinayaa argagixisadu cidnaba maaha, reerna maaha, gobol-na maaha, midab malaha, ninka argagisada ah aabihii iyo Hooyadii ma kala jecla, markaa waxaan leehay kama madhna oo la’aantood-na hadaan dad reer Somaliland ahi ku jirin ficilkani muu dhaceen.

Markaa waxaan leeyahay cidkasta oo ku jirta yeynaan u nasbayn qabiil, deegaan ilayn waa ninkaasi go’aansaday khasaaraha dhibaatada, iyo dilka intaasi leeg inuu gaysto, diinteena oo ka xaaraantimaysay inuu wax dilo isna is dilo waxaan leeyahay oo aan ku celcelinayaa in aan ninka argagixisa ahi ahayn reer.

S: Falkii 2006-kii lagu doonayey in maxaabiistii jeelka ugu xidhnayd falalka argagixiso nimo lagula baxo waa tii xukuumadu u saartay guddi baadhiseed, bal xukuumada u sheeg cida u xidhan iyo halka uu ku dambeeyey kiiskaasi?

J: Imika tiradii ku odhan maayo oo hebel iyo hebel baa u xidhan, laakiin dadkii masuuliyadaa lahaa ee jeelka madaxda ka ahaa ee markaa xilka hayey way xidhan yihiin, intii la xukumay shakhsi ahaan ma garanayo laakiinse waa la xidhay wayna xidhan yihiin.

S: Kiisku siduu u dhacay yaase ka dambeeyey bal dadka u sheeg maanta ?

J: Kiiskaasi haddii aad siduu u dhacay faahfaahin ka doonaysid maxkamada u tag ?

S: Arintan ay BBC-du soo hadal qaaday ee ay dadka layska xidhxidhayo idinka xukuumada ahaan maxaa idiin diiyey in qofka aad qabataan ama aad ka shakidaan inaad warbaahinta u soo bandhigtaan waxaad kaga shakideen iyo amuurahooda?

J: Sideen warbaahinta ugu dhiibayaa xeer ilaalin iyo nidaam iyo xeer ayey leedahay inaan u mara’e, ma warbaahinta ayaan xalaalaynta xadhigiisa weydiiyaa, mise xeer ilaalinta iyo maxkamadaan maraa, waxaa weeyi in aan sifo sharci ah u maro oo aan xadhigiisa xalaalaysto, oo maxkamadii iyo dariiqeeda u maro inta uu xeerku ii ogol yahay oo ah sideed iyo afartan saacadood, laakiin in aan warbaahinta u sheego oo aan idhaahdo hebel baan tuhmoo tuhunkaasi ayaan ku xidhayaa.


Biyo La’aan Si Weyn Looga Dareemay Magaalada Hargeysa

Hargeysa, November 12, 2008 (Haatuf) – Dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa maalintii shalay biyo la’aan weyni ku habsatay iyadoo aad arkaysid dadkii oo jirikaamo la wareegaayey oo kolba xaafad waydiinayey inay haystaan wax biyo ah taas oo keentay in xaafadihii magaaladu is waydaarsaneyey.

Biyo yaraantan ay shalay caasimadu sida weyn u dareentay ayaa waxaa kalifay in ay kaamamkii biyaha meel ka mid ahi ay jabto taas oo gabi ahaan biyihi oo dhan laga xidhay magaalada taas oo keentay haraadka oo qoysaska qaarkood waayey wax ay cuntada ku karsadan.

Waxaana si wayn loo baadi goobayey dameelayaasha foostada biyaha xambaara (biyoolayaashii) oo iyaguna shalay qiimihii biyaha la siinayey kor qaaday taas oo halkii foosta shalay lagu iibinayey 30, 000 SHSL, halka uu awal hore ka ahaa 8,000 SH. SL.

Biyo yaraantan oo kaliftay in booyadihii aan awal hore dadku ka shuban jirin ka shubtaan, booyadahaasi oo inta badan soo qaada biyo xareed ah oo ay ugu talo galeen inay ka iibiyaan guryaha la dhisaayo, taas oo dadkii ay xiitaa abaal ku qabeen inay biyahaasi isticmaalaan halka xaafadaha qaar ay u isticmaalayeen wiisada iyo nadiifinta guryaha.

“Hooyo meelahan wax booyad ah ma ku arkaysay, soo kuwii meelahan aan laga waayi jirin ee tubnaan jiray, talow halkeen ka helaa” sidaa waxaa tidhi hooyo qof weyn ah oo biyo iibna ku wayday oo dad agdhawaa meelaha ay booyaduhu istaagaan waydiisay, waxaa kale oo hooyadani intaas ku dartay “ilaa saaka waxaan daydayey Biyoole isna ka quusay oo mid kii aan arkaba dhawr ruux ayaa wata, marka waxaan is idhi bal inaad kuwan booyadaha ee dhismaha keena wuxuuna ka heshid aad jirikaan ka soo iibsatid”

Bashiir Xuseen oo isna arintan biyo la’aanta ka hadlayaa waxa uu yidhi “ xalay oo layl ayaan usoo jeeday oo aan moodayey in ay tahay wakhtigii ay gooraha dambe soo dhici jirtay oo aan usoo jeeday, oo xalay dhaxantii dhacaysay ayaan kolba qasabada u soo kacayey ilaa laygu adimay, saaka (shalay) ayuun baan xaafadihii jaarka ka maqlayey way go’an yihiin biyuhu”

Booyadihii dhismaha biyaha xareeda ah ee dhismaha u siday ayaa dadka wixii u baahan ka iibinayey xareeda halka markii dame ee ay ogaadeen biyo yaraanta jirtana ay u bedeleen inay biyo dadku cabi karaan meelo fog fog ka doonaan taasoo qiima aad u sareeya kaga iibinayey dadka.

Booyadahan oo la kala la’aa ayaa iyaguna qiimahoodii cirka ku shareeray taas oo dadka ku kalifaysay inay wax walba u huraan si ay cabitaan iyo cuntada uga samaysan lahaayeen wax kasta oo la siinayey halka ay dadkalana aanay booyadahaasi helin oo ay raadco ugu jireen.

Inkastoo aanu isku daynay inaanu arintan wax ka waydiino maareeyaha wakaalada biyaha oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay nooma suuragelin inaanu helno

Kooxo Soomaali Ah Oo Afduub Ugu Geystay Baadariyo Ku Sugnaa Xadka Kala Qeybiya Soomaaliya Iyo Kenya.

Nairobi, November 12, 2008 (W.Wararka) – kooxo Soomaali ah ayaa afduub ugu geystay baadariyo ku sugnaa xadka kala qaybiya Somalia iyo Kenya, labadan baadari ee koobaxa soomalida ahi ay afduubeen ayaa ay xaqiijisay Xarunta looga taliyo kaniisada Kaatooliga ee Vatican-ka, kuwaas oo laga afduubay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Wargeys ku hadla afka kaniisada Kaatooliga ayaa dabaacay in labo haween ah oo baadariyo ka ahaa kaniisad laguna kala magacaabo Caterina Giraudo oo 67 jir ah iyo Maria Teresa Oliviero oo iyana 61 jir ah ay kooxo hubeysan oo Somali ahi ay ka afduubteen magalada Ceel-waaq oo ku taala xadka u dhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya.

Labadaan Haween oo u dhashay wadanka Talyaaniga ayaa la sheegay in ay in muddo ah ka shaqeynayeen xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ku yaala waxayna markoodii hore ka yimaadeen magaalada Cuneo oo ka tirsan wadanka Talyaaniga.

Mid ka mid ah baadariyeyaashan kaniisada Vetican-ka oo la yiraahdo Pino Isoardi ayaa sheegay inay labadan baadari ay ku hawlanaayeen hawlo gargaar ah oo ay ka wadeen xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari ee dalka Kenya waxaa uu intaa ku daray inay wada hadalo ku saabasan sidii loo sii deyn lahaa baadariyaashaasi bilaabeen.

Xubno ka tirsan ururka Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa caddeeyay in baadariyaashaas ay wateen kooxo hubeysan oo watay Sadex baabuur, kuwaas oo la sheegay inay ula dhaqaaqeen dhinca Somalia.


Ma Yahay Cusbitaalka Fistula Mashruucii Ugu Horeeyey Ee Laga Arki Karo Waxtarka Haweenka Qurbajooga Awdal?

Warbixin – Maxamed Cumar

Borama, November 12, 2008 (Haatuf) – Somaliland waa dal ka Madaxbanaanaaday Soomaaliya inteeda kale 1991-kii, tan iyo waagaana waxaa dalka Somaliland iyo dadkiisu noqdeen kuwa ka fikira horumarinta iyo aqoonsiga dalka, iskana illoobay belaayada weli haysata qaybaha kale ee Somaalida.

Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu yahay dal ay dhisteen dadkiisu meel kasta oo ay joogaan, isla markaana dalalka caalamka ee horumarka jecel, hay'adaha qaramada midoobay iyo dadka u dhashay dalkan ee debedaha ka xoogsadaaba xoogooda iyo xoolahahoodba ku biiriyeen sidii uu dalkani ugu sii jiri lahaa jidka haatan uu ku socdo, marka laga reebo qaraxyadii argagixisadu dhawaanta la beegsadeen si loo hakiyo geedi socodkooda iyo dalalka caalamka oo weli dafirsan xaqa Somaliland u leedahay ictiraaf buuxa.

Sidaas oo ay tahay dadka u dhashay Somaliland ee debedaha ka xoogsada ayaa dhinaca kale ku kala duwan dareenkooda iyo waxtarka dadkooda ku nool gudaha Somaliland, Qaar baa in dadkii u dhashay ee dalka ka baxay, qaatay jinsiyadaha kale ee dalalka ay maganta u yihiin ama muwaadiniinta dalalka ay joogaan ka mid noqday badankooda oo aad mooddaa inay iskaba illoobeen dalkii ay asal ahaan ka yimaaddeen, sidaa daarteedna la qabsaday dhaqanada dalalka ay joogaan, halka kuwa kalena aad mooddo inay weli dhex joogaan dadkii ay ka yimaaddeen, isla markaana dareenkoodu mar walba la socda balaayada iyo barwaaqada ay hadba ku noolyihiin dadkii ay ka yimaadeen.

Qurba jooga Somaliland marka aynu ka hadlayno ayaa waxa loo qaadan karaa inaan ka hadlayno oo keliya raga ama wiilasha, balse waxa ku jira haweenka iyo gabdhaha kuwaas oo inta badan isteerinka u haya nolosha qoysaska reer Somaliland ee debedaha jooga, waxaanad mooddaa inay had iyo jeer raga kaga horeeyaan xagga maamulka qoyska, arimaha bulshada iyo maamulka dhaqaalaha iyagoon inta badan haweenku aanay ku dhiiran sidii ay u lunsan lahaayeen ama hanti ka dhaxeeya bulshada ay meel ku wada noolyihiin, waxaana dareenka caynkaas ah lagu garan karaa sida hay'addaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, shirkadaha iyo laamaha dawladda had iyo jeer haweenka loogu aamino dhaqaalaha lagu wadayo hawlmaalmeedka goobahaasi iyo maaliyadda lagu bixinayo mashaariicda horumarineed.

Reer Awdal oo ay maanta dhulkii ay u dhasheen ay ka tageen kumanaan qofi ayaa waxa ay arimaha horumarinta gudaha kala mid yihiin qurbajooga kale ee reer Somaliland ee u dhashay gobolada kale, Marka se reer Awdal loo kala saaro rag iyo haween ama wiilal iyo gabdho, waxa laga yaabaa in hawl ay si wadajir ah uga hawlgaleen horumarinta gobolka Awdal dhaqaale badana ay haweenku ku bixiyeen ay ragu guusheeda sheegtaan, lana qariyo xoogii iyo xoolihii ay ku bixiyeen haweenka ama gabdhaha dhulkaasi joogaa.

Haddaba markaan dibugu noqono sida haweenka iyo ragu ugu kala wanaagsanyihiin ka qayb qaadashada arimaha horumarinta gudaha ama gobolka Awdal waxaa inta badan la sheegaa qaadhaan loo soo ururiyey meelo badan oo ay ka jirto baahi dhinacyo badan leh kadibna qaadhaankaasi ku baabao' faro dhexdooda iyadoon inta badana la arag wax lagu bixiyey oo muuqda, marka laga reebo cusbitaalka Boorama oo inta badan la xuso ciddii wax ku biirisay dhismihiisa.

Maanta Boorama markii ugu horeysay ayaa laga arkay qaadhaan xoogiisa haweenka reer Awdal ee qurbajoogu leeyihiin dedaalkiisa kaas oo lagu bixiyey meel muuqata oo shaqaynaysa oo weliba ay isku xilsaareen haweenka qurbajooga reer Boorama, kaas oo ah cusbitaal loo yaqaan Fiistula oo lagu daweeyo haweenka ay dhibaatooyinka kaga dhacaan kaadimareenka, xanshareerida iyo meelaha kale ee haweenkaasi dhibaatadu ka soo gaadho marka ay umulayaan.

Wa cusbitaal naadir ku ah qaaradda Afrika lagana helo oo keliya Addis ababa iyo Nayjeeriya, Waa cusbitaal lagu daweeyo haweenka oo keliya yar iyo weynba, balse sirta ka dambaysa aasaaskiisu ay ka timi isla haweenka og baahida iyo dhibaatada haweenka ka haysata arimo aanay ogeyn raga ay la dhasheen ama kuwa ay u dhaxeent.

Hirgelinta iyo dhismaha cusbitaalkan ayaa ka dambeeyey kulan daba dheer oo bilo iyo maalmo u socday haweenka reer Awdal, inta badana lagu wacyigelinayey inay ka qayb qaataan hirgelinta cusbitaal aan caadi ahayn oo lagu daweeyo haweenka, dadkuna aanay sidaa aqoon ugu lahayn Waxa Huteelka Rays bilahaa iyo maalmahaaba qaybaha bulshada iyo qurbajoogii waagaa fasaxa usoo qaatay dhulkii ay ka tageenba ku martiqaadayey dhakhaatirta cusbitaalkan wadda oo iyagu og baahida dhabta ah ee loo qabo iyo sidii qaadhaan loogu heli lahaa.

Kulamadii, shirarkii iyo abaabulkii qurbajooga haweenka iyo dhakhatiirta cusbitaalkaasi ka shaqaynayey ku baaqayeen qaadhaan, waxa kaliya oo loo haystay farriin qurbajooga lagu beerlaxawsanayo mashruuc inta taqaanaba yartahay waxtarkiisa.

Maanta oo isbitaalkaasi Fiistula ka hawlgalay Boorama, safaf dhaadheerna ugu jiraan haween qarsanaya xanuuno Illaahay iyo inyar oo bani aadam ahi u ogtahay mooyee, ayaan xusuustay ballanqaad ay Haweenay layidhaa Cibaado Geelle Cadar kana mid ah qurbajooga Awdal ee Gobolka Minnesota ee dalka maraykanka joogta, haweenka Boorama uu maanta u midho dhalay .

Cibaado Geelle oo aan magaceeda xusuustay waagii Dawladii siyaad Barre ee aan fasalada dugsiyada dhexe ku soo wada dhammaysanay Dugsiga haatan loo yaqaan Al- Aqsa, waxaanan u qaatay ballaqaadkeedan ay ka keeneen damqasho kaga timi sheekooyinkii naxdinta lahaa ee dhakhaatirtu kaga hadlayeen dhibaatada haweenka ka haysata xanuunada caynkan ah ballanqaadkeeda waagaasina uu dhexda ku demi doono sidii ka dhacday ballanqaadyo hore oo ay qurbajoogu u qaadeen meelo badan oo Boorama ku yaalla, balse aan filayo inuu u fulay ballanqaadkii haweenka gudaha dalka joogay ay u qaadday wagaasi tacabkii iyo dedaalkii ay iyada iyo kooxo kale oo haweenka reer Boorama galeena uu midho dhalay waxna laga qabtay dhibaatooyinkii lagu sheegay inay haystaan haweenka da'da yar iyo kuwa la qabo, kuwaas oo cid kasta oo dhagaysanaysayba waagaasi ka naxday baylahda haysatay haweenkooda ama gabdhahooda da'da yar ee dhibaatooyin ka soo gaadhi karaan dhallinyarada wiilasha ah ee gaadhi kari waayey inay si xalaal ah u guursadaan.

Waxa kale oo dhakhaatirta cusbitaalkaasi ii sheegeen oo kale in Maamulka shirkadda Telesom ee gobalka Awdal ay haweenka la qaybsadeen dareenkaasi, waxna ku darsadeen qaadhaankii lagu dhisay cusbitaalkaasi.

Sida ay ii sheegeen maamulayasha cusbitaalkaasi waxa haatan cusbitaalkaasi ka baxday kuna bogsaday ku dhawad 50 haween ah oo lagu daaweeyey lacag la'aan, kuwo kale ayaan goobtaas oo aan tegey ku arkay iyagoo loo diyaarinayo qalliin, kuwa kalena jidka ugu soo jiraan si ay wax ugu geeyaan haweenka kaga jira cusbitaalka ee la qalay ama sugaya qalliin.

Ugu dambayantiina muuqaalka isbitaalkan ayaa loo qaadan karaa inuu yahay astaantii ugu horeysay ee haweenka qurbajooga ee reer Boorama ku muujiyaan waxtarkooda dhinaca caafimadka haweenka ay kaga tageen dalka gudihiisa, lagana yaabo in astaamo kale oo hawenkaa waxtarkooda lagu qiimeeyo mustaqbalka.

 


“Madaxweyne Ku-Xigeenku Kulankii Uu Cuqaashaa Gabiley La Yeeshay Wuxuu Ka Balanqaaday In Dhulka 18 Sannadood Xaaraanta Lagu Haysto Xukunkii Laga Soo Saaray La Fulin Doono

Sheekh Maxamuud Sh.Muxumed Raage

Hargeysa, November 12,2008 (Haatuf0- madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isniintii doraad safar aan la shaacin oo maalin ah kaga soo noqday degmada Gabiley ayaa la sheegay inuu halkaasi kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay cuqaasha gobolka Gabiley iyo Sheekh Maxamuud Sh. Muxumed Raage taas oo la sheegay in madaxweyne ku xigeenka iyo cuqaashu ay kaga wada hadleen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanada waqooyiga Gabiley ee ay isku haystaan degmooyinka Baki iyo Gabiley, taas oo la sheegay in madaxweyne ku xigeenku cuqaasha gobolka Gabiley u balan qaaday in muranka ka taagan deegaanadaasi ay xukuumadu dhamaystiri doonto marka ay hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay soo gebogabawdo dabayaaqada bisha December 2008-da.

Kulankan uu madaxweyne ku xigeenku la yeeshay cuqaasha gobolka Gabiley oo la sheegay inuu ku weheliyey dhinaca xukuumada wasiirka Madaxtooyada Nuur Aamin Ismaaciil oo ahaa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin oo ku qabsoomay degmada Gabiley ayaa sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay shalay galab isagoo jooga degmada Gabiley ayaa isagu Haatuf u xaqiijiyey kulankaasi ay isaga iyo cuqaashu la yeesheen madaxweyne ku xigeenka isla markaana tilmaamay in kulankaasi ay madaxweyne ku xigeenka kaga wada hadleen arimo ku saabsan shaqaaqadii dhawaan ka dhacday goobaha diiwaangelinta ee waqooyiga Gabiley iyo guud ahaan muranka dhul ee ka taagan deegaanadaasi taas oo uu tilmaamay in madaxweyne ku xigeenka u balan qaaday in xukunkii golaha guurtidu ka soo saartay deegaanadaasi ay fulin doonaan marka hawsha diiwaangelintu dhamaato isagoo arintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “ kulankaa aanu madaxweyne ku xigeenka kula yeelanay maalintii shalay aniga iyo cuqaasha gabilay waxa uu ku saabsanaa deegaanadii waqooyiga Gabiley ee dhawaanta la keenay sanaaduuqda diiwaangelinta ee ay dadweynuhu ka gadoodeen dhulkaasi oo ah dhul 18 sannadood xaaraan laga haystay deegaanka Gabiley, waxaanu madaxweyne ku xigeenku cuqaasha gobolka Gabiley oo isku dhana ka hor balanqaaday in dhulkaasi oo ay golaha Guurtidu ka soo saartay xukun hore ay si dhakhso ah xukuumadu u fulin doonto marka ay hawsha diiwaangelintu dhamaato.

S: kulankan aad la yeelateen madaxweyne ku xigeenka ma idinkuu idanka yimid mise isagaa idiinka codsaday inaad kulantaan, maxaase ka jira in madaxweyne ku xigeenka kulan uu adiga kaaga dalbaday inaad Hargeysa ku kulantaan aad gaashaanka ku dhufatay, ma jiraa ?

J: madaxweyne ku xigeenku shan maalmood ka hor ayuu ila soo xidhiidhay waxaanu ii sheegay inaan Hargeysa ugu imaado balse anigaa diiday oo idhi anigu Hargeysa iman maayo oo ilko dhiigle ayaa yaalee aynu gobolka Gabiley iskugu nimaadno, sidaas darteedna madaxweyne ku xigeenku markii uu noo yimid aniga iyo cuqaasha Gabiley-ba waanu ku ajiibnay inaanu la kulano, dalabka kulankuna isaga ayuu markii hore ka yimid.

S: Waxaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenku idiin sheegay wakhti cayiman oo la fulin doono muranka dhulkaas ka taagan, ma noo sheegi kartaa wakhtiga uu u mudeeyey in dhulkaasi murankiisa la xalin doono?

J: horta dhulkan 18 ka sanadood Gabiley laga haystay waxaa hore xukun uga soo saaray golaha Guurtida balse nasiib daro lama fulin, wuxuuse madaxweyne ku xigeenku noo sheegay in marka ciidamda amaanku hawsha diiwaangelinta ay ka soo xaroodaan ay xukuumadu fulin doonto, waxaanu noo cadeeyey in 31 ka December, 2008-da laga falaxalan doono xukunka deegaanadaasi fulintooda.

S: Qadiyada muranka dhul ee u dhexeeya deegaanada Gabiley iyo Baki waxaa hore iskugu maandhaafay kulan ay salaadiinta Sacad Muuse kala yeesheen madaxweyne Riyaale markaa arintu ma waxay isku bedeshay mid cuqaasha gobolka Gabiley u gaar ah mise mid beelaha sacad muuse u dhan yihiin ?

J:Horta qadiyada dhulkaasi waa mid beelaha sacad Muuse ay taladeeda wada leeyihiin, salaadiinta guud ee beeshuna iyagaa u igmaday in marka hore ay cuqaasha gobolka Gabiley madaxweyne ku xigeenka kala hadasho balse qadiyadaasi waa mid beelaha Sacad Muuse ay wada leeyihiin oo aan Gabiley gaar ku ahayn.


Xildhibaan Yuusuf Tuke Oo Shalay Shil Gaadhi Ku Geeriyooday Maantana Si Heer Qaran Loogu Aasi Doono Burco

Madaxweyne Rayaale, Shirgudoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacbiga Somaliland Ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka

Burco, November 12, 2008 (Haatuf) – Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ka tirsanaa golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku geeryoodey shil gaadhi oo shalay galab ka dhacay duleedka degmada War’idaad oo ka tirsan gobolka cusub ee Saraar.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaas, Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Tuke waxa la qallibmay gaadhi noociisu yahay Toyota Surf oo ay ku safrayeen Marxuumka iyo odayaal kale oo ka yimi magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, xilli ku beegnaa abbaaro 5:30 (Wakhtiga Geeska Afrika) galabnimo ee shalay, iyagoo markaas u soo jeeday dhinaca magaalada Burco.

Waxa kale oo shilkaas ku dhaawacmay Afar nin oo kale oo ay ka mid yihiin; mulkiilaha gaadhiga qallibmay, Cali Siciid Raygal oo ka mid ah odayaasha deegaanka Caynabo, isla markaana ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Cabdi Muxumed Qaloombi (Cabdi Cago) iyo Saleebaan Diiriye Barre oo labaduba ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beelaha bariga Burco. Waxaana la sheegay inay qabaan dhaawacyo kala duwan, badidooduna ay sahlan yihiin.

Meydka Marxuumka iyo dhaawaca saddexda oday ee kaleba waxa xalay la keenay cusbitaalka magaalada Burco, halkaas oo dhaawaca lagu daaweynayo, iyadoo Meydka Marxuumkana maanta lagu aasi doono magaalada Burco, halkaas oo jinaasad iyo baroordiiq qaran loogu samayn doono.

Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee kaalinta muuqata ka soo qaatay Halgankii dib u xorraynta Somaliland, wuxuuna ka soo qabtay xilal kala duwan ururkii SNM, isaga oo inta badan ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee SNM, gaar ahaan xilliyadii guda-galka ee 1988 iyo intii ka dambeysay. Waxa kale oo uu Marxuumku qayb weyn ka qaatay dedaaladii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha iyo dhismaha dawladda Somaliland. Waxaana si gaar ah loogu xasuusan karaa doorkii hormuudka ahaa ee uu ka qaatay shirarkii nabadaynta beelaha bariga Somaliland ee la baxay “Danwadaag Bari” oo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii abaabushey.

Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Tuke, waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dawladdii u horreysey ee Somaliland ee uu madaxda ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali, isaga oo mar ka ahaa dawladdaas wasiirka Madaxtooyada.

Marxuumku waxa uu ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland, waxana laga soo doortay Gobolka Sanaag, isaga oo ka mid ahaa xildhibaanadii gobolkaas uga soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Marxuumka iyo odayaasha la socday waxa la sheegay inay ku gudajireen socdaal iyo hawlgal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta oo ay ku marayeen deegaamada gobolka Sanaag ee laga soo doortay Xildhibaanka geeryoodey.

Marxuum Yuusuf Maxamed Cali, wuxuu noqonayaa xildhibaankii labaad ee ka baxa xildhibaanada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Sanaag, waxaana ka horreeyey Alle ha u naxariistee Xildhibaan Jabaabul oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Wakiilada ee xisbiga UDUB uga soo baxay gobolka Sanaag, kaas oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa September sannadkii hore. Guud ahaanna wuxuu noqonayaa xildhibaankii Saddexaad ee ka geeryooda golaha Wakiillada ee la soo doortay dhammaadkii 2005, iyada oo xildhibaankii ugu horreeyey ee ka baxa goluhuna uu ahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aare oo laga soo doortay Gobolka Awdal, xisbiga UDUB.

Sida ku cad liiska keydka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag, Alle ha u naxariistee, Marxuum Yuusuf Maxamed Cali (Tuke), waxa beddeli doona oo buuxin doona xubinnimadiisa Golaha Wakiilada, Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Talyanle oo isagu ugu horreeya liiska xubnaha keydka ee xisbiga KULMIYE uga tartamaysey gobolka Sanaag.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaallo tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, iyaga oo ka tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timi Alle ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke).

Madaxweyne Riyaale, dhambaalkiisa tacsida ah isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi ugu diray qoyskii uu ka baxay marxuum Yuusuf Maxamed Cali (Tuke). Waxana uu Illaahay uga baryey inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga Somaliland guud ahaanna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kalena gudoomiyaha Golaha

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhammaal tacsi ah oo uu xalay soo gaadhsiiyey warbaahinta, waxa uu ku yidhi,

“Anniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka xisbiga KULMIYE, waxaan ka tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland guud ahaan geerida naxdinta leh ee ku timi Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland.

Alle ha u naxariistee, Yuusuf Tuke, wuxuu ahaa shakhsiyaadkii qiimaha weyn ku lahaa halgankii xorraynta ee SNM, nabadayntii iyo dib u dhiskii Somaliland. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna Samir iyo Iimaan inaga siiyo. Aamiin. Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun”.

Shirguddoonada labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa iyaguna dhambaallo tacsi ah u diray xalay qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Yuusuf Tuke.

Marxuumka ayaa maanta aas qaran loogu aasi doonaa magaalada Burco, iyadoo la sheegay inay aaskaas ka qayb-geli, isla markaana subaxnimada hore ee maanta ka jarmaadi doonaan caasimadda Hargeysa, Shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka oo ay hoggaaminayaan gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxaam Cirro iyo gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud. Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siillaanyo iyo xubno ka tirsan hoggaanka xisbigaas ayaa iyaguna aaska marxuumka ka qayb-galaya.

Dhinaca xukuumadda, ayaa la sheegay inay uga qaybgelayaan aaska marxuum Yuusuf Tuke wasiirro hadda ku sugan magaalada Burco.


Xuseen Caydiid Oo Cadaadis Lagu Saarayo Inuu Ka Mid Noqdo Xukuumadda Cusub Ee Loo Dhisayo Mbagathi

Asmara, November 12, 2008 (W. Wararka) – Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee Isbahaysiga isku magacaabay Dib-u-xoreynta Somalia garabka Asmara, Xuseen Maxamed Maxamed, ayaa la sheegay in cadaadis lagu saarayo sidii looga soo jari lahaa kooxda uu hoggaamiyo Xasan Daahir Aweys ee ka soo horjeeda heshiiskii dhawaan garabka kale ee Isbahaysigaasi uu la saxeexday dawladda Mbagathi, kaas oo la doonayo in xal loogu raadiyo sidii dalka Somalia nabad loogu soo dabaali lahaa.

Sida la sheegay Saraakiil sar-sare oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa kulamo isdaba-joog ah kala yeelanaya Xuseen Caydiid sidii ay ugu qancin lahaayeen inuu ka mid noqdo xukuumadda cusub ee Ra’iisal-wasaaraha Mbagathi Nuur-cadde la filayo inuu soo dhiso, si loo meelmariyo hindisaha awood-qaybsiga xukuumadda Mbagathi.

Siyaasiyiin, aqoonyahano, culimaa’udiin iyo ganacsato u badan beesha uu ka soo jeedo Xuseen Caydiid ayay wararku sheegeen inay labadii toddobaad ee la soo dhaafay inay wadeen cadaadis ay Xuseen Caydiid ku ogoleysiinayaan inuu taageero siyaasadda iyo qorshaha garabka Sheekh Shariif Sh. Axmed ee isbahaysiga la baxay Dib-u-xoreynta Somalia, si loogu guulaysto meelmarinta rajada laga qabo in heshiiska Djibouti lagu kala saxeexday horseed u noqdo nabad laga dhaliyo Somalia.

Inkasta oo ay wararkaasi tibaaxeen in siyaasiyiinta cadaadiska saaraya Xuseen Caydiid uu ka mid yahay Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka xukuumadda Mbagathi Axmed Cabdi Salaan X. Aadan oo ah ninkii lagu bedelay Xuseen Caydiid laftiisa, haddana Xuseen Caydiid oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaar ka mid ah ayaa sheegay inaanu marnaba ka tanaasulayn mawqifkiisa siyaasadeed ee uu kala aragtida yahay Xasan Daahir Aweys iyo xubnaha garabka Asmara ee isbahaysigaas.

"Xukumadda Washington waxaanu ka codsanay inay Xasan Daahir ka qaado xayiraadda, kana saarto liiska argagixisada caalamiga ah, anigu siyaasad ahaan waxaan rumaysannahay dastuurka Isbahaysiga dib u xoreynta, mana doonayo inaan ka mid noqdo Dawlad uu Cabdillaahi Yuusuf madax ka yahay, maxaa yeelay hadaan xil rabo shalay kamaan tageen anigoo Ra'iisul-wasaarre ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha gudaha ah". Sidaas waxa yidhi Xuseen Caydiid oo ka hadlayay dhaqdhaqaaqyada iyo dedaalada lagu doonayo in lagu ogolaysiiyo inuu ka soo go’ garabka Xasan Daahir Aweys hoggaaminayo ee isbahaysiga la magacbaxay dib-u-xoreynta Somalia ee fadhigiisu yahay Asmara.

Warar kale oo hoose ayaa sheegaya in Xuseen Caydiid lagula gorgortamay in jago loo dhiibayo iyo weliba dhaqaale, hadii uu ogolaado hindisaha lagu cadaadinayo ee ka mid noqoshada Xukumadda cusub ee loo samaynayo dawladda Mbagathi.

Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu hore ugu amaanay Xuseen Caydiid inuu diiday gorgortan ay Qaramada Midoobay ugu soo bandhigtay xil sare oo loo dhiibo iyo dhaqaale la siinayo, haddii uu taageero heshiiska Djibouti ee dawladda Mbagathi iyo garabka Sheekh Shariif kala saxeexdeen.

Garabka Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Somalia ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inay rumaysan yihiin in siyaasadoodu meelmari karto hadii ay taageeraan rag siyaasiyiin ah oo hadda ka mid ah garabka uu hoggaaminayo Xasan Daahir Aweys, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xuseen Ceydiid, Jaamac Maxamed Qaalib, Yuusuf Dheeg iyo Shariif Saalax Maxamed

Jaamacadda Pretoria Oo Buugaag Ugu Deeqday Jaamacadda Hargeysa

Pretoria, November 12, 2008 (Haatuf) – Ardaydii iyo Macalimiintii (Professors) ka socday Jaamacadda Pretoria ee dib uga laabtay socdaal dhawaan ay ku yimaadeen Jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay in ilaa 550 Buug oo kuwa shuruucda caalamiga ah laga barto ah oo ay u soo ururiyeen Jaamacadda Hargeysa, si ay wax uga taraan baahiyaha dhinaca buuggaagta sharciga laga barto oo ay sheegeen inay ku soo arkeen inay ka jirto Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga.

Weriye Siciid Maxamed Furraa oo ku sugan magaalada Pretoria, ayaa warbixin kooban oo arrintaas wargeyska Haatuf uga soo diray waxa uu ku sheegay inay ardaydii iyo Macalimiintii la socotay ee sannadkan booqashada aqoon-korodhsiga ah ku yimid Somaliland ay Jaamacadda Pretoria ku soo bandhigeen muuqaalo iyo macluumaad kala duwan oo la xidhiidha waayo-aragnimadii ay ku arka soo heleen Somaliland, gaar ahaan Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanu warbixintiisa ku bilaabay:

“Xidhiidhka Tacliimeed ee u dhexeeya Jaamacadda weyn ee Pretoria iyo Jaamacadda Hargeysa ayaa ah mid sii koreya, sanadkasta kuliyadda qaynuunka ee Jaamacadda Pretoria waxay u diraan Somaliland 10 arday iyo Borofasooro wax ka dhiga jaamacadda Pretoria si ay deraasad ku saabsan xuquuqul insaanka iyo habka dawladeed ee Somaliland ay ugu soo sameeyaan, iyadoo isla mar ahaantaasina Jaamacadda Pretoria ay sanad walba ka soo qaataan Jaamacadda Hargeysa arday degree-ga hore ee qaynuunka ku soo qaadatay Jaamacadda Hargeysa, si ay Master Degree-goodana ugu sameeyaan Jaamacadda Pretoria.   

Sanadkan waxay ardaydii iyo Borofasooradii la socday ee ka soo laabtay Somaliland ku soo bandhigeen jaamacadda Pretoria waayo-aragnimadii ay ka soo dhaxleen Somaliland iyo goobihii kala duwanaa ee ay booqdeen. Muuqaaladda ay ka soo bandhigeen jaamacadda Hargeysa ayaa ahaa kuwo xiiso iyo xog badanba xambaarsanaa. 

Bandhigga ardayda iyo macalimiintooda la socday waxaa ka muuqaynaysay baahida dhinaca buugaagta ah oo ay ku yar yihiin buuggaagtu makatabadda jaamacadda Hargeysa, taasina waxay sababtay in ay u abaabulaan qorshe ay buugaag ugu ururinayaan Jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo ay nasiib u yeesheen ardayda jaamacadda Hargeysa inay helaan.

"Booqashadayadii aanu booqanay Somaliland sannadkii hore iyo sannadkan 2008, ayaa waxa aanu dareenay baahida dhinaca buugaagta qaynuunka laga barto oo ku yareyd jaamacadda Hargeysa, taasina waxay noqotay baahi ay muhiim tahay in aanu wax ka qabano" Sidaa waxa yidhi Mr. Martin, oo ka mid ahaa Borofasoradii booqashada ku yimid labadii sannadood ee u dambeeyay Somaliland, waxaanu isagoo sii wata hadalkiisana yidhi "Waxa mudo yar oo ka yar 2 bilood aanu ku guulaysanay in aanu isugu keeno buugaagtan oo dhan 550 buug oo ka kooban qaynuunka caalamiga ah, waana buugaag heerkoodu sareeyo daboolayana dhamaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qaynuunka caalamiga ah"ayuu yidhi Mudane Martin.”


Somaliland way ogtahay halka ay godobteeda u raacayso

Maxamed .I. S

 Barnaamijka laga siidaayey idaacada laanta afka soomaaliga ee BBC-da 2:00 duhurnimo iyo 5:0o galabnimo ee shalay oo ku saabsanaa qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay caasimada Somaliland ee Hargeysa 29 kii October ayaa waxay ku sheegtay BBC-du barnaamijyadeedaaa ay  baahisay hordhna uga dhigtay in muddadii ka  dambeysay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay caasimada Somaliland dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda koonfurta Somalia ee ku sugan caasimada Somaliland lagula kaco cadaadis iyo xadhig iyadoo aan loo kale Aabo yeelin ciroole iyo caruur, culimo iyo caamo maati iyo waayeel-ba. iyadoo aanay BBC-duna sheegin cida ay wararkaasi ka soo xigatay.

Barnaamijkii labadii duhurnimo ee BBC-du baahisay oo wariye Maxamed Maxamuud Cade uu ku waraystay gudoomiyaha gudida dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda koonfurta Somalia faarax Gilin iyo gabadh aanay BBC-du xusin magaceeda balse aan la garanayn waxa ay bbcdu u qarisay magaca gabadhaasi ayaa waxa dhacday in barnaamijkii 5-ta galabnimo ee idaacadu baahisay laga jaray waraysigii gudoomiyaha dadka ka soo qaxay koonfurta Somalia ee ku sugan Somaliland Mr: Faarax Gilin, taas oo wariye Maxamed Maxamuud Cadde uu waraysi kula yeeshay barnaamijkii 5 galabnimo idaacadu baahisay, waraysigaa bedelkiisii wasiirkii hore ee horumarinta reer miyiga Somaliland fu’aad aadan Cade taas oo wariye Maxamed Maxamuud cade uu halkaasi ku waydiiyey Su’aal ahayd dadka ka soo qaxay dagaalada koonfurta Somalia ka socda “sow ma jiraan dad cabashadooyinkooda na soo gaadhsiiiyey iyo kuwo aan na soo gaadhsiininba, sideed u aragta arimahaasi”, taas oo weriyuhu si ka baxsan anshaxa saxaafada iyo eed aanu daliil u haynin u waydiiyey qof kii uu waraysanayey isla markaaana uu doonayey inuu afka u galiyo cambaarayn toos oo aanu daliil u haynin isla markaana maskaxdiisa uu ka keenay taas oo uu ugu gaysanayey aflagaaado iyo meel ka dhac shacbiga reer Somaliland ee iyagu martigaliyey dadka ka soo qaxay koonfurta Somalia ee dagaaladu ka socdaan ee wakhtigan xaadirka ah ku sugan dhulka somaliland taas oo u fawdo iyo kala fogayn ka dhexsamaynayey shacbiga Somaliland iyo bulshada Somalia ee ay martigalinta ugu sameeyeen dhulkooda..

Waxaanay shacbiga Somaliland wakhitgan xaadirka ah iswaydiinayaan, waxaa laga siiyo Yuusuf Garaad iyo beeshiisa Caydh oo 18 kii sano ee ay Somaliland jirtay godobo fara badan ka galay.taas oo aanay Yusuuf Garaad iyo wariyeyaasha la haybta ah ee BBC-du aanay si cadaalada barnaamijyo ugu soo bandhigin weeraradii argagixiso ee ka dhacay caasimada Somailand 29 kii October, kuwasoo ay ku dhinteen dad tiradoodu tahay 24 qof kuna dhaawacmeen dad tiradoodu kor u dhaaftay dhawr iyo sodon qof, taas oo Yuusuf Garaad iyo weriyeyaashiisa beesha caydh ay ka dhigayaan dadkii maatida ahaa ee reer Somaliland ee ku dhintay weeraradaa argagixiso in ay dulmi u gaysanayaan dadkii ay martigeliyeen ee Reer Somalia, kuwii labaadhayeyna ay ka dhigayaan kuwo la dulmayo oo lagu tacadiyeyo.

Waxaanay shacbiga reer Somalia ee ka soo qaxay dagaalada ka socda koonfurta Somalia ay had iyo jeer shacbiga Somaliland uga mahadceliyaan soo dhawayntii fiicnayd ee loogu  sameeyey gayiga Somaliland muddadii ay deganaayeen.

Waxaanu Yuusuf Garaad dadkiisa ugu yeedhayaa balaayo aan jirin, godobihii hore ee ay somaliland ka tirsanaysay-na waxa uu ku sii daray inuu difaaco argagixisada Al-shabaab, dadkii maatida ahaa ee ay ku laayeen Hargeysa-na uu ka soo qaado dad istaahil ku ahaa in la dilo.

Hadaba 1988-kii ayey goboladii Somalia ee xiligaa la odhan jiray gobolada Waqooyiga Somalia ayaa waxaa dhacday in ciidamo rajiimkii siyaad Bare u adeegi jiray oo lagu laayey waqooyiga Hargeysa ayaa waxaa dhacday in beesha Caydh xilligaasi ka dib ay bilowday falal ay kaga aargoosaynayso beelaha reer Sheekh Isaxaaq ee reer Somaliland iyadoo magaalada Muqdishana ay ku dileen dad ka soo jeeda beelaha reer Sheekh Isaxaaq oo tiradooda lagu qiyaaso dhawr boqol oo qof, waxaa kale oo beesha Yuusuf Garaad ee Caydh ay ka masuul ahayd dilkii guddoomiyihii SNM ee  marxuum Cabdiqaadir Koosaar oo horaantii 1987 kii oo lagu dilay gobolka Mustaxiil ee kililka shanaad ee soomaalidu degto ee Itoobiya.

Hadaba Yuusuf Garaad oo lagu xaman jiray awal hore inuu taageero weyn siiyo ururka Alshabaab ayaa waxaa maanta cadaatay inuu Yuusuf garaad cadaystay inuu diyaar u yahay si kasta oo uu ku difaaci karo ururkaasi Alshabaab-ba uu ku difaaco.

 Top