Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1888 | Novem 17, 2008 | |
“Madaxweynaha Djibouti Maaha Inuu Xidhiidhka Ku Koobo Xukuumadda Ku Meel-gaadhka Ah Ee UDUB Afarta Bilood U Hadhay”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xidhiidhka Djibouti Iyo Somaliland Ee Soo Wanaagsanaanaya
Ra’iisal Wasaaraha Mbagathi Oo Sheegay Inaanu Cabdillaahi Yuusuf Doonayn Dib U Heshiissiinta Mucaaradka iyo Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu Magacaabay Nuur-Cadde
Xukuumadda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Dacwad Ku Soo Oogayso Cabdillaahi Yuusuf
Berbera: 65 Arday Oo Ka Qalinjebiyey Kuliyadda Culuumta Badda Oo La Gudoonsiiyey Shaqaadooyin
Iibka Sayladda Xoolaha Boorama Oo Dib U Furmay Kadib Markii Ay Dorraad U Xidhantay Ciidamada Amniga Lagu Wargeliyey Inay Neefkii Ku Cashuuraan 10 Dollar
Hadal Laga Soo Xigtay Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Gobolka Awdal Ka Abuuray Jawi Colaadeed Iyo Abaabul Ku Jihaysan Bariga Deegaanka Baki
Miyey Ku Adag Tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Inay U Sameyaan Dadka Naafada Ah Hab Ay Awoodi-Karaan |
“Madaxweynaha Djibouti Maaha Inuu Xidhiidhka Ku Koobo Xukuumadda Ku Meel-gaadhka Ah Ee UDUB Afarta Bilood U Hadhay” “Doorashada Madaxtooyadu Waa Inay Wakhtigeedii Ku Dhacdo” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe Hargeysa, November 17, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyey weftiga dawlada Djibouti ee uu hogaaminayo wasiirka Maaliyadu ee booqashada ku yimid dalka, isagoo dhinaca kalana Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay inuu wax badan ka bedelay habdhaqamadiisii hore ee uu kula macaamili jiray Somaliland uguna baaqay inuu xidhiidhka labada dal aanu ku koobin xukuumada Riyaale oo kaliya,balse u soo jeediyey in asxaabta mucaaridkana ay ka wada hadlaan xidhiidhada Somaliland iyo Djibouti. Waxaa kale oo uu guddoomiyaha UCID cambaareeyey tiradii xubinta komishanka doorashooyinku ay ku sheegtay diiwaangelintii gobolada Saaxil iyo Awdal oo ku tilmaamay arin ceeb ku ah guud ahaan komishanka Doorashooyinka una soo jeediyey in si wada jir ah ay warmurtiyeedyo u soo wada saaraan, isla markaana ay ka waatoobaan in si shakhsi ay uga hadlaan xilka saaran iyo waajibaadka ay u igman yihiin. Waxaa kale oo uu eedo kulul u soo jeediyey wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ahmedou wellad cabdallah oo uu ku tilaamay nin ka soo horjeeda qadiyada Somaliland waxaanu ugu baaqay golayaasha qaranka inay qaraar ka soo saaraan sidii looga mabnuuci lahaa dalka inuu soo galo, waxaanu sidaasi guddoomiyaha UCID ku sheegay Eng: Faysal Cali Waraabe waraysi khaasa oo aanu khadka telefoonka kula yeelanay taas oo uu sidoo kale kaga hadlay suurtagalka doorashada Madaxtooyada ee loo cayimay 29 March,2009-ka. Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayaana waxa uu u dhacay sidan: S: Sideed u aragtaa duruufaha ay komishanka doorashooyinku ku sheegeen inay hakiyeen hawsha diiwaangelinta, iyagoo aan wax muddo ah u cayimin bilowga diiwaangelinta ay bilaabi doonaan? J: anagu xisbi UCID ahaan dalal badan ayaanu u socdaalnay oo aanu ku nidhi diiwaangelin ta hanalaga caawiyo, 75 waxaa inoogu deeqay dawladaha deeqda bixiya, waxaana laysla qaatay oo loo dhigay in hawsha diiwaangelintu ay u qabsoonto gobol gobol, waxaana farsamadooda awood u leh hay’ada Interpeace iyaadaana qandaraasyada bixinaya, in wixii ka dhiman loo sheego mooyee in la cambaareeyo dad inoo shaqaynayana foolxumo ayey inagu tahay, nin la odhan jiray John Petter oo reer Danmark ahaa intuu is casilay ayuu iskaga tagay waxaanu inaga tagay niyad xumaan wada shaqayn la’aan iyo hadal badnaan buu inooga tagay. arinta inagu dhacday ee ay argagixisadu inagu samaysayna waa arin xaga dibada inagaga timid oo aan la filayn arinta hakinta diiwaangelintana waxaa la leeyahay shirkadii farsamada hawsha diiwaangelinta wadayna shirkada qandaraaska la siiyey waxay tidhi kobanigii dawladii ayaa diiday waxa loo bedelay kambani kale oo gaar ah oo iyagu siin jireen Sub-contract aya afar qof oo kale inoo soo tababaraya, safarkii bay inoo soo hagaajiyeen laba khabiir oo tababarayaalana waa laynoo soo dirayaa markaa maaha inaynu inaga hawsheenii iska dacaayadayno mana aha qof aan waxba ka qaban in warka laga qaato maaha markay wax soo baxaan waa in dadka u dhuun daloola oo shaqada gacanta ku hayaa wixii rasmiga la waydiiyaa, laakiin waxaan idinku qortaan oo kale inaad tidhaahdaan gobolka saaxil waxaa iska diiwaangeliyey 150,000 oo qof gobolka Awdalna waxa iska diiwaangeliyey 230,000 oo qof waa wax laga yaqyaqsoodo weeyi, idinkana waxbay idin dhimaysaa saxaafad ahaan iyo wargeys ahaan . S: Masuul komishanka doorashooyinka ka tirsan oo waliba ah wakiilka komishanka aad u soo magacawdeen xubinadi xisbigina ayaa isagu sheegay waraysi uu siiyey Haatuf balse wargaysku arinta si tirada dadka iska diiwaangeliyey gobolada Awdal iyo saaxil ma soo bandhigin? J: xeerka komishanka doorashooyinku waxa uu sheegayaa wixii ka xumaadaa inuu yahay wax gudida doorashooyinka ka wada xumaadaan, waanunu u wada haysaanaa oo anagu ma odhanayno hebelbaa wanaagsanaa oo komishankaa xumaa komsihanku waa institution haday wax ka qaloocdaana iyagaa wada leh haday haagaagsanadaana iyagaa wada leh , waxaanan kala talinayaa in komishanka doorashooyinku ay iska daayaan wararkan aanay wada jirka u soo wada saarayn ee ay qof qofka u odhanayaan, horta komishanku iyaguun baa is caayeya, shakhsi caayi mayno gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenkana ma caayeyno ceebna ma saarayno balse ceebtu iyaguun bay wada saaran tahay, oo iscaayaya anigu waxaan qabaa in muddo yar ee diiwaangelintu inaga khakhal gashayna inaynu ka kaban karno oo marka bari loo baxo ee ay Hargeysa inaga dhamaato in gobolada qaarkood aynu isku dari karno oo halmar laga wada qaban karo. S: Komishanka doorashooyinku tirooyinkii gobolada saaxil iyo Awdal uu ku sheegay Axmed Maxamed Xaji Daahir kamay hadal manay beenin mar hadaanay komishanku wax wara aanay ka soo saarin arintaa maxaa keenay inaad adigu cambaarayso arinkaasi? J: wixii wax inaga khalkhalinaya inaynu ka hadalno aa masuuliyad ina saaran, diiwangelintana waa laynala leeyahoo kalideen ma lihin, markaynu hadlana waa inaynu aduun kana ku xisaabtanaa laakiin haddii aynu ku xisaabtano hebel ku xumeena inagaa wax is yeelayna adigoo is leh hebel ku xumee oo hebel ujeeda ayaa wax laga yaabaa inaad qarankii oo dhan waxyeeshid markaa waxaa loo baahan yahay inaynu saxno wixii qalada ee jira anigu UCID ahaan waanu joognay bilowgii diiwaangelinta gobolada saaxil iyo awdal tirada guud dadkii iska diiwaangeliyey gobolada Saaxil iyo awdal xiitaa 15 kii maalmood ee la kordhiyey goobaha qaarkood waa la yaqaanaa markii tiro aan suuragal ahayn in la sheego iyo in la qoro toona maaha in dagaal lagu qaado inter Peace waa ceeb sidaa darteed waxaanu ka digaynaa in umada lagu soo dhex tuuro tirooyin ummadda jahawareer ku riday khal khalna gelin kara. S: habdhaqanka wakiilka xoghaya guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Axmedou Weld Cabdallah oo mudadii qaraxyadu ka dhaceen dadka aan imanin sideed u aragtaa ? S: Anigu waxaan ahaa ninkii ugu horeeyey ee ninkaasi la kulma markii Somaliland loo soo magacaabay, Nairobi baan kula kulmay maalintii aan la kulmay iyo intii ka dambeysayba waan danisnaa ninkaas laakiin intaa waxaan wax uga sheegi waayey waxaan islahaa ninkaasi hadaad sheegto shaqo xumaantiisa iyo Somaliland in aan u soo jeedin aad ka hadashid waxaanad ka amaan helayn dawlada oo intay ciyaal soo ururiso sideedii ay odhan doontaa hebeloow hebel u jawaab. Waa Illaahay mahadii haddii uu wasiir khaarijiyihii maanta arkay, ninkaasi Axmedou Weld Cabdallah maaha nin Somaliland iyo Somalia u soo jeeda. S; Weftiga Djibouti ka socda oo ah weftigii ugu horeeyey ee dalka yimaada sideed u aragtaa weftigaa ? J: Wixii aniga iyo Madaxweynaha Djibouti ismaaciil Cumar Geele noo dhaxeeyey waxay ahaayeen uun, waar way fiican tahay in Somali la caawiyeyaaye horta jaarka kaga biloow anagaa maanta kugu xaq laha, sidaanu kuu gacan qaban jirnay anaagana noo gacan qabo, markaa waan soo dhawaynayaa weftigaa dawlada Djibouti ee dalka yimid waxaanse hogaaminka Djibouti u sheegayaa in dawlada UDUB ee maanta haysa ay u hadhsan tahay muddo afar bilood ahi, isla markaana ay tahay dawlad ku meel gaadha xiligan la marayo sidaa darteed waxaanu u soo jeedinaynaa in aanu hogaanka Djibouti iyo weftiga ka socdaa aanay xidhiidhada labada dal iyo kulamada ku koobin dawlada ku meel gaadhka ah balse waa inay asxaabta mucaaradkana kulano la yeeshaan oo ay xidhiidhka labada dal kala hadlaan, ninka xaashi afweynana waanu ku faraxsanahay inuu dalka booqasho ku yimaado. S: Maadaama diiwaangelintii hakatay, doorashadii madaxtooyadana loo cayimay 29 ka March 2009-ka, rajo intee leeg baad ka qabtaa in komshanku doorasho ku qabana karo, mudadaa kooban? J: Cid ka hadlaysaa dib udhigid doorashada Madaxtooyada ma jirto, cid ay maskaxdooda ku soo dhacdayna ma jirto, waxaanu filaynaa in doorashada madaxtooyadu ay ku dhacdo xiligii loo cayimay 29 March, 2009, diiwaangelintu wakhtiga ay dhamaanayso wakhti baa inoo qarsoona wakhtigii uun baa laga yaabaa inaynu badh ka cuno markaa wakhti inaga lumayaa ma jiraan, yeynaan iska dhigin dal ay argagixisadu ka sayid calaysay.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xidhiidhka Djibouti Iyo Somaliland Ee Soo Wanaagsanaanaya “Weftiga Djibouti weynu soo wada dhawaynaynaa waayo waa dal wax badan inaga dhexeeyaan.” Hargeysa, November 17,2008 (Haatuf)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo dhaweeyey xidhiidhka dawlada Djibouti iyo Somaliland ee mudooyinka dambe isa soo taray, taas oo uu ku tilmaamay Djibouti dal iyo dad aynu wadaagno waxyaabo farabadan, isla markaana loo baahan yahay inaynu isla kaashano waxbadan. Guddomiyuhu isaga oo ka hadlaaya ujeedooyinka iyo tuhuno qarsoon oo la xidhiidha dhinaca ganacsiga oo la sheegay in ay ku hoos jiraan socdaalka weftiga jabouti ee u hogaaminayo wasiirka maaliyada Djibouti waxa uu sheegay in aanay xisbi ahaan arimhaasi si xaqiiqo ka uga warhayn, balse ay ka akhriyeen qaarka mid ah warbaahinta dalka, sidaa darteedna aanay hada waxba ka odhan doonin . Guddoomiyaha Axmed Siilaanyo sidaa waxa uu ku sheegay waraysi kooban oo ay Haatuf xalay khadka telefoonka kula yeelatay kaas oo uu dhinacyo kooban oo la xidhiidha aragtidooda ku waajahan weftiga Djibouti ee Somaliland booqashada ku yimid iyo hakadka iyo dib udhaca soo foodsaaray hawlihii diiwaangelinta ee ka socday dalka. Hase yeeshee ugu horayn gudoomiyaha mar la waydiiyey xisbig ahaan bal sida ay u arkaan rajada dib u dhacan ku yimid hawshii diiwaangelinta iyo saamaynta ay yeelan karto ku dhawaaqis la’aanta gudida doorashooyinka in ay muddo dambe u cayimaan hirgelinta geedi socodka hawlihii diiwaangelinta waxa uu ku jawaabay oo u sheegay in arintii dib udhaca diiwaangelinta ay sabab u ahayd qaraxyadii dhawaan lala beegsaday Hargeysa kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen, dad cadow ah oo doonayey in ay carqaladeeyaan nebadgelyada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka dhanka ahna ku qaaday somaliland taas oo u gudoomiyuhu xusay in loo baahan yahay in laga wada midoobo mucaarad iyo muxaafadba in laga hortago. Haseyeeshee gudoomiyuhu waxa uu ka digay in aanay ujeedooyinka cadowgaasi doonaayey aanay suurto galin sidaa darteed loo baahan yahay in sadexda xisbi iyo gudida doorashooyinkuba in ay culayska saaraan sidii ay wax waliba halkeedii uga soo celin lahaayeen, isla markaa ahaana hawshii diiwaangelinta mar labaad dib ugu bilaabi lahaayeen isagoo guddoomiyuhu jawaabta su’aashaasi oo aanu soo koobnay ka hadlaayana waxa uu yidhi “ way jiraan dhibaatooyin ay gaysteen weeraradii cadawga nagu soo qaaday oo dib u dhac ku keenay hawlihii diiwaangelinta, haseyeeshee inaga ka duulay-na in aanay suurto galin ujeedooyinka cadawgu ka lahaa weeraradooda waxaana culayska saari doonaa in aynu helno wixii inaga cawinaya wax kasta oo caqabad ku noqon kara hawleheena. Sidaa darteed waxa aanu ku dadaalaynaa in aanay soo bixin caqabado suurto galiya diib udhac intaa ka badan” Sidoo kale guddoomiyaha Axmed Siilaanyo mar la waydiiyey xisbiga ahaan aragtidooda siyaasadeed ee ku saabsan weftiga dawlada Djibouti ee dhawaan socdaalka ku yimid somaliland waxa uu ku jawaabay “ runtii weftiga Djibouti waynu soo wada dhawaynaynaa waayo dawlada Djibouti waa dal iyo dad ay wax badani inagu dhaxeeyaan, waa dad aynu walaalo nahay waa dal aynu jaarnahay. sidaad la socotaanba khataro badan ayaa ka jira mandaqadan khatarahaasina waa kuwii u baahnaa in la iska kaashado dawladaha aynu jaarnahay ee ay ka mid tahay Djibouti. Sidaa darteed waanu soo dhawaynaynaa weftiga Djibouti” Ugu dambayn mar la waydiiyey in ay jiraan ujeedooyin iyo tuhuno qarsoon oo la sheegay inay ku hoos jiraan booqashada weftiga Djibouti ee wakhtigan waxa uu kaga jawaabay “ waanu maqalnay oo qaar ka mid warbaahinta dalka waxyaabo ay ka qoraan weftigan Djibouti oo la xidhiidha ujeedooyinka socdaalkooda laakiin arimahaa markooda waanu iska hubsanaynaa xaalkooda”
Ra’iisal Wasaaraha Mbagathi Oo Sheegay Inaanu Cabdillaahi Yuusuf Doonayn Dib U Heshiissiinta Mucaaradka Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu Magacaabay Nuur-Cadde Nairobi, November 17, 2008 (W.Wararka) - Ra'isul Wasaaraha Dowlada Mbagaathi Nuur Xsan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku sheegay inaanu C/laahi Yuusuf doonayn in dib u heshiisiin lala galo kooxaha Mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dawladda Mbagathi iyo ciidamada Itoobiya. Raysal wasaare Nuur cadde ayaa si kulul uga hadlay hadal uu doraad jeediyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf mar uu kulan la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka Mbagathi ayaa uu sheegay inaanay wax dawladd ahi ka jirin Somalia waxaana hadaladii nuur cadde ka mid ah “Runtii dalka Xukuumad way ka dhisan tahay Madaxweynaha laftiisa wuu ogyahay" Sidoo kalena Ra'isul wasaaraha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Yuusuf in aanu raali ka ahayn in la heshiiyo oo lala heshiiyo kooxaha mucaaridka ah ee ka dagaalama Somalia. Isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Madaxweynuhu marnaba raali kama aha in heshiis lala galo kooxaha mucaaradka ee dowlada ka soo horjeeda". Mar uu ka hadlayay arimaha Maamul u sameynta Gobolka Banaadir waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay ka socan la'dahay Maamul u dhisida Gobolkaasi Madaxweynaha oo uu ku eedeeyay in uu ka doorbidayo Maamul Gobolka banaadir loo dhiso mid loo dhiso qeybo ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya. "Madaxeynaha wuu ka soo horjeedaa Maamul laga hirgaliyo Gobolka Banaadir wuxuuna taasi badalkeeda ka jecel yahay Maamulo laga dhiso qeybo dalka ka mid ah" ayuu si kulul u yidhi Nuur Cadde. Si kastaba ha ahaatee hadalka Ra'isul Wasaaraha shalay ka soo baxay ayaa ahaa kii ugu kululaa ee uu ku weeraro siyaasada Madaxweyne Yuusuf tan iyo markii xilkan uu u soo Magacaabay waxaana tani imanaysaa xilli cirka isku sii shareerayo khilaafka labadaasi Mas'uul ka dhex jira. Dhinaca kale, ra’iisal-wasaaraha Mbagathi, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) ayaa shalay soo saaray liiska 10 wasiir oo cusub iyo 17 wasiir ku-xigeen oo uu magacaabay, waxaana 17 wasiir ku-xigeen ku jira saddex ka mid ah wasiir ku-xigeenadii hore iskaga casiley dawladiisa. Magacyada Wasiirada uu shalay Magacaabay Ra'isul wasaaraha Mbagathi Nuur Cadde. 1. Ismaaciil Cabdi Maxamed-Wasiirka Garsoorka iyo Diinta. 2. C/llaahi Sheekh Ismaaciil-Wasiirka Waxbarashada iyo Hidaha. 3. Axmed Maxmoud Goonle-Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah. 4. C/raxmaan Cismaan Diriri-Wasiirka Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska. 5. C/waaxid Cilmi Cumar-Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka. 6. Cabdalla Boos Axmed-Wasiirka Gaashaandhiga. 7. C/raxmaan Jaamac-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. 8. Ibraahim Xabeeb Nur-Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta. 9. Fahma Axmed Nur-Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. 10. Axmed sheekh Maxed Laxoos-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. Wasiiro ku xigeenada Maanta la magacaabay 1. Maxuud Maxed Ofekiyo Wasiir ku xigeenka Maaliyada iyo Qorsheeynta 2. Ismaciil Xasan Maxuud Timir Wasiir ku xigeenka Dastuurka iyo Arimaha Fedralka 3. Xasan Macalin Xuseen Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Guryeynta. 4. Maxed Shiikh Yuusuf Wasiir ku xigeenka Wasaarada Garsoorka iyo arimaha Diinta 5. Bashiir Maxed aadan Wasiir ku xigeenka wasarada wax barashada iyo Hidaha 6. Ibraahin Isaaq Nuur Wasiir ku xigeenka wasarada Isboortiga iyo Arimaha Dhalinyarada. 7. C/rashiid Maxed Xidig Wasiir ku xigeenka wasaarada Ganasiga iyo Warshadaha 8. Maxuud Barre Xasan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Aminga dalka. 9. Salaad Cali Jeele Wasiir ku xigeenka Wasarada Gaashaanidhiga 10. Yuusuf Mire Ugas Wasiir ku xigeenka Wasarada Duulimadka dekedaha iyo Gaadidka Hawada 11. Dr Xuseen Cismaan Xuseen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta 12. Khadar Xasan Good Wasiir ku xigeenka wasaarada Beeraha iyo Horumarinta Dhulka. 13. Xasan Ibraahin Maxed Wasiir ku xigeenka Wasarada Boostada iyo Isgaarsiinta. 14. Ibraahin Cali Saalax Wasiir ku xigeenka Wasaraada Caafimaadka. 15. Cali Maxed Axmed Wasiir ku xigeenka xanaanada Xoolaha,Kaluumeysiga iyo Deegaanka. 16. Jamiilo Siciid Yuusuf Wasiir ku xigeenka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska. 17. Maxed Muxumed Aada wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada
Xukuumadda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Dacwad Ku Soo Oogayso Cabdillaahi Yuusuf Addis Abbaba, November 17, 2008 (W.Wararka) - Xukumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay dacwadd ku soo oogayso hogaamiyaha dawladda Mbagathi C/laahi Yuusuf, taas oo ay Itoobiya ku eedaysay in uu C/laahi Yuusuf inuu ciidamada Milateriga Itoobiya uu u addeegsaday dano shakhsiyadeed oo ay ku geeriyoodeen. Raysal wasaaraha Itoobiya Melles Zenaawi ayaa sidoo kale waxa uu u haystaa Madaxweyne C/laahi Yusuf dambiyo kale oo ay ka mid yihiin in hub Itoobiya siisay Madaxtooyadiisa loo gacan geliyey Muqaawimada oo lagu weeraray talisyadda Melleteriga Addis Ababa ee goboladda Somalia. “Madaxweyne Yuusuf wuxuu ku fashilmay hogaaminta xukuumadda Mbagathi, wuxuu si qaldan u adeegsaday Ciidamadda Melleteriga Ethiopia oo ku geeriyooday Somalia, waxaa jira falal laga tiiraanyooday oo Masuuliyadeeda uu shaqsi u leeyahay, sida Ciidamadii lagu tababaray Dalkeena Itoobiya oo la ogyahay in iyaga iyo hubkay wateen u galeen Muqaawimada, kulana jiraan dagaal Ciidamadeena Somalia” sidaana waxaa yidhi Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibadda Itoobiya oo la hadlay Warbaahinta. Masuulka u hadlay Wasaarad arimaha dibada ayaa waxa uu xusay inay Itoobiya dacwad ku oogeyso Madaxda Dowladda Mbagathi ciddii ku kacday falal ka baxsan qodobadii ay labada dawladood ku heshiiyeen.
“Hay'adaha xaquuqul iinsaanku waxay Xukumadeena ku dacweynayeen in aanu
ka masuul nahay xaaladaha Somalia, anagana waxaa nooga dhintay Ciidamo
badan oo si qaldan loo adeegsaday, waxay nala tahay in dambiyada dhacay
ka masuul yihiin Madaxda Dowladda Mbagathi ee Somalia, waxaana arinkaa
si qoto dheer looga hadli doonaa marka aynu Ciidamadeena kala soo baxno
Dalka Somalia" ayuu yidhi Wasiir Tekedha Alemu. Qorshaha cusub ee Melles Zenawi ayaa lagu sheegay mid uu kaga gilgilanayo gumaadkii Ciidamadiisa Melleterigu ka geysteen Somalia, halkaas oo ay ku dileen, kuna dhaawaceen, kuna barakiciyeen kumanaan shacab Somalia ah oo aan waxba galabsan. Cabdulahi Yuusuf oo ka mid ah Xulafadda muddada dheer ee Itoobiya ku lahayd Somalia ayaa taageerayaashiisa laga waayey fagaarayaasha lagu xifaaltamo, waxaana laga dareemayaa niyad xumo weyn oo ay is weydiinayaan waxa u sabab ah Isbedalka siyaasadeedka ee Itoobiya kaga xadhiga furatay Madaxweyne Yusuf. Dad badan ayaa rumsysan in Itoobiya ku dhamaatay dagaalada ka socda Somalia oo ay hadda kala baxeyso Ciidamadeeda, hasa yeeshee waxay Xeeldheerayaasha siyaasada ku gaamiray ay rumaysan yihiin inay kaar cusub u isticmaalayso Somalia si ay kaga taqalusto kooxaha ku xidhan Afghanistan, Eritrea sida Shabaabka Caalamiga iyo Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Xasan Dahir Aweys ee fadhigoodu yahay magaaladda Asmara.
Berbera: 65 Arday Oo Ka Qalinjebiyey Kuliyadda Culuumta Badda Oo La Gudoonsiiyey Shaqaadooyin “Baddeena Yemen oo qudha waxa la yidhi Bishii 10 milyan oo Dollar ayey ka heshaa” “Waxa dhacday Berbera in Gantaalo lagu qarxin jiray uu Ruushku kaga Tegay, Dhirtii way Dhimanaysaa xoolo dhalan rogan baa dhalanaaya dad iyo duunyo iyo deegaan intaba way saamaysay baa la leeyahay Aduunkuna waxba kama oga” gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Berbera, November 17, 2008 (Haatuf) - Wasiirada Waxbarashada iyo wasiirka Kaluumaysiga Xasan X. Maxamuud Warsame iyo Cali Maxamed Qoorseef ayaa maalintii doraad wadajir shahaadooyin u gudoonsiiyey Dufcadii kowaad ee ka qalin jebisa Kuliyada Culuumta Badda ee Magaalada Berbera, kadib markay dhamaysteen Heerarkii wax barasho ee ay ku qaadanayeen Kuliyada. Ardaydan oo Guud ahaan tiradoodu dhamayd 65 oo heerakoodu kala duwanaayeen, kuwaas oo toban ka mid ahi muddo sadex sanadood ah kuliyadaasi ku qaadanayeen Culuumta Marine Low iyo Nevigation-ka (culuumta sharciga badda) halka 55-ka kalena isugu jireen kuwo bartay xirfadaha kaluumaysig iyo barashada Luqada Ingriiska. ardaydan oo ahayd Dufcadii kowaad ee ka qalin jebisa Kuliyada ayaa Xaflad loogu talo galay Gudoonsiinta shahaadooyinka ay qaadanayeen oo lagu qabtay Hoolka wayn ee Kuliyada ayaa waxa xafladaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Waxbarashada iyo Kaluumasiga Somaliland Xasan X. Maxamuud Warsame iyo Cali Maxamed Qoor Seef, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyayasha Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa, Maamulka Berbera, madaxda kuliyada iyo Macalimiintooda Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Marti sharaf kale oo isugu jirtay Ganacsato aqoon yahano iyo waxgard kale oo farabadan. xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Kuliyada Culluumta Badda Berbera ayaa waxa furay Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali isagoo ugu horeyn halkaasi uga mahad celiyey ka soo qayb galayaasha iyo Gudiga Kuliyada ee iyagu soo agaasimay Munaasibadaasi oo uu duqu iyaga ku hanbalyeeyay dadaalka ay u galeen hirgelinta Kuliyada. Gudoomiyaha Gudidiga Kuliyada Marwo Faadumo Siciid oo Duqa kadi halkaasi ka jeedisay warbixin dheer taas oo ay si aada ugaga warantay marxaladihii ay kuliyadu soo martay, heerka ay maanta mareyso iyo weliba qorshahooda musqbalka dhow oo ay xustay inay ku howlan yihiin sidii ay Jaamacad u noqon lahayd Kuliyadu, Iyadoo si gaar ahna halkaasi uga xustay dad badan oo ay sheegtay inay Doorlibaax ka soo qaateen howlihii dhismaha iyo hirgelinta Kuliyada, kuwaas oo isugu jiray Jaaliyadaha Debeda iyo kuwo Dalka Gudihiisaba jooga, kuwaas oo ay aad ugaga mahad celisay Gacan ka gaysashadooda.. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa xubnihii xafladaasi qalinjebinta ka hadlay ayaa sheegay in ay Bulshada shacbiga ee Reer Somaliland Dadaalayaan, hase yeeshee ay banaan tahay kaalintii Xukuumadda Taladda Dalka Haysa, hadalka guddoomiyaha Xisbiga UCID oo aad u dheeraa isla markaana Taabanaya dhinacyo badan waxa uu ku bilaabay Hadlkiisa:- “Walaalayaal marka hore waxaan jeclahay bal inaan is xasuusino dhacdadii 29-kii October wixii inagu dhacay inaan durba ilowno ma aha walaalayaal, labaatan sano hortood ayaa la haweystay in layna tirtiro oo xasuuq laynagu bilaabay, labaatan sano ka bacdina waxa la bilaabay in qaranimadeena iyo nabadgelyadeena la burburiyo markaynu godobteeni daba geli weynay ayaa inagii daalac laynoo raacay, hadaynaan wax iska Celina waxaad ogaataan in hadana layna layn doono oo layna soo doonan doono hadaynaan wax iska celin, markaa waxaan leeyahay intii ku dhimatay dhacdadaasi illaahay ha u naxariisto intii ku dhaawacantayna ha shaafiyo dalkeena waa inaan difacno oo feejignaan la nimaadno sacabkan iyo quruxdanina jirimaayaan hadaynaan nabadgelyadeena ilaashan, ilaalinta nabad gelyaduna ma aha mid xukuumadda uun saaran ee waa waajib iyo xill dhmaanteen inagu wada waajib ah, waxaynu nahay dad shisheeyaha u jajaban inanka jaarkaagu inuu gidaarka gurigaaga taabto ma ogling laakiin qofka meel kale ka yimaada ee shisheeyaha ahi inuu taabto oo weliba ku kaajo ayaynu raali ka noqonaa iyadoo la leeyahay waa qariib, waa in loo fiirsadaa Dadka Ajaanibka ah ee inala jooga waa in loo fiirsadaa kuwa inaga ah ee la duufsaday, hadynu awal hore iska eegi jirnay ninka tuuga ah hadda waxaynu iska ilaalinaynaa nin gadh la baxay oo diinta inoogu soo gabada kaas weeye ka aynu iska ilaalinaynaa, Gadhku gadhkii ma aha Wadaadkuna wadaadkii ma aha intaasi waa iga dardaraan, maanta waad aragtaan Xamar waxa ku dhacay khaladkoodiina durba Aduunku gacantuu ku hayaa sababtoo ah waxay sameeyeen Documatation oo qoraalo ayay ka diyaariyeen inagana hadda wixii labaatan sano ka hor dhacay waxba lagam qorin oo lama hayo aduunkuna taariikhdiisa wuu qoraa Inshaa Allaahu Tacaalaa inaguna waynu qori doonaa” isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey Eng Faysal Cali Waraabe “maanta qalinjebintan aynu isgu nimi waxay iila mid tahay Maalintii La Furay Jaamacada Camuud oo ahayd tii kowaad ee dalkeena laga hirgeliyo walaalayaal maanta Baddeena oo dhami waa baylah Yamen oo qudhi waxa la yidhi Bishii Toban malyan oo Dollar ayey ka heshaa sanadkii waa in kabadan Boqol iyo Labaatan Milyan oo Dollar bay ka heshaa khayraadka Badeena, Djibouti ayaa gurata Masarbaa gurata taana waxaa keentay ma lihin awood aynu ku ilaashano Badeen iyo Khayraadkeeda, maanta waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dadka kasoo shaqeeyay iyo kuwa hirgeliyay Kuliyadan waxaanan leeyahay Baal dahab ah ayaa ka geli doontaan Taariikhda Somaliland, waxa muuqata sida ay dumarku maanta raga uga dadaalbadan yihiin sida ay ku socdaana waxay ila tahay inay xigi doonto inay dhawaan la wareegi doonaan hogaaminta dalka ilaa Madaxtooyo, waayo ragii waxa lagu saliday Bahalkan Qaadka layidhaahdo” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadakiisa sii wata isla markaana tilmaan ka bixinaya sida ay bulshada dalku ugu dadaalayso wax wada qabsiga isla markaana ay u banaan tahay Doorkii Xukuumaddu lahyd waxa uu yidhi “walaalayaal dalkeena maanta hadaad tagto xaflad jaamacadeed iyo hadaad tagto mid iskuul iyo hadaad mashruuc beereed tagtoba waxaad arkaysaa in cida howshaasi qabatay ee wadaa tahay shacbiga shacbiguna kuma filnaan karo doorkii xukuumadeena ayaa inaga maqan marwalba sidaasina inama anfacayso Dalkanina wuu Dumay oo wuu Burburay oo waa layna xasuuqay oo waa layna Murdiyey markaa walaalayaal wadankeenu wuxuu u baahan yahay awood dawliya iyo isbedel wax qabta ayuu u baahan yahay, hadaynu caqli leenahay Kuliyadan iyo wershada Laashashka samaysa ee Gamuur waynu dhisi lahayn oo waxbadan baynu ka tari lahayn waxay faadumo sheegtay inay kuliyadu hal laash oo keliya leedhay haday laba ama in kabadan haystaana ay arday inta maanta soo baxday ka badan tababari lahaayeen markaa walaalayaal waxay ahayd in dawladdu maalgeliso shirkada gamuur oo kale, aad baan ugu farxay maalin aan arkay ciidankeen badda iyo dhismihiisa wasiirka kaluumaysigan waxaan usoo jeedinayaa waxaa badeena soo gala maraakiib kaluumaysi waa in dakhliga kasoo hoyda lagu dhisaa Ciidanka iyo Kuliyadaba hadii kalena laga joojiyaaba in ay badeena gurtaan, walaalayaal todoba iyo toban sanadood ayaa hada inoo buuxsamaysa muddada intaas le’egna laba daarood oo qudha ayaynu dhisnay waxa inoo raacda waa wershada laydhka Berbera Dal intaas oo dhan jiray cidina inaga aqbalimayso laba daarood ayaanu dhisnay waxa loo baahan yahay wax qabad iyo inaynu dalkeena difaacano haddii kale dee aan iska ogolaano in layna qabsado iyo sida laynala doonayo inaynu Gobol noqono maaha inaynu isku maaweelino Somaliland Somaliland, keliya Soamliland waxay u baahan tahay in hore loo wado oo wax qabto oo dadka shaqo loo abuuro ayaa loo bahan yahay, hadda waxaan soo maray Magaalada Berbera waxa dhacday in Gantaalo lagu qarxin jiray uu Ruushkii kaga Tegay Dhirtii way Dhimanaysaa xoolo dhalan rogan baa dhalanaaya dad iyo duunyo iyo deegaan intaba way saamaysay baa la leeyahay Aduunkuna waxba kama oga waa in suntaas oo kale laga hadlaa oo aduunyada loo bandhigaa si hadaynaan waxba ka qaban kareyn ay cid wax kaqaban karaysaa inoogu timaado waa in aynu qaylo dhaan ka samaynaa walaalyaal, Dawladeena waxaan ka rabnaa inay shaqayso mudada afarta bilood ah ee u hadhay ama hanoo banayso ayaa nu leenahay” ayuu kusoo Gunaaday hadalkiisa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe. WasiirkaWaxbrashada JSL Xasan X. Maxamuud Warsme (Xasan Gadh weyne) oo isaguna Hadal kooban ka jeediyey Xaflaadaasi ayaa waxa uu ku blabay hadalkiisa;- “Waxaan hanbalyaynayaa ugu horeyn maamulka iyo macalimiinta kuliyada, Ardayda qalin jebisay qaybaha kala duwan ee aynu munaasiadooda isugu nimi maanta iyo intii kale ee kala qaybqaadatay Howsha Kuliyadaba, kolay aniga maanta ayaa iigu horeysa Xaflad aan kala qayb galo waayo waxa jirta waxoogaa Inqilaab aan tirsanayo anigoo kamid ahaa Aasaasayaashii Seeska u dhigay ayaa markii laygala wareegayey iyadoo shaqaynaysa oo maamul leh ayaan si fiican laygalama wareegin oo iyadoo hada arintu ahayd laba wasaaradood oo dawlada kawada tirsan hadana kolay dee waxa jirta wada tashi in laysugu yimaado sidaas oo jirtay hadana kagamaanaan hadhin oo Cali (wasiirka Kaluumaysiga) waa wada shaqaynaa siwanaagsana waanu u wada shaqaynaa oo waa tacliin tacliina kolayba meel uun baan kazoo gelyaa Profisooradana wada tashi ayaanu ka yeelanaa qorshayaasha Howleed marka ay jiraan oo waa ragii Aqoonta Dejinayey Kuliyadanina waa kamid kuwa aanu ka wada tashano oo arinkasta oo wax loogu kordhinayo Tacliinta Sare waanu ku daraa Qolo China Ka socotay oo tidhi wax baanu idinla qabanaynaa waa Fadhiyaan Prof. Sulaybaan iyo Prof Cabdi Haybe oo aaa ragii soo jeediyey in lagu daro Wixii gacan iyo farsamo ah ee ay Qoladaasi China ah u qabanayaan Jaaamacadaha markaa sidaas ayaanaan uga hadhin haddana waanu wada wadnaa qorshihii ay jaamacad u noqon lahayd Inshallaahu waanu Rajaynaynaa maantana ardaydan sida fiican u lebisan ee ah dufcadii ugu horeysay ee ka baxaysa kuliyada waa hanbalyeynaynaa wixii danbena waa u dadaalaynaa db udhiskeeda iyo hor umarinteeda intaba” Wasiir Xasan oo ka jawaabaya weerarka Faysal Cali-waraabe waxa uu yidhi Faysal waxaan leeyahay waa runtaa oo afarbilood baa ka hadsan xiligii Doorashada waxaanse u sheegaya Faysal in aan arintu noo baneeya ahayn ee la tartamayo oo sidii Obama iyo Mcin hadaad naga Guulaysato aanu hanbalyeyn doono adiguna hadaanu kaa badino aad hanbalyeyn doonto” ayuu kusoo Gebagebeyay Wasiirka Waxbarashdu Hadalkiisa. Waxa kaloo halkaasi ka hadashay Marwo Adna Aadan Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada tasoo siweyn ugu mahadnaqday Maamulka iyo Macalimiinta Kuliyada waxaana kamid aha hadalkeeda “ aad baan maanta ugu faraxsanahay dedaalka iyo midha dhalka Kuliyada waanaan hanbalyeynayaa maamulkakuliyada iyo macalimiinta ardayda iyo cidkasta oo door ka qadatayba reer berberana waxaan kula dardaarmayaa oo aan jeclahay inaan halkan nka sheego sida ay u haysan kari wayeen shaqaalihii caafimaadka ee aanu hore ugu soo diray iyadoo aanu maantana gacanta ku hayno kuwo reer Berbera ah oo dhawaan soo baxaya markaa waxaan kula dardaarnmayaa Reer Berbera in ay kuwan danbe ku fara adeygaan oo ay ku dadaalaan sidii ay u suurto gelin lahaayeen in aanay sidii kuwii hore oo kale iska dayicin”. Waxa iyaguna halkaasi hadalo kooban ka jeediyey Wasiirka Kaluumaysiga JSL Cali Qoorseef , Gudoomiyeyaasha Jaamacadaha Camuud University Prof. Suleemaan iyo Hafgaysa University Prof. Cabdi Haybe kuwasoo Tilmaamo ka bixiyey muhiimada ay Dalkeena iyo Dadkeenaba u leedahay Kuliyada Culuumta Baddu iyo inay u baahan tahay Samir iyo Dadaal si loo Gaadhi karo Mustaqbalka inay Noqoto mid u han qada sida loo rabo. Dhinaca kalena Wasiirka Kaluumaysiga Cali Qoorseef ayaa xadhiga ka Jaray Laybereeri wayn oo kuliyadu leedahay isla markaana waxa uu dhagaxii kowaad dhigay dhismaha Fasalo lagu kordhinayo Kuliyadaasi Culuumta Badda Berbera.
Iibka Sayladda Xoolaha Boorama Oo Dib U Furmay Kadib Markii Ay Dorraad U Xidhantay Ciidamada Amniga Lagu Wargeliyey Inay Neefkii Ku Cashuuraan 10 Dollar Boorama, November 16, 2008 (Haatuf) – Iibka sayladda xoolaha Boorama ayaa shalay dib u furay kadib markii uu dorraad gabi ahaanba istaagay iibkii xoolaha ee Sayladdda Boorama kadib markii ciidamada aminga lagu wargeliyey inay soo qabtaan xoolaha aan lagu cashuurin 10 dollar, kuwaas oo duleedka Boorama ku qabsaday boqolaal neef oo xoolo ah. Xoolahan oo laga iibsaday saylada Boorma ayaa la doonayey in ganacsato u dhalatay gobolkaasi ay u kala diraan dekedaha Berbera iyo Djibouti. Sida uu noogu soo warmay wariyaha Haatuf ee gobolka Boorama Maxamed Cumar Sheekh tallaabadan ciidamada amnigu ku qabsadeen adhigaasi ayaa sababay isku soo bax badi ay ka qaybqaateen dilaaliinta iyo ganacsatada xooluhu kaga cabanayeen tallaabadan ciidanku ku qabsadeen xoolaha, cabashooyinkan oo laba ilaa saddex maalmood uun ka dambaysay markii toogashooyin ciidaamada qaranku Djibouti gudaheeda ku laayeen dad kale oo reer Boorama ah oo xoolo u iibgeynayey dalkaasi deriska la ah Somaliland. Cabashooyinkan ayaa sidoo kale sababay in xabsiga loo taxaabo ku dhawaad soddomeeyo ka tirsan dilaaliinta xoolaha ee ka xoogsada saylada Boorama iyo xubno ka tirsan ganacsatada oo doomayey inay cabashooyinkoodaasi u gudbiyaan Guddoomiyaha gobolka oo wakhtigaa ka maqnaa xafiiskiisa, balse ku warhelay uun xafiiskiisii oo ay buuxdhaafiyeen dilaaliinta xoolaha nool, kadibna uu taliyaha saldhigga Booliska Boorama ku amray in la xidhxidho dadkan maadaama ay qaabka ay u socdaan yahay mid xasilooni-daro keeni kara, Dadkaa la xidhxidhay ayaa shalay makhribkii laga sii daayey xabsiga saldhiga Booliska ee Boorama. Taliska Booliska Gobolka Awdal oo ka dambeeyey amarka ciidamada amnigu ku qabsadeen adhiga ayaa waxa uu ka dambeeyey amar kale oo uu ka helay wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi oo ciidanka ku wargeliyey inay usoo qabtaan adhiga aan lagu cashuurin ku dhawaad 10 dollar (toban Doolar), taas oo shicibka ka shaqaysta xoloolaha nool ay ka biyo diideen, isla markaana sababay inuu joogsado ganacsiga xoolaha saylada Boorama ee shalay. Dhinaca kale waxa jira waanwaan la doonayo in labada dhinac la iskugu soo dhawayno si la iskula meeldhigo in cashuur mideysan laga wada qaado ganacsatada xoolaha ee dalka, inkastoo arinkaasi ganacsatada xoolaha Boorama ku qanacsanayn. Dilaaliinta iyo ganacsatada xoolaha ayaa dorraad cabashadooda ku sheegay inaanu gobolkan Awdal ka mid ahayn dalka, isla markaana ay jiraan xayiraado dhinaca ganacsiga xoolaha ah oo lagu soo rogay ganacsatada gobolka Awdal, kuwaas oo labadii sanadood ee u dambeeyeyba xukuumadda kaga cabanayey dhibaatooyinka dhinaca ganacsiga ee ay ku hayso, kuwaas oo aanay la qabin gobolada kale ee Somaliland. Cashuurtan la isku maandhaafsan yahay ayaa dawladdu ku doonaysaa in neefkii laga bixiyo 7 ilaa10 doolar halka ganacsatada xooluhuna doonayso inaan lagu soo hadal qaadin wax ka badan 3 Doolar. Dhaqdhaqaaq la'aanta Sayladda xoolaha Boorama ee dorraad ayaa waxay dhibaatooyin gaadhsiisay dadkii reer miyiga ahaa ee xoolaha keenay, kuwaas oo laga iibsan waayey xoolihii ay u iib keeneen magaalada, iyagoo lagu wargeliyey in kuwii hore ee ay iibsadeenba lagu haysto garoonka agtiisa, isla markaana aanay xoolo kale iibsan karin, Dhibaatadan dorraad ayaa sidoo kale waxay saamayn ku yeelatay guud ahaanba dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada iyadoo dad badani walaac ka muujinayaan in haddii ay labada dhinac isku afgaran waayaan ay xaaladdu sidaa ka sii foolxumaan doonto.
Hadal Laga Soo Xigtay Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Gobolka Awdal Ka Abuuray Jawi Colaadeed Iyo Abaabul Ku Jihaysan Bariga Deegaanka Baki Boorama, November 17, 2008 (Haatuf) – Hadal laga soo xigtay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa lagu daray waraysi ay siidaysay Idaacadda Horyaal ayaa gobolka Awdal ka abuurtay jawi colaadeed iyo abaabul ku jihaysan bariga deegaanka Baki, halkaas oo ay muddo isku hayeen dad u kala dhashay deegaanada Gabiley iyo Baki. Dareenno hor leh oo kusaabsan khilaafka ka taagan deegaano ku yaala Bariga Baki ee ay muddaba isku hayeen dad u kala dhashay deegaanada Gabiley iyo Baki ayaa afartii cisho ee ugu dambeeyey laga dareemayey qaybo ka mid ah dadweyne ku nool gobolka Awdal gaar ahaanna magaalo madaxda Awdal ee Boorama. Jawiga colaadeed ee sida lama filaanka ah uga xoogeystay dhinaca gobolka Awdal ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen markii dhawaanta qaar ka mid ah wargeysyada dalku daabaceen hadal la sheegay in laga soo xigtay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusf Yaasiin, kaas oo sida la sheegay reer Gebilay ugu ballanqaaday in dhulkii ay ku haysteen reer Awdal kuna yaaleen deegaano ku yaalla Bariga Baki haatan dib loogu soo celin doono, isla markaana hawshaasi tahay mid hore golaha guurtida Somaliland go'aan uga soo saareen balse go'aankaasi aan la fulin. Dareenkan ayaa sidoo kale waxa sii xoojiyey waraysi idaacadda la yidhaa Horyaal ka qaadday garab ka mid ah garabyada isku haya deegaanada Bariga Baki, gaar ahaan xubno ka soo jeeda qoyskii ka hadhay Raage, kuwaas oo sida laga soo xigtay idaacaddaasi uu sheegay inaanay aqbali doonin dhul dambe oo laga sii haysto, awooddeedana leeyihiin maanta inay ka soo dhacsadaan reer Awdal. Inkasta oo aanaanu ogeyn wax ka jira hadalka madaxweyne ku-xigeenka laga soo xigtay, balse hadalkaasi waxa uu taabtay boog u baahnayd inaan wakhtigan la taaban, sababtoo ah Somaliland ayaa maraysa marxalad adag oo dhinaca nabadgelyada, siyaasadda iyo nolosha dadweynahaba leh, Waxa dhacay qaraxyo dad ku dhinteen lana raadinayo ciddii geysatay, waxa kale oo lagu jiraa diiwaangelin ka bilaabantay gobolada kale oo iyaduna ku dhaw inay kala daadato sida wax u socdaan marka la eego iyo sicir babarka aafeeyey guud ahaanba qaybaha danyarta ah. Sidaas oo ay tahay ayaa dhinaca kale waxa jira damacyo siyaasadeed, kuwa deegaan iyo kuwa dhaqaaleba, arimahaasi hadday qarsoonaayeena qaarkood durba la dareemayo jiritaankooda iyo jiritaan la'aantooda inkasta oo aan la ogeyn halka ay saldhigan doonaan. Waraysiyada hanjabaaduhu ku jiraan ee laga sii daayey idaadadda Horyaal ayaa sidoo kale waxay markhaati ka tahay sida weli dalka ay uga jiraan kooxo nabadgelyadu usoo urayso oo doonaya inay ka takhalusaan, inkasta oo aan la ogeyn danta ugu jirta inay arimahan la eegtaan wakhti cadowga Somaliland lugaha ugu taagan yahay inuu tirtiro qaranimada aan sheeganayno, qaraxyana la beegsadeen Madaxtooyadii dalka laga xukumayey. Dhaqdhaqaaqyo ku saabsan abaabulka maleeshiyo beeleedyo u dhashay deegaanada reer Awdal ayaa Boorama laga hadalhayaa labadii cisho ee u dambaysayba iyadoo sida la sheegyo durba ay deegaanada bakida Bari iyo Xamarta Oogeed ay gaadheen qaar ka mid ah isuna diyaarinayaan weerarka ama daafaca waxay u arkaan cadow aan ka fogeyn oo weeraro gaadmo ah kusoo qaaday wakhtigii la bilaabayey hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha isla markaana laga qaatay sanaadiiq la dhigay dhulka la isku haysto. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ah sheekh aan looga baran inuu arimahan ku degdego ayaa haddii ay run noqoto inuu reer Gebilay ugu ballanqaaday soo celinta waxay u arkaan dhul laga qaatay waagii halganka ay ku maqnaayeen noqonaysaa meel ka dhacii ugu horeeyey ee si cad loogu eedeeyo madaxweyne ku-xigeenka Somailand, haddii uu si hoose ugu sheegayna ay iyagu kashifeen, haddii aanu u sheegina laga bee abuurayo, iyadoo dhinaca kalena hadalkan madaxweyne ku-xigeenka loo qaatay inuu yahay wax jira oo aan been ahayn sidaa darteedna waxyeeladiisa in laga hortagaa ay haatan tahay mawduuca keliya ee laga wadahadlayo. Dhaqdhaqaaqyadan maleeshiyo beeleed oo inta badan laga hadal hayo dadka ka soo jeeda deegaanka Bariga Baki ee dhinaca reer Awdal ayaa waxa inta badan ay ku koobanyihiin beelaha Reer Maxamed iyo reer Maxamuud Nuur, inkastoo ay dhici karto in arintu intaa ka balladhato haddii nabadgelyadu faraha ka baxdo, iyagoo inta badana dhinacyadani eedda dusha ka saaraya beelo ka soo jeeda deegaanka Gebilay gaar ahaana beelaha J/abokor oo ay u haaystaan inay weligoodba ku mashquulsanaayeen siday uga qaadan lahaayeen dhul ay weligood degenaayeen. Si kastaba ha ahaatee xaaladda taagani waa mid u baahan in wax laga qabto, haddiise la iska yaraysto oo aan halkaa laga soo qaadin, waxa iman doonta arimo aan la saadaalin karin oo waxyeeli kara nabadgelyada, qarannimada iyo dibuheshiisiintii reer Somaliland sheegan jireen ilaa 1993kii. Miyey Ku Adag Tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Inay U Sameyaan Dadka Naafada Ah Hab Ay Awoodi-Karaan Aadan Yuusuf Cilmi
Waxaan aad ugu bogay arin loo baahnaa in laga hadlo
mar hore hawgalkeeda oo waajibna ah in qayb ka mida Muwaadiniinta
Somaliland loo fududeeyo sidii ay u heli lahayeen habka ugu haboon ee ay
ku gudan karaan diiwaangelinta Iyo Dooroshooyinka hadii allaha awooda
lihi uu raali ka noqdo, Hadaba waxaan ku farxay Mudane sare oo ka tirsan
xisbiga Kulmiye Axmed Cumar X. Cabdilaahi ayaa Komishanka Doorashooyinka
Qaranka usoo jeediyay inay xil adag iska saaraan kana hawl galaan doorka
iyo fursada ay dadka naafada ahi ku leeyihiin diiwaan-galinta codbixinta
doorashooyinka ee dhawaan la filayo inay dib uga bilaabanto Somaliland
Gobolada hadhay . Iyadoo loo baahanyahay in xuquuqda muwaadinimo ee dadka naafada ah oo aan awood u lahayn inay kala qayb qaataan dadka awooda laxaadkoodu u buuxo,oo ay yihiin qofkaa kala dhantaalan, iyadoo cid kasta oo hawlaha inaga caawisaa ay ogsoon yihiin in aanay diidi Karin hawlaha ku saabsan adeegyada iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si xaqooda ay u helaan, lakiin aan laga hawlgelin layskana ilaaway, Wixii caawimo gaar ah ,taas oo meel kasta oo caalamka ah si gaara loo tixgeliyo dadka naafada ah, Hadaba waxaa muhiim ah in Gudida Diwaan Galinta Qaranka ay si adag uga hawl galaan dadka naafada ah oo aad moodo in la iska ilaaway xuquuqdoodii ay gaar u lahayeen, una sameeyaan in si gaara ay ugu yeeshaan goobka kasta meel gaara oo barbar taala oo calamadoodu ku muujisantahay computer iyo qalab u gaara iyo shaqaalo u tababaran hawlaha loo qabanayo muwaadiintaas xuquuqdooda aan weli helin. Iyadoo ay waajib tahay in hawlkasta oo qaranka ah ee muwaadinku xaq u leeyahay gudashadiisa in xeer laga helo dadka naafada ah habka ay u gudankaraan ee ugu fudud taas waxay ahayd tallaabo hore loogu baahnaa oo siinaysa caawimaada ay u baahan yihiin, si uu u gaaro hadafkiisa. Iyadoo diiwaan galintii hore ee dhacday naafadii ku noolayd Goblada Saaxil Iyo Awdal ay ku wayeen xuquuqdoodii ay gaarka u lahaayeen iyadoo doorkii ay ku lahaayeen ka maqnaa Goobahaas oo dhan. Hadaba iyadoo laga gashamanayo in aanay dadkaas Muwaadiniinta ahi Xuquuqdoodii dib u waayin, waxaan kula talinayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka in ku talo-gal aad u wanaagsan meel loo dhigo dadka muwaadiniinta ee naafada ah, iyadoo naafada badani ay joogaan Somaliland , iyadoo Ururada Qaabilsan naafada ay doorkooda muhiimka ah ka qataan hawlahaas loogu fududeynaayo muwadiniintaas si ay xuquuqdooda u helaan, kuna gubaabiyaan cid kastoo ay khusayso , isuna abaabulaan si aad u habaysan si ay u suurtagasho inay Muwaadiniintaasi ka qaybqaataan diiwaan galinta iyagoo nidaam gaara oo habaysan loo samaysanaayo.
|