|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1978 | March 04, 2009 | ||
|
|
Daraasad Uu Sameeyey Bangiga HSBC Ee Dalka Britain Oo Shaacisay Saddexda Dal Ee Addunka Ugu Soo Dhawaynta Wanaagsan Daraasad cusub oo uu sameeyey bangiga caalamiga ah ee HSBC ee Dalka Britain ayaa shaaca ka qaaday wadamada adduunka ugu soo dhoweynta badan, sida ay sheegeen kooxdan khubarada ah ee baadhitaan sameeyey. Daraasadan oo ay maalgelisey bangiga caalamiga ee HSBC ee dalka Britain ayaa waxa lagu sheegay in saddexda dal ee adduunka oo dhan ugu soo dhoweynta badan marka loo eego wadamada kale ee caalamka ay yihiin Canada oo dadka ku nool 95% ugu horeeyaan dalalka kale xagga soo dhoweynta iyo tixgelinta dadka booqashada ku taga dalkooda, ayaa waxa kaalinta labaad galay Germany oo 92% ay dadkiisu ugu soo dhoweyn og yihiin, Australia ayaa iyaduna 91% dadkeedu soo dhoweyn leeyihiin. Imaaraadka carabta iyo Mareykanka ayaa ku soo xiga xagga soo dhoweyna caalamka oo dhan sida ay sheegtay daraasadu oo todobaadkan uun shaaca laga qaadey. Daraasadan waxa fuliyey in ka badan 2,155 khubaro oo booqashooyin ku tegey illaa 48 dal oo caalamka ka mid ah, waxayna daraasadu xustey in waxyaabaha sida aadka ah diirada loo saarey ay ka mid ahaayeen sida iyo heerka ay gaadhsiisan yihiin habka soo dhoweynta, sharfida iyo xitaa martigelinta adeega wanaagsan ee lga heli karo wadamada caalamka, waxa iyana la eegay soo dhoweynta laga heli karo garoomada dayuuradaha, goobaha socdaalka qaabilsan iyo hotelada magaalooyinka caasimadaha u ah wadamada ay daraasadu martey. Daraasadad oo qaadatay in la soo dhameystiro intii u dhxaysay bishii February ee sanadkii hore illaa dhamaadka samnadkaasi, ayaa sidoo kale tixgelin siisay xitaa sida ay dadka wadan kasta isugu xidhan yihiin, hantida ay leeyihiin dadka ku nool waddanka iyo luuqadaha ay ku hadlaan oo iyana qeyb ka qaadan karta is fahamka dadka dal kasta iyo dadka booqashada ku imaanaya. Martin Spurling oo ka tirsan bangiga HSBC oo daraasadan maalgeliyey ayaa ku tilmaamay daraasadan mid aan lala yaabeyn, waxaana uu tusaale ahaan soo qaatey in dalka Canada uu noqdey midka ugu horeeya xagga soo dhoweyna caalamka oo dhan, taasi oo lagu xushey ayuuu yidhi, helitaanka hab fudud oo xagga luuqada ah oo ay dadku isku fahmi karaan, kala duwanaanta dhaqanka iyo heerka musuqmaasuqa hay’adaha dowlada oo aad u hooseeya. Australia:Yaxaas Soo Weeraray Dad Ku Dabaalanayey Xeebta Sydney Dalkaasi Dad kasoo jeeda dalka Australia oo ku dabaalanayay biyaha Xeebta Sydney ee dhinaca Waqooyi ee dalkaasi ayaa la kulmay weerar ba’an oo uu ku soo qaaday Yaxaas Badeed, taas oo uu waxyeelo ay ka soo gaadhay wiil dhalin yaro ah oo ka mid ahaa dadkii ku dabaalanayey halkaasi. Wiilkan yar oo uu waxyeelada soo gaarsiiyay Yaxaasku xiligii soo weeraray ayaa uu dhaawacyo ka soo gaadhsiiyey meelood ay ka mid tahay Lugaha, wiilkan yar ayaa waxa ku weheliyay Aabihii Cusbatalka ladhigay dhawiciisi kadib ee Avalon. khuburo ku xeel dheer Arimaha Kaluumaysiga ayaa aaminsan inay sababtay weeraka Yaxaas Badeedka Sdyney oo leh Xeeb Balaadhan oo Kaluumaysiga ku wanaagsan iyo xadhkaha kaluumaysiga oo halkaas aad ugu soo badanaya sida ay shirkadaha kaluumaysigu u bilabeen inay ku soo bataan halkaas taas ayaa markaas la is odhankaraa way keeneen Yaxaasyada oo aad u ugaadhsada kaluunka. Dhawaantan ayaa waxa luguhiisii ku waayey ama uu ka gooyeyba in badmaaxa oo kadib markii uu soo weeraray Yaxaas Badeed. Marka loo soo noqdo wiilka yar ee uu hadda yaxaasku waxyeeleeyay ayaa uu u gaystay dhowr sarmo ama jeexdimo ah oo aad u xun xun waxa uu ku jeexay Dibkiisa sakiinta ah aad ayuu u dhiigbaxay markii la keenay Xeebta waxaana markiiba loola cararay Cusbatalka isaga oo lagu qaaday Helikobtar Nooca caafimaadka halkaas oo lagu soo waramayo inay iminka xaaladiisu caadi tahay. Ma jirin cid ku dhimatay werarka Yaxaaska lakiin Shaqsi Quusa ah oo la socday Gujis ayaa weerarka kuwayay Gacantiisa iyo lugtiisa kadib markii uu Yaxaasku soo weeraray Xeebta magaalada Harbour oo u dhow Opera House. Qof kale oo isna Dabaalanayay Xeebta Bondi ayaa gacantiisa ku waaayay kadib markii uu yaxaas carar ah ku jiidhay halkaas. Waana weerarkii ugu horeeyay ee uu yaxaas ka gaysto Dalka Ausralia Muddo haatan laga joogo 80 sano Xeebihiisa. Dadka ayaa haatan looga digayaa in aysan dabaalan meelaha uu ku sugan yahay Yaxaasku dhanka kale Cilmi baadhayaal ayaa tilmaamay inay Dad aad u farabadan u dhinteen markii ay iyana soo weerartay shini. Iran Oo Ka Xumaatay Filimo Ay Samaysay Shirkada Hollywood Tehran, Dalka Iran ayaa aad uga xumaaday filimo ay soo saareen shirkadda Aflaata Samaysa ee Hollywood, taas oo ay dawlada Iran ka muujisay dareen aad u xun, kuwaas oo ka dalbaday Shirkada Samaysa Aflaamta ee Hollywood inay Raali Gelin kabixiyaan. Annette Bening oo Oscar ku heshay filimkii “American Beauty” oo ka mida xubnaha sarsare ee Akademiyada farshaxanka iyo sawirada dhaqhdhaqaaqa iyo Sayniska oo warkaasi cabashada ah ee ka yimi wadanka Iran oo ka maqashay Xubnaha sar sare ee Wakaaladda Filimada wadanka Iran iyo Hollywood oo si degdega u qabanaya shir heer sare ah oo lagaga wada hadli doono arinkaasi. Lakiin Iraaniyiintu waxay rabaan inay shirkaa ka qaybgalaan, haddii Akademiyada Hollywood raaligelin iyo ka xumaan arinkaasi u wadaan, taas oo ay Iraaniyiintu dhinacooda ka cabanayaan muddo ka badan 30 sanadood ay Hollywood ku matelayeen arimo ceebeyn iyo cambaareyn shacabweynaha wadanka Iran, sidaasna waxa yidhi, taliyaha Iran ee dhinaca Farshaxanka Filimada Javad Shamghadri. Waxa kale oo jiray in Hollywood jileen “not without my daughter” oo ku salaysnaa gabadh Maraykana oo uu guursaday nin Iraaniyaana, taas oo iskudayeysay siddii ilmaha ay dhashey ugala baxsan lahayd wadanka Iraan. Filimkaa waxa kuu jiray bahdilaad farabadan oo la xidhiidha dhaqanka Iran, taas oo ay madaxda Iiraaniyiintu ku dacwoonayaan tusaalooyinkaa qaldan ee laga bixiyey in Hollywood ka xaalmariyaan. Waxayse labada dhinac loo malaynayaa inay kulmi donaan 7 bisha March oo ay rajaynayaan inay halkaa ku qabtaan, warsaxaafadeed labaad dhinac ah. Warar kale ayaa waxay sheegayaan inaanay Iiraaniyiintu kalsooni buuxda ku qabin shir ka dhici doona, taasoo ay leeyihiin, “sidee u wada fadhiisanaa oo aan u yeelanaa kulan daacada, iyadoo ay naxaqireen oo ay ceebeeyeen dadweynaha Iiraan iyo kacaanweynaha ummadda Iiraan.
|