Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1904 December 05, 2008

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia


Nin Ka Goostay Al-Shabaab Oo Ka Waramay Damacooda Halista Ah Iyo Falalka Argagaxa Leh Ee Ay Ku Talaabsadaan

Dadku Waxay Markii Hore Moodayeen In Meesha Lagu Gawracayo Neef Xoolo Ah, Laakiin Waxay Argagaxeen Markii Ay Arkeen In Meesha Qof Lagu Gawracay”

Nairobi, December 5, 2008 (ABC News) – “Ururka Al-shabaab oo hadda xukuma dhul badan oo Somaliya ah hadii uu qabsado caasumadda Muqdisho dalku wuxuu ku dhici doonaa cadaab adag”, sidaa waxa yidhi nin magaciisa ku soo gaabiyey Mr. Cali oo hore uga tirsanaan jiray ururka Al-Shabaab, hase yeeshee laba bilood ka hor ka baxsaday, una talaabay dalka Kenya, wuxuuna Cali sidaa ku sheegay waraysi uu dhowaan, isagoo Nairobi jooga siiyey telefishan magaciisa la yidhaahdo ABC.News oo ku yaal dalka Maraykanka, iyadoo uu Cali ka waramay halista ururka Al-shabaab ka soo fool leh iyo dhaqamada argagaxa leh ee gun-dhigga u ah siyaasadahooda hogaamineed.

Cali wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Somalida Kenya, wuxuuna sheegay in sannad ka hor isagoo markaa jooga Somaliya khasab lagaga dhigay inuu ka  mid noqdo ururka Al-shabaab, sidaana uu kaga mid noqday, hase yeeshee uu aakhirkii ka baxsaday, wuxuuna intaa ku daray in sababta uu uga baxsaday ay tahay, ka dib markii

marar badan loo soo jeediyey inuu u diyaar-garoobo hawl-gallo is-qarxin ah oo uu naftiisa lagu halligayo.

Cali wuxuu ka waramay hab-dhaqanka argagaxa leh ee ururka Al-shabaab iyo waxyaalaha ay hadda gacanta kula jiraan wuxuuna yidhi “waxa iswaydiintu tahay maxay Al-shabaab hadda gacanta kula jiraan, waxay wadaan oo ay gacanta kula jiraan hawl-gallo qaraxyo ah, Somaliyana waxay hadda ku jirtaa xaalad cadaab ah, waayo marka aad eegto dadka halkaa (Somaliya) ku dhaqani waa dad aan wax dembi ah lahayn, laakiin la iska dilayo saacad-kasta iyo waqti kasta. Tusaale ahaan saddex toddobaad ka hor 32 qof oo dumar u badan ayaa iyagoo ciyaar-dhaqameed meel ku tumanaya loo soo sheegay hogaamiyayaasha Al-shabaab, ka dibna hogaamiyayaasha Al-shabaab waxay dadkaa ku tilmaameen dad liddi ku ah islaamka, dabadeedna dadkaa inta meel fagaare ah la soo tubay ayaa la ciqaabay oo jeedal lagu garaacay. sidoo kale magaalo-xeebeedda Kismaayo gabadh yar oo ay da’deedu tahay 13 jir aan qaan-gaadhin oo ay niman dabley ahi kufsadeen ayaa lagu soo eedeeyey inay sinnaysatay, waxaana lagu dilay dhagax”.

Cali waxa kale oo uu ka waramay waxyaalaha ay dadka u sheegaan iyo xaqiiqda dhabta ah ee dhaqankooda, sidoo kale waxa uu ka waramay dhaqamadooda aasaasiga ah ee ay dadka ku cabsi geliyaan si xukunkooda khasab loogu raaco, wuxuuna yidhi “waxay iska dhigaan inay ku dhaqmayaan shareecadda islaamka, hase yeeshee marka aad eegto hab-dhaqankooda taasi ma aha wax run ah, wayna ka fog yihiin dhaqan islaam-nimo, waayo islaamku qof-na xaq u siin-maayo inuu qof kale iska dilo, wuxuuna islaamku bini’aadanka siiyey karaamo iyo in nafahooda la nabadgeliyo”ayuu yidhi Cali, wuxuuna intaa ku daray “geeridu waa nidaam siyaasadeedkooda aasaasiga ah ee ay ururka Al-shabaab ku cabsi geliyaan ama ku handadaan dadka. Tusaale ahaan bishii Sebtambar, 2008 nin weriye ah oo ka tirsan wakaalad wararka ah oo magaceeda la yidhaahdo Compass Direct ayaa magaalada Baydhabo ku tegay socdaal qarsoodi ah, ka dibna kamaradda telefoonka gacanta (mobile) ayuu si qarsoodi ah ugu duubay nin lagu gawracayo halkaa oo la leeyahay Kiristaan ayuu noqday”.

Ninkaa weriyaha ahi wuxuu kamarraddii telefoonka ku duubay sidii ninkaa ay hogaamiyayaasha Al-shabaab u dileen, wuxuuna weriyuhu isagoo arintaa ka waramaya yidhi “ninkaa waxa lagu gawracayey meel fagaare ah, waxayna madaxda Al-shabaab dadka magaalada Baydhabo ku dhaqan u sheegeen inay soo baxaan oo yimaadaan munaasibad gawrac lagu samaynayo, dabadeedna goobtii waxa yimi oo isugu soo baxay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 200 qof, dadkaasi waxay markii hore moodayeen in munaasibadda loogu yeedhay lagu gawracayo xoolo, sida Adhi ama Geel, hase yeeshee dadkii meesha isugu yimi waxa ku dhacay argagax iyo murugo, ka dib markii ay arkeen in waxa meesha lagu gawracay uu yahay qof bini’aadan ah”.

Ninka weriyaha ah oo ka waramaya muuqaalkii argagaxa iyo naxdinta lahaa ee ninka la gawracay ayaa sheegay inuu ninkaas oo ay dhalashadiisu Somali ahayd uu ka shaqaynayey urur samafal oo maxaliya, waxaana lagu eedeeyey inuu kiristaan yahay, wuxuuna weriyuhu tilmaan ka bixiyey qaabkii naxdinka lahaa ee loo fuliyey gawraca ninkaa, isagoo taa ka waramayana wuxuu yidhi “ninkaasi wuxuu kamarradda la duubay ka muuqdaa isagoo jil-bo-jooga (Kadaloob) oo ay xagiisa dambe taagan yihiin dhawr ka mid ah hogaamiyayaasha Al-shabaab, kuwaas oo kor ugu luuqaynaya aayado quraan ah, ka dibna markii ay ninkii gawraceen ee ay qoorta ka gooyeen ayey madaxiisii kor u taageen, dabadeedna madaxii waxay dusha kaga tureen caloosha ninkii maydka ahaa, intaa ka dibna way ka dareereen, iyagoo aan aasin maydkii. Dabadeedna qofkasta oo dhacdadaa joogay waxa ku dhacay shook iyo argagax, waxaana la soo dersay cabsi badan, sidaa darteedna qofkasta oo magaaladaa joogaa wuxuu iminka ogyahay waxa ku dhici doona hadii uu raaci-waayo amarka Al-shabaab”.  

Ninka ka goostay ururka Al-shabaab, Mr. Cali waxa uu mar kale ka waramay sannadkii u dambeeyey iyo waxyaalihii uu ururka Al-shabaab bartilmaameedka ka dhigtay, wuxuuna yidhi “sannadkii u dambeeyey Al-shabaab waxay bartilmaameed ka dhigteen shaqaalaha ajnebiga ah ee hayadaha gargaarka iyo shaqaalaha wadaniga ah ee iyaguna la shaqeeya hayadaha gargaarka, waxayna sababta ay sidaa u yeelayaan ku tilmaamaan inaanay dadkaasi ogolayn xukunka islaamiga ah ee Al-shabaab, taasina waa sababta ay ula dagaalamayaan qaramada midoobay, iyagoo leh ma ogolaan karno inaanu anaga (Al-shabaab) iyo qaramada midoobay dalka wada joogno”.

Sidoo kale nin suxufi ah oo magaciisa la yidhaahdo Aidan Harley, isla markaana ah nin sameeya filimada dhokmantiska ah ee taariikhiga ah ayaa ilaa labaatankii sannadood ee u dambeeyey filimo dhukmanteri ah ka duubayey dhacdooyinkii sida is-daba-joogga ah u dhacayey Somaliya, dabadeedna wuxuu ninkaa suxufiga ahi telefishanka ABC-News u sheegay inay dunidu iska indho-tirtay xaaladda ka jirta Somaliya iyo khatarta ka soo fool leh ururka Al-shabaab, wuxuuna suxufigaasi isagoo arintaa ka hadlaya yidhi “marka aad eegto Afganistan waxay sannado ahayd sida Somalia loo ilaaway oo kale, taas oo ay dalalka reer-galbeedku Afganistan ka wadeen keliya hawlo aadaminimo sida ay hadaba Somaliya taas oo kale uga wadaan, hase yeeshee taasi ma noqonayso xalka loo baahan yahay, waxna kama tarayso dhibaatadii meesha taalay ee ahayd in la abbaarro, taasina waa ta keentay inay Al-qaacida qabsato Af-ganistan iyo inay dalalka reer galbeedku markii dambe iyaguna ciidamo geeyaan oo ay qabsadaan Afganistan, hase yeeshee xaaladda Afganistan waxay ku dambaysay meel ay adag tahay in xal loo helo dhibaatada taal iyo qalalaasaha ka jira. Sidaa darteed dalalka reer galbeedka iyo beesha caalamkuba waxay hadda si fiican uga dheregsan yihiin xaaladda ka jirta Somaliya iyo in loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaadho”. 


Xukuumada Somaliland Oo Ogolaatay In Dekadaheeda Loo Isticmaali Karo Hawl-Galada La Dagaalanka Budhcad baddeeda

Nairobi, December 05, 2008 (Haatuf)- Xukuumada Somaliland ayaa khamiistii shalay markii ugu horaysay  shaaca ka qaaday in ay dekadaheeda u ogolaanayso inay isticmaalaan ciidamada badda ee caalamiga ah  kuwaas oo hawlgalo ay kula dagaalamayaan budhcadbeeda Somalida ka fulin doona xeebta dheer ee Somalia.

Sidaana waxaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Cabdilaahi oo isaga iyo wefti uu hogaaminayaa socdaal ku joogaan dalka Kenya ee Nairobi, waxaanu sheegay in dawlada Somaliland taageerayso dariiqo kasta oo lagula dagaalamayo budhcadbeedda isagoo dhinaca kalana xusay in xeebaha Somaliland ka fayow yihiin budhcadbadeeda oo ay ka ilaaliyeen.

 “ xeebtayadu xaqiiqdii waa mid dheer balse biyahayaga waxaanu ka ilaalinay budhcad badeeda, oo xataa  kama dhicin wali hal fal oo ay budhcadbadeedu ay wax kaga afduubeen markab” ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Ducaale, waxaanu intaas raaciyey “waxaanu taageeraynaa dagaalka lagaga hortagayo budhcadbeedda dariiq kasta oo aanu karayno. Dekadahayagu waxay u furan yihiin ciidamada xulafada iyo cidkasta oo la dagaalamaysa budhcadbadeeda inay u isticmaalaan sidii ay jecel yihiin”.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu Reuters u sheegay in ciidamada Somaliland ay shaqo fiican qabanayaan si ay budhcadbeeda uga ilaaliyaan xeebaha Somaliland, haseyeeshee wasiirku waxa uu ka gaabsaday inuu sheego tirada maraakiibta ama doonyaha ay haystaan ciidamada ilaalinta xeebaha Somaliland.

Wadamada Midowga yurub ayaa todobaadka dambe bilaabi doona hawlgalo cirka iyo baddaba ah oo ay kula dagaalamayaan budhcadbadeeda iyagoo ciidamo isku jira oo dawlada Danish-ku hogaaminayso ay ilaa siddeed markab oo dagaal ay ka jiraan Gacanka Cadmeed halka ay gaashaan buurta NATO ka joogaan afar markab oo kuwa dagaalka ah oo ilaalo ka haya xeebaha  Somalia.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaha dibada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ka dambaysay weeraradii isqarxinta ahaa ee 29 October lala beegsaday meelo ka tirsan caasimada Hargeysa kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 qof, dhawr iyo soddon kalana ay ku dhaawacmeen.

“Waxay doonayaan inay carqaladeeyaan geeddi socodka dimuqraadiyada Somaliland” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland.

Wasiirka iyo weftiga wasiirada ah ee la socdaa wuxuu ujeedada socdaalkooda Nairobi la xidhiidhaa go’aan ay QM darajada afraad ku qiimaysay Nabadgelyada Somaliland ka dib qaraxyadii, taas oo macnaheedu yahay in dhamaan shaqaalihii caadiga ahayni laga saaro dalka, waxaanu go’aankaasi ku tilmaamay mid laga yaxyaxo oo aan cadaalad ahayn “ taasina waa waxay argagixisadu doonaysay” ayuu yidhi Mr:Ducaale.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Cali Ibraahin (Cali Sanyare) oo isna weftigaa ka mid ah ayaa sheegay in ay Somaliland mudan tahay in lagu taageero halka laga tagayo dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka oo weeraro ay qaraxyadani ka mid yihiin ku soo qaaday Somaliland “ waa wax aan macquul ahayn waxaynu ka hadalnaa la dagaalanka argagixisada, laakiin marka ay argagixisadu darbad ku dhufato wadan faqiira ah oo Somaliland oo kale ah qofkastaaba dib ayuu u guranayaa, isagoo ku andacoonaya wax ay ku magacaabaan badbaadinta muwaadiniintooda, taasina waxay la macna tahay isu dhiibayaan argagixisada”

Go’aanka ay QM hoos ugu dhigtay amaanka Somaliland ayaa wasiirku sheegay inay caqabad ku noqonayso mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland aadka ugu baahan tahay iyadoo sidoo kale-na hakinaysa inay Somaliland u safraan kooxaha samafalka iyo maalgelinta, isla markaana waxay mijo xaabin ku noqon kartaa doorashooyinka madaxtinimada ee bisha March 2009 ka qabsoomaysa Somaliland “ Diiwaangelintii codbixiyeyaashu si dhamaystiran ayey u socotaa haddii qiimayntan darajada afraad waxaa laga yaabaa inay dhiibaatooyin nala soo dersaan, tusaale ahaan inay naga hor joogsato inay dalka yimaadaan goobjoogayaasha caalamiga ah oo la filayo inay xilliga doorashada dalka yimaadaan”, ayuu yidhi Cali Sanyare.

“ waxaanu nahay dal jiritaankiisa la ogol yahay laakiin aan ictiraaf caalamiya haysan” ayuu yidhi, “ dariiqaas ayaanu ku taagnaanaynaa. Waxaanuna ognahay inuu soo bixi doono dal geesi ah oo aqoonsan doona madaxbanaanidayada. Taariikhda ayaa Somaliland dhigi doonta meeqaamkii ay lahayd” ayuu yidhi wasiirka Arimaha dibada Somaliland oo Reuters la hadlayey.


Dadka Reer Koonfureedka Ah Ee Degan Hargeysa Oo Qaraxyadii Kadib U Guuraya Boorama Kadib Dhibaatooyin Ay Halkaa Kala Kulmeen.

"Waxaan Hargeysa Uga Nimid dhibaatooyin aanu kala kulanay Ciidamada Amaanka iyo dadka reer Hargeysa qaarkood." Haweenay ka mid ah haweenka u digo rogtey Borama."

Boorama, December 5, 2008 (Haatuf) – Qaar ka mid ah dadka reer Koonfureedka ah ee deganaa Magaalada Hargeysa ayaa  Qaraxyadii argagixisada kadib u guuraya dhinaca Magaalada Boorame, iyaga oo dadkaasi sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin ay u geysanayaan Ciidamada amaanka iyo qaar ka mid ah dadka reer Hargeysa, sidaas darteedna ay dadka qaarkood uga digo rogteen Magaalada Hargeysa dhinaca Boorame.

 Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee goboladda Galbeedka  Maxamed cumar sheikh ayaa Warbixin uu ka soo direy Boorame waxa uu ku bilaabay 

“Wararka ka imanaya Hargeysa soona gaadhaya Boorama ayaa sheegeya in ugaadhsiga   ciidamada dalwadda iyo shicibka magaaladuba ku hayaan dadka magangelyada u jooga Hargeysa ay  sii xoogeysteen kaddib markii sida la sheegey la ogaaday in dad badan oo ka yimid koonfurta Soomaaliya gaar ahaana dadkii ka soo barakacay Muqdisho  ay ka buuxaan saldhigyada Booliska ee magaalada Hargeysa, Sida ay sheegayaan dad ka soo kicitimay Hargeysa soona gaadhay Boorama maalimihii ugu dambeeyey, waxa jira  sheekooyin naxdin leh iyo tacaddiyo dadka u dhashay degaanada Muqdisho  ka soo gaadhaya qaybaha dadweynaha Hargeysa iyo ciidamada dawladda  intii ka dambaysay qaraxyadii Hargeysa ka dhacay 29-kii bishan, dadkaasi oo la sheegeyo in qaarkood ku xidhan yihiin saldhigyada Booliska deegaanka woqooyiga Hargeysa, isla markaana aanay cidi ogeyn, halka kuwa kalena ay la'yihiin meel ay ka baxaan  si ay uga badbaadaan tacaddiyadaasi.
Haweenay  ka mid ah dadka ka soo cararay dagaalada Muqdisho oo ay la socotay gabadh  kale, isla markaana ka gaabsatay in la magacaabo  cabsi awgeed ayaa sheegtay in inkastoo dawladda Somaliland ku baaqday in la dhawro dadka martida iyo magangelyada Hargeysa u soo doontay, haddana qaybo ka mid ah dadkaasi inay  ciidamada amnigu ka  qaadaan baad iyada oo qofkii laga waayana la xidho.

sidaa darteedna dad badani ay shaqo ka dhigteen in haddii ay baad ka waayaan reer xamarkaasi loo dhaadhiciyo saldhigyada Booliska  dibna looma arko.
Haweenaydan oo ka hadlaysa arimhaasina waxay tidhi “Hargeysa Muddo ayaan degenaa ka badan sannad, tan maanta nagu heshayna lagama sheekayn karo dadkii aan is naqaanay ee deriska ahaa ayuunbaa qaar ka mid ahi shaqo ka dhigteen inay nagu sheegaan wax aanaan shaqo ku lahayn iyo argagixiso, lacag baa nala weydiinayaa haddii nalaga waayana wax uunbaa nalagu soo dacweeyaa oo booliska uunbaa na kaxaysta, qaarna lama arko meel lagu xidho, qaarna CID-da ayuunbaa tidhaa waan baadhaynaa wax laga baadhayana ma garanayno, dadbaa lagu masabiday lacag aan jirin oo la kaxeeyey labaatan casho ka hor  welina xidhan, waxaana haysta maamulayaasha saldhigyada booliska  ee u badan woqooyiga Hargeysa, Dawladda sare waxay tidhi dadka sii daaya, laakiin waa la iska haystaa maxkamadna lama keeno oo wax lagu keenaa la macmalayaa, illaahay uunbaan leenahay”.
Sidoo kale warar laga helay dad ehelkoodu ku xidhan yahay Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku  xabsiyadooda ku hayaan dad aan waxba  galabsan oo Hargeysa u yimid  qaraabadooda iyo ehelkooda, dadkaasi qaar waxay ka yimaaddeen afrikada kale, qaarna Yurub, dokomentigoodii waa laga haystaa iyagiina way xidhan yihiin waxayna u xidhan yihiin dad doonaya lacag madaxfurasho ah ama baad ah ama taliyayaasha saldhigyada Booliska qaarkoodbaa ka dhigtayba dukaano  ay biil ka qaatan.

Dadkaasi waxay Somaliland u yimaaddeen inay dadkoodii u soo qaxay arkaan, balse iyagiibaa maanta meel ay ka baxaan la', waxaana la sheegayaa in arimaha qaarkood yihiin kuwo ceeb, fadeexad iyo godob usoo jiidi kara dadweynaha reer Somaliland, haddii aan la iska sii deynin dadka aan la ogeyn waxay galeen  ee lagu haysto saldhigyada Booliska, dawladda sarena aanay ogeyn kiisaskooda oo haddii maxkamad la keeni lahaa  ay taliyayaasha saldhigyada Boolisku  dib u riixayaan kiisaskooda.
arimahan iyo kuwa la mid ah ayaa maalmahan dambe keenay in magaalada Boorama ay ku soo bataan dadka ka soo qaxaya Muqdisho ee Hargeysa deganaa oo hadda dhinaca Boorama u soo guuraya , waana nasiibdaro in caasimaddii dawladdu joogtay maanta  dammaanad qaadi kari weydo dadka u dhashay Somalida kale ee Hargeysa u yimi naftooda iyo maalkooda inay lasoo baxsadaan.
Sidoo kale ayaa waxa jira warar ku saabsan dadkaasi meelaha ay ku xidhanyihiin , sabahaha loo xidhay, siday dalka u yimaaddeen  iyo waxa lagu haysto oo soo gaadhaya Wargeysaka Haatuf, warbixinahaas oo haddii ay xaaladda dadkaasi waxba iska beddeli waayaan ama la sii deyn waayo ama maxkamado la keeni waayo la soo daabici doono si loo muujiyo in dhawaaqyada dawladda ee ku saabsan badbaadinta dadkaasi  ay qaar ka tirsan ciidamada dawladda iyo shacbiga Hargeysa qaarkood ugu dhego nuglaan waayeen.


Goobo Ka Mid Ah Gobolka Hargeysa Oo Ay Ka Go’een Waraaqihii Diiwaangelintu Halka Qaar Kalena Ay Gabaabsi Ku Yihiin

Hargeysa, November 5, 2008, (Haatuf)-Waraaqihii diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa ka go’ay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hargeysa. Degaanada Alaybaday, Gebilay, Daarasalaam, Salaxlay, Baligubadle,Faraweyne iyo Agabar ayaa waraaqaha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo kaadhka jinsiyadu  ay ka go’een shalay gelinkii hore, halka magaalada Wajaale la sheegayo inay gabaabsi yihiin waraaqihii diiwaangelinta codbixiyaashu.

Wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro oo soo maray goobo badan oo ka mid ah  deegaanadaasi ayaa sheegay inay waraaquhu ka go’een goobahaas halka goobo kale oo ka mid ah gobolka Hargeysa ay waraaquhu gabaabsi yihiin.

Wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Cirro waxa uu u  sheegay dadweynihii uu degaanadaas kula kulmay inuu cabashadooda gaadhsiin doono Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Xidhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ku sugan magaalada Gebilay ayaa isaguna ka hadlay dhibaatooyinka ka taagan hawsha diiwaangelinta ee gobolka Gebilay waxaanu yidhi “ goobaha gobolka Gebilay waa 70 goobood hase ahaatee waxa jira dhibaatooyin badan, saaka goobaha intooda badan waxa ka go’ay warqadihii dadka la siinayay, ka dib waxaanu u nimid komishanka waxaanu ka qaadnay 15 kun oo waraaqood oo kale waxaan filayaa inay berri gelinka hore waraaquhu ka go’ayaan goobahaasi, waxa aanu ku baraarujinaynaa komishanku inay soo  diraan waraaqo aan ka yarayn 50 kun,ilaa imika waxa gobolka Gabilay iska diiwaangeliyay 70, 000 oo qof, waxaan filayaa inay ilaa 150, 000 oo qof ay isdiiwaangeliyaan, goobaha qaar waxa maalintii iska diiwaangeliya dad lagu qiyaasay 300 oo qof, goobaha qaarkoodna tiradu intaa way ka yar tahay, komishanka waxaad moodaa inay iyagu sii qorshaysteen tiro gaar ah oo aan ahayn tirada gobolka ku nool, goobihii muranku ka jiray ee u dhexeeyay gobolka Awdal iyo Gabilay wax diiwaangelin ahi kama dhacayso” ayuu yidhi xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Sidoo kale mar aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay guddoomiyaha degmada Wajaale Cumar Aadan Qaasaali ayaa sheegay inay waraaquhu ay gabaabsi ku yihiin degmada Wajaale isla markaana laga yaabo inay berri gelinka hore ka go’aan hadii aan si deg deg ah loogu soo gurman, waxaanu yidhi “ inkasta oo ay weli taagan yihin  dhibaatooyinkii aan habeen  idiinka waramay hadana waxa maanta noogu daran waraaqihii oo gabaabsi nagu ah, iyada oo jirtay inay kala badnaayeen dadka isdiiwaangelinaya iyo goobaha loogu talo galay ayaa imika waxaad moodaa hadii aan degdeg waraaqo naloola soo gaadhin inay berrito gelinka hore naga go’ayaan waraaquhu”.

Guud ahaan dhibaatooyin dhowr ah ayaa la soo dersay hawlaha diiwaangelinta ee gobolka Hargeysa kuwaas oo ay ugu weyn yihiin Ilaa afar boqol oo shaqaale ah oo ku cusbaa hawsha diwaan-galinta, iyadoo shaqaalihii hore uga soo shaqeeyay gobolada saaxil iyo awdal loo diray goobaha ka baxsan caasimada.

2- Lacagtii ay ku hawlgalayeen shaqaaluhu oo dib uga dhacday isla markaana uu muran galay iyada oo ay soo baxayeen eedo musuq maasuq oo loo jeedinayo hogaanka komishanka doorashooyinka u qaabilsan diiwaangelinta.

3- Shirkadda qaadatay qandaraaska gaadiidhka shaqaalaha geynaya goobaha lagu kala qoray ee magaalada hargeysa dhexdeeda oo sameeyay khaladdaad ay ka mid yihiin iyadoo gaadiidka lagu wada qoray goobo aan isku dhaweyn isla markaana yareeeyay gaadiidkii hawsha fulin lahaa.

4- Computerada iyo printerada oo qaarkood ay ciladi gashay, taas oo keentay in goobo badan ay hawsha diiwaangelintu ka bilaabanto maalin ka dib xiligii loo qoondeeyay.

Sidoo kale waxa aad u  yaraa dadwaynaha u soo baxay goobaha diiwaan-gelinta, taas oo aan sababteeda la garanayn, iyada oo goobaha Diiwaangelinta ee  dhamaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Maroodi jeex ee Hargaysa ay gaadhayaan  337 goobood.


“Waxa Laga Yaabaa Inaanay Rag Wasiiro Ahi Xisbigaba Aaminsanayn, Laakiin Anigu Nin Mab-Da’iisa Ku Adag Baan Ahay... Rayaale Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin-Na…”

“Waxaan Leeyahay Hargeysaay Toos Oo Tiradaada Muuji, Burco-Na Waa Dadka Ugu Dhiigga Diirran Ee Maalinteeda”

Ismaaciil Aadan Cismaan—Wasiirkii Hore Ee Daakhiliga

Hargeysa, December 5, 2008 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee daakhiliga Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa dadka reer Hargeysa ugu baaqay inay isdiiwaangeliyaan, oo ay tiradooda muujiyaan, wuxuuna Ismaaciil sidaa sheegay mar uu la hadlayey dad iska diiwaangelinaya goob ka mid ah goobaha isdiiwaangelinta ee degaanka Hargeysa, isagoo maalintii shalay booqday qaar ka mid ah goobaha isdiiwaangelinta ee degaamada Hargeysa. 

Ismaaciil Aadan waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa siyaasadeed iyo waxa uu waqtigan xaadirka aaminsan yahay, isagoo soo hadal-qaaday doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo ragga u tartamaya kuraasta sare ee dalka, hase yeeshee ugu horayn isagoo ka hadlaya baaqa uu u jeedinayo dadka reer Hargeysa wuxuu yidhi “runtii goobo farabadan oo Hargeysa ah ayaan shalay (dorraad) kormeer ku soo maray, dadkuna aad bay u tiro badan yihiin safafka ku jira oo waxaad moodaa inay goobaha diiwaangelintu ku yar yihiin inkastoo ay yihiin wax ay axsaabtu ka heshiiyeen oo dawladda, Komishanka iyo Axsaabtuba derseen, haddana Hargeysi waa caasimadii Somaliland oo dhamina way isugu timid, dadka degaanka ah ee Hargeysa u dhashayna aad iyo aad bay u faro-badan yihiin oo marka horeba way ka badnaayeen dadka kale magaalo ahaan iyo gobol ahaan marka loo eego, hadalkayguna maaha kaabayn oo olole xisbi maanta ma jiro, ee axsaabta iyo muwaadiniinta oo dhanba waxaa lagu dedaalayaa in lays-muujiyo gobol waliba oo uu isdiiwaangeliyo si uu u qaato kaadhkii muwaadinnimada si uu hadhow qof waliba codkiisa uu xaqa u leeyahay ugu codeeyo xisbiga uu doono. Meel kasta oo aan soo maray aad ayay u camirnayd ilaa Abaarso waan soo maray, halkan Xaraf waad arkaysaan.

Markaa reer Hargeysa waxaan halkan uga soo jeedinayaa oo aan leeyahay John Major oo ahaa Ra’iisal-wasaarihii Ingiriiska ayaa mar doorashooyin la gelayay hadlay oo dee nin ingiriis ah oo dhalad ah buu ahaa oo tirada dadweynahoodu gaadhayo dhawr iyo afar milyan oo ka badan marka laysku daro dadka Wales-ka, Scotish-kii iyo Waqooyiga Ireland, markaa wuxuu baqday in doorashada codka aad loo yara siin waayo, dabadeed wuxuu yidhi ‘Wake up England’ oo ah England-naay toos ileyn aqlabiyadii buu haystaaye, markaa anna waxaan leeyahay gobolka Hargeysaw toos oo doorkii hore codkaad dhiibateen wuxuu ahaa 255, 000 oo qof, looma baahna oo saddex meelood marka loo qaybiyo dadka gobolka Hargeysa meel ahaan baa codka dhiibatay ama in ka yar, markaa waxaan leeyahay sidii John Major xiligii uu ololaha ku jiray anigoo xisbina imika u ololaynayn oo ah nin ka tirsan xisbiga UDUB ee xukunka haya doorashana aanu diyaar u nahay inuu xisbigayagu ka qayb-qaato oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenkuba musharax yihiin, xisbiguna yahay mid dimuqraadi ah oo cid kasta oo hunguri ka hayo Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka ay iska soo sharaxi karto, inkasta oo aad yara moodo in qaar yidhaahdeen waxaanu doonaynaa Madaxweyne ku-xigeen, dee Madaxweyne ku-xigeen aanu la socon Madaxweyne dee ma noqonayo Madaxweyne ku-xigeen, waayo Madaxweynaha ayaa wata Madaxweyne ku-xigeenka, weli UDUB waxaan ku hayaa nin leh musharax Madaxweyne ku-xigeen baan ahay, kaasina ma soconayo ilaa uu wato Madaxweyne uu musharax u yahay. Waxaan mar labaad leeyahay Hargeysaay toos oo muuji tayadaada, dad badan baa inala degan oo Hargeysi caasimadii dalka u tahay, laakiin waxaan gaar ula hadlayaa dadka degaanka u ah Hargeysa oo aan leeyahay toos oo muujiya tiradiina sida gobolada kale oo 255 kun iyo shan boqol toona la idiinkama baahna oo hanaga nixinina ee tiradaad tihiin maanta muujiya.

Kuwa dambena waa ka hadli doonaa oo Burco oo kollayba aan ciyaaraha la dhaafin karin oo gobolka Togdheer ah baa dambaysa oo aan idhaahdo Somaliland waa halka ugu dhiigga kulul oo marka xaga dhiigga la eego way ka dhiig diir-diiran tahay gobolada kale, iyadana waxaan leeyahay wakhtigiina sugga oo la socda gobolada kale halkay wax marayaan oo ilaashada tirada iyo codka oo is muujiya baan leeyahay Burco-na marka ay idin soo gaadho.”

Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka jawaabayay waxa kaga duwan yahay masuuliyiintii kale ee xilalka ka soo qabtay xukuumadda ee maalinta xilka laga qaado xisbigana iskaga baxa, waxaanu Ismaaciil yidhi: “Wallaahi taas shacbi weynaha reer Somaliland ayaa sheegi doona, laakiin maadaama dalku axsaab yahay xilku waa meerto, haddii ninka Madaxweynaha ka ah dalka ee xisbiga aad ka tirsan tahay uu isagu kuu garan waayo sida dastuurku dhigayo inaad la shaqayso oo uu yidhaahdo ilama shaqayn karayo, dee xaq buu u leeyahay oo cidii la shaqayn karaysa ayuu u yeedhanayaa, markaa taasi waa wax caadi ah oo anigu waxaan ahay nin golaha dhexe ee xisbiga UDUB ka tirsan oo xisbigiisii ka tirsan, Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin intii llaahay u qoray iyo wakhtigooduun bay qaadan doonaan, cid kale uun baa iman doonta, xisbiguna meeshiisii uun buu yaala cidina kama tagayso, haddaanu UDUB nahayna annagu kama tegayno UDUB, waa laga yaabaa inay dad badani hunguriyeeyaan Ismaaciil maanta wuu ka soo baxay, shaqadii baa laga fadhiisiyey, aan isba ammaanee xisbiga UDUB oo aan aad uga shaqeeyay baa Madaxweynihii shaqadii ka fadhiisiyey, taasi Madaxweynaha ayay u taalaa oo isaga ayaa gartay inuu shaqada iga fadhiisiyo, waana qoddob dastuuri ah oo yaal meesha, inqilaab laguma qabsan meesha isaguna doorasho ayuu ku yimid, dad badan baana doorasho u taagan, maalinba ninkii loo soo doorto uun baa ka shaqaynaya, xisbiga UDUB baanan ka tirsanahay golaha dhexena waa ahay, ragga ku ad-adagna waan ahay, Axsaabta kalena nin hunguraynaya oo u socda ma ihi oo horena waan u sheegay, waa laga yaabaa rag badan oo shaqaynaya oo ama wasiiro ahi inaanay xisbiga aaminsanayn ama ku tiirsanaynba axsaabka kale laftigeeda, laakiin anigu kaas ma ihi ee nin mabda’iisa ku adag baan ahay, maalinteeda Illaahay ha ina gaadhsiiyo marka aynu ka hadlayno ololaha axsaabta.”

Ugu dambayntii Ismaaciil Aadan waxa uu shacbiga reer Somaliland guud ahaan u soo jeediyay inay ismuujiyaan oo ay tirada ugu badani is-diiwaangeliso. “Adduunka dhanbaa ina eegaya ee waxaan shacbiga reer Somaliland u soo jeedinayaa is-muujiya oo saddexda Milyan iyo wax ka badanba waa inaynu ku dhawaanaa, yar iyo weynba waa inaynu u soo baxnaa oo is-diiwaangelinaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland.


Dooda Muranka Helitaanka Miisaanka Maansada Soomaalida oo  Lagu Qabtay Norway

Oslo, December 5, 2008 (Haatuf) – Lahaanshaha iyo helitaanka miisaanka Maansada Soomaalida oo ay isku haysteen Abwaanka Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye ) iyo aqoonyahan Caraale ayaa lagy qabtay Magaalada Oslo ee dalka Norway, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahano, Abwaano iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay halkaas.

tartankan maansada ayaa waxa uu dhex marayay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) iyo Aqoonyahan  Caraale, kaasi oo ka dhacay Jaamacada Oslo ayaa waxaa  gorsoorayaal ka ahaa aqoon yahano soomaaliyeed iyo abwaano, kuwaas oo dhegaysan doona dooda u dhaxaysa labadaas aqoonyahan, ayaa waxa uu ku bilaabmay jawi heer sare ah,  waxaana dooda ka dhacday halkaasi uu prof: gaariye ku sheegay in maansada sharaxaadeeda iyo cilmiyaynteeda uu isagu ikhtiraacay ama uu abuuray, taasi oo uu ku  daabacay wargeyskii xidigta October ee jamhuuriyadii Soomaaliya Bishii march 1976-kii,  Halkaasi oo uu kusoo bandhigay nuqulo ka mid ah daabacadii wergayskii Xiddigta October uu daabacay wakhtigaas.

Waxa kale oo uu abwaan Gaariye sharaxaad  dheer ka bixiyay qaabka uu u hindisay ee maansada uu ugu saleeyay luqad ahaan sida ay u fadhido, Halkaasi oo ay ka soo qayb galayaashii bandhigaasi ay aad ugu riyaaqeen.

Qoraalkii taariikhiga ahaa ee abwaan Gaariye uu ku daabacay xidigta October Janauary 1976 ayaa Waxa kale oo uu abwaan gaariye sharaxaad dheer ka bixiyay qiimaha miisaanka afka Soomaligu ku leeyahay Maansada Waxa uu tusaalooyinkii Gaariye ka mid ahaa oo uu soo qaatey Maqaleey warlaay oo ku salaysan qaab xisaabeed sida luqada afsoomaligu udhacayso ama u shanqadhayo.

Sharaxadii dheerayd ee Prof: Gaariye waxa ka mid ahaa muhiimada ay u leedahay shaqalada iyo  shiibanayaashu maansada marka laga hadlayo. Waxa uu Proff: Gaariye sheegay in dib u sax uu ku sameeyay wax yaabihii luqad ahaan ka qaldanaa barigii uu daabacay maansada isaga oo sheegay in uu ogaadey in xarfo u dhaqma sida xarfaha labanlaabma oo culays ku keeni kara meesha ay ka galaan maansada, Xarfahaasina waxa uu ku sheegay inay yihiin S-SH-K-T-J-F

Prof: Caraale oo sharaxaya qaacidada maansada ayaa isna qaatey hadalkii oo la wareegay hadalka iyo sharax ka bixinta maansada waxa uu isaga laftiisu sheegay in uu maansada daabacay 1977kii oo nuqul aanan laga haynin lakiin imika looga soodiray dalka maraykanka jaamacad iibsatey barigaasi nuqulka maansada caraale.

Abwaan Caraale waxa uu ku dheeraday in uu hayo maansooyin dhaxal gala oo uu ku ururiyay buug uu kusoo bandhigay goobtan.

Waxana madasha mar labaad ku soo noqdey Prof: Gaariye ood moodo inuu faras sange ah saaran yahay qaabka uu u kala dhigayo maansada iyo  waxyaabo cusub oo uu  kusoo daray doodiisii hore halkaasi oo dadku sacab iyo qosol mar kaliya isku dareen.

Sikastaba ha u dhacdee  bandhigaasi labada mutacalin kasoo jeediyeen maansada Soomaliyeed oo aad loogu riyaaqey ayaa dadka badankiisu aad ugu mahad naqayeen Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi markii uu soo bandhigay waxyaabo aan hore loo maqal oo diiwaanka taariikhda u gashay abwaanka kana hor cadeeyay habkuu u helay aqoontan cusub. Iyadoo ilaa baritoole laga war sugayo inay warbixin soo saaran gudiga qiimaynta  maansada oo goobtaasi fadhiyayey.

Dhinaca kale waxaa isaguna goobta wacdaro ka dhigtay inan noorwegian ah oo goobta ka heestay hees Somali ah lana soo bandhigay album cusub oo aay soo saartay oo suuqa soo gali doona dhawaan, waxaa kaloo ka heesay goobta Himilo oo soo wada album cusub  sanadka cusub.


Ururka Somaliland Forum Oo Deeq Lacageed Ku Wareejiyay Cusbitaalka Laas-Caanood

Hargeysa, December 5, 2008 (Haatuf) – Ururka Qurba-jooga Somaliland ee la yidhaahdo Somaliland Forum ayaa shalay wareejiyay Deeq lacageed oo ay ugu yabooheen Cusbitaalka Guud ee magaalo-madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Xaflad munaasibaddan la xidhiidha oo shalay lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa ayay wakiilo ka socday ururka Somaliland Forum waxay deeqdan lacageed oo dhamayd $5,000 ku wareejiyeen Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, iyadoo ay munaasibaddaas sidoo kale ka soo qayb-galeen Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool oo uu hormood u ahaa Axmed Cabdi Xaabsade.

Cali Cabdillaahi Daahir oo xubin ka ah ururka Somaliland Forum, isla markaana ururkaasi wareejinta deeqdan u soo wakiishay ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay waxa uu ku sheegay in ururka Somaliland Forum oo la ogyahay inuu qayb-qaato hadba taakulo wixii ka geysan karo arrimaha Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, iwm, meelahaas oo sheegay inay hadba wixii karaankooda ah ku kaabaan, sidaas darteedna ay deeqdanina kuwaas uun ka mid tahay.

Waxa kale oo uu Cali Cabdillaahi sheegay in deeqdani aanay ahayn mid ay qurba-jooga Somaliland oo dhan ka soo ururiyeen ama ay si caam ah u iclaamiyeen, balse ay ahayd qaadhaan ay iska soo ururiyeen xubnaha ururka Somaliland Forum, taas oo ay uga dan lahaayeen inay ururka Somaliland Forum ahaan kaga qayb-qaataan dhinaca horumarka Arrimaha Bulshada ee gobolka Sool, kadib markii ay is-tuseen in baahi badani ka jirto Cusbitaalka Guud ee Laascaanood, waxaanu Cali xusay in markii hore ay isku dayeen in ay wax ka ogaadaan baahiyaha Cusbitaalka balse ay taasi u suurtoobi wayday, kadibna ay go’aansadeen in lacag ahaan ay ugu wareejiyaan guddida iyo Maamulka Cusbitaal oo iyagu og baahida Cusbitaalka si ay ugu gufeeyaan hadba baahidii ay ka dabooli karto deeqdan yar ee lacageed, isagoo sidoo kale xusay in deeqdani ay tahay mid ay sannad walba ugu talo-galaan inay ku caawiyaan meelaha baahiyaha arrimaha bulshadu ka jiraan.

Waxa isna halkaas ka hadlay Mudane Naasir Xaaji Cali oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ka mid ahaa xubnaha deeqdan wakiilka uga ahaa Somaliland Forum oo xubin ka yahay, waxaanu Xildhibaanku sheegay in halka uu ka duulay ururka Somaliland Forum markii ay ku dhalatay inuu deeqdan u fidiyo Cusbitaalka Laas-caanood ay ahayd baaqii ku saabsanaa in la taakuleeyo gobolka Sool iyo Sanaag Bari markii ay ku soo noqdeen gacanta maamulka Somaliland iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa adeegyada arrimaha bulshada ee degaanadaas oo dib u dhac badani ka muuqday. Waxa kale oo uu Xildhibaanku sheegay in waxyaabaha uu ururka Somaliland Forum ka duulay ay ahayd sidii dadka degaanada gobolka Sool iyo Bariga Sanaag loogu muujin lahaa in dadka reer Somaliland ay yihiin dad isku dhiig iyo isku dal ah.

Axmed Cabdi Xaabsade, Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland oo isna xafladaas hadal kooban ka jeediyay ayaa mahadnaq uga jeediyay ururka Somaliland Forum deeqday ay soo gaadhsiiyeen Cusbitaalka Laas-caanood, taas oo uu ku tilmaamay inay tusaale u tahay qiimaha ay leedahay wax wada-qabsiga iyo wax isa siinta dadka, isagoo xusay in deeqdaasi wuxuun ka tarayso baahida Cusbitaalka inkastoo buu yidhi aanay wada daboolayn baahida halkaas taal, “hase yeeshee waanu idinka warqabi doonaa wixii aad ku soo daraysaan, Cusbitaalkuna waa kii Ingiriisku 1947 dhisay oo aan cidina waxba ku darin hadday tahay dawladihii isa soo daba socday iyo hadday tahay kuwa hadda joogaba dhibaataduna way taagan tahay, markaa waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, deeqdana intaas ka sii kordhiyoo meelo badanna gacanta geliya sidii baahiyahaas wax loogu heli lahaa” ayuu Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade.

Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo isagu deeqdaas kala wareegay Somaliland Forum ayaa uga mahadnaqay is-xilqaanka ay isu soo xilqaameen inay deeqdan ku caawiyaan Cusbitaalka Laas-caanood, waxaanu ugu baaqay Qurba-jooga dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sool inay ku daydaan Somaliland Forum oo ay sida uu ururkani u gartay inuu caawiyo Cusbitaalka Laas-caanood ay iyaguna uga qayb-qaataan caawimada loo ururiyo Cusbitaalada kale ee Somaliland.

Mudane Baashe waxa uu sheegay inay lacagtan deeqda ay ugu talo-galeen inay iyagu qabtaan kadibna wax ku daraan iyo hay’adahana wax u weydiiyaan, si baahiyaha badan ee halkaas ka jira ay wax uga taraan, isagoo Mudane Baashe xusay inay ballanqaadayaan inay xaflad ku qaban doonaan Laas-caanood kuna wareejin doonaan maamulka Cusbitaal, isla markaana wixii lagu qabto ay xisaab-celin ugu gudbin doonaan ururka Somaliland Forum.

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Mahdi Cismaan Buuri oo isagu deeqdaas soo gaba-gabeeyay, isla markaana lacagta deeqda ah ku wareejiyay Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in munaasibadan ka mid tahay jawaabaha laga soo bixiyey baaqii ay ummadda reer Somaliland u jeediyeen inay gacan ka geystaan taakuleynta deegaanada gobolka Sool iyo Bariga Sanaag, waxaanu uga mahadnaqay ururka Somaliland Forum deeqdan ay ugu deeqeen cusbitaalka Laas-caanood.


Dawladda Itoobiya Oo Dib U Dhigtay Ka Bixitaanka Ciidamadeeda Jooga Somalia

Addis ababa, December 5, 2008 (W.Wararka) – dawladda Itoobiya ayaa dib u dhigtay ka bixitaanka ciidamadeeda jooga gudaha Somalia, taas oo sheegtay in ay fursad u siinaysa sidii ay beesha caalamku u keeni lahayd ciidamo bedela kuwa Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda kala baxayso Somalia kadib markii beesha caalamka ka weyday taageeradii looga baahnaa in ay dhinacooda ka qaataan.

Ururka midowga Afrika ayaa waxa uu soo saarayaa qaylo dhaan degdeg ah oo ay ku codsanayaan sidii ciidan dheeraad ah iyo dhaqaale ay ku xoojiyaan ciidamada tirada yar ee AMISOM loogu heli lahaa, kuwaas oo kooxaha Iskacaabinta kala kula weeraro xoogbadan oo lagu soo qaado fadhiisimada ay ciidamadaasi ka degan yihiin magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping iyo kan Nabad-galyada iyo Ammaanka Ramtane Lamamra ayaa Qaahira u tagay wadahadallo ay la leeyihiin hogaamiyayaasha Jaamacadda Carabta, taas oo la filayo in Lamamra uu u duul xarunta qaramada midoobay ee New York si uu wada tashi ula soo yeesho xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon.
Safarkan sida dag-dagga ah loo qorsheeyey ayaa looga gol-leeyahay in lagu raadiyo dhaqaale lagu taageero sidii loo kordhin lahaa tirada ciidamada AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika ayaa xaqiijiyey in illaa iyo xilligan jawaab bilow ah oo wanaagsan laga hayo oo kaliya dalka Norway, halka qaar kalena ay ku ballan-qaadeen in ay ku soo jawaabi doonaan maalin iyo laba gudahood.
Sarakaal ka socda wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in Addis Ababa ogolaatay in ay dhowr todobaad dib u riixdo xilligii ay u qabatay in ay Soomaaliya kaga baxayaan ceedamadeedu oo ku beegnayd 31-ka Dec, si ay fursad u siiso AMISOM in ay keento ciidan badalla.
Hase yeeshee sarkaalkani waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasiyiinta Itoobiya uu ka dhamaanayo sabirkii beesha caalamka sababtoo ah waxa ay u muuqdaan in aanay wax dan ah ka lahayn suuragalnimada burbur ku yimaada xukuumadda Mbagathi gaarka ah ee nugulka ah, iyo waliba ifafaalaha isa soo taraya ee ah in ay booskeeda buuxin doonaan maamul uu hogaaminayo xag-jir Islaamiyiin ah oo xasarad ku ah reer Galbeedka.
Itoobiya iyo waddamo kale oo ku yaal bariga Afrika oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga niyad-jabsan yihiin fashilka hogaanka xukuumadda federaalka ku meel-gaarka ah ay ku fashileen in ay dhameeyaan khilaafaadkooda u muuqda in uu hagardaamaynayo xasilloonida Geeska Afrika.
Bishii hore ayay IGAD amartay in cunaqabatayn lagu soo rago qof walba oo loo arko in uu caqabad ku yahay nabadda. Amarkaas cidna ma magacaabin, haseyeeshee saraakiil ayaa sheegtay in ay iska caddayd in uu ku aadanyahay madaxwaynaha xukuumadda federaalka ku-meel-gaarka ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed.


Dawladda China Oo Sheegtay Inay Ka Qayb Qaadanayso Dagaalka Budhcad Baddeeda Somalia

Bijin, December 5, 2008 (W.Wararka) – Dawladda China ayaa sheegtay inay ka qayb qaadanayso dagaalka ka dhanka ah budhcad baddeeda Somalia, kuwaas oo haatan diyaarinaya qorshe milateri oo ay ciidamadooda badda ay ugu dirayaan geeska afrika.

Sida uu sheegay Major-General Jin Yinan’s oo ah sarkaal joogto ah oo ka tirsan waaxda strategiyada ee wasaarada gaassheendhiga China ayaa sheegay inaanay wax lala yaabo ahayn in dowladdiisu ay maraakiib u dirto xeebaha Geeska Afrika si ay ula dagaalamaan kooxaha budhcad baddeeda ah.

Major-General Jin Yinan’s oo wareysi siinayey idaacad maxalli ah oo China ku taal ayaa yidhi  “waxaan filayaa inaanay cidna ka nixi doonin haddii China ay maalin uun go’aansato in maraakiib iyo ciidamo ay u dirto xeebaha ku dhow Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka lagula dagaalamayo budhcad baddeeda.

Kooxaha budhcad baddeeda waxaa weerarada ay dhowaanahan ay ku qaadeen maraakiib uu ka mid ahaa maraakiib laga lahaa China iyo Hong Kong.

“Iyadoo hadda ay China tahay awood weyn oo xagga dhaqaalaha dunida, way adag tahay inaan nidhaahno dhibaatada ammaan ee dunida ka jirta waxba kama geysaneyno”, ayuu ku yidhi Major-General Jin Yinan’s wareysigiisa uu siiyey idaacada Beijing oo ay sidoo kalena daabacday wakaalada wararka ee rasmiga ah ee dalkaasi.

Waa markii ugu horeysey ee hadal ka soo yeedhay saraakiil militeri oo China ah ay kaga hadlaan hawlgalka la dagaalanka budhcad baddeeda ee laga wado xeebaha Gacanka Cadmeed.

Waxaana weerarada ay ku qaadayaan kooxaha budhcad baddeeda maraakiibta ku gooshaysa Gacanka Cadmeed oo sii badanaya darteed ay sababeen in wadamo badan oo caalamka ay ka qeyb galaan hawlgalka lagula dagaalamayo budhcad baddeeda.

Qaramada Midoobay ayaa dhowaan mudada u kordhisey hawlgalka lagula dagaalamayo budhcad badeeda oo ay ka wada qeybgalayaan wadamada Europe iyo NATO ah.


Xaalada Adag Oo Qoxootiga Somalia Ku Heysata Xadka Kenya

Dhooblay, December 5, 2008 (W.Wararka ) - Hay’ada Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha qoxootiga ee UNHCR ayaa walaac  ka muujisey tirade badan ee dadka qoxootiga ee Soomaaliyeed ee weli ku sii qulqulayaa xuduuda Kenya iyo Soomaaliya xilli ay xuduudaasi xiran tahay.

UNHCR waxay sheegtay in wax laga naxo ay tahay in tiro aad u badan oo dad qoxooti ah kuwaasi oo ka soo cararaya dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya ay soo buux dhaafinayaan xuduuda labada dal halkaasi oo ay ku heysato xaalado nololeed oo aad u liita.

Liz Ahua, oo ah agaasimaha UNHCR ee Kenya oo ka hadleysey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegtey in horteyba ay xeryaha qoxootiga ee waqooyiga bari Kenya ay ku noolaayeen dad qoxooti ah oo gaaraya 228,000 kuwaasi oo xaalada aan sina loogu dulqaadan Karin ku noolaa. Waxaana ay Liz Ahua intaasi ku dartey in tirade xeryaha qoxootiga ee halkaasi ku yaala loogu talo galey inay qaadaan ay tahay 90,000 oo kaliya.

Agaasimaha UNHCR ee Kenya Liz Ahua, waxay ka digtey in tiro 80,000-120,000 qoxooti ah ay imaan karaan xuduuda haddii aaney xaalada Soomaaliya hadda ka jirta ka soo reyn.

“Gudaha Kenya waxaa ka jira xaalad bani’aadanimo oo daran taasi oo ay sii dheer tahay tirada qoxootiga Soomaalida oo tan iyo bilowgii sanadkan Kenya soo galayey”, ayey tiri Liz Ahua.

UNHCR waxay sheegtey in xaalada hadda kja jirta xeryaha qoxootiga ee waqooyiga bari ee Kenya ay tahay mid deyro leh, “ wax kasta waa ciriiri, ma heysano kharash nagu filan iyo xitaa dhul”, ayaa lagu yiri war saxaafadeed laga soo saarey xafiiska UNHCR ee Kenya.

Xaalada caafimaad ee ka jirta xeryaha qoxootiga ee heysata dadka ku dhaqan xeryahaasi ayaa iyaduna aad u liidata hadda sida ay sheegeyso UNHCR taasi oo sababi karta cudurada faafa inay xeryahaasi ka dilaacaan.

UNHCR waxay ka digtey xirnaanshaha xuduuda ee dhinaca Kenya iyadoo loogu baaqay xukuumada Kenya inay furto xuduuda si wax looga qabto dadka tirada badan ee qoxoootiga ee dhooban dhinaca xuduuda Soomaaliya.

Walaaca ka soo yeeraya saraakiisha qoxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya xilli ay qoxooti badan oo Soomaali ah weli ku soo qulqulayaan dhinaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya waxay xuduudeeda xiratey sanadkii 2007 markaasi oo ay gudaha dalka ka socdeen dagaalo u dhexeeyey ciidamada Ethiopia oo taageerayey kuwa Mbagathi iyo xoogagii maxkamadaha ee ka soo horjeeday.