Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1927 | january 01,2009 | |||||
Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar
Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID
Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia |
Khatarta Amni Ee Soo Food Saartay Caasimada Iyo Dilal Xalay Iyo Habeen Hore Ka Dhacay Magaalada Xalay Iyo Habeen Hore Waxaa Tooray Lagu Dilay Laba Qof Shan Kalena Waxaa Ka Soo Gaadhay Dhaawacyo Hargeysa, January 1, 2008 (Haatuf) - Falalka dilka iyo dhaawaca ee ay geystaan tuugtu xilliyada habeenkii ayaa beryahan dambe ku soo badanaya magaalada Hargeysa, kuwaas oo intooda badan ay geystaan Tuug iyo budhcad tooriyo ku hubaysan oo dariiqyada dadka ku baadha saacadaha dambe ee habeenkii. Xalay iyo habeen hore waxaa magaalada Hargeysa lagu dilay toorri laba nin, waxaa kale oo lagu dhaawacay illaa afar qof dad gaadhaya, halka isla xalay ay ciidanka amnigu rasaas ay gaadhi ku fureen ay ku dhaawaceen gabadh, taas oo rasaastii ay rideen ciidanku ay madaxa kaga dhacday, dhaawaceedana la keenay Cusbitaalka guud ee Hargeysa. Sida uu Haatuf u xaqiijiyey taliyaha saldhiga bilayska ee Kood-Buur Baashe Aw-dheere waxaa xalay cawaysinkii tooray lagu dilay nin magaciisa la odhan jiray Cali Muuse Qaalib (Shiine) ninkaas oo uu sheegay inuu ahaa nin qaadka ka shaqaysta, waxaanu taliyuhu intaasi raaciyey in gacan ku dhiiglihii dilkaas geystay uu baxsaday Bilayskuna ay ku daba jiraan qabashadiisa, isaga oo sheegay taliyuhu inay falkan u soo xidheen gacan ku dhiiglaha dilkaas geytay Hooyadii. Dhinaca kale habeenkii xalay ayaa ciidanka amnigu rasaas ku fureen gaadhi xaajyad ah oo marayey agagaaraha Xamdi Hutel, halkaasna ay ku dhaawacantay gabadh magaceeda la yidhaa Faadumo Ibraahim, taas oo ay rasaastu madaxa kaga dhacday, iyada oo dhaawaceeda oo ahaa mid culus la keenay cisbitaalka weyn ee Hargeysa. Dhinaca kale waxa habeen hore Toori lagu diley magaalada Hargeysa hal qof, halka afar qof oo ay dhaawacyo toori ahi meelo kala duwan ku soo gaadheen la keenay Cusbitaalka, kuwaas oo la sheegay inay geysteen tuugta habeenkii baadha dadka oo baryahan dambe waxyeelada ay dadka u geystaan ay sii badanayso. Dadka falalkaasi habeen hore ku dhaawacmay ee la keenay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo qaarkood ahaayeen dhaawacyo culus ayaa waxaa ka mid ahaa Siciid Xamse, Hilaac Maxamuud, Ifraax Ismacil Maxamed. Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee cusbitaalka Hargeysa ayaa Haatuf u sheegay in dhaawacyada ka soo gaadha dadka tuugta xiliyada habeenkii ee la keeno cusbitaalka ay baryahan dambe tiradoodu ka sii badanayso, sidii ay awal hore ahaan jirtay, kuwaas oo qaarkood dhaawacyadaasi ay u dhintaan marka dambe. Hooyo faysa Daahir Barkhad oo ah hooyada dhashay mid ka mid ah dhalinyarada tuugtaasi dhibta u gaysatay ayaa nooga warantay sida ay wax u dheceen, taas oo dhashay wiilka dhaawaca ah ee nabarka xuni kaga yaalo Beerka, iyadoo ka waramaysa sida ay wax u dhaceena waxay tidhi “ waxaan galaa xaafada calaamadaha, anoo xaafada jooga ayaa waxaa isoo dhacay telefoonka waxaana la ii soo sheegay in inankaygii dhaawac yahay oo tooray la galiyey, waxaana la ii sheegay in nimankan inankayga toorida galiyey inay soo dileen inankan maydkiisu yaalo cusbitaalka iyagoo yaacaya ayey inankaygana ka horyimaadeen meel koone ah, isagoo ka soo baxay Dukaan ku yaalla wada Caanaha Riyaha, ka dibna dhawr nabar ayey ku dhufteen oo ay u weyn tahay beerka oo nabar weyni kaga yaalo, waxaana go’ay halbawle weyn, ka dib waxaanu gaynay cusbitaalka Rambo markuu arkay ayuu isna cudbi ku awday oo uu yidhi halkan iska dhiga bari ayaan eegi doonaaye oo aan tijaabin doonaa bal waxa uu qabo. Ka dib waanu ka qaadnay oo waxaanu gaynay dhakhtarka Axmed Cabdi markii aanu sida u dhignayba ee uu eegayba wuxuu yidhi ilmahan yar hal-bawle ayaa go’ane ha la geeyo cusbitaalkii weyn oo degdeg ha loo geeyo ana waan idinka daba imanayaa. Markiiba inamadii ayaa si fiican u shaqeeyey oo sagaalkii iyo badhkiiba qolka qaliinka dhigay dhiigna ku shubay, Digtoorkiina wuu naga daba yimid. Runtii inamada heeganka ahaa ee dhakhtarku si fiican ayey noogu shaqeeyeen oo markiiba qaliin ayey ku sameeyeen oo ay toleen halbawlihiii dhiig laba kun oo sise ayey markiiba ku rakiibeen oo si fiican ayey noola shaqeeyeen inamadii gaadhka hayey” Arintan dilalka ee ay geystaan Tuugadu ayaa baryahan dambe ku soo badanaya magaalada Hargeysa, kuwaas oo xilliyada habeenkii dadka ku baadha dariiqyada, oo marba marka ka dambaysa ku soo badanaya, waxaanay arintani u baahan tahay inay wax ka qabtaan masuuliyiinta caasimada iyo bilaysku,oo ay xil iska saaraan sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaaladu inta aanu faraha ka bixin. Iskaashatada Gaadiidka Hargeysa Iyo Wajaale U KalaGoosha Oo Samaystay Nidaam Ay Ku Maamulayaan Baabuurtooda Wajaale, January 01,2009 (Haatuf) iskaashatada gaadiidka u kala goosha magaalo xudeedeedka Tog-wajaale iyo Caasimada Hargeysa ayaa soo saaray hab-maamul cusub oo lagu dhaqi doono iskaashatadooda si amniga iyo ilaalinta dalka ula shaqayn lahaayeen maamulka Caasimada Hargeysa. Guddidan iskaashatada gaadiidlayda u baxday magaalada Wajaale ayaa soo saaray nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen isla markaana ay ula shaqayn lahaayeen maamulka caasimada sidii ay amaanka uga wada shaqayn lahaayeen. Baaqan oo uu soo saaray guddoomiyaha iskaashatada Hodan Cabdi Maxamuud Sharmarke ee labadaasi magaalo u kala baxda ayaa waxay u qornayd sidan: “ aniga oo ah guddoomiyaha iskaashatada Hodan cabdi maxamud sharmarke [sanwayne] ee gaadiidka u kala baxa tog-wajaale iyo Hargeysa waxaan baaq usoo jeedinayaa maamulka caasimada gaar ahaan maayirka hargeisa iyo taliyaha laanta wadooyinka waxaanu la socodsiinaynaa maadaama oo maanta lagu jiro xaalada u baahan taxadir iyo foojignaan waxaanu ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan si loo sugo nabadgalyada dalka maadaama aanu nahay laan ay waxwalba soo maraan. waxaanu u mahad naqaynaa sida ay noola shaqeeyeen maamulka Degmada wajaale gaar ahaan Taliyaha bilayska wajaale,Gudoomiyaha Degmada wajaale iyo Taliyaha laanta socdaalka ayaanu doonaynaa inay iyaguna noola shaqayeen maamulka Caasimada ee Hargeysi. Anaga oo imika ku shaqayna nidaam sax ah oo dalka iyo dadkaba anfaca haatana maamulka caasimada ku rajo weyn nahay inay wax nala qabtaan”
iskaagashatan ayaa soo saaray qaabka ay maamul hoosaadkooda u samaysteen
si nabada iyo xasiloonida dalka dhan looga soo wada jeesto, isagoo
arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxaanu samaynay nidaam aanu isku
maamulno waxaana ka mid ah :iyada oo baabuurka qalad sameeyana lagu
xukumayo SOMALILAND IYO DHACDOOYINKII UGU WAAWAYNAA EE SANADKII INA DHAAFAY EE 2008 Shalay ayaa mar kale reer Somaliland waxa u dhamaaday sanad kale oo aanay caalamka ka helin Ictiraaf, isla markaana aanay Reer Somaliland waxba ku taransanin nabadgelyada ay haystaan, balse dhaqdhaqaayo aan la ogeyn waxay u dhali doonaan sanadaha dambe ay gebi ahaanba mashquuliyeen shicibka iyo dawladdaba. Sanadka dhammaday oo ahaa 2008-da ayaa reer Somaliland markii uu u dhalanayey waxay ku ducaysanayeen in illaahay uga dhigo mid ay ku noolaadaan barwaaqo iyo horumar, isla markaana ay caalamka ka helaan aqoonsi diblomaasiyadeed. Maanta oo uu u bilowday sanadka cusub ee 2009-ka ayaa sidoo kale waxay maanta ku ducaysanayaan in illaahay gaadhsiiyo horumar dhinacyo badan leh. Haddaba Sanadkan oo reer Somaliland ugu beryey jawi kale, rajo kale iyo saadaal kale ayaa sidoo kale uu u beryay iyadoo weli uu dalka xukumo Madaxweyne Rayaale, Golayaashii, wasiiradii, siyaasiyiintii, xisbiyadii UCID iyo Kulmiye oo aan la ogeyn wax u kordhay iyo wax ka dhacay sanadkaasi, iyadoo aan qiyaasi karin in Ilaahay ducadii 2008-da ka aqbalay iyo inaanu ka aqbalin, Haddaba si wax uga ogaanno xaaladaha kala duwan ee reer Somaliland dawladd iyo shicibba ay kaga soo gudbeen saacadihii, maalmihii, wiigaggii iyo bilihii 2008-da ayaan aynu soo qaadan karaa dhacdooyinkii soo maray dalka iyo daaladda Somaliland xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale iyo xag bulshaba inagoo ka bilaabayna bishii ugu horeysay ee sanadkii 2008-da:- 5-tii January 2008-da Madaxeyne Rayaale iyo C/laahi Yuusuf oo la sheegay inay London u wada raaceen diyaarad. .'' xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka iyo golaha baarlamaanka iyo axsaabta oo kasoo laabtay Kenya oo soo arkay doorashooyinkii dalkaasi ka dhacay. .'' Wakiilka xisbiga UCID W. Ameerika oo sheegay inaanay dimuqraadiyad ahayn Saxaafadda oo xeer ciqaabeed lagu qaado. .'' Hooyooyin danyar ah oo wasaaradda dibudejinta mucaawino u doontay. 6-dii January 2008-dii wasaaradda maaliyadda oo qufulatay xafiiskii midowga Yurub .'' Gaboose guddoomiyaha Qaran oo ku celiyey in Qaran xaq u leeyahay doorashooyinka inuu ka qybgalo. .'' Taliyaha Booliska Saylac oo ka hadlay gaadiid lagu xayiray kastamka Saylac. .'' Ciidamo Boolis Somaliland ah oo gaadhay Laascaanood. .'' Xubin ka tirsan guddigii doorashooyinka Somaliland oo sheegay in shaki kaga jiro doorashooyin ka dhaca Somaliland waana Muuse xisbi. 7-dii January 2008-dii Afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo cadeeyey in C/laahi Yuusuf Iyo Rayaale diyaarad keliya wad raaceen. .'' Mucaawino lagala baxay xarunta wasaaradda dibudejinta. .'' Suldaan reer Awdal oo ka hadlay xaalada gobolku ku sugnaa. 8d-ii January xukuumadda Somaliland oo hay'adaha caalamiga ah ugu baaqday inay nabadgelyo xumo awgeed uga soo guuri karaan Nayrobi. '' Madaxweynaha somaliland oo lagu qaabilay aqalka odayaasha UK. '' Komishanka Doorashooyinka, Xisbiga UCID iyo xisbiga UDUB oo diiday inaya dood la wadaagaan ururka Qaran. '' Guddoomiyaha kulmiye oo raalligelin ka bixiyey hadal kasoo yeedhay xubin ka tirsan xisbigaasi. 9-ka Jan Uruka Now oo la sheegay inay qayb ka qaateen mucaawino ay bixisay hay'adda la yidhaa Shelter-Box. '' Raysal wasaaraha ingriiska oo ku baaqay in Somaliland la caawiyo 10-ka Jan Golaha degaanka Berbera oo doortay maayar cusub. '' Dr Gaboose oo reer Somaliland ugu baaqay inay mawqif adag iska taagaan xukuumadda uu ku tilmaamay mid sharcidarro ah 11 January'' Madaxweyne Rayaale oo washigton tegey kana tegey dalka Ingriiska '' Marxuum ka mid ah fanaaninta Somaliland oo geeriyooday kaasoo ahaa Maxamed Yuusf Cabdi. '' Siyaasi madaxbannaan oo sheegay in la soo afjaro wakhti uu ku tilmaamay caddalad darro iyo musumaasuq. 12-- Jan Taliyihii sirdoonka Somaliland, Xuseen Kenyaati oo iscasilay . '' Mudane ka socday baarlamaanka finland oo kulamo la yeeshay guurtida iyo baarlamaanka Somaliland. '' Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda deegaanka iyo miyiga, Aadan Maxamuud Hoorri oo iscasilay. 14 Jan Dr Gaboose oo ka hadlay sidii maamulka gobolku uga mastaafuriyey Boorama. 15 jan siyaasiyiin iyo xildhibeenno ka hadlay falkii maamulka Awdal Boorama kaga mastaafuriyey siyaasiyiintii ururka Qaran. '' Madaxaweyne ku-xigeenka oo la kulmay siyaasiyiinta axsaabta mucaaradka . '' Xubin ka tirsanaa komishanka doorashooyinka oo ka hadlay digniin loo jeediyey ''wasiiro ka tirsan dawladda oo kulamo la yeeshay odayaal reer Awdal '' Wasiirka qorshaynta oo sheegay in shan guddi loo saaray jaangoyada mashaariicda. 16 Jan Dawladda UK sheegtay in kor u qaadayso xidhiidhkooda Somaliland. '' Maxweyne Rayaale oo maraykanka kula kulmay Jendai Frazer. '' Xukuumadda oo heshiis la gashay shirkad Sweden ah. '' Boqor Raabbii oo ay maxkamadda berbera ku xukuntay shan sano oo xadhig ah '17 Jan Mudaaharaad lagu taageerayo gooni iskutaagga Somaliland oo dalka ka dhacay. '18 Jan Somaliland oo sheegtay inay Puntland ka guuleysatay . 19 Jan Madaxweyne Rayaale oo kasoo kicitimay maraykanka. '' Komishanka doorashooyinka oo faallo ka bixiyey hawlgalada diiwaangelinta 20 ka January Idaacadda Raadiyoo Hargeysa oo ciladdeedii la garanwaayey. '' Madaxdhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka caadda oo ku baaqay dhulkooda looga guuro. 21 Jan Rayaale iyo wafdigiisii oo dalka kusoo laabtay sheegayna inaan ururka qaran sharci ahayn. '' Abiib Diiriye oo sheegay in haddii la musuqmaasuqo doorashooyinka aanay xukuumadda uga tagayn. '' Goodir oo iska casilay guddiga taakuleyn gobolada Bari. 22'' January Axmed Siilaanyo oo sheegay in ciyaala iskuulkii laga dhigay basaasiin iyo NSS. 26'' Jabuuti oo bilad sharaf siisay marxuum Abwaan Xasan Sh.Muumin oo geeriyooday aaskiisiina u ka qaybgalay Axmed siilaanyo 28 ''Muuse biixi oo sheegay inaanu ka tanaasulin musharrxnimo ku saabsanayd mansabka Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye. '' Xukuumadda oo jawaab ka bixisay hanjabaadii C/laahi Yuusuf. 29'' Muuse Biixi oo mar kale sheegay inaanay jirin meel uu madaxweyne iyo ku-xigeenba iskaga soo sharraxay ama ka tanaasulay. ''' Xaabsade oo Haargeysa yimi. '' Buraale oo loo magacaabay lataliyaha Axmed siilaanyo 30ka Jan Madaxii Xafiiska Halo Trust oo toogasho lagu dhaawacay. Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Komishankii Hore Ee Doorashooyinka Somaliland Iyo Kuwa Hadda, Maxaase Laga Fili Karaa Inay Ummadda U Qabtaan? Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee Boorama Sideedaba marka laga hadlayo komishanka doorashooyinka ee dal leeyahay, waxa macnaheedu yahay dad kala saari kara ummad isku qabsan karta wax sharciga dal leeyahay bannaanayn iyo wax u bannaanaynayo. Waxa kale oo komishanka noocan ah dalalka hore uga maray dimuqraadiyaddu u doortaan dad leh sifo kala duwan ha ahaato xag aqooneed, xag caqliga, xagga dhaqaalaha, xagga diinta iyo caqiidada iyo xagga waddaninimada, iyadoo lagu talo gelayo in ragga mansabkaasi uu qaranka iyo shacbiguba u dhiibtaa noqon karo mid ka fogaan kara siyaasad, xisbi, koox, weji caabud, saaxiibtnnimo, abtinnimo, seeddinimo xilkiisaasi saameyn ku yeeshaan. Somaliland waa dal ka mid ah dalalka dimuqraadiyadda jidkeedii haya, horena u soo galay doorashooyin degaan iyo kuwa Madaxweyne-nimoba, balse weli aanu caalamku ictiraafin. Haddaba markaad eegto doorashooyinkii Somaliland soo martay sannadihii tegay, diiwaangelinta haatan lagu gudo jiro iyo dabaylaha siyaasadeed ee dalka ku soo fool leh wakhtiga doorashooyinka ayaa la isweydiin karayaa in komishanka haatan xilka loo magacaabay gudan karo waajibaadkii kaga habboonaa iyo inay yihiin kuwa laga cawdi bilaysto belaayada ay kala dhex dhigaan reer Somalilandna la hadal hayn doono sannadaha soo socda. Haddii aynu dib u eegno taariikhdii iyo shaqooyinkii ay dalka ka soo qabteen komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee uu madaxa ka ahaa Axmed X. Cali Cadami, iyo waxay kaga duwanaan karaan komishanka haatan ee uu madaxa ka yahay Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, ayaan soo qaadan karraa dhawr arimood; Waa tan koowaade waxaan komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ku qiimayn karraa aqoontooda iyo waayo aragnimadii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda intii aan loo magacaabin xilkaasi, iyagoo ahaa rag aan siyaasiyiin ahayn, isla markaana aan ka tirsanayn xisbiyo. Waxay xubno ka tirsani ahaayeen rag aanay ku dheehnayn aragti qabyaaladeed, isla markaana aad odhan karaysay in hawshii doorashooyinka ee ay dalka ka soo qabteen ku dhammaysteen si nabadgelyo, waxay doonaanna sameeyey, maadaama hawshaasi doorashooyinku bilow innoo ahaayeenna qof kastoo reer Somaliland ahi uu raalli ka ahaa sax iyo khalad waxay sameeyaan ama soo saaraan yahay lama taabtaan. Komishankii Cadami waxa kale oo uu caan ku ahaa go'aan qaadashada iyo talooyinka sida deggan ay u wada gaadhi jireen mana jirin khilaaf bulshada dhexdooda ah oo reer Somaliland soo gaadhay, haddii uu jirayna waxay ku dhammaysan jireen si hoose oo aan qaylo iyo buuq toona lahayn. Inkastoo ay komishankaa hore ku jireen ama ka mid ahaayeen rag aan sidaa loogu jeclayn hawlaha doorashooyinkaasi, waxa xumaantoodaa qarinayey rag odayaal ah oo kaalin xoog leh ku lahaa jiritaanka komishamkaasi ilaa intii uu si fiican uga dabbaalanayey natiijadii muranka badan lahayd ee uu komishankaasi kursiga ugu dhiibaay Daahir Rayaale. Komishankii Cadami, waxay ka koobnaayeen dad ka soo jeeday gobollo iyo degaanno kala duwan iyagoo metelayey dad ku kala nool duruufo kala duwan oo ku kala nool gobollo astaamo kala duwan leh, balse kama muuqan gobolaysi iyo beelaysi toona. Inkastoo ay ku jireen rag xukuumadda u xaglinayey, isla markaana ay ka mid ahaayeen rag aan xaq iyo baadilka kala garanayn, haddana waxaad moodaysay inay ahaayeen rag xishoon jiray oo u badnaa kuwa aamusan. Hase yeeshee markaan wax yar ka sheegno muqaalka komishanka haatan dalka la doonayo inuu ku hoggaamiyo dimuqraadiyad, ictiaaf iyo doorashooyin xor oo xalaal ah, ayaa qof kasta oo la socda xaaladda komishankaasi isweydiin karaa ma yihiin kuwa dalkan gaadhsiin kara doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo nabadgelyo. Markaad u dhabbo gasho xubnaha komishanka Somaliland u qaabilsan doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waxay siyaasiyiin badan oo reer Somaliland durba ogaadeen inaanay la mid ahayn komishankaa hore marka laga eego xagga waayo aragnimada, aqoonta, siyaasadda iyo daacadnimadooda dalkan ay kaga saari lahaayeen horumar la'aanta iyo hoos u dhaca nolosha ijimaaciga ah . Haddii aan wax yar ka eegno sifooyinka kala duwan ee ragga maanta dalka mustaqbalkiisa loo dhiibay leeyihiin ayaan waxaan soo qaadan karaa qodobadan: Waa tan koowaade maadaama dadweynaha reer Somaliland u tababarteen sifaha laga doonayo komishan doorasho, waxa markiiba uu arkayaa inaanay komishankani ahayn kuwa xil-gudashadoodu noqon doonto mid aakhirataanka dalka u keeni karta isbeddel siyaasadeed oo ku dhisan nabadgelyo iyo dimuqraadiyad . Waa tan labaade komishankan ayaa waxa sidiisaba laga arkaa inuu yahay mid uu magacaabay hoggaamiyaha dalku, isla markaana toddobada xubnood ee uu ka koobanyahay shan ka mid ahi yihiin xukuumadda, halka laba ka mid ahna loo arko inay yihiin kuwa xisbiyada mucaaradku keeneen, balse mid ka mid ahi aanu xitaa daacad u ahayn xisbigiisa. Waa tan saddexaade komishankan ayaa waxay u egyihiin kuwa aan qaarkood dalkaba aqoon u lahayn, xukuumadda Somaliland si ay ku timidna aan waxba kala socon oo debedda laga keenay, sidaa darteedna garanaya uun Daahir Rayale oo debedda uga yeedhay. Waxa kale oo komishankan Kabaweyne durba lagu bartay sida ay u fashilan yihiin khilaafyada dhexdiisa ah iyadoo la ogaa in raggii aqoonta lahaa ee komishankan hore loogu mgacaabay qaarkood markii ay dhaliileen waajib gudashadooda debedda laga dhigay, oo weliba xadhig loogu daray. Waa tan afraade waa niman dhaqaale ahaan liitay, shaqo ay ku xoogsadaana debedaha ama dalka ka waayey, sidaa darteedna ay shaqaale u yihiin ciddii shaqadan siisay. Waa tan afraade komishankan Kabaweyne wuxu durba ku fashilmay hawlaha diiwaangelinta oo tirooyinkii, qaabkii iyo dhaqaalihii lagu fulinayeyba ay siyaalo kala duwan u maamusheen, iyagoo durba Guddida Diiwaangelinta ee uu Ismaaciil Muuse masuulka ka yahay durba hadallo isburinaya ku kala sheegeen tirooyinka diiwangelinta ee gobolada dalka qaarkood, sida Awdal oo kale. Waa tan shanaade komishankan aan durba laga dareemi karayn dacadnimo iyo dhexdhexaadnimo ay ku kala badbaadin karaan axsaabta mucaaradka iyo xisbiga Dawladda marka la gaadho doorashooyinka soo socda. Waa tan lixaade komishankan Kabaweyne, waxaa lagu xantaa inuu xidhiidh hoose la leeyahay xukuumadda kaas oo ku salaysan gacalnimo, xisbi-nimno, beelaysi, gobolaysi iyo siyaalo kale, sidaa darteedna aan looga fadhiyin in doorasho kastoo dhacda aanay ka soo bixi karin wax qanciya labada dhinac ee ku loolamaya hoggaanka dalka. Si kastaba ha ahaatee axsaabta siyaasadda ayey u taallaa aaminka iyo aamin la'aanta ay komishankaasi ku aaminayaan mustaqbalka dalkan maadaama aanu lahayn sifihii looga bartay inay yeeshaan komishanada noocan oo kale ah, sidaa darteedna ay wanaagsanaan lahayd in axsaabta ku loolamaysa siyaasadda dalku komishan dhexdhexaad ah debedda ka soo kireystaan, ama kala yimaaddaan dalalka debedda, haddii kale ay dhici doonto wakhti toddoba qof oo aan taariikh la yaqaan dalkan ku lahayn aasaaskiisii iyo halgankiisii lumiyaan mustaqbalkiisa, nabadgelyadiisa iyo qarannimadiisaba, fawdo siyaasadeedna u horseedaan, iyaguna debedeha iskaga baxaan. Mudaharaad Balaadhan Oo Lagaga Soo Hor Jeedo Weerarada Israa’il Ay Ku Hayso Qaza Oo Ka Dhacay Djibouti Djibouti, January 1, 2009 (W.Wararka) - Mudaharaado balaadhan oo lagaga soo hor jeedo weerarada ay Iraa’iil ku hayso Qasa ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti, kuwaas oo socod ku soo maray wadooyinka magaalada iyaga oo markii dambe iskugu soo biyo shubtay barxada weyn ee kubada lagu ciyaaro ee Xaaji Xasan Guuleed. Dibad Baxyaasha ayaa dareenkooda ka muujinayey weerarada axmaq nimo ee ay yuhuudu ku hayso shacbiga Falastiin, kuwaas oo wejiyadoodana ay ka muuqatay shucuur aad u kacsan ayaa waxa ay wateen Boodhadh ay ku qoranaayeen hal ku dhigyo ka dhan ficilada Yuhuudu ku heyso walaalaha Islaamka ah ee reer Falastiin. Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen golaha culimada sare ee dalka Jabuuti ayaa dibed-baxayaashu waxa ay ku gubeen calanka Yuhuuda, iyadoo halkaasi lagu arkayay dadka tiro badan oo si cadho leh ugu joog joogsanayay calanka oo gubanaya kuna dhawaaqayay Israa’iil ha dhacdo, Gazzana ha guuleysato. Culimaa’udiinka Reer Jabuuti ayaa halkaasi hadalo iyo khudbado ay ku cabiryaan dareenkooda sida ay uga xunyihiin xasuuqa ka dhanka ah xukuuqda aadamada ee ay dawladda Israa’il ka wado halkaasi ka soo jeediyey. Dhinaca kale waxaa si weyn indhaha dadka Djibouti u soo jiitay Wiil aad u da’yar oo reer Falastiin ah oo khudbad dheer halkaasi ka soo jeediyay, kaas oo khudbadiisa diirada ku saaray xusuuqa bahalnimo ee Yuhuuda ka wado dhulka Gazza ee ay ku laynayso maatida u badan dumar iyo caruurta aan waxba galabsan isagoo u duceeyey inuu Alle ka kor qaado masiibada caddowga Sahyuuniyadda.
Dadweynahan ayaa sidoo kale socdaal dheer waxa ay ku mareen waddooyinka
waaweyn ee magaalada Jabuuti, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan
Yuhuuda America iyo cid walba oo Israa’iil ku taageerta dhibaatada ay ku
hayaan shacabka reer Falastiin. Cali Mahdi oo ku eedeeyey mucaaridka iyo shacbiga Somalia inay ridaan madaxwayneyaasha iyaga oo aan muddadoodii dhamaysan Dubai January 1, 2009 (W.Wararka)- Cali Mahdi Maxamed oo mar ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana ka mid ah Siyaasiyiinta Caanka ah ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay Natiijo xumo tahay is casilaadii, kaas oo shacabka iyo mucaaridka ku canaantay inay Madaxweyne kasta oo aan xilkii Madaxweynenimo dhamaysan ay ridaan ama ay ku kalifaan inuu xilka iskaga dego. Waxaana ka mid ah hadaladiisii “Aniga waxay ila tahay in ay Natiijo xumo tahay is casilaada C/laahi Yuusuf Axmed, waana guul daro u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, maxaayeelay Madaxweyne Kasta oo dalka xil ka qabtaa isagoo aan waqtigiisa dhamaysan oo aan Natiijada kama dambaysta ah gaadhin ayaa la ridaa, waana ayaan daro arrimahaasi oo kale” ayuu yidhi Cali Mahdi Maxamad. Cali Mahdi Maxamad waxa uu intaas raaciyey in aanay suuragal ahayn in Baarlamaanka la gaadhsiiyo Tiro gaadhaysa 550-Xubnoo, xili la awoodi la yahay tirada rasmiga ah ee Baarlamanka Musharaad ku filan. Cali Mahdi waxa uu dagaalada ka socda qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya uu ku tilmaamay inay yihiin dagaal aan loo baahnayn waxaan uu ugu baaqay garabyada is haya inay joojiyaan dagaaladaasi wax kastana ku dhameeyaan wada hadal iyo is faham. Aragtidayda Hawl-Galkii Diiwaangelinta Gobolka Sanaag By A. A. Goodir Kolayadii gaadiidka ee siddey agabka iyo hawl-wadeennada u socday Goobaha diwaangelinta, waxay ahaayeen kuwo kala daadsan, oo lagu direy qorshe laʼaan (haphazard), iyadoo aanu jirin hage dal-yaqaan ah oo hoggaamiya gaadiidka intii isku aag ahba, waxaana sidoo kale iyana aan jirin farsamo yaqaanno (Mechanics), daba socda gaadiidka oo farsamayn kara wixii jidka kaga xumaada ee fadhiista dhabbaha dheer ee rafka iyo qardo-jeexa ah, iyadoo sida la wada ogsoon yahay dhibaato lagala kulmay arrimahan. 1. In gaadiid badani jidka ku xumaaday, qaar kalena ka lumeen jihadii ay ku socdeen, hagid laʼaan awgeed. 2. In dib u dhac ku yimid furitaanka goobo badan, lagalana daahay agabkii iyo shaqaalihii, halkii maalin ka hor loo sii hor-marin lahaa goobaha fog-fog ee qorfaha ah, sida kuwa dhul xeebeedka iyo gubanka buuraleyda ah ku yaalla, iyadoo ahayd in gaadiid feyow oo ka bixi kara loogu talo-galo meelba meesha ka adag. 3. Isku-duwid laʼaan iyo ku talo-gal laʼaan gaadiid Kayd ah (Reserve), oo isla kolkiiba lagu wareejin karo agabka iyo shaqaalaha jidka ku cadilma, iyadoo lagala kulmay gurmad laʼaan komishanka diwaangelinta ee degmooyinka, una muuqday kuwo aan loogu talo-gelin awood dhaqaale oo ay wax ku fulin karaan, taas oo ku soo baxsatay Dadweynaha deegaanada. 4. Madaxda kormeerka heer Qaran oo qayb ka ahayd hawl dhabqinta habsami u socodka xawliga saacadaha diwaangelinta goobaha, taas oo keenaysay joog-joogsi iyo wakhti lumis aan loo baahnayn. 5. Goobo abaar awgeed looga guuray oo iyadoo aan meel kale hore loogu beddelin, laga kor dhacay sahan la’aan awgeed. 6. Wakiillada Asxaabta oo aan sidii la rabay ula hawlgelin, ulana jaadqaadin kormeerrada Komishanka Qaranka (heer kasta), taas oo dhalisay kala xidhiidh furasho iyo wada hawlgal laʼaan. 7. Hab-raaca iyo natiijada ka soo baxda diiwaan-gelinta Gobollada waa inay ahaadaan kuwo degdeg loogu soo bandhigo bulsho-weynta, Axsaabta Qaranka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, si aan wakhti loo lumin oo loogu tabaabushaysto hirgelinta Doorashada soo fool leh ee Madaxtooyada, taas oo Komishanka looga baahan yahay inay isla imikaba u jeediyaan wax kastaba xagga Doorashada ee ku talo-galka miisaaniyadda iyo dalabka agabka Doorashada ee xaasaasiga ah, iyadoo uu wakhtigu cidhiidhi yahay, loona baahan yahay in loo soo jeesto, taabbo-gelinta Doorashada aayaha dalku ku xidhan yahay. Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud Oo Dhaawac Fududi Ka Soo Gaadhay Markii Gaadhigiisii Kula Dhacay Duleedka Berbera “Waxaan U Socday Hawlaha Diiwaangelinta Gobolka Buuhoodle Marka Gacanta Aan Ka Jabay Laykabana Si Dhakhso Ah Ayaan Ugu Baxayaa Safarkaygii” Wasiir Ku Xigeenka Cabdirisaaq Cawil Bacaluul Hargeysa, January 01, 2009,(Haatuf)- Wasiirka ku xigeenka wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Cabdirisaaq Cawil Bacaluul ayaa shalay socdaal uu ugu baxay magaalo madaxda gobolka Togdheer ayaa waxa uu baabuurkisii kula dhacay duleedka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil halkaasoo dhaawac ka soo gaadhay gacanta bidix oo uu ka jabay ka dib markii gaadhigu la dhacay haseyeeshee wax khasaare ah oo dhimasho ahi xubnihii kala ee ku weheliyey safarkaasi shilkaasi kama soo gaadhin. Wasiirku xigeenka hawlaha guud Cabdirisaaq Cawil Bacaluul oo aanu xalay khadka telifoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga magaalada Hargeysa oo shilkaa ka dib loo soo qaaday, ayaa isagu noo sheegay shalay subaxdii abaaro 6-dii aroornimo mar ay ku guuda jireen socdaal ay ugu baxeen magaalo madaxda gobolka Togdheer arimo ku saabsan hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka buuhoodle uu gaadhigiisu kula dhacay duleedka Berbera isagoo intaa ku daray in kornayl Maxamed Dhulqas oo ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Puntland ee Buuhoodle ee dhawaan ku soo biiray Somaliland oo gaadhiyada saarnaana aanay wax dhaawaca oo culusi soo gaadhin marka laga reebo jugo yaryar oo ka soo gaadhay dhicistii baabuurka. Wasiirku xigeenka hawlaha guud cabdirisaaq Cawil bacaluul oo shilkii ay galeen ka hadlayana waxa u yidhi “ shalay subax abaaro 6-dii aroornimo oo anau safar la xidhiidha hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Buuhoodle ugu ambabaxnay magaalda Burco oo aanu rabnay inaanu komishanka doorashooyinka kulan kula yeelano ayaa anagoo marayna duleedka magaalada Berbera gaadhigii aanu wadnay nagula dhacay waxaanu dhaawaca iga soo gaadhay gacanta bidix oo aan ka jabay, xaaladayada caafimaadna aad bay u fiican tahay, waxaanan ku dadaalayaa marka laykabo gacantaasi inaan socdaalkaasi ubaxo si aanu waajibkayagii wacyigelinta diiwaangelinta gobolka Buuhoodle u sii wadano” Mar aanu waydiinay in xubnihii kale ee wehelinayey wax dhimasho iyo dhaawac ahi ka soo gaadhay shilka gaadhi waxa uu yidhi “ cid ku dhimatay shilkaasi ma jirto, waxaa igu weheliyey safarkaasi kornayl Maxamed Dhulqas balse wax dhaaac ahi ma soo gaadhin marka laga reebo jugo yaryar oo ka soo gaadhay dhicidii gaadhiga” |