Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1928  january 02,2009

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia

 

Diiwaangelinta Cod-Bixiyeyaasha Ee Maanta La Filayo Inay Ka Bilaabanto Sool, Loolanka Xisbiyada Ee Kasbashada Dadweynaha Gobolkaas Iyo Duruufaha Ku Xeeran gobolkaas.

Laas-caanood, January 2, 2009 (Haatuf) – Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ayaa la filayaa inay maanta si rasmi ah uga bilaabanto degaamada gobolka Sool oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee la qabto hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta, ahna xubin Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Ismaaciil Muuse Nuur, ayaa sheegay in diiwaangelintii si rasmi ah maanta uga bilaabmi doonto Gobolka Sool, isagoo xusay in hawlwadeenadii diiwaangelintu ay badankoodii ku sugan yihiin deegaanada Gobolka Sool ee ay ka hawlgalayeen, inkasta oo uu sheegay Ismaaciil inay jiraan kooxo aan gaadhin goobihii ay ka hawl-galayeen, kuwaas oo la filayo inay ilaa xalay gaadhaan degaanadaas, haddana waxa uu sheegay in aanay jirin wax caqabad ah oo ilaa imika la ogyahay oo ka hor iman karta inay diiwaangelintu maanta ka bilaabanto 150-ka goobood ee loo asteeyay inay ka dhacdo diiwaangelintu.

Dhinaca kale waxaa labadii maalmood ee u dambeeyay degaanada gobolka Sool ku sii qulqulayay wufuud farabadan oo isugu jirta axsaabta mucaaridka iyo muxaafidkaba iyo guud ahaan siyaasiyiinta u dhashay gobolkaas, kuwaas oo ujeedada socdaalkooda ay tahay inay dadka reer Sool ku dhiiri-geliyaan inay is-diiwaangeliyaan.

Wufuudda xisbiyada ee ilaa hadda gaadhay ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, kaas oo shalay casarkii gaadhay magaalada Laas-caanood, halkaas oo la sheegay inay si weyn ugu soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Laas-caanood.

Sidoo kale, waxaa isaguna Laas-caanood gaadhay gudoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID, Aadan Mire Waqaf iyo wefti uu hoggaaminayo, iyadoo la filayo inuu gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe isaguna maanta u ambabaxo magaalada Laas-caanood.

Waxa kale oo isaguna dhinaca xisbiga UDUB ee talada haya magaalada Laas-caanood ka jooga wefti uu hoggaaminayo Cismaan Garaad oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UDUB, waxaana la filayaa inuu Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayaa ay halkaas tagaan maanta ahaan, iyadoo uu weftiga Madaxweyne ku-xigeenku xalay u hoyday degmada Oog oo ka tirsan degaanada gobolka Sool.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegay in kumanaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo sita calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka xisbiga KULMIYE ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa markii ay shalay casarkii halkaas gaadheen, waxaanu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siillaanyo kala hadlay dadweynaha soo dhaweeyay meel fagaare ah, isaga oo uga mahad celiyay sida qiimaha iyo qaayaha badan ee ay u soo dhaweeyeen.

Axmed Siilaanyo waxa uu dadweynaha gobolka Sool uga waramay socdaalkooda iyo sida ay muhiimka u tahay in shacabka gobolka Sool guud ahaan ay u diyaargaroobaan diwaangelinta maanta ka bilaabi doonta gobolkaas.

Fagaarahaas waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, iyaga oo dadweynaha ku booriyay in ay diwaangelinta si wayn uga qayb qaataan.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qiimaha nabad-gelyada iyo degenaanshaha. Isaga oo ka mid ahaa raggii dedaalka badan ka galay nabadeyntii beelaha Bariga Somaliland iyo guud ahaanba dalka Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo waa markii ugu horeysay ee uu socdaal ku tago magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, tan iyo sannadkii 2003 wax yar ka hor doorashadii Madaxtooyada ee sannadkaas ka dhacday.

Ka sokow diiwaangelinta maanta ka bilaabmaysa gobolka Sool, waxay xisbiyada siyaasadda ee Somaliland loolan ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen kalsoonida dadweynaha gobolka Sool ku dhaqan kuwaas oo aan hore ugu calaamadsanayn Axsaabta qaranka, iyadoo aanay doorashooyinkii hore inta badan degaanada gobolka Sool ka qabsoomin.

Haddaba, gobolka Sool oo la filayo inay iska diiwaangeliyaan tiro aad u badan oo dadweynaha halkaas ku dhaqan ah, ayaa xisbiga talada haya ee UDUB waxa uu xoog saarayaa sidii uu u dhaqan lahaa xisbiga tirada dadka ugu badan ka hela, hase yeeshee waxay warar xog-ogaal ahi sheegeen inay inta badan dadka ku nool gobolkaas aanay u haynin taageero badan xisbiga UDUB iyo xukuumaddiisaba, taas oo loo nisbaynayo inay ka timid balanqaadyo badan oo ay xukuumaddu ku balanqaaday inay degdeg wax uga qabanayso adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kuwaas oo aan ilaa hadda wax la taaban karo oo ay xukuumaddu ka qabatay aanu jirin, marka laga reebo nabadgelyada oo ay ciidanka Qaranka, Bileyska iyo dadweynaha gobolkaasiba ay iska kaashadeen.

Goobaha adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha ayaan ilaa hadda wax ay xukuumaddu ka qabatay haba yaraatee aanu jirin, iyadoo la sheegay in Cusbitaalkii magaalada Laas-caanood aanu sidii la rabay u shaqayn, taas oo ay ugu wacan tahay dawo iyo qalab la’aan, iyadoo muddo sannad iyo dheeraad ah ay xukuumaddu qabanaysay lacag 2% ah oo loo saaray dib u dhiska gobolka Sool iyo Bariga Sanaag cashuurta laga qaado dadweynaha reer Somaliland, waxaana qiyaas ahaan lacagta muddadaas ka soo xerootay 2% lagu qiyaasay lacag ka badan 5Milyan oo dollar, taas oo aan ilaa hadda la ogeyn meel ay ku danbaysay, isla markaana ay siyaasiyiinta gobolkaas u dhalatay marar badan warbaahinta kaga hadleen inaanay lacagtaasi waxba ka soo gaadhin gobolkaas.

Sidaas darteed, ayaa la saadaalinayaa inaanay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB wax taageero buuran ka helin doorashooyinka soo socda, halka siyaasiyiin gobolkaas u dhalatay oo miisaan culus ku leh dadka degaankaas ay dhowaan ku biireen xisbiyada Mucaaridka, kuwaas oo la filayo inay taageerada ugu ka helaan dadweynaha gobolkaas ku dhaqan.

Dhinaca kale, waxaa jira duruufo gaar ah oo ku xeeran degaano ka mid ah gobolka Sool, kuwaas oo ay ka mid yihiin degaano yar oo aanu weli maamulka Somaliland si fiican uga dhaqan gelin, iyadoo meelahaas yar ay fara-gelin ku hayaan dad taageera siyaasadda maamul-goboleedka Puntland oo hore degaanadaas u maamuli jirin, waxaana suurta-gal noqon karta inay dadkaas oo ay dabada ka wadaan maamul-goboleedka Puntland isku dayaan inay carqaladeeyaan hawsha diiwaangelinta iyo deganaanshaha degaanadaas. Sidaas darteed, waxay wararka laga helayo gobolkaasi tibaaxeen in heegan culus la geliyay ciidamada Qaranka ee gobolkaas ku sugan, iyadoo ay dhawaana ciidankaasi hore ugu ruqaansadeen degaano u dhow xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia, si ay u sugaan nabadgelyada iyo deganaansha degaanadaas la doonayo inay ka dhacdo diiwaangelintu.


“Haddii Doorashada La Iga Helo Waxaan Noqon Doonaa Oday Somaliland Ah Oo Dalkiisii Jooga”

Madaxweyne Riyaale

Hargeysa, January 2, 2009 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa uu yeeli doono haddii lagaga adkaado doorashada Madaxweynaha ee u qorshaysan inay dalka ka dhacdo dabayaaqada bisha March 2009, waxaanu sheegay inuu noqon doono oday Somaliland ah oo dalkiisa jooga.

Madaxweyne Riyaale oo wareysi habeen hore siiyey Telefiishan Madaxtooyada laga maamulo ee dawladda, ayaa sheegay inaanay doorashadu wakhtigeedu daqiiqad dib uga dhici doonin, isagoo sheegay in ay dadweynaha u taalo cidda ay dooranayaan, balse isaga haddii lagaga guulaysto tartanka madaxtinimadana waxa uu Riyaale sheegay inuu noqon doono nin muddadii la doortay dhammaystay.

Hase yeeshee Madaxweyne Riyaale waxa uu marka hore hambalyo u diray shacabka Somaliland oo uu ugu hambalyeeyay bilowga labada sannad ee Hijriga iyo Miilaadiga, waxaanu yidhi: “Sanadka Islaamka iyo sanadka Miilaadiga 2009, Illaahay waxaan uga baryayaa inuu Ummada Somaliland, Muslimka iyo dhamaan Ummadda Caalamka inuu sannadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo horumar, barwaaqo iyo is-afgarad ka dhaca khilaafaadka aduunka ka socda ayaan Illaahay uga baryayaa, waanan u hambalyaynayaa, gaar ahaana ummadda reer Somaliland waxaan ugu hambalyaynayaa sidii geesinimada lahayd ee ay uga qayb-qaateen diiwaan-gelintii Shanta Gobol ka dhacday, waxaanan rajaynayaa in Gobolka hadhay (Sool) sidaas oo kale si nabad ah uga dhici doonto, haddii Illaahay yidhaahdo, waxaanan leeyahay Kuli-caam wa antum bikhayr.”

Madaxweyne Riyaale oo ka hadlayay wakhtiga ay dhacayso doorashooyinka Madaxtinimada iyo sida uu yeeli doono haddii lagaga guulaysto doorashooyinkaas, waxa uu yidhi: “Horta mar kastaba guusha la isma siiyo ee Allaa haya iyo Shacbiga oo Illaahay ku ilhaamiyo cidda ay u gartaan. Markii hore Anniga oo Kursiga ku fadhiya oo saddex sannadood halaguu kordhiyo la yidhi Annaa idhi maalin lagu dari maayo oo Somaliland muddo la kordhiyo ku iibsami-mayso ee doorasho ayay ku iibsamaysaa. Markaa markastaba Annigu Somaliland inay hore u socoto ayaan ku talinayaa, Shacbigaanay u taallaa cidday doortaan. Laakiin, Annigu waxaan noqonayaa Nin wakhtigiisii dhamaystay, haddii doorashada la iga helo dalkaygaan joogayaa, Oday ayaan noqonayaa Somaliland ah oo dalkiisii jooga.”

Madaxweyne Riyaale ayaa u muuqda inaanu rajo badan ku qabin inuu ku soo noqon doono kursiga Madaxweyne-nimada doorashada soo socota, taas oo muddadii toddobada sannadood ahayd ee uu dalka xukumayay aanay xukuumaddiisa waxba ka qabanin dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada iyo ictiraaf-raadinta, iyadoo ay xukuumaddiisa ragaadisay musuq-maasuq iyo maamul-xumno laf-dhabarta ka wareentay horu-socodkii ay u baahnaayeen dadka reer Somaliland, sidaas darteedna waxay dadka badankiisu aaminsan yihiin in Riyaale haddii mar kale loo doorto kursiga aanu waxba ku soo kordhin doonin, isla markaana siyaasadiisa iyo maamulkiisa oo la bartayna aanay daweynayn xanuunka bulshada reer Somaliland ka haya dhaqaalaha, caddaaladda, horumarka bulshada, shaqo la’aanta iyo aqoonsi ay bulshada caalamka Somaliland kaga mid noqoto, taas oo natiijadeedu noqon doonto wax aan la saadaalin karin.


Tirada Dadka Iska Diiwaangeliyey Gobolka Sanaag Oo Gaadhay 210 Kun

Ceerigaabo, January 1, 2009 (Haatuf) – Guddoomiyaha guddida diwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Sanaag Maxamed Maxamuud Badmaax ayaa shalay ku dhawaaqay natiijada hor-dhaca ah ee dadka iska diwaangeliyay Gobolka Sanaag, kadib markii ay soo xeroodeen tirooyinka 30 goobood oo lagu kordhiyey deegaamada Badhan iyo Dhahar ee Bariga Sanaag, kuwaas oo maalin ka dambeeyey gobolka intiisa kale.

Tirada dadka iska diiwaangeliyey gobolka Sanaag oo hore komishanku u sheegay inay tahay 180 Kun oo qof waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Diiwaangelinta gobolku in ay gaadhayso tirada guud ee dadka iska diiwaangeliyey gobolka 210 kun oo qof, isaga oo sheegay in labada degmo ee hadhsanaa ee Badhan iyo Dhahar ay iska diiwaangeliyeen 18,000 oo qof (Badhan oo 11,000 ah iyo Dhahar oo ay iska diiwaangeliyeen 7,000).

Guddoomiyaha guddida diwaangelinta ee gobolka Sanaag waxa uu ku hambalyeeyay dadweynaha ku dhaqan gobolkaasi sidii wadaniyadda ahayd ee ay uga qayb qaateen hawshii diwaangelinta codbixiyayaasha.

Mr. Badmaax waxa kale oo uu hambalyeeyay hawl-wadeenadii Komishanka qaranka iyo madaxdii Komishanka, madaxda Axsaabta iyo dhamaan masuuliyiinta kale ee ka qayb qaatay suurta-gelinta diwaangelitna codbixiyayaasha gobolka Sanaag.

Is-hiifka iyo haaraanka wasiirrada:

Xukuumadda ayaa komishanka Doorashooyinka ku khasabtay in goobaha diiwaangelinta ee gobolada Sanaag iyo Sool lagu kordhiyo 150 goobood oo cusub, laguna fidiyo diiwaangelinta deegaamada labadaas gobol ee aan hore doorashooyinku uga dhicin, kuwaas oo aan ku jirin qorshaha lagu jaangooyey diiwaangelinta codbixiyayaasha. Hase yeeshee, xukuumadda ayaa sheegtay inay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya goobahaas la kordhiyey.

Lixdan goobood oo loo kordhiyey gobolka Sanaag, looguna talagalay deegaamada Badhan iyo Dhahar ayaa xaalad iyo xiisad ka abuurtay gobolkaas, kadib markii dadka deegaanku ku kala qaybsameen, isla markaana maamulka Puntland oo sheegta deegaamadaasi uu ku hanjabey inuu horjoogsanayo in deegaamadaas la keeno diiwaangelinta. Waxaana aakhirkii lagu soo koobay 30 goobood oo laga sameeyey tuulooyin masaafo u jira degmooyinka Dhahar iyo Badhan, sababo la xidhiidha ammaanka darteed, kuwaas oo diiwaangelintu ka bilaabmatay maalintii 4aad iyo maalintii 5aad ee diiwaangelinta gobolka Sanaag, inkasta oo maalin dheeraad ah loogu daray goobahaas.

Goobahaas ayaa la sheegay in dadka baabuur lagu keenayey oo laga soo daabulayey magaalooyinka Badhan iyo Dhahar. Waxaana la sheegay in xukuumaddu aad uga niyadxumaatay tirada ka soo baxday deegaamadaas oo aad uga yar intii ay filaysey.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamuud Siciid oo ka soo jeeda degmada Dhahar ee bariga fog ee gobolka Sanaag, isla markaana dabada ka riixayey goobaha lagu kordhiyey bariga Sanaag oo uu isku dayey inuu isagu maamulo ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Madaxtooyada laga maamulo ee Hargeysa waxa uu ku eedeeyey magaalada Ceerigaabo iyo dadkeedu inay is hortaagtey goobihii diiwaangelinta ee loogu talagalay bariga Sanaag, isaga oo sheegay in Ceerigaabo lagu horjoogo agabkii iyo hawlwadeenadii diiwaangelinta.

Si ka duwan wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Hawlaha Guud, Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa wasiirro xukuumaddu u dirtay maamulka goobahaa bariga Sanaag ee la kordhiyey ayaa shir jaraa’id oo shalay ku qabtay magaalada Burco waxa uu ku eedeeyey xisbiyada mucaaridka in aanay daacad ka ahayn diiwaangelinta gobolada Bari, isla markaana ay carqaladeeyeen goobaha loo kordhiyey bariga Sanaag iyo Sool.

Sida ay sheegayaan warar ku dhowdhow Xukuumadda deegaamada lagu kordhiyey Bariga Sanaag Madaxweyne Riyaale ayaa wasiirradiisu ku qanciyeen in bariga Sanaag ay iska diiwaangelin doonaan ilaa 200,000 oo qof taas oo ay ugu talagaleen inay dheellitirto gobolka Togdheer oo la sheegay in Madaxweyne Riyaale ay filan waa ku noqotay tirada 300 ee kun ka badan ee iska diiwaangelisey.


Taliyaha Bileyska Oo Ka Hadlay Dilalkii Maalmahan Ugu Dambeeyey Caasimadda Ka Dhacay

Hargeysa, January 02, 2009 (Haatuf) – Ilaa afar qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Hargeysa labadii cisho ee ugu dambeeyey.

Dadkan ayaa saddex nin lagu dilay tooray, halka gabadhna habeen hore lagu dilay rasaas goob lagu cawaynayey dabaaldega soo dhawaynta sanadka cusub ee 2009.

Dilalkan ayaa sababaha keenay waxa ay warbaahintu wax ka waydiisay taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, isagoo arimahaasi faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidhi “ arintan waxay ahayd mid ka mid ah raga la dilay hudheel buu yimid ninka wax dilay wax buu iibsaday ka dib maran baa ka dhex dhacay kharashku inta uu ahaa dabadeed mid baa galiyey tooray ninkii hudheelka, ka dib ninkaasi sidaasi ayuu u dhintay, hudheelka la yidhaa Xamdi isagana xaflad baa lagu qabtay dabadeed-na sida aad ogtihiin meelaha sidan oo kale ah dhalinyarta ayaa ku soo buuqda, buuqbaa meeshii ka yimid macal booliskii joojiya baa la yidhi oo iska joojiya buuqa, ka dib shaqaalihii hudheelka mid ka mid ah ayaa rasaas riday, rasaastaasina gabadhbay ku dhacday, gabadhaasi sidaasay ku dhimatay, waxaa kale oo xigay laba tuug ayaa nin qaad iibinaya u yimid qaad na sii bay ku yidhaahdeen, iska bixiya ayuu yidhi dabadeed muran baa ka dhex dhashay ka dib iyana midi ayey galiyeen ninkii jaadla ahaa, ninkii dilay iyo kii la socdayba waa la hayaa.

Saakana (Shalay) halkan isha Boorama ayaa laba wiil oo yar yar oo jaar ah muran dhex maray ayaa mid tooray la galiyey dhakhtarka markii la keenay ayuu isaguna dhintay, arimuhuna sidaas ayey u dhaceen bileyskaana imika wax ay qabteen iyo wax la baadigoobayo hawshaa haya.

Waxaa imika la hayaa ilaa 42 tuugtii waaweynayd ah, maxkamada ayaana la gaynayaa, 26 kuwaas ka mid ahna waa la xukumay, waana loo diyaariyey in jeelka loo wareejiyo”ayuu yidhi

Mar la waydiiyey su’aal ahayd tooraydan soo badanaysa ee ilaa saddex qof toorayda lagu dilay maxaa keenaya, caado umay ahaan jirin oo 24 saacadood gudahood saddex qof oo tooray lagu dilay iyo qof xabad lagu dilay, isagoo su’aashaasi ka jawaabayana waxa uu yidhi “ dabcan caado umay ahaan jirin hase ahaatee dambigu marka uu dhacayo garan maysid, tooridana way wada sitaan imika hadaad suuqa gasho santii qof saddex ayaa sita oo ay u qarsoontahay waana u caado Soomaalidu inay qaadato, tuugtuna hadalkooda daa.

Wax alaala wixii tumaal birahaa samayn jiray, midiyaha afayn jiray ee bir uun tooriyaha ku samayn jiray kuli intii aanu gaadhay gudaha ayaanu soo dhignay oo soo xidhnay.

Kun goorna waanu u dignay, wax suura gal ah in loo baahan yahay mooyee ha samaynina imikana waanu kaantaroolaynaa wixii aan liisan lahayn oo maxkamad baanu gaynaynaa”

Su’aal kale oo la waydiiyey oo ahayd toorayda iyo warmaha oo waliba aan caadi ahayn oo dhaadheer oo khatar ah xataa saldhigan dhexe meelahan ku dhaw-dhaw waa lagu sameeyaa, markaa inaad ka hortagtaan miyaanay ahayn, boolisku ma wuxuu ka daba tagayaan uun marka ay wax dhacaan.

Waxa uu ku jawaab bixiyey “ maya waanu u sheegnay imika ismay gaadhin maantuun baa u horeysa dhawrkis oo midi la isticmaalo, kun goor baanu u sheegnay waanu daba soconay, talaabana waanu ka qaadnay, taaga inta way ka yar tahay, laakiin nin walba wuu sitaa, dadka qaarkii way qarinayaan waanuna qabqabanaynaa ninkii aan liisan lahayn maxkamad ayaanu gaynaynaa isla markaaba”

Su’aal kale oo la waydiiyey ayaa ahayd tuugtan aad sheegtay ee aad leedahay waanu qabqabanay qaarkoodna waanu xukunay October baa la soo daayey iyagoo faro badan dadkuna aad ayey uga cawdeen oo xataa guryaha ayey ugu dhacaan dadka, markaa horeba arintaas inta la xukumo oo dhawr bilood uun uu ku jiro oo hadana la soo daayo oo uu halkiisii ka bilaabayo sow markaasi u arki maayaan in aanu xukunku adkayn.

Taliyuhu wuxuu kaga jawaabay “Arintu sidaa maaha sanaday ku xukunaayeen, marka muddo la joogaba xabsiga madaxweynaha ayaa cifis bixaya taasay ku soo baxeen imika xoogoodii-ba ku wada celinay, markaa waa sharci in cafiska la bixiyaa, taana waxa awood u leh madaxweynaha, sidaasayna ku dhacday”ayuu yidhi taliyuhu


Nuur Cadde Oo Ku Guuldaraystay Inuu Itoobiya Ku Qanciyo Inaanay Ciidamadeeda Kala Bixin Somalia

Addis Ababa, January 2, 2009 (Haatuf )- Raysal wasaaraha Dawladda Mbagathi ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa la sheegay inuu ku hungoobay, kadib markii uu habeen hore la kulmay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaas oo uu doonayey inuu ku qanciyo inay ciidamada Itoobiya sii joogaan in muddo ah Somalia, taas oo ay wararku sheegeen inuu kala kulmay diidmo qayaxan.

 Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Seyum Mesfin ayaa sheegay inay ciidamadooda ka soo daadgurayn doonaan guddaha Somalia todobaadka soo socda isaga oo sheegay inay muddo dheer caawinayeen dawladda Mbagathi ee Somalia, taas oo uu sheegay in aanay ka faa,iidaysan jaaniskaas, waxaanu si adag uga hor yimid inay ciidamadoodu sii joogaan guddaha Somalia.

Sannadkii 2006-dii dhamaadkiisii ayay ciidamada Itoobiya ay guddaha u galeen Somalia kuwaas oo ciidamo ka badan 10,000, oo askari ay hadda ka joogaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo sida lagu wado ay maalmaha soo socda ka baxayaan, taas oo ay dad badani u arkaan inay keeni karto khalkhal iyo dagaalo kale oo dhex mara kooxaha isku haya Somalia.

 Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xukuumada Mbagathi oo ka hadlayey bixitaanka ciidamada itoobiya ayaa yidhi " 5 maalmood ka dib ayaa lugu wargaliyey inay ciidamada Itoobiya diyaar garoobaan, waxaanay hadda doonayaan inay baneeyaan Fadhiisino ay ku leeyihiin Wasaaradii Gaashaandhiga, Garoonka weyn ee kubadda, Waddada Warshadaha meelo ka mid ah, iyagoo u dhaqaaqaya dhinaca gobalada dhexe ee Soomaaliya, lamana oga inay ka baxayaan deegaanada ay Xudduuda la leeyihiin , ayuu yidhi sarkaalkaasi oo ka tirsan xukuumada Mbagathi ee taagta daran
Sarkaalkan ayaa wel-wel ka muujiyey sida ay usii jiri karto dawladda Mbagathi marka ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.


Madaxweyne Ma Run Baa Waxa Xasan Macallin Sheegay?

Siciid X. Warsame, Hargeysa.

Anigoo ah Maayarkii hore ee Degmada Xiis ee gobolka Sanaag, Siciid X. Warsame, waxaan halkan madaxda qaranka iyo shacbiga Somaliland-ba ugu soo gudbinayaa dareen aniga shakhsi ahaan i galay oo ah in Madaxweynaha iyo shacbiga ay isku diraan cidda u dhexaysa, gaar ahaan wasiiradiisa qaar ka mid ah.

Tusaale ahaan waxa Madaxweynuhu isaga oo mahadsan uu iga aqbalay inuu iga bixiyo deyn aan qaranka u galay muddadii aan xilka hayey, deyntaas oo aan ku galay agab aan u iibiyey degmada Xiis, taas oo ay soo caddeeyeen maamulka gobolka Sanaag. Sidaa darteed, waxaanu Madaxweynaha ku ballanay in warqadaha caddaynta deynta (documents) aan u soo dhiibo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Xasan Macalin, markuu u gudbiyana uu u soo dhiibi doono lacagtaa deynta ah.

Lacagtaa deynta ah iminka muddo dheer baan sugayey inay i soo gaadho si aan u gaadhsiiyo dadkii lahaa, Markii aan Wasiiru-dowlaha, mudane Xasan Macallin dhawr goor weydiiyeyna wuxuu markii dambe si cadho leh iigu yidhi, “Adeer haddaad run doonayso Madaxweynaha ballanta iskuma fiicna oo ma oofiyo…”. Hadalkaasi qaadan waa buu igu noqday, waxaanan ku idhi, “Madaxweynuhu dalka isagaa ka masuul ah, nin masuul ahina been ma sheego ee adigaa wax kale u jeeda”. Intuu isugu xanaaqay ayuu igu yidhi, “Haddaad i rumaysanayso cid wax kaa bixinaysaa ma jirtee orod alaabtaadii qaado..”.

Aniga go’aankaygu wuxuu noqday, welina uu yahay in aan dhawro ballantii Madaxweynuhu ii qaaday. Laakiin, waxaan Madaxweynaha weydiin lahaa, Madaxweyne ma run baa waxa Xasan Macallin noo sheegay? Mise waxa jira Wasiirradaada qaar adiga iyo dadkaaga isku kiin dira, halkii ay adiga iyo dadweynaha isku kiin xidhi lahaayeen?.

Waxaan ka warhayaa in muwaaddiniin kale oo badan ay sidan oo kale ku dhacday oo ay raadinayaan ama ka dhursugayaan “Cad Madaxweynahana ka yimi, iyagana aan soo gaadhin!”.


“Diiwaangelinta Maanta Ayey Si Rasmi Ah Uga Bilaabmaysaa 150 Goobood Oo Gobolka Sool Ah, Nabadgelyaduna Way Sugan Tahay”

Cali Maxamuud Axmed, (Cali Sandule) Badhasaabka Gobolka Sool.

Laascaanood, January 02, 2009 (Haatuf) – Badhashaabka gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa shaaca ka qaaday in hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si rasmi ah saaka subaxdii uga bilaabmi doonto guud ahaanba degmooyinka iyo deegaanada gobolka Sool, taas oo ay 150 goobood oo ay komishanku u cayimeen goobaha isdiiwaangelinta gobolka Sool ay si rasmi ah isaga diiwaangelin doonaan bulshada ku dhaqan gobolkaasi, isagoo badhasaabka gobolka Sool intaas ku daray in guud ahaanba xaalada nabadgelyada ee gobolka Sool ay adkeeyeen isla markaana shaqaalihii diiwaangelintu hor dhacoogii soo gaadhay magaalo madaxda gobolka Sool.

Isagoo dhinaca kalana tilmaamay in wixii faahfaahina ee dheeraadana ee ku saabsan hawsha diiwaangelinta uu saaka subax warbixin dheer ka soo saari doono bilawga diiwaangelinta.

Badhasaabka gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa isagu si rasmi ah wargeyska Haatuf ugu xaqiijiyey in hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaashu si rasmi ah uga bilaabmi doonto maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da January,2009, 150 goobood oo ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada gobolka Sool, isagoo Cali Sandule oo aanu arinkaasi diiwaangelinta wax ka waydiinay ka hadlayana waxa uu yidhi “ hawsha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha wakhtigii loo cayimay gobolka Sool inay ka qabsoonto oo ahayd 2-da January,2009 oo ku beegan beri (Maanta) ayey si rasmi ah uga bilaabmaysaa 150 goobood oo loo asteeyey in diiwaangelintu ka qabsoonto, wakhtigan xaadirka ahna diyaar garowgii iyo tabaabushii diiwaangelinta ee gobolka ayaanu ku hawlanahay, wixii tafaasiil ah ee intaa ka badana isha allaahu bari subax marka aanu ku dhawaaqno ayaanu idinka soo warami doonaa, haddase waxaan idiin xaqiijinayaa in diiwaangelintu ka qabsoomi doonto gobolka Sool”

Mar aanu waydiinay badhasaabka gobolka Sool xaalada nabadgelyada ee wakhtigan xaadirka ah iyo guud ahaanba duruufaha ku gadaaman xaalada guud ee deegaanada gobolka Sool, waxa uu yidhi “xaalada nabadgelyada ee gobolka aad baanu u adkaynay, waanay sugan tahay, wax dhibaato oo kale oo habayaraatee ka jira dhinaca amaanka ma jirto, dadweynuhuna waa u diyaar inay ka qaybgalaan, qaadashada aqoonsiga muwaadinimo iyo isku diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka dalka ku soo foole”

Waxaa kale oo aanu waydiinay badhasaabka in hawlwadeenadii hawsha diiwaangelinta iyo masuuliyiintii Komishanka doorashooyinku soo gaadheen ilaa hadda gobolka Sool, waxa uu yidhi “ hawl-wadeenadii hawsha diiwaangelinta ka fulin lahaa gobolka Sool hor dhacoogii galabta ayey na soo gaadheen, intoodii kalana jidka ayey ku soo jiraan oo waxaanu rajaynaynaa in caawa ay soo wada gaadhi doonaan magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood”


Guddoomiyaha Mashruuca Rajada Oo Sheegtay Inay Xafiisyo Cusub Ka Furi Doonto Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisaba

Hargeysa, January 02, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha ururka mashruuca Rajada [project hope] Suhuur Xasan Abiib ayaa dalka dib ugu soo noqotay si ay u dardargeliso hawlihii ay u ololaynaysay ee naafada Somaliland.

Suhuur ayaa wada mashruuc ay ay dadka naafada ah ee ku tabaalaysan Somaliland ay wax u bari lahayd, kaas oo noqon doono dugsi hoy u ah caruurta dhigan doonta, dugsigaasi oo dhulkii laga dhisi lahaa laga siiyey duleedka Caasimada.

Guddoomiyaha mashruuca Rajada oo aanu wax ka waydiinay sida uu hawshii dugsigaasi u socda ayaa sheegtay inay ku talo jirto inay xafiisyo cusub ka furto Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo Jamhuuriyada Jabuuti, kaas oo u dhaqdhaqaaqi doona dadka naafada ah iyo Sidii looga horumarin lahaa dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka .
Suhuur ayaa sheegtay inay hawlihii dugsigaasi u dhawdhaw yahay isla markaana ay ku guddo jirto sidii ay caruurta naafada ahi u heli lahaayeen waxbarasho la mid ah ka dadka caadiga ah.
suhuur oo ka hadlaysa dib u soo noqoshadeeda ayaa tidhi “Waan ku faraxsanay inaan Hargeysa dib ugu soo laabto, aniga oo aan in badan ka maqnayn dalka oo dhawaan ka tagay, waxaan umid sidii aan u dar-dargelin lahaa hawlihii Ururka mashruuca Rajada iyo weliba Dhismihii Dugsiga oo bilaabmaya, si aanu kaalmo dhaqaale ugu weydiino caalamka iyo hay’adaha caalamiga ahba” ayey tidhi Suhuur Xasan Abiib.

Suhuur ayaa sheegtay inay xafiisyo cusub ku soo kordhisa oo ay hawshii naafada balaadhisay, iyadoo arintaas ka hadlaysana waxay tidhi “Waxaan laba xafiis ka furi doona Magaalooyinka Hargeysa iyo Jamhuuriyada Jabuuti si aan u balaadhiyo mashuurca Project Hope , dadka naafadana wax loogu qabto oo dhinac kasta kaalmo loogu helo”.

Gababadii guddoomiyaha ururka Mashruuca rajada ayaa hambalyo u soo diraysa saxaafada Somaliland, sida ay ay horumarka ugu jiraan ee ay doonayaan inay dalka u gaadhsiiyaan meel sare “Waxaan hanbalyo u dirayaan dhamaan saxaafada Somaliland, sida hagar la’aanta ee ay bulshada reer Somaliland wararkooda u soo tabiyaan iyo sida ay had iy jeer dhibta ugu maraan wararka helitaankooda” ayey ku soo xidhay Suhuur.


Nuur Cadde Oo Ku Guuldaraystay Inuu Itoobiya Ku Qanciyo Inaanay Ciidamadeeda Kala Bixin Somalia

Addis Ababa, January 2, 2009 (Haatuf )- Raysal wasaaraha Dawladda Mbagathi ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa la sheegay inuu ku hungoobay, kadib markii uu habeen hore la kulmay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaas oo uu doonayey inuu ku qanciyo inay ciidamada Itoobiya sii joogaan in muddo ah Somalia, taas oo ay wararku sheegeen inuu kala kulmay diidmo qayaxan.

 Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Seyum Mesfin ayaa sheegay inay ciidamadooda ka soo daadgurayn doonaan guddaha Somalia todobaadka soo socda isaga oo sheegay inay muddo dheer caawinayeen dawladda Mbagathi ee Somalia, taas oo uu sheegay in aanay ka faa,iidaysan jaaniskaas, waxaanu si adag uga hor yimid inay ciidamadoodu sii joogaan guddaha Somalia.

Sannadkii 2006-dii dhamaadkiisii ayay ciidamada Itoobiya ay guddaha u galeen Somalia kuwaas oo ciidamo ka badan 10,000, oo askari ay hadda ka joogaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo sida lagu wado ay maalmaha soo socda ka baxayaan, taas oo ay dad badani u arkaan inay keeni karto khalkhal iyo dagaalo kale oo dhex mara kooxaha isku haya Somalia.

 Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xukuumada Mbagathi oo ka hadlayey bixitaanka ciidamada itoobiya ayaa yidhi " 5 maalmood ka dib ayaa lugu wargaliyey inay ciidamada Itoobiya diyaar garoobaan, waxaanay hadda doonayaan inay baneeyaan Fadhiisino ay ku leeyihiin Wasaaradii Gaashaandhiga, Garoonka weyn ee kubadda, Waddada Warshadaha meelo ka mid ah, iyagoo u dhaqaaqaya dhinaca gobalada dhexe ee Soomaaliya, lamana oga inay ka baxayaan deegaanada ay Xudduuda la leeyihiin , ayuu yidhi sarkaalkaasi oo ka tirsan xukuumada Mbagathi ee taagta daran
Sarkaalkan ayaa wel-wel ka muujiyey sida ay usii jiri karto dawladda Mbagathi marka ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.


Tababarada SOLJA Ka Fuliyo Boorama Ma Yihiin Kuwa Lagu Aflagaadeeyo Haatuf Laguna Ammaano Wasiiradii Siyaad Barre

Wariyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed C. Sheekh

Boorama, January 2, 2009 (Haatuf) - Aqoonkorodhsi la sheegay in lagu baranayo maamul wanaagga iyo saxaafadda ayaa Boorama lagu soo gebogebeeyey shalay kaddib markii maalin iyo badh uu siminaarkaasi ka socday guri ku yaalla magaalada dhexdeeda.

Tababarkan oo la sheegay inay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah Suxufiyiinta warbaahinta dawladda ee Boorama jooga, xubno dhallinyaro ah oo la shaqeey inay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee loo yaqaan websites-ka iyo dad kaleba ayaa lagaga hadlayey xidhiidhka ka dhaxayn kara maamulwanaagga iyo Saxaafadda.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay isla markaana uu fulinayey ururka Suxufiyiinta ee loo yaqaan SOLJA, isla markaana aan lagu martiqaadin Haatuf iyo Jamhuuriya ayaa dadkii ka qaybgalay qaarkood ii sheegeen in tababarkani ahaa uun mid aanay wax caynkaas ah ka kordhsan, isla markaana xubnaha kasoo qaybgalay u badnaayeen Ehelada dadka qabanqaabinayey iyagoo dhinaca kalena xubnahaasi sheegay in wakhtigii koobnaa ee uu socday tababarkaasi lagaga sheekaynayey oo keli ah sidii la iskaga ilaalin lahaa waxyaalaha Haatuf qorto oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen kuwa ka fog xaqiiqada, isla markaana tababarkaasi lagu xusayey waxyaalihii ay Hargeysa iyo Boorama ka qabteen qaar ka tirsan wasiiradii hore ee dawladdii Afweyne, sida Bile Rafle oo kale.

Sida ay sheegayaan wararka laga soo xigtay tababarkaasi SOLJA, dadkii tababarkaasi bixinayey ayaa inta badan ku dheeraaday jidadka garab mara Idaacadda Hargeysa iyo kuwa kale ee laga sameeyey Boorama iyo Hargeysaba ay yihiin kuwii uu fuliyey Bile Rafle oo waagaa ahaa badhsaabkii Waqooyi galbeed ee Soomaaliya, islamarkaana aan tababarkaasi tusaale loosoo qaadanin hawlqabashada wasiirada Somaliland.


Somaliland Iyo Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Sanadkii 2008

Bishii February, 2-deedii sanadkii hore ku geeriyooday Hargeysa Ciyaartoy ay rasaas habow ahi ku dhacday.

February isla maalintaas ayaa Shirguddoonka wakiilada loo diiday ka qayb galka xaflad loogu dabaaldegeyey ciidamada Qaranka.

February 2-deedii Wasiirka Xanaanada xoolaha oo la sheegay inuu iibsada dawooyin xoolaha ah oo lagu caawiyey dadkii ku waxyeeloobay Roobabkii barafka watay ee ka dhacay Awdal.

3-dii February ee sanadkii hore waxaa booqasho ku timid kaaliyaha xoghayaha arrimaha debadda maraykanka Jendai Frazer oo la kulantay masuuliyiinta Somaliland

Isla maalintaas ee sanadkii hore ayey xukuumadu isku dayday inay hor istaagto kulan dhexmari lahaa masuuliyiinta urur siyaasadeedkii Qaran iyo Jendai frazer.

3-dii February ee sanadkii hore Agaasimaha Guud ee wasaaradda macdanta ayaa sheegay in aanay heshiis la galayn Sirkadda Range haddii Puntland heshiis la gasho.

5-tii bishii February ee sanadkii hore ayaa Maraakiib la sheegay in saliid baadhayaan ayaa hakad geliyey hawlihii ay ka wadeen Saylac.

'' “ Xisbiga UDUB ayaa Kulmiye ku eedeeyey in kulankii dhex maray iyaga iyo Jendai frazer ay sawir xun ka siiyeen Somaliland.

9-kii February '' “ waxaa banana bax iskugu soo baxay Qoysas reer Boorama ah oo ay Aabayaashood ka tirsanaayeen ciidankii Ingiriiska si ay xuquuqdoodii uga hadlaan.

'' “ “ Hoos u dhaca qiimaha lacagaha qalaad oo sicir babar keenay.

'' Nin talyaani ah oo deeggenaa Somaliland oo ciidamada Itoobiya ka kaxaysteen Wajaale qaybta Itoobiya.

12 Inj. Saylici Musharrax xisbiga Kumiye ee madaxweyne ku-xigeenka in Rayaale lagu xusuusto caddalad xumo.

12'' isla bishaas Ciidanka qaranka Somaliland ayaa gaadhay Buuraha Qaaw si ay u soo furtaan lammaaneyaashii Jarmal ahaa ee halkaas lagu haystay.

13 '' ee bishaas Xaaji Nuur oo ahaa Guuddoomiyihii bisha cas ayaa Awdal ku geeriyooday .

'' “ isla bishaas Sarkaal ka tirsan hay'adda G.A.A ayaa laga soo furtay Afduubayaashii.

14 '' ee sanadkii hore Wasiir ka tirsan xukuumadda UK ayaa sheegay in Rayaale ka wadahadleen qaran iyo xuquuqal Insaanka.

'' waxaa dhacay Xubno ka tirsan shaqaalaha Saylac ayaa boobay Raashin.

'' Xildhibaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dalbaday in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro afduubka Lammaanaha Jarmalka ahaa ee ee gobolkaas lagu haystay.

16 ee sanadkii hore Rayaale ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegey Dubai.

'' ee sanadkii hore Wasiirka deegaanka ayaa sheegay in hubkii Berbera lagaga tagay aafo deegaan wax u geystay.

18'' ee bishaasi waxay dabley ka afduubatay Doon kallumaysi xeebaha Sanaag.

'' “ Dadka deegaanka woqooyiga Hargeysa ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay uga soo gurman weyday roobab baraf watay oo dhulkaa ka da'ay.

'' Madaxweynaha iyo guddoomiyaha maxkamadda sare oo lagu eedeeyey inay Komishanka ku dhaariyeen madaxtooyada.

19'' February ee sanadkii hore C/raxmaan Saylici, musharraxa madaxweyne ku xigeenka Kulmiye oo daafacay sifihii ay kulmiye ugu wareejiyeen deeqdii ahayd qalabka caafimaadka.

'' Madaxweynaha midowga Yurub oo ka digay inay dib u dhacaan doorashooyinka Soomaaliland .

20-kii February ee sanadkii hore '' Safaaradda faransiiska ee Jabuuti ayaa sheegtay inay Somaliland danaynayaan.

'' Madaxweyne ku-xigeenka oo furay dood ku saabsan nidaamka garsoorka.

21` ee bishaasi ayaa Xukuumadda Somaliland joojisay ugaadhsiga shimbiraha ee koox carab ahi ugaadhsanayeen.

'' ee bishaasi Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo la sheegay inuu Hargeysa yimi

'' Guddiga nabadgelyada gobolka Saaxil oo dad ku xukuntay lacag aan sharci ahayn .

24 '' Cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka oo gaadhay magaalada hadaaftimo.

'' Hay'adda WHO oo qalab kombiyuutaro ah ugu deeqday Jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa.

''' Maayarro ka socda Degmooyinka dalka iyo hay'adda UN-HABITAT oo Boorama isugu tegey.

25-ka February Ciidan beeleed taageri jiray Puntland oo Badhan lagu qarameeyey

'' 'Guurtida oo ka doodday musuqmaasuqa xukuumadda lagu sheegay.

27'' Hantidhawraha Guud oo xisaab xidhkii 2006-da u gudbiyey baarlamaanka .

'' Wafdi wasiirro ah oo Laascaanood ka furay xafiisyo la dayactiray.

28 '' Koox loo soo dhiibay lacago been abuur ah oo Hargeysa lagu qabtay.

'' Somaliland iyo Itoobiya oo heshiis ka gaadhay iskaashiga ciidamada.

'' dadka deggen woqooyiga Hargeysa oo ka walaacay doorashooyinka.

 La Soco…………..


Weriye Ka Hawl Galayey Idaacadda Shabeele Oo Ciidamada Mbagathi Ku Dileen Afgooye

Wariye Xasan Mayow

Muqdisho, January 2, 2009 (Haatuf) – Alla ha u naxariistee waxa shalay geeriyooday wariye Xasan Mayow ka dib markii ay rasaas madaxa ka qabadsiiyeen ciidamada DKM gaar ahaan kuwa fadhiisinkoodu yahay degmada Afgooye.

Sida uu sheegay Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo ah agaasimaha idaacadda Shabelle.

 dilka wariyaha ayaa dhacay ka dib markii ay u yeedheen ciidamo ka tirsan dawladda kmg ah gaar ahaan kuwa degmada Afgooye isaga oo ku sugan halkaa, waxa uu sheegay in goob joogayaal meeshaa ku dhawaa u sheegeen in wariyaha la weydiiyay su’aalo ku saabsan hawshiisa suxufinimo oo ay ciidamada dawladdu ay ku yidhaahdeen “waxaad u shaqeysaa Islaamka”.

Wariyaha la dilay ayaa la sheegay inuu ku jawaabay “Yaan u shaqeyn lahaa”. Markii uu sidaasi yidhi ka dib ayaa waxay ku amreen inuu iska tago markii uu labo talaabo qaadayna xabad ayay madaxa kaga dhufteen.

Wariye Xasan Mayow Xasan waxa uu si gaar ah uga hadli jiray xaaladaha dadka barakaca ku degay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka ceelasha biyaha.

Wariye Xasan Mayow Xasan oo Idaacadda Shabelle uga soo warrami jiray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa isla shalay shalay galab waxa lagu aasay degmada Afgooye.

Maaha markii ugu horaysay ee wariye mihnadiisa shaqo ku guda jira lagu dilo dalka Somalia balse tiro-ba sanadkii dhamaaday ee 2008 waxa la dilay suxufiyiin badan.


Aadan Madoobe Oo Ugu Baaqay Baarlamaanka Inay Toddobaad Guddihii Ku Soo Xaadiraan Baydhabo. 

Baydhabo, January 2, 2009 (Haatuf) – Sii hayaha xilka madaxweynaha ee dawladda Mbagathi ee Somalia ahna guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan (Madoobe) ayaa kullan ay shalay Magaalada Baydhabo isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka kaga dhawaaqay in si deg deg ah ay u gudo galayaan magacaabista guddiga doorashada madaxweynaha iyo dardar gelinta hawlaha dib u heshiisiinta.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu khudbad uu ka jeediyey fadhigii baarlamaanka ee shalay uu ugu baaqay dhamaan xildhibaanada ka maqan magaalada Baydhabo inay ku soo xeroodaan magaalada muddo todobaad gudihii ah, xildhibaankii ku iman waayana waxa uu guddoomiyuhu sheegay in beeshiisa ay weydiisan doonaan inay keensadaan xubin u bedesha.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu tilmaamey in baarlamaanka ay u taallo hawl adag aoo ay tahay inuu si deg deg ah u guddo galo hawshiisa.

“Sida aad ogtihiin maalintii Isniintii waxaa iscasiley madaxweynihii, waxaana hadda xilka madaxweynenimo haya aniga, dastuurkuna waxa uu dhigayaa in muddo 30 maalmood ah lagu soo doorto madaxweyne cusub, sidaa darteed waa inaan waajibkeena dastuuriga ah gudanaa”, ayuu yidhi Sheekh Aadan Madoobe oo xildhibaanada Baydhabo kula hadlayey.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu soo hadal qaadey xaalada amaan ee magaalada Baydhabo oo xildhibaanada qaarkood ay ka cabanayeen amaan ahaan marka la eego dilalkii isku xigxigey ee ka dhacay magaalada dhowaanahan waxaana uu guddoomiyaha baarlamaanku sheegay in wax badan hadda laga qabtey ammaanka oo ciidamada booliska Baydhabo ay sameeyeen labadii habeen ee ugu dambeysey hawlgalo amaanka lagy adkaynayo. waxaana uu guddoomiyuhu sheegay inaanay xildhibaanadu uga dib dhicin saabo dhinaca amaanka dartiis ah.

 arintani ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo dhowaan magaalada Gaalkacyo ay ka degeen illaa 28 xildhibaan oo ka tirsan barlamanka Mbagathi, kuwaas oo sheegay inay sababo la xidhiidha amaankooda dartii ay uga soo baxsadeen Baydhabo.

Madaxweynihii hore waxa uu iscasiley 29-kii bishii hore waxaana weli lagu guda jiraa muddadii 30-ka casho ahayd ee uu guddoomiyaha baarlamaanku sii haynayey xilka madaxweynenimo, iyadoo 30-ka cisho ka dibna lagu wado in la doorto madaxweyne cusub oo ay dawladda Mbagathi yeelato .

 mudanayaal baarlamaanka ka tirsan oo aan hadda joogin Baydhabo ayaa waxay qabaan in doorashada madaxweynaha lagu qabto meel ka baxsan magaalada Baydhabo, walow guddoomiyaha Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kale oo baarlamaanka ka tirsani aanay iyagu taas la qabin.


Maxaa La Gudboon Dadweynaha Ku Nool Gobolka Togdheer?

Anigoo magacaygu yahay Jaamac Cilmi Siciid (Ina Cilmi Jiir), kana mid ah muwaadiniinta reer somaliland ee u dhashay gobolka Togdheer, waxaan marka hore hambalyo uyo bogaadin u soo jeedinayaa buldho-waynta Somaliland gaar ahaan ku dhaqan gobolka Togdheer sidii wadaninimada iyo is xilqaanka lahaa ee ay uga qayb qaateen hawshii balaadhnayd ee isdiiwaan galinta codbixiyayaasha ee dhawaan ka qabsoontay gobolka Togdheer.

Waxaan ku faraxsanahay in dadwaynaha gobolkaa ku nooli ay had iyo jeer u heelan yihiin habsami u socodka hawlaha horumarineed ee ka socda guud ahaan dalka, gaar ahaan gobolka Togdheer.

Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa dadwaynaha togdheer inay xoogga saaraan kor u qaadida hawlaha gobolka ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhka, isboortiga iyo dhammaan adeegayada lama huraanka u ah adeegayada bulshada ee aasaasiga u ah nolosha.

Hadaba odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada, culima’udiinka, qurba-jooga iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshadaba waxaan ku adkaynayaa in aanay cidna li halayn horumarka gobolka Togdheer, loona baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan kuna midoobaan dardar galintahawlaha horumarineed ee danta u ah dadka iyo dalka.

Ugu dambayntii waxan ku soo gabogabaynayaa maqaalkaygan oo aan talo ahaan ugu soo jeedinayaa qurbo-jooga iyo ganacsatada gobolka in ay hantidooda u huraan hawlaha horumarinta oo ku maal gashadaan gobolka oo anay kala bakhaylin si dadku ay uga helan shaqo dalkana ay ugu noqoto wax qabad horumarimeed, sidaa awgeed idin kula talinayaa in aydaan ka maagin oo aydaan cid kale ku halayn,

Jaamac Cilmi Siciid (Ina Cilmi Jiir)

Hargeysa