Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1931  january 06,2009

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia

Dareenka diidmada leh ee ka soo baxay natiijadii    diiwaangelinta gobolka awdal iyo daruufaha hadheeyay dadwaynaha reer boorama

'Maanta madaxweynaad ledihiin  ugu habran maynno somaliland ,doorashana ka dhici mayso halkan "
'Ma waxan aqballaa waxay yidhaahdaan komishan beel keliya ah ka kooban"
'looma baahna in shaki la geliyo qarannimada dalka.

Boorama, January 6, 2009 (Haatuf) - Qaar ka mid ah bulshada Rayidka ah ee gobolka Awdal ayaa dareen diidmo leh ka bixiyey natiijadii ka soo baxday diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee ka dhacday gobolka Awdal, isla markaana ku eedeeyey komishanka doorashooyinka sidii ay u maamuleen diiwaangelinta, kuwaas oo ka digay haddii la dhaqan galiyo natiijadii ka soo baxday diiwaangelinta ay taasi keeni karto inay dadka reer Boorama ay ka hor yimaadaan doorashada.

Wariyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar Sheekh ayaa wax ka weydiiyey qaar ka mid ah bulshada rayidka ah ee Boorama sida ay u arkaan wararka maalmahan u dambeeyey hadheeyey magaalada Boorama iyo gobolka Awdalba, kuwaas oo ku saabsan natiijada diiwaangelinta gobolka, iyaga oo sheegay inaanay aqbalayn natiijada ka soo baxday diiwaangelinta, taas oo ay sheegeen inay ahayd mid aan loo qaban si sharciga waafaqsan, isla markaana aanay dadweyanaha gobolkani helin fursad ay ku qaataan kaadhadhka aqoonsiga iyo ka codbixinta doorashada.

Xubno isugu jira dhallinyaro, Masuuliyiin ka tirsan bulshada rayidka ah iyo xisbiyada ayaa ka hadlay siyaabihii loo maaray lahaa muranka iyo dooda maalmahan sida weyn u dhex qaaday bulshada gobolka, taas oo ka taagan natiijooyinka hordhaca ah.
Xubin ka mid ah dhallinyarada deegaanka Boorama, kuna hadlayey magaca dhallinyarada  deegaanka Boorama ayaa si kulul u weeraray xukuumadda, komishanka iyo madaxweynahaba doorkii ay ka qaateen  diiwaangelintii gobolka ka dhacday 25 bishii Octoobar ee sanadkii hore.
Bakaari Ibraahim Rijaal, isla markaana sheegtay inuu ka mid yahay madaxdhaqameed-yada beelaha deegaanka Boorama ayaa isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ''Muran kama taagna in maanta reer Awdal kasoo horjeedaan natiijada diiwaangelintii
ka dhacday gobolka oo la ogaa sidii gaabiska iyo khiyaamada lahayd ee loo qabtay isla markaana aanay dadweynaha gobolkani fursad ugu helin inay qaataan kaadhadhkoodii aqoonsiga iyo kan diiwaangelinta mana aha in wax aan gobolkan ka dhicin
nalagu  sheego. Ma oggolaan karro mana aqbalayno  natiijada la sheegay haddiise la isku dayo in nalagu khasbo ama lagu dhaqmo waxa hubaal ah in wax kale la hadalhayn doono,  haddii aan la helin xal kale oo dib loogu noqonayo  diiwaangelntaasi, waxa kale oo aan leehay arrintani waxay khalkhal gelinaysaa midnimada Somaliland, maantana u habran mayno madaxweynaad leedihiin ee qaata, wax kasta oo ku saabsan arintaasina waan ka hor imanaynaa, dhibaatada arrintaasi ka dhacdaana waxa loo raaci doonaa ciddii hawshaa loo diray, ciddii masuulka ka ahayd  ee loo xilsaaray.''

Siyaad Diiriye Waaberi oo isna ku hadlayey magaca Bulshada rayidka Boorama ayaa sidoo kale waxa uu dareenkiisa ka muujiyey arrimaha ku saabsan xiisadda weli ka taagan diiwaangelintaasi ayaa yidhi "marxuum C/raxmaan Tuur madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland ayaa odhan jiray Bari waxaa yaalla dhul ballaadhan, galbeedna waxaa yaalla dad badan maanta arrimahaasi waa la is dhaafiyey oo waxay noqotay baribaa dhul iyo dadkaba u badan, Waa been, waana khiyaamo ay sameeyeen lix nin oo komishan ah oo
kasoo jeeda beel keliya oo ah beelaha dhexe, iyagaa adeegsanaya kan lagu sheegayo guddoomiyaha reer Boorama. Tusaale ahaan waxay saameeyeen komishankaasi Biikalo, Kabaweyne iyo kuwa kaleba, wasiiradii reer Burco iyo xildhibaanadoodiba waxay komishankii u rareen dhulkaasi, waraaqihii oo dhan, kombiyuutaradii oo dhan, gaadiidkii oo dhan iyo lacagti dalka goobihii diiwaangelinta, dhamaan iyagaa ku hawlgalay waxay doonaana soo sameeyey, anagana xitaa dadkii isdiiwaangelin lahaa ee qaangaadhka ahaa waa la siin waayey meel ay iska qoraan, ma taasaa la odhan karaa waa cadaalad anagu ta
haatan la sheegeyo haddi waxba laga beddeli waayo midnimada Somaliland way burburaysaa, doorashana halkan ka dhici maayso.
ciddii waxaa samaysay ayaana masuuliyadeeda qaadi doonta ama ha ahaaden komishan ama ha ahaado madaxweynaha eh'”.

Dhinaca  kale waxaa jira dareen la mid ah, kuwaasi oo ay qabaan qaar ka mid ah taageerayasha iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal, kuwaas oo ka walaacsan meesha xaal marayo, balse iyagu jecel in arinta diiwaangelintu
noqonin mid waxyeelaysa  qaranimada Somaliland iyo isbeddelka siyaasadeed ee la doonayo inuu dalka ka dhaco hadii doorashooyin dalka ka dhacaan, umaba malaynayee.
Axmed Yuusf Faarax  Abraar kana mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa isagoo rayigiisa ka hadlaya ku yidhi "Waa  hore ayaa laga digay waxa iman kara qaabkii loo waday diiwaangelinta  gobolka komishankuna uu iska dhego tiray waxa haatan socdana iyagaa abuuray, wixii ka yimaaddana iyagaa masuul ka noqon., balse xiisadda ka taagan arrintaasi iyo qarannimada Somaliland yaan la isku xidhin, dalka way ka jirtaa cabasho, laakiin inagu  waan ka duwanahay, ma lihin maxay nooga bateen  gobolada kale, mana lihin xaq aanaan lahayn na siiya, balse waxaan leenahay sida gobolada kale  maxaa naloogu diiwaangelin waayey, intaan nahay uun wakhti noo siiya wakhti aan isku diiwaangelino, hadday xukuumadda iyo komishanku yeelaana
waa halkeeda haddii  kale waxan odhan lahaa dhinac kale  oo aan waxyeelo loogu geysanayn qaranimada Somaliland ha looga wareego,"

Haddaba markaad eegto xaaladda ku saabsan waxa reer Awdal ka yeelayaan natiijadii diiwaangelinta iyo sida ay ugu tumanayaan in xukuumada iyo komishanku  ula badheedheen ayaa laga dareemi karaa sida aanay weli qaar ka mid ah salaadiinta, siyaasiyiinta golayaasha dawladda  kaga jira gobolkan Awdal uga hadal dhawaaqyada Somaliland diidka ah ee kasoo yeedhaya dhinaca kale ee bulshada Awdal, iyadoo shakhsiyaad aad looga yaqaano magaalada Boorama durba diirka ka qaadeen Ajendayaal qarsoon oo ka dhan ah diiwaangelinta, doorashooyinka iyo Somalilandba buuxiyeen dhagaha dawladda  iyo reer Somaliland intooda kaleba, waana markii u horreysay ee  hadallo noocan oo kale ah loola badheedho madaxweyne Rayaale  oo shan ama lix
sano kudhaawaad ka hor soo hadalqaadkiisa ama dhaliishiisu dhegxumo ku ahayd guud ahaanba bulshada reer Awdal.


Tirada Hordhaca ah ee Iska Diiwaangelisey  Gobolka Sool

 Laascaanood, jenuary, 6, 2009 ( W.Wararka  ) - Guddida  Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo hada badankoodu  ku sugan magaalo madaxda Gobolka Sool ee LAascaanood ayaa soo saaray tirada dadka hordhaca ah ee iska diiwaangeliyey Gobolka Sool muddadii ay socota hawsghaasi oo bilaabantay bishan ay ku jirno labadedii   .

Shir Jaraa'id oo ay xubnaha Komishanku maalintii shalay ku qabteen  Magaalada Laascaanood  ayey kaga dhawaaqeen natiijada 5 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sool, halka ay kuwa kalena sheegeen in ay dib ka soo sheegi doonaan, iyaga oo  tibaaxa in tirada hordhaca ah ee ilaa hadda iska diiwaangelisay Gobolka Sool  ay gaadhayso 95000 (shan iyo shagaashan Kun oo Qof), isla markaana waxa ay xuseen in marka lagu darro goobo ka mid ah Shan goobood oo aan natiijadeedu soo gaadhin ay gaadhi doonto tiradu intaas kasii badan doonto .

Komishanku Waxay intaas ku dareen in dadka iska diiwaangeliyey degmooyinka Widhwidh, Kalabaydh iyo Xudun oo waqti dheeraad ah loogu daray ay dib ka soo bandhigi doonaan tirooyinka iska diiwaangeliyey, waxanay diiwaangelinta Shanta deegaan ee naloo soo gudbiyey u dhacday sidan, iyada oo ay weli diiwaangelintii halkeedii ka sii socoto.

Laascaanood 45000
2. Oog 25000
3. Caynaba 20000 Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Sool ayaa halkaa ka bilaabantay bishan labadeedii iyada oo ;a filayo in la soo gebogabayn dono maalinta arbacada ee ay bishu tahay todobada, inkastoo ay diiwaangelinta gobolka Sool ay ka hortimid caqabado fara badani oo keenay dhimasho iyo dhaawacba, haddana waxay diiwaangelintu ka socotaa inta badan degaanada Gobolka sool.  


Guddoomiyeyaasha Ucid Iyo Kulmiye Haddii Doorashadii Hore Laga Helay Waxay Ahayd Inay Dad Cusub Siiyaan Fursadda

Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin

Laascaanood, January 6, 2009 (Haatuf) - Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin ayaa sheegay inaanay suuragal ahayn in ay mar labaad Musharixiin isu soo taagaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah

[KULMIYE iyo UCID] ee ay hore uga soo gulaysteen, isla markaana waxa uu tilmaamay in ay ka qurux-badnaan lahayd in ay cid kale oo cusub Xisbiyadu iska soo xulaan.
Madaxwene Ku-xigeenka oo xalay isaga oo jooga Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Khatka Telifoonka ugu waramayay shabakada Hadhwanaag, waraysigaas dhinacyo badan taabanaya waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin kaga waramay waxyaabaha uga qorshaysan doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan 29 March 2009-ka, rajada ay dadweynaha ka qabaan, waxyaabaha ay suuragal ku tahay in mar labaad la doorto, haddii laga guulaysto waxa taariikhda mustaqbalka u galaya, sida ay diiwaan-gelintu uga socoto Sool, wixii sababay in Buuhoodle goobihii diiwaan-geliinta la weeraro, xaaladdu hadda sida ay tahay iyo arrimo kale oo badan.
Waraysigaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhacay sidan:-
Su’aal: Madaxweyne Ku-xigeen, bal waxaad nooga warantaa, sida ay diiwaan-gelinta codbixiyayaashu uga socoto guud ahaanba Gobolka Sool ee aad ku sugan tahay?
J: Xaaladda guud ee Gobolku aad bay u fiican tahay, diiwaan-gelintu waxay ka soo bilaabantay Gobolka Saaxil, waxaanay ka soo wareegtay oo ay soo martay Gobolada Awdal, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Maantana waxay maraysaa Sool. Markaa Annigu waxaan odhan karaa diiwaan-gelintu 99%-kiiba way najaxday, marka laga reebo laba Degmo oo Gobolka Sanaag ah oo aanay diiwaan-gelintu ka dhicin, balse la doonayo dib loogu noqdo labadda Wiig ee soo socda, si loo diiwaan-geliyo dadka ku nool.
Gobolka Sool way ka dhacday dhamaantii, marka laga reebo Buuhoodle oo iyada laba kooxood oo ishayay oo reer Buuhoodle ahi ay qas geliyeen dadkii diiwaan-gelinayay, qoladii diiwaan-gelinayayna ay dib uga soo noqdeen, oo qaarna yimaadeen Widh-widh, qaarna yimaadeen Qorulugud. Marka intaa laga reebo dhamaan si fiican ayay uga socotaa, waxa loogu talagalay Degmooyinka Taleex iyo Boocame in labada Wiig ee soo socda in la diiwaan-geliyo. laakiin, 95% dadku maanta waa diiwaan-gashan yahay, Sool maalintii afraad ayaa ee ay diiwaan-gelintu ka socoto ayaa lagu jiraa, waxaanan filayaa in Insha Allaah ay si fiican uga dhaamaan doonto.
Su’aal: Madaxweyne ku-xigeen, meelahan ay shaqaaqooyinku ka dhaceen ee Widh-widh iyo Buuhoodle xaaladoodu imika waa sidee?
Jawaab: Meesha la yidhaahdo Widhwidh diiwaan-gelintu way ka socotaa, laakiin maalintii la bilaabayay ayaa meel guri ah loo galay Abaanduule iyo Taliye watay gaadhi gaar ah ayaa la dilay, halkaas ayaanay ku wafaadeen, laakiin wax dagaal ah oo ka dhacay widhwidh ma jirto, marka laga reebo labadaa Sarkaal ee jidka loo galay, hadda xaaladeedu aad ayay u degan tahay Widhwidh diiwaan-gelintuna si fiican ayay uga socotaa. Hase ahaatee, waxaanay diiwaan-gelini ka socon meesha la yidhaahdo Buuhoodle gudaheeda, oo laba kooxood oo shicib ah oo is khilaafsani iskaga horyimaadeen. Annaguna waxaanu dadka u diiwaan-gelinaynaa waa rabitaanka dadka, ee maaha in aanu qasabno ama khal-khal gelino, marka ay

diyaargaroobaan ayuunbaananu diiwaangelinaynaa.
Su’aal: Ma lays odhan karaa meelahan ay shaqaaqooyinku ka dhaceen, ma la is odhan karaa waxa u sabab ah wacyigelintii oo aan sidii loo baahnaa looga fulin iyo waxoogaa deg-deg ah oo Komishanku qalabka Deegaanadaa ku geeyay?
Jawaab: Wallaahi, way dhici kartaa faham la’aan dhinaca wacyigelinta ahi, waayo wacyigelintu hawsha la qabanayo waa ka qayb iyo inay jiraan dad ujeedooyin gaar ah ka leh oo doonaya waxba inaanay hagaagin. Laakiin Insha Allaahu tacaalaa waxaan filayaa in laga dhaadhicin doono ujeedooyinka laga leeyahay diiwaan-gelinta
Su’aal: Intii ay diiwaan-gelintu Gobolada ka socotay waxa garabsocday Weftiyo balaadhan oo Xukuumadda iyo Mucaaradkaba leh oo wada socda, dad badan ayaana u qaatay in arrimihii diiwaan-gelinta kuwo ka duwan la samaynayo, oo ololihii doorashooyinka wakhtigan la wado, taasi Addiga Madaxweyne Ku-xigeen ma kuu muuqataa?
Jawaab: Wallaahi taasi Anniga iima muuqato, waa laga yaabaa in ay dadka qaar ula muuqato, laakiin waa wax laga midaysnaa oo ahayd in dadka Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadduba u wada tagaan, Qarankuna isaga ayaa ka masuul ah diiwaan-gelintu inay hirgasho. Labada Xisbi meesha way marayeen, laakiin marka meel la furaayo waa la isu imanaayay, waa la wada furayay, ujeedada laga leeyahay ummada waa loo wada sheegayay, marka Gobol la yimaado waa laga wadahadlayay Xisbiyada oo isku dhan iyo qarankii oo la socda.
Su’aal: Madaxweyne ku-xigeen tan iyo intii diiwaan-gelintu socotay Addiguna intaa waad socotay oo Gobol kasta iyo Degmo kasta oo ay diiwaan-gelintu ka socotay waad joogtay. Markaa dad badan ayaa is waydiin karaya, tolaw hawshii Madaxweyne Ku-xigeenka yaa sii haya wakhtigan?
Jawaab: Horta Wallaal marka horeba, Madaxweyne ku-xigeenku waa kaabaha Madaxweynaha, marka Madaxweynuhu maqan yahay dabcan Caasimadda ayaan joogaa oo hawsha waan wadaa, laakiin tan ayaaba ka culus, oo Annagu Xukuumad ahaan inaanu waajib gaar ah iyo awood dheeraad ah iska saarno waa mid muhiim ah ama lagama maarmaan ah. Laakiin, mid ku salaysan doorashooyinka ama arrin codayn lagu galo, waxaasna waxa ka muhiimsan oo diiwaan-gelintu ku salaysan tahay waa horumarka wadanka, oo hadhawto aanu isleenahay hore u sii mariya, oo lagaga qiyaas qaadan doono, waxbarashada, caafimaadka iyo wadooyinka intaba. Markaa waa mid aanaan doonayn in ay naga fashilanto oo aanu ku jaangoynayno horumarka wadanka, hadday tahay xag amni iyo xag codsi, oo naga anfacaysa mustaqbalka dalka horumarkiisa iyo dhaqaalihiisaba.
Su’aal: Sidaad ogtahay wax yar baa ka hadhay doorashooyinkii Madaxtooyada Somaliland, Xisbiga UDUB ee aad ka tirsan tahay marka laga hadlayo sidee baad arrintaa illaa hadda ugu diyaar-garawdeen?
Jawaab: Wallaahi, horta Xisbiga UDUB waxa uu ku guulaystay doorashadii hore, tan dambena dabcan waa la gali doonaa, laakiin kolay cidd ayuun baa helaysa, Annagu ma lihin Annaga ayaa ku guulaysanayna, wixii uu qadarku qoray ayaanu Annagu waafaqsanahay ama ogolahay, waana dimuquraadiyad aanu doonayno wadanka inay ka hirgasho. Xisbiguna waxa uu hirgeliyay doorashooyinki deegaanka, tii Xisbiyada iyo tii Dastuurka intaba, maanta waxa uu hirgeliyay in la sameeyo diiwaan-gelin, si uu u dhaco xaq soor iyo in cidda xaqa u leh in ay doorashada hesho. Taasaaba Annaga nagu filan mustaqbalka, maadaama aanu hirgelinay wixii nalaga doonaayay, oo aanu ku faani karno haddii aanu xataa doorashada wayno inaanu wadanka u samaynay dariiq sax ah oo toosan.
Su’aal: Laakiin, weli Xisbigiina UDUB ahaan maydaan qabsan Shirweynihiisii uu ku soo xulan lahaa Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, in aad qabsataan maxaa idinka hortaagan, gormaase qabsanaysaan?
Jawaab: Maadaama uu Xisbigu ku guulaystay doorashooyinkii u horeeyay, dabcan tana waa la sii wadayaa uun, ciddii ku guulaystay, haddii Matalan aanu ku dhici lahayn hadda waanu dhaliiloobi lahayn inaanan Xisbiyada hortaagnaanin, balse haddii UCUD iyo KULMIYE laga helay waxay ahayd inay meesha baneeyaan, oo ay siiyaan fursada dad cusub oo nala tartama, laakiin Annagu waxaanu nahay raggii soo guulaystay, ka qaybgalna waanu wadnaa. Laakiin, waxaad moodaa weli inaanay Xisbiyadu u bislaan hawshan, waayo waxaanu eegaynay inay Saaxadda baneeyaan Raggii UCID iyo KULMIYE ee hore aanu uga guulaysanay oo ay rag cusubi nala tartamaan, runtii siistamka Maraykanka ayaanu qaadanay oo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay xaq u leeyihiin inay laba goor isa soo sharaxaan, Shirkana waanu qabanaynaa oo waxba nagama qabyo aha.
Su’aal: Adigu Madaxweyne ku-xigeen ahaan Jagadan aad imika hayso mar labaad ma isu soo taagaysaa?
Jawaab: Dabcan, waxaan ku idhi Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waa laba isku lifaaqan, laakiin waxa qurux badan Xisbigu inuu ku siiyo awood, oo uu ku yidhaahdo noo sii wada hogaaminta iyo in uu wax soo furfuro oo ciddi tidhaahdo Annigaa Jagada doonaya.
Su’aal: Madaxweyne Ku-xigeen, Gobolo fara badan ayaad soo martay intii diiwaan-gelintu socotay, dhulka aad maraysay dadkii aad ku aragtay, sidee ayaad is leedahay diyaar bay ugu yihiin inay mar labaad dib idiin doortaan Adiga iyo Madaxweyne Daahir Rayaale?
Jawaab: Wallaahi, taasi waxay ku xidhan tahay awooda Illaahay, in laga hortagana maaha, laakiin sidaan ku arkay dadku diyaar bay u yihiin, balse wakhtigan dadka waxaanu ku wadnay nabadgalyo, wadahadal iyo is afgarad, ee kumanaan wadin wax kale, intii aanu fadhinay Laascaanood Shicibku waxay ogaadeen Ciidanku in uu yahay amnigii wadanka, waxaanan ku amaanayaa Shacabka iyo Ciidanku siday uga hawl-galeen Gobolka Sool. Annagu wadanka waxaanu ku wadnaa wadahadal, waxaan arkay dhulkaan marayay in naloo arko niman qabaw oo aan ummada khal-khal iyo qas gelin, oo naloo arko kuwii ummada ku hagi lahaa halka ay doonayso, taas ayaan kuu sheegayaa


“Waanu Ognahay Hablaha Yar Yar Ee La Doonayay In Lagu Soo Tababaro Argagixisnimada, Imikana Arintooda Waxa Gacanta Ku Haya Ciidanka Dembi Baadhista”

Wasiirka waxbarashada Xasan Gadhweyne .

Hargeysa, January 06, 2008  (Haatuf)-Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhwayne) ayaa shirjaraa’id ku qabtay xaruntiisa, isagoo kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay dhawrkii sanadood ee u dambeeyey,waxaanu intaas ku daray in wasaarada waxbarashadu dadaalo badan ay ka samaysay tayeynta waxbarashada dalka isla markaana uu sanadkan tababary  15oo oo macalin ah si ay aqoontii ay barteen dib uga faa;iideeyaan  ardayda ay wax barayaan.

Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in shahaadada Somaliland ay aqoonsadeen wadamo badan sida Sudan, Kenya, iyo qaar ka tirsan Europ taas oo ay ardayda wax ka soo baran karaan, waxaanu wasiirku intaa raaciyey in uu dalkeenu ku jiro 20 dal ee ugu waxbarashada liidata caalamka.

Ugu horeyn wsiirka waxbrashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne) oo arimahaa ka hadlaya ayaa uu yidhi “Wax badan baan warbixin bixiyey halkaynu ka soo bilownay iyo halkaynu marayno, markaa imika waxaynu ka hadlaysaa halkaa sanadkii dhowayd wax idiin marayeen kolay muhiim buu noqon doonaa inaanu arrimaha qaar soo qaadno sidaa darteed waxaan idiin soo gudbinayaa warbixin waa  warbixin, inta badan waxay ku xidhan yihiin iyo tiro koobyo iyadoo dhinacyo badan iyo qaybo badan u qaybsamayso waxbarashadu.

Sidaa darteed wasaarada waxbarashadu iyadoo fulinaysa siyaasada xukumada oo ku salaysan dastoorka horteena yaala qodobka 15, oo mar walba mudnaanta siinaysa horumarinta waxbarashada tayeynta iyo tamarinta inay gaadhsiiso waxay ku talaabsatay inay waxbarasho joog iyo jiifba ah ku talaabsato oo ay hirgeliso oo fuliso waxay mudnaanta kowaad siisay qorshaha ku talo galka ah ee yaala strategic Plan baa yaala wax la yidhaahdaa jira oo ku salaysan shan sano , saddex sanno qorshe dhow iyo qorshe fog iyo qorshe dhexe iyadoo raacaysa qorshahaa u yaala waxna lama hogaamin karo hadaanu lahayn Istaraatijiyad ama aan ku fadhiyin qorshe aanu lahayn, inay ka qaybqaadato qorshahaas siday u fulin lahayd iyadoo la kaashanaysa inta waxbarashada danaysa ama waalid ha noqoto ama muwaadiniin gudaha iyo dibadba ha noqoto ama xukuumada oo sidaa idiin sheegay siinaysa mudnaanta kowaad ha noqoto, waxaan odhan karaa waxaynu u wadnay yagleel, yagyeelkaas aynu soo wadnay hadana runtii si xawliya ayuu inoogu socday si uumada aynu u gaadhsiino hiigsigeeda inay gaadho horumar dhakhso ah ulana jaan qaado xawliga uu ku socdo caalamku ee inagu xeerani.

Hadaba horumarkaa xawliga ku socday ee ay wasaarada waxbarashadu uga wakiil ahayd ama loo igmaday fulintiisa iyo hirgelintiisa waxaanu jecelahay in isagoo dheeli tiran inaanu halkan ka soo jeedino oo gaaban:

Waxay ay leedahay dugsiyada H/dhexe ayey ka bilaabantaa waxbarashadu, sanadkii 2006, 2007 iyadoo waxbarashadu iskugu dhafantahay mid xukuuumiya iyo mid gaar ah laakiin mar walba tiro koobkeeda ama waxay la jaanqaadaysaa waxa weeyi inay wasaaradu masuul ka tahay waxbarashad dalka oo idil sidaa darteed ta gaarka ah iyo ta dawlada way isku dhafan tahay marna qaybo ayey u sii kala baxaysaa, 2006, 2007 ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe oo isku dhafani waxay marayeen 136,000 iyo dheereed oo 5194 ay hablo yihiin, sanadkan ugu dambeeyey uun baanu ka soo qaadayaa had iyo goor 2007, 2008 markaan leeyahay waxa weeyi sanad dugsiyeed wax la yidhaahdaa jira, anaga sanad dugsiyaadkayagu wuxuu bilaabmayaa wakhtiga fasaxyada markaa sanadba qayb buu ka qaadanayaa.

2006, ilaa 2007 markaan idhaahdo waa sanad uun, 5,194 bay habluhu ahaayeen waa sanadkii hore ee 2007, 2008-na waxaa weeyi 180,000 iyo dheeraad ayey cagaha galisay, marka laysku daro dhamaan dalka Somaliland oo dhan halkaas waxaad ka arkaysaa tirade korodhay inay dhawr iyo konton tahay inta ku korodhay waxbarashada hoose iyo dhexe ee u kordhay muddo sanad gudaheed ah.

Dugsiyada sare waxay la jaan qaadayeen waxaa weeyi ilmuhu haddii uu fasalada 8aad ka baxo waa inuu helo halkii uu u kici lahaa ee inuu suuqii ku noqdo maaha, haddii uu marka uu la yimaado dadaalkii imtixaanaadka iyo heerarkii la rabo inuu ku gudbo inuu dugsi sare helo weeyaan oo waxbarashadii tooska ahayd iyo tii dadbanayd oo isku dhafan, laakiin taas dugsiga sare marka ay gaadho waa halka lagu kala baxay, waxaa weeyi tii tooska ahayd ayaa loo gudbayaa, markaa 2007 waxay ahayd 176,000 ayey ahayd tirade guud ee dugsiyada sare ee dalku, 2008-na waxaa weeyi 28,490 weeyi oo 6709 ay hablo yihiin.

Intaa ka dib Su’aalihii ay saxaafadu waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyey wasiirka wasaarada waxbarashada waxay u dhaceen sidan:

S: 29 October maalintii qaraxyada ismiidaaminta ahaa ay ka dhaceen caasimada waxaad sheegteen in wasaaradu ay dib  u eegis ku samaynayso siyaasada dugsiyada gaar ah iyo manhajkooda, arintaasi maxay ku dambeeysay, ta kale waxaa jirtay barnaamij sanadkan dhamaaday ee 2008 inay soo baxeen gol-daloolooyin sheegaya in manhajka dugsiyada dhexe laga saaray taariikhdii halgameed ee uu soo maray dalku gaar ahaan kii dib u xoraynta ee SNM, labadaa arimood bal sharax naga sii ?

J: dib u eegista waanu wadnaa oo guddiyo ayaanu u magacawnay oo waa lagu hawlaysan yahay, horta marka hore waxaa weeyaan inaynu kala saarno, oo qaybo ayeynu kala leenahay, ma salan wasaarada waxbarashada iyo diinta iyo awqaafta waana waxbarasho wixii hadana si bay isku galayaan, haseyeeshee waanu ku wada jirnay, labadayada wasaaradood waanu iskaga nimid guddi wada jirana waanu u saarnay oo uu hogaaminayo agaasimaha guud, guddiyo kalana waanu u magacawnay oo in meel walba la tago oo dugsi walba la maro, laakiin hawshu way socotaa hogaaminteediina way leedahay, mana aha mid laga hadhayo oo waa lagu jiraa.

Su’aasha kale hore waa tii looga hadlay, taariikhda qaybana way ku jiraan, laakiin taariikh laga saaray ma jirto, ta aad leedahay waa laga saarayna adiga sheegi .

S; Imika waxaad sheegtay in iskuulada hoose dhexe ay yihiin bilaa lacag oo lacag la’aan ardayda ay wax ku baranayaan sidaynu ognahay waxaa jira ardayda lacag ayaa laga qaadaa oo sanad walbana waa lagu kordhiyaa, shalay oo ugu dambeeysay ceerigaabo  mudaharaad ayaa ka dhacay ay ardaydii dugsiyadu ka mudaharaadayeen qiime shan dollar ah ah  oo lagu kordhiyey markaa maxaad u leedahay dugsiyadii dawladu waa bilaa lacag, ta kale waxaad tahay masuulkii wasaarada waxbarashada dhawaan waxaa jirtay hablo yar-yar oo la doonayey in halkan laga kaxeeyo oo waxyaalo kale lagu soo shubo oo sidaa lagu tahriibiyo arintaa maxaa ka jira  ?

J: tan Ceerigaabo ayaa laga mudaharaaday dugsiyada waxaan imikaba ku celinayaa waxaa weeyaan iskuul Fee lagama qaaado in la kordhiyana wasaaradu ma ogola, waalidkaa bixiyaa lacagtaa, waalidku ikhtiyaar buu u leeyahay hadduu guddiyadiisu u kordhinayaan ta noo taalaa taa weeyaan, wax la kordhin karaa ma jiro, macalin wax kordhin karaa intuu is hortaago intaasaan idinka dhigayna ma jiro, dugsiyada xukuumiga weeyaan ta aan ka hadlayaa,, kuwo kala dadku iyagay jirtaa haddii ay siinayaan, imtixaankaasi ayuun baa la wada galayaa.

Tan kale anaga way na soo gaadhay baadhisna way ku jirtaa waanu ognahay hablaha la doonayay in la tahriibiyo oo wax lagu soo shubto maskaxdooda oo argagixisnimo loo adeegsado,imikana arrintooda ciidamada dembi baadhista iyo  dadkii shaqada ku lahaa ayaa gacanta ku hayee ee waxay soo saaraan ayaan eegayaa


“Weerarka lagu qaaday goobihi diiwaangelinta buuhoodle waa arin nasiib daro ah, diiwaangelinta ka socota gobolka Sool-na waan taageersanahay, dadweynaha Boohoodlana waa inay isdiwaangeliyaan”

Axmed Maxamed Aadan, (Qaybe)

Hargeysa, January 06,2008 (Haatuf)- Guddoomiyihii hore ee golihii hore ee wakiilada Somaliland, isla markaana hada ah xubin sharafeed golaha guurtida ah Md: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) kana mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee degmada Buuhoodle ayaa sheegay inuu  ka xun yahay shaqaaqadii maalintii daraad lagaga horyimid sanaaduuqdii diiwaangelinta ee la geeyey gudaha degmada Buuhoodle ,isagoo intaa ku daray in hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda gobolka Sool uu taageersan yahay uguna baaqay bulshada ku dhaqan  degmada Buuhoodle inay isdiiwaangeliyeen oo ay kaadhadhka aqoonsiga jinsiyada muwaadinka iyo codbixinta qaataan.

Md: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo sido kalana ah la taliyaha siyaasada arimaha dibada ee madaxweyne Riyaale oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay shalay galab isagoo jooga caasimada dalka ee Hargeysa oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko weerarkii maalintii daraad lagu qaaday magaalada Buuhoodle ayaa isagoo Haatuf u sheegay inaanu xog dhamaystiran ka haynin cida abaabulka mudaharaadka ka dambeysay balse isagoo md:Qaybe ka  hadlaya aragtidiisa shaqaaqadaasi Buuhoodle waxa uu yidhi “ runtii xogdhamaystiran oo tafaasiila kama hayo qaabkii shaqaaqadaasi ku timid balse waan ka xumahay mudaharaadka lagala horyimid hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka qabsoomi lahayd gudaha degmada Buuhoodle, waxaanan u arkaa arin nasiib daro ah in diiwaangelintii ka soo wada hirgashay gobolada Somaliland hadana lagu guda jiro deegaanada gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada buuhoodle, may haboonayn in diiwaangelinta laga hor yimaado waxaanay ahayd in dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ay ka faa’iidaystaan ka qaybgalka Diiwaangelinta.

Hawsha diiwaangelinta ee ka socota gobolka Sool iyo Deegaanad kale ee Buuhoodlana waan taageersanahay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas hoos yimaada buuhoodle ee ay ka socoto diiwaangelintuna waan ku bogaadinayaa, bulshada ku dhaqan gudaha buuhoodlana waxaan ugu baaqayaa in ay diiwaangelinta ka qaybgalaan oo aanay ka hor imanin fursadaha diiwaangelinta”

Dhinaca kale md:Qaybe oo aanu waydiinay dhawaaqyada kala duwan ee laga soo jeediyey cida soo qaban qaabisay mudaharaadkaasi Buuhoodle, wuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiila ka bixiyo, isagoo ku dooday inaanay wax xoga oo faahfaahsan ka hayn cida soo maamushay


Dagaalo U Dhexeeya Islaamiyiinta Iyo Itoobiya Oo Dib Uga Curtay Somalia iyo qabqablayaashii oo dib u soo noolaaday

Gedo, January 6, 2009 (W.Wararka) Dagaalo ayaa dib uga cusboonaaday Soomaaliya xili ay dawladda Itoobiya sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Somalia, taas oo ay maanta ku ekayd muddadii ay dawladda Itoobiya u qabteen inay ciidamadeeda kula baxayaan.

Maleeshiyaad uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday inta badan magaalooyinka gobolka Gedo, kuwaas oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamo taageersan kooxaha islaamiyiinta gaar ahaan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo dib ugu gurtay deegaanka Baardheere oo ay imika dib isugu abaabulayaan.

Barre Hiiraale oo wata ciidan gaadhaya 300 Askari oo ay gacan siinayaan ciidamda Itoobiya ayaa la sheegay habeenkii xalay ahaa inay u hoydeen Ufurow oo qiyaastii 60km kaga beegan dhinaca koonfureed magaalada Baardheere, iyada oo Barre Hiiraale uu maanta ku Jarmaado Baardheere isaga iyo ciidankiisu, halkaas oo la filayo inay dagaal qadhaadh isku fara saaraan kooxaha islaamiyiinta ah iyo maleeshiyaadka uu hogaaminayo Bare hiiraale oo ay taageerayaan ciidamda Itoobiya.

Mr Hiiraale oo ahaa ninkii hore u xukumi jiray gobolada Jubooyinka iyo magaalada dekada ah ee la yidhaahdo Kismaayo oo ay muddo dhawr bilood ka hore ay kooxaha islaamiyiintu ka qabsadeen halkaasi ayaa ay ka go’antahay inuu kooxda Al-shabaab uu ka sifeeyo halkaasi isaga oo kaashanaya ciidamada Itoobiyaanka.

Dhinaca kale Maleeshiyaad uu hogaaminay Yuusuf Indhacade oo uu dhawaan dagaal ku dhex maray kooxda Al-shabaab gobolada dhexe ayaa la filayaa iyaguna inay ka soo galaan dhinaca Baladweyn si ay kooxda Al-shabaab dagaal laba geesood ah ay ugu qaadi lahaayeen.

Dagaalkan cusub ee soo waajahay Soomaaliya ayaa ah mid ay ciidamda itoobiyaanku doonayaan inay ku soo celiyaan qabqablayaashii dagaal ee kala haystay gobolada Somalia, si inta aanay ciidamadeeda kala bixin somalia ay u abaabusho kooxo hubaysan oo ay taageerayaan ciidamadeedu,. Kuwas oo ay hogaaminayaan qabqablayaashii dagaalka ee ay hore uga adkaadeen maxkamadihii islaamiga badhtamihii sanadii 2006.

Si kastaba ha ahaatee marxalada dagaalkan cusub ayaa waxa ay ku soo beegantay wakhti ay beesha caalamku doonayso in somalia nabad laga dhaliyo isla markaana la heshiisiiyo kooxaha isku haya dhincyada siyaasada ee kala hor jeeday, kuwaas oo dhwaan dawladda Mbagathi iyo Maxkamaduhu ay heshiis awdood qaybsi ah ku gaadheen Jabuuti, hasa yeeshee dawladda Itoobiya oo dhawaan sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Somalia ayaa haddana waxa ay u muuqataa inaanay taas diyaar u ahayn balse ay diyaar u tahay inay ku soo celiso qabqablayaashi dagaal oo ay awooda dib ugu soo celiso.   


Aadan madoobe iyo nuur cadde oo ku kala aragti duwan muddada lagu dooranayo madaxwaynaha

Baydhabo, January 6, 2009 (Haatuf) - Madaxweynaha dawlada  Mbagaathi iyo ra’iisal wasaarihiisa oo ku soo noqday Kenya ka dib markii ay wada hadalo madaxda itoobiya kula soo yeesheen sidii Somalia madaxwayne loogu soo dhisi lahaa ka dib markii uu dhawaan iscasilay C/llaahi Yuusuf.

Ku simaha madaxwaynaha sh.aadan madoobe raysal wasaare Nuur Cadde ayaa socdaal ku tagay dalka Itoobiya ku saabsanaa sidii ay madaxda sare ee dalkaa uga wada tashan lahaayeen todobaadkan sidii loo magacaabi lahaa madaxwayne Somalia.

Sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhow ayaa tibaaxay inay dawlada itoobiya ku cadaadisay masuuliyiintaa sidii si degdeg ah ay u dooran lahaayeen madaxwayne hase yeeshee sida ay sheegeen ilaha warjkan laga soo xigtay labada masuul way ku kala aragti duwan yihiin qaabka iyo muddada lagu soo magacaabayo madaxwaynaha taas oo la sheegay in ku simaha madaxwaynaha Mr Aadan Madoobe uu doonayo in lala sugo doorashada madaxwaynaha inta ay kooxda isbahaysiga dibu xorayntu ku soo biirayaan baarlamaanka si wada jir ahaan lagu soo doorto madaxwaynaha  halka ra’iisal wasaaruhuna uu danaynayo in muddada uu axdi qarameedku  dhigayo ku sinaan 30 cisho lagu soo doorto madaxwaynaha.

Labada masuul ee ugu sareeya dawlada Mbagaathi Ayaa La Sheegay Inay Shalay Dib Ugu Soo Laabteen Kenya halkaas oo la filayo inay wada hadalo kula yeeshaan madaxda Kenya si talooyin ay ugu biiriyaan, iyagoo halkaa joogi doona muddo dhawr maalmood ah, labada masuul ayaa wararku intaa ku darayaan in iyaga laftoodu ay hunguraynayaan jagada madaxwaynanimada inay isku soo taagaan taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin sidaas darteedna uu midba midka kale uu doonayo inuu tiisa ku qanciyo.

Axdi qarameedka dawlada Mbagaathi ayaa awood u siinaya baarlamaanka inay doortaan madaxwaynaha marka uu isbedel ku yimaado madaxwaynaha xilligaas taas oo uu xeerku dhigayo muddo 30 maalmood ah lagu buuxiyo marka ay banaanaato


Somaliland iyo dhacdooyinkii ugu waawaynaa sanadkii 2008

Bishii April

 

1da april -- Guurtida oo kulan ka ayeelatay warbixintii qaramada Midoobay .

''        ''     -- Kulmiye oo doortay hoggaan cusub

2da   ''    --Nin kooma ku glaya xabsi hal sano ah oo guddiyada nabadgelyadu ku xukuntay

''        '' --dad cabasho isugu yimi oo laga dhigay inay UDUB ku biireen Kulmiyena ka cadhoodeen

''        ''-- wasiir ka tirsan xukuumadda rayaale oo Kulmiye ku hambalyeeyey qaabkii shirkoodu u dhacay

''      ''  -- Madaxweynekuxigeenka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Burco tegey

''      ''      Guddiga taakuleyn Awdal oo ka hadlay gurmakii ay u galeen dadkii duufaanadu ku dhaceen

3da   ''    Gudoomiyaha baarlamaanka oo cambaareeyey warbixintii qaramada midoobay

''            Madaxweyne Rayaale oo si cadho leh xilkii uga qaaday Fuaad Aadan Cadde

''       ''    Wasaaradda duulista oo khrash kusoo rogtay dayuuradaha dulmara soomaaliland .

''      ''     Ganacsatada waaweyn oo hakisay iibinta bariiska

''      ''     Madaxdhtaqameedyo dhulbahane ah oo kasoo shiraacday Garoowe,iyo puntland oo ka baxay Tukaraq 

 

4ta    ''     Madaxweyne Rayaale oo warqad muddo kordhin ah u qortay g/guurtida

''       ''     Ciidamada  ilaalada xebaha soomaliland oo budhcad badeed ka badbaadiyey dooni yaman ah

''       ''     Komishanka doorashooyinka oo horyimi wakiilada

''      ''      Mooshin lasoo hordhigay baarlamaanka oo ka hadlaya doorashooyinka golayaasha degaanka

6da  ''      Ismaaciil Muumin  aare oo ku baqay in 15ka May marka la gaadho la sameeyo dawlad kale

''      ''      Axmed siilaanyo oo kula taliyey    in Rayaale xafiiska soo dhaafo maka la gaadho 15ka May

''      ''      Wasiirro takauleyn siyasadeed gaadhsiiyey gobolada Rayale magacaabay

''      ''     Xisbiga UDUB oo iska leexiyey eedeymo uga yimi  komishanka doorashooyinka

''      ''         Fuaad Aadan Cadde oo xilkii iska wareejiyey

7da  ''         warqaddii madaxweynuhu u qoray guurtida oo kahlkhalgelisay hawlaha doorashooyinka

''      ''         Magacaabistii gobolada iyo degmooyinka cusub oo la sheegay inaanay sharci ku fadhiyin

''      ''         Xisbiyada mucaaradka oo diiday  go'aanka komishanku ku laaleen  hawlwadeenadii xafiis Doorashooyinka

                  Qaranka.

''     ''            Rayaale oo daafacay joogitaankiisa madaxtooyada 

8da  ''           Golaha guurtida oo la horkeenay qaraar  xilka loogu kordhinayo

''       ''          Shirguddoonka guurtida  oo axsaabta mucaaradka ka horjoogsaday inay warbixin siiyaan.

''       ''          Qurbjoogga  Beesha Ciise Muuse oo sheegay inaan Maalin Rayaale loogu dari karin wakhtigiisa .

''                 Xubiin ka tirsan Komishanka oo sheegay inaany komishanka uu ka tirsanyahay dalka waxba u hayn

10ka   ''       deeqbisiyayaasha  oo ka cadhooday faragelinta xukuumaddu ku hayso komishanka doorashooyinka .

''         ''       Xisbiyada Mucaaradka oo saaray bayaan ay ku sheegeyaan inaanay rayaale u aqoonsan dooni

                  madaxweyne marka wakhtigiisu dhammaado.

                   Booliska oo soo qaban kari waayey madaxii hore ee gaaiidka madaxtooyada ,Abshir.

''         ''      Siilaanyo iyo maxamed Kaahin oo qaraxyada Hargeys ka dhacay ku eedeeyey Rayaale .

''          ''       Golaha guurtida oo sannad u kordhiyey xilka Rayaale

14 '      ''      Haawlgal Burco laga sameeyey oo ciiidamadudu ku qabteen hub farabadan .

''         ''       Mudaaharaad Burco ka dhacay oo lagagasoo horjeedo muddokordhinta Rayaale .

''         ''      Rayaale oo wasiir cusub u magacaabay  wasaaradda  degaanka iyo miyiga .

                  Wasiirka arrimaha debedda oo cambareeyey intii soomaaliland kala socotay caalamka.

15       ''     Maraakiib iyo diyaarado BBCdu sheegtay inaysan reer Berebera arag.

''''          ''    Garabyada haweenka UCID iyo Kulmiye  oocambaareeyey muddokordhinta Guurtida ee Rayale .

''              Cuqaal kasoo jeedda balligubadle  oo muddokordhinta Rayaale cambaareeyey.

  

16'       ''    daaiyaarad gaadiid iyo qalab u keentay sirdoonka Soomaaliland

''          ''     Guddoomiyekuxigeenka Kulmiye oo sheegay in beesha galbeedka Burco geshay Kulmiye gebi

                 ahaanba ,

''                Wasaaradda duulista hawada oo ay soo foodsaartay jaahwareer maamul

16        ''     Marwo Faadumo siciid oo iska casishay UNDP

''           ''     MMuwaadin reer kiniya ah oo sheegay in Rayaale hayo jidkii Kibaki.

17         ''    Kabaweyne ,Guddoomiyaha komishank qaranka oo sheegay in qndaraaskii diiwaangelintu

                  dhammaday ,muranna ka taagnayncayimaadda doorashooyinka .

''           ''      Wasiirkii hore ee macdanta iyo Biyaha soomaaliland  oo shegay inaya dalka ka buuxaan khayraadka

                  macdanta ah.

''           ''     Wasiir labaad oo dawladda ka irsan oo cambaareeyey deqbixiyayaasha .

''           ''    Mudaaharaadyo ka dhan muddokordhinta oo ka dhacay Sanaag

''          ''     Dhalliyrao reer Burco ah oo cambaareeyey muddokordhinta Rayaale .

22ka     ''   Golaha guurtida oo loo gudbiyey moshin dib loogu eegeyo muddokordhinta rayaale .

    'f      ''   Marwo Fadumo  Suudi oo hortegtay  G/Guurtida.

26       ''    G/guurtida oo daadifeeyey mooshin ka dhan muddo kordhinta Rayaale ,baastooladana

                l  a iskula baxay.

                Guddoomoomiyaha baarlamaanka oo ka qaybgalay shir ku saabsan bilowga

               wadahadallo dhex mara mucaaradka iyo xukuumadda .

''        ''     Salaadiinta soomaaliland oo ka hadlay sicir babarka iyo xaaladda siyaasadeed

                ee Soomaaliland .

''        ''     Dhallinyaro lagu xidhxidhay rayigooda oo ay cabbireen.

27ka   ''    Mudaaharaadyo ka dhacay Harveysa dadna ku dhinteen .

29ka   ''    Rayaale oo hadal  u jeediyey labada Gole

 

''     ''        Xoghayaha Guud ee UDUB oo dhulla siiyey

''     ''     Golaha dhexe ee Kulmiye oo kulan isugu yimi.


Muj:Abwaan Xasan Ganey

Abwaan Xasan Ganay iyo Doorkiisii Halkankii dib u xoraynta Somaliland.

Ma ilaawo aadmigu taariikhdu soo maray meel baanay ugu taal maantana waxaa xusuus mudan midhihii abwaankee mucjiso lahaayee mujaahidkeeni waynaa Xasan Ganay uu meel dhigay bal aan yara miliilico maantan tusaalaha.

Maqaalkan oo nuxurkiisu yahay in aan bulshada Somaliland xusuusiyo taariikhda sooyaalka ah ee aynu soomarnay in uu baal-dahaba kaga jiro abwaan xasan xaaji c/laahi (Xasan Ganay), taasi oo uu mudan yahay xusuus iyo taariikhda gaara, isaga iyo abwaanada kale ee sida hagar la’aanta ah uga qaybqaatay halgankii dib u xoraynta Somaliland.

Maansooyinka abwaanka ee xaga halkganku waxay iskugu jireen madaafiic qalbiga cadawga jabiya iyo ilays uu inoogu iftiiminaayo hadba xaaladihii taagnaa maantana waxaynu inyar ka taaban maansadii Dareen oo soo baxday 25/08/1988.

Dareen baa hadloo yidhi

Madadkaan ka maarmaa,

Madarkaan ka noolaan,

Dadka sow kamaan dhalan

Sow daayinkay iyo

Ma rumaynin Daaha

Diinta saw ma aaminin

Fararkaa dushayda ah

Anigoo daryeeloo

U dadaala mooyee

Sideebaan u dumiyaa

Wax kaloon ku doorsado

Miyaan dunida ku ogahay

Dareen baa hadloo yidhi

Ragga dirirtan maanta ah

Xaska dabada galiyow

Dalsankaad ku dhalatiyo

Degmadaad ku ababtiyo

Damashii Hargeysiyo

Daaliyo Burciyo xiis

Dacalada Gabiley

Iyo dilindilcoodkii

Dihin xeebihinii

Khayraad daf ka ahaa

Dhamaan dagaladiinii

Daalin ma uga baqateen

Waa maxay dulaamuhu

Xagee looga didayaa

Dareen baa hadloo yidhi

Raga dirirtan maanta ah

Xaska dabada galiyow

Calankaad deldelatiyo

Aaway dawladnimadii

Lixdankii daruurteen

Ninka dararti maandeeq

Idinkoon debnaha gelin

Darsaday wadaamaha

Ninka daacadii iyo

Daawiyo midnimadii

Dudadaad u odeen

Dabka sudhay misciriraha

Darmadiyo hugeedana

Duluc iyo xajiin dhigay

Darkay nabadu leedahay

Ninka daabcad qaatee

Dildilaacshay boqol goor

Ee dawliskeediyo

Doojaha biyaha sida

Diiday ee ma rabo yidhi

Ee waliba dayn iyo

Ku lahayd dakano hore

Maantana damaaciyey

Aayihiina duuga ah

Hadduu dool yaxaas yahay

Dacow mooday Aarqoyey

Dakharada la qoobiyo

Hadduu doogta godob kale

Damqashada la jecel yahay

Isagay u daran tee

Maad deeb liqsiisaan

Dalqada isku taagtoo

Horana aan u daadagin

Dibna aan u soo noqon

Duhur maad u badheedhaan

Deris lama ilaawaan

Loox maw ugu duugtaan

Maad duumo laysiyo

Daacuun ku noqotaan

Dunta lagu hirdamiyiyo

Maad duubka xidhataan

Janaa dagatay maantee

Doobigiisan buuxsamay

Maxaad u daadin waydeen ?

Muj: Axmed Xaashi Cismaan


waxay badwayntu noloshu i bartay....?

Qormadeenan maanta waxaan ku soo qaadan doonaa arimo badan oo aanu ku ogaaday nolosha kuwaas oo u baahan in la ilaaliyo looguna dhaqmo si wanaagsan waayo somalidu ayaa tidhaa aduunyadu waa sheeko iyo shaahid.

Kama baran iskuulka oo kaliya,jaamacaduna may ahayn meeshii aan wax walba ka bartay ee waxay ii siyaadisay wixii aan hore u soo bartay ee aan sitay.

Sidoo kale waxaan wax badan oo noloshaa ka bartay ama ka siyaadsaday guriga Aabahay ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee iyo hooyaday macaan ilaahay ayaamo ha ii daayee.

Waxaan bartay casharo badan oo nolosha ka mid ah oo aanan aqoon in badan oo aan iskuulka dhiganayay.

Waxaan ogaaday in midkastoo cilmi badan uu midi ka cilmi badanyahay inkastoo hadii aqoontayda lagarabdhigo aqoonta dadka kale aan ogahay inay daciifayso.

Hadaba maalinkasta oo noloshayda soo marta waxaan u aqaan inay tahay maalin cashar cusub ii ah ,casharkaas oo aan abid dib iigu soo noqonayn hadaan ka faaidaysan waayo wakhtiga yare ee kooban ee saacadahaa.

Sidaa daraadeed ayaa waxaan jeclaaday inaad ila eegtaan qoraalkan si aad iila qaybsataan waxaan ogaaday ee ah xikmad iyo tijaabo kuwaasoo ama aniga igu dhacay ama qayrkay ku dhacay ama ku dhacay in ka mid ah saaxiibaday.

  • waxaan ogaaday in meelkasta oo aad galayso aanad iska galin amar la’aan ilaa iyadooo laguu ogolaado mooyee.
  • waxaan ogaday in qofkastoo dadka aan aqaan ka mid ahi ay leeyihiin waxyaabo aan ka helo ama I cajb galiya ,sidaas darteed kuma xadgudbo qofkasta oo ay naga dhaxayso xidhiidh biniaadnimo
  • waxaan ogaaday in qofkastaa uu aqoon leeyahay,ee aanay aqoontu ahayn in wax la qoro waxna la akhriyo ee aqoontu ay tahay garaadka alah siiyay qofka.
  • Waxaan ogaaday in qofkasta oo aan la kulmo uu wax I dheeryahay ,laakin isuma dawakhiyo waxaan ka qaataa waxa uu I dheeryahay ee cilmiya,xumaantiina waan iskaga tagaa.
  • Waxaan ogaaday inaan xaasidka ka horgeeyo kalgacal,kana fogaado midkasta oo aan ixtiraamin naftiisa iyo inaanan la murmin axmaq ama nacas waayo dadku waay isku kayo khaldi karaan.
  • Waxaan ogaaday in awooda kor loogu kaco iyo tan hoos loogu dhacaaba ay carabka biliaadanka ku hoos aasantahay. Odhaah kaliya oo dhiirigalina ayaa ku hooseeyay ama nolosha ka dhacay kor u soo qaada kana dhigta inuu noqdo mid guulaysta.sidoo kale ayay kalmad qudha oo hoosaysaa ay u dishaa qof sareeyay ama hayay dariiqa saxdaa kana dhigtaa mid guuldaraysta. Halka ay mid hooseeyayna u disho, markaa waxaa laga fiirsadaa waxaad odhanayso waayo waxaad kor ugu qaadi kartaa dadka kuugu dhawdhaw ee ehelkaaga &asxaabtaada ah kalmada wanagsan.
  • Waxaan ogaaday inaanan odhan waxkasta oo aan garanayo,laakin aan garto waxaan odhanayo inta aanay kalmadu afkayga ka soo bixin.
  • Waxaan ogaaday in waxkastaa ay qiimo leeyihiin inta ay kaa maqanyihiin,laakin uu shaykastaa qiimo dhaco marka uu gacantaada soo galo.
  • Waxaan ogaaday in jacaylka bilaa ficilka ahi uu yahay wakhti lumis.
  • Waxan ogaday in uu jacaylku ka bilaabmo eray laakin aanu marna ku dhaman eray.
  • Waxaan ogaaday in dumarku ay necebyihiin canaantam halka ay ka jecelyihin amaanta.
  • Waxaan ogaaday inay dumarku yihiin sida hadhkaaga hadii aad dabo cararto way kaa carari, hadii aad ka carartana way ku daba carari.
  • Waxaan ogaaday inaanay ragu bilaa dumar noolaanayn,hadii ay noolaadaana ay bilaa rajo ku noolaanayaan.
  • Waxaan ogaaday in qofkastoo dhoola cadeeyaa uu kuguulaysto in badan waxa uu doonayo.
  • Waxaan ogaaday in dhoola cadayntu ay tahay luqada qudha ee aduunka oo dhan laga yaqaano xitaa uu fahmi karo ilmaha yare ee xoolka ku jiraa.
  • Waxaan ogaaday in wakhtiga aad barwaaqaysantahay ay asxaabtaadu badantahay,laakin wakhtiga aad baahantahay ay asxaabtadu yartahay
  • Waxan ogaaday in saaxiib kaliya oo daacad ahi uu ka qiimo badanyahay boqolaal qaraabadaada ah.
  • Waxaan ogaaday in daacadnimadu ay tahay siyaasada ugu wanagsan aduunka
  • Waxaan ogaaday in xumaanta oo la iska ilaawaa ay tahay cafiska ugu wanagsan
  • Waxaan ogaaday inay salaadu siiso jidhka biniaadamka ah firfircooni dheeraada
  • Waxaan ogaaday in qofkasta oo aan nolosha ujeedo ka lahayni uu la mid yahay doon bilaa naakhuude ah oo  hadba badda  dhinac udul sabaynaysa.
  • Waxaan ogaaday in qofku waxkasta oo uu jecelyahay oo niyadiisa ku soo noqnoqdaa ay riyadiisuna u badato.
  • Waxaan ogaaday in kalsoonida jacaylka ee labada qof ka dhaxaysaa ay adagtahay sida loo dhisaa,laakin ay fududahay sida loo dumiyaa.
  • Waxaan ogaaday in qalbiga qofku uu yahay sida muraayada oo hadii uu mar jabo ay adagtahay sida loo kabaa.
  • Waxaan ogaaday inay kalmad kali ahi ay kaa horistaagi karto nimco, halka laga yaabo inay kalmad kali ah kuu horseedo barwaaqo.
  • Waxaan ogaaday in nimcadu tahay balaayo la’aan
  • Waxaan ogaaday inay ceebtahay inaad qof u nacamlaysaa,laakin aanay ceeb ahayn inaad fikirkiisa ku taageertaa.
  • Waxaan ogaaday in qofkasta oo aan u samrin qaraarka daawadu aanu helin macaanka caafimaadka.
  • Waxaan ogaaday in ujeedada ugu wayn ee guurku tahay caruur,xasilooni iyo daganaan.
  • Waxan ogaaday in jacaylku uu guurka ka hor yahay riwaayad, ka dinba uu taariikh noqdo.
  • Waxan ogaaday in jacaylku uu yahay filim ay matalayso gabadhu,ninkuna uu maal galinayo.
  • Waxan ogaaday in quruxdu ay tahay u dhalasho ee aanay ahayn wax tukaanka yaala.
  • Waxaan ogaaday inaanad ahayn sida aad isu taqaan ee aad tahay sida laguu yaqaano.
  • Waxaan ogaaday in labada qof ee is qaba uu midba ka kale u yahay hu&asturaad oo uu midba mid ku aamino naftiisa iyo maalkiisa
  • Waxaan ogaaday hadii aad waydo meel&cid aad ku aaminto naftaada,maalkaaga iyo sirtaada inaanay noloshu qiimo kuu lahayn.
  • Waxaan ogaaday in midkasta oo neceb  buur fuulistu uu noloshiisa ku dhamaysto godadka.
  • Waxaan ogaaday inay gabadhu gaadhsiin karto ninkeeda figta ugu saraysa dunida, ama ay la hadhi karto oo ay seexin karto sagxada nolosha.
  • Waxaan ogaaday in ninkasta oo guulaysta ay gabadhi ka danbayso
  • Waxaan ogaaday in alle oo la iska dhaadhiciyaa ay ka qiimo badantahay dunida oo la iska dhaadhiciyo
  • Waxaan ogaaday in dariiqa ugu saxsan ee lagu gaadhi karo naxariista alleh ay tahay in la raaco kitaabka iyo sunaha ficil iyo hadalba
  • Waxaan ogaaday in qofkasta oo aan wakhtigan aqoon u lahayni computerku aanu la jaanqaadi Karin dunidan casrigaa
  • waxaan ogaaday inay maskaxdu tahay sida qoraalka messageska,waad ka masixi kartaa midkasta oo aanad doonayn,waxaanad ku ilaalinkartaa midkastoo kuu khaasa.

                                                                                C/fatah Sh.Nuux Jamac(Dabshid)

                                                                                Email:jumayka05@hotmail.com