|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1931 | january 06,2009 | |||||
|
Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar
Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID
Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia |
Dareenka diidmada leh ee ka soo baxay natiijadii diiwaangelinta gobolka awdal iyo daruufaha hadheeyay dadwaynaha reer boorama 'Maanta madaxweynaad
ledihiin ugu habran maynno somaliland ,doorashana ka dhici mayso halkan
" Boorama, January 6, 2009 (Haatuf) - Qaar ka mid ah bulshada Rayidka ah ee gobolka Awdal ayaa dareen diidmo leh ka bixiyey natiijadii ka soo baxday diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee ka dhacday gobolka Awdal, isla markaana ku eedeeyey komishanka doorashooyinka sidii ay u maamuleen diiwaangelinta, kuwaas oo ka digay haddii la dhaqan galiyo natiijadii ka soo baxday diiwaangelinta ay taasi keeni karto inay dadka reer Boorama ay ka hor yimaadaan doorashada. Wariyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar Sheekh ayaa wax ka weydiiyey qaar ka mid ah bulshada rayidka ah ee Boorama sida ay u arkaan wararka maalmahan u dambeeyey hadheeyey magaalada Boorama iyo gobolka Awdalba, kuwaas oo ku saabsan natiijada diiwaangelinta gobolka, iyaga oo sheegay inaanay aqbalayn natiijada ka soo baxday diiwaangelinta, taas oo ay sheegeen inay ahayd mid aan loo qaban si sharciga waafaqsan, isla markaana aanay dadweyanaha gobolkani helin fursad ay ku qaataan kaadhadhka aqoonsiga iyo ka codbixinta doorashada. Xubno isugu jira dhallinyaro, Masuuliyiin ka tirsan
bulshada rayidka ah iyo xisbiyada ayaa ka hadlay siyaabihii loo maaray
lahaa muranka iyo dooda maalmahan sida weyn u dhex qaaday bulshada
gobolka, taas oo ka taagan natiijooyinka hordhaca ah. Siyaad Diiriye Waaberi oo isna ku hadlayey magaca
Bulshada rayidka Boorama ayaa sidoo kale waxa uu dareenkiisa ka muujiyey
arrimaha ku saabsan xiisadda weli ka taagan diiwaangelintaasi ayaa yidhi
"marxuum C/raxmaan Tuur madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland ayaa
odhan jiray Bari waxaa yaalla dhul ballaadhan, galbeedna waxaa yaalla
dad badan maanta arrimahaasi waa la is dhaafiyey oo waxay noqotay
baribaa dhul iyo dadkaba u badan, Waa been, waana khiyaamo ay sameeyeen
lix nin oo komishan ah oo Dhinaca kale waxaa jira dareen la mid ah, kuwaasi
oo ay qabaan qaar ka mid ah taageerayasha iyo masuuliyiinta xisbiga
Kulmiye ee gobolka Awdal, kuwaas oo ka walaacsan meesha xaal marayo,
balse iyagu jecel in arinta diiwaangelintu Haddaba markaad eegto xaaladda ku saabsan waxa reer
Awdal ka yeelayaan natiijadii diiwaangelinta iyo sida ay ugu tumanayaan
in xukuumada iyo komishanku ula badheedheen ayaa laga dareemi karaa
sida aanay weli qaar ka mid ah salaadiinta, siyaasiyiinta golayaasha
dawladda kaga jira gobolkan Awdal uga hadal dhawaaqyada Somaliland
diidka ah ee kasoo yeedhaya dhinaca kale ee bulshada Awdal, iyadoo
shakhsiyaad aad looga yaqaano magaalada Boorama durba diirka ka qaadeen
Ajendayaal qarsoon oo ka dhan ah diiwaangelinta, doorashooyinka iyo
Somalilandba buuxiyeen dhagaha dawladda iyo reer Somaliland intooda
kaleba, waana markii u horreysay ee hadallo noocan oo kale ah loola
badheedho madaxweyne Rayaale oo shan ama lix Tirada Hordhaca ah ee Iska Diiwaangelisey Gobolka Sool Laascaanood, jenuary, 6, 2009 ( W.Wararka ) - Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo hada badankoodu ku sugan magaalo madaxda Gobolka Sool ee LAascaanood ayaa soo saaray tirada dadka hordhaca ah ee iska diiwaangeliyey Gobolka Sool muddadii ay socota hawsghaasi oo bilaabantay bishan ay ku jirno labadedii . Shir Jaraa'id oo ay xubnaha Komishanku maalintii shalay ku qabteen Magaalada Laascaanood ayey kaga dhawaaqeen natiijada 5 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sool, halka ay kuwa kalena sheegeen in ay dib ka soo sheegi doonaan, iyaga oo tibaaxa in tirada hordhaca ah ee ilaa hadda iska diiwaangelisay Gobolka Sool ay gaadhayso 95000 (shan iyo shagaashan Kun oo Qof), isla markaana waxa ay xuseen in marka lagu darro goobo ka mid ah Shan goobood oo aan natiijadeedu soo gaadhin ay gaadhi doonto tiradu intaas kasii badan doonto . Komishanku Waxay intaas ku dareen in dadka iska diiwaangeliyey degmooyinka Widhwidh, Kalabaydh iyo Xudun oo waqti dheeraad ah loogu daray ay dib ka soo bandhigi doonaan tirooyinka iska diiwaangeliyey, waxanay diiwaangelinta Shanta deegaan ee naloo soo gudbiyey u dhacday sidan, iyada oo ay weli diiwaangelintii halkeedii ka sii socoto. Laascaanood 45000 Guddoomiyeyaasha Ucid Iyo Kulmiye Haddii Doorashadii Hore Laga Helay Waxay Ahayd Inay Dad Cusub Siiyaan Fursadda Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin Laascaanood, January 6, 2009 (Haatuf) - Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin ayaa sheegay inaanay suuragal ahayn in ay mar labaad Musharixiin isu soo taagaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah [KULMIYE iyo UCID] ee ay hore uga soo gulaysteen,
isla markaana waxa uu tilmaamay in ay ka qurux-badnaan lahayd in ay cid
kale oo cusub Xisbiyadu iska soo xulaan. diyaargaroobaan ayuunbaananu diiwaangelinaynaa. “Waanu Ognahay Hablaha Yar Yar Ee La Doonayay In Lagu Soo Tababaro Argagixisnimada, Imikana Arintooda Waxa Gacanta Ku Haya Ciidanka Dembi Baadhista” Wasiirka waxbarashada Xasan Gadhweyne . Hargeysa, January 06, 2008 (Haatuf)-Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhwayne) ayaa shirjaraa’id ku qabtay xaruntiisa, isagoo kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay dhawrkii sanadood ee u dambeeyey,waxaanu intaas ku daray in wasaarada waxbarashadu dadaalo badan ay ka samaysay tayeynta waxbarashada dalka isla markaana uu sanadkan tababary 15oo oo macalin ah si ay aqoontii ay barteen dib uga faa;iideeyaan ardayda ay wax barayaan. Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in shahaadada Somaliland ay aqoonsadeen wadamo badan sida Sudan, Kenya, iyo qaar ka tirsan Europ taas oo ay ardayda wax ka soo baran karaan, waxaanu wasiirku intaa raaciyey in uu dalkeenu ku jiro 20 dal ee ugu waxbarashada liidata caalamka. Ugu horeyn wsiirka waxbrashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne) oo arimahaa ka hadlaya ayaa uu yidhi “Wax badan baan warbixin bixiyey halkaynu ka soo bilownay iyo halkaynu marayno, markaa imika waxaynu ka hadlaysaa halkaa sanadkii dhowayd wax idiin marayeen kolay muhiim buu noqon doonaa inaanu arrimaha qaar soo qaadno sidaa darteed waxaan idiin soo gudbinayaa warbixin waa warbixin, inta badan waxay ku xidhan yihiin iyo tiro koobyo iyadoo dhinacyo badan iyo qaybo badan u qaybsamayso waxbarashadu. Sidaa darteed wasaarada waxbarashadu iyadoo fulinaysa siyaasada xukumada oo ku salaysan dastoorka horteena yaala qodobka 15, oo mar walba mudnaanta siinaysa horumarinta waxbarashada tayeynta iyo tamarinta inay gaadhsiiso waxay ku talaabsatay inay waxbarasho joog iyo jiifba ah ku talaabsato oo ay hirgeliso oo fuliso waxay mudnaanta kowaad siisay qorshaha ku talo galka ah ee yaala strategic Plan baa yaala wax la yidhaahdaa jira oo ku salaysan shan sano , saddex sanno qorshe dhow iyo qorshe fog iyo qorshe dhexe iyadoo raacaysa qorshahaa u yaala waxna lama hogaamin karo hadaanu lahayn Istaraatijiyad ama aan ku fadhiyin qorshe aanu lahayn, inay ka qaybqaadato qorshahaas siday u fulin lahayd iyadoo la kaashanaysa inta waxbarashada danaysa ama waalid ha noqoto ama muwaadiniin gudaha iyo dibadba ha noqoto ama xukuumada oo sidaa idiin sheegay siinaysa mudnaanta kowaad ha noqoto, waxaan odhan karaa waxaynu u wadnay yagleel, yagyeelkaas aynu soo wadnay hadana runtii si xawliya ayuu inoogu socday si uumada aynu u gaadhsiino hiigsigeeda inay gaadho horumar dhakhso ah ulana jaan qaado xawliga uu ku socdo caalamku ee inagu xeerani. Hadaba horumarkaa xawliga ku socday ee ay wasaarada waxbarashadu uga wakiil ahayd ama loo igmaday fulintiisa iyo hirgelintiisa waxaanu jecelahay in isagoo dheeli tiran inaanu halkan ka soo jeedino oo gaaban: Waxay ay leedahay dugsiyada H/dhexe ayey ka bilaabantaa waxbarashadu, sanadkii 2006, 2007 iyadoo waxbarashadu iskugu dhafantahay mid xukuuumiya iyo mid gaar ah laakiin mar walba tiro koobkeeda ama waxay la jaanqaadaysaa waxa weeyi inay wasaaradu masuul ka tahay waxbarashad dalka oo idil sidaa darteed ta gaarka ah iyo ta dawlada way isku dhafan tahay marna qaybo ayey u sii kala baxaysaa, 2006, 2007 ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe oo isku dhafani waxay marayeen 136,000 iyo dheereed oo 5194 ay hablo yihiin, sanadkan ugu dambeeyey uun baanu ka soo qaadayaa had iyo goor 2007, 2008 markaan leeyahay waxa weeyi sanad dugsiyeed wax la yidhaahdaa jira, anaga sanad dugsiyaadkayagu wuxuu bilaabmayaa wakhtiga fasaxyada markaa sanadba qayb buu ka qaadanayaa. 2006, ilaa 2007 markaan idhaahdo waa sanad uun, 5,194 bay habluhu ahaayeen waa sanadkii hore ee 2007, 2008-na waxaa weeyi 180,000 iyo dheeraad ayey cagaha galisay, marka laysku daro dhamaan dalka Somaliland oo dhan halkaas waxaad ka arkaysaa tirade korodhay inay dhawr iyo konton tahay inta ku korodhay waxbarashada hoose iyo dhexe ee u kordhay muddo sanad gudaheed ah. Dugsiyada sare waxay la jaan qaadayeen waxaa weeyi ilmuhu haddii uu fasalada 8aad ka baxo waa inuu helo halkii uu u kici lahaa ee inuu suuqii ku noqdo maaha, haddii uu marka uu la yimaado dadaalkii imtixaanaadka iyo heerarkii la rabo inuu ku gudbo inuu dugsi sare helo weeyaan oo waxbarashadii tooska ahayd iyo tii dadbanayd oo isku dhafan, laakiin taas dugsiga sare marka ay gaadho waa halka lagu kala baxay, waxaa weeyi tii tooska ahayd ayaa loo gudbayaa, markaa 2007 waxay ahayd 176,000 ayey ahayd tirade guud ee dugsiyada sare ee dalku, 2008-na waxaa weeyi 28,490 weeyi oo 6709 ay hablo yihiin. Intaa ka dib Su’aalihii ay saxaafadu waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyey wasiirka wasaarada waxbarashada waxay u dhaceen sidan: S: 29 October maalintii qaraxyada ismiidaaminta ahaa ay ka dhaceen caasimada waxaad sheegteen in wasaaradu ay dib u eegis ku samaynayso siyaasada dugsiyada gaar ah iyo manhajkooda, arintaasi maxay ku dambeeysay, ta kale waxaa jirtay barnaamij sanadkan dhamaaday ee 2008 inay soo baxeen gol-daloolooyin sheegaya in manhajka dugsiyada dhexe laga saaray taariikhdii halgameed ee uu soo maray dalku gaar ahaan kii dib u xoraynta ee SNM, labadaa arimood bal sharax naga sii ? J: dib u eegista waanu wadnaa oo guddiyo ayaanu u magacawnay oo waa lagu hawlaysan yahay, horta marka hore waxaa weeyaan inaynu kala saarno, oo qaybo ayeynu kala leenahay, ma salan wasaarada waxbarashada iyo diinta iyo awqaafta waana waxbarasho wixii hadana si bay isku galayaan, haseyeeshee waanu ku wada jirnay, labadayada wasaaradood waanu iskaga nimid guddi wada jirana waanu u saarnay oo uu hogaaminayo agaasimaha guud, guddiyo kalana waanu u magacawnay oo in meel walba la tago oo dugsi walba la maro, laakiin hawshu way socotaa hogaaminteediina way leedahay, mana aha mid laga hadhayo oo waa lagu jiraa. Su’aasha kale hore waa tii looga hadlay, taariikhda qaybana way ku jiraan, laakiin taariikh laga saaray ma jirto, ta aad leedahay waa laga saarayna adiga sheegi . S; Imika waxaad sheegtay in iskuulada hoose dhexe ay yihiin bilaa lacag oo lacag la’aan ardayda ay wax ku baranayaan sidaynu ognahay waxaa jira ardayda lacag ayaa laga qaadaa oo sanad walbana waa lagu kordhiyaa, shalay oo ugu dambeeysay ceerigaabo mudaharaad ayaa ka dhacay ay ardaydii dugsiyadu ka mudaharaadayeen qiime shan dollar ah ah oo lagu kordhiyey markaa maxaad u leedahay dugsiyadii dawladu waa bilaa lacag, ta kale waxaad tahay masuulkii wasaarada waxbarashada dhawaan waxaa jirtay hablo yar-yar oo la doonayey in halkan laga kaxeeyo oo waxyaalo kale lagu soo shubo oo sidaa lagu tahriibiyo arintaa maxaa ka jira ? J: tan Ceerigaabo ayaa laga mudaharaaday dugsiyada waxaan imikaba ku celinayaa waxaa weeyaan iskuul Fee lagama qaaado in la kordhiyana wasaaradu ma ogola, waalidkaa bixiyaa lacagtaa, waalidku ikhtiyaar buu u leeyahay hadduu guddiyadiisu u kordhinayaan ta noo taalaa taa weeyaan, wax la kordhin karaa ma jiro, macalin wax kordhin karaa intuu is hortaago intaasaan idinka dhigayna ma jiro, dugsiyada xukuumiga weeyaan ta aan ka hadlayaa,, kuwo kala dadku iyagay jirtaa haddii ay siinayaan, imtixaankaasi ayuun baa la wada galayaa. Tan kale anaga way na soo gaadhay baadhisna way ku jirtaa waanu ognahay hablaha la doonayay in la tahriibiyo oo wax lagu soo shubto maskaxdooda oo argagixisnimo loo adeegsado,imikana arrintooda ciidamada dembi baadhista iyo dadkii shaqada ku lahaa ayaa gacanta ku hayee ee waxay soo saaraan ayaan eegayaa “Weerarka lagu qaaday goobihi diiwaangelinta buuhoodle waa arin nasiib daro ah, diiwaangelinta ka socota gobolka Sool-na waan taageersanahay, dadweynaha Boohoodlana waa inay isdiwaangeliyaan” Axmed Maxamed Aadan, (Qaybe) Hargeysa, January 06,2008 (Haatuf)- Guddoomiyihii hore ee golihii hore ee wakiilada Somaliland, isla markaana hada ah xubin sharafeed golaha guurtida ah Md: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) kana mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee degmada Buuhoodle ayaa sheegay inuu ka xun yahay shaqaaqadii maalintii daraad lagaga horyimid sanaaduuqdii diiwaangelinta ee la geeyey gudaha degmada Buuhoodle ,isagoo intaa ku daray in hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda gobolka Sool uu taageersan yahay uguna baaqay bulshada ku dhaqan degmada Buuhoodle inay isdiiwaangeliyeen oo ay kaadhadhka aqoonsiga jinsiyada muwaadinka iyo codbixinta qaataan. Md: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo sido kalana ah la taliyaha siyaasada arimaha dibada ee madaxweyne Riyaale oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay shalay galab isagoo jooga caasimada dalka ee Hargeysa oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko weerarkii maalintii daraad lagu qaaday magaalada Buuhoodle ayaa isagoo Haatuf u sheegay inaanu xog dhamaystiran ka haynin cida abaabulka mudaharaadka ka dambeysay balse isagoo md:Qaybe ka hadlaya aragtidiisa shaqaaqadaasi Buuhoodle waxa uu yidhi “ runtii xogdhamaystiran oo tafaasiila kama hayo qaabkii shaqaaqadaasi ku timid balse waan ka xumahay mudaharaadka lagala horyimid hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka qabsoomi lahayd gudaha degmada Buuhoodle, waxaanan u arkaa arin nasiib daro ah in diiwaangelintii ka soo wada hirgashay gobolada Somaliland hadana lagu guda jiro deegaanada gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada buuhoodle, may haboonayn in diiwaangelinta laga hor yimaado waxaanay ahayd in dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ay ka faa’iidaystaan ka qaybgalka Diiwaangelinta. Hawsha diiwaangelinta ee ka socota gobolka Sool iyo Deegaanad kale ee Buuhoodlana waan taageersanahay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas hoos yimaada buuhoodle ee ay ka socoto diiwaangelintuna waan ku bogaadinayaa, bulshada ku dhaqan gudaha buuhoodlana waxaan ugu baaqayaa in ay diiwaangelinta ka qaybgalaan oo aanay ka hor imanin fursadaha diiwaangelinta” Dhinaca kale md:Qaybe oo aanu waydiinay dhawaaqyada kala duwan ee laga soo jeediyey cida soo qaban qaabisay mudaharaadkaasi Buuhoodle, wuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiila ka bixiyo, isagoo ku dooday inaanay wax xoga oo faahfaahsan ka hayn cida soo maamushay Dagaalo U Dhexeeya Islaamiyiinta Iyo Itoobiya Oo Dib Uga Curtay Somalia iyo qabqablayaashii oo dib u soo noolaaday Gedo, January 6, 2009 (W.Wararka) Dagaalo ayaa dib uga cusboonaaday Soomaaliya xili ay dawladda Itoobiya sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Somalia, taas oo ay maanta ku ekayd muddadii ay dawladda Itoobiya u qabteen inay ciidamadeeda kula baxayaan. Maleeshiyaad uu hogaaminayo Barre Hiiraale oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday inta badan magaalooyinka gobolka Gedo, kuwaas oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamo taageersan kooxaha islaamiyiinta gaar ahaan Ururka Al-shabaab, kuwaas oo dib ugu gurtay deegaanka Baardheere oo ay imika dib isugu abaabulayaan. Barre Hiiraale oo wata ciidan gaadhaya 300 Askari oo ay gacan siinayaan ciidamda Itoobiya ayaa la sheegay habeenkii xalay ahaa inay u hoydeen Ufurow oo qiyaastii 60km kaga beegan dhinaca koonfureed magaalada Baardheere, iyada oo Barre Hiiraale uu maanta ku Jarmaado Baardheere isaga iyo ciidankiisu, halkaas oo la filayo inay dagaal qadhaadh isku fara saaraan kooxaha islaamiyiinta ah iyo maleeshiyaadka uu hogaaminayo Bare hiiraale oo ay taageerayaan ciidamda Itoobiya. Mr Hiiraale oo ahaa ninkii hore u xukumi jiray gobolada Jubooyinka iyo magaalada dekada ah ee la yidhaahdo Kismaayo oo ay muddo dhawr bilood ka hore ay kooxaha islaamiyiintu ka qabsadeen halkaasi ayaa ay ka go’antahay inuu kooxda Al-shabaab uu ka sifeeyo halkaasi isaga oo kaashanaya ciidamada Itoobiyaanka. Dhinaca kale Maleeshiyaad uu hogaaminay Yuusuf Indhacade oo uu dhawaan dagaal ku dhex maray kooxda Al-shabaab gobolada dhexe ayaa la filayaa iyaguna inay ka soo galaan dhinaca Baladweyn si ay kooxda Al-shabaab dagaal laba geesood ah ay ugu qaadi lahaayeen. Dagaalkan cusub ee soo waajahay Soomaaliya ayaa ah mid ay ciidamda itoobiyaanku doonayaan inay ku soo celiyaan qabqablayaashii dagaal ee kala haystay gobolada Somalia, si inta aanay ciidamadeeda kala bixin somalia ay u abaabusho kooxo hubaysan oo ay taageerayaan ciidamadeedu,. Kuwas oo ay hogaaminayaan qabqablayaashii dagaalka ee ay hore uga adkaadeen maxkamadihii islaamiga badhtamihii sanadii 2006. Si kastaba ha ahaatee marxalada dagaalkan cusub ayaa waxa ay ku soo beegantay wakhti ay beesha caalamku doonayso in somalia nabad laga dhaliyo isla markaana la heshiisiiyo kooxaha isku haya dhincyada siyaasada ee kala hor jeeday, kuwaas oo dhwaan dawladda Mbagathi iyo Maxkamaduhu ay heshiis awdood qaybsi ah ku gaadheen Jabuuti, hasa yeeshee dawladda Itoobiya oo dhawaan sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Somalia ayaa haddana waxa ay u muuqataa inaanay taas diyaar u ahayn balse ay diyaar u tahay inay ku soo celiso qabqablayaashi dagaal oo ay awooda dib ugu soo celiso. Aadan madoobe iyo nuur cadde oo ku kala aragti duwan muddada lagu dooranayo madaxwaynaha Baydhabo, January 6, 2009 (Haatuf) - Madaxweynaha dawlada Mbagaathi iyo ra’iisal wasaarihiisa oo ku soo noqday Kenya ka dib markii ay wada hadalo madaxda itoobiya kula soo yeesheen sidii Somalia madaxwayne loogu soo dhisi lahaa ka dib markii uu dhawaan iscasilay C/llaahi Yuusuf. Ku simaha madaxwaynaha sh.aadan madoobe raysal wasaare Nuur Cadde ayaa socdaal ku tagay dalka Itoobiya ku saabsanaa sidii ay madaxda sare ee dalkaa uga wada tashan lahaayeen todobaadkan sidii loo magacaabi lahaa madaxwayne Somalia. Sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhow ayaa tibaaxay inay dawlada itoobiya ku cadaadisay masuuliyiintaa sidii si degdeg ah ay u dooran lahaayeen madaxwayne hase yeeshee sida ay sheegeen ilaha warjkan laga soo xigtay labada masuul way ku kala aragti duwan yihiin qaabka iyo muddada lagu soo magacaabayo madaxwaynaha taas oo la sheegay in ku simaha madaxwaynaha Mr Aadan Madoobe uu doonayo in lala sugo doorashada madaxwaynaha inta ay kooxda isbahaysiga dibu xorayntu ku soo biirayaan baarlamaanka si wada jir ahaan lagu soo doorto madaxwaynaha halka ra’iisal wasaaruhuna uu danaynayo in muddada uu axdi qarameedku dhigayo ku sinaan 30 cisho lagu soo doorto madaxwaynaha. Labada masuul ee ugu sareeya dawlada Mbagaathi Ayaa La Sheegay Inay Shalay Dib Ugu Soo Laabteen Kenya halkaas oo la filayo inay wada hadalo kula yeeshaan madaxda Kenya si talooyin ay ugu biiriyaan, iyagoo halkaa joogi doona muddo dhawr maalmood ah, labada masuul ayaa wararku intaa ku darayaan in iyaga laftoodu ay hunguraynayaan jagada madaxwaynanimada inay isku soo taagaan taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin sidaas darteedna uu midba midka kale uu doonayo inuu tiisa ku qanciyo. Axdi qarameedka dawlada Mbagaathi ayaa awood u siinaya baarlamaanka inay doortaan madaxwaynaha marka uu isbedel ku yimaado madaxwaynaha xilligaas taas oo uu xeerku dhigayo muddo 30 maalmood ah lagu buuxiyo marka ay banaanaato Somaliland iyo dhacdooyinkii ugu waawaynaa sanadkii 2008 Bishii April
1da april -- Guurtida oo kulan ka ayeelatay warbixintii qaramada Midoobay . '' '' -- Kulmiye oo doortay hoggaan cusub 2da '' --Nin kooma ku glaya xabsi hal sano ah oo guddiyada nabadgelyadu ku xukuntay '' '' --dad cabasho isugu yimi oo laga dhigay inay UDUB ku biireen Kulmiyena ka cadhoodeen '' ''-- wasiir ka tirsan xukuumadda rayaale oo Kulmiye ku hambalyeeyey qaabkii shirkoodu u dhacay '' '' -- Madaxweynekuxigeenka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Burco tegey '' '' Guddiga taakuleyn Awdal oo ka hadlay gurmakii ay u galeen dadkii duufaanadu ku dhaceen 3da '' Gudoomiyaha baarlamaanka oo cambaareeyey warbixintii qaramada midoobay '' Madaxweyne Rayaale oo si cadho leh xilkii uga qaaday Fuaad Aadan Cadde '' '' Wasaaradda duulista oo khrash kusoo rogtay dayuuradaha dulmara soomaaliland . '' '' Ganacsatada waaweyn oo hakisay iibinta bariiska '' '' Madaxdhtaqameedyo dhulbahane ah oo kasoo shiraacday Garoowe,iyo puntland oo ka baxay Tukaraq
4ta '' Madaxweyne Rayaale oo warqad muddo kordhin ah u qortay g/guurtida '' '' Ciidamada ilaalada xebaha soomaliland oo budhcad badeed ka badbaadiyey dooni yaman ah '' '' Komishanka doorashooyinka oo horyimi wakiilada '' '' Mooshin lasoo hordhigay baarlamaanka oo ka hadlaya doorashooyinka golayaasha degaanka 6da '' Ismaaciil Muumin aare oo ku baqay in 15ka May marka la gaadho la sameeyo dawlad kale '' '' Axmed siilaanyo oo kula taliyey in Rayaale xafiiska soo dhaafo maka la gaadho 15ka May '' '' Wasiirro takauleyn siyasadeed gaadhsiiyey gobolada Rayale magacaabay '' '' Xisbiga UDUB oo iska leexiyey eedeymo uga yimi komishanka doorashooyinka '' '' Fuaad Aadan Cadde oo xilkii iska wareejiyey 7da '' warqaddii madaxweynuhu u qoray guurtida oo kahlkhalgelisay hawlaha doorashooyinka '' '' Magacaabistii gobolada iyo degmooyinka cusub oo la sheegay inaanay sharci ku fadhiyin '' '' Xisbiyada mucaaradka oo diiday go'aanka komishanku ku laaleen hawlwadeenadii xafiis Doorashooyinka Qaranka. '' '' Rayaale oo daafacay joogitaankiisa madaxtooyada 8da '' Golaha guurtida oo la horkeenay qaraar xilka loogu kordhinayo '' '' Shirguddoonka guurtida oo axsaabta mucaaradka ka horjoogsaday inay warbixin siiyaan. '' '' Qurbjoogga Beesha Ciise Muuse oo sheegay inaan Maalin Rayaale loogu dari karin wakhtigiisa . '' Xubiin ka tirsan Komishanka oo sheegay inaany komishanka uu ka tirsanyahay dalka waxba u hayn 10ka '' deeqbisiyayaasha oo ka cadhooday faragelinta xukuumaddu ku hayso komishanka doorashooyinka . '' '' Xisbiyada Mucaaradka oo saaray bayaan ay ku sheegeyaan inaanay rayaale u aqoonsan dooni madaxweyne marka wakhtigiisu dhammaado. Booliska oo soo qaban kari waayey madaxii hore ee gaaiidka madaxtooyada ,Abshir. '' '' Siilaanyo iyo maxamed Kaahin oo qaraxyada Hargeys ka dhacay ku eedeeyey Rayaale . '' '' Golaha guurtida oo sannad u kordhiyey xilka Rayaale 14 ' '' Haawlgal Burco laga sameeyey oo ciiidamadudu ku qabteen hub farabadan . '' '' Mudaaharaad Burco ka dhacay oo lagagasoo horjeedo muddokordhinta Rayaale . '' '' Rayaale oo wasiir cusub u magacaabay wasaaradda degaanka iyo miyiga . Wasiirka arrimaha debedda oo cambareeyey intii soomaaliland kala socotay caalamka. 15 '' Maraakiib iyo diyaarado BBCdu sheegtay inaysan reer Berebera arag. '''' '' Garabyada haweenka UCID iyo Kulmiye oocambaareeyey muddokordhinta Guurtida ee Rayale . '' Cuqaal kasoo jeedda balligubadle oo muddokordhinta Rayaale cambaareeyey.
16' '' daaiyaarad gaadiid iyo qalab u keentay sirdoonka Soomaaliland '' '' Guddoomiyekuxigeenka Kulmiye oo sheegay in beesha galbeedka Burco geshay Kulmiye gebi ahaanba , '' Wasaaradda duulista hawada oo ay soo foodsaartay jaahwareer maamul 16 '' Marwo Faadumo siciid oo iska casishay UNDP '' '' MMuwaadin reer kiniya ah oo sheegay in Rayaale hayo jidkii Kibaki. 17 '' Kabaweyne ,Guddoomiyaha komishank qaranka oo sheegay in qndaraaskii diiwaangelintu dhammaday ,muranna ka taagnayncayimaadda doorashooyinka . '' '' Wasiirkii hore ee macdanta iyo Biyaha soomaaliland oo shegay inaya dalka ka buuxaan khayraadka macdanta ah. '' '' Wasiir labaad oo dawladda ka irsan oo cambaareeyey deqbixiyayaasha . '' '' Mudaaharaadyo ka dhan muddokordhinta oo ka dhacay Sanaag '' '' Dhalliyrao reer Burco ah oo cambaareeyey muddokordhinta Rayaale . 22ka '' Golaha guurtida oo loo gudbiyey moshin dib loogu eegeyo muddokordhinta rayaale . 'f '' Marwo Fadumo Suudi oo hortegtay G/Guurtida. 26 '' G/guurtida oo daadifeeyey mooshin ka dhan muddo kordhinta Rayaale ,baastooladana l a iskula baxay. Guddoomoomiyaha baarlamaanka oo ka qaybgalay shir ku saabsan bilowga wadahadallo dhex mara mucaaradka iyo xukuumadda . '' '' Salaadiinta soomaaliland oo ka hadlay sicir babarka iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliland . '' '' Dhallinyaro lagu xidhxidhay rayigooda oo ay cabbireen. 27ka '' Mudaaharaadyo ka dhacay Harveysa dadna ku dhinteen . 29ka '' Rayaale oo hadal u jeediyey labada Gole
'' '' Xoghayaha Guud ee UDUB oo dhulla siiyey '' '' Golaha dhexe ee Kulmiye oo kulan isugu yimi. Muj:Abwaan Xasan Ganey Abwaan Xasan Ganay iyo Doorkiisii Halkankii dib u xoraynta Somaliland. Ma ilaawo aadmigu taariikhdu soo maray meel baanay ugu taal maantana waxaa xusuus mudan midhihii abwaankee mucjiso lahaayee mujaahidkeeni waynaa Xasan Ganay uu meel dhigay bal aan yara miliilico maantan tusaalaha. Maqaalkan oo nuxurkiisu yahay in aan bulshada Somaliland xusuusiyo taariikhda sooyaalka ah ee aynu soomarnay in uu baal-dahaba kaga jiro abwaan xasan xaaji c/laahi (Xasan Ganay), taasi oo uu mudan yahay xusuus iyo taariikhda gaara, isaga iyo abwaanada kale ee sida hagar la’aanta ah uga qaybqaatay halgankii dib u xoraynta Somaliland. Maansooyinka abwaanka ee xaga halkganku waxay iskugu jireen madaafiic qalbiga cadawga jabiya iyo ilays uu inoogu iftiiminaayo hadba xaaladihii taagnaa maantana waxaynu inyar ka taaban maansadii Dareen oo soo baxday 25/08/1988. Dareen baa hadloo yidhi Madadkaan ka maarmaa, Madarkaan ka noolaan, Dadka sow kamaan dhalan Sow daayinkay iyo Ma rumaynin Daaha Diinta saw ma aaminin Fararkaa dushayda ah Anigoo daryeeloo U dadaala mooyee Sideebaan u dumiyaa Wax kaloon ku doorsado Miyaan dunida ku ogahay Dareen baa hadloo yidhi Ragga dirirtan maanta ah Xaska dabada galiyow Dalsankaad ku dhalatiyo Degmadaad ku ababtiyo Damashii Hargeysiyo Daaliyo Burciyo xiis Dacalada Gabiley Iyo dilindilcoodkii Dihin xeebihinii Khayraad daf ka ahaa Dhamaan dagaladiinii Daalin ma uga baqateen Waa maxay dulaamuhu Xagee looga didayaa Dareen baa hadloo yidhi Raga dirirtan maanta ah Xaska dabada galiyow Calankaad deldelatiyo Aaway dawladnimadii Lixdankii daruurteen Ninka dararti maandeeq Idinkoon debnaha gelin Darsaday wadaamaha Ninka daacadii iyo Daawiyo midnimadii Dudadaad u odeen Dabka sudhay misciriraha Darmadiyo hugeedana Duluc iyo xajiin dhigay Darkay nabadu leedahay Ninka daabcad qaatee Dildilaacshay boqol goor Ee dawliskeediyo Doojaha biyaha sida Diiday ee ma rabo yidhi Ee waliba dayn iyo Ku lahayd dakano hore Maantana damaaciyey Aayihiina duuga ah Hadduu dool yaxaas yahay Dacow mooday Aarqoyey Dakharada la qoobiyo Hadduu doogta godob kale Damqashada la jecel yahay Isagay u daran tee Maad deeb liqsiisaan Dalqada isku taagtoo Horana aan u daadagin Dibna aan u soo noqon Duhur maad u badheedhaan Deris lama ilaawaan Loox maw ugu duugtaan Maad duumo laysiyo Daacuun ku noqotaan Dunta lagu hirdamiyiyo Maad duubka xidhataan Janaa dagatay maantee Doobigiisan buuxsamay Maxaad u daadin waydeen ? Muj: Axmed Xaashi Cismaan waxay badwayntu noloshu i bartay....? Qormadeenan maanta waxaan ku soo qaadan doonaa arimo badan oo aanu ku ogaaday nolosha kuwaas oo u baahan in la ilaaliyo looguna dhaqmo si wanaagsan waayo somalidu ayaa tidhaa aduunyadu waa sheeko iyo shaahid. Kama baran iskuulka oo kaliya,jaamacaduna may ahayn meeshii aan wax walba ka bartay ee waxay ii siyaadisay wixii aan hore u soo bartay ee aan sitay. Sidoo kale waxaan wax badan oo noloshaa ka bartay ama ka siyaadsaday guriga Aabahay ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee iyo hooyaday macaan ilaahay ayaamo ha ii daayee. Waxaan bartay casharo badan oo nolosha ka mid ah oo aanan aqoon in badan oo aan iskuulka dhiganayay. Waxaan ogaaday in midkastoo cilmi badan uu midi ka cilmi badanyahay inkastoo hadii aqoontayda lagarabdhigo aqoonta dadka kale aan ogahay inay daciifayso. Hadaba maalinkasta oo noloshayda soo marta waxaan u aqaan inay tahay maalin cashar cusub ii ah ,casharkaas oo aan abid dib iigu soo noqonayn hadaan ka faaidaysan waayo wakhtiga yare ee kooban ee saacadahaa. Sidaa daraadeed ayaa waxaan jeclaaday inaad ila eegtaan qoraalkan si aad iila qaybsataan waxaan ogaaday ee ah xikmad iyo tijaabo kuwaasoo ama aniga igu dhacay ama qayrkay ku dhacay ama ku dhacay in ka mid ah saaxiibaday.
C/fatah Sh.Nuux Jamac(Dabshid) Email:jumayka05@hotmail.com |