Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1940  january 16,2009                                  muxaram20,1430H

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia

"90% Shirka UDUB Ma Noqonayo Dimuqraadi, UCID-na Waa Xisbi Ay Dad Gaar Ahi Taageeraan Oo Aanu Ka Jirin Loolanka Beelaha Kala Duwan, Reerka Gudoomiyuhuna Ma Ogola In Magaca Xisbigu Ka Wareego"

Keyse Xasan Cige, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa, January 16, 2009 (Haatuf) – Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Kayse Xasan Cigge, ayaa sheegay inaanu rajo ka qabin in xisbiyada UDUB iyo UCID dhexdooda lagu tartamo, oo ay si xor ah u soo xushaan murashxiintooda uga qeyb gelaya doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa, waxaanu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu waddo wax uu ku tilmaamay olole uu ku kala daadinayo murashixiinta hanka leh ee toddobaadkan shaaca ka qaaday inay kula tartamayaan jagada murashaxa Madaxweynaha ee xisbul-xaakimka UDUB.

Xoghayaha Guud ee KULMIYE, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID uu yahay mid aan la mid ahayn xisbiyada kale, oo qof gaar ahi haysto.

Kayse Xasan Cigge, wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu shalay magaalada Hargeysa ku siiyay Shabakada Internet-ka ah oo la yidhaahdo Ramaas News, waxaanu Xoghayuhu xisbiyo aan dimuqraadiyadi ka jirin ku tilmaamay labada xisbiga ee UDUB iyo UCID oo ah kuwa ay ku loolamayaan xisbiga KULMIYE doorashada soo socota ee Madaxtinimada.  

Xoghayaha oo la weydiiyay rajada uu ka qabo in xisbiga UDUB dhexdiisa loogu tartamo si xor ah oo xalaal ah wuxuu yidhi "Xisbi waliba wuxuu leeyahay xeer iyo qawaaniin isaga u gaar ah, xisbi kastana isaga ayay gaar u tahay marka uu qabsanayo shirweynihiisa iyo golahiisa dhexeba, hase yeeshee xisbi kastaa wuxuu leeyahay wakhti uu qabto shirkiisa golaha dhexe, shaki kuma jiro in xisbiga UDUB oo qudha maahee xisbiga UCID lafteeda shir la odhan karo waa kii golaha dhexe oo wax baa lagu soo doortay ma jiro. Nin uun baa yidhi anigaa meesha iska haysta ee ka labaad doorta taasina socon mayso marka shuruucda la eego. Xisbiga waxaa laga doonayaa Hoggaankii xisbiga, labadii murashax iyo Golahii dhexe inay doortaan oo uu qaab dhismeed yeesho, way ku qasban yihiin UDUB iyo UCID-ba inta aan la gaadhin ololaha doorashada inay qabsadaan oo soo saaraan cida isku soo sharaxaysa murashixiinta jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, bishan January ha qabtaan ama bisha Feberwari ha qabtaane way ku khasban yihiin."

Xoghayaha KULMIYE, wuxuu sheegay in madaxda xisbiyada UDUB iyo UCID aanay hubin inay kalsooni ka helayaan xisbiyadooda iyo in kale, isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi "Anagu xisbi ahaan waanu ka libbaysanay [guulaysanay] kol hadii aanay illaa maantadaa aanay ku dhici karin inay banaanka iskeenaan oo shirweyne ay qabsadaan waxna doortaan labada xisbi ee UDUB iyo UCID, sababtuna way caddahay oo waxa weeye wali kalsooni buuxda oo ay ku qabaan nimanka Guddoomiyeyaasha ahi inay helayaan iyo in kale ma jirto, awood ay intay miiska soo saaraan ay yidhaahdaan nasiibkiina ka qaadana ma laha. Xisbiga UDUB oo isagu ahaa xisbi ay cid kastaaba ku jirto oo reer waliba uu ka muuqdo, maanta waa looga fadhiyaa UDUB inay ka soo dhex baxdo cid tidhaahda waan la tartamaynaa madaxweyne Rayaale."

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE, oo aanu weydiinay rajada ay ka qabtaan in xisbiga UDUB dhexdiisa si furan oo xalaal ah loogu dhex tartamo, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi: "Boqolkiiba Sagaashan waxaan qabaa inaanu shirka UDUB noqonayn dimuqraadi, waxaanu imika Madaxweyne Rayaale uu ku jiraa olale ah inuu nimankan hanka leh ee caddaystay murashixiintooda ee C/Laahi Darawal iyo Axmed Sandoon sidii uu u kala daadin lahaa, oo uu dagaal ku qaado ninba meel uu ka soo galaba. Ma dhici karto qaabkii aanu annagu [KULMIYE] u doodnay ee aanu wax u dooranay inay wax u doortaan, Annagu markaanu is dilay mucaarid baanu ahayn laakiin iyagu UDUB taladii ayay hayaan haddii ay is dilaan waa lagu kala kici, waayo mishiinkii dawladnimo ayay hayaan, waa inay si sharaf leh shirweynahooda u qabsadaan, imika wuxuu Madaxweynuhu xulanayaa dadka uu is leeyahay way ku taageerayaan ee noqonayaa golaha dhexe, oo ay ka mid yihiin Golahiisa Wasiirada. Markaa Cabdilaahi Darawal iyo Axmed Sandoon, waxa lagu odhanayaa u coddeeya" Ayuu intaas raaciyay Xoghayuhu.

Kayse Xasan Cige, oo la weydiiyay sida uu u arko in xisbiga UCID ku dooran doono murashxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, ayaa ku jawaabay "Xisbiga UCID nidaamkiisu wuu ka duwan yahay UDUB, xisbiga UCID waa xisbi ay dad gaar ahi taageeraan, waa tii beeshii Habar-yoonis ka baxday markii ay yidhaahdeen aynu tartano ee uu Guddoomiyuhu yidhi annigaa kaadidayda u soo cabay, xiligana wuxuu rabaa uun in Madaxweyne ku xigeenka loo tartamo, laakiin ma rabo in isaga lala tartamo. Madaxweyne ku xigeenkana laba reer ayuu danaynayay oo ah beelaha Gadabuursi iyo Harti, reer Awdal wuu ka noqonayaa oo wuxuu is leeyahay mar haddii ay Madaxweyne Rayaale iyo Ku xigeenka KULMIYE ee C/raxman Saylici, ay leeyihiin boos iigama banaana, markaa wuxuu rajo weyn ka qabaa beelaha Hartiga. Xisbiga UCID isaga arrintiisu waa gaar oo loolankan faraha badan ee beelaha kala duwani kama jiro, reerka Guddoomiyaha UCID-na ma ogola in magaca xisbigu ka wareego."

Kayse Xasan, oo aanu weydiinay rajada xisbigoodu ka qabo doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, wuxuu sheegay oo uu ku adkaystay inay rajo fiican ku qabaan inay doorashada ku guulaystaan.


Macalinkii Masriga Ahaa Oo Dableydii Afduubtay Sii-Deysay Kadib Waan-Waan Odayaasha Degaanku Ka Galeen

Burco, January 16, 2009 (Haatuf) – Macalinkii Masriga ahaa ee dhawaan dableyda hubaysani ka afduubtay magaalada Burco ayaa shalay gelinkii dambe la soo gaadhsiiyey magaalada Burco, kadib markii dableydii haysatay bilaa shuruud ku soo daayeen.

Macalinkan Masriga ah oo la odhan jiray Maxamed Mustafe Ibraahim, isla markaana maadada xisaabta ka dhigi jiray Dugsiga Sare ee 15-May ee magaalada Burco, ayaa saddex maalmood ka hor ay koox dabley ahi ka afduubtay magaalada Burco, kuwaas oo markii dambe la tegay degaanka Ceelal oo 130km Waqooyi-bari kaga beegan magaalada Burco.

Sii deynta Macalinkan ayaa ka dambeysay kadib markii ay Odayaal ka tirsan degaankaasi waan-waan ka galeen sidii dableydaasi u sii deyn lahayd Macalinkaas, kuwaas oo markii dambe dableydii ku qanciyay in ay bilaa shuruud ku sii daayaan Macalinka, waxaanay odayaasha degaanku subaxnimadii hore ee shalay ku guulaysteen inay Macalinkaas ku soo wareejiyaan Ciidamada Ammaanka iyo madaxda gobolka Togdheer oo ay hor kacyeen Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin iyo Taliyaha ciidanka Bileyska ee gobolka Axmed Maxamed Guutaale.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamaca Biin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in falalka noocani ay yihiin kuwo aan fiicnayn isla markaasna dadweynaha Reer Somaliland looga baahan yahay in feejignaan gaara loo yeesho dadka ku kacaaya falalka aan fiicnayn.

Badhasaabku waxa uu duqaydii halkaasi kula dardaarmay in aanay dhici doonin in nin inta uu wax afduubo hadhawna odayaal iska soo horeysiiyo, sidaas darteed aanay mar kale u dulqaadan doonin falalka noocan oo kale ah oo ay dadka ku kacaaya tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Maxamed Mustafe, Macalinka la afduubay oo ka waramay dareenkiisa iyo sida ay ula dhaqmeen Afduubayaashu mudadii ay haysteen ayaa sheegay in dareenkiisu uu fiican yahay soodayntiisana uu aad ugu faraxsan yahay, isagoo sidoo kalena sheegay in muddadii saddexda Cisho ahayd ee ay haysteen Afduubayaashu ay si fiican ula dhaqmaayeen, isla markaana ay siin jireen cunto fiican oo ay ka mid ahaayeen Hilib iyo Caano.

Ciidamada Ammaanka ayaan gacanta ku dhicin kooxdii dableyda ahayd, iyadoo sida la sheegayo ay kooxdii Macalinka afduubtay ay iska kala baxsadeen.

Afduubkan oo ahaa mid ay dadweynaha reer Burco, iyo guud reer Somaliland aad uga naxeen, ayaa la sheegay in kooxda Afduubtay ay tabanayeen ballanqaad ay hore xukuumadda Riyaale ugu sameysay kadib markii laga sii daayey doonyo Yemeniyiin ah oo ay ka soo afduubeen degaanada xeebta galbeedka Somaliland, kuwaas oo ay u qabsadeen hanti ay sheegeen in lagaga dhacay dalka Yemen, waxaana xilligaas kooxdan afduubtay Yemeniyiinta lagaga sii daayey dadkii u afduubnaa waan-waan ay horkacayeen wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga Somaliland oo ay isku raas ka soo jeedaan, iyadoo loogu ballanqaaday in hantidii laga dhacay ay xukuumadda Somaliland dusha u ridanayso oo la siin doono. Hase yeeshee aanay taasi suurta-gelin, kadibna ay kooxdani qaadeen tallaabadan oo ahayd mid dhaawac u geysatay amniga iyo sumcadda qaranka.


Itoobiya Oo Ka Baxday Magaalada Muqdisho Iyo Al-Shabaab Oo U Diyaar Garoobaysa Dagaal Cusub Oo Ay La Gasho Ciidamada Amisom

Dagaalku joogsan maayo illaa qiyaamuhu ka dhacayo, dagaalka waxaad maqli jirteen inuu ka dhacaayo goobaha Itoobiyaanku joogo laakiin  maanta wixii ka dambeeya waxa uu ka dhici doonaa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 oo fadhiisin u ax AMISOM"Roobow

Muqdisho, January 16, 2009 (W.Wararka) – Afhayeenka Kooxda Mayalka Adage e Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa markii u horaysay ka hadlay ka bixitaanka goobo muhiim ah oo ay baneeyeen Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ku yaalay magaalada Muqdisho waxaana uu Rooboow ku dhawaaqay dagaal cusub oo ay la gali doonaan ciidamada ka socda midawga Africa ee AMISOM.

Afhayeenka Al-shabaab sheikh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inaanu dagaalku joogsanayn tan iyo inta ay somalia ku jiraan ciidamo shisheeye nooc ay doonaanba ha ahaadeene mar uu arintaasi ka hadlayey yidhi "Dagaalku joogsan maayo ilaa qiyaamuhu ka dhaco dagaalka waxaad maqli jirteen inuu ka dhacaayo goobaha Itoobiyaanku joogo laakiin maanta wixii ka dambeeya waa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4".

Al-shabaab ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa ka go’an inay dagaalka sii wadayaan, taasina waxaa welwel wayn ka muujinaya bulshada reer Muqdisho, kuwaas oo sida cad u muuqda qaar dagaal ka daalay oo soo arkay dhibaatooyinka uu ku reebay dagaaladii 19-kii sanadood ee u dambeeyey ka dhacay somalia tan iyo intii ay burburtay dawladdii Gen: Maxamed Siyaad Barre 1991-kii.

Waxaana uu Roobow Abuu Mansuur sidoo kale uu sheegay in haddii xataa Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka ay sii wadayaan dagaalka waxaana uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya "Hadii Itoobiyaanku baneeyeen fadhiisimahoodii, dagaalka waxaan hadana u wareejinaynaa KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha oo AMISOM ay joogto".

Abu Mansuur oo u jeediyay Ciidamada AMISOM inay hada iska baxaan, hadii kale dagaalka lagu wadi doono ilaa dalka ay ka baxayaan, Roobaw oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay halkasi, waxaana uu sheegay inuu soo dhoweeynayo dhaq dhaqaaqyada ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya oo ay ku faaruqiyeen dhowr fadhiisimo oo ay Muqdisho ku lahaayeen, isagoo hoosta ka xariiqay in bixitaankooda ay ku lug leedahay qeyb ka mid ah halgankoodii sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu yidhi ''Waxaan aad ugu faraxsanahay, uguna hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Mujaahidiinta jabka soo gaadhay ciidamadii Meles Zenawi ee Tigreegii, maanta waxay meesha kaga baxeen jab, sarkaalkoodii khudbadaynayey waxaa uu qiray in Somalia dhiig badan iyo dhaqaale uu kaga baxay".

Abuu Mansour oo intaa raaciyay in Itoobiya ay qorshaynayaan Afar Jabhadood oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Gobolada Hiiraan, Galgaduud Bay iyo Bakool, kuwaasi oo ay soo hubeeyeen, ayna Mujaahidiinta ka gamban doonin meeshana laga saari doono waa sida uu hadalka u yidhi afhayeenka Al-shabaab.

Dhinaca kale Waxaa uu sheegay inay Dowladda Mbagathi ay xabada ku wadayaan ilaa ay ka toobad keenayaan, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay kooxaha sii qabsanaya meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya.

Waxaana uu  yidhi "Itoobiya dalka kama baxayso waxay joogi doonaan Baay, Bakool iyo Gedo wax kale maaha waxaa laga yaabaa xataa Afgooye inay noo fadhiistaan marka xoog bay ku baxeen ee kuma bixin heshiis beenaale ah waana mid lagu qarinaayo jabkood".

Abu Mansuur ayaa sido kale waxa uu carabka ku dhuftay dagaalkii dhowaan Xoogaga Al-shabaab ay kula galeen Degmada Guriceel Maleeshiyaad daacad u ah Ururka Ahlu Sunah, isagoo dagaalkaas ku tilmaamay mid u dhaxeeyay iyaga iyo Kooxo ay Itoobiya

soo hubeysay.

Hadalka Abuu Mansuur ayaa ku soo beegmaya xilli Inta badan Ciidamada Itoobiya ayaa baneeyey goobihii ay deganaayeen, isla markaana dadka Muqdisho u arkayeen bixitaanka Itoobiya mid suura gelinaysa inuu meesha ka baxay dagaal, laakiin hadalka Abuu Mansuur ayaa dad badan rajo beel ku ridaya maadaama dagaalka halkiisa ka sii soconaya, waxaana sidoo kale ay ku soo aadeysa xilli Odayaasha Hawiye ay ku baaqeen in cidii mar kale shacabka ka dhex dagaalanta ay kacdoon dadweyne iclaamin doonaan.


Ururka AF-GARAD Oo Xisbiga UDUB Ugu Baaqay Inuu Si Degdeg Ah U Qabto Shirweynihiisa Muddo-Dhaafay

Hargeysa, January 15, 2009 (Haatuf) – Ururka Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga AF-GARAD, ayaa ugu baaqay xisbiga talada haya ee UDUB inuu si degdeg ah u qabto shirweynihii xisbigaas oo muddo-dhaafay, isla markaana shirweynahaasi yeesho guddi madax banaan oo hagta shirka iyo in muwaadiniinta tartamaysaa yeeshaan xaq isku mid ah oo xisbiga dhexdiisa ah.

Sidaana waxa uu ururka AF-GARAD ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray gudoomiyaha ururkaas Maxamed Xuseen Dhabeeye, kaas oo dhinaca kalena cambaareeyay xadhigga Cabdirashiid Ducaale Qami iyo muwaadin kale oo qurbo-joog ah, kuwaas oo ay dhawaan xukuumadda Riyaale xabsiga u taxaabtay, kuna eedaysay inay ku lug lahaayeen shaqaaqadii Buuhoodle dhowaan ka dhacday, taas oo lagaga soo horjeeday diiwaangelinta codbixiyeyaashu inay halkaas ka dhacdo, waxaanu ururka AF-GARAD sheegay in xadhigga muwaadiniintaas aan loo marin sifo sharci, sidaas darteed wuxuu ugu baaqay xukuumadda in si degdeg ah muwaadiniintaas xoriyadoodii loogu soo celiyo.

War-saxaafadeedka ururka AF-GARAD, ayaa u qornaa sidan: “Ururka Horumarinta Dimuqraadiyadda iyo Maamul-Wanaagga ee AF-GARAD; waxa uu cambaarayn u soo jeedinayaa xadhigga qarul-sharciga ah ee lagula kacay Md: C/rashiid Ducaale Qambi iyo muwaadinka kale ee qurba-joogga ah ee la xidhan labadaba, iyada oo aan xadhiggooda loo marin sifo sharciga waafaqsan. Ururku wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah muwaadiniintaas xorriyaddooda loogu soo celiyo. Ururku waxa uu arrinta xadhiggaas u arkaa mid ku sal leh siyaasad. Xukuumadda Somaliland waxaanu uga digaynaa inay ka waantawdo falalka noocaas ah ee ay caadaysatay, kana fogaato ku tumashada xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta.

Waxa kale oo aanu jecel-nahay inaanu War-saxaafadeedkayagan ku xusno arrimo dhawaanahanba ka socotay war-baahinta ee la xidhiidha Musharraxnimada Muj: C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) ee gudaha Xisbiga UDUB. Runtii C/laahi waa Mujaahid dalkan u soo halgamay, dib-u-dhiskiisiina qayb-laxaad leh ka qaatay, maantana u qalma inuu ummadda hoggaamiyo. Sida nidaamkan Axsaabta badan ee dalku u digo-rogtay iyo hannaanka Dimuqraaddiga ah ee aynu qaadannayba dhigayo, waa muhiim in Dimuqraadiyadda iyo damaca siyaasiga ahiba ka bilaabmo Axsaabta gudahooda. Hore waxaanu ula soconnay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa markii sedan oo kale tartanku uga dhex socday. Waxa kale oo Ururku fiiro gaar ah u lahaa in Muwaadiniintaas sheegtay Musharraxnimadu iyo hoggaanka Xisbigu ay si caddaalad ah ugu tartamaan saaxadda. Run ahaan, annaga oo goob-joog ka ah ayay taasina dhacday, iyada oo aan cidna loo diidayn, cidnana aan loo xaglinayn. Si taas la mid ah, ama ha guulaysto ama ha guul-darraysto'e, qof kasta oo damac lihi waa inuu xaq u helaa waxa ninka xilka hayaa xaqa u leeyahay.

Gebegabadii waxaanuu Xisbiga UDUB u soo jeedinaynaa qodobadan:

1. In Xisbiga UDUB uu si degdeg ah u qabsado shir-weynaha muddo-dhaafay.

2. In muwaadiniinta tartamaysaa ay xaq iyo xuquuq siman ugu yeeshaan shirka dhexdiisa.

3. In shirku yeesho guddi madax-bannaan oo hagta shirka, sugtana caddaaladdiisa, si tartanku u noqdo wax lagu wada qanco.

Allaa Mahad Leh.”


Dr,Gaboose Oo La Kulmay Saraakiil Sarsare Oo Ka Tirsan Wasaarada Arimaha Dibeda Ee Maraykanka

Washington, January 16, 2009 (Haatuf) – guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa xarunta wasaaradda arrimaha dibedda (US State Department) kula kulmay masuulka sare oo u qaabilsan arrimaha Africa , Mr. Phillip Carter III  (Principal Deputy Assistant Secretary- Bureau of African Affairs), madaxa Geeska Africa (Mr.James  Director of East African Affairs), iyo madaxa arrimaha Somalia  ( Mr. Matthew Walsh).

Kulankaas Dr. Gaboose wuxuu mahad ka celiyay tageeradii Xukuumadda Maraykanku ka geysatay wakhtigii siyaasiyiinta Qaran la xidhay, Waxaa kale oo Dakhtarku tilmaamay xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka soo socda iyo dareenka waddanka ka jira, wuxuuna ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd wakhtigeedii, noqotana mid lagu kalsoon yahay. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay xasiloonida  iyo dimoqraadiyada Somaliland mandaqadda geeska Africa muhiim u tahay, Waxaa kale oo uu tilmaamay in waddanku u baahan yahay taageero dhaqaale si loo abuuro shaqooyin, loona kobciyo kaabayaasha dhaqaale.
Waxaa halkaas si wada jir ah loogu muujiyay muhiimada gaarka ah oo ay u leedahay doorashadani geeddi socodka dimuqraadiyada Somaliland oo aykaga mutaysandoonto tixgelin gaar ah bulshada Caalamka.

Dhinaca kale guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran waxa uu dedaal ugu jiraa sidii laysugu xidhi lahaa tageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo Ururka Qaran,


Guddoomiyaha Wajaale Oo Eedaymo Kulul Usoo jeediyay Komishanka Doorashooyinka

“Waa Ayaan Darro In Masuul Hawsha Intaa le’eg Uhayaa Uu Dafiro Saxeexii Uu Gacantiisa Ku Saxeexay”Cumar Aadan Qaasaali, Gudoomiyaha Wajaale.

Wajaale, January 16, 2009 (Haatuf)- Guddoomiyaha degmada Wajaale Mudane Cumar Aadan Qaasaali ayaa eedaymo kulul dusha uga tuuray guddoomiyaha kumoshinka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kaba weyne, kaas oo uu ku eedeeyay inuu isagu masuul ka yahay in degmada Wajaale laga reebo goobaha dheeraadka ah ee lagu kordhiyay gobolada  Hargeisa iyo Gabilay, waxaanu yidhi “ Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku waxa uu nagu yidhi galbeedka Hargeysa siddeed sanduuq baanu siinay oo wax kale uguma dari karno, iyada oo aanu hayno qoraal uu isagu saxeexay bishan 8-deedii kaas oo uu ku cadeeyay inay Wajaale ka mid tahay goobaha diiwaangelinta loo  kordhinayo (supplementary) balse 3 cisho ka dib ayuu ka noqday go’aankii oo duudsiyay  15-kaa kun ee qof ee xuquuqdooda muwaadinimo doonaya hase ahaatee  talo ayaanu ka yeelan doonaa” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha degmada Wajaale ee gobolka gabilay Cumar Aadan Qaasaali oo xalay  wargeyska Haatuf uga xogwaramay mawqika ay komishanka doorashooyinku uga reebeen sanaaduuqdii diiwaangelinta ee 15-ka maalmood loogu qoondeeyey dadkii ka habsaamay diiwaangelintii hore ee gobolka Hargeysa.

Guddoomiyaha degmada Wajaale Cumar Aadan Qaasaali oo Haatuf uga waramay kulanka ay la yeesheen Komishanka doorashooyinka iyo sida ay u arkaan mawduuca ku saabsan sanaaduuqda diiwaangelinta ayaa waxa uu yidhi “waxaanu maanta komishanka doorashooyinka ugu nimid bulshada ku dhaqan degmada Wajalaale oo xuquuqdii ay u lahayd sanaaduuqda diiwaangelinta codbixinta laga duudsiyey oo aan haba yaraatee hal sanduuq la geynin deegaanadaasi ayaanu ugu nimid komishanka waxaananu u aragnaa in komishanka doorashooyinku 15-ka Kun oo qof oo deegaanka Wajaale ku dhaqan ay xuquuqdoodii muwaadinimo ee codbixinta doorashooyinka ay ka duudsiyeen”. Guddoomiyaha Wajaale waxa uu intaasi ku daray “Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Mr Kaba weyne waanu kulanay, waxaase uu nagu yidhi arin fajac iyo amakaag nagu noqotay, waxaanu nagu  yidhi beesha galbeedka Hargeysa sideed sanduuq baanu siinay oo wax kale uguma dari karno, waana ayaan daro in guddoomiyihii Komishanku yidhaahdo 15,000 qof oo deegaankaa Wajaale ee Somalilanderska ah ee gobolada dalka isaga yimid ee wax diiwaangelin ah fursad u helin inuu xuquuqdoodii diiwaangelinta muwaadinimo uu ku duudsiyo, hadaladaa meel ka dhaca ah”.

Mar la weydiiyey waxa ay maamul ahaan ka yeelayaan arintaa Komishanku kula kacay degmada Wajaale waxa uu yidhi “arintaa gobol ahaan iyo degmo ahaanba fadhi wada tashi ayaanu ka yeelan doonaa arintaasi waxay noqon kartaa arin ujeedooyin  badan leh oo aanaan fahmi karin.

Mar la weydiiyey tirada dadka aan iska diiwaangelin degmada Wajaale ee hadhsan waxa uu yidhi “horta degmada Wajaale oo ah deegaan balaadhan oo ganacsi, oo ah dekad qalalan ama (dry port)  waxaan isdiiwaangelin ugu yaraan 15,000 qof markii horena waxaaba lagu yareeyey sanaaduuqda gobaha diiwaangelinta oo la siiyey 7 sanduuq oo kaliya, waxaana halkaasi ka cad in komishanka doorashooyinku aanay marka horeba saamigii sanaaduuqda diiwaangelinta ee Wajaale ay duudsiyeen oo aanay ugu talo galin sanaaduuqdii ku filnaa dadka ku dhaqan Wajaale”.

Ugu dambeyntii waxa uu guddoomiyuhu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay “ anigu garan maayo inay aqoon daro ka tahay iyo inay wax kale u jeedaan, waa ayaan daro inuu masuul hawsha intaa le’eg qaranka u hayaa uu dafiro saxeexii uu gacanta ku saxeexay, taasi waa wax aan marnaba la qaadin Karin, meel ka dhac iyo gefna ku ah ummada ku nool degmada Wajaale, teeda kale Gabilay iyo Hargeysa waa laba gobol oo isa saaran, taasina waa mid in loo fiirsado u baahan”, ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay guddoomiye Cumar Aadan Qaasaali.

Dhinaca kale gobolka Awdal ayaa wararka ka imanayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay xukuumadda oo kaashanaysa dadka halkaasi ku nool ay la wareegtay dhamaan qalabkii diiwaangelinta.

Sida ay sheegeen suxufiyiin ku sugan magaalada Boorame  sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka bilayska ee gobolka Awdal ayaa amar ku bixiyay in shaqaalaha komishanka laga saaro hawlwadeenimadii diiwaangelinta, waxaana intaa ka dib amar lagu bixiyay in la diiwaan geliyo carruur yar yar oo da’doodu lagu qiyaasay 10 jiro, taas oo meel ka dhac ku ah geedi socodkii diiwaangelinta Somaliland ka hirgashay.


Xaflad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Arday Ka Qalinjabisay Sitco College.

Hargeysa, January 16, 2009 (Haatuf )-Xaflad loo qabtay 120 arday oo ka qalin jabiyay kulliyada Sitco ayaa shalay waxay ka dhacday summer time hotel ee magaaladan Hargeysa. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo 

ne aad u farabadan kuwaasoo isugu jira ardaydii qalin jabinaysay, waalidiin, masuuliyiin ka kala socday xukuumadda, Golayaasha baarlamanka iyo deegaanka iyo aqoonyahano.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay maamulaha guud ee kulliyada Sitco C/laahi Faarax Tubeec, isagoo ka hadlay taariikhdii waxbarasho ee  ay kulliyadu soo martay iyo heerka waxbarasho ee ay kulliyadu imika marayso, sidoo kale waxa uu Maamuluhu ka hadlay qaybaha kala duwan ee kulliyada, isagoo sheegay inay imika kulliyadan wax ka bartaan arday gaadhaysa 300 arday kuwaasoo wax ka barta qaybaha kala duwan ee cilmiga  Kombuyuutarka, maamulka iyo maaraynta, xisaabaadka, xidhiidhka caalamiga ah, Saxaafadda iyo weliba luuqadaha kala duwan ee Ingiriisida, Carabiga , Faransiiska iyo Soomaaliga.

Maamulaha kulliyadu waxa uu intaa ka dib talo iyo tusaale usoo jeediyay guud ahaan ardayda wax ka barata kulliyada Sitco iyo kuwa ka qalin jabinayaba, waxaanu kula dardaarmay inay ardayda qalin jabisay ku dadaalaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen isla markaana ay waalidkood u anfici lahaayeen.

Ugu dambayntii waxa uu maaamule C/laahi sheegay inay xidhiidh wanaagsan leeyihiin jaamacadaha Hargeysa iyo Golis isla markaana ay ku talo jiraan inay dhowaan kulliyadan ka dhigaan jaamacad iskeed u madax banaan.

Intaa ka dib waxa iyaduna halkaasi ka hadashay guddoomiyaha kulliyada Sitco isla markaana ah mulkiilaha dugsiga Hormood, marwo Faysa Yuusuf Sheekh Madar, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “ aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta arko tirada ardayda intaas le’eg oo ka qalin jabinaysa kulliyada Sitco, runtii  waa wax ilaahay lagu mahadiyo, intaa ka dib waxaan ardayda usoo jeedin lahaa inaydaan dalkiina  ka tahriibin maadaama aad tihiin dadkii wax  u bartay dalkan, waxa kale oo aan intaa ku dari lahaa oo aan ardayda u sheegi lahaa inay ka faa’iidaystaan jaamacadaha dalkeena oo aanay lacag iksaga khasaarin jaamacadaha dibada ee inaga fog,  waxaad ogaataan inay idiin baahan yihiin xafiisyada dalkeenu markaa u diyaar garooba inaad tabaruc ku shaqaysaan, waxaad ka bilaabi kartaan halkan Sitco college, diyaar baanu idiin nahay, soo dhowaada”.

 Waxa kale oo isugna hadal kooban halkaasi ka jeediyay wasiirk ku xigeenka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Sh.Maxamed Cabdi isaga oo ardayda usoo jeediyay waanooyin ay ka mid ahaayeen, inay ku fikiraan wax ka bedel dhab ah inay dalkooda ku sameeyaan, inay wakhtigooda qorshaystaan iyo inaanay ka daalin barashada cilmiga qaybihiisa kala duwan.

Intaa ka dib waxa uu Wasiir ku xigeenku shahaadooyin guddoonsiiyay 120 arday oo ka qalin jabiyay qaybaha  kala duwan ee kulliyada Sitco.

Dadkii kale ee iyaguna hadalada kooban  ka jeediyay xafladaasi waxa ka mid ahaa Mubaariga Ibraahin Aar oo ah guddoomiye ku xigeenka kulliyada sharciga ee jaamacada Hargeysa,  guddoomiyaha jaamacada Golis, xildhibaan Aadan sheikh dirir (sanqoole), madaxa tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada,Yuusuf C/laahi Warsame,  agaasimaha waaxada imtixaanaadka dugsiyada sare Ibraahin Maxamed Siciid iyo xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh),  waxaanay dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay waxbarashadu u leedahay  aadamaha iyo sida aan marnaba looga maarmi karin waxtarkeeda.


Heeryo Xumadda UDUB + Huursiga Riyaale + Hamiga Musharaxiinta..

‏Eng:  Sacad Ciise Cumar

Sida aynu La Wada Socono Waxa Wadankeena Ka Jira Sadex Xisbi Qaran, Kuwaas Oo Midkastaaba Leeyahay barmaamuj Dastuur  Iyo Xeer Hoosaad U Gaar ah Oo Uu Ku Dhaqmo.

Labada Xisbi Ee Mocaaradka Ah Ee Kulmiye Iyo UCID Waxay Shirarkooodii Qabsadeeen Muddo Hore Midkastaana Waxa Uu Kasbaday Taageerada Golihiisa Dhex Igasoo Raacaya Xeerka Xisbigiisa Iyo Talooyinka Ay Siiyeen Dadka Taageera Xisbiyadaasi.

Waxaana Aan Odhan Karaa Axmed Siilaanyo Iyo Faysal Waxay Baaseen Imtixaan Adag.

UDUB Waxay Duufaan Iyo Guluf Siyaasadeed Ku Kicisay Xisbiga Kulmiye Markii Shirarku U Socdeen  Oo Ay Aad U Jeclaa Inuu  Burburo Garabyo Badana U Kala Jabo Laakiin Way Ku Guul Daraysteen, Waxaana Kulmiye Noqday Xibsiga Hada Ugu Awooda Badan Dhanka Taageerayaasha Reer Somaliland Guda Iyo Debedaba Meel Kasta Oo Ay Joogaan Diyaar U Ah In Ay Runta U Sheegaan Kuwa Isu Haysta In Aan La Loodin Karayn Isbadal Buuxna Wadanka Ku Yimaado.

Hadaba Waxa Isagu Muda Dhaafay Shirweynihii Xusbiga UDUB Oo Aan Ilaa Hada La Hadal Hayn Isla markaana Dhawr Jeer Oo Ay Madaxda Sare ee UDUB Ah La Waydiiyey Ay Sheegeen Inay Qabsan Doonaa Shirwaynahooda Musharaxiintooduna Yihiin Daahir Iyo Sh Axmed Yaasiin..

Iyadoo Taasi Jirto Ayaa Hada Wax Soo Baxay Tirba Laba Nin Oo Sheegay Inay U Taagan Yihiin Tartanka Xusbiga Dhexdiisa Inay Ka Qayb Qaataan, Ragaas Oo Uu Ka Mid Yahay Muj C/Laahi Xuseen Iimaan Darawal Oo Ka Mid Ahaa Madaxdii Sare SNM Isla Markaana Ka Mid Ahaa Wasiiradii Ugu Mudada Dheeraa Somaliland Waxa Kale Oo Isna Sheegay Inuu Sharaxan Yahay Xildhigaan Golaha Deegaanka Hargeysa Ka Tirsan Oo La Yidhaahdo Axmed Sandoon, Waxaana Laga Yaabaa Inay Soo Baxaan Qaar Badan Oo Kale.

Wararka qaar ayaa Sheegaaya In UDUB Qaab Ka Duwan Sidii Xusbiyada Kale Shirkooda U Qabsadeen Ay U Qabsan Doonaan Iyadoo La Sheegay In Lixda Gobol Min 20 Kaadh Loogu Talo Galay Oo Gobolkasta Badhasaabkiisu Amiir U Ahaan Doono 20ka Xubnood Ee Uu Soo Xulay.

Taas Oo Rag Yaqaana Madaxda UDUB Ay Sheegaan Inay Tahay Wax 100% Ka Suuroobi Karta In Shirkaba 120 Xubnood Qol Hoosta Looga Xidho Kadibna Lagu Dhawaaqo Inay Doorteen Hebel Iyo Hebel Wixii Natiijadaa Diidana Albaabka Laga Soo Xidhan Doono, Hal Ku Dhiguna Noqon Doona ( Jookar Waa Kaa)

Arinta Iyo Qaabkan Loo Badinaayo In UDUB U Qabsan Doonta Shirkeeda Ayaa Ha Mid Inagu Cusub Isla Markaana Qusur Galin Doona Wixii Soo Jeediyey Iyo Wixii Ku Taageerayba.

Iyadoo Ay Muuqato Kala Daadsanaan Aad U Weyn  Dadka Taageera Xubsiga UDUB Ayaa Hadana Waxa Jira Qaar Kalsooni Intaa Ka Badan Qaba Sida Nin La Yidhaahdo Jawhar C/Samad Qaline Oo Maxaafad Reer Awdal Ah Ayaa Maqaal Uu Sanadkii 2008 Ku Baahiyey Mareegaha Ku Sheegay In Xusbiga UDUB Gudoomiyahoodu Daahir Riyaale Kaahin Uu Raga Kula Jira Xusbiga Ka Dhigay Sida Uu Sheega ( Nin Uu Hubiyey Iyo Nin Uu Iska Horaysiiyey) Isagoo Maah Maah Iyo Tusaalayaal Badan U Soo Qaatay Sababta Uu Kalmadaa Ugu Daray Faalada Uu Qoray Inkastoo Hada Aanan Doonayn In Ku Soo Qaato Maqaalkan Hadana Ninkaasi Waxa Uu U Hadlay Kalsooni Buuxda Uu Ku Qabo Cidkasta Oo Riyaale Isku Dayda Inay Kula Tartanto Xusbiga UDUB Dhexdiisa Aanay Sinaba Suura Gal U Ahayn, Waxaynuse Dhawri Doonaa Maalmaha Soo Socda In Shirka UDUB Qarsoodi Noqdo, In La Tartamo  Oo Nin Waliba Nasiibkiisa Qaado Iyo Debeda Lagu Kala Haadiyo Sidaa Uu Sheegay Jawhar C/Samad.


Duruusta Laga Baran Karo Dhacdooyinka Gaza

Tifaftiraha Wargeyska Al Haatuf Al Carabi: Maxamuud Jaamac Axmed

Inagoo aad uga murugoonayna xasuuqa ka dhacaya Marinka Gaza waxa waajib inagu ah in aynu ugala baxno faa’iidooyin inkastoo ay ceeb weyn inagu tahay in aynu sugno dad badan oo inaga dhinta si aynu cashar u qaadano laakiin laynooga baahan yahay in ifafaalaha hore aynu wax ku qaadano, iyadoo uu maqaalkani yahay soo gaabinta maqaal kale oo dheer oo ku soo baxay Wargayska Al Haatuf Al Carabi cadadkiisii shalay isagoo dhamaystiran u dhigan yahay sidan:

Faa’iidada koowaad: waxay tahay inaanay anfacayn fikrada ah wada noolaanshaha lala noolaan karo Jabhada Sahyuuniga ah ee Israa’iil, taasoo ay sabab u tahay iyadoo Israa’iil ay tahay Jabhad dhul aanay lahayn xoog ku qabsatay, markaa lama taageerayo, wax aan ahayn tir-tirid mooyee, sida uu yidhi Madaxweynihii Hore ee Masar Jamaal C/Naasir ka dib markii laga qabsaday lama dagaanka Siinay ee Israa’iil u soo jeedisay inuu wada hadal dabadeed ay u soo celiyaan dhulkaasi wuxuuna ugu jawaabay “ waxa xoog lagu qaato xoog ayuu buu ku soo noqdaa”, iyadoo aan halkan ku muujinayo naxdinta iyo murugada weyn ee iga haysa maahmaahda Somaaliyeed ee odhanaysa “ Nin xolihiisii lagu qabsaday, Qayb ogol, waax ogol, faro madhnaan ogol” iyadoo aanay ka muuqan maahmaahdan in qofku marka uu ogolaanayo in ka yar xaqiisa inuu u ogolaanayo si ku meel gaadh ah oo uu ku xasilinayo inta hore ee uu helay, isla markaana talaabooyin kale inuu qaadi doono si uu inta kale u soo ceshado, laakiin waxa ka muuqda maah-maahdan inay muujinayso in uu qofku ka samro inta kale ee ka maqan xaqiisa, taasina ay macquul noqon karto haddii ay maslaxad ka weyn ay keenayso mararka qaar laakiin waa in aanay noqon qaaciido lagu dabaqo xaaladaha oo dhan, oo haddii ay noqoto qaaciido waxaynu albaabka u furaynaa oo aynu garawshiyo siinaynaa maahmaahda kale ee dhawaanta afkeena ku soo biirtay ee ah “ Ku Qabso Ku Qadi Mayside”, iyadoo markaasi qof waliba oo ajnabi ahi markay ogaato in dadka reer Somaliland ay aaminsan yihiin maahmaahda hore ay ku dadaali doonaan inay wuxuun ka qabsadaan Somaliland iyagoo aaminsan inay dadka Somaliland u dhashay marka xoolohooda lagu qabsado ay ( qayb ogol yihiin ama waax ama fara madhnaan ogol yihiin).

Faa’iidada Labaad: dareenkii xooganaa ee aynu ku aragnay shucuubta wadamada Islaamka waxay si shaki la’aan ah inoogu cadaynaysaa mar labaad iyo mar seddexaad iyo mar ….. inay siyaasadu ay waajib ku tahay inay la jaan qaado Tariikhda shacbiga iyo waxyaabaha uu aaminsan yahay ee si kale ma aha, waa in aynu fahanaa in siyaasada iyo siyaasiga loo sameeyay si uu ugu adeego shacbigiisa ee laakiin siyaasada looma samayn si ay shacbi sida ay doonaan siyaasiyiintu u abuurtaan, qofka siyaasiga ah ee is-yidhaahdana ka bood Taariikhda dadkiisa iyo waxay aaminsan yihiin waxay ku keenaysaa laba arrimood: 1. inuu Kursigiisu hoosta ka ruxmo oo ay shacbigiisu ku kacaan, taasna waxa tusaale u noqon karta Madaxweyne Maraykan ah oo soo roga in shareecada Islaamka lagu xukumo wadankiisa, dabcan taasi waxay keenaysaa inaanu Madaxweynahaasi in badan sii joogi doonin jagadaasi, in kastoo uu Madaxweynahaasi awood uu u leeyahay tallaabadaasi laakiin waxa siyaasiga looga baahan yahay inuu dadkiisa u adeego isagoo ka duulaya waxyaabaha aan isbedelin ee ay dadkiisu aaminsan yihiin, 2. arrinta labaad waxay tahay isagoo waaya ixtiraamka iyo qadarinta Madaxweynayaasha dalalka kale, inkastoo ay dad badan filanayaan in Madaxweynaha tanaasulaad badan oo ka soo horjeeda waxay shacbigiisu aaminsan yahay u fidiya dalalka shisheeye inay ku ixtiraamaan oo ay ku qadariyaan, laakiin arrintaasi sinnaba sax uma aha, taasoo tusaalaha ugu dhaw ee lagu tusaalayn karo Madaxweynaha ka dul booda waxay dadkiisu aaminsan yihiin uu la mid yahay ( Raali ahaada ) gabadha jidhkeeda ka ganacsata oo kale, oo inkastoo ay gabadhaasi ninka u hurayso shayga ugu qaalisan ee ay haysato, laakiin ninku marka uu dhamaysto hamadiisa waxa uu u arkayaa gabadhaasi inay tahay gabadh xun oo aan wax ixtiraam ah istaahil ku ahayn, oo laga yaabaa judhiiba markay ninku ka dhamaysto baahidiisa inuu caayo, taas oo ay sabab u tahay iyadoo ay gabadhani ay muujisay inaanay nafteeda u roonayn dabadeed qof kastaaba aanu ixtiraam siinayn isagoo og inaanay waxba isaga u tarayn mar haddiiba aanay nafteeda waxba u tarin, sidii uu Nebi Muxamad Calayhi Salaatu Wa Salaam uu Yidhi “ Kiina ugu wanaagsan waa kiina ehelkiisa u wanaagsan”.

Faa’iidada Saddexaad: Ma jiro wax ka xun oo ka dhib xun inay dadka walaalaha ah ay is dilaan oo ay nafta iska jaraan wuxuu doono ha ahaado qiilka ay ku maldahayaan, oo Ururka Xamaas siduu doono ha u yidhaahdo “markii aan Ururka Fatax la dagaalamayay waxaan ilaalinayay fikirka ah iska caabinta iyo dib u xoraynta oo waxa aan ka soo hor jeeday fikirka ah is dhiibka iyo in la aqoonsado jiritaanka Israa’iil” , ama siday doonto ha u tidhaahdo dhaqdhaqaaqa Fatax “ markii aan la dagaalamayay Xamaas waxa aan ilaalinaayay sharciyada iyo kala dambaynta”, labadaa qiilba marka laga yimaado ma jiro wax ka weyn inay laba walaalo ah oo muslim ah inay is dilaan oo dhiigooda daadiyaan, iyadoo uu arrintaasi uu Nebi Muxamad Calayhi Salaatu Wa Salaam uu arrintaasi is-dilka muslimiinta dhexdoo uu laba xadiis uu ku tilmaamay inay yihiin Gaalnimo.

Faa’iidada Afraad: Aamuska uu Aduunka ka aamusan yahay iyo taageerida qaybo kale waxay muujinaysaa sida uu Caalamka qarnigan 21aad nool ay yihiin dad maadiyiin ah 100% oo aanay noloshooda ku jirin intooda badan Wax mabaadi ah ama akhlaaq, oo caalamka intiisa badan wuu taageeray xasuuqa Israa’iil qaybo kalena way iska aamuseen iyagoo ilaalinaya danaha ay la leeyihiin Yahuuda oo iyagu Xooga dhaqaale ee ugu weyn aduunka gacanta ku haya, taasina ay daadifaynayso odhaahyada ah (Xuquuqda Aadamaha, xuquuqal iinsaanka, Dimuqraadiyada iwm), taasina macnaheedu waxay tahay inay u adeegsadaan odhaahyadan quruxda badan danahooda gaarka ah, iyadoo ay tusaale kaaga filan tahay iyadoo Madaxweynaha Israa’iil ee hadda xilka haya Shimon Berries la siiyay Jaa’isada Nabada ee ugu weyn caalamka ee Nobel isagoo ilaa maanta gacanta kula jira xasuuq cadaan ah oo uu u gaysanayo ehelkeena ku sugan Gaza, halka ay Maxkamada Dambiyada Aduunku(Heige) ay Dambiyo dagaal ku soo oogayso Madaxweynaha Suudaan ee Al Bashiir inuu xasuuqyo ka gaystay gobolka daarfuur iyadoo aan dagaal lagu dilin gobolkaasi ilaa iyo intii ay mashaqadaasi bilaabantay dhawr boqol, halka ay labaatan cisho oo qudha Israa’iil ku gumaaday kun qof !!!!!!!!!!! Fadlan xakamee dareenkaaga oo ha qoslin hana ooyin.

Faa’iidadan Shanaad waxaan aaminsanahay Somaliland aad ayey ugu baahan tahay siiba Xukuumada, oo iyadu ku baryo tagta waxa la yidhaahdo( Dimuqraadiyad, Xuquuqda Aadamaha ayaanu haysanaa) iyagoo moodaya inay ka dhab tahay wadamada arrimahaasi samaystay, oo aanay u fahansanayn inay tahay daah lagu asturayo oo qudha danahooda foosha xun, iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee C/Laahi Maxamed Ducaale uu arrintaasi uu sii fogeeyay oo uu is-yidhi “ Malaha adigoo sheegta Cilmaaniyad (diin la’aan) ayaa lagugu aqoonsanayaa”, isagoo aan fahmayn in caalamku la hadlaayo uu yahay caalam laga maro kaliyaata dhinaca faa’iidada maadiga oo qudha wixii aan intaa ahayna aanay maqli karin, iyadoo ay Yahuuda laftoodu ay kaartadaasi fahmeen isla markaana gaadhsiisay heerka ay maanta taagan tahay, waxa laga yaabaa oo kale in aynu ilawno wadanka Maraykanka ee ah ku ugu badan ee ku gabya Dimuqraadiyada iyo Xorriyada inuu hadana xidhiidh wayn la yeelan jiray Kali taliyayaal ku yimid Inqilaabyo iyo xoog ku qabsaday xukunka sida wadanka Pakistan ee Barwiis Musharaf, halka ay diiday inay aqoonsato xukuumada Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee sida Diimuqraadiga ah lagu soo doortay, markaa waxa aan si diiran uga codsanayaa xukumadeena iyo aqoon-yahanadeena inay inaga daayaan ereyadan muujinaysa inaanay caalamka waxba ka fahansanayn, oo dawladaha ka dhigaysa Ururo Sama-Fal halkay dawladuhu yihiin qaar danlay ah oo danahooda oo qudha xasiliya, markaa waxa looga baahan yahay Xukumada Somaliland inay dalka ku hogaamiso siday wax uga dhigi lahayd si uu caalamka oo dhan inoogu soo jeesto oo aanay baryo aan weligeed faa’iido keenayn aanay wadin, iyagoo caalamku diyaar u ah waxay doonto Somaliland ha ahaato haddii faa’iido ay la weydaarsan karto inay la macaamiisho, arrintan ugu dambaysana waxa laga yaabaa inay akhristayaashu ay su’aalo kale iska weydiin karaan, iyadoo aan rajaynayo inaynu u ballaadhino mawduucan maqaal dhan si aynu u iftiimino mustaqbalka Insha Allaah.

Ilaahow naga dhig dadka aad u adeegsato u hiilinta Diinta ee ha naga dhigin kuwa aad dad kale ku bedeshid.

Ilaahow naga dhig dad u qalma inaad u hiilisid oo aad guushaada siisid… Ilaahow Xaqa noo soo wada hadee na waafajina raacidiisa…. Aamiin … Aamiin… Aamiin.


                    Contact Us :  Haatufnews@hotmail.com