Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1916 | December 19, 2008 | |||||
Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar
Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID
Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia |
Hawshii Diiwaangelinta Ee Gobolka Togdheer Oo Xalay La Soo Gabogabeeyey Iyo Natiijooyinka Hor Dhaca Ah Ee Tirada Iska Diiwaangelisay “Inkasta Oo Aan Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqin Tirada Guud Ee Iska Diiwaangelisay Gobolka Togdheer Haddana Waxaa Lagu Qiyaasay Ku Dhawaad Saddex Boqol Oo Kun Magaalada Burcana………” Hargeysa December 19, 2008 (Haatuf)- Muddadii loogu talo galay Hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Togdheer ayaa xalay cawayskii guud ahaanba la soo gabogabeeyey, ka dib markii lixdii maalmood ee komishanku ugu talo galay ay ku ekayd xalay. Ma jiraan wax war ah oo ay komishanku ka soo saareen gabogabada iyo tirada guud ee dadka iska diiwaangeliyey deegaanada uu ka kooban yahay Gobalkaasi, taas oo ay Komishanku sheegeen in aanay wali hawl wadeenadii ka hawl galayey arintaasi aanay ku soo dhamaanin gobolka sidaa darteedna aanay tiro rasmi ah ku dhawaaqaynin ilaa inta ay ku soo xaroonayaan hawl wadeenadii iyo agabkii ay ku shaqaynayeen, waxayse tibaaxeen in qiyaasta iska diiwaangeliyey gobolka Togdheer lagu qiyaasayo ku dhawaan 300,000 Qof, iyadoo ay Komishanka gobolka Togdheer ay tibaaxeen in 48 goobood oo magaalada Burco gudaheeda ahaa lagu qiyaasay dadka iska diwaangeliyey lixdii maalmood 120,000 Qof. Gudoomiyaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Maxamed Ismaaciil Kabo-wayne oo shalay galinkii hore xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in diiwaangalintii ka socotay gobolka Togdheer ay sidii loogu talo galay u socoto isla markaana ay caawa (Xalay) soo gabagaboobayso, taas oo uu ku tilmaamay in dadwaynaha ku nool gobolku ay si wanaagsan uga qayb qaateen diiwaangelinta isagoo ku amaanay odayaasha, salaadiinta, waxgaradka reer Togdheer sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen geedi socodkii hawlaha diiwaangelinta. Gobolka Togdheer oo ahaa kii afraad ee ay diiwaangelintu ka qabsoontay ayaa la sheegay inay diiwaagelintu si fiican uga tisqaaday, taas oo lagu macneeyey waaayo aragnimada ay ka soo korodhsadeen hawl wadeenada diiwaangelintu goboladii ka horeeyey iyo diyaar garowga dadka ku dhaqan gobolkaasi oo ka wanaagsanaa goboladii ka horeeyey, taasina waxa ay keentay in tirada markii hore la filayey inay iska diiwaangeliso gobolka Togdheer ay hadda ka badantay iyada oo lagu qiyaasayo tirada guud ee gobolkaasi iska diiwaangelisay inay gaadhayso 290,000 illaa 300,000 Qof. “Joogitaanka Maleeshiyaadka Madaxbanaan Ee Bariga Sanaag Wuxuu Halis Ku Yahay Nabadda Iyo Amaanka Gobolka” Warbixin Guddida Cuna-Qabaynta Hubka Somalia Kormeerta Oo Warbixin Xiiso Badan Ka Diyaarisay Somaliland Iyo Somalia New York, December 19, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Guddi ay Qaramada Midoobay sannadkii 1992 u xilsaartay inay kormeeraan ama la socdaan Qaraarkii 751 ee cuna-qabataynta hubka lagu saaray dalka Somalia ayaa warbixin ay 10-kii bishan u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in kooxaha kala duwan ee isku is-haya talada dalka Somalia ay hub sharci darro ah soo geliyaan dalkaas Somalia, isla markaana waxay warbixintooda ku soo qaadeen in dhul Somaliland ah, gaar ahaan bariga Sanaag ay ka jiraan Maleeshiyo ay ugu yeedheen Maleeshiyo madax-banaan oo ka ganacsatada hubka. Warbixintan oo ka kooban 57-bog, ayay Guddiga Kormeerka Cunaqabateynta Hubka ee Somalia, waxay ku sheegeen in dhammaan kooxaha ku hirdamaya Somalia, ay si toos ah ama si dadban ugu xadgudbeen cunaqabateynta xagga hubka ah ee saarnayd Somalia 16-kii sano ee la soo dhaafay, haba ugu sii darnaatee 12-kii bilood ee u dambeeyay. Warbixinta guddida ee sannadkan ayaa lagu sheegay in Somaliland ay wanaagsan ula shaqaysay guddida kormeerka cunaqabataynta hubka ee Somalia, waxaanay guddidu arrimaha Somaliland warbixinteeda kaga soo qaaday in Somaliland leedahay ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 22, 000 oo isugu jira milateri, bileys iyo sirdoon iyo weliba waxoogay ciidamo ilaalada xeebaha ah. Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada Somaliland mushaharkooda iyo qalabkoodaba laga bixiyo cashuurta dadweynaha laga ururiyo, iyadoo ay warbixintu xustay in miisaaniyaddii sannadka 2008 kharash nabadgelyada looga qoondeeyay ay ahayd $7,830,717 oo 49% ka noqonaysa Miisaaniyadda Guud ee 2008 oo dhamayd $16,140,804. Waxa kale oo warbixintaas lagu sheegay in ciidamada Somaliland taageero dhaqaale ka helaan Midowga Yurub, Dawladda Britain, Waaxda Sharciga ee hay’adda UNDP iyo hay’adda IOM. Sidoo kale xukuumaddaha Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashi dhow oo dhinaca ammaanka, waxaanay warbixintu xusay in la sheegay inay dawladda Itoobiya tababar siiso saraakiil ciidamada Somaliland ka tirsan. Hase yeeshee dhinaca Somalia oo ay warbixintu si faahfaahsan u qaadaa dhigtay ayaa warbixintu waxay sheegtay in Saddex ilood ay aasaas u yihiin hubka ku qulqulaya Somalia. Matt Bryden, oo ah Isu-duwaha guddidan, ayaa isagoo sharraxaya saddexdaas ilood ee hubku uga yimaado Somalia waxa uu yidhi: “Ta hore waa ganacsiga hubka ee ka soo qulqulaya Yemen. Dalka Yemen waa meesha ugu weyn ee hubka looga keeno Somalia. Dawladda Yemen waxay isku dayday inay wax ka qabato iibka hubka, tan iyo bishii June ee sanadkan, waxoogaa guulo ahna way ka soo hoysay, laakiin wali hubku wuu ka soo galaa Gacanka Cadmeed. Isha labaad waa burburka ku yimid hay'adaha ammaanka ee dawladda Mbagathi. Qiyaas ahaan ilaa labaataneeyo kun oo bileys iyo millateri isugu jira ayaa loo tababaray dawladda Mbagathi afartii sano ee la soo dhaafay. Laakiin qiyaas ahaan 80% ciidankaasi waa ay ka goosteen Mbagathi. Arrintan ayaa abuurtay suuq hubka ah oo gudaha ku yaal oo laga helo hubka, direyska iyo waliba khibradaha millateri. Isha saddexaad waa dhaqaalaha, gaar ahaan marka laga hadlayo kooxaha mucaaradka hubeysan. Waxay leeyihiin nidaam si wanaagsan isugu xidhan oo ay dhaqaale ku raadsadaan, iyagoo wax ka hela Somalida qurbaha, Somalida gudaha iyo waliba deeq-bixiyayaal ajnebi ah. Dhaqaalahan waxaa lagu bixiyaa iibsiga hubka, ama xitaa in lagu dhiirri galiyo ciidanka Mbagathi inay soo goostaan." Saddexdaas ilood ka sokow, warbixinta waxaa ku xusan in joogitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka Somalia, uu sharci ahaan xud-gudub ku yahay cunaqabateynta xagga hubka ee Somalia. Waxaa kaloo lagu xusay in Itoobiya ay saanado hub ah siiso kooxo Soomaaliyeed. Sida uu sheegay Matt Bryden, inkastoo ay ciidanka Itoobiya ku soo galeen Somalia codsi ay ka heleen dawladda Mbagathi, haddana joogitaankoodu muu ahayn mid ay la ogtahay Qaramada Midoobay, waxaanu yidhi: “Golaha Ammaanku ma oggolaan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Somalia, sidaas daraaddeedna waa xadgudub." Itoobiya waxaa eeddaas ku weheliya Eritrea, oo sida warbixinta ku xusan si aan kala go'o laheyn taageero ugu fidisa kooxaha kacdoonka hubeysan wada. Tan iyo markii ay caasimadda dalkeeda ee Asmara ku dhistay isbahaysi ay mucaaradku ku mideysan yihiin, Eritrea waxay hiil iyo hoo-ba diyaar ula aheyd hoggaanka isbahaysiga, gaar ahaan xoghayaha difaaca Sheekh Yusuf Siyaad Indhacadde. Sida warbixinta ku xusan doonyo hub u sidda kooxaha hubeysan ayaa marar kala duwan soo gaadhay Somalia dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Waxay kaloo Eritrea tababar u fidisay boqollaal ka tirsan ciidanka kacdoonka wada. Hase yeeshee, warbixintu waxay sheegtay in Eritrea ay taageeradeeda ugu badan u weecisay mid dhaqaale, iyadoo lacago kaash ah oo mararka qaarkood gaadhaya hal milyan oo dollar siisay kooxaha ka dagaallama Somalia. Dhaqaale-bixinta Eritrea waxaa inteeda badan masuul ka ahaa laanta sirdoonka ee dalkaas. Eritrea ayaa sidoo kale la sheegay inay kooxo kalena hub siiso, waxaana ka mid ah malleeshiyo uu hoggaamiyo nin la yidhaahdo Maxamed Siciid Atom, oo sida warbixinta ku xusan ah nin ka ganacsada hubka. Waa kuma Max'ed Siciid Atom? Matt Bryden oo faahfaahin ka bixinaya ninkaas Maxamed Siciid Atom, ayaa yidhi: "Maxamed Siciid Atom waxaa lagu sheegay warbixinta, maxaa yeelay wuxuu bariga Gobolka Sanaag ku heystaa malleeshiyo madax-bannaan. Xogta aan helnayna, waxaan rumaysannahay in kooxdiisu ay ku lug leedahay afduubyo, qaraxyo ka dhacay Boosaaso horraantii 2008-da. Waxaa kaloo laga yaabaa inuu si dadban ugu lug leeyahay budhcad-badeedda, wuxuuna hub ka helay ilo kala duwan, oo ay ku jiraan Yemen iyo Eritrea. Falalkani waxay xad-gudub ku yihiin cunaqabateynta hubka ee Somalia. Laakiin sida aan hubo inaad ka warhayso, Bariga Sanaag iyo Sool waa goobo dagaalka u nugul, markaa joogitaanka ciidan noocan ahi wuxuu halis ku yahay nabadda iyo ammaanka gobolka." Matt Bryden oo la weydiiyey kaalinta ay ku leeyihiin budhcad baddeedu xad-gudubyada cunaqabateynta hubka, ayaa waxa uu sheegay in ka kormeerayaal ahaan, in aanay iyagu dan iyo heello toona ka laheyn dambiga budhcadda, balse ay rumaysan yihiin in kooxahaasi ay hub fara badan oo sharci darro ah dalka soo geliyaan. Sida warbixinta ku xusan, guulaha ay budhcad-baddeeddu soo hoysay bilihii la soo dhaafay waxaa ka masuul ah kooxo wada shaqeeya, oo saldhigyo ku kala leh Puntland iyo badhtamaha Somalia. Kooxda Puntland waxaa hoggaamiya Faarax Xirsi Kulan oo loo yaqaanno "Boyaha," halka kooxda Xarar-dheere ay hoggaamiyaan Garaad Maxamuud Maxamed iyo Maxamed Cabdi Xasan "Afweyne." Inkastoo ay raggani kala beelo yihiin, oo ay xitaa dagaal iskaga horyimaadeen sannadihii ina soo dhaafay, haddana warbixintu waxay shaaca ka qaadday inay maslaxaddooda ganacsi isku keentay horraantii sanadkan, iyagoo ku heshiiyey inay saldhigyo ka sameystaan degmada Eyl. Ka sokow hoggaanka budhcadda, Matt Bryden wuxuu sheegay in guddidiisu ay hayaan xog lagu kalsoonaan karo, oo muujinaysa in masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, oo ay ku jiraan wasiirro, ay gacan saar la leeyihiin budhcad-badeedda. "Xogtanna waxaanu u gudbin doonaa guddida na bedelay ee kormeerka, si ay kiisas uga sameeyaan shakhsiyaadka la tuhunsan yahay, si ugu dambeynta looga baaraan dego in iyaga laftooda xayiraad lala beegsado" ayuu Matt Bryden. Warbixintu waxay sheegtay in dhaqaaluhu uu udub-dhexaad u yahay iibsiga hubka sharci darrada ah. Iyadoo dhinac walba ay leeyihiin hannaan ay lacag ku helaan. Tusaale ahaan, dawladda Mbagathi waxay hub sharci darro ah ku soo iibsatay lacag $32 milyan oo ay sanadkii hore ka soo heshay boqortooyada Sucuudiga. Lacagtaas oo Sucuudigu uu ugu tala galay shir dibu-heshiisiineed oo Muqdisho ka dhacay, ayaa sida warbixinta ku qoran dawladda Sucuudiga xitaa loo sheegi waayey habkii loo bixiyey. Intaas waxaa sii dheer inay jiraan makiinado lacagaha been-abuurka ah daabaca, oo midkood uu yaallo Guriga Madaxtooyada ee Muqdisho, sida uu sheegay Matt Bryden. "Waxaanu helnay xog ku saabsan makiinado lacag been-abuur ah soo saara. Walaaceedu wuxuu yahay in lacagahaas lagu iibsado hub. Dabcan, dhaqaale ku bixinta hubku waa dambi gaar ah. Markaa makiinaddaasi waa mid ka mid ah tusaalayaashii aan guddida hordhignay" ayuu yidhi Mr. Bryden. Tusaalayaasha uu khabiirku sheegayo waxaa ka mid ah in kooxaha Islaamiyiinta ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo Jabhadda Islaamiga ah ee Somalia, oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno JABISO, inay dardar galiyeen mashaariicda lacag ururinta ee ay ka sameeyaan shabakadda internet-ka, iyagoo sida warbixinta ku xusan xitaa mararka qaarkood soo bandhiga weerarro ay qaadeen, ama qoor-ka-goyn ay ku sameeyeen dad ay sheegeen inay dambi ku heleen. Waxaa kaloo jira in xubno ka tirsan Isbaheysiga Dibu-Xoreynta, labadiisa garab-ba, ay safarro lacag-ururin ah ku tagaan dalalka qurbaha. Lacagahaas ayaa dhammaantood inta badan lagu iibiyaa hub sharci darro ah. Ugu dambeyntii, waxaa Matt Bryden la weydiiyey waxa ay Qaramada Midoobay ka qabanayso dhinacyada ku xadgudba cunaqabataynta, ka sokow warbixinno dhaadheer oo ay ka qoreysay 16-kii sano ee la soo dhaafay mooyaane, waxaanu Matt isagoo arrintaas ka jawaabay yidhi: “Waxay ila tahay inay tahay masuuliyadda Golaha Ammaanka in xayiraado lagu soo rogo dadka geysta xadgudubyada, si loo muujiyo in beesha caalamku ay ka dhabaynayso wax ka qabashada la xisaabtan la'aanta, si markaas loo hubiyo in kuwa geysta xadgudubyada ugu daran lala xisaabtamo." Matt Bryden ayaa intaas ku daray in Golaha Ammaanku uu bishii hore meel mariyey qaraar faraya in xayiraado la saaro shakhsiyaadka ama dawladaha ay ku caddaato inay cunaqabateynta hubka ku xadgudbeen, balse wuxuu intaas raaciyey inay muddo dheer qaadan karto in xayiraaddaas la soo rogo. Maxaa Iska Beddelay Xafiiska Cashuuraha Beriga Ee Hargeysa? Warbixin Wariyaha Haatuf Ee Boorama Boorama, December 19, 2008 (Haatuf) - Asalkaba dadka jecel in wax wanaagsan uun la sheego haddii xitaa ay Khariban yihiin ayaa Warbaahinta madaxa banaan ku eedeeya inay qoraan ama sheegaan uun wax been ah oo dacaayad ah, isla markaana aan sheegin waxa wanaagsan. Dadka caynkaasi ah waa kuwa inta badan jecel inaan waxba ka hagaagin maamulka iyo horumarinta dalka, sidoo kale ayaa dadka qaar warbaahinta xorta ah ku dhaliilaan in haddii ay maamulka jira amaani waayaan ay yihiin qorayaal mucaarad ah oo dawladda neceb, balse illawsan in warbaahintu tahay midda wax u tarta maamulka dalka ee toosisa dastuurkeenuna dhigayo in qof kastoo muwaadin ahba xaq u leeyahay inuu dhagaysto, maqlo, ama ka hadlo wax kastoo agagaarkiisa ka socda, hadday fiican yihiin iyo haddii ay xun yihiinba, rayigiisana ka dhiibto. Haddaba markaad u fiirsato badi maamulka dawladda laamaheeda kala duwan waxaad arkaysaa waxyaabo iska beddelay ha ahaadeen hoos u dhac ama foolxumo ku timi meeshaasi ama horumar laga sameeyey xag maamul iyo xag dawladeedba. Waxaan ognahay oo kale in xarumaha wasaaradaha qaarkood laga dareemo muuqaalka horumarka, kuwa kalena markaad garab marayso aad kala garan waayayso inay tahay meel masuul dawladeed oo waddani ahi joogo iyo inay tahay meel ay biidhiqaatayaal joogaan, muuqaalkaasina waa ka lagu kala garto dawladnimada iyo dawladnimo la'aanta. Haddaba wasaaradda maaliyadda oo ah meesha dalka u qaabilsan ururinta dakhliga iyo bixintiisaba ayaa leh laamo kala duwan oo u qaabilsan dhinaca dakhli ururinta, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin laamaha kastamka iyo laamaha cashuuraha badd ama beriga loo yaqaan, kuwaas oo dhamaantood dakhliga soo gala lagu kabo miisaaniyadda dawladda dhexe ee halbawlaha u ah dhaqaalaha dalka. Waaxyahaasi waa kuwa dadweynaha jeebkiisa toos ugu xidhan xoog iyo xeerna kaga qaada cashuuraha muwaadinka ku waajibay, balse aan la ogeyn waxa muwaadinka kaga soo noqonaya dakhliag uu bixiyey hadday tahay xag caafimaad iyo xag waxbarashaba. Meelaha dakhliga lagu kaydiyo ayaa qaarkood yihiin dhismayaal waayo hore ka hadhay oo aan u qalmin in la dhigo dakhliga la soo xareeyo, cidina u quudhi wayday inay hagaajiso muuqaalkeeda, halkaa kuwa kalena waxoogaa lagu kordhiyey dhismayaashii hore wax gaadiid ahna haba sheegin. Haddaba markaad eegto meelaha dakhligu ka soo xeroodo dadweynaha, lagu kaydiyo magaalada Hargeysa ayaa waxaan tusaale usoo qaadanaynaa waaxda cashuuraha berriga ee magaalada caasimadda ah, kana mid ah meelaha aan indhaha saaray muddadii kaabnayd ee aan Hargeysa joogay, sanado horena aan arkay. Dhawr sano ka hor mar aan halkaasi tagay ayaan kala garan waayey inay tahay guryo laga guuray iyo inay yihiin kuwa shaqeeya oo shaqaale dawladeed joogo ama guryo dad qoysas galaan, waagaas oo aan ogaaday inay tahay goob ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaan hoos isku waydiiyey maxaa sidan u galay?. albaabbo malahayn, qolalka waxaa yaallay alaabtii Siyaad Barre dawladdisii kaga guurtay, markaasaanu is nidhi malahal laguma shaqeeyo, kuraas markaad ku fadhiisato surwaalka ama shayga aad xidhan tahay jeexaya, meelahaa qaarna aad kursiba waayeyso nin shaqaale ahina fadhiyo. waxaa la ii sheegay waagaasi in dakhliga bishii soo galaa aanu ka badnayn 300 (Saddex boqol oo milyan oo Sl.shl), balse maanta leh muuqaal kale iyo dakhli kaa ka duwan oo dawladda loo geeyo. Waxaa kale oo waagaa la ii sheegay in dakhliga laantaasi kasoo gala suuqyada Hargeysa sida daaraha, meheradaha, dakhli cashuurista iyo meelo kaleba ay laantaasi ka heli lahayd lacag intaa ka badan, isla markaana aanu muuqan nidaam habaysan oo loo hawlgaliyey shaqaalihii waagaasi oo la ii sheegay inaanu jirin nidaamkii loo qaadi lahaa shaqaalaha iyo ciidanka loo diro dakhli ururinta oo iyagu urursada dakhliga laga qaado muwaadiniinta, meheradaha iyo daarahaba leh maadaama sida la ii sheegay waagaasi aanu jirin nidaam habaysan oo loo raaco dakhli ururinta. maanta oo dhawr sano oo kale kasoo wareegtay wagaasi ayaan mar kale anigoo shaah ka raadinayey makhaayado haween keliya shidanayaan oo kasoo horjeeda xaruntaasi cashuuraha berriga hargeysa aan isha ku dhuftay gaadiid iyo dad tiro badan oo kusii qulqulaya dhismahaasi, dadkaas oo sida la ii sheegay halkaasi ay u yimaaddeen si ay iskaga bixiyaan cashuurta. Goor dambe oo aan xaruntaasi gudaheeda galay ayaan sidoo kale ku arkay xafiisyo cusub iyo kuwii hore oo dib loo hagaajiyey, meelaha qaarkood xafiiskoodu ahaa muraayado, Nin aan waa hore aqaanay oo la ii sheegay inuu xafiiskaasi ka madax yahay, balse aan ku ogaa shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda, magaciisana la yidhaa Maxamed Ducaale, ayaan si kooban u weydiiyey dakhliga bishii soo gala xafiiska inta uu leeg yahay, waxaana uu ii sheegay inay bishii ku soo xerooto ku dhawaad lacag gaadhaysa hal bilyan iyo saddex boqol oo mliyan (1,300,000,000) s/l. kadibna waxaan ogaaday in dakhligaasi yahay mid ka badan kan ka soo xeroon jiray kastamada kalabaydh ama abaarso, isla markaana ay qayb ka noqon karto miisaaniyada dalka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee dakhligaasi waa mid dawladda dhexe leedahay, kuna yimi dedaal malaha ay sameeyeen xoog cusub oo ku soo biiray laantaasi oo iyagu la yimi nidaam kale oo lagu ururiyo cashuuraha berriga ama la xoojiyey ciidankii waagaasi lagu xaman jiray inay iyagu dakhliga urursadaan, waxaase la is weydiin karaa shaqaalaha soo saaray lacagta intaa leeg iyo masuulkii hore keebay dawladdu jeceshahay oo ay abaalmarin siisaa? Jawaabta dadweynaha ayaa la weydiin. Xisbiga Ucid Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ku Tumanayso Xuquuqdii Muwaadiniinta Hargeysa December 19, 2008 (Haatuf)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ku eedeeyay xukuumada Riyaale in ay ku tumanayso xuquuqdii muwaadiniinta ee dastuurka dalka u yaal uu siiyey isla markaana ku tilmaamay sharci darro xukunka lagu riday afar xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Balli-gubadle iyo shan qof oo kale oo wehelinayay, taas oo ay sheegeen in aan qofka xildhibaanka ah ilaa xilka uu ummadda u hayo la qaado aan la xukumi karin. Xisbiga UCID waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay afhayeenka xisbiga Xasan Xuseen Maxamed(Cod-yare) uu ku qabtay xafiiska UCID ee gobolka hargeysa. Waxa kale oo shirkaas jaraa’id ay ku sheegeen in madaxweyne Riyaale damac xeeladaysan ku samaynayo habsami u socodkii wakhtigii diiwaan gelintu ku dhamaanaysay taas oo ay ku sababeeyeen in uu ka hagraday kharashkii xukuumad ahaan looga baahnaa ina bixiyaan. Shirkaas jaraa’id oo ay kaga hadleen arrimo doora oo dhinacyo badan taabanayay waxa ugu horayn halkaa laga akhriyey warqd qoraal ah oo u dhignayd sidan: Xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID waxaanu shirkan jaraa’id kaga hadlaynaa laba dhacdo oo sharciyada iyo xeerarka dalka u yaala baal marasan, isla markana lagu gefay xaqii uu siiyey dastuurku muwaadiniinta, si badheedh ahna loogu tuntay garsoorkii. Kuwaas oo shalay saxaafadu baahisay gaar ahaan wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii 569 ee 17/12/08, cidkasta oo akhridayna la yaabtay burburka ku yinid cadaaladii awalba laan-gadhaynaysay. Dhacdooyinkaas oo kala ahaa: - Xukunka lagu riday afar xildhibaan oo golaha deegaanka gobolka Hawd ee Balli-gubadle iyo shan muwaadiniinta deegaankaas ka mid ah oo ay weheliyaan laba haween ah, xukunkaas oo qayral sharci ah gabi ahaana baal marsan qodobada dastuurka, xeerka ismaamulka gobolada meelna lagaga dhacay dhawrsanantii iyo xuquuqdii muwaadinka ee sharcigu siiyey. - Damaca xeeladaysan ee xukuumada madaxwayne Riyaale samaynayso habsami u socodkii xiliyeysnaa ee diiwaan galintu ku dhamaanaysay marka laga eego bakhaylnimada u huri waaga ah dhaqaalahii kaga soo aaday kharashkii guud ee diiwaan galinta loo qoondeeyay. Faro galinta isu bedelka gobollada diiwaan galinta ee gobollada qaarkood siiba afarta goobeed ee Bohol, Ceel la helay, Sabo wanaag iyo Doclaha oo ka wada tirsan gobolka Sanaag. Dib u dhaca ku yimid tiimamkii ku hadhi laha dagmooyinka diiwaan galintii rasmiga ahayd ka soo dhamaatay ee 15 cisho ahayd sida dagmooyinka Awdal , Maroodi Jeex iyadoo gobolka Tog-dheerna maanta soo gabagaboobayso diiwaan galinta rasmiga ahayd taasi ay sabab u tahay xukuumada oo ku guul daraysatay bixinta kharashkatiimamkali kordhay goobaha diiwaan galinta rasmiga ahayd ka soo dhamaatay diiwaan galintu. Intaa ka dib si’aalihii saxaafadu waydiisay iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan: S- diiwaan galinta muddadii loo qabtay iyo qaabkii loo waday ee saaxil ilaa togdheer waxay u socotaa qaababkii loo qorshaynayey marka laga reebo masiibadii qaraxyadii soo dhex galay, waa maxay dibu dhaca aad ku eedaynaysaan xukuumada ee ilaa hadda ay ku dhaqaaqday ee aad ku sheegatya shirkaaga jaraa’id. Ta kale xildhibaanada afarta ee la xukumay ee Balli-gubadle ma ku jiran wax ka soo baxay xisbigiina UCID? J- anagu xisbiga cadaalada ama ha ku jireen ama shacbiga ha ahaadeen ama xisbiyada kale ha ahaadeen waxaanu u doodaynaa cid kasta oo sharci daro ku dhacday oo muwaadin reer Somaliland ah waanu u doodaynaa waxaananu leenahay sharci maaha qaabka loo maamulay iyo xukunka ku dhacay midkoodna, xisbiguu doono ha ahaado waa bulshada deegaabja Balli-gubadle ayay ka tirsan yihiin , kuwaas ayaanu u doodaynaa xukunka ku dhacayna waa sharci daro. Ta kale horta muddadii wixii inagu dhacay ee cadowgu sameeyay waxay ahayd muddo hakad samayn karta ma ahayn, wuxu wuu dhacay waa nasiib daro wabab ka adkaanay oo markiiba shacbigu wuu is abaabulay ilaa imikana shacbigu nabad galayo ayuu ku nool yahay waxayna ka socota shacbiga ayay nabad galyadu ku xidhan tahay marka waxeedii inuu socdo ayay ahayd marka horeba muddada intaa leeg in loo dhaxaysiiyo ma ahayn, ka sakow taas waxaanu ku eedaynaynaa kooxihii dheeraadka ahaa ee ka qayb galayay gobollada diiwaan galinta rasmiga ahi ka dhamatay waxay ahayd dadkii in aan wakhtiga laha lumin, waxay ahayd dadkii oo taagan oo goobihii jooga in kooxuhu ku bilowdo sidii Saaxil oo kale ayay ahayd laakiin may ahayn in wakhti bilo ah laga lumiyo waayo dadkii meel alla meel loogu hagaagayaa ma jirto marka loo yeedho ee la yidhaahdo wakhtigaas ayay imanaysaa ee meel iskugu yimaadaan-ba waxa la leeyahay dib bay u sii dhacday lacag looma hayo, markaa waxaan ognahay arrintaas dambigeeda in ay iska leedahay xukuumadu ayaanu ku eedaynaynaa. Shil Diyaaradeed Oo Xalay Ka Dhacay Madaarka Hargeysa Hargeysa, December 19, 2008 (Haatuf) – Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo sidday Rakaab Xujaaj ah oo ka yimid dalka Sucuudiga ayaa xalay shil ku gashay Madaarka Hargeysa, kadib markii Ceeryaani ka qarisay gegidii diyaaraduhu ka soo cago-dhiganayeen, taas oo keentay taayir ka mid taayirada diyaaradu uu u qarxo. Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Ruush isla markaana ahayd nooca Soomaalidu u taqaano Shabeelayda, oo u kiraysnayd Shirkadda Daallo ayaa Madaarka Hargeysa soo cago-dhigatay abaaro 11:00 habeen xalay iyadoo ay saarnaayeen ilaa soddomeeyo Xujaaj ah, kuwaas oo aanu wax khasaaro ahi ka soo gaadhin shilkaas. Shilkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii Ceeryaan dhacaysay xilligaas awgeed uu duuliyaha diyaaradaasi arki kari waayay dhabadii diyaaradu ka soo fadhiisanaysay oo meel badhtanka oo aan ahayn halkii loogu talo-galay inay diyaaraduhu ka soo cago-dhigtay diyaaradiisa ka soo fadhiisiyo, taas oo sababtay in taayir ka qarxo isla markaana uu halis geliyo xujaajtii rakaabka ahayd. Dhinaca kale waxaa habsaan ku yimid duulimaadkii Khamiis walba iman jiray Madaarka Hargeysa ee Daallo Airlines, kaas oo ka iman jiray magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxaanay dadkii sugayay eheladooda la duulimaadkaas la socdaa ay ilaa xalay kowdii ku sugnaayeen madaarka Hargeysa, iyadoo dadka musaafiriinta ah ee duulimaadka la socdaa ay guryahoodii magaalada London ka soo amba-baxeen 12-kii duhurnimo ee maalintii dorraad Arbacadii kuna xareysnaayeen madaarka Heathrow oo ku yaal duleed magaalada London, waxaanay ahayd inay subaxnimadii shalay yimaadaan magaalada Hargeysa, hase yeeshee waxay dadkaasi shalay uun ka soo duuleen magaalada London, iyagoo markii dambena lagu xayiray Madaarka Djibouti oo ay soo gaadheen abaaro 10:00 habeenimo ee xalay, waxaana la filayaa inay maanta subaxnimada ka soo duulaan halkaas oo ay Madaarka Hargeysa soo gaadhaan. Tan iyo intii ka dambeysay qaraxyadii 29-kii October waxaa istaagay duulimaadyadii shirkadda Ethiopian Airline oo ay ahayd shirkadda labaad ee si rasmi ah Somaliland uga shaqaynaysa isla markaana ay musaafuriinta dalalka Yurub iyo Ameerika ka imanayaa u soo raaci jireen Somaliland. Inkasta markaa horeba ay labadaa shirkadood oo ku keliyeystay duulimaadyada dadka rakaabka ah ee wadamada dibadda ka imanaya iyo tartan la’aan ka jirta dhinaca duulimaadyada awgeed aanay wax ixtiraam iyo qadarin ah siinin rakaabka iyo macaamiishooda, haddana waxaa imika duulimaadyadii keli ku noqotay shirkadda Daallo, taasina waxay keentay in dadkii musaafiriinta ahaa ay muddo dheer ku xayirnaadaan garoomada Djibouti iyo kuwa London ee qabowga badan. Madaxweyne Rayaale Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud Qaarna Isku Beddelay Hargeysa, December 19, 2009 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Shalay waxa uu Magacaabay Agaasimeyaal guud halka uu qaar kalena uu isuku bedel uu ku sameeyey , sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada. Agaasimayaasha Madaxweynuhu uu magacaaba iyo kuwa laysku beddelay ayaa waxay kala yihiin, agaasimaha Guud ee Wasaarada qoyska, Warfaafinta iyo Horumarinta miyiga. Warsaxaafadeedkan oo uuu ku sexeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayaa waxa uu u qornaa sidan. “Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uumagacaabay Agaasimayaal guud oo uu isbedel ku sameeyay xilalkii ay hore uga hayeen Wasaaradaha qaarkood. Madaxweynuhu isaga oo tix gelinaya in la dar dar geliyo hawlaha Qaranka , xilalkana loo guto si hufan oo ummada wax loogu qabto , waxa uu isbedel ku sameeyay Agaasimayaasha soo socda: 1. Axmed Xasan Yuusuf oo hore u ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Qoyska waxa loo beddelay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta 2. Jaamac Maxamed Cabdi oo hore u ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta waxa loo beddelay inuu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga 3. C/raxmaan Maxamed Maal ayaa waxa isagana loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Qoyska . Sidaa daraadeed, waxa wareegtooyinkaasi maanta soo saaray ku amray in ay xilalka la kala wareegaan Agaasimayaasha guud ee la magacaabay sida ugu dhakhsaha badan. “Wasaaraduhu Marka Ay Xeerarka Ku Soo Ansixinayaan Golaha Xukuumaddu Waa Inay Wasiiradu Isla Soo Waafaqaan” Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax Hargeysa, December 19, 2008 (Haatuf) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee goolaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo khudbad ka jeediyey aqoon iswaydaarsigii golaha wakiiladu u qabteen xeerka maamulka Biyaha oo shalay la soo gabo gabeeyey ayaa u soo jeediyey wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda marka ay xeerarka ku soo ansixinayaan golaha wasiirada ay awoodaha xeerarka wasaaraduhu naaqishaad iskula soo sameeyaan ka dibna ay soo ansixiyaan. Iyadoo dhinaca kalena aqoon isweydaarsigaasi oo ay soo qaban qaabiyeen gudida khayraadka dabiiciga ee golaha wakiiladu muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu ka socday hotelka Ambasadoor ee magaalada Hargeysa ay xildhibaanadu guddidaasi agaasimeyaasha wasaaradaha, maareeyeyaasha guud ee hay’addaha dawladda iyo aqoonyahanadii ka soo qayb galay ay doodo xasaasi ah ka yeesheen awoodda xeerka maamulka biyaha iyo wasaaradda xaqa u leh fulinta xeerkaasi, taasi oo aanu xeerku si cad u bayaaminayn wasaarada leh awooda fulinta xeerka biyaha. Taasi oo wasaaradaha macdanta iyo biyaha, beeraha, horumarinta reer miyiga, xanaanada xoolaha ay masuuliyiintii ka socday si weyn ugu kala aragti duwanaayeen wasaaradda saamaynta ku yeelan karta fulinta xeerka biyaha. Aqoon isweydaarsigan oo uu shalay soo xidhay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladu Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ay ka soo qayb galayaashu gunaanadkii aqoon isweydaarigaasi iskula qaateen in guddi ka kooban wasaaradaha macdanta iyo biyaha, Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Horumarinta reer Miyiga, Maamulada Wakaaladaha Biyaha iyo Dawladaha Hoose ee Gobolada dalka ay isku soo ururiyaan nuxurka doodihii ka soo baxay doodii xeerka maamulka biyaha, kaasoo gudidaasina ay natiijada talo bixinta xeerkaasi ay guddida khayraadka dabiiciga ay golaha wakiiladu maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda ay qoraal ugu gudbin doonaan. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah guddida khayraadka dabiiciga wakiilada ee iyagu aqoon isweydaarsigan soo qaban qaabiyey isagoo arinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “aqoon iswaydaarsigan aaan u qabanay maamulka biyaha waxa ay ujeedadiisu ahayd si fikrado iyo wada tashi ay uga yeeshaan hay’addaha dawladdu ee uu khuseeyo, runtiina guddida todobada xubnood ee aynu ka magacawnay aqoon isweydaarsigani waxay isku soo ururin doonaan nuxurka doodihii iyo talo soo jeedimihii laga bixiyey qodobada xeerka taas oo aanu anaguna guddi ahaan marka ay noo soo gudbiyaan aanu si dhakhso ah u hor geyn doono xeerkaasi iyo talo bixintiisaba fadhiga ugu horeeya” Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax oo isaguna halkaasi khudbad ka soo jeediyey ayaa isaga oo tix raacaya dooda wasaaradaha dawladda iyo ka soo qayb galayaashoodaba ay ka yeesheen awooda fulinta xeerka maamulka biyaha ayaa waxa uu yidhi gole ahaan waxa aanu balan qaadaynaa in talo bixinta ay gudida khayraadka dabiicigu ay ka keenaan soo jeedimaha aad ka bixiseen xeerka maamulka biyaha aanu golaha hor geyn doono goluhuna marka xeerkaasi la hor geeyo wuu ka doodi doonaa, kaabid iyo wax ka badalna wuu ku samayn doonaa wixii uu u arko inay toosanyihiina wuu qaadan doonaa waxaadse moodaa xeerkan oo golaha wasiiradu ay hore u soo ansixiyeen in wasaaradihii uu khusaynayey sida wasaaradaha Beeraha, Macdanta iyo Biyaha, Xanaanada xoolaha, ay ku kala aragti duwan yihiin fulinta maamulka xeerkan iyo awoodihiisa runtiina xeerkan waxaa soo ansixiyey wasiiradii wasaaradahan waxaana haboon in marka ay wasiiradu xeerarka ay golaha xukuumadda ku soo ansixinayaan ay naaqishaad iyo doodo ka yeeshaaan wasaarad kastaana xeerka ay soo diyaarinayso ay marka hore gudahooda odoros iyo wada tashi ka soo sameeyaan inta aanay gudbinin, sidaa darteed talooyinkiina aad ka soo saaraysaan aqoon isweydaarsigan waanu tix galinaynaa” Waxaa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay agaasimaha maamulka lacagta ee shirkada Shaaba ee gacanta ku haysa Biyaha Boorama Cabdi C/laahi, Agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaha iyo haya’daha dawladda.Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Oo Hawlgalo Ay Ku Qabqabanayaan Gaadiidka Dawladda Ka Bilaabay Hargeysa Hargeysa, December 19, 2008 (Haatuf) – tiraba dhawr gadhi oo ka mid ah gaadiidka ay leedahay dawladdu ayay shalay ciidamada nabadgelyada wadooyinku ka qab qabteen goobo ka mid ah jidadka gaadiidka ee gudaha magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku xareeyeen qaar ka mid ah gaadiidkaasi xayn daabka saldhiga dhexe ee booliska magaalada Hargeysa. Lama oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamada nabadgelyada waddooyinku u qabqabanayaan gaadiidka dawladda, hase yeeshee sida ay Haatuf u sheegeen ilo xog ogaal ah qabqabashada gaadiidkan dawladda ayaa ah amar ka soo baxay xukuumadda dhexe gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha, iyadoo ujeedada qabqabashada gaadiidkan looga dan leeyahay in loo diro gobolada Sool iyo Sanaag si ay gaadiidkaasi uga hawlgalaan hawlaha diiwaangelinta ee goboladaasi ka dhici doonta. Arintan qabqabashada gaadiidka dawladda ayaa ka dambaysay kadib markii ay xukuumadda Rayaale iyo Komishanka doorashooyinku habeen hore gaadheen heshiis sheegaya in goobaha aanay doorashooyinkii hore ka dhicin, isla markaana aan hore loogu talo galin in diiwaangelintu ka qabsoonto ee gobolada Sool iyo Sanaag ay xukuumaddu kharashka bixinayso. komishanka doorashooyinka ayaa sheegay inaanay iyaga qorshaha ugu jirin inay diiwaangelin ka hir galiyaan goobihii aanay hore doorashooyinku uga dhicin, hasa yeeshee ay arintaasi wax iska badaleen kadib markii ay xukuumadda madaxweyne Rayaale balan qaaday diiwaangelinta goobahaasi Sool iyo Sanaag Bari ee lagu muransanyahay.
|