Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1962 February 12, 2009                  safar17,1430H

Maraakiibta Kaluumaysiga Ee Shisheeyaha Oo Faro Baas Ku Haya Xeebaha Somaliland Khasaarena Soo Gaadhsiiyey Kalluumaysatada Wadaniga Ah

Soo Dhawaynta Shariif Ee Muqdisho, Hanjabaada Kooxda Xisbul Islaam Iyo Hoobiyeyaasha Lala Beegsaday Vila Somalia

Halkuu Ku Dambeeyey Xidhiidhkii Wacnaa Ee UDhexeeyey Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweyne Rayaale

“Haddii Aad Ka Dhiidhiyi-Waydaan Waxaad Ogaataan Inuu Berri Boqor Idinku Noqonayo”

“Wuxuu Waajibku Ahaa Xilkii Iyo Awoodihii Guddidii Diiwaangelinta Ururada Siyaasiga Ah Ee La Kala Diray Lagu Wareejiyo Komishanka Doorashooyinka”

 

Warbaahintu Waa Inay Saxdo Shirkii UDUB Eemaansoor Ereyga Doorasho Aan Dhicin

“Arrinta Guurtidu Waxay U Muuqataa Inuu Cadow Somaliland Soo Gacan Geliyay Oo Uu Inoo Dhigay Qorshe Aynu Khalkhal Siyaasi Ah Ku Galno”

“Sheekh Shariif Xagee Buu Ka Taagan Yahay Somaliland, Muxuu Kaga Duwan Yahay Kuwii Hore, Xukuumaddu Ha Inoo Sheegto” Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, February 12, 2009 (Haatuf) – “Odayaasha Guurtida waxaanu ugu baaqaynaa maanta maaha maalinteedii haddii ay ka hoostay, haddii loo soo dhiibay iyo hadday meel soke wax ka eegeen dib ha uga fiirsadaan, ha sugeen 29-ka March wixii ka dambeeya markaanu doorashada Madaxtooyada qabano waxaad doontaan bedela” sidaa waxa yidhi gudoomiye-kuxigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xiisadda waqtigan xaadirka ah ka taagan golaha guurtida iyo arimo kale oo ay ka mid yihiin, doorashada madaxtooyada iyo mawqifka ay xisbi ahaan ka taagan yihiin, sidoo kale wuxuu dareen shaki leh ka muujiyey hadaladii ka soo yeedhay xukuumadda Somaliland ee ku saabsanaa xukuumadda Sh. Shariif, wuxuuna Muuse Biixi arimahaa iyo kuwo kaleba ka hadlay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiska KULMIYE, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay: “Maanta (Shalay) waxa la xereeyay murashixiintii oo ay saddexda xisbi-ba xareeyeen. Shalay [dorraad] waxa la saxeexay heshiiskii tirakoobka lagu shaandhaynayay oo ah inuu tirada dadka footaynaysa degdeg u soo saaro, waxa uu dalku ku jiraa doorashadii ugu weynayd oo ah tii Madaxtooyada. Maanta qof walba, hay’ad walba iyo urur walba waxa waajib qaran ah inuu ilaaliyo nabadgelyada, wixii dhexdiisa ahna dhulka dhigo oo aynu dhammaanteen u jeesano sidii ay si nabadgelyo ah inoogu dhici lahayd doorashada Madaxtooyadu. Markaynu distoorka eegno dalka labada hay’adood ee ugu sareeyaa waa Madaxtooyada iyo Guurtida, baratakoolka koowaadna waxa leh Madaxtooyada iyo Shirgudoonka Guurtida. Waxa nasiib-darro ah oo aan caqliga geli karin oo aan wakhtigeedii ahayn in maanta la bilaabo olole in shirgudoonka Guurtida la bedelo. Dalku ma qaadi karo labada hay’adood ee dalka ugu sareeyaa inay isku wakhti doorasho galaan, taas distoorka ayaynu kaga sii talo-galnay inaanay labadaa hay’adood marnaba doorasho wada-gelin isku sannad, waayo cimriga Madaxtooyadana waxa laga dhigay shan sannadood, ka Guurtidana lix sannadood, ujeedaduna waxa weeye waa labadii hay’adood ee dalka u sareeyay, waa inay midi joogtaa midina doorashada ku jirtaa. Waxaanu u aragnaa arrintaas cidda ka talisay iyo cidda ka dambaysaaba inaanay Somaliland u danaynayn, waxay u muuqataa inuu cadow Somaliland soo gacan geliyay oo uu inoo dhigay qorshe aynu mar qudha khalkhal siyaasi ah wada-galno iyo doorasho. Waxa weeye cidda arrintan soo abaabushay waa cid aan ka fikirin nuxurka danta Somaliland siyaasiyan iyo nabadgelyo ahaanba. Sidaas darteed waxaanu si qaylo dheer ah ugu baaqaynaa cidda arrintaas abaabulaysaa inay maanta cagta u dhigaan, waayo marka hore waxay carqaladaynayaan doorashadii Madaxtooyada, ta labaad waxay ina gelinayaan doorashadii guurtida oo tii labaad ee ugu weynayd ah, ta saddexaad haddii aynu galno labadaa doorasho wax soo bixi doona garan mayno, taasina inoo dan maaha. Si kale haddii aynu u dhigno annaga KULMIYE ahaan shirgudoonka Guurtida masalan Saleebaan oo kale waa ninkii ugu adkaa ee naga soo horjeeday, haddii aanu dantayada siyaasiga ah ka eegayno oo KULMIYE ujeedno inuu xisbiyagu guul gaadho oo aanaan dan qaran ka eegayn, waxaanu odhan lahayn UDUB baa is-haysata oo shirgudoonkoodii iyadu ha kala ridato, uma aragno taas, waxaanu u aragnaa inay yihiin inay Guurtidu tahay hay’ad distoori ah oo Guurtida iyo Madaxtooyadu yihiin hay’ado qaranka ah oo ah in la ilaaliyo. Sidaas darteed Saleebaan oo ah ninkii ugu adkaa ee naga soo horjeeday ee la ogaa doorashadii hore ninkii 80% hirgeliyay inay UDUB guulaysato, maantana shirgudoon iyo awooddaa u leh haddii dan siyaasiya ka eegayno waxaanu odhan lahayn waa fursade ka faa’iidaysta, laakiin maaha ee danta qaranku laba doorasho oo Guurti iyo Madaxtooyo ma wada geli kartee taas halaga daayo ayaanu leenahay.”

Muuse Biixi waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday dareemo badan oo uu walaac ka bixiyay, sida hadalkii Madaxweyne ku-xigeenka ka soo yeedhay ee loogu gacmo haadinayay Shariifka Madaxweynaha Somalia loogu soo cumaamaday Djibouti iyo arrintan ololaha lagu riddayo shirgudoonka Guurtida, kuwaas oo uu sheegay inay dareemo hor leh abuureen,

Muuse Biixi arintan waxa uu ka bixiyey dareen siyaasiya, isagoo tixraacaya hadalkii dhowaan ka soo yeedhay Madaxweyne-kuxigeenka, wuxuuna yidhi: “Waxaan raacinayaa intaas, arrintaasi dareemo badan bay soo xoojinaysaa oo weliba wararku siday nagu soo gaadhayaan haddii ay sax yihiin Madaxtooyada ayaa arrintaas ka dambaysa oo soo dhaqaajisay oo aad loo xaqiijinayo sida warbaahintu sheegayso, haddii ay dhab tahay in arrintaas Madaxtooyadu ka dambayso, waxa imanaya dareemo badan. Dareemadu waxay ka dhashaan markaad isu geyso dhacdooyin iyo warar isa soo taraaya. Muddo gaaban gudaheed waxa jiray oo isdabayaalay, shirkii UDUB intii ka dambaysay, UDUB waxaa ka soo baxay cod aynaan hore u maqli jirin oo ah wax la qabsashada Koonfurta, waxaad moodaa xukuumadda hadda joogta iyo UDUB inay aad si aan gabasho lahayn u soo dhawaynayaan ninka imika loo cumaamaday Koonfurta. Waxaynu ogeyn iyadoo kuwii kale ee ka horeeyay – Cabdi-Qaasim, Cali Mahdi, Cabdillaahi Yuusuf – mid walba aynu lahayn annaga halkaas ayay naga taagan tahay oo laba dawladood oo jaar ah baynu nahay. Weli maynaan maqal ninkan Djibouti lagu soo cimaamaday ee Shariif la leeyahay wuxuu ka bedelay siyaasadii hore ee Koonfurta, meesha uu Somaliland ka taagan yahay maynaan arag, waxaynu ugu beerhaqno oo loo soo dhaweeyo oo aynu nidhaahno kuwii hore ayuu kaga duwan yahay ma hayno, xukuumadda iyo UDUB hadday hayaan ha inoo sheegeen. Taas anigu markii hore dareen badanba kamaan qabin oo waxaan u arkayay uun maadaama aynu in badan oo labaatan sannadood ictiraaf raadinaynay oo aynu daalanayn malaha meelahaa hala garaaco, ayaan markii hore u arkaayay, laakiin markaad waxyaabo badan isu gey-geyso oo tan Guurtidu ladhka ugu badan igu kicinayso, markaad eegto hadalkaas iyo markaad dib ugu noqoto sida loo soo dhisay Shariifka oo ka duwan sidii kuwii hore loo soo dhisay, oo kuwii hore mid dawladaha gobolka ayaa soo dhisay, mid qabaa’ilka ayaa soo dhisanayay, Shariif-se waxa soo dhistay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, sababta ay ku dooratayna waxa ugu weyn waa waddaad maadaama waxa dagaalamaya kuwa ugu cad-cadi ay waddaadada yihiin, wadaad waddaad ka hor gee bay u keeneen baan odhan karaa. Haddaba waxaynu ogeyn Sheekh Shariif wuxuu madax ka ahaa Maxaakiimtii Islaamka ee Itoobiya ay iyaga awgood uga baqatay ee ay ciidanka u soo gelisay Somalia, waayo Maxaakiimtu waxay ahaayeen kuwii yidhi waxaanu weeraraynaa Addis Ababa, waxay ahaayeen kuwii yidhi Caalamka oo dhan baanu xoraynaynaa. Siyaasaduhu way is-bed-bedelaan. Sheekh Shariif oo ciidankaa u madax ahaa isaga iyo Itoobiya waa la heshiisiiyey, raalina way ka ahayd markii imika la saaray, ciidankeediina way la soo baxday. Maxaa la kala iibsaday? Way iska caddahay, meel dheer haka doonin, itoobiya waxay ka baqaysay laba arrimood. Mid maadaama kililka 5aad yahay meel Soomaali degto, oo Soomaalidu had iyo jeer sheegato, in cidda Xamar ka talisaa ay Soomaaliweyn ku doonto oo ay mar walba halkaas fadqalalo kaga soo abuurto. Waddaadada oo Islaamka fidinaya oo Itoobiyana dal Kiristana tahay inay ku fidiyaan waddaadnimadoodii. Su’aashu waxay noqonaysaa Itoobiyaa labadaa arrimood ma xaqiijisay? Haa. Qaramada Midoobay intaan Shariif la dooran iyo dawladda uu keenayo waxa hubaal ah in damaanad (Gaurrantee) laga hayo in aanu Soomaaliweyn la soo hadal qaadin oo Itoobiya xadkeeda u nabadgeliyo, dagaal waddaadeed oo xadka ka gudba oo diin aan Itoobiya ku fidin, dee haddii kale may yeesheen Itoobiya. Kenya-na waa intaas in le’eg oo kale. Ninka Xamar ka taliyaa haddii uu labadaa ka aqbalay oo ah labadii Maxaakiimtu markii hore tebinaysay oo kaba weynaa kuwii hore ee Cabdi-Qaasim iyo Cali Mahdi, haddaba isagu muxuu iibsaday? Dabcan waxay noqonaysaa oo aan meelna laga doonayn inuu isaguna codsanayo oo uu odhanaayo waar Somaliland-tan iga cararaysa halaygula guntado, maan arkayn oo maan joogin, laakiin qof kastoo caqli lihi waa xal laysku geyn karo marka warkaas la keeno.

Maxay sii xoojinaysaa waxan imika dhexdeena ka soo baxay, hadal aynaan arki jirin oo ka soo yeedhay xukuumadda, iyadoo ay joogto doorashadii Madaxtooyadu oo ay ahayd Guurtidu baroosinkii ee ay ahayd inay deganaato iyadiina kaambayn la geliyay, oo yaa geliyay, Madaxtooyadii, labadii hay’adood ee dalka u sareeyay ayaa labadiiba la dhaqdhaqaajiyay oo kaambayn la geliyay, distoorkaanay ka soo horjeedaa. Mala odhan karaa waa wax inagu cusub oo berri wax kale ka soo bixi karaan. Tu kale ayaa iyana ra’yigaa xoojinaysa oo aad arkayso wax cusub oo wixii hore ka weyn inay inagu soo kordheen oo ka shirkii Qaramada Midoobay laga soo saaray oo ina saamaynaysa oo weliba si aan fiicnayn inoo saameynaya ayaad is odhanaysaa. U fiirso xisbigii Xaakimka ahaa, xisbigii weynaa oo maanta kaambayn gelaya in alla iyo intii UDUB soo saartay doorkii hore ee naga soo horjeeday ee ugu adkayd ee ugu codka badnayd, maanta waa banaanka, Saleebaankaas baa ugu dambeeyay. Nin doorasho doonayaa raggiisa codka u haya ee ugu ad-adag ma kala diro, bal u fiirso in alle iyo intii UDUB gundhigga u ahayd way ka maqan tahay, markaad ka soo bilowdo Dr. Cabdi Aw Daahir, ee aad Gees ku xigsiiso, Axmed Yuusuf Ducaale, Darawal, Ismaaciil Yare, Duur, Aadan Tarabi leh, waa 21 nin waa intii soo saartay UDUB doorkii hore, waa lays qaban karaa oo xisbiga rag way ka dareeri karaan, laakiin miisaanka intaas le’egi inuu ka dareero, kaba soo qaad inay ka dareereen raggaasi, yaa bedelay ee halkoodii buuxiyay. Waxa weeye haddii aan anigu danta KULMIYE ka eegayo ama kursi aan ku cararayo sida dadka qaar u dhigaan, waar maaha arrintu sidaas ee waxa weeye tan maanta raggii ka hadli lahaa ma nihin ee waxa weeye markaad sidaa wax u eegtid ee imikana guurtidii khalkhal la geliyay, miyaan halkaas la odhan karin timir laf baa ku jirta, Madaxtooyadu maxay huurinaysaa ileyn doorashadii waad arkaysaa oo wuu ka sii cararayaaba, markaa muxuu soo wadaa weeye.

Markaa waxaanu soo jeedinaynaa Guurtidu hadday doonayso inay shirgudoonkeeda bedesho ha sugto inta doorashada Madaxtooyadu dhammaanayso, ha noqoto sidii xeerku ahaa ee loo dhigtay halka hadhow muranka kala saaraysa, annagana hanagu taagnaado Saleebaan oo aad ogeyd horeba dagaalka uu nala galay maantana UDUB ah, ka baqan-mayno, danta guud baa ka weyn intaanu odhan lahayn ninkaasi ha idinka tago.

Odayaasha Guurtida waxaanu ugu baaqaynaa maanta maaha maalinteedii haddii ay ka hoostay, haddii loo soo dhiibay iyo hadday meel soke wax ka eegeen dib ha uga fiirsadaan, ha sugeen 29-ka March wixii ka dambeeya markaanu doorashada Madaxtooyada qabano waxaad doontaan bedela”

Gudoomiye-kuxigeenka KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay arimo kale oo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada, wuxuuna yidhi “Qoddobka nabadgelyada ayaan iyana ka hadlayaa, horena waan uga hadlay, qaraxyadii dhacay ee intaydun ogaydeen ku dhimatay ee halistaa ina geliyay dawladda hal saddar ayaa maalin qudha laga maqlay, waxay yidhaahdeen arrintaas Al-Shabaab baa ka dambaysay, laakiin ciddee ka dambaysay, qaabkee, waa kuma iyo sidee loo maleegay iyo maxaa inagu soo maqan inooma sheegto. Shalayto tu tii ka culus baynu maqalnay, toban gantaal oo kuwa degta lagu qaado ee diyaaradaha oo kuwa ugu qaalisan ah ayaa laynoo sheegay in la qabtay. Saaka waxa Geeska Afrika ku qornaa labadii nin ee lagu qabtay waa la sii daayay, haddii ay sax tahay oo labadii nin ee gantaalaha lagu qabtay la sii daayay cid kalena aan loo hayn waxa khatar jirana aynu ka warhayno, dawladeenu maxay inoo haysaa, ma gantaalahaan jirin oo been bay ahayd, dee wax hala inoo sheego ileyn dawladdu iyaduun baa warka oge inagu war ma hayno’e, dee sidaas wax u dhaceen uun baa inaga cabsi ina gelinaya. Nabadgelyada Geeska Afrika aad bay u dhibaato badan tahay, dagaalo badan oo ka jira, kuwa diini ah iyo kuwa kaleba, dawlad taag daran baynu nahay, waxa wanaagsan inaynu nabadgelyada iska wada-kaashano sidan si ka fiican looga feejignaado. Nabadgelyadu maaha sida dawladeenu u fasirto, afar birood oo sabbad ah oo laysku wareejiyo, habeenkii oo dadka la dhibo oo gawaadhida la joojiyo oo inamo yaryar oo askar ah dadka lagu sii daayo, taasi waa dadkii baqanayay oo la sii dhibayo, laakiin waa in la helaa qorshe nabadgelyada lagu sugayo, dadkuna ay xoriyadooda ku helayaan”.

Intaa kadib, waxay suxufiyiintii shirka jaraa’id ka qayb-gashay halkaas Masuulka KULMIYE ku weydiiyeen su’aal door ah, kuwaas oo u dhacay sidan:

S: Marka la eego hadalka Madaxweyne ku-xigeenka ka soo yeedhay, waxa jira aragtiyo odhanaya arrintu waa mid muddo soo taxnayd, odaygase ka siibatay, taas oo ah in wada-hadal la xidhiidha gooni-isu-taaga Somaliland lala galo dawladda Somalia ka hor intaan doorashada Somaliland dhicin ee aanay meesha iman xukuumad cusub, iyadoo marka la eego xubnaha dawladdu ka kooban tahay aanay ahayn dad ku ad-adag qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, sidaas darteedna ay tallaabada Saleebaan-gaal lafteedu tahay in loo arko Saleebaan nin ka horiman kara qorshe la xidhiidha wada-hadal lala galo Somalia, lana doonayo in laga takhaluso, taa sidee u aragtaa?

J: Anigu sidaa u dhigi maayo, nimanka Madaxtooyada joogana waa la doortay, kolay annagu qolodii maalintaa lahayd ka daaya ayaanu ahayn oo waa loo batay, wax xaqiiqo ah oo is odhanaya xagaas bay u riixayaan ma hayo, laakiin mid baa meesha ku jirta ilaa maalintii Burco Somaliland dib loogu soo celiyay xoriyadeeda hal su’aal baynu ku xidhnay Koonfur, ninka goormaad shiri kartaan, haddaan ku idhaahdo ma jirtid miyaad ila shiraysaa. Maya weeye. Nimanka waxaynu shiri karnaa uun inagoo laba dawladdood ah, ama Shariif ahow ama Cabdillaahi Yuusuf ahow, adigoo ogol inaynu nahay laba dawladood oo lixdankii midoobay oo kala noqday oo siman waxeena aynu ka wada hadalno, laakiin anigoo dawlad ah iyo adigoo gobol yar oo iga go’ay ah ii kaalay dee shir miyaynu isugu iman karnaa.

S: Gudoomiyaha Komishanku wuxuu carabka ka celiyay sababta Madaxweynuhu digreeto ugu soo saari waayay maalinta doorashadu dhacayso, waxaanu ku andacooday in hawsha serverku marka ay dhamaato ay soo saari doonaan warqad ay ku cayimayaan, arrintaas xisbiga KULMIYE ahaan maxaad ka leedihiin?

J: Arrintaas hore ayaanu uga hadalnay, hadalkuna wuxuu ku dhan yahay xilka in digreeto la soo saaraa wuxuu saaran yahay Komishanka, waana inay warqadda u geeyaan Rayaale. Inta aanay iyagu warqaddaa diyaarin wixii ka xumaada iyagaa eedda leh, Madaxweynaha waxay eeddu gaadhaysaa markuu saxeexi waayo, eeddaasi waxay u taallaa haddii ay habsaanto iyo haddii ay halkaa wax ka yimaadaan, horena waan u sheegnay imikana waan ku celinayaa, warqaddaas degdeg ha u soo saareen.

S: Awoodaha ama waajibaadka Golaha Guurtida waxaa ka mid ah inay doortaan shirgudoonkooda, haddiiba ay doortaan shirgudoonkooda maxaa ku jaban, maxaase idinku ka cabsi qabtaan?

J: Annagu waxba kama cabsi qabno, gole waliba isagaa doorta shirgudoonkiisa hadday dooranayaana waanu u hambalyeynaynaa, laakiin waxaanu ka hadlaynaa wakhtiga, oo labada hay’adood ee dalka u sareeya inay isku wakhti doorasho galaan waa mamnuuc distooriyan, wayna kala dambeeyaan.

S: Wakhtigii doorashada loo qoondeeyay wakhtiyar oo kooban baa ka hadhay, haddiiba ay wakhtigeeda ku qabsoomi waydo maxaa idiinka meel yaal?

J: Annaga wax aan doorasho ahayn oo na galla ma garanayno oo nagu laaban iyo shicibkaba, afar jeer oo hore ayaanu kordhinay. Annagu waxaanu taagannahay waxaan doorasho ahayn oo xal ah oo dalka aanu u hayno ninkii garanayaa ha keeno.

S: Muddo kordhintii hore xisbiga KULMIYE isagaa ugu ad-adkaa oo ka soo horjeeday, imika sida hadalkaaga ka muuqata waad ka soo horjeedaan, waxaana la yidhaahdaa muddo-kordhintii hore adiga (Muuse) ahaan ayay ka timid, markaa Malaga yaabaa inay tanna marka ay timaado aad ogolaataan muddo-kordhin kale?

J: Horta midi waa runtaayoo raggii berigii hore markay dawladdu nagu soo adkaysay iska baqday baan ahaa ee yidhi kaadi badane waa loo go-gol badiyaaye bal inaga daaya intuu buuq dhici lahaa, wixii dadka dareenkoodii wuu igu soo noqday. Annagu maanta allahayo ka alle waxaan doorasho ahayn oo aanu haynaa ma jirto, taas baana inoo ballan ah, cidii xal kale keenaysaa ha keento, annaga KULMIYE doorasho uun bay nagaga go’day, hadal kale oo aanu haynaa ma jirto.


Guddoomiyaha Komishanka Oo Ka Warwareegay Sababta Uu Madaxweynuhu Degreetada Ugu Soo Saari Waayey Maalinta Doorashada

Hargeysa, February 12,2009,(Haatuf)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jaamac Sweden ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu Serverku u shaqaynayo, isagoo sheegay in ay codadka saxda ah  iyo kuwo khaladka ahba kala saaridoodu ay qaadanayso inta bishan ka hadhay.

Waxaa kale oo uu sheegay in saddexda xisbi  musharaxiinta u tartamaysa  ay soo gudbiyeen magacyadoodii, isagoo arimaha ka waramayana waxa uu yidhi  “marka hore Diiwaangelintu waa tii dhamaatay, hawl wayn bay ahayd oo wadanka daafihiisa laga qabtay, marka waxaa weeyaan si hawshii loo ururiyo oo liiskii kama dambeysta ahaa looga soo saaro waa in la hawlgaliyaa Serverka si uu u kala saaro una kala shaandheeyo wixii ku celin meeshaa ka dhacay, taana waxa go’aankii shalay (Doraad) u sal ahayd marka ugu horeysa dadkii faraha laga qaaday la Mariyo mishiinka barnaamijku ku jiro ee ku celcelinta ka saaraya, wixii farta ka tagayna nidaam sawirka lagu kala saarayo ayaa la marinayaa, oo u soo reebaya hal kaadh cod iyo kii jinsiyada, markaa waxaa weeyaan heshiiska xisbiyada la galnay waxay dulucdiisu tahay sidii loo kala shaandhayn lahaa Serverka ee looga saari lahaa wixii khalad ah ee galay si diiwaangelinta Somaliland u noqoto mid xalaal ah oo ruuxu hal cod leeyahay”

Isagoo dadka laba codeeyey ee labad kaadhsita ugu baaqay inay soo celiyaan, waxaanu yidhi “  waa in ruuxa kaadhkiisa la kansal gareeyo ee laba jeer codeeyey, waa inuu degdeg komishanka ugu soo celiyo, haddii uu ku soo celin waayo waa dambi, markaa guud ahaan waxaanu isku raacnay waxa weeyaan sidii serverka lagu dhaqaajin lahaa, anaga iyo xisbiyada Qarankuba, si fiicana waanu iskugu wada raacnay”

Su’aal kale oo la waydiiyey oo ahayd in musharaxiintu soo gudbiyeen  oo haatan gacanta ay ku hayaan musharaxiintii saddexda xisbi ee doorashada ku tartamayey jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka saddexda xisbi-ba, isagoo guddoomiyaha su’aashaas ka jawaabaya waxa uu yidhi “ horta waxa weeyaan wakhtigii soo xoreyntu wakhti buu leeyahay oo 45 cisho ka hor doorashooyinka ayaa la soo xareeyaa, kolkaa xisbiyada Qaranku maanta (Shalay) ayey wada keeneen, xisbiga UDUB waxa musharax u ah Daahir Rayaale Kaahin, waxaana madaxweyne ku xigeenka u sharaxan Axmed Yuusuf Yaasiin, xisbiga KULMIYE waxa musharax u ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ku xigeena u ah Cabdiraxmaan Saylici, xisbiga UCID, waxa madaxweyne u sharaxan Faysal Cali Waraabe, madaxweyne ku xigeena waxa u sharaxan Dr: Maxamed/Rashiid Sh. Xasan.

S: taas macneheedu waa ololihii waa la gali karaa wakhtigan iyo wixii ka dambeeya ?

J: way kala horeeyaan oo waxa la yidhi ooddo dhacamo sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa, marka ugu horeysa shuruudaha cashuurtii ayaa la bixinayaa, oo nidaamkii caadiga ahaa ayaa la marayaa, aniguna serverkii iyo hawshiisii ayaanu aad ugu foorarnaa, oo kow ka ah shaqadaanu hayno, si aanu ummadan ugu helno liis xalaal ah oo ay ku tartamaan taas ayaana sal u ahayd inay diiwaangelintu noqoto mid caalamiya (International Standar) leh.

S: Markaa ma waxaad leedahay doorashadii 29 ka March way dhacaysaa ?

J: wax isbedel ah oo aan isleenahay way dhacayaan ma jirto oo wax waliba sidoodii ayey u dhacayaan.

S: Arrintan la sheegayo maalmahan ee madaxweynuhu inuu degreeto ku soo saaro in maalinta 29 ka March doorashadu dhacayso maxay tahay taasi xaga sharciyan ?

J: Horta Komishanka Qaranka ayaa wakhtigan doorashada la qabanayo xaq u leh, dadku inay wax kala bartaan weeyi, waxaa weeyaan waxa komishanka xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay, waxa weeyaan arrintaasi arrin komishanka Qaranku u leeyahay kol allaale kolka uu soo saaro ee uu wakhtiga qoro ayuu madaxweynuhuna degreeto ku soo saarayaa, taas ayaa markaa la raacayaa.

S: Serverkan kala shaadhaynaya ee  ku celceliska tuuraya iyo wixii khalad ah iyo wixii saxa, ee wixii saxa soo saaraya ee goob kasta la ogaanayo ciddii ka codaynaysay inteebay ku dhamaanaysaa ?

J: waxaanu is leenahay haddii sidii aanu rabnay wax walba ku dhacaan in inta bisha ka hadhay uu dhamaado, waa arin la wada dul joogo, oo International Committee, deeq bixiyeyaashii way dul joogaan, way eegayaan in mashruucani hirgalo, anagii waan dul taaganahay, waxaa weeyi in la helo liis, xalaal ah ayey hawsha ugu wayni tahay.


“Berberi Way Ka Hor Dhimatay Dalka, Baddeedii Maraakiib Ayaa Laga Kireeyey Oo Kalluunkii Badda Xaalufisay”

Md: Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa, February 12,2009 (Haatuf)- “Waxaan ku faraxsanahay ogaanshaha ay reer saaxil ogaadeen in nidaamka maanta joogaa  aanu reer Saaxil anfacaynin, siday ku garteen ee aan kala hadhka lahayn aad ayaan ugu bogaadinayaa, waxaan u arkaa inay maskaxdoodu ka jawaabtay dhacdo dhaba oo jirta oo waliba si midnimo leh, Sheekh, Berbera, wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa marka loo eego dareenkooda uu yahay mid sumad kaliya leh, aadna waan ugu faraxsanahay in uu dareenkoodu halkaa gaadho, gobolada kalana waxaan jeclahay inay kaga daydaan” sidaa waxa yidhi Mudane Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu sidoo kale khalad ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka ee uu kaga hadlay arimaha Somalia, taas oo uu sheegay inay dambi weyn tahay isla markaana shacbiga u soo jeediyey inay fiiro gaar ah ka yeeshan arimaha noocan oo kale ah.

Md: Qabile waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xafiiska wargeyska Haatuf nagu soo booqday

Md: Qabilo Isagoo arimahaas iyo kuwa kalaba ka hadlaya waxa uu yidhi “ waxaa hadal naxdin leh hadalkii ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka JSL ee ahaa wax la qabsiga xukuumada cusub ee ka dhalatay Somalia ee Sh. Shariif madaxda ka yahay, hadalkaasi muu ahayn hadal la hilmaami karo ama si fudud layskaga yidhaahdo, boqolaal qof ayaa dhib ku mutay mise waa nin xil u sida dalka, hadalkaasi dareenkiisuu lahaa.

Waxaa kale oo aynu ogsoonahay tan iyo afartii sanadood ee u dambeeyey ay jireen heshiisyo caalami ah iyo kuwo goboleedba oo ay galayeen xukuumadda madaxweyne Rayaale oo ay ugu dambeeyeen dhaqdhaqaaqyadii iyo shirarkii ay galeyeen ee ka dhacay Jabuuti iyo dalalka kale ee jaarka, sidaa awadeed waxaynu ogsoonahay in dawlad cusub loogu dhisaayey Somalia, sidii kuwii ka horeeyeyba loogu dhisay, waxa weeyaan Somaliland waxay gooni isu taageeda qaadatay 18 May, 1991-kii, waxbadana way qabsanaysay oo geeddi socodka iyo xaqiijinta himiladeeda ay ugu soo jirtay, maanta waxaan u arkaa guryo noqosho inay hadalo noocan oo kale ahi ka soo yeedheen madaxdeena, waxaanse u dacal saarayaa muddo hore oo kordhay oo loo kordhiyey oo qayral sharci ahaa, oo aan u arkayo qodobka 33 ee doorkii hore loogu kordhiyey halka sanno inuu ahaa mid mugdi ku jiro, waayo nabadgelyo baahday oo dalka ku fidday may jirin, haddana markii laga maarmi waayey wada tashi asxaabta dhexmaray uu ku meel maray kaasi.

Waxaan imika ogsoonahay Komishanka Qaranka iyo saddexda xisbi Qaran inay ku heshiiyeen hab dhaqankii iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada oo muddadeedu ku eegtahay 29 ka March,2009, galabtoo u dambeeysa guddoomiyaha komishanku waxa uu BBC-da ka sheegay in aanay wax ciladi hortaagnayn in muddadeedii ku qabsoonto, muddada bisha ka hadhayna ay ku dhamayn karaan Server-ka iyo waxyaalaha farsamooyinka ee loo baahnaa, una diyaargaroobayaan hawlahooda, maadaama oo saddexda xisbi ku heshiiyeen taa, waxaa ayaan daro ah in maalmihii u dambeeyey iyadoo wax waliba uu gebaabsi yahay, geeddi dheerna loogu soo jirey sidii ay doorasho xor oo xalaal ahi dalka uga dhici lahayd, waxaan marka hore u mahadnaqayaa saddexda xisbi iyo komishanka doorashooyinka oo inta muuqata muujiyey dadaal, waa damin daabyo in la soo weeraro golihii dhamaa ee guurti oo lagu soo furo aduun, ujeedada lagu furfurayaana ay tahay in laga leeyahay bedelkiisa hadaf siyaasi ah oo ka dhana himilada iyo ujeedooyinka  Somaliland, waxaanu u aragnaa hagar daamooyin qarsoon oo siyaasi ah, wixii hore haddaan waxba laga odhan waa umada Somaliland ugu baaqayaa in ay digtooni ka qabaan arinkasta oo ay ku kacdo xukuumadda Rayaale inay tahay dibin daabyo iyo habsan la samaynayo.

Ugu dambeyntii shirarka Jabuuti hadh-madow ayey ku beegan yihiin marka aan isla doonto iyaga iyo hadalkii Madaxweyne ku xigeenka ka soo yeedhay, waxaad moodaa markaa in ay jiraan dano qarsoon oo lid ku ah qaranimada Somaliland.

Waxa kale oo aan hambalyeynayaa dadaalka ay muujiyeen dadweynaha reer Saaxil ee aan xildhibaanka u ahay oo ay si mugleh ugu muuqatay in xukuumadan waqtigeedu gebogabada tahay ay tahay mid aan anfacayn, aad ayaan ugu hambalyeynayaa inay halkaa ka sii ambaqaadaan, midnimadoodana ay sii adkeeyaan.

Mar la waydiiyey su’aal ahayd arrimahan aad sheegtay ee heshiisyada jabuuti la galeen Somaliland ee aad leedahay waa qarsoodi maxay yihiin.

Isagoo arrintaas ka jawaabaya waxa uu yidhi “ waxa weeyi heshiis kasta oo la galo sida dastuurku sheegayo waa in la keenaa golaha Wakiilada si loo darsi nuxurkiisa, muddo afar sanno ah ayuu goluhu jirey wax heshiis ah lama soo hordhigin, maadaama oo anagoo  golihii wakiilada nahay oo aanan ka jawaabi karin heshiisyadaa waxay yihiin, xilligana waa xilli xasaasi ah oo ay dareemadu muuqdaan, mooshino hore oo arintan ku saabsana in ay habdhaqankan  xukuumadu bedesho gudbinay, laakiin xukuumadani dhagaha ayey ka furaysatay, maantase waxa damaqeed I xasuusiyey dareemada ku soo biirey gobolka iyo geeska afrika labadaba, Jabuuti waxay dhisaysay dhaqdhaqaaqyadaa Somaliland, waxaa kale oo jire socdaalo la hadal hayo, oo wasiirka Maaliyada oo la mooda gacanyaraha arrimaha dibada ee ina Rayaale, iyo safiiro la hadal hayo in ay iyaguna halkooda ugu tagaan halkana ugu yimaadan,  arimahaas aan golaha wakiilada la horkeenin oo aan ka warhayn mugdi ayey leedahay, mana filaayo dardaarkii uu hore u fulin ee ahaa habdhaqanka distoorku dhigayo qodobka 53 ee dastuurku xilka iyo waajibaadka golaha wakiilada uu soo mariyo, haddaba hagardaama kasta oo lagu kaco oo taa guurtidu u dambeyso waxaan leeyahay shacbiga reer Somalilanad inay feejigo intii ka badan yeesheen, xisbiyada qarankana inay midnimo iyo digtooni ka muujiyaan, waxkasta oo carqalad ku keeni kara geedi socodka dimuqraadiyada.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd waxa golahooda ka hortaagan sharciyadan uu sheegayo in ay baalmarsan yihiin dastuurka, sababta  ay talaabo u qaadi la’yihiin, waxa uu yidhi “  dabaca golaha Wakiiladu waa mid jira, oo aanan qarinayn, laakiin imika waxaad moodaa in dib loo dardargelinayo, oo hor imanayso golaha Wakiilada oo mar waloow mid la ilaababa in mid kale la istaadho, tanina way keenaysa in mooshino la keeno waanuna ku hawlanahay”

Waxaa kale oo  la waydiiyey sida uu u arko  mudaharaadkii  reer Saaxil kaga hor yimaadeen weftigii madaxweyneha, waxaanu yidhi “ haddii aad Berbera xogogaal u noqon lahayd, Berberi way ka hor dhimatay dalka, waad ogtahay baddeedii maraakiib ayaa laga kireeyey oo kaluunkii bada dhameeyey, boqol jeer ayaa dhagax la dhigay oo balanqaadyadeedu been ahaayeen.

 Waxaan ku farxsanahay ogaanshaha ay reer saaxil ogaadeen in nidaamka maanta joogaa in aanu reer Saaxil anfacaynin, waxay ku garteen ee aan kala hadhka lahayn aad ayaan ugu bogaadinayaa, waxaan u arkaa inay maskaxdoodu ka jawaabtay dhacdo dhaba oo jirta oo waliba si midnimo leh, Sheekh, Berbera, wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa marka loo eego dareenkuugu uu yahay mid sumad kaliya leh, aadna waan ugu faraxsanahay in uu dareenkoodu halkaa gaadho, gobolada kalana waxaan jeclahay inay kaga daydaan”.


“Nin waxrida ma ihiye waxbaan dhisaa cid wax ridaysaana iimay iman

Xaaji Cabdi Waraabe

“Waxaa Golahayga Ka Socda Waxaan U Arkaa Wax Aan Dalka Iyo Dadka Dan U Ahayn” Md: Maxamed Maxamuud Diiriye

Hargeysa, February 12,2009 (Haatuf)- Mudanayaasha golaha Guurtida ayaa si weyn uga xumaaday guuxa iyo olole yaasha dibadda lagaga soo furey golahooda taas oo ay ku tilmaameen inaan wakhtigan xaadirka ah loo baahnayn in wax isbedel lagu sameeyo shirgudoonka iyagoo intaa ku daray in kaambaynka laga dhex aloosay golahoodu uu ka baxsan yahay hawlihii loo igmaday dhaqdhaqaaqyada iyo ololeyaasha ka dhex oogan golaha Guurtida gudihiisa oo aanu  dareemadooda wax ka waydiinay mudanayaasha Guurtida sida ay u arkaan shirarka iyo mooshinada la sheegay in lagu ridayo shirgudoonka iyo waxyaalaha ka jira korodhsiimada xukumada ayaa waxaanu ugu horeyn wax ka waydiinay gudoomiyaha guddida joogtada golaha Guurtida xaaji Cabdi Xuseen (Waraabe) oo isagu ka mida odayaasha ruugcadaaga ah ee Guurtida mar aanu wax ka waydiinay mooshinka la sheegay in shirgudoonka lagu ridayo iyo sida uu u arko isagoo xaaji Cabdi arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ anigu nin wax rida ma ihiye, nin wax dhisaan ahay, meel wax lagu ridayana ma ogi, cid wax ridaysaana anigu iimay iman mana arag”

Md: Maxamed Maxamuud Diiriye oo isaguna dareenkiisa aanu wax ka waydiinay ayaa isaguna yidhi “ waxan u arkaa waxan golahayaga ka socda waxaan dalka iyo dadka midkoodna dan u ahayn, maxaa yeelay wakhtigan xaadirka ah oo doorashadii madaxtooyadu ay qabsoomayso 29 ka March,2009 maaha in xaalad iyo xasaasiyad golaha laga dhex abuuro”

Md:Xuseen Sahal Ciise oo aanu isagana dareenkiisa wax ka waydiinay ayaa isaguna yidhi “ golahaygu waa gole dhaqan waa golihii marjaca u ahaa qaranka arin wax lagu ridayaana ma arag haddii na loola yimaadana ma yeelayno,”

Md: Xasan Axmed Faarax oo isaguna ka hadlaya arinkaasi ayaa  yidhi “ wakhtigan lagu jiro golahayagii dadku ku hiranayey in xaalada lagu soo dhextuuro wixii golahayaga loo igmaday maaha”


Md: Siciid Cilmi Rooble Oo Wasiirka Maaliyada Ugu Baaqay Inay Shaqadeeda Qabsato Oo Miisaaniyada Hor Keento Wakiilada

Hargeysa, February 12, 2009 (Haatuf)-Mudane Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa wasiirka Maaliyadda ka dalbaday inuu miisaaniyadii Qaranka ee 2009 golaha horkeeno, isla markaana hawlihii loo xilsaaray ee uu u dhaartay uu qabsado.

Md: Siciid Cilmi Rooble ayaa tilmaamay inay miisaaniyad sanadeedkii Qaranka aanu wali horkeenin Wakiilada, taas oo ay ku jirto lacagihii lagu qabanayey doorashada madaxtooyada muddada gaabani ka hadhay.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha ee wakiilada, Md, Siciid Cilmi wuxuu sidaasi ka sheegay munaasibad shalay lagu soo dhawaynayey  boqolaal taageerayaal ah oo ka yimid gobolka Sanaag, kuwaas oo hore u taageeri jirey UDUB, balse hadda sheegay inay KULMIYE ku soo biireen. 

Md: Siciid Cilmi Rooble ayaa wasiirka Maaliyada u soo jeediyay inuu muddo todobaad ah golaha ku horkeeno miisaaniyad sanadeedka dawlada ee 2009-ka, isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaan kalmad ka odhanayaa oo aan Wasiirka maaliyada iyo xukuumada u sheegayaa, doorashadaas la gelayo ee ay bishu ka hadhsan tahay miisaaniyadeedii golaha wakiilada lama horkeenin, lacagtii miisaaniyada ee dalka loo samayn lahaana guryo ayaa lagu kireeyaa. Waxaan Wasiirka ka codsanayaa UDUB iyo shuqulkan kale inta aad ka baxdid xilkii qarankani kuu igmaday ee golaha wakiiladu kuu ansixiyay ee aad dhaarta ku martay fuli oo miisaaniyadii golaha inaad ku horgeyso wiig ayey kaa qaadan, markaa ayaad xilkaagii gudataye."

 Md: Siciid ayaa sheegay in wasiirku toddoba sannadood wax xisaab-xidh ah laga hayn, waxaanu yidhi "Iyadoo marka horeba aanad Wasiir xisaab celin keeni jirin, Toddoba miisaaniyadood ayaa golaha wakiilada intii Madaxweyne Rayaale joogay la keenay, todobadaas miisaaniyadood mid kaliya oo xisaab xidh lahayd ma jirin, si kastaba ha ahaatee miisaaniyadii ayaa lagaa rabaa,"


Taageerayaashii  UDUB Ee Gobolka Sanaag Oo Sheegay Inay U Soo Digo Rogteen Xisbiga KULMIYE

Hargeysa, February 12, 2009 (Haatuf)- taageerayaal ka yimid gobolka Sanaag ayaa shalay ku soo biirey xisbiga Kulmiye, kuwaas oo xaflad loogu sameeyey xarunta xisbiga.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga kulmiye, Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo xubno ka tirsan guddida fulinta ee KULMIYE.

Mr: Cali Guray, oo munaasibadaa ka hadlay ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa "Sidii aan gobolka Sanaag uga soo noqdayba dadka waxaan ugu necebahay reer Sanaag haddana waxaan ugu Jecelahay reer Sanaag. Reer Sanaag ayaan ugu necebahayoo niman halkan[Hargeysa nala joogay oo Wasiiro sheegta, oo Baarlamaan sheegta oo u sacbiya xukuumadda oo dadkaa ka wakiilo ah, waliba dadkaa gobolka Sanaag Daahir Rayaale cod uga doonaya markaan arko waxaan ugu necebahay nimankaa reer Sanaag. Haddana reer Sanaag ayaan u jecelahay nimanka taan arkay ku Somaliland ah oo Ku tagi waayay dulqaadkooda iyo samirkooda."

Mujaahid isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Waxyaabaha aan ku arkay ee cajaa'idbka ah waxa ka mid ah gobolka oo sadexdiisa degmo ee ugu waaweyn ay degmo walba ka socoto lacag gooniya Sanaag uun baa leh. Degmada gar-adag waxay la haysataa Burco, Degmada Ceel Afweyn Hargeysa ayay la haysataa, Ceerigaabo ayaad tagaysaa Boosaaso ayay la haysataa, waxaan weydiiyay shaqaalihii caafimaadka halka Cisbitaalka Ceerigaabo bar caafimaad, waxaanay ii sheegeen inaanu jirin,200 km ayuu caafimaadku u jiraa dadka gobolkaa ku nool"ayuu yidhi Cali. 

Cali wuxuu intaas ku daray in goobaha waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshaduna ay yar yihiin, inta jirtaana aanay qalabaysnayn.

Prof Ismaaciil Muumin Aar, oo isaguna ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye oo madashaasi ka hadlay ayaa deegaamada gobolka Sanaag ku tilmaamay dhul la wada leeyahay oo ah dhulkii awowyaasha Somaliland, waxaanu bogaadiyay taageerayaashaa go'aansaday inay xisbigiisa ku soo biiraan, waxaanu yidhi "Reer Sanaag aad iyo aad ayay ugu wanaagsan yihiin inay go'aan gaadhaan oo ay KULMIYE ku soo biiraan, Annigu waxaan idiin sheegayaa Boorame iyo xagan galbeedku wuu tashadeen oo ay ku soo biireen xisbigan, waxaan idiin sheegayaa dadku waxay go'aan u gaadhayaan qofku haddii uu Sagaal sanadood ama toban sanadood uu kursiga uun kululeeyo oo uu fadho. Miyaan dhaqdhaqaaq looga baahnayn ilayn xarako waa dan.", isagoo sii watana waxa uu yidhi "KULMIYE wuxuu waddaa oo aanu ku bedalaynaa qof xarako leh oo caqli iyo cilmi leh, dadku miyaanay lahayn? Ninkii cilmiga lahaa oo halkan taagan nin kursi uun kululeynaya miyaad ku eegaysaan, isbedelka waxa loogu baahan yahay maskaxaha ummadda in fursad la siiyo oo la eego weeye, waxaan leeyahay walaal Siddeed sanadood way innaga khasaartay halkii aynu dhignay ayuun bay ushii taalaa"Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo xafladaasi ka hadlay aad ugu mahad celiyay taageerayaashaa ku soo biiray ee ka yimid gobolka Sanaag, waxaanu yidhi "Annigoo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE farxad weyn ayay noo tahay inaanu halkan idinku soo dhaweyno, idinka ayaa si wacan u sharxay hawlaha iyo duruufta ka taagan gobolka iyo dalkaba, waxaynu wada ogsoonahay inta gobolka Sanaag baaxad iyo dhul leeg yahay, waxaan ka markhaati kacayaa dib u dhaca ku yimid gobolkaa, laakiin aan ogaano dadka Somaliland meel uu joogaba iyo gobol kasta oo uu yahayba inaan horumarkii loo baahnaa meel uu ka dhacay aanu jirin. Inkasta oo aynu nabad gelyo haysano oo aynu ilaahay ugu mahad naqayno."

Mr: Axmed Siillaanyo waxa uu intaas ku daray "Haddaanu xisbiga KULMIYE nahay haddaanu mucaaridka nahay waxa mar walba waajib noo ahayd, inaanu dalkaas nabadgelyadiisa iyo xasiloonidiisa ilaalino, dadweynaha maanta loo tilmaami maayo halka uu dalkii maanta sida kale ku sugan yahay, horumar la'aan cadaalad la'aan, musuq maasuq dhaqaalihiisii oo meel lagaga waramo aan la garanayn. Dhalinyaradii oo badda isku wada tuurtay oo wada shaqo la'a."Ayuu yidhi  Axmed Siilaanyo.

Dr. Maxamed Cabdi [Carabayto] oo ka tirsan xisbiga KULMIYE kana soo jeeda gobolka Sanaag, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dadkiisii ay ugu yimaadeen xisbigiisi, waxaanu yidhi "Annigu waxaan halkan ka caddaynayaa eray aan xaflada laga odhan oo waa la isku qaadayay reer Sanaag waxaan leeyahay waxa weeyaan Habar Yoonis barri oo ku soo biiray xisbigii KULMIYE, barrigii hore waxaan is odhan jiray malaha waa kaligaa, mar haddii aad iigu timaadeen waa guul weyn oo xisbigan u soo hoyatay, waxaana habaryoonis laga doonayaa waxay la maqnaayeen inay muujiyaan marka la gaadho doorashada."

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Jaamac Dhaliilood oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga ee hadda u soo digo rogtay KULMIYE, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ anagoo ka tirsan beelaha gobolka Sanaag Beel weyn ka mid ah horana u taageeri jiray xisbiga UDUB balse hadda uga soo wareegay xisbiga KULMIYE ka dib markaanu aragnay xaalada dalku marayo, markaanu aragnay tixgelin la’aantiisa xisbiga UDUB, markaanu aragnay siyaasada guud iyo duruufaha dalku marayo, anagoo markii hore ahayn dadkii taageeri jirey UDUB, muruq iyo maalba la garabtaagnayn waxaanu go’aansanay inaanu ka saari Karin duruufaha dalku ku jiro maanta oo ay ugu horeyso xaalada dalku marayo, way wada ogtahay rer Somalialnd waxaanu go’aansanay inaanu taageeradii iyo muruqii ku biro firfircoonidiba siino xisbiga  marba qolo ayaa la tijaabiyaa, maadaama sideed sanadood iyo in kabadan la tageerayey UDUB, maanta cadaalada waxa mudan in KULMIYE la siiyo, cadaalada waxay u baahan tahay inay kolay qof necbaano maahee muddo labaatan sanno ku dhow ayeynu cidhiidhyeynay KULMIYE, haddii aynu shacbiga reer Somaliland nahay waa inaynu cidhiidhiga ka dulqaadnaa oo xaqiisa inaga helaa”

Waxaa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, Cali Buraale iyo Xasan Cabdi Axmed oo ku hadlayay magaca taageerayaashaasi oo sheegay inay markii ay cadaalad iyo horumar ka waayeen maamulka xisbiga UDUB, ay go'aansadeen inay ku biiraan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Md. C/raxmaan Yuusuf Cartan iyo Md Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbigaasi ka soo baxay, oo taageerayaashaasi ku soo dhaweeyay xisbiga KULMIYE


Hogaamiyaha Mucaaradka Zimbabwe Tsvangirai Oo Loo Dhaariyey Jagada Raysal Wasaaraha Xukuumadda Ku Dhisan Awood Qaybsiga

Harare, February 12, 2009 (W.Wararka) – Hogaamiyaha xisbiga MDC ee dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa shalay Arbacadii loo dhaariyey inuu noqdo raysal Wasaaraha dawladda wadaaga ah ee uu yeelan doono dalka Zimbabwe.

Munaasibada dhaarta Raysal Wasaaraha Zimbabwe oo ka magaalada Harare ee caasimada dalkaasi ayaa waxaa xaflada dhaartaasi kasoo qayb galay madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

Tan iyo wakhtigii dalkaasi Zimbabwe ka dhaceen doorashooyinkii sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo keenay rabshado badan ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxweyne Robert Mugabe oo ah 84 sano jirka soo xukumayey dalkaasi tan iyo intii xoriyada ka uu dalkaasi ka qaateen Ingiriiska iyo 56 sano jirka isbedal doonka ah ee Morgan Tsvangirai oo hogaaminayey xisbiga Dhaq dhaqaaqa Dimuquraadi Doonka ee MDC.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu Morgan Tsvangirai saxaafada u sheegay in heshiisyo hore loo dhex dhigay isaga iyo Mugabe uu cagta ku laagay Madaxweynuhu, isla markaana ay adag tahay inuu la shaqeeyo Madaxweyne Robert Mugabe.

Balse cadaadis kala gedisan oo kaga yimid dalalka Jaarka la ah ayuu hada u muuqdaa Morgan Tsvangirai inuu ku khamaaray dowladd ay wada hogaamiyaan isaga iyo Mr. Mugabe.

Tsvangirai ayaa sidoo kale cadaadis kala kulmay taageerayaashiisa oo qaarkood hadda ka cadhooday in jagadaasi uu qaato Morgan Tsvangirai iyagoo ku tilmaamay dowladd uu qayb ka yahay Robert Mugabe mid aan shaqayn doonin.

Hase yeeshee dowladaha koonfurta Afrika oo bilihii lasoo dhaafay ka shaqanayey dhismaha Dowladd loo dhan yahay ee dalkaasi Zimbabwe ayaa rajaynaya in maamulkan cusub ee ku midaysan yihiin mucaaridka iyo muxaafidka dalkaasi Zimbabawe ay keeni karto in dalkaasi laga saaro dhaqaale xumada, xiisadaha iyo waliba Cudurka daacuunka oo dalkaasi ka dilaacay.

Dadka falanqeeya siyaasada dalkaasi Zimbabwe ayaa sheegay inay adkaan doonto wada shaqaynta labada hogaamiye dhex marta. Waxanay sheegeen in rajada ugu dhaw ee dalkaasi ay tahay iyadoo Raysal Wasaare Morgan Tsvangirai uu si degdeg leh usoo diyaariyo jawigii ay ku dhici lahaayeen doorashooyin xor ah.

Morgan oo ka hadlayey su’aalo laga weydiiyey sababta uu ugu biiray dowlada Mugabe ayaa sheegay inaanay jirin cid cid kale ku biirtay,  balse ay tahay laba awoodood oo mid waliba mab-da’ooda uu yahay kii ay hore u wateen.