Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1964 February 16, 2009                  safar 21,1430H

Maraakiibta Kaluumaysiga Ee Shisheeyaha Oo Faro Baas Ku Haya Xeebaha Somaliland Khasaarena Soo Gaadhsiiyey Kalluumaysatada Wadaniga Ah

Soo Dhawaynta Shariif Ee Muqdisho, Hanjabaada Kooxda Xisbul Islaam Iyo Hoobiyeyaasha Lala Beegsaday Vila Somalia

Halkuu Ku Dambeeyey Xidhiidhkii Wacnaa Ee UDhexeeyey Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweyne Rayaale

“Haddii Aad Ka Dhiidhiyi-Waydaan Waxaad Ogaataan Inuu Berri Boqor Idinku Noqonayo”

“Wuxuu Waajibku Ahaa Xilkii Iyo Awoodihii Guddidii Diiwaangelinta Ururada Siyaasiga Ah Ee La Kala Diray Lagu Wareejiyo Komishanka Doorashooyinka”

 

Warbaahintu Waa Inay Saxdo Shirkii UDUB Eemaansoor Ereyga Doorasho Aan Dhicin

Madaxweyne Riyaale Oo Balanqaaday Inuu Xilka Degdeg U Wareejin Doono Haddii Doorashada Lagaga Guulaysto

“Madaxtooyada Aan Joogo Muran Ka Iman Maayo Oo Haddii Ay U Dhacdo Inay Cid Kale Hesho Subaxaasaan Tirinayaa”

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa ballanqaaday inuu si sharaf leh xilka u wareejin doono haddii lagaga adkaado doorashada soo socota ee Madaxtooyada, waxaanu ragga kale ee la tartamaya ugu baaqay inay iyaguna sidaas oo kale yeelaan.

Madaxweyne Riyaale waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad loo sameeyay furitaanka Wershad cusub oo soo saarta sharaabka oo shalay laga furay magaalada Aw-Barkhadle oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Hargeysa, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Riyaale balanqaaday inay doorashadu si nabadgelyo ah u dhici doonto, hase yeeshee Madaxweynuhu goobtaasi kamuu caddayn in doorashadu ku qabsoomi doonto wakhtigii loo cayimay ee 29-ka bisha March 2009, iyo xiliga uu soo saari doono wareegtada uu ku muddaynayo doorashada.

“Waxa laga hadlay nabada iyo doorashooyinka, horta anigu waxaan dhinacayga ka balan qaadayaa doorashadu inay nabad u dhacdo, horta waxaan galaynaa tii afraad oo saddex baa hore inoogu qabsoomay, saddexduba si nabad ah ayay inoogu dhaceen, insha Allaahu ta danbena nabad bay ku dhici doontaa, nabad baanay ku dhamaan doontaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya xilka inuu wareejin doono haddii doorashada lagaga guulaysto, waxa uu yidhi: “Muran ka iman maayo halka [Madaxtooyada] aan joogo anigu, haddii ay u dhacdo inay cid kale hesho subaxaasaan tirinayaa anigu, waxaan u rajaynayaa saaxiibadayda kalena inay sidaas oo kale yeelaan.”

Madaxweyne Riyaale waxa kale oo uu ka digay inay doorashadu noqoto mid wax dumisa, waxaanu Illaahay ka rajeeyay inay doorashadu noqoto mid Somaliland wax ugu dhismaan, waxaanu yidhi: “Bahashu [doorashadu] waa loolan laakiin maaha inaynu waxaynu samaysanay inaga dumiso, Illaahayna inagaga dhigi maayo mid wax inaga dumisa ee wax baa inoogu dhismi doona, si sharaf iyo xarago leh baana looga qayb gali doonaa.”

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya hadalada ay warbaahinta isku mariyaan siyaasiyiintu, waxa uu yidhi: “Nin walbaaba afkiisa isagaa iska leh, inta uu ka sheegayo isagaa leh, waxaan leeyahay ninkaan afkiisa u tudhin isagaa dhib ku qaba.”

Madaxweyne Riyaale ayaan hadalkiisan marnaba ku soo qaadin eedaynta lagu eedaynayo Madaxtooyadu inay dabada ka riixayso mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo arrintii dorraad Sabtidii ka dhacday xarunta golaha Guurtida toona.


Wakiilada Oo Guda-Galay Doodda Mooshin Lagu Dalbanayo In Doorashada Madaxtooyadu Ku Qabsoonto Wakhtigii Loo Cayimay, Kuna Baaqay In Labada Gole Fadhi Wada Jir Ah Yeeshaan

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf) – Mudaneyaasha Golaha wakiilada oo fadhigoodii shalay ku gudo galay dooda mooshinka lagaga digayey in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loo cayimay, kaas oo ay golaha soo hor dhigeen 33 mudane ayaa waxay mudaneyaasha wakiiladu iskaga aragti noqdeen in aan wakhtigan xaadirka ah aanay muuqanin sansaantii ay ku qabsoomi lahayd, taas oo ay xukuumadda iyo Komishanka doorashooyinka ku eedeeyeen in masuuliyadda dibu dhaca doorashada ay leeyihiin, waxaanay doodahooda ku soo jeediyeen haddii doorashadu 29-ka March 2009 qabsoomi waydo in labada gole ee Baarlamaanku ay fadhi wada jir ah ka yeeshaan xaalada lagaga gudbi karo, taas darteedna ay distoorka qaranku wuxuu faro Baarlamaanka ay talaabo wada jir ah ku qaataan, iyadoo sidoo kalena ay mudaneyaashu doodahooda kaga dhawaajiyeen xiisada muranka dhulka ee ka taagan deegaanada waqooyi-galbeed ee Gabiley oo baryahan danbe xiisadi ka taagnayd.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada C/casiis Maxamed Samaale oo fadhigii shalay ee golaha guddoominayey ayaa waxa madasha fadhiga mudaneyaasha loogu qaybiyey Nuqulka mooshinkii lagu dalbanayey in doorashada Madaxtooyadu wakhtigii loo cayimay ee 29-ka March 2009 ay ku qabsoonto, kaas oo sidoo kale ka digayey haddii doorashadu dib u dhac ku yimaado in dalku gali doono xaalad burbur iyo qalalaase ah.

Mooshinkaas oo ay doodahooda ka dhiibteen mudaneyaal dhawr ah ayaa waxay intooda badani iskaga aragti ahaayeen in aan wakhtigan xaadirka ah aanay suurogal ahayn in doorashadu muddada kooban ee ka hadhay aanay ku qabsoomi Karin, balse ay soo jeediyeen in labada gole Baarlamaan ay fadhi degdeg ah iskugu yimaadaan haddii dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxtooyada.

Md: Bashiir Xuseen Tukaale oo isagu ugu horayn doodiisa ka dhiibtay mooshinka ku saabsan doorashada ayaa isagu ku dooday “Calaamado muujinaya in doorashadu qabsoonto ayaa muuqda, taas oo ay ka mid tahay mu’aamaradii shirgudoonka Guurtida loo soo maleegay maalintii doraad ee fashilmay, waxa tiro ciidamo milatari oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka la geeyey waqooyiga dagmada Gebilay, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in lagaga hor tago in doorasho dalka ka qabsoonto, haddii doorashadu dib uga dhacdo wakhtiga loo cayimay waxaan soo jeedinayaa in golayaasha baarlamaanku ay fadhi wada jir ah iskugu yimaadaan, isla markaana ay go’aan sharci ka soo saaraan marxalada lagaga gudbayo, hadcaan khatarta ka soo fool leh xiisada ka dhex aloosan deegaanada gobolada Gebilay iyo Awdal laga hortegin waxa iman doonta in caasimada iyo Boorama ay kala go’aan”.

Md: C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) oo isaguna doodiisa ka dhiibtay duruufaha ku xeeran qabsoomida doorashada ayaa isaguna ku dooday inaan ilaa hadda si rasmi ah loo soo saarin Digreetadii sharciyayn lahayd maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada muddadii sharciyadu ku waajibinaysayna ay dhamaatay “ilaa hadda si rasmiya looma hayo soo jeedintii Komishanka ee maalinta doorashada iyo Digreetadii uu ka soo saari lahaa Madaxweynuhu, waxaanay arimahaasi muujinayaan inaan doorasho loo diyaar ahayn, waxaan soo jeedin lahaa in guddi ka soo baaraan degta qabyada ka taagan qabsoomida doorashada goluhu u saaro, xukuumaddii iyo Komishankuba waxay leeyihiin doorashadu waxay ku qabsoomaysaa wakhtigii loo cayimay, taasina suuragal maaha oo xilligii ololaha kaambaynka doorashada ayaaba la gudo galay”.

Md: Maxamed Jaamac Cabdi ayaa isaguna ku dooday “natiijadii diiwaangelinta ka soo baxday ilaa hadda si rasmiya looma shaacin, xeerka doorashada xeer Lr 20/2001 waxa uu tilmaamayaa in 45 maalmood ka hor maalinta doorashadu dhacayso digreetada la soo saaro, qabyadaasi oo jirta in doorasho la sugo maaha, qodobka 28-aad xubintiisa 6aad ee distoorka qaranku waxa uu labada gole ee Baarlamaanka awood u siinayaa haddii arimo farsamo dib u dhac ugu yimaado qabsoomida doorashada xukuumaduna muddadii sharciyadu ka dhamaato in goleyaasha Baarlamaanku ay go’aamiyaan cidda xilkaa si ku meelgaadha u sii haynaysa muddada doorashada laga hirgelinayo”.

Md: Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) ayaa isaguna ku dooday in madaxweynuhu masuuliyadda dib uga dhaca Digreetada leeyahay soona jeediyey in golayaasha Baarlamaanku ay talo qaran ka yeeshaan haddii dib u dhac ku yimaado “marka uu madaxweynuhu digreeto ku soo saaro maalinta ay doorashadu qabsoomayso ayay bilaabmaysaa doorashadu, xil gudasho la’aanta doorashadana waxaa eedeeda iska leh madaxweynaha, waxaana loo baahan yahay in dawlad ku meel gaadh ah oo xilka sii haysa inta doorasho la qabanayo la dhiso, sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa in mooshinka lagu daro qodob 6aad oo qeexaya haddii doorashadu dhici waydo talada la qaadanayo”.

Md: C/qaadir Ismaaciil Jirde ayaa isaguna ku dooday haddii doorasho qabsoonto inaanu garanaynin jiho ay Somaliland u dhaqaaqi doonto, isagoo saddexda xisbi qaran shirweyneyaashoodii ay ku soo saarayeen musharixiinta doorashada madaxtooyada ku eedeeyey inaan wax tartan ahi gudahooda ka dhicin, “Somaliland xitaa haddii doorasho ka dhacdo meel aynu u soconayno garan mayno, saddexda xisbi ee dalka ka jira midkoodna shirweynayaashoodii ay qabsadeen laguma tartamin waxa tartan ahina kama dhicin, ninka madaxweynaha loo dooranayaa waa inuu codadka doorashada ka helo 50 Percentage, balse saddexda xisbi UDUB, Kulmiye iyo UCID midkoodna doorashadii hore kama uu helin 50 Percentage, caalamkana labada xisbi ee ugu codadka sarreeya ayaa haddana loo tartansiiyaa inuu soo baxo xisbi hela codadka doorashada 50%, taas darteed waa inaynu xeerka doorashooyinka ku darno madaxweyne 42% coddadka doorashada ka helay inaanu dalka xukumin, arimaha ku saabsan dib u dhaca doorashada muddo saddex bilooda ayaynu xubnaha komishanka doorashooyinka isku haysanay arintaa dhaliisheedana cid gaar ahi malaha, balse saamayn ayay inagu wada yeelanaysaa diiwaangelintii codbixiyeyaasha waa la fasahaadiyey natiijadii, ninka hanti geliyey sidii diiwaangelintu u fashilmi lahayd, haddii doorasho dhacdana wuu fashilin karaa, muddo kordhin ay guurtidu samaysaa wakhtigeedii wuu dhamaaday, balse dib u dhaca doorashadu waa inuu noqdaa oo kaliya arin farsamo.

Isqabadka ka dhacay golaha guurtida shirguddoonka iyo mudaneyaasha way is qabteen, laakiin waxay ahayd inay hoosta iskaga xidhaan oo aanay arintoodu dibadda usoo bixin, sidaa darteedna waxaan soo jeedin lahaa in xaalada golaha guurtida aan la sii wad-wadin, doorashaduna haddii ay wakhtigeeda ku dhici waydo waa inaynu xalkeeda iyo taladeeda ka soo tashano”.

Md: Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) ayaa isaguna ku dhaliilay Komishanka doorashooyinka dib u dhaca soo jeedinta maalinta doorashada Madaxtooyada ay u qabteen isagoo dhinaca kalena hay’adda Interpeace ee komishanka la shaqaysana u soo jeediyey in faragelinta arimaha doorashada Somaliland ay faraha kala baxdo, “Komishanka waxaan ku dhaliilayaa sababaha ay soo jeedinta maalinta doorashada ugu gudbin la,yihiin madaxweynaha si uu digreeto ugu soo saaro, hay’adda Interpeace waxaan ugu baaqayaa in doorashooyinka Somaliland ay faraha kala baxdo maxaa yeelay hay’ad qarankani leeyahay maaha, ciidamada ay xukuumadu geysay waqooyiga gobolka Gabileyna waxaan u arkaa xaalad abuur, sidaa darteed haddii doorashadu dib u dhac ku yimaado waa in golayaasha Baarlamaanku awooddooda distooriga ah u raacaan talaabada ay qaadayaan ee waajibka ku ah”.


Fadhigii Guurtida Ee Shalay Oo U Baaqday Kooram La’aan Iyo 26 Mudane Oo Ka Soo Xaadiray Madasha Fadhiga

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf) – fadhigii shalay ee golaha guurtida oo lagu waday in goluhu dood ka yeesho xeerka Komishanka Xuqiiqal iinsaanka oo ay wakiiladu hore usoo ansixiyeen mudaneyaashaana loo qaybiyey todobaadkii hore ayaa baaqday kadib markii Kooramku u buuxsami waayey mudaneyaashii kasoo xaadiray madasha fadhiga oo gaadhi waayey tirade sharciyada ee kooramka fadhiyada golaha guurtidu ku furmo, kaas oo ah 42 mudane, balse markii fadhiga shalay ay kasoo xaadireen 26 mudane oo kali ahi ayaa fadhigaasi lagu kala dareeray.

Fadhiga shalay ee golaha guurtida oo uu guddoominayey guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay madasha fadhiga kasoo xaadireen mudaneyaal tiradoodu gaadhayso 26 mudane ayaa markii la waayey kooramkii shirku ku furmi lahaa ee 42-ka mudane ayaa waxa dhacday in fadhigaasi baaqdo, Sidaa darteedna iyadoo wax hawl ah goluhu qaban lagu kala dareeray. 

Fadhigii maalintii sabtidii golaha guurtida ayaa waxa kasoo xaadiray mudaneyaal tiradoodu gaadhayso 50 mudane, balse fadhigii shalay ayaa ka duwanaa tirade kasoo xaadirtay oo noqotay 26 mudane.


Xil-Ka-Qaadista Shirgudoonka Guurtidu Ma U Egtahay Dagaal Doorasho Diidnimo Ah?

Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf/Boorama

Waa wax ku cusub Somaliland in wakhtigan oo kale la yidhaahdo xilka halaga qaado mid ka mid ah gudoomiyeyaasha golayaasha ugu mudan Somaliland, isla markaana dalka ka soo saaray xaalado adag oo kala mid dhigi lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale ayaa mar kastoo dabaylo siyaasadeed gilgilaan guriga madaxtooyada lagu arkaa Somaliland waxyaalo ka baxsan xeerarka dalka, xeerarka caalamiga ah iyo anshaxa dawladnimo, iyadoo wakhtiyadan oo kale aynu uga baranay in xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday ay gasho dagaal siyaasadeed oo shacbiga, xisbiyada mucaaradka, siyaasiyiinta iyo in cid kastoo wax garanaysaba ay la doonato waxyaalo aanay geyin, sharciga dalkuna u bannaanaynaynin.

Waxa maanta la marayaa in laga fikiro ama xukuumadda Rayaale ka fikirto in xilka laga qaado Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee doorashooyinkii Rayaale kursiga dalkan ugu sarreeya lagu geeyey qaybta libaax ka qaatay, isagoo Suleebaan Maxamuud Aadan ka mid ah siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa xukuumaddi marxuum Cigaal, balse ka hadhay markii uu geeriyooday, kuna daba faylay Daahir Rayaale, xukuumaddiisana ka soo saaray dhoobo siyaasadeed oo ay dhex fadhiisatay.

Sidoo kale ayaan shalay oo kale reer Somaliland isku ogeyn inay noqoto maalin la iskula soo meeraysto xil ka-qaadis, hebel erya, hebela magacaaba iyo arrimo kale maadaama maanta oo kale ay ahayd in xukuumadda iyo komishanka doorashooyinka ee daciifka ahi soo dhejiyaan liiskii musharraxiinta siyaasadda ee hoggaaminta dalka, isla markaana ay bilaabanto ololihii lagu soo kala jiidan lahaa dadweynaha reer Somaliland, balse la ogyahay inaan la hadalhayn wixii sharciga doorashooyinku dhigayey.

Maalmahan oo kale ayaa dawladda Rayaale ay diyaarsataa ciidan badan, hub badan iyo dhaqaale badan si ay mucaaradka ka soo horjeeda iyo xuquuqda muwaadiniintaba uga duudsido xaq ay u leeyihiin inay iska diidaan dawlad aan waxba u qaban doortaanna cid kastoo dalka horumar gaadhsiin karta.

Haddaba markaad sheekada ka socota Golaha Guurtida ee Somaliland ee ku waajahan guddoomiyihii labaad ee golahaasi soo mara tan iyo markii uu geeriyooday marxuum Sh. Ibraahim Sh. Madar ayaa ogaanaysaa in meesha Somaliland maraysaa tahay dhufayskii ugu dambeeyey ee dawladnimadeenna caalamku indhaha kaga qabsan lahaa, iska dhaaf aqoonsi la inna aqoonsadee.

Waxa dorraad Sabtidii fashilmay mooshin xilka lagaga tuuri lahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Suleebaan Maxamuud Aadan, mooshinkaas oo in muddo ahba tuhun uu ka taagnaa in la keeni doono iyo in kale balse dorraad ay caddaatay in cadaawadda siyaasadeed ee Xukuumaddu ka waddo Golaha Guurtidu uu yahay wax aan la filayn, su'aalahase meesha yaalaa waxa weeye yaa ka dambeeya mooshinka noocaas ah, yaa loo soo wakiishay, yaase fulinaya, maxaase wakhtigan keenay in tallaabadaasi odayaasha guurtidu maqlaan, yeyse dani ugu jirtaa haddii Saleebaan Maxamuud Aadan xilka laga qaado wakhtigan la galay ololihii doorashada madaxweynimada Somaliland?

Jawaabaha su'aalahaasi iyo kuwa kale oo la mid ahiba way cad yihiin, cidda wadatana waa la ogyahay, cidda loo jeedaana way caddahay, cidda ka faa’iideysanaysa mooshinka noocan ah waa la ogyahay kuna dheeraan maynno sheekooyinkeeda, balse waxa meesha taalla maxay xukuumadda Rayaale ku maagtay Suleebaan Maxamuud Aadan. Jawaabta Su'aashaasi iyo kuwa kaleba waa iska caddaan.

Waxa la ogyahay in Suleebaan Maxamuud Aadan iyo Axmed Siillaanyo ka soo wada jeedaan beelaha dhexe ee Somaliland, isla markaana la ogyahay dhibaatooyinka xukuumaddu kula kacday cid kastoo sheegata haybta Axmed Siillaanyo iyo xisbiga Kulmiye. Waxaynu la soconnaa sifihii ay shaqada ku weyday marwada Axmed Siillaanyo, waxa la ogyahay wixii qabsaday taageerayaashii Axmed Siillaanyo wakhtigii muddo-kordhinta Xukuumadda ee odayaal la soo ssamaystay ee Kulmiyow Hargeysa ka baxa ku dhawaaqayey, iyo badeecadihii laga xayiray shirkadda Al Xarbi. Waxa kale oo aynu ognahay xayiraaddii iibka xoolaha, waxaynu ognahay oo kale xadhigii Xirsi Cali X. Xasan ee Komishanka ka tirsanaa iyo wixii lagu eedeeyey ee xumaanta lahaa. Waxa kale oo aynu ognahay xadhigii siyaasiyiin badan oo taageertay xisbiga Kulmiye iyo Axmed Siilaanyo, loona samaystay odayaal kale oo xitaa isku dayey inay burburiyaan shirweynaha beeshaasi uga socday Gar-adag. Arrintan xil ka qaadistuna waa qayb ka mid ah uun dagaalkaasi xukuumaddu kula jirto beelaha dhexe ee Somaliland, gaar ahaanna haybta Axmed Siilaanyo iyo taageerayaasha Kulmiye ee ka soo jeeda beelaha kale ee Somaliland, iyadoo la ogyahay cidda ka shaqaynaysa fogeynta bulshadaa ka midka ah bulshoweynta reer Somaliland ee dagaalka u soo gashay xoreynta dalka iyo dawladnimadiisa.

Si kastaba ha ahaatee hadalhaynta xil ka qaadista Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si dhab ah u soo shaacbaxday, balse aakhirataankii lagu guuleysan waayey, waxayna u egtahay uun faa’iidooyinka Rayaale ugu jirta kala qaybsanaanta beelaha dhexe ee Somaliland iyo sida xukuumaddu u doonayso inay kala qaybsanaantaasi uga faa’iideysato xukunka Somaliland sanado kale.

Arrintaas oo uu dhawaan soo hadalqaaday Muuse Biixi, isla markaana uu ka hadlay sida aanay kala qaybi oo xukun dambe uga shaqaynayn Somaliland, ayaa ah tallaabadii ugu horreysay ee dalkan lagaga saari lahaa mugdiga uu gudayo.

Xil ka-qaadista Saleebaan-gaal haddii lagu guuleysto waxa hubaal ah inaanay dalkan ka dhacayn doorasho, dimuqraadiyad iyo isbeddel dambe sidaana uu ummadda u caddeeyey Dr. Gabboose, cid kasta oo wanaagga dalka doonaysaana ku talo-gasho wax kastoo uu ku hagaagi karo, laguna gaadhi karo horumar dhinaca siyaasadda, dimuqraadiyadda iyo dhaqangelinta sharciga dalka u yaalla.

Ugu dambayntiina haddii Xukuumaddu sii waddo dedaalkeeda ka dhanka ah xil ka qaadista ah ee Saleebaan Maxamuud Aadan iyo eryeshada guddoomiyaha mucaaradka Axmed Siilaanyo, waxa hubaal ah inaanay socon doonin qorshaha afarta wasiir ku doonayaan inay dalkan ku sii haystaan, isla markaana siyaasiyiintaasi yihiin kuwa shacbiga Somaliland iyo beelaha ay ka soo jeedaanba u hayaan kalsooni buuxda iyo taageero badan, cadaawad kastoo ay xukuumaddu kula kacdaana ay keeni doonto wax aan haabka lagu haynin.


Wershadii Ugu Horeysay Ee Soo Saarta Sharaabka Iyo Cuntada Oo Somaliland Laga Furay

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf)– Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay xadhiga ka jaray wershad cusub oo soo saaraysa sharaabka, biyaha iyo cuntada oo ay Ganacsato reer Somaliland ahi ka hirgeliyeen magaalada Aw-barkhadle oo 30 km dhinaca barri kaga beegan magaalada Hargeysa.

Wershadan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ayaa waxaa ku baxay dhismaheeda adduun gaadhaya siddeed milyan oo Dollar.

Xaflad ballaadhan oo furitaankeeda loo sameeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Xubno ka tirsan saddex Gole ee Somaliland, salaadiin, waxgarad iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Riyaale oo xafladaas furitaanka wershadaasi ka hadlay ayaa hadalkiisii ku bilaabay "Marka u horeysa waxaan Ilaahay uga baryayaa in warshadani noqoto mid waligeed jirta oo faa’iido soo saarta, dadkii maalgashadayna ay noqdaan kuwa ku dhiirada in ay warshado kale sameeyaan taasaan horta ugu ducaynayaa, warshadan ragga sameeyay waxaan is leeyahay waa geesiyaal ku dhiiraday. Inta badan in aynu shirkad samayno ayaa inagu adag, shirkad in la sameeyo warshadahan la samaynayaa bilow ayay u yihiin, shaqo badan ayay abuurayaan, dadka laftiisu aamin buu yeelanayaa inuu wax wada yeesho, waa arrin dalkani u baahan yahay. Ganacsigeenu awal wuxuu ahaa nin kastaaba inuu tunka ku sito intiisa yar wax alla wax laysku darsan jiray iyo wax la wadaagi jiray midina ma jirin, warshaduhu waxay bedelayaan dhaqankii hore waxaanay abuurayaan in dadku wax wada yeesho oo saamiyo ka iiibsado warshadaha, lacagtiisana meelo badan kala gashado qofku, isla markaana uu qofku ku xisaabtamo in shaqadiisu noqoto mid waligeedba socota" ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Riyaale isagoo aragtida xukuumada ee wershadan ku waajahan ka hadlaya waxa uu yidhi "Xukuumaddu waxay balan qaadaysaa wax alle wixii awoodeeda ah ee ay u sahli karayso ee ay ku dhiirigalin karayso ee wershadani ku shaqaynayso diyaar bay u tahay. Waxaan ku talinayaa in wasaarada wershaduhu samayso barnaamuj ay ku kala hagayso warshadaha, si ayna isu dul fuulin oo noqonin in midba mid laga daba keeno oo isla burburaan, waxa loo baahan yahay in la kala hago, sidaa daraadeed siyaasadii lagu kala hagi lahaa waa in wasaaradu si dhakhso badan golaha xukuumada u hor keentaa oo laga ansixiyo, ka dibna golaha baarlamaanka laga ansixiyo," ayuu yidhi madaxweynuhu, isagoo u soo jeediyay golaha baarlamaanku in ay ansixiyaan shuruucdii bangiyada si ay suurogal u noqoto in Somaliland laga furo bangiga Faransiiska iyo kuwa kaleba, taasi oo uu tilmaamay in ganacsatadu markaa ay heli karto maalgalin dibadeed, waxaanu yidhi: “Xildhibaanada qaar badan baa halkan jooga waxaan odhan lahaa shuruucdii Bangiyadana inay ansixiyaan si dalkan ay suurogal u noqoto in Bangigaa faransiiska iyo bangiyo kale oo wadani ahiba ay dalka uga hana qaadaan si ay u sahlanaato ganacsatadeenuna inay markaa u hesho dhiirigalin iyo maalgalin.”

"Waxaan aaminsanahay Somaliland in ay u baahan tahay hadal yar iyo hawl badan, inaan shaqayno, dadaalo, Somaliland-nimada nabada iyo dalka ayaynu wada leenahay, waxaana loo baahan yahay in qof kasta gaadh ka hayo oo gacmaha isqabsano sidaasi ayuun baynu wax ku gaadhaynaa" ayuu yidhi Mudane Rayaale.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu ka hadlay in shirkadii dhinaca sahaminta shidaalka dalka ku jira hore u qaaday in 15 bisha soo socota soo bandhigi doonaan isla markaana nadiijo fiican ka soo bixi doonto baadhitaanka dhinaca shidaalka ee ay dalka ka qaaday, sidaa darteed Somaliland markii u horeysay yeelan doonto xog sugan oo sheegaysa shidaalka dalkeeda ku jira, taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay dadaalada xukuumada, waxaanu xusay in loo baahan yahay in aynu maalo muruqa iyo maskaxdeena.

Waxa uu u mahadnaqay maalgashadayaasha warshadaasi uu furay, waxaanu ku booriyay inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.

Maareeyaha Guud ee Warshada cusub ee soo saaraysa sharaabka, biyaha iyo cuntada fudud C/risaaq X. C/laahi Qoraxay ayaa isna ka warbixiyey aasaaska warshada oo ay ka qayb qaateen hirgalinteeda saamilay reer Somaliland ahi.

C/risaaq Qoraxay isagoo ka hadlaya munaasibadaasi waxa uu yidhi “Mashruucani wuxuu ka bilowday tuulada qadiimiga ah ee Aw Barkhadle oo ah tuulo qadiimiya oo aan odhan karo sidaan taariikhda ku hayno hal magaalo oo kalya ayaa ka horeysay, waa magaaladii labaad oo saylac oo kaliya ayaa ka horeysay oo kumaan kun sano dhisnayd Aw Barkhadle waa degmadii labaad ee Somaliland ka hirgasha

waxa noo farxad ah inaanu anaguna mashruucii ugu horeeyay ilaahay na waafajiyay inaan ka samayno, mashruuc ku salaysan cunto iy sharaab samayn waxaanu mashruucani bilaabmay 2004 tii markii danbe ee aanu aragnay inay hanti badani inagaga baxdo safaro dibadaha aanu u tagno oo aanu eegnay wadanka saboolka ah lacagtiisa u dhoofaysa markaa ayaanu go’aansanay inaan halkan ka samayno dad badana ay shaqo ka helaan oo ay ganacsato farabadana fikirkii ku dhiiradaan maantana ay xukuumada Daahir Rayaale ka madaxda yahay waxa walba nala garab qabanaysay cashuur dhaaf ha ahaato , hawl fududayn ha ahaato oo ay si xad dhaaf ah noogala gacan qabatay. Mashruucan wuxuu aasaas u yahay in warshado kale oo kuwa cuntada ah iyo kuwa saliida oo aanu dibadaha ka soo korodhsanay aanu ku sii ku sii siyaadino. Qalabkani wax soo saarkiisu wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro ilaa sided kun iyo afar boqol oo kartoon oo sharaab ah iyo lix kun oo biyo ah, waxaana taageerda ugu badan aanu ka helya ceelasha biyaha ee Aw barkhadle aanu ka helay, kuwaasoo ah biyo macaan oo aad u tayo leh oo nagaga filaaday baahidii biyaha . Marxalada hore waxaanu ka bilaabaynaa ilaa laba kun iyo dhawr boqol inaan dharaartii samayno bisha afraad wixii ka danbeeyana inaan gaadhsiino ilaa sideedaa kun iyo lixdaa kun ee biyaha ah, shaqaalaha ka shaqeeyaa waxay marayaan ilaa boqol iyo dhawr iyo afartan, khubarada ka shaqaysaana waa khubaro isugu jira Hindi, Yemen, Sudaan iyo Shiine. Waxaan ka codsan lahaa xukuumada sharafta leh in hantida wadankeena lakala hago oo lagu jiheeyo meelo kale oo looga baahan yahay meelo badan ayaa jira oo aanu imikaba ognahay laakiin tamartaan inoo saamaxayn inaan ku dhaqaaqno markaa hanti cusub oo fresh ah inaan dhakhso meeshii loo dul keenin ee meelo kale loo duwo weeyi.

Wasiirka Wasaarada Warshadaha Maxamed Saleebaan Maxamed oo madaxweynaha ka hor halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay warshadaha dalka laga dhisay tiro ahaan intay marayaan iyo faa’iidooyinka dhaqaale iyo shaqo abuuriseed ee ay dalka ku soo kordhiyeen, gaar ahaan kuwaasi oo badidooda laga sameeyay Burco iyo Hargeysa.

Waxa uu madaxweynaha warbixin ka siiyay, siyaasada warshadaynta dalku halkay marayso, taasi oo uu sheegay inay xukuumada uu hogaamiyo madaxweynuhu in ay awooda saartay sidii loo hirgalin lahaa siyaasada warshadaynta dalka iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Xaaji C/kariim Xuseen "Cabdi Waraabe" oo ka tirsan golaha guurtida oo xafladaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay in ay horumarka dalka saldhig u tahay nabadgelyadu, faa’iidada ay leeyihiin warshaduhu, talooyin iyo tusaalooyin uu u soo jeedinayo siyaasiyiinta iyo arrimo kale, isagoo hadalkiisa ku bilaabay "Waxa loo baahan yahay in aynu kuligeen boolis wada noqono, nabadgelyada waa lagu soo duulay, dhexdeenaa rag walaaqayaa, waxaan anigu leeyahay nabadgelyada ha la ilaaliyo, xukuumadu waxay ku dhisan tahay shacbiga haddii aan dadweynuhu dhinaciisa boolis ka noqon xukuumada oo qudhi waxba qaban karimayso," ayuu yidhi X. Cabdi Xuseen, isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi "Xisbiyada waxa loo sameeyey oo loo danaynayaa in qabyaalada lagaga baxo, laakiin haddii xisbiyadu qabyaalad ku dhaqaaqaan dee waxba wanaagsanaan maayaan. Sidaa daraadeed xisbiyada waxa looga baahan yahay in ayna qabyaalad, iyo cay ku hadlin balse nabadgelyo ha abuureen, guurtiduna nabadgelyadeedii ha ku ekaato. Waar nin madaxnimo doonayaa nabadgelyada yuu wareer galin maanta, nabadgelyadaasi ayaynu haynaaye, doorashada hadii la kala helana ha laysu haneeyo".

Mudane Cabdi Waraabe waxa uu si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay nabadgelyadu leedahay, sida Somaliland ugu soo caano maashay iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in isku duubnaan shacab, xukuumad iyo axsaaba loo wada ilaashado, waxaanu si adag ugu dardaaray in aan la dayicin nabadgelyada.

Waxa uu mahadnaq iyo ducaba halkaa uga jeediyay qolada aasaastay warshadaa Abyan iyo xukuumada uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin hormoodka u yahayba.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye", Dr. Axmed Xuseen Ciise, gudoomiyaha rugta ganacsiga, Cabdiraxmaan Faarax Sugaal iyo xubno kale.


Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Lagu Eedeeyey Inuu Is Hortaagey Xoolo Ka Dhoofayey Dekedda Berbera

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf) – Qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaa ku edeeyey wasiirka xanaanada xoolaha inuu iska hortaagay xoolo ay leeyihiin oo ka dhoofi lahaa dekadda Berbera dhowaan, iyadoo aanay jirin wax cashuur iyo takaaliif kale toona ah oo ay dawladdu ku leedahay ganacsatada xoolahaasi iska leh.

Ganacsatadan oo ka soo jeeda degmada Alaybaday ayaa sheegay in wasiirka xooluhu uu iyaga si gaar ah u bartil-maameedsadey, isla markaana uu u hayb soocay oo xoolahoodii gaar looga madhay xoolihii kale ee ganacsatada reer Somaliland, waxaanay sheegeen inay xoolo badan oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Adhiba, oo ay leeyihiin ay daadsan yihiin inta u dhaxaysa Allaybaday ilaa Dekedda Berbera.

Gabalaax Muxumed Odowaa oo ah ku hadlayey magaca kooxda ganacsatada ah ee xoolahooda loo diiday inay dekadda ka dhoofaan, ayaa Haatuf u sheegay in xoolo gaadhaya ilaa 300,neef oo isugu jira Geel iyo Lo, oo ay leeyihiin ay hadda ku sugan yihiin inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, kuwa kalena lagu hakiyey allaybaday, kadib markii xoolihii u horeeyey madaxoodii laga reebay markabkii qaadi alhaa, waxana uu sheegay in arintaasi foosha xun lagula kacay, isla markaana aanay garaneyn sababta uu wasiirku arintaas iyaga sida gaarka ah ugu sameeyey, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ wasiirka wasaarada xoolaha ayaa amar ku siiyey dhakhtarka dekadda Berbera in aanay ka dhoofi Karin xoolo ay leeyihiin dadka hayb ahaan ka soo jeeda degmada Allaybaday, sidaa awgeed markii 30 Dibi oo loo dhameeyey wixii Document ahaa, markay gelayeen markabka uu ku soo dhacay amarkaas wasiirku dhakhtarka Dekadda , ka dibna Dibidii dib looga soo celiyey markabkii, iyada oo laga soocay Dibidii ay raaci lahaayeen, waxa kale oo jirta inaanay ahayn markii ugu horeysay ee uu Wasiirka Xooluhu talaabadan oo kale uu noogu hayb sooco, balse waxa jirey marar hore oo uu sidan oo kale noogu geystay tacaddiyo uu naga soo gaadhay khasaare badani, kaas oo aanu u dulqaadanay khasaarihii hore ee nasoo gaadhay, balse hadda ay tani tahay mid aanaan u dulqaadan Karin, sidaas darteed waxaanu u sheegaynaa Madaxweynaha iyo xukuumadaba in la weydiiyo Wasiirka xoolaha sababta uu sida gaarka ah noogu eryanayo ee uu noogu takoorayo, markaa waxaanu leenahay waa in arintaas si dhakhso ah wax looga qabtaa “ .

Wasaaraddda xanaanada xoolaha ayaa waxay sanadihii u dambeeyey noqotay mid iyadu qabata hawlihii iyo shaqadii Wasaarada Ganacsigu, iyada oo iska ilowday hawshii ay ummadda u qaban lahayd, waxana keliya ee Wasaaraddan loo igmaday ay tahay sida ka muuqata Magaceeda inay ka shaqayso xanaanada xoolaha iyo caafimaadkooda, waxaana dhacda inaynu maqalno heshiisyo ganacsi oo ay la galeen Shirkadaha ajaanibka ee ka ganacsada xoolaha, kuwaas oo uu ka mid yahay Ganacsadaha kootada loogu xidhay xoolaha Somaliland ee Al jabiri.


Xasan Godane Oo Loo Caleemo Saaray Chief Caaqilka Beesha Adurixmiin Muuse

Ceerigaabo, February 16, 2009 (Haatuf) – Beesha Aduruxmiin Muuse ayaa shalay u calleemo saartay Cheif Caaqil Xasan Faarax Jibriil (Godane), kadib markii uu geeriyooday Alla haw naxariistee cheif caaqilkii hore ee beeshaas, C/kariin X. Ducaale Jibriil, waxaana si wada jira u doortay guurtida, cuqaasha iyo aqoonyahanka tobanka ardaa ee ay ka kooban tahay beesha Aduruxmiin Muuse.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, qoraal ay ku saxeexan yihiin ilaa dhawr soddon ka mid ah guurtida, cuqaasha iyo aqoonyahanka beeshaasi ayay beeshu ugu baaqday cid kasta oo ay khusayso arrintani in aanay shalay ka hor jirin jiif caaqil ay beeshu dooratay kadib markii uu geeriyooday cheif caaqilkii hore ee beeshu magacyada ku saxeexan qoraalkan

1-Ku simaha Chief caaqilkii geeriyooday

 Caaqil Cali Maxamuud Cismaan

2-Caaqil Cabdi Xasan Cabdi

3caaqil Xuseen Faarax Maxamed

3-Guurti Maxamed Faarax Jibriil

6-Guurti Maxamed Gurey Xadhigle

7-Guurtishire Yuusuf Maxamuud

8-Guurtiaxmed Ciise Maxamed

9-Guurti Maxamuud Casaayr

10-Guurti Axmed Cabdi Axmed

11-Aqoon Yahan Xasan Xaaji Warsame(Xasan Buqus)

12-Aqoon Ayahan Jibriil Xasan Sheekh

13-Maxamuud Cali Shire

14-Guurti Cabdi Raxmaan Warsame Mataan

15-Guurti Xasan Nuur Maxamed

16-Guurti C/Risaaq Ibraahim Xadhigle

17-Aqoon Yahan Nuur Maxamed Cali

18-Aqoon Yahan Cabdi Raxmaan Axmed Cali

19-Prof. Raage Maxamiid Jaamac

21-Guurti Yaasiin Cadhood

22- G/ Faarax Jaamax (Shiina Yare)

23-G/ Ibraahim Jaamac Cismaan

24-Guurti Faarax Cali Madoobe

25-G/C/Laahi C/Le Nuux

26-G/Axmed Ducaale Aadan

27-G/Siciid Adan Axmed

28-G/Maxamuud Cawad Ucaale(Herdi)

29-G/Xasan Ducaale Dube

30-G/Maxamed Faarax Jibriil

31-G/ Maxamed Xaji Ducaale Jibriil

32-Guurti Maxamed Axmed Xayir

33-G/C/Raxmaan Maxamed Jaamac

34-G/ Cabdi Axmed Cali

35-G/ Jaamac Maxame Faarax


Jaamacadda Admas Oo Maamulka Iyo Shaqaalaheeda U Sameysay Xaflad Lagu Xidhayey Shir 3 Maalmood U Socday

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf) – Jaamacadda Admas University ayaa casuumad qaddo sharaf ah u samaysay maamulka iyo shaqaalaha, taas oo ay ku soo gabogabaynaysay shir saddex maalmood u socday maamulka jaamacada.

Shirkaas oo lagaga arrinsanayey siddii hawlihii jaamacada loo dardargelin lahaa, isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada Jaamacadda Admas, sidoo kale waxaa iyana lagu soo qaaday khilaaf maalmo ka hor soo kala dhexgalay ardayda iyo maamulka Jaamacada taas oo la sheegay in la xaliyey, isla markaana la dhameeyey khilaafkii ,kuwaas oo guddida ardayduna ay halkaas ka sheegeen in cabashooyinkii iyo khilaafkaasi si fiican loo dhameeyey, maamulka iyo ardayduna isla qaateen sidii jaamacada si wada jira looga wada shaqayn lahaa.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay madaxweynaha Jaamacada Axmed Daahir Muxumed, oo ka sheekeeyey shirkaas saddexda cisho u socday ee lagu dardargelinayo hawlaha jaamacada, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Xafladeena maanta waxay ahayd mid lagu soo xidhayo shir saddex maalmood ka socday jaamacada gaar ahaan qaybteeda academic, taas oo runtii ahaa shir ay midho weyn ay ka soo baxeen dhinaca shuruucda iyo geeddi socodkii waxbarashada lagu qiimaynayey jaamacada, laguna soo saaray shuruucdii taabagal ah, waxay wax ka bedeli doontaa geeddi socodka mustaqbalka tayada waxbarasho ee jaamacada Admas, waxa shirkaas nagala soo qaybgalay khabiiro khuseeya qaybaha kala duwan, waxaa kale oo ay xafladani ku soo beegantay xidhitaankii ama gabagabadii samirtarkii 7aad, ee sanadkii saddexaad taas oo faraxad weyn noo ah in aanu higsanayno dufcadii ugu horeysa ee ka qalinjabinaysa jaamacada Admas oo ay soo dhaw dahay oo ay billo uun naga xigaan” ayuu yidhi Axmed Daahir Muxumed oo ah madaxweynaha Jaamacada Admas.

Sidoo kale Axmed Daahir Muxumed (Cadnaan) waxa uu ka hadlay khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay ardayda iyo maamulka hoose ee jaamacada, taas oo uu sheegay in arintaasi la xaliyey, isagoo arintaas ka hadllayana waxa uu yidhi “waxaan jecelahay inaan fursadan uga faa’iidaysto waxyar oo intii uu imtixaanku socday soo waajahday jaamacada, taas oo marka jaamacad, Arday iyo maamul laga hadlayo waxa had iyo jeer dhaca oo iska jira khilaaf, markaa waxa kalifay in aan fursadan uga faa’iidaysto oo aan saxaafada la socodsiino, taas oo warar si khaldan u gaadhay saxaafada

Aanu ka raaligalino, wixii joornaalkaas ku soo baxay aanu ahayn runtii wax jira oo maamul ahaan aanu leenahay waxaasi waxba kama jiraan, maamulkii iyo Ardaydii khilaafku dhexmaray waanu xalinay oo way dhamaatay, waxaana isku dhacay qayb maamulka hoose ah iyo qaar ka mid ah ardayda, arrintaas oo taliyaha booliska qaybta koodbuur hawlgal balaadhan nagala sameeyey, runtii may ahayn arrin saamayn karta ardayda iyo jaamacadaba, markiiba waanu gaadhnay oo waanu xalinay, waxaanu jecel nahay in aanu dhamaan ka raali galino maamulka guud ahaan iyo ardaydaba, Khilaafkii iyo Kalmadihii aan munaasibka ahayn gaar ahaan wasiirka Waxbarashada ee Somaliland oo maamulka iyo ardayduba ay sharaf iyo karaamo weyn u hayso, wax faro badana la qabtay, kalmadihii ay cadhadu keentay oo aanu ka daba tagnay, taas oo si khalad ah u baxday oo aan ahayn kalmaddo munaasiba, markaa taasi in aanay waxba ka jirin ayaanu halkan ka cadaynaynaa” ayuu yidhi Cadnaan

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha guddida ardayda Maxamed Cabdi Cali oo ka waramay in khilaafkii ardayda iyo jaamacada ka dhaxeeya la xaliyey, isla markaana khilaafku aanu dhamaan oo dabeecada bani’adamka tahay in mar walba khilaaf yimaado, isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ in khilaaf yimaado waa wax iska dhacda oo dabeecada aadmiga iska caynkaasa, waxaase guul ah in khilaafka la xaliyo, haddii aanu ardayda Admas nahay in aanu maamulka la hadalno waa wax aanan ka gabanayn oo xoriyada aaasaasi ah, laakiin sida xaqiiqadu tahay waxaanu aaminsanahay in ay tahay jaamacadii dalka ugu horeysay oo Somaliland iyo Ethiopia xidhiidhka dhexeeyo suurta galiyey, waxaanu u aragnaa in aanay jaamacad uun ahayn ee ay tahay safaarad aad mooddo inay u dhexaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxaase guul noo ah ee xusida mudan in arday reer Ethiopian ah inay maanta u soo bedeshaan Jaamacadan Somaliland, Iyadoo aan la aqoonsan, oo jaamacado la aqoonsan yahay dalka ka jiraan, waxa suurta galiyey dawladeena, wasaarada waxbarashada iyo raggii arrinkaas u hawlgalay, ardaydii guddida ahayd ee sida xilkasnimada lahayd ee aqoonyahanka ahayd arinkaa u gashay ee wixi tabashada ahayd ka hadlay, maamulka hoosana khaladkii uu lahaana muujiyey, una gudbiyey maamulka sare sida uu uga garaabayna iyana waanu u mahadcelinaynaa” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Dr: Swamy oo ah maamulaha jaamacada, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay xafladan ay shaqaala iyo maamulku iskugu yimaadeen, isla markaana tilmaamay inay aqoon tayo leh oo heer sare ah siiyaan ardayda, Intaa ka dib waxaa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan guddida ardayda kuwaas oo sheegay in la dhameeyey khilaafkii ardayda iyo maamulka jaamacada, isla markaana ay u mahadcelinayaan maamulka jaamacada, kuna faraxsan yihiin inay noqdaan lodkii ugu horeeyey ka qalin jabiyey kuuliyada Economic


Madaxweyne Riyaale Oo Xukuumadiisa Wakhtiga Yari U Hadhay U Magacaabay Wasiiru-Dawle Iyo Wasiir Ku-xigeen

Hargeysa, February 16, 2009 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa shalay laba masuul u kala magacaabay wasiiru-dawlaha Hawlaha Guud iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, iyadoo ay wakhtigii xukuumaddiisa loo kordhiyay ka hadhsan tahay muddo laba bilood iyo badh ah.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ah xil cusub ayaa waxa uu Riyaale u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha, isla markaana ka mid ahaa raggii loo saadaalinayay iskuna soo sharaxay jagada Xoghayaha Xisbiga UDUB, halka wasiiru-dawlaha Hawlaha Guud uu u magacaabay Maxamed Aw Cabdi Sheekh (Xirsi), kadib markii uu xilkaa iska casiley Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush).

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxweynaha Siciid Cadaani Mooge, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Wasiir ku xigeen iyo Wasiirul Dawle Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Hawlaha Guud iyo Guryaynta.

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tix-gelinaya ahmiyada weyn ee
Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Hawlaha Guud iyo Guryayntu u leeyihiin Dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil “Kayse” oo hore u ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada.

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu u magacaabay Mudane Maxamed Aw-Cabdi Sheekh (Xirsi) in uu noqdo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ku qanacsan kartida , Aqoonta iyo Hufnaanta shaqo ee labadaasi Masuul, waxa uu faray laga bilaabo taariikhda Maanta in ay sida ugu dhakhsaha badan ula wareegaan xilka cusub ee loo igmaday.

Alla Mahad leh”


Madaxweyne, Mid Aan Ku Idhaahdo

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar.

Afeef:

 “Eedi hayga hadhee, Waan afeefanayaa.” Waa dhanbaal aan ula-jeeddo u dahsooni jirin, kal-san iyo uur saafiyana ka soo maaxday. Si taban oo qardoofo iyo deel-qaafba ka dheer, qoto-fogaan, xeel-dheeri iyo hufnaan odhaaheedna huwan ayuu abbaartiisa iyo gun-dhigga godka uu ku gororayaba u galayaa. Si-arag in la qoonsado aanay ahayn, aaraa’ iyo hal-muceedyo dhaxal-gal ah-waa haddii docda san laga biniiqsado-ayuu tebinayaa. Hoggaamiyaha ugu heeraabta korreeya dalka marka la halacsado haykalka Dawladnimo, ayuu ugu yaboohayaa tusmayn iyo tusaalayn turxaan-la’aan ku allifmay oo ku jihaysan marxaladda kaarka badan ee la kor heehaabayo iyo ta kulul ee kaabiga innagu soo haysa. Haa. Horraan, waa xaaladda xasaasiga ah ee xanaf-wareerku ku lammaan yahay iyo xilli-xamaasadeedka kor iyo kal-ba la hoorayo ee soo foolka leh. Ceebaal kuma jiro, iskaba dhaaf’e, waa birri iyo samo-fal aan u hibeeyay cidda cidhibtiisa dheefsan doonta. Waa naf-hur iyo hawl baaraan-deg, fiirsasho, baadhitaan iyo baxsi ku hal-abuuray. Waa dedaal aan ku keliyaystay iyo haddaanan faanayn qoraal aan taddabur madiyaysan ku curiyay. Cidna wakiil kagama ihi, waxaan se ku metalayaa aragtida saliimka ah. Haddaad si caafimaad qabta u dheehato adiga ayaan kuu hiilinayaa, haddii kale se ma ogi. Sadar kastaa waxa uu ku fadhiyaa cabbir iyo macne dacallo-fidsan, jid iyo jiho astaysanna wuu haystaa. Meexaanuhu waa muunadda mucda meerisyada mar aan fogeyn aad indhaha saarayso’e, hal kasta oo kale ka hor: Shifo ku il-saar.

Gogol-dhig:

Odhaah Carbeed ayaa tidhaahda: “Naseexatu Amaamma-nnaasi Fadiixa,” oo u dhiganta: “Talo fagaare waa fadeexad.” Waan jeclaa inaan gol-daloolladdaada qaan-gaadhay faq kuugu sheego, sabbadaha kugu meersan ayaan se lagu galayn! Ma bah-dilayo inta la-talintaada ku fooggan, mana jecli inaan xilkooda maroorsado; inta maslaxaddoodu sababtay inay kaa qariyaan ayaan se ileynayaa. Tiroba laba maalmood oo aan wax badan kala fogayn ayaan la kulmay laba dhacdo oo dadka qaarkii af-legaaddo u arki karaan, macno weyni se ku duugan yahay. Ka kale maba sheegi karo’e, bal aan mid ahaan soo qaato: “Waaryaahee ninyahow ku fahmi maayee saaxiib ma kuu sheegaa meel aad Riyaale iska shabbahdaan?…Odhan maayo ballan beenaad’e, waa sahashiga ballanta,!” Ereyadaasi waa obocda iyo adhaxda weedho ay saaxiibbo isku jeellani si laab-xaadhnaan ah isugu baanayeen. Md: Madax-weyne, haddii inuun Hebelka talada ku siiyaa wanaagsan yahay, in xun laguguma astaysteen. Taladaydu waxay daarran tahay naseexo, Naseexadana nin ragannimo leh ayuun baa guntada, waxna ku qaata. Maanta waxaan u taaganahay inaan berdaanka saaro garashadaada iyo miisaanka fekerka labadaba. Ma lihi tibaaxahaygu way wada cuddoon yihiin, waxaan se leeyahay ma wada cuntami waayayaan. Haddii aad xaqa ku sugan tahay, ma dhibsan doontid, mana sharaysanaysid weedhaha aan ku leeyahay malahayga, haddii kale se mooyaan! Hoga-tuskaygu ma koobsan karo inta iin iyo boogo kugu gaashaysan, waxay se ku eg tahay xaaladda xasaasiga ah ee ammintan lagu jiro iyo sida ku habboon ee aad Qaranka uga saari karto. Maaha faduul ee waa xil-gudasho iyo waajib-oofin anigaba ii yeedhaysa. Hadday mur iyo deebaaq kaaga daran tahay iyo hadday sida malabka doocaan kuu dhadhamaysaba; waloow aad hore ugu maansootay: “Ha karaamo seegina habaar, laygu kari waaye,” aniga iyo inta han iyo garasho ila simaniba waanu hadlaynaa, waanu baaqaynaa. Xaqa iyo runtu maaha ta ruux jecelyahay, adiga, aniga iyo mid kale toona. Uma jeedo waa ta cid gaar ihi iimaansatay, waa se ta sharciga qabitaan u ah.

Xusuuso Muuqaallo Isa-Seegganaa!:

“Ma Dadka Ayaa Gob Ah, Mise Inaad Gob Tahay & In Kale Ayay Hubsanayeen?”

Hoggaamiye kasta oo dadku talo ka martiyo Taariikhda ayaa indhaha ku haysa, xumaan iyo samaan kuu falayna cod iyo luuq aan car-jabin oo dhegtu hal-haleel, hanqal-taag iyo heellanaan ku maqasho ku sheegi doonta. Waa halka Abwaan Xasan X. C/laahi “Ganey” ka yidhi: “Taariikhdu waa mudan, Waa jire markhaatiya!” lama il-duufi karo, layskamana indho-tiri karo. Inta dad nool yahay, iyana way jiraysaa. Waa dhiil uu nin kastaaba wixii uu dhigtay uun ka calfanayo. Mudane Madax-weyne, horraan waxaad uga mid ahayd saraakiishii Taliskii gabbalkiisu dhacay ee ummaddan inta badan xasuuqa iyo hadimada lama-aragta ah ku falay. Taas inta meel la iska dhigay ayaa misana taladii lagaa qayb-galiyay. Ma dadkaa khaldamay, mise cilmi baadhis iyo daraasad ayay ka ahayd ummadaha kale wax ka baran karaan? Waa weydiin ay daw tahay in kas saallooni isa su’aalo. Doorasho xaashi-tiris ah ayaa la galay, waxaanad la loollantay Mujaahid miisaan badan umaddan ku dhex leh, kaagana hiil iyo lex-jeclaba badan. In kasta oo natiijada codaynta mad-madow hadheeyay, hadana aakhirkii waa laguu tanaasulay. Xaddiga codadka aad heshay ma kartidaada ayaa kuu soo hoysay? Markan dambe se in lagaaga hadho ma awoodahaagaa kuu suuro-geliyay? Bal adba! Maadaama tabaalo ku-dhowaad nus-qarni soo jiitamaysay liciifisay dhan la dayoba hor-u-markii bulshadan saboolka ah, waxa lagaa filayay inaad dadka u hor-seeddo geyi barwaaqo ah iyo seer-ma-weydo haleeladu maqasheeda heel ku furtay. Maaha in la naawilayay in wax waliba noqonayaan sidii ugu wanaagsanayd, ugu yaraan se waxaa lagaa eegayay in aanad dhigta ay sallaanka kaga joogaan ta ka hooseysa u tuurin. Adeegyada aas-aasiga ah, Kaabayaasha dhaqaalaha, Gar-soorka, Kobcinta Dimuqraadiyadda iyo talo-wadaagga iyo Dhismaha gole-xukuumadeed tayo-san ayaa ahaa kuwa laba-daraale dad-weynuhu isha ku hayeen. Hadda garawsoo intuba ballan-qaadyadaadii ayay ku jireen, nasiib darro, way tasoobeen. Taas beddelkeeda, lama rajaynayn inaad ballaysinto nidaam ku dhisan: Musuq-maasuq, Caddaalad-darro, Ku-tumasho xuquuq muwaadin, Xabbisid siyaasiyiin kaa afkaar geddisnaaday, Cabudhin saxaafadeed, Bur-burin himilo dad-weyne, Iyo afcaal tiro-beeshay oo lid ku ah sifihii aad xilka ku hantiday, kuwaas oo aanan sheeg-sheegiddooda ammintan u soo amba-bixin. Haddaad adigu doonto, uba arag sidii maah-maahda waraabaha in mad-madowga iyo mashaqada maamulka iyo dad-weynaha u dhaxeeyaa yahay: Is maan-dhaaf, oo dheh:

“Maqal waxan ku haystaa,
Muslinkiyo waraabaha,
Mad-madowga tuhunkiyo,
Mashaqada dhex taallaa,
Inay tahay is maan-dhaaf!

Muudaaga xooluhu,
Marka ay la kulantee,
Muuqiisa aragtay,
Lugaheeda maashaa.

Isna wuxuu majiiraha,
Uga daba maleegtaa,
Celi maganta baadida;
Is-maqiiqiddiisiyo,
Mintidkiyo dedaalkaa,
Hadba muruq u siibtaa,
Dee muxuu sameeyaa,
Ilkahaa u midigoo,
Micidaa u gacanee!”

Hoga-Tus & Talo-Soo-Jeedin:

Dalku haatan wuxuu ku jiraa xaalad adag oo u baahan fekred caafimaad qabta oo ka samata-bixisa, wuxuuna ku socdaa mid kale oo ka sii kakan. In-kasta oo masuuliyaddeedu inoo dhaxayso, haddana si gaar ah ayay adiga kuu saaran tahay. Waa ta la xidhiidha, Sidee doorasho xor iyo xalaal ah oo xilligeedii ku qabsoontaa dalka uga tis-qaadi kartaa? Waa sida xeegona xeego ku noqon karto, ilkona ku nabad-geli karaan. Inta igaga beegan waxaan soo-jeedin ka dhigi lahaa qudha labo qodob oo iga af-meer ah:

1. Fule xantii ma mooga’e, waxa la leeyahay: “Doorashadu inay qabsoonto Madax-weynaha ayaa lugta haya, raallina aan ka ahayn.” Waxa kale oo ay ku darayaan: “Hadduu Kursiga isku sii dhejiyo, in xaalku xumaado, dul-qaadkii hadba meesha soo taagnaana carraabo la arkee!” In kasta oo aad daacadnimo qabyo-tiran iyo hagar-bax taam ah ka muujisay dhaqan-galkii Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha (Furaha doorasho xalaal ah oo hir-gesha), misana guuxyadaasi waa kuwo aan la hilmaami karin. Waxa labaysa inaad ku dhiirrateen inaad Shir-weynihii Xisbigaaga UDUB taabba-geliso, daw iyo darro, kuu doonaba ha ahaadee. Lammaanaha dhacdooyinkaas is barkani waxay siyaha qaar u muujin karaan inaad guntiga u adkaysanayso sidii aad Doorasho u geli lahayd. Jiritaanka xaqiiqadaas waxa barbar-taalla caga-jiidyo aan yarayn oo iyana xusid mudan. Miisaaniyad-sannadeedka 2009-ka oo ay ku jirto in’ ka mid ah kharashka Doorashada ee aan illaa hadda Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbinini waa caqabad ma-dhaafaan ah oo hor taalla hab-sami u yagleelka jawi Doorasho ku qabsoomi karto. Waraaqda aad hay’adda Inter-peace u dirtay ee aad kaga dayrinayso kalsoonida aad ku qabto 7-da xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aad 5 ka mid ah soo magacawday, xilli 60 maalmood innaga xigaan, ayaa iyana carqalad ma-guurto ah ku keeni karta qabashada Doorashada. Quuddarayta muddo-kordhin Golaha Guurtidu kuu sameeyo iyo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha ayaa iyada lafteedu u eg ficil garasho jaani ay sutida u haysay, asaan midho-dhalayn. Wax jira iyo si ay tahayba, Maxaa adiga kula gudboon? Jillaafo kasta oo aad fashay mid ugu yaraan dhaymo u noqon karta iga guddoon. Hadda waa talo ereyo ahaan kooban, macne ahaan se baaxad leh. Ku dedaal sidii aad doorashada xilligeedii ugu qaban lahayd, adiga oo ka fogaanaya inaad sabab u noqoto wax kasta oo dib u dhigaya. Haddii aad in badan ku baani jirtay inaad saddex Doorasho oo is xiga dalka ka hir-gelisay, guushaasi waa bar-kuma-taal haddii aad tan ka weyiigto, Doorashada Madaxtooyada ee 2009-kuna waxay badhi-taar u tahay guulahaa aad hoysatay. Iyada oo kalsoonida shacabku ku siiyay ku ekayd 15.05.2008-dii, hal sanno oo si sharciga baal-marsan Golaha Guurtidu kuugu kordhisayna dareennadii ka dhashay aad u jeedday, adba waad ogsoon tahay bay ila tahay fal la mataanaysan waxa ka curan kara.

2. Haddii ay dhacdo inaad lillaahi ka noqoto, si hufanna aad dabada uga riixdo hannaan-socodka Doorashada, isla markaasna bulshadu codeynta u soo dareerto, oggolow waxa aad kasbatay. Waxaan u gol leeyahay waa inaad ku qanacdaa go’aanka guddida idiin dhexaysaa soo saarto, hadii lagaa helo, sidii adigaba shalay laguu yeelay. Ka dhawrso inaad qalaan-qal iyo qalalaase huriso, guulaha aad sheegatana masaxdo. Ogobeey, taasiba musqaro maaha ee waa lib aad gaadho ta ugu mudan, uguna raadaynta badan. Madax-weynihii hore ee Somaliland oo sharaf iyo karaamo loo hayo, Taariikhduna qarniyaal xusto (Waa haddaad natiijada aqbasho) ayaad noqonaysaa. Masuul milge iyo maamuus hagoogan oo fagaarayaasha siyaasadda iyo goleyaasha lagu kulmoba laga majeerto ayaad ahaanaysaa. Dunidu waa Taariikh’e, haddaad ahayd Madax-weynihii u horreeyay ee nidaamka Axsaabta badan iyo cod-ummadeed kursiga ku fuula, waxaad noqoni doontaa, Madax-weynihii u horreeyay ee Doorasho laga helay kursiga kaga taga; taas oo meel fiican ka geli doonta taxanaha keyd-yaalka hab-dhaqanka hoggaamiyayaasha Africa, duniduna dharaaro iyo sannaddo badan xusi doonto, waa se haddii Alle ku garansiiyo. Aan hadalka kaga baxo tuducyadan oo ku jiray tixdii Dibad-yaal-1979, Abwaan, Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”:

“Dadka aad ka dhalatiyo,
Dalka aad u dhalatiyo,
Nin la yidhi danta u tali  

Diric iyo fariid noqo,
Dibin daabyo ku ogow,

Duco iyo xusuus iyo,
Duug aad ka dhaxashide,
Xilka daacad ugu hay,
Ha dullayne gaadhsii,
Meeshay daraaddeed,
U galeen dagaakii,
Diiftiyo kulka lahaa,
Dib u dhaca ka maaree,
Dumar iyo rag hawl geli,
Kartidooda deeqsii,
Derjow sugnaatoo,
Guul baa u dagatee,
Alla doori saw kaa,
Darka jiidhay Maaweel!