Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1967 February 19, 2009                  safar 24,1430H

Maraakiibta Kaluumaysiga Ee Shisheeyaha Oo Faro Baas Ku Haya Xeebaha Somaliland Khasaarena Soo Gaadhsiiyey Kalluumaysatada Wadaniga Ah

Soo Dhawaynta Shariif Ee Muqdisho, Hanjabaada Kooxda Xisbul Islaam Iyo Hoobiyeyaasha Lala Beegsaday Vila Somalia

Halkuu Ku Dambeeyey Xidhiidhkii Wacnaa Ee UDhexeeyey Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweyne Rayaale

“Haddii Aad Ka Dhiidhiyi-Waydaan Waxaad Ogaataan Inuu Berri Boqor Idinku Noqonayo”

“Wuxuu Waajibku Ahaa Xilkii Iyo Awoodihii Guddidii Diiwaangelinta Ururada Siyaasiga Ah Ee La Kala Diray Lagu Wareejiyo Komishanka Doorashooyinka”

 

Warbaahintu Waa Inay Saxdo Shirkii UDUB Eemaansoor Ereyga Doorasho Aan Dhicin

Deeq-Bixiyeyaasha Oo Somaliland Ka Dalbaday Inay Xukuumaddu Ku Soo Wareejiso Xadigga Kharashka Ay Ugu Talo-Gashay Doorashooyinka Si Meel Keliya Looga Wada-Maamulo

Hargeysa, February 19, 2009 (Haatuf) – Deeq-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka iyo arrimaha dimuqraadiyadda ayaa la sheegay inay xukuumadda Somaliland ka dalbadeen inay badka soo dhigto xadiga lacagta ah ee ay xukuumaddu u qoondaysay inay ku darto kharashka hawlaha doorashooyinka, iyadoo ay kharashkaas intiisa badan bixinayaan dawladaha reer Galbeedka, gaar ahaan Midowga Yurub.

Sida la ogyahay deeq-bixiyeyaashu 75% ayay ballanqaadeen inay bixinayaan miisaaniyadda ku baxay doorashooyinka Somaliland, halka ay xukuumadda Somalilandna ballanqaaday inay bixinayso 25%.

Hase yeeshee sida ay sheegeen warar laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay wefti ka socday deeq-bixiyeyaasha oo Salaasadii dorraad socdaal ku yimid caasimadda Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Riyaale, xisbiyada, Komishanka iyo hay’adaha la shaqeeya ayaa xukuumadda iyo Komishankaba ka dalbaday in la helo lacagta laga sugayay xukuumadda, taas oo macnaheedu yahay in ay xukuumaddu soo hormariso qadarka lacagta ah ee laga sugayo si loogu sii shaqeeyo.

Waxa kale oo ay deeq-bixiyeyaashu sheegeen inay doonayaan lacagta xukuumaddu bixinayso iyo ta deeq-bixiyeyaashu bixinayaanba in hal meel laga maamulo, meeshaasina ay noqoto Interpeace.

Sidaas darteed weftiga deeq-bixiyeyaasha ee Somaliland yimid waxa la sheegay inay xukuumadda u soo jeediyeen inay lacagtaas ku wareejiyaan Interpeace, waxaana la sheegay inay arrintaasi ka dambaysay kadib markii la sheegay inaanay xukuumaddu wada bixin qaybtii lacagta ahayd ee laga sugayey inay diiwaangelinta ku bixiso, taas oo ay hay’adda Interpeace sheegtay inaanay lacagtaasi ka soo wada-bixin xukuumadda, xisaab-xidhkeediina aan laga hayn.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inay xukuumadda Somaliland ogolaatay inay dalabka deeq-bixiyeyaasha raacdo.


Shirkadda Oomaar Oo Qiratay Inay Dalka Keentay Daqiiq Xumaatay

“Daqiiq xumaatay oo dekedda Noo taallaa way jirtaa, Muddo Bil Iyo Wax yar ah Bayna Taallaa Balse lagama soo qaadin”

Hargeysa, February 19, 2009 (Haatuf) – Shirkadda uu isla leeyahay Ganacsadaha weyn ee Jaamac Oomaar ee magaceeda la yidhaahdo (OMINCO), ayaa qiratay inay dhowaan dalka keentay shixnad Daqiiq ah oo xumaatay, taas oo ay sheegeen inay muddo bil ka badan taallay dekedda Berbera.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Oomaar, Maxamed Cali Maxamed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sidoo qiray inay shaqaalaha shirkaddani dagaal ku qaadeen weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil Axmed Aadan Dheere iyo Weriye ka tirsan Telefiishanka Madaxa banaan ee SLSC, kuwaas oo maalinimadii Isniintii ina dhaaftay sawiro ka qaaday Bakhaaradda ay Shirkadda Oomaar ku leedahay magaalada Berbera, halkaas oo qaybo ka mid ah shixnaddaas daqiiqda xumaatay ah dib galalka loogaga bedelay, si suuqyada loogu iibgeeyo.

Labadan weriye ayay maalintii Isniin si xun u garaaceen labaataneeyo ka tirsan shaqaalaha iyo xamaaliinta shirkadda Oomaar, waxayna weriyeyaasha u geysteen dhaawacyo, kadib markii ay sawiro ka qaadeen Bakhaaradda daqiiqdaa xumaatay dib loogu cabaynayo ee galka lagaga bedelayo, waxaana markii dambena weriyeyaasha loo taxaabay xabsiga kadib markii uu Taliyaha Qaybta Bileyska Saaxil Mr. Yacquub oo ay shirkaddu dhabarka soo taabatay si sharciga ka baxsan telefoon ugu amray in haddii ay weriyeyaashaasi keeni waayaan sawiradii iyo cajaladii ay duubeen xabsiga lagu rido, waxaanay weriyeyaashaas xabsiga laga sii daayay 11-kii habeenimo kadib markii Maayarka Berbera oo isagu la socday daqiiqdan xumaatay uu ku warhelay xadhigga weriyeyaasha.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Oomaar, Maxamed Cali oo ka waramaya daqiiqdan xumaatay ee shirkadda uu madaxda ka yahay dalka keentay ayaa yidhi: “Waxa jirta maraakiibtu markay timaado dekedda raashinka ay siddaan wax wey jeexmaan, waxna way qoyaan, wixii jeexma inta kiishka laga beddelo oo miisaankeedii la hubiyo ayaa la tolaa oo la cabeeyaa, hase ahaatee sida joornaaladu qoreen daqiiqda xumaatay ee la cabbaynayey waa wax aan jirin. Daqiiq xumaatay oo intay qoyday dekedda taalaa way jirtaa ilaa haddana daqiiqdaasi xumaatay weli dekedda ayey noo taalaa oo lagama soo qaadin.”

Maareeyaha shirkadda Oomaar oo la weydiiyey muddada ay taalay dekedda Berbera daqiiqda xumaatay ee uu sheegay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Waxay iminka dekedda taallaa muddo bil iyo wax yar ah.”

Maareeyaha oo ka jawaabayey su’aal ahayd, sababta daqiiqdan xumaatay dekada u taalo muddada intaa leeg, iyadoo la sheegay in shirkadii caymisku idiin celisay lacagtii daqiiqdaas xumaatay, waxa uu yidhi; “Horta qolada caymisku aayar uun inay ku yidhaahdaan lacagtaadii waa tan waa wax aan suurtoobin, waayo caymisku waa heshiis marka hore la galo, marka lacag la bixinayana waxa lagugu xidhayaa shuruudo aad u fara badan, haddii aad shuruudaha oo dhan aad ka soo baxdo waxay ku odhanayaan maxkamad aan Somaliland ahay oo wadankooda ah baynu isla tagaynaa, markaa miyaad awoodaa in aad maxkamad gasho, waxaa markaas khasab kugu ah in aad ogolaato wax allaale iyo waxay ku yidhaahdaan, wax allaale waxay na siiyeena ma jirto.”

Ugu dambeyn waxa uu Maareeyuhu qiray inay shaqaalaha shirkaddiisu la dagaalameen weriyeyaashii sawirada ka qaaday Bakhaaradda daqiiqda xumaatay taallay, isagoo ku dacwiyey ina weriyeyaasha oo laba keliya ahaa xoog ku soo jiidheen halkaas oo ay ku sugnaayeen shaqaalihii iyo ilaaladii Bakhaaraddu, taas oo u eg mid aan suurto-gal ahayn, waxaanu Mareeyuhu ka war-wareegay sababta ay shaqaalihiisu ula dagaalameen weriyeyaasha ee ay ugu fasixi waayeen inay sawiro ka qaataan haddii aanay Bakhaaraddaas oolin daqiiqda xumaatay ee dib loo cabaynayo.

Sida ka muuqata muuqalada sawirada, ayaa daliil ugu filan inay Bakhaaraddaas teedsan yihiin daqiiq xumaatay oo xataa joonyadaha ay ku jirtaa dusha ka madoobaadeen, waxaanay arrintani halis weyn ku tahay nolosha iyo caafimaadka dadweynaha haddii ay daqiiqdan xumaatay soo gasho suuqyada magaalooyinka Somaliland.

Sida ay warar laga helay ilo ku dhowdhow ganacsatada raashinka dibadda keena iyo shaqaalaha dekedda Berbera, maaha markii ugu horeysay ee shirkadda Oomaar iyo qaar kale oo ka mid ah ganacsatada badeecadaha raashinka dibadda keenaa ay dalka soo geliyaan raashin xumaaday ama wakhtigii isticmaalkoodu dhacay, kuwaas oo la sheegay inay dalka keenaan raashino isugu jira Bariis, daqiiq, sonkor iyo xataa Tamaandhada qasacadaha ku jirta oo wakhtigii isticmaalkeedu dhacay, balse galka ama kartoonka ay ku jiraan lagaga soo bedelo magaalada Dubai ee isu-taga Imaaraadka Carabta, iyadoo isla markaana laga soo bedelayo taariikhda dhicistooda oo laga soo dhigayo taariikh aan weli la gaadhin, si ay dadku u moodaan inaanay badeecadaasi weli dhicin.

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradaha Caafimaadka iyo Ganacsiga ayaan ilaa hadda wax siyaasad ah ka lahayn arrintan, isla markaana aan baadhis iyo daba-gal ku samayn fayo-dhawrka iyo tayada badeecadaha raashinka ee ganacsatadu dibadda ka keenaan, kuwaas oo raashin marka horeba tayadoodu liidato isla markaana qiime jaban ku jooga suuqyada Somaliland ka siiyo qiimeyaal aad u qaali ah oo sababa sicir barar ku yimaadaa raashinta iyo badeecadaha kala duwan ee ay dalka dibadda uga keenaan.


“Buur-Madow Annaga Boqor Nooma Aha Dhaqan Iyo Siyaasad Midna Naguma Metelo”

Bayaan – Beesha Yoonis Adaraxmaan (Habar-jeclo/Muuse Abokor)

Burco, February 19, 2009 (Haatuf) – Dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa saddex boqol oo qof oo isugu jira Madax-dhaqameed, Odayaal, Ganacsato, Aqoonyahano iyo Waxgarad kale oo ka tirsan Qabiilka Yoonis Adaraxmaan (Habar-jeclo/Muuse Abokor) ayaa shalay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka soo saaray bayaan ay si kulul ugu cambaareynayaan Cismaan Buur-Madow, iyagoo sheegay inaanu ahayn Boqornimada uu sheeganayo, iyo inaanu metelin, isla markaana waxay hadalka Buur-Madow ku tilmaameen Been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Bayaankaas oo uu magaalada Burco nooga soo diray weriyaha Haatuf, Axmed Aadan Yuusuf, waxa uu u qornaa sidan:

“Haddaanu nahay Beesha Yoonis Adaraxmaan waxaanu bayaankan ku caddaynaynaa in shirkii jaraa’id ee uu Buur-Madaw ku qabtay 17. 02. 09-kii Hotelka Crown ee Magaalada Hargeysa, kaas oo uu Buur-Madaw ku sheegtay in uu yahay Boqor Muusa Abokor.

Haddaba haddii aanu nahay Beesha Yoonis Adaraxmaan Muuse waxaanu halkan ku caddaynaynaa inaanu Buur-Madaw annaga Boqor noo ahayn, nana matalin dhinaca dhaqanka iyo dhinaca siyaasadda midna, wixii Shirka jaaraa’id uu kaga hadlayeyna ay yihiin been abuur wixii annaga naga khuseeya, cuqaal, suldaan, boqor, aqoon yahano iyo siyaasi midna aanu shirkaa naga fadhiyin

Beeshu waxay canbaaraynaysaa mawqif cadna ka taagan tahay dhacdooyinka been abuurka ah ee uu ku caan-baxay Buur-madaw, waxayna taageersan tahay oo soo dhawanaysaa go’aankii Golaha Guurtida ee ahaa in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto, waxaanay ka digaysaa Beesha Yoonis Adaraxmaan wixii khalkhal iyo nabadgelyo xumo dadka iyo dalka ku abuuraya, waxaanay Beeshu u mahad naqaysaa labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada.

Beeshu waxay leedahay Suldaan, Suldaankeeduna waxa weeye Suldaanka guud ee Beelaha Habarjeclo (Suldaan C/llaahi Suldaan Cali Muuse), waxa kale oo ay leedahay 14 Caaqil, aqoonyahano iyo ganacsadayaal ay ka mid yihiin:-

1. Chief Caaqil Faarax Cumar Cali

2. Chief Caaqil Maxamuud Xasan Cismaan

3. Chief Caaqil Jaamac Ismaaciil Cawed

4. Caaqil Maxamed Kaarshe Faarax

5. Caaqil Cabidillahi Galaydh Diiriye

6. Caaqil Ismaaciil X. Cabdi Maxamed

7. Caaqil Faarax Diiriye Caateeye

8. Caaqil C/llaahi Siciid Yuusuf

9. Caaqil Xaamud Diiriye Qodax

10. Caaqil Cali Buraale Maxamed

11. Caaqil Muuse Ciise Muuse

12. Caaqil Axmed Diiriye Cali

13. Caaqil Cumar Xirsi Gaani

14. Caaqil Kaariye Dirir Geedi

1. Eng. Cali Siciid Raygal

2. Pro. Maxamed Cabdi Halac

3. Pro. Cabdi Cali Maxamed

4. Eng. Cismaan Diiriye Ducaale

5. Mahad Maxamed Cawaale (Xubin Guddida Guud ee Beesha Habarjeclo)

6. Salaad Jaamac Diiriye (Xubin Guddida Guud ee Beesha Habarjeclo)

7. Jaamac Samatar Warsame (Ganacsade)

8. Jaamac Sugule Cali (aqoon yahan)

9. Muuse Sahal Diiriye (Aqoon yahan)

10. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Caateeye (Aqoon yahan)

11. Maxamed Shire Dakhare (Aqoon yahan)

12. Maxamed Siciid Cali (Aqoon yahan)

13. C/llaahi Yuusuf Cartan (Aqoon yahan)

14. Khadar Nuux Siciid (Aqoon yahan)

15. Maxamuud Xayir Ducaale (Ganacsade)

16. C/wahaab Shaashi Cabdi (Aqoon yahan)

17. Saleebaan Ciise Maxamed (Aqoon yahan)

18. Maxamuud C/llaahi Muuse (Aqoon yahan)

19. Saleebaan Caydiid Cismaan Furre (Aqoon yahan)

20. Saleebaan Maxamuud Siciid (Aqoon yahan)

21. Jaamac X. Axmed Diiriye (Ganacsade)

22. Siiciid Cabdulle Ismaaciil (Ganacsade)

23. Ismaaciil Salaad Buraale (Aqoon yahan)

24. Aadan Axmed Yuusuf (Sheekh)

25. Siciid Jaamac Bootaan (Aqoonyahan)

26. Maxamuud Saleebaan Dacwi (Oday)

27. Cabdi Hurre Xirsi (Ganacsade)

28. Maxamed Daroor Cali (Aqoonyahan)

29. Baaruud Jaamac Qodax (Oday)

30. Maxamed Jaamac Qodax (Oday)

31. Baaruud Sahal Geedi (Oday)

32. Maxamed Nuur Cabdulle (Ganacsade)

33. Aadan Axmed Yuusuf (Ganacsade)

34. Cawaale Mire Diiriye (Gancsade)

35. Buraale Maxamed Maxamuud (Ganacsade)

36. Aadan Sheekh Dirir (Gancsade)

37. Aadan Saleebaan Kaarshe (Gancsade)

38. Cabdi Aadan Cismaan (Ganacsade)

39. Cabdi Aadan Mire (Ganacsade)

40. Barre Jaamac Oogle (Ganacsade)

41. Cali Xasan Siciid (Oday)

42. Maxamuud Smatar Warsame (Ganacsade)

43. Mahad Maxamuud Abokor (Aqoonyahan)

44. Cawil Samatar Abokor (Oday)

45. Ciise Abokor Jaamac (Ganacsade)

46. Aadan Yuusuf X. Siciid (Ganacsade)

47. Faysal Axmed Jaamac (F. Sanweyne) (Ganacsade)

48. Yuusuf Cawed Caarshe (Ganacsade)

49. Axmed Sugaal Yuusuf (Oday)

50. M. Buureed Saleebaan Kaarshe (Mujaahid)

51. Maxamuud Ciise Xasan (Sheekh)

52. C/llaahi Cali Shire (Ganacsade)

53. C/llaahi Faarax Dayl (Xildhibaan)

54. Axmed Maxamed Jaamac (Xildhibaan )

55. Mawliid Ismaaciil Ducaale (Xiddig) (Oday)

56. Dr. Cismaan X. Axmed Warsame (Dictor)

57. Dr. Axmed Aadan Abokor Hayne (Dictor)

58. Caydaruus Cali Yuusuf (Aqoonyahan)

59. Cumar Axmed Cali Yare (Oday)

60. Jaamac Mire Qodax (Oday)

61. Maxamuud Iidle Geele (Ganacsade)

62. Cabdi Nuur Cali (Oday)

63. Daroor Cali Dhawaaq (Oday)

64. Yuusuf Sugaal X. Maxamuud (Oday)

65. Yasir C/llaahi Cismaan (Oday)

66. Saleebaan Muuse Abaar (Oday)

67. Jaamac Ducaale Cali (Oday)

68. Cabdi Dirir Cali (Ganacsade)

69. Cabdi Cabdillaahi Jaamac (Oday)

70. Sicood Qaaje Nuur (Oday)

71. Xasan Caabi Kadiir (Oday)

72. Fayaan Jaamac Bootaan (Oday)

73. Faarax Jaamac Ciise (Ganacsade)

Waxaa bayaankan soo saaray in ka badan 300 oo qof.


“Baaqa Wada Tashiga Ee Guddoomiyuhu Soo Jeediyay Waa Arrin Fiican, Mooshinkana Imika Ka Hadli Maayo”   Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Golaha Guurtidda

Hargeysa, February 19, 2009 (Haatuf) – Md: Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo ka mid ahaa mudanayaashii hormoodka u ahaa mooshinkii xil ka xayuubinta guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan lagu doonayey in lagu rido fadhigii maalintii sabtidii balse ka dhicisoobey in mooshinkaasi ay soo hordhigaan golaha, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanadii ka maqnaa fadhigii u dambeeyey ayaa isagu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo in mooshinkaasi ay ka tanaasuleen iyo in kale.

Balse waxa uu soo dhaweeyey baaqa uu guddoomiyahoodu uga jeediyey fadhigii daraad in xildhibaanadooda ka maqan golaha khilaafaad kaasi ay ka soo qaybgalaan fadhiyada golaha taas oo ay ku tilmaameen aragti ay soo dhaweynayaan.

 ugu horeyn Md: Muxumed Aw Axmed X. Aadan oo ahaa xildhibaanka hogaaminayey mooshinkaas oo aanu wax kaga waydiinay khadka telefoonka sida ay u arkaan baaqa wada tashiga ee guddoomiyahoodu ugu jeediyey xildhibaanadooda mucaaridka ku ah, ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya arinkaana waxa uu yidhi “ shayga masaalaxdu waa shay aad u wanaagsan dadkuna guddahooda way is qaban karaan waanay is khilaafi karaan, balse dantu waxay ku jirtaa in wada hadal laga yeesho arrimaha laysku qabto, sidaa darteed baaqa guddoomiyaha waxaan u arkaa fikir saliima oo muhiima”

mar aanu waydiinay Md: Muxumed Aw Axmed mooshinkii uu ka sheegay fadhigii maalintii sabtidii goluhu yeeshay ee uu madasha fadhiga ka cadeeyey in golaha ay soo hordhigi doonaan mooshin waxa uu ku saabsanaa iyo in mooshinkaasi ay ka tanaasuleen, ayaa waxa ay jawaabtiisa ayuu si weyn uga war-wareegay, inuu ka hadlo balse inkastoo uu ka gaws qabsaday halka uu ku dambeeyey mooshinkaasi waxa uu hadana si kooban u yidhi “ arrinkaa mooshinka ka jawaabi maayo diyaarna uma ihi inaan ka hadlo xilligan mawduuca ku saabsan mooshinkaasi balse iga raali ahaw”ayuu yidhi Md: Aw Axmed.

Mar la waydiiyey waxa xildhibaanadooda ka soo horjeeda gudoomiyaha golahooda ka maqan iyo danta ay ka leeyihiin khilaafaadka golaha ka taagan waxa uu yidhi “ anagu odayaal baanu nahay, wanaaga iyo xumaantuna waa laba shay oo isgarab yaala, balse anagu waxa aanu doonaynaa wanaaga golaha ee xumaan ma wadno, golahana waanu ka soo xaadiraynaa fadhiga sabtida, aniguna wanaaga golaha mooyee xumaan kama shaqaynayo” ayuu yidhi Md: Muxumed Aw Axmed.

Dhinaca kale Md: Axmed Muuse Obsiiye ayaa isaguna soo dhaweeyey baaqa ka soo yeedhay guddoomiye Saleebaan.


Bileyska Oo Rasaas Oodda Kaga Qaaday Dadweynaha Degan Xaafadda Masalaha Hargeysa

Hargeysa, February 19, 2009-(Haatuf)-Ciidamada bilayska ee xaafadda masalaha ayaa tacshiirad la beegsaday dadweyne isugu soo ururay dhul banaan oo ku yaala xaafadda Masalaha ee duleedka madaarka Hargeysa.

Ciidanka bilayska oo uu hogaaminayay Khadar Jaamac (Qoosh) oo ah taliyaha qaybta bariga ee bilayska Hargeysa ayaa waxa ay ciidanku si toosa iyo korba ugu rideen rasaasta dadweynihii goobtaasi ku urursanaa, inkasta oo aanay cidina wax ku noqon rasaastaasi.

Rabshaddan ayaa waxay ku lug leedahay muran dhul oo u dhexeeya qoysas danyar ah oo xaafadaasi ku nool iyo maamulka dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Ismaaciil C/laahi Cali oo ah oday 60 jir ah kana mid ah qoysaska halkaasi ku nool ayaa waxa uu yidhi “ adeer waxa aan halkan (xaafada masalaha) soo degay sanadku markuu ahaa 1948-kii, markaa dhulkani xeroole ayuu ahaa oo xoolaha ayaanu ku raaci jirnay, intaa ka dib dhulkani wuu iska banaanaa, haddaba markii dalka lagu soo noqday ayaanu dhulkii xeernay, dabeeto markii uu Maayar Cawl Cilmi Cabdalla xilka qabtay ayuu nagu yidhi dhulkan waxaan ka jarayaa danguud, taas oo laga dhisi doono Iskuulo, Cusbitaalo, garoomo kubbada lagu ciyaaro iyo beer xayawaanka lagu rabeeyo, inta dhulka ka soo hadhayna waxa uu noo sharciyeeyay inaanu anagu leenahay”

Oday Ismaaciil waxa uu hadalkiisa intaa ku daray “ imika waxa ay mushkuladani ka dhacday maayar Jiciir ayaa waxa uu doonayaa inuu iibiyo dhulkii dantaguud ahaa, dee anaguna ka yeeli mayno, waayo dhulkani waa danguud haddii uu doonayo inuu iibiyo anaguba maanu iibsano, ileen dan shakhsi ah buu ka door bidayaa dantii guude”.

Cali C/laahi oo isaguna ah oday ka mid ah mulkiilayaasha dhulka banaan ayaa waxa uu yidhi “ ilaa dagaalkii labaad ee adduunka ayaanu halkan deganayn, maayar Cawl Cilmi ayaa noo sharciyeeyay dhulka, intii danta guudna waa laga jaray, haddaba imika maayar Jiciir ayaa doonaya inuu dhulkii la wareego oo uu dad qurbo joog ah ka iibiyo, olole siyaasadeed ayuu ka wataa oo inuu doorashada ku galo ayuu doonayaa, saaka ciidan baa nasoo weeraray, waxa watey ciidanka nin la yidhaahdo Khadar Qoosh oo ah taliyaha qaybta bariga ee bilayska Hargeysa, 15 xabadood ayey nagu rideen, hase ahaatee cidina nagagama dhiman oo Illaahay baa naga badbaadiyay, teeda kale dad baa imika xidhan oo bilaysku xidheen, markaa haddii aan nalaga soo gaadhin Maayar Jiciir waxa dhici doona khasaare intan in ka balaadhan, dadkii madaxda ahaa dadka isku dilaya, dawladii iyadaa dadkeedii iska hor keenaysa, konton sanadood ayaan degenaa halkan, Ilma C/laahi iyo ilma Iimaan ayaa dhulkan iska leh, magaalada maayaro badan ayaa soo maray Jiciir mooyee nin hungureeya maan arag, waxaan leeyahay xukuumadu ha naga qabato maayar Jiciir, saaka markii ay askartu rasaasta ridaysay waxa aanu ka lexejeclaynay inaanu madaarka xabado ka ridno oo aanu amniga madaarka khal khal gelino, markaa xukuumadii iyadii baa amaankii gacanteeda ku bur burinaysa”.

Dhulka ay rabshadu ka dhacday ayaa qiyaas ahaan waxa uu dhan yahay 20 block oo ku yaala xaafada masalaha ee duleedka madaarka Hargeysa.


“Reer Somaliland Way Ina Sharfeen Markay Doorteen Inankeena (Rayaale) Oo Aanay Aqoon U Lahayn, Inaguna Aynu Nidhaahno Fadhiiso”

Xaflad Loo Qabtay Boqolaal Haweenka Reer Boorama Ah Oo Ka Diga-Rogtay UDUB, Kuna Biiray KULMIYE

Boorama, February 19, 2009 (Haatuf) – Munaasibad lagu soo dhaweynayey boqollaal isugu jira haween iyo gabdho dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa shalay lagu qabtay guriga Martida ee Boorama.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee heer gobol iyo heer Qaran, ayaa waxa ugu horreyn halkaasi ka hadlay Ibraahim Aadan Qaalib oo ah wakiilka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, iyadoo uu Wakiilku hadalkiisa inta badan ku saabsanaa maamul-xumadda xukuumadda Riyaale, ayaa waxa uu yidhi: “Maanta wax inoo qarsooni ma jiraan, waad aragtaan musuqmaasuqa dalka ka jiraa inuu shaqo tiray boqolaal dhallinyaro ah oo ay hooyooyinkood iyo qaraabadoodu ku soo tabceen. Dalka caynkaas noqdaana weligii ma taabbo galo. Waxa kale oo maanta ii farxad ah, xisbigana u ah in haween iyo gabdho intaa le’egi ku soo biiraan xisbiga Kulmiye oo ah rajada keliya ee ay reer Somaliland maanta leeyihiin. Qabyaaladi waxba ma tarto, cid kastana xisbgu waa u furan yahay waanan idinku soo dhaweynayaa xisbiga Kulmiye.”

Prof. Ismaaciil Muumin Are, oo ka ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa isna khudbad uu munaasabaddan ka jeediyey kaga hadlay arrimo khuseeya muwaadiniinta reer Boorama iyo Madaxweyne Rayaale, isagoo yidhi: “Waa guul-weyn maanta haddii aad aragteen xaaladda gobolka Awdal iyo guud ahaanba Somaliland taas oo u baahan in dalka iyo dadkaba la daba-qabateeyo. Rayaale waxaan ku kari waayey shan mashruuc oo dalkan ka saarta shaqo la'aanta u samee dhallinyarada, adigoo raashin keliya uga doonaya hay'adaha caalamiga ah. Waa lagu kari waayey. Reer Somaliland way inna sharfeen markay doorteen inankii aynu u geynay ee aanay aqoonta u lahayn, waxa waajib ah inaynu innaguna sharafno, waxana innagu waajib ah inaan isbeddelka siyaasadda ee ay reer Somaliland doonayaan uga horreyno oon inankeenna nidhaahno fadhiiso, maaha inay iyagu innoo beddelaan ama noo beddela nidhaahno, ee innaga ayey waajib innagu tahay. Waxa jira dad dusdusaya oo aan u caddaanayn mabda’ooda, ceebbaay innagu tahay maanta dalka dib-u-dhaca ku yimi inaynu masuul ka noqonno, una hawlgalla isbeddel reer Somaliland xurmaynno oo aynaan odhan maxaad inankayaga ku diiddan tihiin waayo iyagaa innaga badan oo codkoodii siiyey, innaguna ma soo saari karneen. Haddii maanta wakhtigu isbedelay inankeeniina uu waxba qaban waayey waa inaynu inankeenna nidhaahnaa fadhiiso, haddii aynu odhan weyno gun baynu noqonaynaa. Kulmiye isbeddel buu wadaa siduu caalamkuba isku beddelay, waanad ku mahadsan tihiin haddii haweenkii reer Awdal garteen maanta jidka Kulmiye u socdo waanan idinku soo dhaweynayaa.”

Amaal Xaaji Axmed Miisaan, oo ah guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa guud ahaanba ka warantay xaaladda haweenka gobolka Awdal marayo iyo sida dawladdii Rayaale iyo xisbiga UDUB ee ay toddobada sanno ku dhawaad ka hor doorteen cidlada uu ku tuuray, iyadoo tidhi: “Waa maalin kale oo farxad u ah xisbiga Kulmiye ee reer Somaliland inta aan la gaadhin guusha weyn ee xisbiga Kulmiye ka filayo doorashooyinka dalka ka dhici doona. Waanan idin soo dhaweynayaa haddii aad tihiin haweenka iyo gabdhaha maanta gartay inay mustaqbalka ubadkooda iyo walaalahaooda badda ku daatay daba-qabateeyaan. Waxa qudha oo aan idin xusuusinayaa arrinta ugu weyn ee Kulmiye aasaaska u ah taas oo ah dimuqraadiyad, dimuqraadiyadaas oo ah in qof kastaa rag iyo dumar uu xor u yahay cidda uu dooranayo iyo xisbiga uu ku biirayo, waxaan idinka rajaynayaa in idinkoo isku kalsoon aad geli kartaan xisbi kasta oo aad doontaan, iskana deysaan dhuundhuumashada aad u soo dhuumanaysaan xisbiga aad doonaysaan inaad ku biirtaan. Anigoo ku hadlaya magaciinna iyo magaca xisbiga garabkiisa haweenka ee gobolka Awdal waan idin soo dhaweynayaa.”

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay xubno ka tirsan haweenka ka soo digo-rogtay xisbiga UDUB kuna soo biiray xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sahra Qaaruun, Caasha C/laahi Kalluunle, Aamina Muuse, Hibo Maxamed Maxamuud oo iyadu sheegtay in iyadu shaqo ay Hargeysa ka haysay lagaga eryey Kulmiyaad tahay, Sacaada Maxamuud Cumar iyo xubno kale kuwaas oo dhammaantood sheegay inay hore u taageersanaayeen xisbiga UDUB, Codkoodiina siiyeen UDUB balse ay maanta fara madhan ka taagan yihiin dawladdii ay doorteen, sidaas darteedna ay maanta ku soo biireen Kulmiye.


Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Min 20 Sannadood Oo Xadhig Ku Xukuntay 7 Nin Oo Budhcad Baddeed Ah

Hargeysa, February 19, 2009 (Haatuf) – Maxkamadda gobolka Saaxil, oo ammaankeeda aad loo adkeeyay ayaa shalay min 20 Sanadood oo xadhig ah ku xukuntay toddoba nin oo 11-kii bishan laga qab-qabtay gudaha magaalada Berbera, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal budhcad baddeednimo ah oo ay maraakiib kaga afduubayaan xeebaha Somaliland ayey Maxkamaddu sheegtay inay ku heshay dambigaas ah inay qorsheynayeen falal budhcad baddeednimo oo laga fuliyo xeebta Somaliland.

Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim Daahir, ayaa sheegay in maxkamaddu toddobadaas nin oo shan ka mid ahi ka yimaadeen dhinaca maamul-goboleedka Puntland iyo labada kale oo u dhashay Somaliland ay maxkamadda horteeda kaga caddaatay inay isu diyaarinayeen sidii ay falal budhcad-badeednimo uga fulin lahaayeen xeebaha Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamaddu waxa kale oo uu sheegay in budhacadaasi markii ciidanka Bileyska Berbera gacanta ku dhigeen lagu qabtay hub badan oo ay ka mid ahaayeen qoryaha AK47 loo yaqaano, laba baasuuke, rasaas badan iyo baaruuda qaraxda iyo weliba Salaan. Sidaa daraadeedna iyada oo maxkamaddu cuskanaysa qoddobada Xeerka Ciqaabta ee 230, 234, 118 iyo 168 ay ku ridday xukunkaas dheer ee min 20-ka sannadood ah. Sidoo kale, maxkamadu waxay xukuntay in lala wareego hubkii lagu soo qabtay.

Hase yeeshee toddobadan nin ee xukunka lagu ridday ayaan intii dacwadoodu ka socotay Maxkamadda Berbera jirin Qareen difaacayay.

Maaha markii ugu horreysay ee maxkamadda Degmada Berbera xukun ku rido dad lagu eedaynayo falal budhcad-badeednimo, balse waxay maxkamaddani hore xukun sidan oo kale u dheer ugu ridday laba kooxood oo hore oo iyagana lagu eedeeyey inay qorshaynayeen falal budhcad-badeednimo inay ka fuliyaan xeebaha Somaliland.


Sh. Shariif Iyo Raysal-Wasaarihiisa Oo Midba Liis Wasiiro Ah Soo Bandhigay

Jabuuti, February 19, 2009 (W. wararka)-Beesha Caalamka ayaa Ra'isal-wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdi Rashiid Cali waxay cadaadis ku saaraysaa inuu soo dhiso dowlad aan tiro ahaan ka badneyn 18 ilaa 20 halka golaha baarlamaanka ee ku dhisan habka qabaa,ilka ay ku hanjabayaan inay ridayaan haddii aan dowladda la gaadhsiin 27 ilaa 32 Wasaaradood.
madaxda sare ee dawlada lagu soo dhisay dalka Jabuuti Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa ka wada arrinsanaya sidii ay go’aan uga wada gaadhi lahaayeen xukuumada cusub ee ay soo dhisayaan, isla markaana waxay Labada masuul ee ugu sareeya xukuumada ku meel gaadhka Somalia ay ka cabsi qabaan inay khilaaf hor leh keento magacaabida golaha wasiiirada ay magacaabayaan, taas oo ay ka baqayaan inay kalsoonida Baarlamaanka weydo,

Waxaana la sheegayaa in labada garab ee ay ka kooban yihiin Baarlamaanka Somalia uu mid waliba dhankiisa u soo qoray liis uu doonayo inay uga qaybgalaan wasiirada la dhisi doono.
sidoo kale Cabdi Raxmaan Ibbi ayaa olole xoogan ugu jira sidii looga dhigi lahaa wasiirka Arrimaha gudaha, hasse yeeshee liiska golaha Wasiiradda ee xulufadda la ah siyaasada Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed waxa loogu cayimay Wasiirka qorsheynta Qaranka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa isagu soo bandhigay liiska Wasiirada garabkiisa ee Wasaaradaha ugu muhiimsan waxaana la sheegay inuu u qoray sidan:-

1-Wasiirka Arimaha Dibadda Jaamac Maxamuud ( Sifir )

2-Wasiirka Arimaha Gudaha Col.Cumar Xaashi Aadan

3-Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Cabdi Gaandi

4-Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan

5-Wasiirka Qorsheynta Qaranka Pro Cabdiraxmaan IBBI

Dhinaca kale Ra'iisal wasaare Cumar Cabdi Rashiid ayaa waxa uu Madaxweynaha hordhigay liis ka duwan kan Madaxweynaha, kaas oo u qoranaa sidan.

1-Wasiirka Arrimaha dibadda ahna Ra'iisal wasaare ku xigeen= Ahmed Abdi Salaan Xaaji

2-Wasiirka Arrimaha gudaha Cumar Xaashi Aadan

3-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdalle Boss

4-Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan

5-Wasiirka qorsheynta Qaranka Proff Cabdi/raxmaan Ibbi

6-Wasiirka Tacliinta sare Proff Maxamed Cabdi Gaandi

7-Wasiirka Waxbarashada iyo barbaarinta Proff Ismaaciil Buubaa

8-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Proff Ibraahim Caddow

Aqoon yahanada Soomaalida ayaa Ra'iiaul wasaaraha cusub iyo Madaxweyne Shariif kula taliyey inaanay lumin miisaanka Caddaalada, isla markaana ka fogaadaan damac kasta oo Xukuumadda cusub fashilin karaya .

Haddii sida uu jeceleysanayo Shariif Sheekh Ahmed loo magacaabo golaha Wasiirada,waxa hubaala inuu lumen karo fursado qaaliya, lagana yaabo inay taasi dhaxalsiiso inuu qaado jidkii ay mareen raggii isaga ka horeeyey ee ahaa Madaxweyneyaasha kuwaas oo iyagu hanan waayey taageerada dadka Soomaalida isla markaana maamul ka dhisi kari waayey dalka Somalia.


Tolow Jagadaydii Miyey Cadhootay Mise Waxay Ku Jirtaa Caloosha Dawladda Hoose Ee Boorama

Aniga oo ka mid ahaa qurba jooga JSL muddo ka badan 20 sannadood waxaan ku faraxsannahay inaan dalkayga ku soo hoydo sannadkii 2003, laakiin waxaan ka xumahay inaan dalkayga kala kulmo dhibaatooyin aan qofna rumaysanayn oo igu noqotay fajaciso iyo dhabanna-hays.

Waxaan dalka hooyo ku imid magaalada Boorama fasax 1984-kii, aniga oo ka maqnaa muddo 7 sannadood ah, waxaan arji u qortay dawladda hoose ee Boorama, aniga oo ka codsanaya in la i siiyo jago banaan, waxaana la iga siiyey jago 30x30 ah meel cidlo ah oo aan cidi deganayn wakhtigaas oo dhismaha ugu dhawaana uu ahaa dugsi la odhan jiray Biyaafra, xaafaddaas oo imika loo yaqaan Axmed Guray. Dib ayaan u dhoofay markaan sharcigii iyo shuruudihii la iga rabay aan dhammeeyay, dawladda hoose-na ay I siisay faylkii, waxaanan kaga tegay jagadii iyo faylkiiba Alla ha u naxariistee hooyaday (waa sodohday), iyadoo sannad walba bixin jirtay Ardiyadda iyo cashuurahaba.

Waxaan aniga dalka ku soo noqday 2003 si aan ugu noolaado noloshayda inta ka hadhay, markaan imid waxaa raadiyay jagadii oo runtii aan garan waayay goobtay ahayd sababta oo ah aniga oo ka raagay dalka iyo dhulkii aan ku oggaa banaanka oo la wada dhisay, kadib waxaan u tegay dawladda hoose ee Boorama si ay ii tusaan jagadii kadib markii aan u sheegay inaan garan waayay waxa la igu daray gudi si ay jagadii ii tusaan, waxaanay I dul geeyeen jago banaan oo ay igu yidhaahdeen waatan jagadaadii isla maalintaa gelinkeedii dambe markaan bilaabay inaan ka shaqeeyo waxa ii yimid rag hubaysan oo sheegtay jagadii waxaanu isku raacnay dawladda hoose si ay nook ala saarto, waxaanay igu yidhaahdeen jagada waxa leh raggan ee waanu khaldanay, waxaanad noo iman doontaa beri, si aanu jagadaadii kuu tusno. Markaan maalintii dambe u tegay waxa la igu daray nin Joomitir ah oo isna I tusay jago banaan iina sheegay inay taydii tahay dabadeedna waxa igu qabsatay gabadh Canab la yidhaahdo. Markaanu dawladdii hoose u wada tagnayna mar labaad ayay igu yidhaahdeen waanu khaldanay ee toddobaad naga maqnow si aanu u baadhno jagadaadii.

Markay muddadii dhammaatay ee aan u tegayna waxa la igu daray nin Joomitir ah oo I geeyay sidii oo kale jago banaan taas oo iyadana uu igu qabsaday Alla ha u naxariistee Sh. Muuse Goodaad, markii aanu dawladdii hoose u tagnayna mar saddexaad ayay igu yidhaahdeen waanu khaldanay ee raali naga ahow.

Muddo saddex sannadood ka badan ayaan ku noqnoqonayay war cadna la ima siin ee ninkaan u tagaaba dhabarka ayuu ii soo jeediyaa.

Waxaan bilaabay inaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawladda hoose iyo Xildhibaanada aan qof qof u wareysto, waxaanay intooda badan kala kulmay iyo ereyada ay igu yidhaahdeen waa kuwan hoos ku qoran:

1. Balanqaad had iyo jeer been ah oo la ii goo-gooyo

2. Maanta mashquul baan ahaye ee mar kale ii kaalay

3. jagadaada afarta dhinac waxa kaga qoran wado oo lama garan karo

4. Intaad dibadda ku maqnayd ayaa jagada la cunay

5. Sida dadka kale rag qoryo sita soo kaxayso oo jagadaada xoog ku doon

6. iyo qaabab badan oo la doonayo in la igu qanciyo.

Ugu dambayntii nin dawladda hoose ka shaqeeya ayaa i tusay jago oo ii sheegay inay taydii tahayd, tiina waxa igu qabsaday nin Wasiir ku-xigeen ah oo isla markiiba dhisme ka bilaabay intaanan isla gaadhin dawladda hoose. Markii aanu u tagnay dawladdii hoosena waxay nagu yidhaahdeen guddi ayaanu idiin saaraynaa idin kala saarta ee naga maqnaada saddex cisho.

Markay muddadii dhammaatay ee aan u tegay dawladda hoose waxa la i siiyey warqad aniga oo haba yaraatee aan waxba la i weydiin warqaddaas oo ay ku caddaynayaan in jagadaa wasiirku leeyahay.

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ii arkaan in aan ahay doqon amba nacas marka ay maqlaan inaan baryootamayey muddo ka badan shan sannadood, laakiin sidaa maaha ee waxaan xaq-dhawrayey xeerka iyo sharciga JSL. Waxa kale oo aan ka xishoonayey in rag walaalo ah oo xil isku leh inay isku dilaan jago.

Waxa laga yaabaa oo aan kala garan la’ahay inay jagadii cadhootay oo ay dalka ka guurtay iyo in la qarxiyey oo ay ku jirto caloosha dawladda hoose ee Boorama.

Haddaba haddii aan anigu garan waayay jagadaydii waxa ii garanaya Illaahay, dawladda hoose-na way ogtahay meesha ay ku taalo haddii aanay wax kale jirin.

Gebo-gebo

Waxaan xal mooday in sharciga JSL iyo inta loo xilsaaray ay ka xishoon doonaan in xaqayga aan sidaa ku waayo. Sidaas daraadeed, waxaan mar afraad ka codsanayaa dawladda hoose ee Boorama iyo inta xilka haysa ee qoraalkaygani ku socdo in ay sida ugu haboon iigu raadiyaan jagadayda maadaama oo ay ahayd hantidaydii isla markaana tacab badani iga galay.

Axmed Aadan Samaale

Sarkaal Nabadsugidda Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Hargeysa, Somaliland