Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1974 | February 27, 2009 Rabiicul Awal 1,1430H | |||
Halkuu Ku Dambeeyey Xidhiidhkii Wacnaa Ee UDhexeeyey Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweyne Rayaale “Haddii Aad Ka Dhiidhiyi-Waydaan Waxaad Ogaataan Inuu Berri Boqor Idinku Noqonayo”
|
FBI-da Oo Mid Ka Mid Ah Raggii Isku Qarxiyey Somaliland Ku Tilmaantay Ninkii Ugu Horeeyay Ee Maraykan Ah Ee Ismiidaamin Ku Dhinta, Kana Digay Weeraro Lagu Qaado Gudaha Dalkaas Washington, February 27, 2009 (Haatuf/World Tribune) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ninkii ugu horeeyay ee is-qarxiyey ee Maraykan ahi uu noqday Shirwac Axmed, kaas oo ka mid ah koox isku qarxisay weeraro argagixiso oo bishii October 2008 laga fuliyay Somaliland, iyadoo ay Maraykanku sheegeen in weerarkaas ay ka dambeeyeen koox argagixiso oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Agaasimaha hay’adda Baadhista dambiyada u xilsaaran Maraykanka ee la yidhaahdo FBI, Mr. Robert Mueller oo toddobaadka hortagay Guddida Xidhiidh Dibadda u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka, ayaa ka warbixiyey macluumaadkii ay ka heleen baadhitaanadii ay ku sameeyeen Shirwac Axmed iyo dhallinyarada la tuhunsan inay ku biireen kooxo argagixiso ah, kaas oo ay ku ogaadeen in Mr. Shirwac uu ahaa nin asalkiisu ahaa Somali haystayna dhalasho Maraykanka ah oo ku noolaa dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, iyadoo uu Shirwac noqday ninkii ugu horeeyay ee Maraykan ah ee is-qarxiya. “Nin ka soo jeeda magaalada Minneapolis ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee dhalasho Maraykanka ah haysta ee la rumaysan inuu is-qarxiyay, isagoo ka qayb-qaadanaya weerar is-miidaamin ah oo ay fuliyeen koox argagixiso ahi,” ayuu yidhi Mr. Robert Mueller, agaasimaha FBI, waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi: “Weerarkan is-miidaaminta ahaa wuxuu bishii October 2008 ka dhacay Somaliland, balse waxay u muuqataa in Shirwac shakhsiyan uu mayal-adayga kala tegay magaalada uu deganaa ee Minnesota, waxaana qaraxaas kula dhintay 30 qof oo kale.” Agaasimaha FBI waxa guddidan u sheegay in Shirwac sannado ka hor uu isaga iyo qoyskiisu soo degeen Minneapolis, waxaanu xusay in Shirwac mawqifkiisan lagaga dhaadhiciyay intii uu joogay Maraykanka, kadibna lagu amray inuu dib ugu laabto Somalia si uu u fuliyo hawl-galkan. “Dhallinyarada xag-jirnimada iyo nacaybka ka qaadanaya mujtamacooda dhexdiisa, isla markaana lagu dhiiri-gelinayo inay mararka qaar dib ugu laabtaan Somalia si ay hubka u qaataan, mararka qaarna ay dhacdaba inay lafahooga halaagaan iyagoo galaafanaya dad badan oo kale, ayaa waxay safir foolxun ka bixinaysaa taariikhda dadka muhaajiriinta ah ee soo gala Maraykanka. Arrintani waxay keentay in lays-weydiiyo in raggan dhallinyarada ahi inay maalin maalmaha ka mid ah dib ugu soo laabtaan Maraykanka, haddii ay taasi dhacdana maxaa laga filan karaa inay halkan ka sameeyaan,” ayuu yidhi Agaasimaha FBI-du. “Qalalaasaha ka jira Geeska Afrika ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay mujtamaca Soomaalida ee Minneapolis” ayuu raaciyay Mr. Robert, waxaanu ka digay khatarta ay ku keeni karaan Maraykanka haddii ay raggaasi dib ugu soo laabtaan. Agaasimaha FBI-du waxa kale oo uu sheegay inay Maraykanka cabsi ku hayso Al-Qaacida, sidaas si la mid ahna waxaa iyaguna cabsi ku haya Maraykanka qaar ka mid kuwa u dhashay dalkeeda. “Marka khatar argagixiso ee dunida ka jirta la barbardhigo ta laga heli karo gudaha Maraykanka, miyaa suurta-gal ahayn haddii uu Somalia ka dhacay qarax is-miidaamin ahi, inuu halkana (Maraykanka) ka dhici karo, markaa miyaanay muuqan inaynu khatar baaxad leh” ayuu yidhi Mr. Robert Mueller. Waxa kale oo uu Agaasimaha FBI-du ku warbixiyey inay suurta-gal noqon karto in kooxaha mayal-adag ay magaalooyinka Maraykanka ka fulin karaan weeraro la mid ah kii ay kooxda argagixiso ka fulisay magaalada Mumbai ee dalka Hindia, iyadoo ay soo badanayaan buu yidhi dhallinyarada xag-jirka ah ee isaga dab-qaadaya wadamo ay ka mid yihiin Afghanistan, Ciraaq, Yemen iyo Somalia. Urur ay leeyihiin koox Soomaali ah oo degan Minneapolis kana mid ah dalada kulmisa mujtamaca Muslimka ee gobolkaas ayaa martiqaad casho ah u fidiyey Agaasimaha FBI-da Mr. Robert Mueller, si uu ula kulmo mujtamaca Muslimiinta ah ee gobolkaas degan, isla markaana laysaga wareysto sidii xidhiidh looga sameyn lahaa tuhunada laga qabo Muslimiinta iyo Soomaalidaba. Hase yeeshee Agaasimaha FBI ayaan ka hadal martiqaadkaas inuu aqbalay iyo in kale. “Haddii Ay Wasiiradu Guulwadeeyeen, Anaguna Waanu Goriileyn, Beeshana Waxa Metela Mudanayaasha Labada Gole” Md: Axmed Muuse Obsiiye, golaha Guurtidda Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf)- Md: Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ah mudanayaasha beelaha Habar yoonis kaga jira golaha Guurtida Somaliland ayaa xubnaha golaha wasiirada kaga jira beeshooda ku eedeeyey in shakhsiyaad ka soo jeeda beelahaasi oo ay ka soo ururiyaan gobolada, Maroodi jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay madaxweyne Rayaale ugu muujinayaan kalsoonidii beelahaasi, taas oo uu ku tilmaamay in xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka wakiilada iyo Guurtida aan wax wada tashi ah lagala yeelan, isagoo intaa ku daray in kalsoonida beelahaasi ay xildhibaanadoodu matalaan, balse aanay xubnaha wasiiradu matalin, isagoo dhinaca kalana shaaca ka qaaday in xildhibaanadooda labada gole ee Baarlamaanku ay shirweyne wada tashiya iskugu iman doonaan maalinta sabtida kuna qabsoomi doona caasimada. Md: Axmed Muuse Obsiiye waxa uu sidaasi ku shegay mar uu shalay khadka telefoonka ugu waramayey wargeyska Haatuf kaas oo uu sidoo kale madaxweyne Rayaale uga digay shakhsiyaad ay wasiiradaasi la kulansiiyeen aanu u qaadan in kalsoonidi beelahaasi uu haysto . Md:Obsiiye isago arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “ anagoo ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada ugu jira beelaha Habar yoonis, waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa xubnaha golaha wasiirada kaga jira beelahaasi oo intay shakhsiyaad ka soo jeeda beeshaas uga yeedhaan gobolada saaxil, Togdheer, Sanaag, Sool iyo maroodi jeex intay Hargeysa isugu keeneen oo ay xildhibaanadii labada gole ee baarlamaanka ee beelahaasi matalayeyna intay gacan dhaafaan raba inay madaxweynaha ugu muujiyaan kalsoonidii beesha sidaa darteed waxaanu leenahay beesha wasiiro ma matalaan , ee waxaa matela xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, waxaanan leeyahay haddii ay wasiirada beeshu guul wadeeyaan. Anaguna xildhibaano ahaan waanu goriilayn doonaa, haddii aanu nahay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka kaga jira beelaha H/yoonisna waxaanu halkan ku sheegaynaa in shirweyne degdega aanu ka yeelan doono wasiirada magaca beesha tuurta ku qaatay, beeshiina mucaarid iyo muxaafidba way leedahay. Laakiinse waxa ka dhexaysa danaha iyo talada guud ee masiirkooda” S: ma la odhan karaa madaxweyne Rayaale ayaa ku amray xubnaha wasiirada beeshiina inay u soo muujiyaan kalsoonida dadweynaha taas darteedna ay u soo ururiyaan madaxweynaha xubno ka tirsan beesha ? J: madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu ku yidhaahdo wasiiradiisa kalsoonidiisa iyo taageerada beeshiina keena balse marka talada beesha laga hadlayo waxa ummada ka wakiilada xildhibaanada labada gole ugu jira iyo cuqaasha balse koox ay soo ururiyaan wasiiradu oo dhinacooda ay ka keenaan beesha kalsoonideeda ma matali karaan. “Koonfuri (Somalia) Ma Degayso Waxna Uma Hagaagayaan Ilaa Ay Somaliland Ictiraafaan” Cabdi-Dheeg, Xildhibaan Dawladdii Cali Geedi Ka Tirsanaa Oo Somaliland Booqasho Ku Yimid Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf) - Cabdikariim Naasir Seef (Cabdi-Dheeg), oo hore ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii Mbagathi ee xilligii dawladdii Ra’iisal-wasaare Cali Maxamed Geedi, isla markaana ahaa Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dawladdii Cabdiqaasim ee Somalia, ayaa sheegay inaanay wax u hagaagayn dawlad kastoo Somalia loo soo dhiso haddii aanay marka hore ictiraafin qaranimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Somaliland ku amaanay horumarka, ammaanka iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ay dadka reer Somaliland xukuumad iyo shacbi samaysteen, taas oo uu ku tilmaamay mid aan ka jirin dalalka ku hareersan ee Geeska Afrika. Cabdi-Dheeg waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa, wax yar kadib markii uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, isagoo sheegay inuu socdaalkiisan Somaliland ka dambeeyay marti-qaad rasmi ah oo uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo afar bilood ka hor ku kulmeen magaalada London ee dalka Britain mar uu Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku joogeen halkaas. Cabdi-Dheeg waxa uu sheegay inuu horena u aaminsanaa haddana aaminsan yahay xaqa ay Somaliland u leedahay inay hesho Madax banaanideeda, waxaanu sheegay Cabdi-Dheeg inuu ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsanaa Baarlamaankii dawladdii Cali Maxamed Geedi ee Baydhabo kaga dhawaaqa taageeradiisa Madax banaanida Somaliland. Hase yeeshee isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay mawqifkiisaa uu hore uga dhawaaqay Baydhabo iyo ujeedada socdaalkiisa hadda ee Somaliland, waxa Mr. Cabdi-Dheeg yidhi: “Marka hore Illaahay baa mahad leh, marka xigta Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayay afar bilood ka hor ayaan waxaan ku qaabiley Hotel Marriott ee London anigoo ay ila socdaan Jaaliyaddii Yurub, Mutacalimiintii iyo dhallinyaradii, Madaxweynaha, wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha halkaas u joogay Somaliland, waxaanu tusnay oo aan hortoodana ka caddeeyay inaan ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee ictiraafa isagoo xilkiisii haya Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha iyo weftigiisii waxay ii fidiyeen casuumad rasmi ah inaan ku iman karo Somaliland iina furan tahay oo dalkaygiina uu yahay horena uu u ahaa, taas ayaa ii saamaxday inaan maanta imaado Hargeysa, waxaanan doonayaa inaan indhahayga ku arko waxa ka jira Somaliland.” Mr. Cabdikariim Naasir Seef (Cabdi-Dheeg) oo ka jawaabaya fikirka uu ka aamisan yahay Somaliland, iyo shirqoolada ay hore iyo ilaa imika dawladaha TFG ee Somalia u maleegaan Somaliland, waxa uu yidhi: “Xukuumaddii Cabdiqaasim Salaad waxaan ka ahaa wasiirka Isboortiga iyo Dhallinyarada, Xildhibaanna waan ahaa. Anigoo Norway fasax ku jooga ayaanu wasiiradii Somaliland isugu nimid wakhtigii Madaxweyne Cigaal noolaa. Anigu markaa dawladda Somaliland waxba kama qabin, imikana si cad baan u taageeray, mana aha fikir dad igu soo dhaliyeen ee waa wax aniga afkaartayda ka yimid. Halkan yar ee hagaagsan ee sharci iyo kala-dambayntu ka jirto ayey dadka qaar dawladihii ku leeyihiin meesha waa laysku xidhaa, amar-ku-taagleyn baa ka jirta, markaa inaan anigu indhahayga ku soo arko, kuwa shirqoolada u maleegaya ee diidan Somalilandna waxaan doonayaa inay iska bedelaan xanuunkii hayay oo ay horumarka xukuumadda Somaliland iyo shacbigeedu gaadheen, iyo guurtida iyo Baarlamaankana inay raacaan qoladaasi (Somalia) oo ay ku daydaan. Waxaan caddaynayaa in Somaliland dimuqraadiyadi ka jirto oo aan 4.5 ka jirin, xukuumadduna ay shacbiga ku taagan tahay, shacbiguna haddii aanu jirin xukuumaddani may jirteen oo Guurtida, Baarlamaanka iyo Xukuumadduba shacbiga wanaagsan ayey ku dhisan yihiin”. “Halka ay nimanka (Somalia) diyaaradda u raacayaan dalalka Islaameed iyo hoteelada ay tagayaan, waxaan odhan lahaa ha u soo raaceen diyaaradda caasimadda Somaliland ee Hargeysa hana ictiraafeen Somaliland, intaas ayaa ka xigta” ayuu yidhi Cabdi-Dheeg, waxaanu isagoo ka hadlaya ku talo-galka qorshihiisa Somaliland yidhi: “Waa markii iigu horeysay ee aan imaado Somaliland, inkastoo aan u hadlay oo aan shaqeeyay, anigu haddii aan xil qabto iyo haddii aanan qabanba waxaan Somaliland u imid is-barasho furan. Somaliland waxaan ku arkay shaqo kala socota, suuq xor ah, ammaan, kala-dambayn, nidaam iyo sharci baan ku arkay, igamana aha faanin ee waa wax dhab ah oo aan arkay. Anigu waxaan ku dheereeyaa Isboortiga iyo dhallinyarada, dawladii Cabdiqaasim-na wasiirka Isboortiga iyo Dhallinyarada ayaan ka ahaa markaa waxaan doonayaa inaan wixii karaankayga ah ee Isboortiga iyo dhallinyarada horumarkooda ah wax ka qabto, oo garoonada iyo inaan soo celiyo dhanka xidhiidhka Caalamka oo uu xulka qaranka Somaliland la ciyaari karo wadamada jaarka ah iyo ilaa kuwa Carabta.” Mar wax laga weydiiyay weeraradii isqarxanta ahaa ee ka dhacay Somaliland laguna eedeeyay kooxda Al-Shabaab, waxa uu Cabdi-Dheeg sheegay in is-qarxantu tahay wax aanay banayn diinta Islaamku, waxaanu yidhi: “Waxaan Diintu ogoleyn cid bina aadam ah oo qaadan kartaa ma jirto, naf aan waxba galabsan baan goynayaa oo aan xukun ku qabsanayaa ama diin baan ku faafinayaa, labadaaba Illaahay raali kama aha. In lays qarxiyo Diinta Islaamku ma qabto, diin Islaam iyo tu gaal mid ogolna ma jirto. Anigu maalintaa Norway ayaan joogay, Jaaliyadda weyn ee Somaliland ayaa isoo dhawaysay oo aan khudbad u jeediyay, waanuna ka tacsiyadaynay Somaliland, waxaanan ka hormariyey Illaahay baa mahad lehe hadhkan maanta aynu ku joogno nabaddan iyo horumarkan ka jira Somaliland Illaahay ka sokow labadii Madaxweyne ee dhaliyay, Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xaaji Maxamed Ibraahim Cigaal Illaahay ha u naxariisto iyo muwaadiniintii soo halgantay, rag baa mar walba hawsha meeshii ka sii wada.” Ugu dambayntiina waxa Cabdikariim Naasir (Cabdi-Dheeg) ugu baaqay dawladda Sheekh Shariif inay aqoonsato jiritaanka dalka Somaliland, si ay u degto Koonfur, waxaanu yidhi: “Diyaaradda Daallo meeshii loo raacayay ee Nairobi, Yemen iyo Itoobiya way soo dhammaatay, Djibouti bay diyaaradii ag-taagan tahay ee waa inay ka soo jiiraysaa, Xildhibaanada iyo raggaa wakhtiga iska luminaya waxaan odhan lahaa wakhtigu yaanu idinka lumine, Somaliland hala ayido, markaas baa la noqon karaa dawlado deris ah oo saaxiib ah, oo aynu wax is-weydaarsan karnaa, waxna wada geli karnaa. Waar nimanyahow xanuunku waa halkiisa, ee inaad derbiga taabato oo xaqiiqda la waajaho ileyn beentu ma soconaysee. Waxa la yidhi meyd kee baa ugu dambeeyay, kaa la sii siddo, Sheekh Shariif waa taas xabbadda loo sito, annaguna ma diidayno wixiisa, laakiin Somaliland iyo shacbigeedan wanaagsan ee burburkii iyo dhibtii loo geystay iska ilaaway ee yidhi horumar baanu rabnaa, walaalahayana (Somalia) Illaahay ha qaboojiyo, waar ma waxay kari waayeen Somaliland oo walaahayaga iyo deriskayagaba ah waanu ogolnahay oo shalay lixdankiiba Somaliland iyagaa noo keenay, maantana annagu waanu ogolnahay. Koonfurina ma degayso waxna uma hagaagayaan ilaa ay Somaliland ictiraafaan mooyee.” Saraakiil Ka Socota Wasaaradda Khaarajiga Taiwan Oo Booqasho Aan La Shaacin Ku Yimid Somaliland Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf) – Wefti ka socda Hay’adda dhinaca Iskaashiga Iyo Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan (International Cooperation and Development Fund) oo loo soo gaabiyo TaiwanICDF, ayaa shalay dalka Somaliland booqasho ku yimid. Weftigan oo ka koobnaa saddex Sarkaal, ayaa waxaa madaarka Hargeysa kaga hortegay wasiirka Arrimaha Dibdda Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow. Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin booqashada weftigan, hase yeeshee weriyeyaal Haatuf ka tirsan oo shalay ku sugnaa Madaarka Hargeysa oo isku dayey inay xubnaha weftigaas kula kulmaan Qolka VIP ee Madaarka Hargeysa, ayaa layska hortaagay, waxaanu askari ka tirsan ciidanka Bileyska Madaarku weriyeyaashaas u sheegay inuu amar ku haysto inaanay suxufiyiintu halkaas u dhaafin. Weftigan ayaa waxaa Madaarka ka soo qaaday laba ka mid ah gaadiidka Madaxtooyada oo leh taarikada Gaadiid Shacbiga. Inkasta oo soo dhaweynta weftigan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan uu dhinaca xukuumadda ka socday wasiirka Khaarajigu, haddana waxay dad badan oo Madaarka shalay ku sugnaa isweydiinayeen xilka uu Cismaan Buur-Madow u hayo xukuumadda ee uu ku metelayey soo dhoweyntii weftiga Taiwan. Dawladda Taiwan oo ah dal iskii u madax banaan ayaa dawladda Shiinuhu ku dooddaa inay tahay gobol ka mid ah dalweynaha Shiinaha, taas oo ay Somaliland iyo Taiwan iskaga duruuf yihiin, waxaanay booqashada Saraakiishani noqonayaa weftigii ugu horeeyay ee Xukuumadda Taiwan ka socda ee dalka Somaliland yimaada inta la ogyahay. Hay’adda ICDF oo u xilsaaran caawimada dalalka xidhiidhka dhow ay leeyihiin dalka Taiwan ayaa waxay dalal Afrika ku yaal ka caawisaa dhinacyada Kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo gargaarka dhinaca bina aadamka oo ka geysto wadamada ay la soo dersaan masiibooyinka dabiiciga ah. Sidoo kale waxay hay’addani gacan ka geysataa kobcinta iyo horumarinta dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, wershadaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada arrimaha Bulshada. Badhasaab Ku-xigeenkii Sool Oo Ka Mid Noqday Baarlamaanka Somalia Oo Madaarka Hargeysa Laga Qabtay Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf) – Ciidanka Bileyska Somaliland ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga u taxaabay Maxamuud Maxamed Faarax (Indho-Buur) oo ahaa ku-xigeenka Badhasaabka gobolka Sool, kadib markii uu shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isagoo ka soo kicitimay magaalada Djibouti ee dalka Djibouti. Mr. Indho-Buur ayaa dhowaan si qarsoodi ah ugu dhoofay Madaarka Hargeysa kadibna ka degay magaalada Djibouti, halkaas oo uu kaga mid noqday xubnihii lagu kordhiyay Baarlamaanka dawladda Somalia loogu dhisay Djibouti, waxaanu hadda ka mid yahay xildhibaanada Baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif ee weli dibad-yaalka ah. Sida la sheegay Mr. Indho-Buur ayaa socdaalkiisu ku jihaysnaa dhinaca magaalada Boosaaso oo ay diyaaradii Djibouti ka soo qaaday ku soo horeysay, hase yeeshee maamulka Madaarka Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland ayaa diiday inuu galo magaaladaas, isla markaana dib ugu soo celiyay diyaaradii sidday, taas oo abaaro afartii galabnimo ee shalay soo cago-dhigatay Madaarka Hargeysa, halkaas oo ay ku sii sugayeen ciidamada Bileyska oo sida loo malaynayo warkiisa sii hayey. Mr. Indho-Buur ayaa sida la sheegay ka hor intii aan loo magacaabin xilka Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee gobolka Sool, isla markaana ay maleeshiyaadka Puntland ka talinayeen magaalada Laas-caanood waxa uu ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamiga ee Muqdisho, isagoo ahaa wakiilka Maxkamadaha u qaabilsan gobolka Sool, iyadoo sida warar tibaaxeen uu ka mid raggii abaabulay Mudaharaad ka dhacay Laas-caanood sannadkii 2006 oo lagu taageerayay Maamulkii Maxkamadaha ee xilligaas inta degaanada Somalia isku ballaadhiyey. Laakiin sannadkii 2007 markii uu maamulka Somaliland la wareegay gacan ku haynta gobolka Sool, ayaa Mr. Indho-Buur wuxuu Madaxweyne Riyaale u magacaabay Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool. Mujaahidiinta Sooyaal Oo Sheegay Inay Ka Fiirsanayaan Xisbiga Ay Taageeradooda Siinayaan Doorashada Soo Socota “Anagoo aan cidna daba ordaynin cidna aan baryeynin ee codka J.M.Sooyaal uu u goyn karo waxa ay u baahan tahay ee u dana bulshada balaadhan ee reer Sooyaal” Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf) – Jimciyadda mujaahidka ee Sooyaal ayaa shaaca ka qaaday in mujaahidiinta Sooyaal ay ka fiirsanayaan xisbiga ay codkooda siinayaan iyaga oo wadajira doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada, kaas oo noqon doona midka ay dantooda iyo maslaxadooda ka dhex arkaan sidaana waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay shalay soo saareen kaas oo uu ku sexeexnaa Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed. war-saxaafadeedkan ay mujaahidiinta Sooyaal soo saareen shalay ayaa waxay ku sheegeen in hore mujaahidiintu ugu kala qaybsanaayeen taageerada xisbiyada qaranka ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, balse haatan ay ka fiir sanayaan meesha ay codkooda siinayaan ama ay u arkaan inay danta dalka iyo dadka reer Somaliland ay ku jirto. Qoraalkan shalay ka soo baxay xarunta guud ee jimciyada mujaahidka ee Sooyaal Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha jimciyadaasi Xasan Cabdi Maxamed oo uu kaga hadlayo arrintaasi ayaa waxa uu u qornaa isaga oo dhamaystiran sidan, “Sooyaal waxay maanta ka fiirsanaysaa halka ay codkeeda marinayso iyadoo awal hore ay J.M.Sooyaal ku kala qaybsanayd xisbiyada qaranka waxay maanta go’aansatay inaan dani ugu jirn kala filiqsanaan ee ay codkeeda mideeyaan si ay wax ugu qaban karaan dadka ku abtirsada J.M.Sooyaal. Haddaba waxaa maanta Jimciyada Sooyaal ka go’aana inaanu codkayaga siino anagoo ah bulshada ugu balaadhan JSL Sooyaal. Anagoo aan cidna daba ordayinin idna aan baryeynin ee codka J.M.Sooyaal uu u goyn karo waxa ay u baahan tahay ee u dana bulshada balaadhan ee reer Sooyaal. Sidaa daraadeed waxa xisbiyada looga baahan yahay inay cadeeyaan waxqabadkooda mustaqbal ee ku waajahan bulshada sooyaal ee aan kor kaga soo hadlay iyagoo mudan in layska xilsaaro iyagoon gorgortan gelin balse markay taasi dhici wayday ayaa waxaanu go’aansanay inaanaan cid dambe iska badhi taari.” Guurtidda Oo Guddi Dhexdhexaadin Ah U Saartay Colaadda Ka Aloosan Deegaanada U Dhaxeeya Gabiley Iyo Baki Hargeysa, February 26, 2009 (Haatuf) – Golaha Guurtida ayaa guddi dhexdhexaadina u saaray shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawacu ka dhashay ee maalintii doraad ka dhacday waqooyiga gobolka Gabiley oo ay iskaga hor yimaadeen labada beelood oo ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Gabiley, halkaas oo ay ku geeriyoodeen laba qof dad gaadhaya 7 qof na ay ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo guddidaasi dhexdhexaadinta colaada ka aloosan deegaanadaasi magacaabay ayaa shalay subax xarunta golaha kula shiray guddidaasi oo ka koban 15 xubnood, oo ay magacyadoodu kala yihiin. 1. Maxamed Jaamac Abokor 2. C/laahi Ibraahim Xirsi 3. Sh. Khaliif Sh Xasan 4. Nuur Rayaale Khayre 5. Maxamed Maxamuud Diiriye 6. Jaamac Faarax Axmed 7. Diini C/laahi Hadi 8. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax 9. Maxamuud C/laahi Qaalib 10. X. C/laahi Jaamc Caydiid 11. Maxamed Wali Warsame 12. Maxamed Xuseen Huruuse 13. Cawil C/laahi Caydiid 14. Maxamed Ducaale Qurux 15. Sahal Iidle Dirir Suldaan Ka Digay In Xiisadda Ceel-bardaale La Siyaasadeeyo Waxaan ka digayaa in la siyaasadeeyo xaaladda ka taagan deegaanada u dhexeeya gobolada Gabiley iyo Awdal oo ay xukuumada iyo goleyaasha sharci dejintu ka gaabiyeen maareynta muranka ka taagan kala xadaynta” Sul. Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf) – Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mida salaadiinta guud ee gobolka Gabiley isla markaana ka tirsan golaha Guurtida ayaa ka digay in la siyaasadeeyo iska hor imaadkii khasaarihii dhimashadii iyo dhaawaca keenay ee ka dhacay deegaanada waqooyiga gobolka Gabiley ee ka dhashay muranka dhul ee u dhexeeya beelaha deegaanka Baki ee Awdal iyo Gobolka Gabiley. Taas oo uu sidoo kale suldaanku xaalada ka aloosan deegaanadaasina uu ku eedeeyey inay ka gaabiyaan xukuumadda iyo goleyaasha sharci dejinta xalinta iyo maareynta ku waajahan deegaanada mudada dheer muranka dhul ka taagnaa, waxaanu sidoo kale labada beelood ee deegaankaasi ugu baaqay in colaada ay joojiyaan, isagoo goleyaasha iyo xukuumadana ugu baaqay in si dhaba loo soo afjaro loona xaliyo muranka dhul ee ka taagan kala xadaynta gobolada Gabiley iyo Awdal. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirashiid oo shalay galab socdaal uu ku tagay maalintii doraad gobolka Gabiley kaga soo laabtay oo wargeyska Haatuf uga xogwaramayey xaalada deegaankaasi hadda sida ay tahay ayaa sheegay in labadii marxuum ee ku geeriyooday iska hor imaadkii ka dhacay deegaanadaasi lagu aasay shalay magaalada Gabiley haddana ay xaalada deegaankaasi doraad ka dib ay degan tahay, isagoo arrintaa ka hadlaya suldaankuna waxa uu yidhi “ iska hor imaadkaas oo ku dhacay qaab gaadmo ah balse aan weerar ahayn oo dhexmaray laba beelood oo walaala ah oo ka soo kala jeeda gobolada gebiley iyo Awdal, runtii wuxuu ahaa xaalad naxdin leh, oo maradaa kugu gubatay ah, maxaa yeelay dadka ku kala dhaqan labadaa gobol waa dad walaalo ah oo dhal iyo dhasheeda haseyeeshee illaahay qadarkiisa waxaa dhintay laba qof, todobo kalana way ku dhaawacmeen, labadii marxuum ee geeriyoodayna maanta (Shalay) ayaanu ku aasnay magaalada Gabiley, wax dambe oo dhacayna ma jiro, waxaanan ugu baaqayaa labada beelood ee walaalaha ah in xabada la joojiyo oo ay nabada u dhago nuqlaadaan, shaqaaqada degaanadaasi ka taagana waxaan eeda masuuliyadeeda saarayaa xukuumadda iyo goleyaasha sharci dejinta oo ka gaabiyey fulinta xukuunadii golaha Guurtiddu ka soo saaray muranka ka taagan kala xadaynta deegaanada gobolada Awdal iyo Gabiley, oo aanay dabagal ku samaynin fulinta xukuumadii ay Guurtiddu ka soo saareen haseyeeshee waxaan ugu baaqayaa ummadda reer Somaliland inaan la siyaasadayn muranka ka tagan kala xadaynta deegaanadaasi balse lagu soo afjaro maareynta muranka deegaanadaasi sida sharciga iyo distoorku qabaan si cadaalada oo daacadnimo ahna loo guddagalo xalinta mushkilada deegaankaa ka taagan. Xasan Turki Oo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyay Yuusuf Indho-Cade
Muqdisho,
February 27,2009 (Haatuf) – Xasan Turki oo kooxdiisu ka mid tahay afarta
urur ee ku bohoobay xisbul Islaam ayaa sheegay inuu xilkii Ururkaasi uu
ka hayey ee taliyenimo uu ka qaaday Yuusuf Indhacade, balse uu sheegay
inuu Yusuf Indha cadde uu weli ururka ka mid yahay. inkastoo Yuusuf Indhacade hore u sheegay inuu isagu iskii uu xilka iskaga casilay, isla markaana sheegay dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho aanu raali ka ahayn oo ay masuuliyadeeda qaadayaan dadkii dagaalkaasi ka dambeeyey, isagoo sheegay in nin sheegtay inuu yahay afhayeenka kooxdan dagaalka muqdisho ka waday uu sheegay inaanu ogayn goorta iyo halka loogu doortay afhayeenimada ninkaas. Waxaanu Yuusuf indhacade sheegay inuu ayidsan yahay go’aankii culimada waaweyni ka soo saareen xaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee wasiirka Arrimaha Guddaha ee xukuumada uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Cabdiqaadir Cali Cumar ayaa isaguna sheegay in Yuusuf Indhacadde markii la eryey ee laga itaal roonaaday uu sheegay inaanu raali ka ahayn dagaalkaas, wasiirku isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Indhacadde markii Mobile-kii iyo Cimaamadii uu ka cararay ayuu leeyahay kama raali ahayn iyo dagaalka kuma lug lihi,waxaan ognahay in xilkiisii taliyenimo laga xayuubshay loona igmaday Cabdulqaadir Kumaandoos oo ka mid ah taliyeyaasha Xasan Turki" waxaanu wasiirku intaas ku daray in dagaalka uu weli wado nin taliye u ah Yuusuf Indhacade, taas oo uu sheegay inuu Yuusuf Waji xumo taariikhiya kala kulmay dagaalkaas. Si kastaba ha ahaatee kooxaha mayalka adag ee ka jira dalka Somalia ayaa ku kala duwan dagaalkii ayaamahan ka socday Muqdisho, halka qaar ku taageerayaan baaq ay dhawaan soo saareen culimada Muqdisho taas oo ay afar bilood u qabteen ciidamada Afrikaanka ah ee Somalia ku sugan, isla markaana xukuumadda cusub ee sheikh Shariif madaxda ka yahay ku amray inay shareecada islaamka ku xukumaan dalka. Baaqa Shirgudoonka Guurtida, Aamuska Xukuumadda Iyo Dagaalka Muddada Laga Digayey Maxay Ku Tusayaan? Faallo: Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf Ee Boorama Lix bilood ka hor ayaa jawi colaadeed ka taagnaa degaanada dhulbeereedyada ee ay iskua hayeen dad ka soo kala jeeda maamulada Baki iyo Gebilay , lix bilood ka hor ayaana dawladda Rayaale lagu wargeliyey inay wax ka qabato dagaal aanay Somaliland u baahnayn oo ka dhaca jiiddaasi ,lix bilood ka hor ayaana jiidaaasi laga soo sheegayey abaabul maleeshiyo beeled labada dhinaca oo dagaal u diyaar garoobaya, waxaas oo dhami waxay ku dhacayeen dhegeha masuulyiinta dawladda , madax dhaqameedyo iyo siyaasiyiin aan doonayn inuu dalkani ka fogaado xaalad nabadgelyo darro . Toddoba sano ku dhawaad oo Rayaale kursiga dalkan ugu sarreeya ku fadhiyey waxay dawladdiisu ku faani jirtay nabadgelyaanu adkaynay,dagaal baan fogeynay iwm,waxana maanta marag ma doonta ah nabadeglyo darada ka soo cusboonaatay dalka muddo ka badan 17 sano oo Somaliland dawlad ahayd. waa dib u dhac xoog leh lana mid ah xaaladdii dalku marayey 17 ama 18 sano ka hor , taas oo lagu soo afjaray shirweynihii Boorama ee 1993kii . Su'aasha meesha taalla ee la isweydiin karo ayaa ah maxay dagaaladan ka soo cusboonaaday degaanada Gebilay -Baki salka ku hayaan, maxaa wakhtigan ku soo beegay , intii laga digayey maxaa loo demin waayey , maxaase natiijo ka soo bixi karta haddii ay sii socdaan , yaase faa,iido ku qaba yuu khasaare u yahay dagaalkani . Ka hadli maynno cidda ku gardarrayd weeraradii shalay labada dhinac isku qaadeen ,kana hadli mayno cidda guuleysatay iyo cidda laga guuleystay , balse waxan ka hadli karaa dhirbaaxada ku dhacaysa qaranka Somaliland , shicibka dalka iyo halgankii loo soomaray Somaliland xoreynteeda . Wax la filayey ayey ahayd in maalin uun degaankaasi dagaal ku dhex mari karo dad isku haya dhul ,oo an haysan cid kala hagta , runta u kala sheegta , ama labada dhinac ku qancisa miisaanka dhulka la iksu haysto iyo dhibaatada ka dhalan karta . Maanta waxa soo muuqda ifafaale muujinaya in Somaliland la mid noqoto Soomaaliya haddii xukuumaddani dalka sii haysato,waxanad moodaa in dagaalka dhex maraya dad isku degaan ah , isku isir ah, isku abti ah uu xukuumadda Rayaale u yahay Kaadhkii ugu dambeeyey ee ay kusii raadsan kari lahayd cimridherer ay kuraasta kusii fadhiyaan, balse xisaabta caynkaas ahi maanta way ka khaldantay .Waxyaalaha muujinaya in Xukuumadda Rayaale aanay dan ka lahayan dadka walaala ah ee isku isirka ah iskagana hor imanaya dagaalka degaan yar oo u dhexeeya, waxa daliil u ah iyadoo aan ilaa imika soo saarin baaq ay dadka isku haya dhulkaasi kaga joojinayso dagaalka, halka shirguddoonka Golaha guurtidu si degdeg ah ugu baaqay maleeshiyo beeleedyada labada degaan inay joojiyaan dagaalka . Sida beryahanba la saadaalinayey, xukuumadda Rayaale waxay ku taamaysay inay qiil u hesho muddo kordhin kale, iyadoo la tuhunsan yahay inay dhaqdhaqaajisay saraakiil sarsare oo ka soo jeeda degaankaasi iyo kooxo kale si loo bilaabo iska horimaadyo aanay cidina ka faa,iideyn .,balse xukuumadda Rayaale ku doonayso inay kaga gabbato doorashooyinka si ay dalo uga dhigato sababa nabadgelyo daro awgeed doorashadu suurtogelimayso. Si kastaba ha ahaatee reer Somaliland weligood nabadgelyey ku noolaayeen , dadka degaankaasina weligood walaalay ahaayeen intii aanu Siyaad Barre sabab u noqon dagaaladii ay ku kala guureen, siddeetameeyadii waxase nasiibdarro ah in maanta oo kale maamul u eg kii Siyaad Barre oo kale uu mar kale foodda isku geliyo, kaddib markii uu waxba ka qaban waayey murankooda, waxaana loo baahan yahay inay labada dhinacba ka waan toobaan dagaal sii socdaa inaanu dan u ahayn dalka iyo dadweynaha Somaliland. Kulan Taageero Loogu Raadinayo Jaamacadda Hargeysa Oo Xalay Lagu Qabtay Hotel Maansoor Hargeysa, February 27, 2009 (Haatuf) – Kulan balaadhan oo loogu magic daray Habeenka Aqoonyahanka Somaliland ayaa xalay lagu qabtay hotel Maansoor ee maagalada Hargeysa, kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii jaamacada Hargeysa oo ugu ballaadhan jaamacadaha dalka looga dhigi lahaa mid tayadeedu sarayso xag aqooneed, xag macalimiin, xaga sharciga lagu hogaamiyo iyo sidii dhaqaale wax lagu wadi karo hawlaheega loogu kaabi lahaa si jaamicadu u noqoto mid wax soo saar sare yeelata isla markaana jaamacadaha dalka oo dhami sidaas oo kale looga wada dhigi lahaa. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka jaamacada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay aqoonyahano, Somaliland Form, waxgarad, xildhibaano, qaar ka mid ah ardaydii jaamacadaha ka qalin jabiyey iyo marti sharaf kale. Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr Xuseen C/llaahi Bulxan oo kulankan khudbad ka jeediyey ayaa ka waramay doorka ay jaamacadaha dalku haatan ka qayb qaateen horumarka dalka balse ay jaamacaduhu wakhtigan xaadirka ah u baahan yihiin arrimo doora in wax laga qabto oo dhaqaalahu u horeeyo isaga oo tusaale u soo qaatay jaamacada Hargeysa ee uu gudoomiyaha ka yahay ayaa waxa uu sheegay inay maanta dhulka taal taas oo uu ku sababeeyay inaanay jaamacadu dhaqaale ay isku wadi karto haysan, macalimiintu mushahar la’yihiin, waxa kale oo uu tilmaamay in xeerka jaamacada lagu dhaqayey ahaa mid hooseeya ee uu la kulmay oo ahaa mid ka horeeyay balse loo baahan in wax ka bedel lagu sameeyo, waxana ka mid ahaa hadalkisa oo uu yidhi “maanta jaamacada Hargeysa oo ardayda yimaadaa saddex kun iyo dheeraad yihiin durba waa guul, waa mustaqbalkii jaamacada ugu wayn dalka, hadana durba waxaan arkayaa inta dhaqaale ay haysato iyo inta ay agab haysato inaanay ku filayn ardayda halkaa joogta ee doonaysa inay soo galaan, insha allaah way kobci doontaa laakiin anaga hawsha noo taalwaxa weeyaan inaanay noqon uun jaamacad ardaygu inta uu yimaado afar sanadood intuu meeshaa joogo isagoon hayn wax faro badan uu aduunyadaa galo, ma doonayno taas waxaan doonaynaa in afartaa sanadood wakhti badan baa ina limay bulsho ahaan caruurteenii iyo ina qidheena intii aynu dagaal iyo dhibaato ku soo jirnay. Waxaynu doonaynaa haddii ilaahay yidhaahdo jaamacada inaynu ka dhigno meel ardaygu marka uu yimaado uu waxbarashadiisa ku mashquul, macalinka iyo maamulkuna haddii ilaahay nala qabto meel hawli taalo waxbarashana taalo” ayuu yidhi Dr Bulxan. Sidoo kale waxa iyaguna kulankan uga xogwaramay jaamacada Hargeysa iyo duruufaha ku xeeran labada gudoomiye ku xigeenka 1aad Mubaarig Ibraahin Aar iyo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jaamacada Hargeysa Aamina x Axmed. Intaa ka dib waxa halkaa hadal kooban ka jeediyey Sahal C/llaahi Daahir oo ka socday Somaliland Form waxana ka mid ahaa hadalkiisa “waxa weeyey maamulkan jaamacada ee cusub, waa dareen wanaagsan oo waa kuwaa caawa-ba ay inoo soo bandhigeen ee aqoonyahankii Somaliland ay iskugu yeedheen oo talo ina waydiinayaan taas ayaa wax u dhigmaa jirin qof ku yidhi ila tali hawshii la ii igmaday maxaad ka gaysanaysaa runtii waa arrin lau farxo weeye, markaa anugoo matalaya Somaliland Form-na arrintaa waan ugs mahad celinayaa”ayuu yidhi. Waxa isaguna halkaa ka hadlay Cali Guuleed (Cali Maarshaal) waxana ka mid ahaa hadlkiisa “arrinta muhiimka ah ee uu maamulka jaamacadu ina waydiiyey ee ahaa maxaa nagu soo kordhin kartaan, maxaa nala qaban kartaan, taa hadaan ka yara baxo iga raali ahaada jiilkan maanta joogaee ama dusiyada dhexe ama kuwa dugsiyada sare ku jira ama qolada jaamacada maanta ku jrta aad iyo ad baa markaad si u eegto ay u nasiib badan yihiin inkasta oo laga yaabo maanta xaalada taagan inaanay iyagu is-lahayn malaha waad nasiib badan tihiin” waxa kale oo uu intaa ku daray oo uu yidhi “gudoomiyaha jaamacada Hargeysa ee cusubDr Bulxan waa nin aqoonyahan ah, waa nin aduunyada ka soo shaqeeyay, waa nin khibrad balaadhan leh, markaa waxay ina tusaysaa in aynu maalin-ba meel heer soo yara gaadhayno waxaan qabaa inu yahay ninmeeshan wadi kara, olaahayna waxaan ka baryayaa inaynu ku garab galo, waa team weeye oo kaligii waxba ma qaban karo qolooyinka garab fadhiya ee hawsha la wada hdaanay iyaguna joogin iyo inaga inteenan isku timid-ba haddii aynaan wixii wax ku kordhin ama aqoon ha noqoto ama maaliyad ha noqoto ama wixii ay inooga baahan yihiin ee la qaban karo ha noqotee wax alliyaalo wax ay ka tari karaan ma jirto dhibaatooyinka ballaadhan ee ay inoo taataabteen. Waa inaanu maamulka jamacadu noqon mid xukuumada hoos yimaada, waa inay la timaadaa doodan oo kale oo ay dadka soo hor dhigtaa oo muhiim ah oo la sheekayn karo, laga hadli karo waxyaalaha maanta taagan oo kale masalan waa inaydaan idinku idinkaa ardaydii ah, idinkaa dadkii soo korayey ah mustaqbalka maanta ninkii Somaliland barito gacanta ku qabaya ee loo dhiibayaa waa mustaqbalkiina weeyey, markaa siyaasada lafteeda maaha jaamacada iyo maamulkeeda iyo idinkuba haddii aad ardaydii tihiin in aad tidhaahdaan maya…maya halkani waa jaamacad oo siyaasad lagama hadli karo, waxaad u baahan tihiin inaad axsaabta casuuntaan idinkoo jaamacadii ah oo tidhaahdaan waa bal waxa aad nagu hagaysaan bal aanu idiin codaynee maxaanu idiinku codaynaa bal xisbi walow-ba soo bandhig wixii aas ummadan ku hagayso, waayo doorashaa maanta inagu soo socota ka dib idinkuna kii idin cajabiya aad u codayso” ayuu yidhi Cali Maarshaal isaga oo farta ku fiiqay in maanta waxbarashada Somaliland miisaaniyada ku baxda ee xukuumadu u qorshaysay ay ka badan tahay ta ku baxda ciidanka Asluubta ee jeelasha. Waxa kale oo halkaas ka hadlay xildhibaano iyo aqoonyahano kale oo dhamaantood ka hadlay in loo hawl galo jaamacada dalka sidii loo tayayn lahaa.waxna looga qaban lahaa dhaqaale darida la so gudboonaatay. DALJIRE: Beynii Wa Beynak...Afkeenu Waysu Ammaan By A. Geeljire Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan. Doolaal: Cawil wuxuu yidhi..... Dubbe: Waar u kaadi u kaadi. Waar anaga Cawil baa wax yidhi ha na odhannin. Doolaal: Oo waayo? Dubbe: Waayo waa maxay? Cid Ilaahay ma abuurtay oo wax kala garanaysa oo wuxuu Cawil yidhaahdo rumaysata ama wax ka soo qaadda ayaa jirta? Haddaad Somaliland ka soo heshid qof keliya oo weligii ballan uu u qaaday sidiisa ugu fulliyay anaa berri qaadkaaga qaba. Adna waxaad na leedahay lixdankii buu ka sheekaynayaa. Waar adeerow wax kale sheeg. Maxaa inankii sawirka qaadayay ee Dacarbudhuq joogay loo dilay? Ka sheekee. Iminka dalku ma sharci buu leeyahay mise casaabado budhcad ah ayaa tuulo walba ka dillaacay? Lacagtii dadka laga dhacay ka sheekee iyo dumarkan raadku galay ee saqda dhexe laga sii daayay jeelka ee baxsaday. Ka sheekee doorashadan dib u dhacday intaad kolba anaga been noogu celcelinayso. Doolaal: Waar muxuu isla maqiiqayaa maanta? Waar waa ku sidee? Dubbe: Maya. Anagoo beentiinii hadda joogtay khaati ka joogna ayaad been lixdankii dhimatayna noogu daraysaa ood doonaysaa inaanu dhegeysanno. Mase ogtahay inuu Cawil iska ilaaliyo inuu is qaniino? Doolaal: Waar muxuu leeyahay? Oo siduu isagailaaliyaa? Dubbe: Wuxuu isaga ilaaliyaa inuu is qaniino suntan afkiisa ka buuxda ayaa ta maskoo kale ah. Markaa hadduu is qaniino way dilaysaa? Doolaal: Waar naga tag inaad waxaa wax dhaama sheegeyso ayaanu moodaynay eh. Haddaanse Cawilba iska daayo. Maxaad ku diiddeen hadalkii Wasiirka Wershadaha ee ahaa ha la wada tashado? Dubbe: Awel miyaanad igu odhan kaasi beryahan anaguu hoosta nagala socdaa oo Ina Rayaale qawda ayuumbuu maqashiiyaa? Doolaal: Waar bal aamus. Shuuush. Adiguna waxaad ku xumaatay xantii yare e laguu sheegaba mafrishkii baad ka sheegaysaa. Ninka waynu yar xamannay sir yarna waan kuu sheegay ee ma ku qayli baan ku idhi? Dubbe: Dee haaye imaad odhan beynii wa beynak iyo between you and me iyo yay ku dhaafin iyo afkeenu waa isu ammaan iyo waxba toona. Reer magaalka haddaanad odhan beynii wa beynak wixii wa la sheegayaa dee. Doolaal: Waar waan loo noqon doonine iska daayoo; maxaa iminka yeelaysaan doorashadii dib u dhacdaye? Dubbe: Maxaanu yeelaynaa? Dee ina Rayaale wuu iska tegeyaa. Doolaal: Iska hadle. Oo siduu u tegayaa? Dubbe: Nin Cabdi Kareem la yidhaa. Magaciisa labaad sheegi maayo oo Buurmadow baa haddana xidhaya eh ayaa igu yidhi Ina Rayaale oo gabyaya ayaan maqlay oo le: Waxba adigoon dardaarwerin Calow iina digin maanta Dar Allaba waan u tegi dhowaan oo duubtay gogoshiiye Derajada faalkaan ku helay diirsi laga waaye Digta waraabahaan ka jaray iyo waxaan dibiyo moofeeyey Daafaha magaalada waxaan daadshay adhi meyda Falkaan duugay kuwaan dooxa dhigay kuwaan daboolaayay Dirirdhabe sheekhii ka yimi doorka celin waaye Sida dundumo waataan in badan daarta yuururaye Waataan dambiilkuun sitay een deynka buuxsadaye Daf hadduu i soo yidhi waqtigu doorashana keenye Dadku haduu soo hinqado oo foodka lagu daadsho Daliilkii baan hayaa oo codkii laysu dacareeye Dareenkayga taan qabo haddii Daayin kaba yeello Oo dadweynuhu yidhaa runtii kumaba doonayno Waa qodob distooriyaa markakaa inaan dawaafaaye Dani seeto weeyee haddaan degelka soo dhaafo Oon sii dabayshado hulleel Dilana aan gaadho Nafta waan deberi oo fadhiga diiday baan odhane Dura sidii aan ahaa intaan dunidu ii waalan Degtaba qaad waan u ridan oon dadarta iib geyne Waxse doodaydu tahay oo runtii daashay madaxayga Ayax duul baa la yidhi da’ hore dulinse sii reebye Daba dhilifka dillaal iyo mallaal wixiiyo daaquuda Dulligiyo basaaskiyo kuwii deyrka hoganaayay Tolow yaa damiir laawayaal diran afmiishaarka? Duubab sharafle suldaanada dadkiyo madax la soo doortay Tolow yaa duqay iyo garaad diidi kulankooda? Hadba yaa daaqaddii xumayd dib uga soo riixi? mid derderan duuflaalkiyo habeen yaa daafta hore seexin? ugaasku dabuubtuu na yidhi amase diiwaanku "Allahayow nin iidaran" siduu ugu dardaarmaayay Yaa uurka dabi oo haddana afkii qosol ka doondooni? Dembi ma leh reer tolkii hadday derejo siiyeen Anuunbaa ku deyrane waa horay dib uga qaadeene Jidh damqada hadduu leeyahay oo xumo ka diiraayo Ma dileen walaalkii intuu duul abaabule Dibjirkiyo kumuu soo direen dooxya jiifyada eh Disti gubatay yaa Buurmadaw daallinka adeegsan? Dusduska iyo beentii ayuu doallar kaga qaadi? Yuu diradiraalaha ku gubi doorkan la ogaaye? Wakiiladu xisaabteen doonayaan dibudhac weeyaane Dakhligiisa buuxiyo arliga dahab wixii yiillay Dalka xoolahiisiyo hantida waan dudubiyaaye Dekaddii Berbera yaa cashuur diirran ka xambaaran? Doonyaha gingiman yaa kallun diraya oo dhoofin? Danta guud yaa dhul cuni oo shacabkii soo deyran? Deelqaaf iyo afxumo runtii la iga doorroone Darbinteeda se beentaan cid kale igula doodayne Daaraan dhismayn yaa dhagxaan dabaqyo soo tuuli Dadku gar ay leeyihiin iyo hadduu sheegto danahiisa Darandoorri yaa marin rasaas ama dabaabaadka? Yaa duudsiyi xaqiisana haddaan aniga lay dooran? Suxufiga warkuun duuba ee daacadnimo sheega ee difaaca qaanuunka iyo sharciga diiradda u qaatay Dulmi yaa ku soo xidhi oo habeen dooxa ku garaaci? Halkaa markuu marayyo ayaan idhi waar naga kala daa. Bes bes.... Waa inno toddobaadka dambe haddii eebbe idmo. A. Geeljire |