Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1984 | March 11, 2009 Rabiicul Awal 14,1430H | ||||||||||||||||||
Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Cabasho Ka Muujiyay Qaabka Taliska Ciidamadu Ula Dhaqmay
|
Shirka Ay Isugu Boodeen Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco, Gulufka Xukuumadda Iyo Xasaasiyadda Ku Gedaaman Jawiga Madasha Burco, March 11, 2009 (Haatuf) – Waxaa maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka furmaya shir ay isugu imanayaan madax-dhaqameedyo, waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka tirsan Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco, kaas oo ay labada beelood kaga wada-tashanayaan xaaladda dalka, arrimaha nabadgelyada iyo sidii ay labada beelood ee isku degaanka ahi mawqif midaysan uga qaadan lahaayeen dib-u-dhaca doorashooyinka iyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku haatan galay. Shirkan oo la filayo inuu maanta ka furmo Hotel City Plaza ee magaalada Burco, ayaa sida la sheegay waxaa gogosha marti-qaadka fidiyay Salaadiinta ka soo jeeda Beesha Bariga Burco, iyadoo sida la sheegay uu shirkani daba-socdo shir ay Beesha Bariga Burco sannadkii hore dabayaaqadiisii ku yeelatay magaalada Gar-Adag ee gobolka Sanaag, kaas oo ay go’aamadii ay beeshu ka soo saartay uu ka mid ahaa in Beelaha kale ee Somaliland-na la gaadhsiiyo waxyaabihii ka soo baxay shirkaas, balse uu shirkani dib uga dhacay xilligii loogu talo-galay, kadib markii ay ka soo dhexgashay hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada dalka ka socotay. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa si weyn looga dareemayay dhaqdhaqaaqa shirkan magaalada Burco, iyadoo ay halkaas gaadheen ergooyin farabadan oo ka kala tegay magaalooyinka dalka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo ay wufuudda ugu badani ka tagtay, kuwaas oo xamaasad weyn u yeelay jawiga iyo dhaqdhaqaaqa loogu diyaar-garoobayo shirkaas. Wufuudda dhinaca Mucaaridka ka tagtay oo isugu jira Mudaneyaal ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka iyo siyaasiyiin magac weyn leh oo ka soo jeeda degaanka Togdheer, ayaa iyagu maalintii dorraad gaadhay magaalada Burco, kuwaas oo sida la sheegay halkaas bilaabay sidii ay u dhiiri-gelin lahaayeen inay labada beelood wixii dantooda ah ka wada-hadlaan isla markaana mawqif isku mid ah uga qaadan lahaayeen arrimaha xilligan taagan. Kulan casho-sharaf oo loogu gogol xaadhayo shirkan maanta Burco ka furmaya ayaa habeen hore waxaa hotelka Barwaaqo isugu yimid ergooyin kor u dhaafay ilaa laba boqol oo ergey, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Salaadiin, Siyaasiyiin waaweyn, Mudaneyaal iyo waxgarad kaleba. Dhinaca kale, waxaa xasaasiyadda iyo xamaasadda shirkan cirka ku sii shareeray kadib markii ay Xukuumadda Riyaale ku ekeysay guluf xooggan oo ay ugu ololaynayso sidii ay uga hortegi lahayd inuu shirkaasi qabsoomo, iyadoo ay xukuumaddu shirkaas u aragto inuu yahay mid aan xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB-ba wax dan ahi ugu jirin. Magaalada Burco ayaa waxaa maalintii shalay gaadhay kooxo wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Riyaale, Xildhibaano ka soo jeeda xisbiga UDUB iyo wefti ballaadhan oo uu horkacayo Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax, kuwaas oo isla shalay halkaas ka bilaabay shirar doceedyo ay kula faqayaan ergooyinka shirka ka qayb-galaya, balse ilaa hadda lama sheegin wax dhinaca uga qabsoomay ajandaha ay ku furfurayso shirkaas, iyadoo si weyn dadka reer Burco ugu hanqal taagayaan in shirkaasi si habsami ah u qabsoomo. Wasiirada ilaa hadda magaalada Burco ayaa waxa ka mid ah wasiirada Ganacsiga (Cismaan Qaasim Qodax), Hawlaha Guud (Siciid Sulub Maxamed), Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha (Xasan-Macalin) iyo Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga (Cabdixaliim), iyadoo ilaa maantana la filayo inay halkaas gaadhaan koox kale oo wasiiro ah oo uu horkici doono wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale. Dhinaca kale, shir ay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo lagu balansannaa inuu Khamiista beri ah ka furmo magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa la sheegay inuu fashilmay, kadib markii ay isku af-garan waayeen madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka Beeshaasi ajandaha shirka loo qabanayo iyo ujeedada laga leeyahay qabashadiisa. Shirkan oo daba-socday shirar ay masuuliyiinta xukuumadda ee ka soo jeeda degaankaasi dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ku qabteen magaalooyinka Dacarbudhuq iyo Laaleys, kuwaas oo taageero loogu raadinayay xisbiga UDUB, waxaana shirarkaas lagu go’aamiyey in shirweyne ay beeshu isugu timaado 12-ka bishan March degmada Sheekh, waxaana qabanqaabada shirkan loo xilsaaray xubno wasiiro ah iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil, kuwaas oo indhowaalaba ku hawlannaa isla markaana gobolka Saaxil u joogay sidii ay u qabanqaabin lahaayeen shirkaas, hase yeeshee waxay wararku tibaaxeen in shirkaasi uu fashilmay kadib markii ay salaadiinta iyo dadka gobolka degani ay isku aragti ka noqon waayeen ujeedada laga leeyahay shirkan, isla markaana loo arkay mid uu Madaxweyne ku-xigeenku ku doonayo in mar kale uu taageero kaga helo dadweynaha gobolka Saaxil oo beryahan dambe si weyn uga biyo-diiday siyaasadda xukuumadda talada haysa ee xisbiga UDUB, kuwaas oo rag miisaan culus ku leh degaanadaasi ay dhawaan caddeeyeen inay taageeradii ay siin jireen xisbiga UDUB kala noqdeen kadib markii ay xukuumaddu ku guul-daraysatay inay wax-ka-qabato dhibaatooyinka faraha badan ee gobolkaas iyo guud ahaan dalkaba ka jira. Dakhliga Lagu Iibiyey Hantida Maguurtada Ah Laguma Soo Darin Miisaaniyadda, Golahana Waxa U Yaala Arimo Ka Culus Miisaaniyadda” Warbixinta Guddida Dhaqaalaha Ee 2009 Ka. Hargeysa, Marcy11,2009 (Haatuf)-Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiilada ayaa fadhigii shalay ee golaha horkeenay warbixinta miisaaniyada 2009 ka ee wasiirka maaliyadu 1-dii bishan March 2009 uu golaha hor geeyey, taas oo guddidu xog waraysi ay kala soo yeesheen odoroska miisaaniyada wasaarada maaliyada, komishanka doorashooyinka iyo maamulka dekada Berbera ay ku sheegeen in kharasha doorashada madaxtooyada oo ay xukuumadu u soo qoondaysay markii hore 8 bilyan oo Somaliland shilling ah ay wasaarada maaliyaddu ogolaatay in laba bilyan iyo shan boqol oo kun loogu daro, taas oo si lifaaqa uu wasiirka maaliyadu ugu soo daray miisaaniyada kharashka kororsiimo ee doorashada waxaanay guddidu warbixintoodaasi ku sheegeen in xukuumaddu distoorkii iyo xeerarka dalka u yaalay ay jabisay talada golaha u taalaana ay u soo jeediyeen inay ka balaadhan tahay wax laga yeelayo miisaaniyada iyagoo sidoo kalana golaha u soo ujeediyey in la joojiyo cashuurtii 2% ka ahayd ee muddada sanadka ah goluhu u qayday horumarinta gobolada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle oo ay tilmaameen in muddadii dhamaatay iyagoo sidoo kalena soo jeediyey in laga dulsaarka ah ee laga qaado shidaalka ay qabato shirkada Total la joojiyo, isla markaana goluhu hanti dhawraha guud ee Qaranka u yeedho si wax looga waydiiyo xisaab xidhadii miisaaniyada Qaranka oo aanu ilaa hadda golaha soo hordhigin. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo guddoominayey fadhigii shalay ee golaha ayaa waxa warbixinta guddida dhaqaalaha oo ay ku saxeexan yihiin afar xubnood oo ka mid ah 9 xubnood ee guddidaasi ka kooban tahay iyo lifaaqa wasiirka Maaliyadu kharashka doorashada madaxtooyada ugu soo daray miisaaniyada madasha fadhiga ka hor akhriyey Cali Xasan Maxamed oo ka mid ah guddidaasi dhaqaalaha waxaanay warbixintaasi iyadoo dhamaystirnayd u qornayd sidan : “ Gudoomiye iyo mudanayaal, intii uu shaqaynayey golahan la soo doortay waxaa hore golaha u soo martay saddex miisaaaniyadood oo kala ah 2006, 2007,2008. Goluhu isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ee qodobka 55-aad ee dastuurka qaranka Dhamaan sadexdaa miisaaniyadood wuxuu ka soo saaray Go’aamo iyo talooyin uu raaciyey. Miisaaniyadii 2006 wuxu goluhu u kordhiyey mushahar 30% dhammaan shaqaalaha dawlada iyo ciidamada waxan uu raaciyey talooyin. Miisaaniyadii 2007 goluhu wuxuu wax ka bedel ku sameeyey miisaaniyada mushaharka madaxweynaha isagoo ka jaray qadar lacag ah kuna kabay cusbitaalada iyo jaamacadaha dalka, isaga oo goluhu miisaaaniyadii 2008-dii go’aamiyey wasaarada maaliyadana lifaaq ka qoray lacagta bedelka giinbaarka gobolada bari iyo 2% gii horumarinta gobolada bari. Hadaba waxaa xusid iyo xusuus mudan in dhammaan go’aamadaas waxba aanay xukuumadu ka fulin haba yaraatee. Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa golaha la horkeenay 01/03/2009 odoraska miisaaniyada 2009, waxaana gudiga dhaqaalaha loo soo gudbiyey 02/03/2009, si gudiddu warbixin faahfaahsan uga diyaariso, ka dibna u gudbiso golaha wakiilada. Hadaba gudiga dhaqaaluhu si ay u hesho macluumaad dhab ah oo ku saabsan miisaaniyadda iyo dhakhliga dalka wuxay kulamo isdaba joog ah la yeeshay wasaarada iyo hay’adaha ay khusayso oo kala ah :‐ 1 ‐ Wasaaradda Maaliyadda. 2 ‐ Komishinka Doorashooyinka Qaranka. 3 ‐ Maamulka Dekeda Berbera. Komishinka Doorashooyinka Qaranka iyadoo aynu wada ogsoonnahay muhiimada ay doorashooyinku qaranka ugu fadhiyaan isla markaana aynu ku jirno sanad doorasho ayaa gudida dhaqaaluhu si ay u hubiyaan in miisaniyada xukuumadu u qoondaysay doorashooyinka in ay tahay mid ku filan ayaa, waxay gudidu xafiiskooda ku booqdeen komishinka doorashooyinka 02/03/2009. kulankaa komishinka iyo guddida dhaqaalaha waxaa ka caddaatay in miisaaniyda ay wasaaaradda maaliyaddu u qoondaysay doorashooyinku aanu komishinka waxba lagala socodsiin isla markaana aanay ku filnayn in lagu qabto doorasho, komishinkuna aaney ku qanacsanayn. Hadaba si loo helo miisaaniyad ku filan doorashada waxaa gudidu isugu yeedhay wasaaradda maaliyadda iyo komishinka doorashooyinka waxaana kulankaasi ku qabsoomay qolka shirarka ee golaha wakiialda 04/03/2009 iyadoo gudiduna goobjoog ahayd. Waxaa komishinku soo gudbiyeen miisaaniyaddii ay u arkayeen in ay ku qaban karaan doorashada taas oo ka badnayd tii wasaaradu u qoondaysay oo dhammayd 8,598,461,800. Kulan fool ka fool ah oo ay labada dhinac iskula gorfeeyeen waxay isla garteen in miisaaniyadda doorashooyinka laga dhigo 11,339,461,800 iyada oo aanay noqonayn lifaaq balse lacagta dheeraadka laga soo wareejinayo madax ‐xigeenada (1.5.34 Deeqaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyadda iyo Madax xigaha 1.5.19 ee Gurmadka Hawlaha Lamafilanka ah ee wasaarada mataxtooyada), taas oo ah 25% looga baahnaa xukuumada oo weliba ay tahay in ay ka horayso ta deeqbixiyayaasha (in advance) sidaas ayaa wasaaradda maaliyaddu noogu soo gudbisay qoraal rasmiya oo ay ku cadahay miisayaniyadda rasmiga ah toos oo aanu u qaybinayno golaha. Kulanka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Gudida waxaa gudidu la yeelalatay kulan qaatay sadex saacadood 03/03/2009 wasaaradda maaliyada, kulankaas oo gudida dhaqaalahu si qoto dheer uga waraysteen wasaarada arimaha miisaaniyadda. waxyaabihii kulankaa lagaga wada hadlay waxaa ka mid ahaa: 1. waxaa keenay hoos u dhaca ku yimi miisaaniyada 2009 marka loo eego 2008 2. sarifka lacaga adag oo is khilaafsan dakhli badanina uu umadda kaga maqan yahay. 3. xisaab xidhadii miisaaniyadaha oo aan golaha la horkeenin si sharciga waafaqsan. 4. iibinta hantida maguurtada ah ee dawlada oo aan miisaniyada ku jirin 5. halka ay martay 2% loo qoondeeyey gobolada Sool iyo Sanaag‐bari 6. bedelka lacagtii giinbaarta gobolada bari oo ugu yaraan labadii miisaaniyadood ee hore ku jirtay laakiiin aan la fulin. 7. Shirkada kootada shidaalka ee Total iyo madmadawga ku jira shaqadooda, qodobadaas iyo arimo kale oo muhiim ah ayaa kulankaas lagu lafa guray. hadii aynu amuurahaas mid mid u soo qaadano: a) Sarifka Lacagta Adag: Waxaa jira dakhli dalka ku soo gala lacag adag, kasoo ‐xarooda xoolaha nool, madaarada, shidaalada iyo meelo kaleba. Dakhligaas oo ugu yaraan lagu qiyaasay ilaa 11 milyan oo dollar, waxaa miisaaniyada qaranka ay ugu jirtaa qiimaha 3500 sl sh. waxaa sarifkaa ku baaqsada in ku dhaw kala badh oo ah dakhligii lacagta adag, wasaaradda maaliyadu waxay ku doodaysaa in lacagtaa adag ay ku kabaan raashinka ciidamada, wax baaqsadaana aanay jirin, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in goluhu arrintaa ku sameeyo baadhitaan qoto dheer si uu xaqiiqada u ogaado. b) Xisaab Xidhadii Miisaaniyadda: Sida laga wada war qabo mudadii lixda sanadood ahayd ee u dambeysey ma jiro wax xisaab ‐xidh ah oo golaha la horkeenay, marka laga reebo 2005 oo xisaab ‐xidh aan sax ahayn golaha loo keenay kaas oo uu goluhu ku celiyey cod aqlabiyad ah kuna amray in ay ku soo saxaan laba bilood gudahood, wax la soo saxayna aany jirin, ilaa hadana aan Hanti ‐dhawraha wax jawaab ah laga hayn. Iyadoo aan xisaab -xidhadii hore ay ku maqanyihiin xisaab-xidhkii 2005 ee Goluhu ku celiyeyna aanu kasoo jawabin ayuu wuxu hanta dhawruhu Golaha keenay xisaab‐xidh qoraal ka kooban 30 page oo uu ku tilmaamay xisaab-xidhkii 2006. Wasaarada maaliyadu waxay eeda baaqashada xisaabxidhada isaga riixday Hanti ‐dhawraha Guud ee Qaranka. Hadaba sida uu dhigayo dastuurka qaranka Q.55 f.6-7 oo leh sidan “waa waajib u soo bandhigida xisaabxidhka sanad maaliyadeedkii dhamaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabmaysa taariikhda dhamaadka sanad maaliyadeedkii hore, iyada oo golaha wakiiladu ka doodayo, go’aana ka gaadhayo. usoo bandhigida xisaab xidhka miisaaniyadda waxaa u xil saran hanti dhawraha guud” sida ku cad qodobka dastuurka ee kor ku xusan hanti‐dhawraha guud ee qaranka ayey waajib dastuuriya ku ahayd in uu golaha horkeeno xisaab xidhadaa. Waxa kaloo hantidhawruhu waligii Golaha aanu horkeeenin xisaab‐xidhada hay’adaha madaxa banana ee Qaranka sida (Dekeda, Hamaha shidaalka iyo Total, Madbacada Qaranka, Wakaaladaha kale). Maamulka Dekadu waxay sidoo kale sheegen in sannad kasta ay u gudbiyaan xisaab xidhkooda Hanti dhawraha guud oo aan iyaga waxba ku baaqan. hadaba waxaa cad in hanti dhawruhu uu gabay xilkii uu qaranka u hayey kana soo bixi waayey xilkiisii, isagoo ku milmay wasaaradda maaliyadda, halkii ay ka ahayd in uu hubin iyo daba gal ku sameeyo. c) Iibinta Hantida Maguurtada Dawlada: Xukuumadu kumay soo darin miisaaniyadda wax dakhliya oo ah iibinta hantida ma guurtadda ee qaranka, sida ku cad boga soo koobida dakhliga madax xigaha (3.1.0). arintaas markii aanu waydiinay Wasaarada Maaliyada sababta ay misaaniyada ugu soo dari waayeen, waxay sheegeen in aanay jirinba hanti ma guurto ah oo ay iibiyeenba. hadaba waxaa golaha ku waajib ah in ay soo baadhaan soona xaqiijiyaan arintaas . d) 2% Loo Qoondeeyey Sool Iyo Sanaag Bari: Waxaa golaha wakiiladu ansixiyey sanadkii hore 2% loo qoondeeyey horumarinta sool iyo sanaag bari. Ansixintaa waxaa goluhu ku qayday muddo sanad ah oo ahayd 2008-dii ka dibna goluhu dib u qiimeeyo. Dhamaan dhakhligaa ka soo xarooday 2% laguma soo darin miisaaniyadda, isla markaana xukuumadu golaha kamay soo dalban in loo sharciyeeyo isticmaalka lacagtaas, sida uu dhigayo qodobka dastuurka 55 f 3 “ golaha wakiilada ayaa ogolaanaya kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin” wasaarda maaliyadu waxay noo sheegeen in ay lacagtaasi kujirto account gaar ah. e) Bedelka Lacagtii Giinbaarta G/ Bari: sida laga warqabo waxaa goluhu ka hawlgalay, islamarkii lasoo doortayba, sidii gobolada bariga dalka looga bedeli lahaa lacagta loo yaqaan giinbaarta oo dhibaato dhaqaale oo aad u foolxun ku haysa ummaddaas. Waxaa lagu guulaystay in lagu soo daro miisaaniyadii 2007 lacag ka badan 5 bilyan sl sh. lacagtaas oo wasaarada maaliyadu ku sheegtay in ay tahay lacagtii lagu soo daabacayey, isla sanadkii xigay 2008 waxaa golaha la horkeenay miisaaniyadii sanadkaa taas oo lifaaq ay wasaarada maaliyadu ku balanqaadayso in laga bedeli doono lacagta giinbaaarka goboladaa bisha lixaad 2008. hadaba iyadoo 2008-dii la soo daabacay lacag cusub oo iminka suuqyada wareegaysa ayaaney jirin haba yaraatee wax laga bedelay goboladaas. Waxaa iyana xusid mudan in dhamaan lacagaha uu bangigu soo daabacday aan laga ansixin golaha wakiilada sida uu dhigayo qodobka dastuurka 54 farqaiisa 3 oo ka hadlaya awoodaha golaha dhinaca maaliyada wuxuu leeyay sidan “in la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwo kale oo leh qiimo dammaanadeed” arintani waxa ay u baahantay in goluhu go’aan sharciya ka gaaadho. f) Shirkada Shidaalka Ee Total: Heshiiska shirkadaa xukuumadu la gashay waxaa laalay baarlamankii kan ka horreeyey laakiin weli waxay dalka kaga sii shaqaysaa sifo aan shariga waafaqsanayn, sidaas oo ay tahay ayaa hadana waxay tahay meelaha dalka ugu musuqmaasuqa madan. Warbixintii gudida dhaqaalaha ee 2006 ‐dii waxay gudidu ku soo bandhigtay in lacagta shiidaalka dulsaarka ku ah ee ay qabato shirkada TOTAL oo ah $6.7 foosto kasta ay aad uga badan tahay kharashkii ku baxay dayactirka haamaha shidaalka. Muddadaas oo ay iminka ka soo wareegtay adex sanadood weli sidii ayaa ummadda looga qaadaa, mana jirto cid la og marka laga reebo dhawrka masuul ee dalka ugu sareeya, dakhliga qarankana meelna lagagama soo daro. Kulankii Dekedda Iyo Guddida Waxaa gudida dhaqaaluhu 05/03/2009 la yeesheen kulan shaqo maamulka dekeda Berbera, iyadoo kulankaa si qoto dheer loogaga hadlay hawlaha dekeda iyo dakhli soo saarka. Miisaaniyada dekeda ee sanadkan 2009 waxay tii sanadkii hore ka badan tahay 20% taas ay keentay odoroska badeecaha iyo maraakiibta oo in tii hore ka badan, sida ay noo sheegeen maamulka dekedu, halka ay wasaarada maaliyadu soo bandhigtay hoos u dhac maaliyeed sida ka muuqata miisaaniyadaa 2009. hadaba iyadoo ay 80% soo maraan badeecadaha la cashuuraa dekeda berbera ayaa is qardhaafka kor u kaca miisaaniyada dekeda iyo hoos u dhaca miisaaniyada qarabku waxay muujinaysaa tuhun, taas oo u baahan xog dheeraad ah. Kulankii gudida iyo maamulka dekeda waxaa nooga soo baxay laba arimood oo u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto. Waxa iyana hoos u dhac ku yimi xoolaha dekada ka dhoofa o sannadihii 2006 iyo 2007 ay hoos uga dhaceen 60%. Xoolahas waxay u wareegeen dekedaha jabuuti iyo boosaaso taasoo ay ugu wacantahay kootada ay xukuumadu ugu xidhay dhoofka xoolaha sharkada Al ‐JABIRI. Kootadan dhoofka xooluhu wuxu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqi ganacsi ee magaalada berbera iyo guud ahaan dalka oo dhan, waxan uu xayiray ganacsato badn oo xoolo ka dhoofsan lahaa dekeda berbera. Waxay ganacsatadaasi u qaybsameen kuow gebi ahanba joojiyey dhofintii xoolaha iyo kuwo u kala yacay dekadaha jaarka. Haddaba sida uu dhigayo qodobka dastuurka ee 11 -aad kaas oo adkeynaya in ganacsigu xor ahaado muwaadinkuna ka mudan yahay cid kasta, waa in xukuumaddu xayiraada ka qaado ganacsatada xoolaha madama xooluhu yihiin lafdhabarta dhaqaale ee dalka. 1. ciid ku soo badanaysa dekeda halka maraakiibtu ku xidhato oo hadii aan deg deg wax looga qaban ka dhigaysa dekeda meel aan maraakiibtu ku xidhan Karin. 2. intii ka danbaysay qaraxyadii Hargaysa waxaa maamulka dekedu qaaday talaabooyin lagu adkaynayo amaanka dekeda oo ay ka mid yihiin in dadka ganacsatada ay ka soo lugeeyaan ama baabuur lagaga soo daadgureeyo meel dekeda aad uga fog. Taasi waxay dhibaato ku keentay ganacsadii dekeda wax kala soo degaysay oo markii horeba ka cabanayey adeeqa oo hooseeeya iyo xafiisyada cashuuraha oo tiro badan. Arrintaasi waxay niyad jab ku keeni kartaa ganacsatada, waxaana ay wax u dhimi kartaa tartanka ay dekedu kula jirto dekedaha kale. Gebogebo Ka dib falanqayn dheer oo gudidu ay ku sameeyeen miisaaniyadda waxaa gudida u soo baxday in miisaanayadan 2009 aanay sidii kuwii horeba aanay isu dheeli tirnayn kharshiyaadka loo qoondeeyey wasaaradaha sida ay u kala muhuumsan yihiin, hadii ay tahay arimaha bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo hadii tahay wax soo saarka iyo horumarinta. Horumarinta waxaa loo qoondeeyey 1.64% halka wasaarada madaxtooyada iyo mushaharka madaxtooyada loo qoondeeyey 7.8%, oo shaqaalaheedu yahay 73 qof. Waxaa kale oo jira maadaama oo aynu ku jirno sanad doorasho miisaaniyadana ay ugu jirto doorashada 11,339,461,800/= waxaa golaha loga baahanyahay in uu si mug leh u eego muhiimada ay qaranka u leedahay qabsoomida doorashooyinka oo ku xidhan kharashka dawladu bixinayso oo dhan 25%. Soo Jeedinta Gudida Dhaqaalaha 1. Maadaama oo goluhu ku qayday qabashada 2% Sool iyo Sanaag bari sanadkiina uu dhammaaday, in xukuumadu joojiso qabashada 2% iyadoo la dhawrayo sharciga. 2. In 2% wixii baxay iyo wixii hadhayba ay wasaaradu ku soo bandhigto kulanka ay golaha la yeelan doonto. 3. In hanti dhawraha guud loogu yeedho golaha hortiisa, si loogala xisaabtamo sababta uu ula maqan yahay xissab xidhadii qaranka. 4. In goluhu isku raaco in la joojiyo lacagta dulsaarka ah ee laga qaado shidhaalka ee ay qabato shirkada TOTAL inta la isla meel dhigayo muhmalka iyo mad -madawga ku jira lacagtaas. Ugu danbaytii Mudanayaal, waxay talada miisaaniyada iyo waxa laga yeelayo u taal Golahan Wakiilada, balse waxa cad in dhamaan dastuurka iyo xeerarkii kale ee miisaaniyadda ay xukuumadu jebisay, sidaa daraadeed talada u taal Golahan way ka balaadhantahay waxa laga yeelayo Miisaaniyadda. Wabilaahi Tawfiiq. ALLA MAHAD LEH. Guddida Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga. 1. Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi Guddoomiye 2. Maxamed Nuur Caraale Ku-simaha xoghaye 3. Cali Xasan Maxamed Xubin 4. Saleeban Cawad Cali Xubin 5. Naasir Xaaji Cali shire Xubin 6. Maxamed jaamac Cali Xubin 7. Maxamed Cismaan Bulqaas Xubin 8. Saleeban Yuusuf cali koore Xubin 9. Cali Obsiiye Diiriye Xubin • Axmed Saleeban Nuur xoghaynta Gudida dhaqaalaha. Sidoo kale lifaaqa wasaarada maaliyaddu soo raacisay ka dib kulankii ay guddida dhaqaaluhu la yeesheen waxay u qornayd: “ ku guddida dhaqaalaha ee wakiilada, Og: Guddida Doorashooyinka Qaranka. Ujeeddo: Kharashka doorashooyinka. Mudanayaal Markii dib la iskula eegay miisaaniyada guddida doorashooyinka ee sanadka 2009, waxa la isla gartay oo la guddoonsaday in kharashka doorashooyinka talagalkisa laga dhigo Sh. 10,500,000,000/= halka markii hore looga qoondeeyey sh, 8,000,000,000/= faraqa oo dhan Sh.2,500,000,000/= in laga kabo qaybta deeqaha kala duwan ee wasaarada maaliyadda madaxxigaha (1.5.34). Dhinaca kharashka caadiga ah hawl socodsiinta guddiga doorashooyinka waxa la isla gartay in lagu kordhiyo qadar dhan Sh.250,000,000/= intii hore loogu qoondeeyey oo laga kabo madax xiga (1.5.19) gurmadka iyo hawlaha lama filaanka ah. Qaabaynta lifaaqa miisaaniyaduuna waxa uu noqonayaa sidan hoos ku xusan:
Sida awgeed, waxa talagalku noqonayaa sida kor ku xusan oo ku dhaqankeeda loo fulinayaa. Allaa mahad leh. Xuseen Cali Ducaale, wasiirka W/Maaliyadda. Marka La Gaadho 6-Da April Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Xilka Madaxweynaha Mutadawac-Nimo Ku Qabto, Lacagna Aanan Ka Qaadan Dalka BADHEEDHAHA Geddu Maaha Tii Shalay Iyadoo uu Madaxweyne Riyaale muddo sannad ah ku fadhiyey kursiga Madaxweynaha ayaa mar kale sannadkii 2003 muddo shan sannadood ah loo doortay inuu dalka Madaxweyne ka noqdo, waxayna muddadaasi ku ekeyd 15-kii May 2008. Sida uu dhigayo qodobka 83aad, Faqradiisa 2aad doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxay dhacaysaa bil ka hor muddada dhammaadka sharciyada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, hase yeeshee taasi may dhicin, dabadeedna golaha Guurtida ayaa sannad lixaad shaambadda ugu dhuftay inay Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisu kursiga sii fadhiyaan. Muddada sannadka ah ee ay guurtidu kordhisay waxa ka dhashay buuq xoog leh iyo khilaafaad cirka isku shareeray, waxaana muddo-kordhintaa lagu tilmaamay mid baal-marsan sababaha uu qodobka 83aad ee Dastuurku jideynayo in muddada loogu kordhin karo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, taas darteedna waxa golaha Guurtida lagu eedeeyay inay ka sineysteen qodobka 83aad ee distoorka qaranka Somaliland, waayo qodobka 83aad ee distoorka, faqradiisa 5aad waxay leedahay “Haddii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyo-darro darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa marka muddada xilkoodu dhammaado, waxa golaha Guurtida waajib ku ah inay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, iyagoo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga bixi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto.” Hase yeeshee markii kal hore muddada loo kordhiyey Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa, may jirin nabadgelyo darro iyo duruufaha dastuurku tilmaamay. Markase taas laga yimaado sannadkii la kordhiyey wuxuu dhammaaday iyadoo aanay wax doorasho ahi dalka ka qabsoomin, waxaana muuqata inay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu u findhicilanayaan in mar kale muddada loo kordhiyo si ay kuraasta u sii fadhiyaan muddo kale oo aan la garanayn inta ay qaadan doonto. Muddadii sannadka ahayd ee loo kordhiyay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxay ku egtahay 6-da bisha April ee foodda inagu soo haysa, waxaana maalintaas inaga xigga 26 maalmood oo keliya. Sidaas darteed waxa la filayaa inuu Madaxweyne Riyaale maalin aan fogeyn golaha Guurtida ku soo cayntaarin doono, waraaq uu ku dalbanayo in muddada loo kordhiyo inta aanay ka dhicin sharciyada uu xafiiska ku fadhiyaa. Hase yeeshee su’aalaha laysweydiinayo waxa kamid ah suurto-gal ma tahay inay golaha Guurtidu mar kale si hawl-yar ugu dhuftaan shaambadoodii weynayd ee muddo-kordhinta, mise taas waxbaa iska bedeli doona doorkan. Ta kale maxaa dhacaya haddii ay Guurtidu ganafka ku dhuftaan muddo-kordhinta dambe? Sidoo kale maxaa dhacaya haddii ay Guurtidu halkii ka miisaan shaambadoodii muddo-kordhinta? Inta aynaan jawaabo ka bixin dhawrka su’aalood waxay marka hore xoogaa faaqidaad ah ka bixinaynaa doodaha sharci iyo aragtiyaha siyaasadeed ee laga bixiyey dib-u-dhaca doorashada iyo muddo-kordhinta jidka ku soo jirta. Komishanka Doorashooyinku markii ay toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inaanay doorashadii Madaxtooyadu dhacaynin xilligii loo cayimay ee 29-ka March 2009, waxa markiiba isla oogsaday buuq iyo sawaxan kulul oo lagu diidan yahay dib-u-dhaca doorashada iyo muddo-kordhinta daba socota. Labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE, ayaa sida fiinta uga qayliyey doorashada dib u dhacday iyo muddo-kordhinta dhufayska ku soo jirta, waxayna ku celceliyeen inaanay muddo-kordhin dambe yeelayn, iyadoo uu xisbiga KULMIYE markiiba ku baaqay inuu Madaxweyne Riyaale kursiga baneeyo marka la gaadho 6-da April, taladana lagu wareejiyo goleyaasha Baarlamaanka (Guurti iyo Wakiilo) si ay u abuuraan nidaam dalka doorasho gaadhsiiya. Golaha Wakiilada ayaa iyaguna markiiba ka dhawaajiyey inaanay ahayd wax dalka dhaqaya muddo-kordhin dambe oo loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Riyaale, waxayna goor hore soo saareen go’aan ku baaqaya inay labada gole ee Baarlamaanku fadhi wada-jir ah kaga arrinsadaan sida loo maareynayo aayaha siyaasadeed ee dalka kadib marka ay muddada sharciyadu ka dhamaato Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa, waxaana dhinacyada mucaaridka, baarlamaanka iyo qaybo kale oo bulsho-weynta ka mid ahba ka soo yeedhay eedaymo hordhac ah oo ay leeyihiin sababta doorashadu u dhici wayday waa xil-gudasho la’aan ay xukuumadda Madaxweyne Riyaale dumada ku qaadi doonto wixii cidhib-xumo ah ee arrintaas ka dhasha. Hase yeeshee Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisu doodda odhanaysa waa inay kursiga baneeyaan marka la gaadho 6-da April waxay kaga jawaabeen “Madaxweyne doorasho ku yimaada ayuun baa bedeli kara Madaxweynaha kursiga ku fadhiya”, isla markaana waxay Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisu ay ku dacwiyeyaan in dariiqa keliya ee furani uu yahay, iyagoo marba muddada loo kordhiyo ilaa inta ay dalka doorasho ka dhacayso xilliga ay doonto ha qaadatee. Doodda dhinaca xukuumadda ee odhanaysa Madaxweyne la soo doortay uun bedeli kara Madaxweynaha kursiga ku fadhiya, waxaa markiiba daadafeeyay kooxaha sharci-yaqaanada ah, kuwaas oo hoosta ka xariiqay in qodobka dastuuriga ah ee ay xukuumaddu cuskatay keliya uu shaqaynayo muddadii shanta sannadood ahayd ee xilka loo doortay Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa, laakiin aanu shaqaynayn sannadka lixaad ee muddo-kordhinta, taas darteedna waxay leeyihiin kooxaha sharcigu marxaladii doorashada iyo marxaladda muddo-kordhintu waa laba marxaladood oo aad u kala duwan, waxaana tilmaamaya laba qodob oo kala duwan. “Muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynuhu waa shan sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo” Sidaa waxa tilmaamay qodobka 88aad ee dastuurka, faqradiisa 1aad. Marka laga yimaado doodda sharci ee aloosan, waxa kale oo iyana xaaladda cirka ku sii shareeraysa cuqdadda ay Mucaaridku ka qabaan xukuumadda Madaxweyne Riyaale, taas oo ay Mucaaridku rumaysan yihiin inaanay xukuumadda Riyaale siyaasaiyan marna isku kala bixin inay dalka doorasho ka qabato. Waxa kale oo iyana niyad-jabka iyo aamin-darrada laga qabo doorasho dalka ka dhacda si weyn u sii bunaadiyey fadeexadaha hordhaca ah ee ka soo baxay macluumaadkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Sidaa awgeed, waxa wakhtigan xaadirka ah taagan khilaaf sharci iyo jawi cakiran oo siyaasadeed. Haddaba haddii aynu eegno jawaabaha loo hayo su’aalaha aynu kor ku soo xusnay, waxay dhinacyada Mucaaridka iyo Baarlamaankuba albaabka la sii taagan yihiin dellooyin sharci oo hoosta ka xariiqaya inaan wax qiil ah loo hayn muddo-kordhin dambe. Marka laga jawaabayo su’aasha ah Guurtidu ma kordhinayaan mise kordhin maayaan, waxa laga yaabaa inay wakhtigan xaadirka ah dadka arrimahan u dhuun-daloolaa ku kala duwanaadaan jawaabta su’aashan. Dadka qaar baa rumaysan inay Guurtidu iskala diyaar yihiin shaambadoodii weynayd, hase yeeshee waxa taagan dood taa ka xoog badan oo odhanaysa arrintu sidii hore way ka duwan tahay golaha Guurtidana wakhtigan xaadirka ah suurto-gal kama aha inay si hawl-yar shaambadda ugu dhuftaan muddo-kordhin, waxaana jira fariimo iyo tilmaamo guurtida culeys ku saaraya inaanay mar dambe ka sineysan qodobka 83aad ee distoorka Somaliland. Ta kale waxa jira warar tibaaxaya inay Guurtidu aad ugu bisishahay xaaladda wakhtigan xaadirka ah taaggan, taas darteedna ay ka feejigan yihiin inay si hawl-yar ugu feegaraan qodobada distuuriga ah ee xaaladdan khuseeya. Haddii uu go’aanka Guurtidu noqdo inay Madaxweyne Riyaale shaambadda ugu dhuftaan muddho-kordhin kale, waxay dad badani saadaalinayaan inay taasi keeni karto khilaafaad daba-dheeraada oo xalkiisu adkaado. Ta kale haddii ay golaha Guurtidu dhinac iskaga leexiyaan muddo-kordhin dambe markaa wixii ka dambeeya 6-da April Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisu ma haystaan sharciyad ay xafiiska ku sii fadhiyaan, waxaana u furan inay laba dariiq mid uun maraan, inay talada soo celiyaan iyo inay kursiga cudud ku sii fadhiyaan oo ay dhinacyada kale oo dhan isku dayaan inay xoog ku muquuniyaan, taas oo aan la garanayn cidhibteeda. Marka laysku soo ururiyo waxay u egtahay inay xaaladda hadda taagani ka adagtahay sidii ay ahaan jirtay xilliyada qaar, sidaas darteed marka la eego sida diiradda loogu hayo jawiga taagan iyo dhinacyada ay khusaysaba waxay dadka arrimaha siyaasadda gorfeeyaa isweydiinayaan Madaxweyne Riyaale iyo Golaha Guurtida midkeebay galaafan doontaa? Ugu dambeyn si looga badbaado inay arrintu gaadho meel aan laga soo qaban karin iyo taladoo faraha ka baxda, waxa loo baahan yahay inaan sharciyada la qallin-daraarin, sidaas darteed goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Riyaaleba waxa ku waajib ah inaanay ka tallaabsan xayn-daabka sharciga iyo inay arrimaha murugsan u meel dayaan. “Dib U Dhaca Doorashada Madaxtooyada Dembigeeda Madaxweynaha Xaaladda Lagu Jirana Labada Gole Ee Baarlamaanka Ayaa Dabooli Doona” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Hargeysa, March 11,2009 (Haatuf)- Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha golaha wakiilada Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay in muddadii madaxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenka ee halka sano ahayd ee loo kordhiyey 2007 dii ay ku eegtahay 6-da April,2009, isagoo intaana ku daray in masuuliyada dib u dhaca doorashada madaxtooyada ay eedeeda leeyihiin madaxweyne Rayaale iyo Komishanka doorashooyinka oo uu ku tilmaamay kuwo ku fashilmay maamulkii doorashada kalsoonidii xisbiyada iyo deeq bixiyeyaashana ay lumiyeen. Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha wakiilada Siciid Cilmi Rooble waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta golaha wakiilada isagoo shirkiisaana kaga hadlay in xaalada dalku ku jiro ay labadooda gole ee baarlamaanku fadhi wada jira ka yeelan doonaan taas oo tilmaamay in isfahanka dhexmaray labada gole ay xukuumaddu cabsi ka qabto. Md: Siciid Cilmi Rooble oo isagu ka cudurdaartay inuu afkii guddida arimaha gudaha ku hadlo balse sheegay inuu ra’yigiisa shakhsiyan ah ku hadlayo ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ waxaan maanta ka hadlayaa xaalada dalku marayo anigo ku hadlaya fikirkayga shakhsiga ah, jahawareerka dadka la qaliyey waa laba qodob, waa doorashadii madaxtooyada oo u kala cayinayd 14 kii April,2007 sii iyo 29 march oo dib u dhacay oo labada jeerna xilka loo kordhiyey, iyadoo mudadii madaxweynaha iyo madaxweyne u ixgeenka ay ku eegtahay 6-da April, waxaana danbiga dib u dhaca doorashada madaxtoyada iska leh madaxweyneha dambiga labaadna komishanka doorashooyinka mudadii madaxweynaha ee koowaad waxay ku eegayd 14 kii april ee 2007 sanadkii loo kordhiyey waxa uu ku eegyahay 6-da april ee sanadkan mudadan komishanka doorashooyinku ayhada qabteen ee 31 ka Mayna waxa uu muda dhaaf ku yahay distoorka, doorasho kasta oo madaxweyne waa in la qabto bil ka hor dhamaadka muddada, sharcina maaha inay komishanku yidhaahdaan 31 ka May ayanau qabanaynaa, taasina muddadii sharciyada ayey ka baxsan tahay, xaqna uma laha inay xadgudub ku sameeyaan.. Qodobka 90 naad faqradiisa 2aad ee distoorka awoodaha madaxweynaha waxa ay tilmaamaysaa in masuuliyada doorasho gaadhsiinta dalka ay waajib ku tahay komishanku maamulkii doorashada aey ku fashilmeen diiwangelintii ayey ku fashilmeen diiwaangelintii ayey maaamuli kari waayeen, xukuumaduna ilaa hadda may bixin 25% kharashka diiwaangelinta waxa kale oo xafadii waayeen oo ay horjoogsadeen agaasimiii guud ee xafiiska xogta diiwaangelinta oo uu imtixaanku helay Maxamed Baaruud, xisaabxidhkii kharashaadkiii ku baxay diiwaangelinta ayey dawladihii deeq bixiyeyaasha iyo hay’adihii interpeace ay ka la’yihiin. Waxaan ummadda u sheegayaa inaanay dalka ka dhici doonin wax nabadgelyo daro ahi, masuuliyada marxalada taagana waxa daboolaya labada gole ee baarlamaanka, xaga sharciga baarlamaanku ummada ayey ka wakiil yihiin iyagaana xeerarka iyo shuruucda dalka u dajiya, awal hore labadayada gole ee baarlamaan utshuushbaa nalagu kala dhex furi jiray, oo la odhan jirey lafa maroodi iyagaa laysku jabiyaa maanta labadayadii gole waanu is fahanay, waxaaa laga sii baqayaa golayaasha xilkooda gartay fadhiga ay yeelan doonaan, maalintii uu marxuum cigaal geeriyooday gef baa laga galay qodobka 86 ad ee distoorka qaranka oo Rayaale doorasho kuma iman, qodobkaasina waxa uu qeexayaa waxa la gaaayo haddii jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku banaanaadaan oo haddii xukun dambi ahi ku wada dhaco ama ay wada geeriyoodaan, ama iscasilaan guddoomiyaha golaha Guurtida ayaa xilka mdaxweynaha qabanaya, xukuumada leh madaxweynaha madaxweyne la doortay ayuun baa xilka kale wareegi kara distoorkabakuma taallo waana mid laga been sheegayo. Raga maanta difaacaya xukuumaddana waxaan u sheegayaa ragii Rayaale abaalka uga galay doorashadii madaxtooyada ee Kulmiye jabiyey hayswadiiyeen halkay maanta joogaan ee ay ka mid ahaayeen, saleebaan Gaal, Ismaaciil yare, Cabdilaahi Dirawal, Komishankii doorashada u xukumay miyaan furayaashii suuqyada lagaga qaadeen, mee guddoomiyihii maxkamada sare Siciid Gacan ee u xukumay go’aankii natiijada doorashada. Waxa kale oo iswaydiin leh sida ay xukuumadii ugu tagri fashay ganacsigii xoolaha ee xorta ahaa shidaalka kootada lagu siiyey shirkada total iyo lacagtii dadweynaha dhawaan laga dhacay oo ay ahayd ilaalinta in xukuumadani sugto, waxaan anigu ummadda usoo jeedinayaa in dibad baxyo salmiya ay shucuurtooda ku muujiyeen” Waxa uu Md: Siciid Cilmi Rooble ka cudur daartay in wax su’aalo ah shirkiisaa suxufiyiintu ka waydiiyaan. Burburka dhaqaalaha dunida oo kordhiyay fakhriga ka jira africa Dar-es-Salaam, March 10, 2009 (W.Wararka) - Malaayiin Afrikaan ah ayaa ay soo food saartay Macaluul, Fakhri-nimo iyo Colaado daran, kuwaas oo ay haatan sii kordhisay dhibaatada dhaqaale ee aduunka ka dhacay, sida uu sheegay madaxa hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF Dominque Strauss-kahn mar uu ka hadlayey Darasalaam Tansania. Dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay Afrika ayaa ah buu yidh kuwo khatara kadib markii ay burbureen dhamaan kaabayaashii dhaqaale waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay Kominque “marxalad khatar ah oo aan hore loogu arag taariikhda ayaa jirta maaha oo kaliya dhinaca dhaqaalaha, balse waxa jira dhibaatooyin dhab ah, kuwaas oo malaayiin qof ay ku dhacaaan fakhri” waxa uu sidaasi ka sheegau kulankii Axadii ka dhacay Darasalaam, kaas oo diirada lagu saarayey Istaraatijiyada lagaga hortagayo xaaladaha ka jira Africa, oo la sheegay in uu raad kaga tagay dhibaatooyinka dhaqaalaha ee adduunka saameeyey. “kani maaha oo kaliya mid ku saabsan ilaalinta koboca dhaqaale ama dakhliga qoysaska, sidoo kale waxa uu ku saabsan yahay khataraha deganaansho la’aanta iyo dagaalada sokeeye, waxa weeyi dadka iyo mustaqbalkooda, Arimihii ay filaysay IMF sanadkan ee koboca adduunku waxa uu hoos ugu dhacay Zero, dhibaatooyinkana waa kuwo jiray muddooyin fara badan, “inkasta oo aan dhibaatada dhaqaale la cabiri karayn waxa ay meel halis ah ka gaadhay Africa, waxa aynu dhamaanteen ognahay inay haatan jiraan oo ay raad xun inagu reebeen ayuu yidhi madaxa hay’adda IMF. Dhinaca kale waxa isna halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Tanzania Jakayo Kikwete waxa uu u sheegay ka qayb galayaasha shirka ka dhacaya Darasalaam in dhaqaaluhu uu sii kobcayey sanadihii ugu dambaysay, intii aanay curyaamin dhaqaalaha wadamada horumaray muddooyinkan dambe, waxaana ka mid ah hadaladiisii “waxa jira cabsi balaadhan oo isa soo taraya, taas oo laga yaabo inay raad ama saamayn ku yeelato dhaqaalaha adduunka ee sii yaraanaya, sidaa darteed waxa si dhakhso ah loo arki karaa dhibaatooyin xaga Cunada iyo Shidaalka ah oo soo food saara wadamo fara badan oo afrikaan ah” ayuu yidhi madaxweynaha Tansaniya Jakayo Kikwete, waxaana uu intaasi ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata “muddo haatan laga joogo dhawr sanadood waxa soo muuqanayey ifafaalo ay wadamada Sub Sahara ay ku noqonayeen Bilyaneero markii ugu horaysay muddo haatan laga joogo 20 Sanadood, gobolku waxa uu u koryayey heer la mid ah horumarada Adduunka sida Shiinaha iyo India”. Qiimayntan Hay’adda IMF waxa uu ku soo beegmayaa maalin uun ka dib markii Bangiga Adduunku uu sheegay inay jiraan Musalafid ama dhaqaale meesha ka baxay, taas oo lagu qiyaasay hoos u dhaca lacageed $270bn to $700bn sanadkan, halka wadamo badani ay halgan ugu jiraan siddii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinka hoos u dhaca dhaqaalaha ee adduunka. Sida ay IMF sheegtay ilaha dhaqaale maaha mid ku filan wadamo badan inay ku daboolaan baahiyahooda horumarineed. Sidoo kale hay’adda IMF waxa ay sheegtay inay wadamada horumaray ay u baahan yihiin $25bn suurta galna ay tahay inay u baahdaan in ka baan $140bn, waxaa kale oo iyana loo baahan yahay mushahar loo helo dad badan oo shaqaale ah kuwas oo ka shaqeeya wadamo aan wadamadooda ahayn iyo hoos u dhac ku yimaada qiimaha alaabooyinka. Golaha Wasiirrada Ee Xukuumadda Sheekh Shariiif Oo Isku Raacay In Somalia Lagu Dhaqo Shareecada Islaamka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya-Farxaan Cali Maxamed Muqdisho, March 11, 2009 (Haatuf) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed ee dhawaan Somalia loogu soo dhisay dalka Djibouti, ayaa shalay isku raacay go’aan dhigaya in dalkaas lagu maamulo Shareecadda Diinta Islaamka. Shirkan ay wasiirada xukuumadda Shariif go’aankan ku gaadheen oo uu gudoominayey Ra’iisal-wasaaraha dawladdaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharma-arke, ayey xubnaha wasiiradu cod aqlabiyad ah ugu coddeeyeen in ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka laga dhaqangeliyho Somalia, taas oo u muuqata mid looga dan leeyahay in lagu soo xero geliyo kooxaha Mayalka adag ee marmarsiiyaha ka dhigta in dalka Somalia lagu xukumo Shareecadda Islaamka. Shirka shalay ee wasiirada xukuumadda Shariif oo saacado badan qaatay ayaa kadib waxaa saxaafadda la hadlay ninka ku magacaaban wasiirka Warfaafinta Farxaan Cali Maxamed, kaas oo sheegay in xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirkaas ka qayb-galay ay dhamaantood isku raaceen in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Soomaaliya. Go’aankan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Shariif ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka dawladdaas, kaas oo la filayo inuu maalinta berito ah fadhigiisii ugu horeeyay ku yeesho magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay go’aankan sidiisa ku ansixin doonaan. Tallaabadan wasiiradu qaadeen ayaa haddii ay Baarlamaanku ku raaco waxay soo af-jari doontaa doodii mucaaridka dagaalka ba’an kala soo horjeeda xukuumadda Sh. Shariif, kuwaas oo ku eedeeya inay xukuumaddaasi tahay mid cilmaani ah oo aan ogoleyn ku dhaqanka Shareecadda Islaamka. Sri-Lanka: Qarax Lala Beegsaday Maasjid Uu ka Socday Mawliidkii Nabiga (SCW) Qarax Ba’an ayaa ka dhacay Masaajid ku yaala dalka Sri-landka oo lagu xusayey dhalashada Nabi Muxamed CSW oo ku beegnay maalintii doraad, taas oo ay ku dhiteen ku dhawaan 10 Qof halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo dhamaan toodba ka mid ahaa dadkii ka qayb qaadanayey xuska Mawlatu Nabiga. Sida uu caddeeyey wasiirka gaashaan dhiga dalkaasi qaraxan ayaa ahaa Ismiidaamin ah oo ay ka dambeeyeen kooxaha ka dagaalanta dalkaasi ee loo yaqaano Tami Tigers, kaas oo ka dhacay maalintii shalay koonfurta Siralanka sida uu ku sheegay wasiirka gaashaandhiga Srilanka bog ay leeyihii oo wararka fidiya. Qaraxan ayaa lala beegsaday muslimiin u dabaal degay dhalashada Nebi Muxamed SCW ee bisha mowliidka .Waxaana qaraxan dawladdu ku eedaysay kooxda gooni u goosatada Tamil Tigers inay ka dambeeyeen. Kooxdan Gooni u goosadata Tamil Tigers ayaa u dagaalamayey inay gooni isu taagaan tan iyo sanadkii 1983, taas oo uu dagaalka ka socda halkaasi uu galaaftay dad ka badan 70,000 Qof. Daraasaad Cilmi Baadhiseed Oo Ku Saabsan Raad Reebka Taariikhda Somaliland 1960-2009 Axmed Ciise Jaamac, Q:2aad Ha hilmaamin inaan hore u ahaa nin u jawaaba cid kasta oo dawlada wax ka sheegta, iminkana sad aan ku qabay oo ay iga jartay ma jirto ee aniga ayaa runtii iyo haadaantiiba is dul taagay. Ummada Somaliland uga digaya khataraha ku soo fool leh, haddii aanay isbedel degdeg ah muujin. Waxaan garwaaqsaday inaan mugdi ku dhex jiray raggii iyaga aragtidaada dheeraana khalad iyo gardaro ugu jawaabi jirey waxaanan dhamaantood leeyahay xaal qaata oo aan is cafino, hees somaliyeed ayaa tidhaahda “ ninka ugu il dheer baa dadka ugu ayaan daran”. Waa dhab rag iga ildheer oo iga aragti fogaa markaas oo sidaan maanta wax u arkayo iyago markaasba arkayey, ayaan markasta asaraarayey anigoo lunsan ee ay wax noogu sheegayeen nasiib darro ayaa ka haystay sida heestu sheegtay, haseyeeshee maanta ayaa idiin soo noqday dhamaan tiina waxaad wada sheegaysaana aan wada arkay oo si dhab ah oo run ah isu dultaagay cidii idiran jirin ee maskaxda aadamuhu sidaas u kala aragti dheer tahay una kala afkaar duwan tahay oo ay qayb ilaah tahay. Bulshada Somaliland waxaan filayaa oo aan dareensanahay in qof waliba naftiiisa xisaabtan galiyey oo arkay dheeliga faraha badan ee dawladii ku jira iyo saacad aan sidii lagu yaanay u wareegayn ee dhinacii khaldanaa u wada wareegaysa hore ayaa hadraawi u yidhi “ taariikh baa kaa gadmane, wax isu geegeysta” arrinta Somaliland waxay u dhacaysay tuba tu ku ilow, markaas waxyaabihii is wada dul foolay ayaa qof waliba raadkii dib u raacay oo ay si maanta wax u wada arkayaan isbedel dhacana ku wada hamiyayaan, ummadadii dhamaydna maanta waxa dawladii kaga hadhay inyar oo faro ku tiris ah oo wax arkaysaa laakiin dhuun raac ah oo intaas ku dugsanay xisbiga mucaaradka ah ee kulmiyena wada diyaar oo waa wada isbedel doon mawqifka aad qaadataana waa ka wada raali eewax dabac ah ha muujinina dawladan waxaan leeyahay ummadii ilaahay waxbuu mar kaliya wada tubay weyna wada diideen oo dhabarka sii wada jeediyaan oo duco iyo afar faataxo iska qaata oo waxad ku riyoonaysaan ma jirtaa iska ilaaba, naftana runta u sheega bulshadana waxaan u sheegayaa daraasadan cilmi baadhista raad reebka taariikhda Somaliland inaan soo bandhigo doono inta doorashaa ka horeysaa iyadoo buug aan jaamacadaha dhigi doono. Wargeysyada iyo Tv-yaddana ka baahin doono haddii alle idmo. Wixii aad talo iyo tusaale ku kordhineysaan diyaar baan u ahay markasta ku soo dhawaw gacmo furan. Dhamaad |