Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1985 | March 12, 2009 Rabiicul Awal 15,1430H | |||
Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Cabasho Ka Muujiyay Qaabka Taliska Ciidamadu Ula Dhaqmay
|
Walaaca Ka Muuqday Wadamada Daneeya Somaliland Iyo Wufuud Ku Soo Qulqulaysa Caasimadda Hargeysa Laba Wefti Oo Britain Iyo Sweden Ka Kala Socda Oo Hargeysa Yimid Iyo Mid Maraykan Ah Oo Ku Soo Fool Leh Hargeysa, March 12, 2009 (Haatuf) – Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya caasimadda dalka Itoobiye ee Addis Ababa, Norman Ling, ayaa shalay galab ka dhoofay Madaarka Hargeysa, kadib markii uu booqasho hal maalin qaadatay ku joogay Somaliland. Safiirka Ingiriisku waxa uu kulamo la yeeshay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xukuumadda, Shirgudoonada labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, isagoo qolo walba goonideeda ula kulmay. Ma jiraan warar rasmi ah oo laga soo saaray ujeedada socdaalka Safiirka Britain u fadhiya Addis Ababa iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen masuuliyiinta dhinacyada uu la kulmay. Hase yeeshee sida ay sheegeen warar laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah socdaalka Safiirka Ingiriiska waxa lagu tilmaamay mid muhiim ah, waxaana la sheegay in dhammaan dhinacyada uu la kulmay ay ka wada hadleen marxaladda xasaasiga ah ee ay wakhtigan xaadirka ah ku jirto Somaliland. Sida ay wararku sheegeen is-xaal-wareysi kadib waxa uu Safiirka Ingiriisku wax ka weydiiyay dhinacyada uu la kulmay sida ay u arkaan dib-u-dhaca doorashada iyo sida xal looga gaadhi karo caqabadaha horyaal hirgelinta doorashada Madaxtooyada. Sidoo kale, Ambassador Norman iyo dhinacyada uu la kulmay waxay ka wada-hadleen khilaafka cakiran ee la xidhiidha sharciyada dhammaanaysa ee xukuumadda Madaxweyne Riyaale iyo sida loo maareyn karo is-maandhaafka arrintaas ku saabsan, taas oo la sheegay inay dhinacyadaasi qolo waliba soo bandhigtay aragtideeda iyo sida ay xal u aragto, iyadoo ay wararku tibaaxeen inay dhinacyada qaarkood muujiyeen inay mawqif adag ka taagan yihiin muddo-kordhin dambe oo loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Riyaale. Waxa kale oo ay wararku sheegeen inuu safiirka Britain magaalada Addis Ababa kula kulmi doono Madaxweyne Riyaale oo la sheegay inuu ilaa xalay ilaa maanta gelinka hore soo gaadhi doono Addis Ababa, isagoo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska oo uu booqasho ku joogay muddo hal toddobaad ah. Waxa kale oo Salaasadii dorraad caasimadda Hargeysa socdaal ku yimid wefti culus oo ka socda dawladda Sweden, weftigaas oo ay hoggaaminaysay Haweenay la yidhaahdo Marika Fahlen, oo ah safiir sare oo dawladda Sweden u qaabilsan dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika. Sidoo kale waxa weftiga ka mid ahaa safiirka Sweden u fadhiya Nairobi Joran Bjallerstedt. Waxa kale oo weftigaas ka mid ahaa nin Agaasime sare ka ah hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Sweden ee la yidhaahdo SIDA, Mr. Magnus Carlquist, waxayna weftigaasi kulamo gaar-gaar ah la yeesheen dhinacyada kala ah xukuumadda, Shirgudoonada Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka, taas oo la sheegay inay weftiga Sweden dhinacyada ay la kulmeen kala hadleen dib-u-dhaca doorashada iyo caqabadaha hortaagan iyo sidoo kale khilaafka murugsan ee ka taagan sharciyada xukuumadda Madaxweyne Riyaale ku sii joogayso xafiiska. Waxa kale oo ay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen in maalmaha foodda inagu soo haya ay Somaliland imanayaan wefti ka socda dawladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo nin Senator ah oo ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka (Senate), kaas oo uu weheliyo safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Djibouti, waxaana la sheegay inay weftiga Maraykanku kulamo la yeelan doonaan dhinacyada ay la kulmeen wufuudda hore ee Britain iyo Sweden, waxayna kala hadli doonaan xaaladda cakiran ee soo waajahday Somaliland. Sida la sheegay wufuudda is-daba-jooga ah ee dalka timid qaar kalena ku soo fool leeyihiin waxaa lagu tilmaamay ujeedada socdaalkooda mid ka dhalatay walaac ay beesha Caalamku gaar ahaan wadamada daneeya Somaliland ka muujiyeen xaaladda murugsan ee ka dhalatay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo xukuumadda xilligeedu dhammaanayo ee Madaxweyne Riyaale, iyadoo dhinaca kalena la sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay xukuumadda Britain kala hadashay Madaxweyne Riyaale ay ka mid ahaayeen arrimaha taagan iyo sidii ay Somaliland uga badbaadi lahayd qalalaase siyaasadeed oo ka dhasha arrimaha laysku hayo. “Xisaab xidhadii hore ee 2005 iyo 2006 hore ayey iyagu u dhamaadeen balse xisaab xidhka aan hadda golaha horgaynayaana waa 2007-dii” hanti dhawraha guud ee Qaranka Axmed Xasan Faarax, xog-waraysi khaasa Hargeysa, march 12,2009 (Haatuf)- Hanti dhawraha guud ee qaranka Axmed Xasan Faarax oo la filayey inuu fadhigii daraad ee salaasadii golaha wakiilada hortago ka dibmarki ay shirguddoonku qoraal u yeedhida ka dalbadeen inuu golaha horyimaado ayaa shirguddoonka golaha wakiilada ku soo wargeliyey in arbacada toddobaadka soo socda uu golaha horkeeni doono xisaabxidhkii 2007 da taas darteed na tilmaamay in diyaarintii xisaab xidhka ay ku guda jiraan. Hanti dhawraha guud Axmed Xasan Faarax oo mudadii saddexda sanadood iyo dheeraadka ahayd ee lasoo dortay shaqaynayey golaha horkeenay xisaab xidhkii 2005-tii tas darteedna markii guddida dhaqaaluhu ku tilmaameen in xisaab xidhkaasi uu madmadow badanika muuqdo goluhuna cod aqlabiyada ku celiyey in xisaab xidhkaasi la soo saxo aye hadan awaxa uu hanti dhawruhu badhtamihii 2007-dii shirgudoonka golaha usoo gudbiyey xisaab xidhkii 2007 shirguddoonka golaha u soo gudbiyey xisaab xidhkii 2006-dii taas oo guddida dhaqaaluhu ay dareen qaab dhismeedka xisaab xidhkaasi ayaa waxay shardi uga dhigeen in xisaab xidhii 2005-ta ee goluhu dib u celiyey marka hore usoo gudbiyo hanti dhawruhu wax xisaab xidha oo ka dambeeey xisabxidhkaa 2006 dii golaha wakiilada uma soo gudbin, waxaanu Haatuf u sheegay in xisaab-xidhadii 2005 iyo 2006 ay hore uga dhamaadeen qoraal uu shirgudoonka golaha wakiiladu u qoray hanti dhawraha guud toddobaadkiihore o ay kaga dalbadeen inuu golaha hor yimaado maalintii salaasadii daraad ee 10 ka bisha March,2009. Intaa ka dib Hanti dhawraha guud Axmed Xasan Faarax oo aanu khadka telefoonka shalay galab kula xidhiidhnay isla markaana wax kaga waydiinay sababaha uu uga baaqday iyo goorta uu golaha baaqday iyo goorta uu golaha horgeyn dono xisaabxidhada kumaqan ayaa isagu si weyn uga war wareegay inuu wax tafaasiila oo dheeraada ka bixiyo arrimaha ku saabsan xisaab-xidhkii 2005 tii lagu celiyey balse waxa uu sheegay inuu golaha horgeyn doono arbacada tododbaadka soo socda xisaab xidhka miisaaniyadii 2007-dii isagoo intaa ku daray in xisaab xidhkeedii ka horeeyey ay hore u dhamaadeen isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ shirguddoonka waan la socodsiiyey inaanu ku guda jirno diyaarintii xisaab xidhka, waanan ku wargeliyey inan golaha horkeeni doono arbacada toddobaadka soo socda” Mar aanu waydiinay hanti dhawraha xisaab-xidhada uu golaha horgeynayaa inuu ku jiro xisaab-xidhkii 2005-tii ee goluhu dib ugu celiyey iyo in xisaab xidhkii miisaaniyada 2007 oo kaliya uu golaha horgeyn doona waxa uu yidhi hanti dhawruhu “ xisaab xidhadii 2005,2006 hore ayey isagu u dhamaadeen oo aan u gudbiyey,balse xisaab xidha aan golaha hadda horgeynayaa waa xisaab xidhkii 2007-dii” haseyeeshee wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo xisaab xidhka 2005 ee goluhu dib ugu celiyey Dhanaca kale guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo aanu isagana wax ka waydiinay waxyaabaha uu u baaqday hanti dhawraha guud iyo inuu wax wargelin ah kusoo siiyey dalabkii u yeedhida ahaa ee ay u qoreen inuu golaha horyimaado ayaa isagu noo sheegay in hanti dhawruhu ku soo wargeliyey in 18-ka bishan March 2009 ka uu golaha horkeeni doono xisaab-xidhadii miisaaniyada laga sugayey isla markaana uu tilmaamay in muddadaa toddobaadka ah ay ku soo diyaarin doonaan. Tifaftiraha Wargeyska Yool Oo Si Qarsoodi Ah Loo Horgeeyay Maxkamadda Gobolka Hargeysa Hargeysa, March 12, 2009 (Haatuf) – Isku day la doonayay in shalay hiirtii si qarsoodi ah xukun loogu rido tifaftiraha wargeyska YOOL Mr. Maxamed Cabdi Guuleed (Curad), ayaa dhicisoobay, kadib markii ay baajinta arrintaas u guntadeen qareenka difaacaya iyo qaar ka mid ah qaraabada suxufiga xidhan oo ku warhelay markii Suxufigaas Maxkamadda la geeyay, iyada oo aan la ballansanayn dhegaysiga dacwadiisa. Sida la sheegay Suxufigan oo si qarsoodi ah loo horgeeyey maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa dib loo celiyey iyadoo aan dacwaddiisa la dhegaysan, sida uu xaqiijiyey tifaftire Curad oo u warramayey suxufi ka tirsan shabakadda dhambaalnews.com oo la kulmay ka hor intii aan maxkamadda laga soo celin, waxaanu arrintaas ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga iyo xeerarka saxaafadda. “Saaka waaberigii [shalay subax] xilli aan loo baran saaridda maxaabiista ayaan ku warhelay magacayga oo la xaadirinayo, kadibna waxa laygu yidhi, soo bax maxkamadda ayaa lagu geynayaaye, sidaas ayaanan ku soo raacay anigoo la yaabban meesha arrintani ka timi, waayo dacwaddaydu waxay ku muddaysnayd Sabtida soo socota ee taariikhdu tahay 14 March 2009, ”ayuu yidhi Mr. Curad. Tallaabadan ayaa af-kala-qaad ku noqotay qareenka difaacaya Suxufigan, kadib markii loo sheegay in maxkamadda la geeyey, waxaanay arrintani daaha ka rogtay tuhun laga qabo inuu jiray qorshe la doonayay in weriyaha si qarsoodi ah loogu rido xukun aanay ogeyn qareenkiisa iyo qaraabadiisu toona. Sida la sheegay amarka lagu soo saaray tifaftiraha Yool ayaa waxa ku saxeexnaa garsooraha gacanta ku haya dacwadda Mr. Cabdiraxaan Madar Carraale. “Haddii garsooruhu arrintan u badheedhay waxay shaki gelinaysaa dhexnimadiisa, waayo dacwad uu muddeeyay dhinacayada oo wada jooga inuu haddana dhinac ka oggolaado soo saaris aan laysla ogeyn waxay u muuqataa gef weyn oo sharciga laga galay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka difaaca xuquuqal-insaanka oo shalay ku sugnaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Maxamed Curad ayaa maalintii 16aad xukun la’aan waxa uu ku xidhan yahay xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay inay jiraan cadaadis iyo culays la saaray xadhiggiisa oo ay si weyn ay lugta ugula jirto Xeer-laalinta Gobolka Hargeysa. Xigasho: Dhambaalnews Wefti Ka Socda Dalka Sweden Oo Kulan Xog-Waraysi Ah La Yeeshay Shirguddoonka Wakiilada “ Xubnaha Weftigan Waxay Nagala Hadleen Arrimo Ku Saabsan Geeddi Socodka Dimuqraadiyada Iyo Doorashooyinka Somaliland” Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale Hargeysa, march12,2009 (Haatuf)- waxaanu kulankaas kaga wada hadalnay arrimo ku saabsan geeddi socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland iyo hawlaha ku saabsan shaqada golaha wakiilada, kulankaas aanu la yeelanay weftiga sare ee dalka Sweden-na waxa uu noogu dhacay si wanaagsan”sidaas waxa yidhi guddoomiye ku xigeenka 1aad, isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha golaha Wakiilada Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale oo aanu wax ka waydiinay kulan ay shalay xaruntooda kula yeesheen weftiga ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ee uu hogaaminayey safiirka Sweden u fadhiya dalka Kenya Ambassador Horan oo maalintii doraad booqasho shaqo ku yimid Somaliland. Weftigan reer Sweden oo ka kooban afar xubnood oo ay xubin ka tahay ergeyga wasaaradda arrimaha dibadda Sweden u qaabilsan arrimaha dalalka Afrika Mrs.: Marica ayaa kulankii ay shalay shirguddoonka golaha Wakiilada kula yeesheen xarunta golahooda oo aanu wax ka waydiinay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale waxyaabaha weftiga dalka Sweden oo sanadkan u diyaar garoobaya qabashada xilka hogaaminta midowga Yurub ayaa guddoomiyuhu kulankaa dhexmaray shirgudoonka iyo weftiga Sweden waxa uu yidhi “ runtii weftigan ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden iyo safaarada dalkaasi ku leeyahay Kenya, waa wefti miisaan leh oo maqaam sare oo dublamaasiyadeed u leh dalka Sweden, sida laga warqabana dalka Sweden waxa uu sanadkan isu diyaar garaynayaa qabashada xilka hogaaminta dalalka Midawga Yurub, runtiina weftigan waxa inta badan nagala hadleen arrimo ku saabsan hanaanka geeddi socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland iyo xaalada guud ee uu wakhtigan dalku marayo, waxa kale oo ay xogwaraysi nagala yeesheen habka uu golaha Baarlamaanka Somaliland u shaqeeyo iyo hawlaha kala duwan ee uu golaha wakiiladu qabto runtiina kulankayagaasi si wanaagsan ayuu u dhacay, wixii ay nooga baahnaayeen ee macluumaad ah ee ku saabsan Somaliland hadday noqon lahayd taariikhda faca weyn iyo marxaladihii ay Somaliland soo martay intaba waanu uga waranay” Dhinaca kale weftiga ka socda wasaarada arrimaha dibadda ee Sweden waxay sidoo kale kulan gaar ah la yeesheen shirguddoonka golaha Guurtida kaas oo ay kulan gaar ah ku yeesheen xarunta golaha Guurtida, isla markaana ay shirguddoonka guurtidu xubnaha weftiga reer Sweden ee booqashada ku yimid dalka ay faahfaahin ka siiyeen marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay. Dhinaca kale weftigan dawladda Sweden ee booqashada ku yimid Somaliland oo maalintii doraad ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ayaanay xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda aanay wax soo dhawayna ah oo nidaam dawladeed ah ku qaabilin, taas oo wax masuuliyiin oo xukuumada Somaliland ka socdaa aanay ka hor tegin xubnaha weftiga marka laga reebo xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida oo iyagu weftiga kaga hortagey madaarka Hargeysa. Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay
madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Siciid
Cadaani Mooga ayaa waxa uu u qornaa sedan: “Madaxweyne ku xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo hadal kooban u
jeediyay wefdiga, waxa uu Madaxweyne ku xigeenku, waxa uu wefdiga u sheegay
in xukuumada Somaliland wakhtiga ugu haboon ee ay u cayimaan Komishanka doorashooyinku. Mar uu ka hadlayay halka ay marayso tabaabushaha
doorashooyinku, waxa uu Madaxweyne ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arrimaha
farsamada ee Gabo gabadiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu
wefdiga xusuusiyay qodobada Ambasador Joran Bjallerstedt oo ka tirsan Safaarada
Dawlada Sweden ee Burco: Shirkii Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Oo Furmay Iyo Go’aamada La Filayo Inay Ka Soo Baxaan Oo U Muuqda Kuwo Lagu Taageerayo KULMIYE Burco, March 12, 2009 (Haatuf)- Shir wada-tashi ah ayaa shalay magaalada Burco uga furmay ergooyin ka kala socota labada beelood ee bariga iyo galbeedka magaalada Burco, kaas oo ay labada dhinac ku gorfaynayaan sidii ay danaha labada beelood ka dhexeeya u horumarin lahaayeen, isla markaana looga wada-tashan lahaa sida loo waajahayo xaaladda Somaliland ee wakhtigan. Shirkan oo toddobaadkii u dambeeyay qabanqaabadiisu si weyn uga socotay magaalada Burco, isla markaana ergooyin badan oo siyaasiyiin, aqooyahan iyo salaadiinba isugu jiraa ku qulqulayeen magaalada Burco si ay shirkaas uga qaybgalaan, ayaa shalay ku furmay fadhi qayilaad ah oo la isku soo horfadhiistay, kaas oo ahaa mid albaabadu u xidhanaayeen oo aan warbaahinta loo ogolaan inay ka qayb-gasho fadhiga wada-hadalka. Furitaankii shirkaas waxaa halkaas hadalo kookooban oo isugu jiray furitaan iyo soo dhaweyn ka jeediyay labada Suldaan ee beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco Suldaaan Cabdilaahi Suldaan Cali iyo Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar. Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan waxyaabihii lagaga hadlay shirkaas shalay, hase yeeshee sida ay sheegeen ilo ku dhawdhaw shirkaasi ajandaha lagaga hadlayo shirkan ayaa waxa uu u badan yahay mid lagaga hadlay xaaladda wakhtigan iyo sidii ay beelahaasi iskaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasadda ee ay doorashooyinku ka mid yihiin, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas lagaga hadlayo lagu sheegay inay ka mid yihiin: 1- In la mideeyo quwada reer Burco xiliga doorashada. 2- In beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco ay maanta laga bilaabo ka midaysnaadaan dhinaca Dhaqaalaha, siyaasadda iyo danta Burco. 3- In marka kasta oo doorasho timaado haddii labada beelood mid la timaado damac-siyaasdeed beesha kale ku taageerto si loo muujiyo isku duubni. 4- In Doorasshada xilligan la dhiso dhinaca imika murrashaxu Madaxweynuhu ka soo jeedo. 5- In wixii qabyo ee dhiman la dhammeeyo, isla markaasna guddi ka wadashaqaysa hawlaha xidhiidhka iyo isdhexgalka beelaha la sameeyo. Si kasta ha ahaatee muuqaalkan shirkan ka soo baxaya ayaa dadka ka ag-dhowdhowi ay tibaaxeen inuu daba-socdo, isla markaana badhi-taarayo heshiiskii ay dabayaaqadii sannadkan xisbiga KULMIYE iyo urur-siyaasadeedka QARAN ay ku gaadheen inay tamartooda iyo taagtooda isugu geeyaan sidii xisbiga KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashada Madaxtooyada, isla markaana xukuumadda UDUB dhinac layskaga leexin lahaa. Masuuliyiin farabadan oo ka socda xukuumadda Riyaale ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco, taas oo ka dambaysay sas iyo shaki ay xukuumaddu ka qaaday shirkan iyo nuxurka ujeedadiisa, waxaanay wararku sheegeen inaanay shirkaas ka qayb-galin siyaasiyiinta labada beelood ee xukuumadda ku jirta. Maraykanka Oo Ka Digay Inay Muwaadiniin U Dhashay Ay Tagaan Dagaalada Somalia. Washington, March 12, 2009 (W.Wararka) - Saraakiil ka tirsan hay’adda la dagaalanka argagixisada ee dalka Maraykanka ayaa ka digtay in muwaadiniin badan oo Maraykan ah la qorayo inay ka dagaalamaan dalka Soomaaliya iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah. Saraakiishaasi waxay tusaale ahaan u soo qaateen weerarkii ugu horeeyay ee ismiidaamin ah oo qof u dhashay Maraykanka uu ka fuliyay dalka Soomaaliya, waxaanay saraakiishu sheegeen inay jiraan dedaalo ay sameynayaan ururada xagjiriinta ahi sidii ay maskax xagjirnimo ah ugu beeri lahaayeen dhalinyarada Maraykanka. Bishii hore ayaa sidoo kale Maraykanku waxa uu ka digay in Soomaali badan oo u haysta dhalashada Maraykanku ay ku biireen dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya. Digniintan ayaa waxay soo baxday xilli la la’yahay daraasiin dhalinyaro Soomaali ah oo haysta dhalashada Maraykanka, isla markaana deganaa dalkaas, kuwaas oo looga shakisan yahay inay u socdaaleen dhinaca dalka Somalia, si ay halkaas ugaga qayb qaataan dagaalada ay kooxaha mayalka adagi ka wadaan. Tan iyo bishii November ee sanadkii kal hore ayey ahayd markii ugu horeysay ee la aqoonsaday in wiil 27 jir ah oo lagu magacaabi jiray Shirwac Axmed uu isku qarxiyay magaalada Hargeysa, wakhtigaa ka dib FBI-da Maraykanku waxay ku dadaashay inay ogaato xidhiidh kasta oo suurogal ah oo lagu ogaanayo inay kooxaha argagixisadu xidhiidh la sameynayaan dhalinyarada Soomaalida ah Maraykanka ku dhaqan. Ururada aadka looga shakisan yahay ee ay Maraykanku tuhunsan yihiin inay arintaas lug weyn ku leeyihiin ayaa waxa ka mid ah ururka al-Shabaab oo Maraykanku rumaysa yahay inuu xidhiidh dhow la leeyahay ururka Al-Qaacida. Baadhitaanada FBI ayaa waxay si xawli leh uga socdaan Gobolada Boston,San Diego,Seatle, Columbus Ohio; iyo Portland Maine Ururka SCDO Oo Daraasad Ay Ka Sameeyeen Gobolka Sanaag Sheegay In Waxyaabaha La Isku Khilaafo Ay Ugu Badan Yihiin Khayraadka Dhulka Ceergaabo, March 12, 2009 (Haatuf) Ururka SCDO ayaa socdaal hawleed ku kala bixiyey deegaamada gobolka Sanaag qaar ka mid ah sida:- Dararweyne, Biyo-Guduud Iyo Laasa– Surad oo ah dhinaca xeebta, Bariga Maydh waxa socdaalkaasi la bilaabay 02-04/03/09. Socdaalkaas oo ujeeddadiisu ahayd in loogu kuur galo daraasadna lagu sameeyo arimaha nabadgelyada iyo horumarinta, Si qorshaha sanadada soo socda loogu xisaabtamo, Waxyaabaha ay soo arkeen dhinacyada ka qayb qaatay soo ururinta xogaha sida uu sheegay Axmed Cili Xasan (Cadami) oo ka mid ah dhinacyada ka qaayb qaatay xog ururintan iyo inay jiraan khayraad dabiici ah oo badan oo aan dadku haba yaraatee ka faa’iideysan isla markaana aany waxa aqoon ah u lahayn habka looga faa’iido. khayraadkaa martida loo yahay waxa ugu weyn khayraadka badda waxaana dadkii lala kulmay ay sheegeen in cadow badan oo aan u tudhayn ku jiro, kaas oo si naxariis darro ah u baabii’naya una dabar goynaya. khilaafaadka ka dhex dhaca bulshada reer Sanaag gaar ahaana deegaamadda Ceerigaabo waxay sheegeen in ay yihiin arrimo ka dhasha:- Ceshiimo (Dhulgoosi aan sharci ahyn). Aano ( dilal daba jooga dhacdooyin hore). Khayraadka dabiiciga ah oo aan si siman oo sharciga waafaqsan loo wada manaafacaadsan. Arrimo dhaqan xumo ku salaysan. Gubista, ku tacddiga dhirta iyo daaqa iyo guud ahaan deegaanka. Arrimahaas oo laysla qaatay inay badanaab yihiin kuwo soo noqnoqonayey muddooyinkaa 50 sano ee u danbeeyey. Cashiimada (ama seerayowga) oo ah dhibta ka jirta deegaamada ku dhow-dhow magaalooyinka tan ugu ba’an, isla markaana ah maxkamadaha iyo boliiskaba waxa ugu badan ee ay gacanta ku hayaan, sida uu noo sheegay masuul ka tirsan Maxkamadda gobolka Sanaag. Dadyawga lala kulmay oo ka koobnaa bulshada qaybeheeda kala duwan, waxay xal u helidda waxyaabahaas keena khilaafyada u arkeen in ay tahay arrin loo baahan yahay in ay ka wada qayb qaataan dhamman qaybaha bulshada iyo Dawladduba, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in aragti midaysan laga yeesho. Waxyaabaha ay arkayeen inay noqon karaan xal wax ku ool ah waa :- in dadka dhallinyarada ah loo abuuro shaqooyin ay kaga mashquulaan gubista Wacyi gelin joogto ah oo laga sameeyo nabadgelyada iyo ka wada shaqaynta hurumarka. Maamulka dawladda oo si firfircoon uga hirgala meelaha aanu si firfircoon u gaadhin. Waxyaabaha ama dhibaatooyinka goobaha la soo maray aanay ku war bixin waxa ka mid ah; kufsiga oo beryahan danbe ah dhib ka jirta magaalooyinka waaweyn oo weliba u dhaca hab koox koox ah, dhagaxtuur xaafadaysan iwm. Taariikh Nololeedkii Qoraa Ka Mid Ahaa Halgamayaashii Qalinka Ee Dagaalkii Dib U Xoreynta Dalka Wuxu geeriyooday 21 kii bishii 2aad sanadkan 2009 ka wuxu qoray 4 buug oo luqada carabiga ah oo nabar weyna ku noqday dawladdii Siyaad Barre. Illaahay naxariistii jano ha siiyee waxa qormadan ku xusaynaa taariikh nololeedkii qoraagii weynaa ee Marxuum Axmed Barkhad Maax oo ka mid ahaa qoraayagii qalinka ugu soo halgamay dib u xoraynta dalka isla markaana halgan culus la soo galay qaybihii diblumaasiyadeed ee loogu xuubsiibayey taliskii dawladii Afweyne taas oo ka mabnuucday dalkii hore layskugu odhan jirey Somalia ka dib markii uu qoray labadii buuug ee u horeeyey tufta qalinkiisa oo nabar iyo boog halis ah ku noqotay taliskii siyaad bare, buugtaas oo ku qornayd luuqada carabiga waxa ka mid ahaa buugii la magac baxay maxaa ka dhacaya Somalia ( maadaa yaxadasu fii Somalia) ee uu qoray sanadkii 1983. Taariikh nololeedkiisii oo dhamaystiran oo ay soo diyaariyeen Mr: Ilyaas Daa’uud Ibraahim iyo Cabdirisaaq Cai Barkhad waxa uu u dhignaa sidan: Allah naxariistii jano ha ka waraabiyee marxuum AXMED BARKHAD MAAX waxa uu ku dhasay sanadkii 1940-kii magaalada Gabiley waxaanu ku soo qaatay waxbarashadiisii aasaaska u ahayd aqoontiisa, dalka Itoobiya ee magaalada Diridhaba. Marxuum Axmed Barkhad waxa uu u tacabiray dalka Masar sanadkii 1958 oo uu ku galay baasaboor la’aan, isagoo usii maray dalal badano ay kamid yihin itoobiya iyo Sudan, halkaas o uu ku bartay culuunta islaamka jaamacada Al-azhar oo uu ku dhamaystay muddo laba sanno gudahood ah, waxaanu uga gudbay sanadkii 1060 kii jaamacada Qaahira oo ku bartay business administration kana qaatay shahaadada BA, waxaanu marxumku ka tagay dalka maser 1967 ka dib markii uu dhacay dagaalkii Yuhuuda iyo masaarida, waxaanu uga gudbay dalka Suuriya si uu uga sii wato waxbarashadiisii haseyeeshee markii uu ogaaday in dalka suuriya waxlagu barto luuqada af Faransiiska, waxa uu uga sii gudbay dalka Ciraaq halkaas oo uu ka galay jaamacada baqdaad kana qaatay shahaadada sare ee MBA, waxaanu dhamaystay marxuumku jaamacadaasi 1972. Intaa ka dib waxa uu dib ugu soo noqday 1973 dalka isutaga imaaraadka carabta, oo uu ka qabtay xilka xisaabiyaha guud ee caasimada Abu-dhabi oo uu hayey ilaa sanadkii 2005, isagoo marxuumku muddadii uu halkaas joogay dalka Somaliland u soo diray caawimooyin door ah oo ay ka mid ahaayeen lix baabuurta gurmadka degdega ah ee caafimaadka oo uu kusoo caawiyey cisbitaalada lixda gobol ee dalkaiyo shan boqol o sariirood o loo kala qaybiyey cusbitaalada guud ee Hargeysa iyo Edna Martarnity Hosbital iyo buugaag badan oo u kusoo caawiyey dugsiyada dalka iyo (Laboroury) Laybareeriga gabilay. Haddaynu dib ugu noqono taariikhdiisii halgameed ee marxuumka intii uu joogay dalka Masar waxa uu xubin firfircoon ka noqday ururkii dhalinyarada reer waqooyiga ee halkaas ka dhisnaa waxaanu mar kaliya si weyn ugu soo mudh-baxay qoraalkii buugaagta oo uu qalinkiisu noqday mid aad u xiiso badan oosoo jiita guud ahaanba dhaqdhaqaaqyadii ee dadka u dhashay dalka Somaliland ay kaga soo horjeedeen taliskiiSiyaad Barre ka dib markii uu sobandhigay buugiisii dhiigu ku suntanaa ee la magac baxay maxaa ka dhacaya Somalia, buugaas oo ka waramayey aasaaskii halgankii hubaysnaa ee ururka SNM, dhacdooyinkii runta ahaa ee ka socday gudaha dalka Somalia gaar ahaan tacadiyadii shacbiga reer Somaliland lagula kacay, isagoo soo bandhigay nuqulo xaqaa’iqa oo dhacdooyinkaas ku suntan iyo waliba dokmentiyo qoraalo ah oo ay isu direen taliskii Barre, isago dhinaca kala ku xusay buugaas xidhiidhadii dublamaasiyadeed ee ururkii SNM iyo hay’’adihii caalamiga ahaa dunida kuwaas oo uu ku xaqiijiyey kuna taageerayey himilooyinkii halgankii hubaysnaa, taas oo mabnuucday inuu dalkiisa hooyo ku soo noqdo, waxaana sida la xaqiijiyey qoraalka buugaasi kala soo kulmay marxuumka hwlgalo shirqool ah oo loo maleegay si loo khaarajiyo balse uu ka badbaday iyadoo ay ka soo gaadheen dhaawacyo fudud ka dib markii loo adeegsaday rag loog direy muqdisho kuwaas oo aakhirkii gaadhigiisa ku dhuftay baabuur kale. Marxuum Axmed Barkhad Maax qoraalada buugaagtiisa waxa ka mid ahaa buugiisii la magac baxay ( wasaa’iq can soomali, xabashi, Eratariya) oo isagana uu kaga hadlay siyaasadii qalafsanayd ee uu ku socday taliskii Bare kuna wajahnayd dadka isir ahaan ka soo jeedda goboladii la odhan jiray “ gobolada Waqooyi” iyo iska caabintii milatari ee aykaga hor yimaadeen dadyowgaasi, taas oo ka cadhaysiisay taliskii siyaad bare in badana ay ugu hanjabeen inay dili doonaan. Waxa kale oo uu ku xusay buugiisan dhinacyada dhaqanka iyo xidhiidhka dhow ee dhaqan dhaqaale iyo bulsho, waxa kale oo isaguna jirey buug kale oo daabacaada ka habsaamay laakiin aad uga hadlay halgankii taxanaha ahaa ee loo soo maray Somaliland. Axmed Barkhad Maax alla ha u naxariistee taariikhdiisii halkan lagu soo koobi karo waxa uu ahaa nin dabeecad fiican, cibaado badan, afgaaban oo leh shaqsiyad lagu daydo. Waxa uu marxuumku ku geeriyooday 21 kii bishii 2aad ee sanadka 2009 cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana si weyn loogu aasay magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabilay waxaanu marxumku ifka kaga tagay saddex wiil iyo laba gabdhood isagoo dalka Somaliland usoo wareegay sannadkii 2005 kii, xilligaas oo uu degay magaalada Arabsiyo. Waxaa soo diyaariyey Taariikh nololeedka marxuumka Ilyaas Daa’uud Ibraahim iyo Cabdirasaaq Cali Barkhad Bulshooy Goormaad Wax Garan Tan iyo intii la doortay xukuumada haatan dalka ka dhisan waxa hal hays u noqday cidbaa nabada yar ee aan haysano burburinaysa, waa yaab hadaba’e madaxweynihii dalkan dhisay ee geeriyooday kamuu dhiman nabad yar oo la burburin karo, marxuum maxamed X.Ibraahim Cigaal wuxuu ka geeriyooday dal nabdoon dad nabadjecel, dastuur iyo bulsho u diyaar ah inay hogaankooda ku doortaan codkooda, waxaadse moodaa wixii intaas ka dambeeyey in xukuumadu cid kasta oo xaqeeda u hadasha tidhaahdo nabada ayey wax yeelayaan wax nasiib daro ah in bulshada lagu bajiyo nabadii yarayd ee aan nanabanay ayaa la baabinayaa iyada oo farta loogu fiiqayo shaqsiyaadkii hormoodka ka aaa taabagalinta nabada iyo qarankaba. Waxa nasiib daroo ahin bulshada lagu hogaamiyo warbaahintacid kaliya udanaysa o ay rumaystaan in dadkiii nabada adag ee aan haysano, cagaha u joojiyey lagu tilmaamo dad nabada iyo deganaashaha kasoo horjeedda, xaashe’e nin libin kaa xisdiyey xumihii waayaabe,miyaanay ahayn in bulshadu fahanto in nabada ay burburinayso cadaalad xumada, dastuur jabinta, balse aanay nabada waxyeeli Karin cid xaqeeda raadsanaysa. Nabadeena xukuumada oo burburisa mooyee cid kale waxba ka yeeli karto, xukuumadu nabada ha ilaaliso. Bulshooy miyeydaan ogayn in dastuurku idiin ogol yahay in shantii sano mar aad dooran kartaan hogaan aad rabtaan sidaa awgeed nabadaan waxyeelayaa haddaan idhaahdo ha la tashado maadaama xukuumadii maantu ku guuldaraysatay 3 jeer in codbixiyeyaasha u dareeraan fursadii ay ku dooran lahaayeen hogaanka dalka ilayn waa markii 3aad ee xukuumada cimrigeedu dhamaadee. Waxaynu ka wada warhaynaa in xukuumada talada haysaa markii labaad loo kordhiyey muddadiina ku eegtahay 6 April. Komishankiii doorashooyinka Qaranka in muddadii loogu balamay inay dalka ka dhacaan doorashooyin oo ahayd 29 march aanay ka qabsoomi karayn doorashadii madaxtooyadii dalka saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashooyinka ayaa sanad ka hor markii ay dhamaatay muddadii shanta sanno ahayd ee xukuumada loo igmaday ay dhamaatay waxay dhinacyadaasi ku heshiiyeen in muddada doorashada madaxtooyada 29ka march loo dareero, nasiib daro markale iyadoon la helin doorashadii loo balamay ayey mar kale guddida doorashooyinku shaaciyeen in ay 31 May ayku qaban karayaan doorashadii madaxtinimada dalka. Xisbiyada dalka ayaa ku gacan seedhay muddada cusub ee loo qabtay oo ka dambeysa muddadii xilka madaxweyne Rayaale dhamanaysay oo ah 6-da April, sidaa daraadeed maadaama muddada madaxweynuhu ku eegtahay 6-da April yaa sharciyan noqonaya cida dalka hogaaminaysa, miyaanay ahayn in laga wada tashado. Waxaase isweydiintu tahay haddii asxaabtu tidhaahdo aynu ka tashano ciddi mudadaas inagu hogaamin lahayd doorashooyin ma nabadii burburinaysaa, arrinka layaabka leh ee aan bulshada kudhaliilayaa waxay tahay in rag wasiiro ah ama halka ugu saraysa xukuumada ku dhawaaqaan arrimo aan dastuuri ahayn oo dadka qaarna sidaas ku rumaystaan, waxaa ka mid ah adeegsiga qodobka 83 ee dastuurka oo ay u dhigayn sida ay iyagu doonayaan. Qodobkani waxa uu leeyahay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxa bedelikara madaxweyne iyo madaxweyne la soo doortay shantii sanadood ba mar. Bulshoyahay maxaa helay garaadkii, xukuumaddu miyaanay ahayn tii saamixi lahayd, waxa loo wada diyaarka yahay ee ah in la helo madaxweyne iyo madaxweyne lasoo doortay, muddada la kordhiyaa ma keeni kartaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenla soo doortay, bulshooy cidda xuquuqdaada ka hadasha ma nabaday wax yeelaysaa, mise waxa nabada waxlaynaysa cida diidan xaqaaqa dastuurku ku siiyey, ee ah in santii sanoba mar aad soo doorataan hogaanka dalka. Goormaad bulshooy wax garan, ka dayrintii xukuumadda ee nabaddu waxay keentay in la inoo aqoonsado meel aan nabad buurani ka jirin grad 4 (heerka 4aad). Ugu dambeyntii waxaan jecelahay in aan wax yar ka idhaahdo natiijada komishanku shaaciyey ee ay sheegeen in ay serverka ku jirto, waxa ceeb ah in la abuuro xaalada bulshada kala irdhayn karta. Hore waxaa u dhacday in guddoomiyaha guddida diiwaangelintu saxaafada u sheegay in 50,000 oo codbixiye ay u kordheen Awdal, gobolada kalana ay wax ka go’een. Ismaaciil Muuse Nuur oo ahaa guddoomiyihii diiwaangelinta waxa arrintaas raali gelin ayuu ka bixiyey, waxa la yaab ah natiijada ka soo baxday serverka waxay noqotay mid la mid ah tii uu hore u sheegay Ismaaciil, sidaa daraadeed waxaan ku boorin lahaa in aan laga cadhoon haddii ay tiro u korodhay Awdal, waa wax inoo soo wada kordhay gobolada, inta wax ka maqan yihiina la raadiyo sababta ilayn waa wax inaga wada maqane, dadku waa dad walaalo ah oo ay tahay inay isku faanaan. Badrudiin Maxamed Xasan Daraasad Cilmi Baadhiseed Oo Ku Saabsan Raad Reebka Taariikhda Somaliland 1960-2009 Axmed Ciise Jaamac, Q:3aad Is barbar dhiga diinta iyo gaalo/dhaqan iyo dawladda Maadaama ummadan Somaliland ku dhaqani yihiin bulsho 100% muslim ah waxa markaaas waxa lagama maarmaan ahinaad dib u jeedaaliso aduunka si aad u ogaatid oo daristo waxyaabaha isbedelka noloshaada iyo macaankad iska dooriyey 1.dhaqankii iyo diintii 2.dawladnimadii iyo maamulkii,2. horumarkii iyo deegii hufnaa ee bulsho 4. cadaaladii garoosrkii sinaantoodii 5. deegaankii barwaaqaysna iyo beerihii 6.khayraadkii dabiigaa ahaa iyo dhaqankii xoolaha IWM. Hadaba inta aanad qodobadaas iyo qaar kalaba hoos ugu dagin wax khasab kugu noqonayaaa inaad marka hore daristo diinta islaamka, waxay gaaladu halganka iyo dagalka joogtada ah ugu hayso. Isbarbar dhigna ku samayso waxa diinta islaamku jideysay iyo waxyaabaha gaaladu arrin walba ka hor keento ee ay u samaystay iay ku bedesho, markaad arrintaas hesho ayey kuu suurogalaysaa inaad fahanto wax isbedelka, barashada cilmiga aduunyo waa laba 1. mahajka illaah waxyi iyo kitaab la raaco oo uu sunnaha nabiguna xeer kaab u yahay. 2. manhajka maadi ah dawlad axdi iyo dastuursamaysto xeerar iyo shuruuc lagu kaabo. Manhajkan diiniga ah wa mid toos ahoo quman wax ka dhimana jirin, wax is khilaafayana lahayn, wax wanaag ku jira mooyaane aan wax xun ku farayn oo aanad barasho xun kala kulmi Karin. Waa manhajkii ilaahay ugu talogalay ibnu aadama dunida kunool oo dhan inuu si isku mid ah u dhaqayo. Kordhin iyo kaabisna aan u baahnayn wax iska hor imanaya ama is burinaya lahayn, waa inaad aad ka dheehan kartid waxay midnimo tahay, waxa ay sinaani tahay, waxa ay cadaalad tahay waxa ay garsoor tahay, waxa uu xaq yahay waxa ayruni tahay, waxa asluubta iyo aqlaaqiyaadka suusuubini yihiin, manhaj ifka wixii wanaag u ah ku faraya isla markaas camalkii aad aakhiro wanaageeda ku heli lhayd kugu toosinaya o kuu tilmaamay oo ku faraya dhib iyo dheef kuugu jira. Waa manhaj ku hor keenaya dhamaan qoomamkii kaa hor maray wixii ay aduun wanaag iyo xumo falay iyo wixii cidhibtooyadii ku dambeysay, taas oo kuu muujinaysa wax ku qaadasho digniin iyo feejigo iyo hanuunka suuban. Manhajkani waa raxmad eebeku siiyey waanadawadadii ifka iyo aakhiro, hadii aynu intaas ku soo koobno manhajkaas ilaahiga ah oo aan qoraal lagu soo koobi Karin. Bal aan eegno manhajkan ibnu aadam sameeyey aanay isu eekaan Karin, isna metelikarin, isa gudinisku qiimo iyo qaayo ahayn, wax lays barbardhigo ahayn, haseyeeshee waxaad halkan ka fahmaysaa gaaladii xaqa diidanayd ee ka hortimid ee raaci wayday rasuulkii eebe ay yidhahdeen annaguba maanu samaysano manhaj noo gaar ah oo aau isku dhaqno ka dibna waxbay qorteen oo ay iska dhoob dhoobayn aanmeel gaadhsiin Karin, wax allaale wixii xumaan ahaana u jideeyey, khiaaf iyo burburu keenay cadaaladii ka suuriyey, aakhiradoodina seejiyey, noloshana macaankii ay lahayd gaas mariey, mad habihii la raacayeyna kadhigay hanti goosi iyo dimuqraadi, gaaladu is leeyihiinwax diinta islaamka kaga maarantaan samaysta, taas oo ay isleeyihiin wax kasta oo diintu leedahay idina qodob la mid ah kaana sida ay isugu beegnayn arrimahan oo kale aan isbarbar dhigku samaynaya islaamka iyo gaalada 1. manhajka diin ah manhaj Maadi ah 2. wacyi iyo kitaab Axdi iyo dastuur 3.sunayaashii nabiga xeerar iyo shuruuc 4.mad-habyo iyo dariiqooyin hantigoosad iyo dimuqraadiyad 5.quran kariim ah iyo aayadaha Baybal la bedelo iyo qodobo 6.ducadii iyo baryadii ilaahay mucaawimo gaar iyo deeq bixin 7.salaadii iyo cibaadadii salaad ay leeyihiin 8. eedaankii salaada Jalas la tumo 9. sadaqadii iyo sakadii Sanduuq lacag ururin 10. ciidaha islaamka xusaska maalmo u cayiman 11. misaajado kiniisado 12. iimaanka boobka 13. kulanka booqasho kilaabyo ciyaareed 14. qowrac alle iyo alle bariga khamri cabis iyo doofaar galis iyo ey salaaxis 15. salaantii islaamka maalin wanaagsan subax galab, habeen 16.faafinta diinta faafinta hay’adaha dagaal kla hortaga. 17. barashada carabiga fidinta afafkooda(arki maysid gaal carabi ku hadaya) 18. midnimada iyo isku duubnaanta ururo iyo kooxo bulsho 19. guurkii xalaasha iyo galmadii dumarka rag rag guursada, nagaha oo dabada laga maro 20 muxaadarooyinka iyo wacdiga wanaa farista qalabka maqal iyo muuqaal leh oo lagu baahiyo wixii xunba. La soco………… DALJIRE: DalaggoodaBy A. Geeljire Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan. Dubbe: Waaryaadhaheen. Waar bal nimanyow markaad daawanaysaan bahalkan la yidhaahdo telefiishanka(tv) carruurta iska fogeeya oo waxaa kor u odhanaysaan u fiirsada. Doolaal: Oo waayo? Maxaad ku keentay? Dubbe: Waxaan ku keenay. Kan Cabdillaahi Cirro ee Wasiirka Arrimaha beentu, waxaan u jeedaa arrimaha guduhu, Cirro iyo wax ma leeyahay? TV ga iyo wax ma ka muuqdaa uun? Had iyo jeer been iyo wax ma ka sheegayaa? Kulmiye iyo wax ma hafrayaa? Ilaahay yaab iyo wax ma noo keenaa? Shaw anoon is ogeyn ayaan idhi been weynaa. Saaka ayuumbaan mid yar oon dhalay masaajidka geeyey. Oday koofiyaddii iska qaaday oo Cirro badan ayuumbuu farta iigu fiiqay. Ku ye. “ Aaboy. Been weyn, been weyn.” show wuxuu moodayaa in cirrada been la yidhaahdo. Doolaal: Waar aflagaadada madaxda waanu idinku naqaane wax kale ma haysaa? Dubbe: Oo maxaad ka yar ka sheegaysaa anagaaba iminka markaanu aragno qof guudka iyo gafuurkuba cadyahay is nidhaahna tolow ma Cabdillaahi Cirro oo kalaaye. Waar iska aamu ninyow. Qolayadan reer Hargeysa beenta sidaa u mutuxan maanaan sheegi jirin ee qayaxan. Waxaanu naqaanay ta xaddaarada la socota ee afka reer magaalka lagu yidhaahdo al kidib al abyad. Eeg. waxaanu odhan jirnay. Lacagtii ma hayo oo baankii baa xidhnaa iyo. Carabkii aan xoolaha u diray baa inankiisii curad dhintay oo maqan iyo markabkii baa degey iyo waxaan la soo taaban Karin oo wax lagu kala basrinayo. TV iina ma jirin ee hal qof uunbaad u sheegaysay. Ka ku yidhaahda xaaji beenta naga daana mid gideyr ah oo agtaada taagan ayuumbaa budh la fuuli jiray. “waar ma xaajiguu beenaale ku sheegayaa?” Waa maxay wasiiradan iyo madaxweynayaashan bahashii xalaashaday? Doolaal: Horta laba arrimood baynu labadeena qoloba leenahay. Anaga markaad na yar qabataan baanu nidhaahnaa “nabadaa nabadda” idinkuna markaanu idin qabanno ayaa tidhaahdaan “beenta beenta” ee ma is deynaa? Dubbe: Horta waxbaa ka yar jira taase. Wasiiradii iyo madaxdii kale ee hadashay isku wada mid may ahayn. Cali Asad waxba muu dhimin in kasta oon garan waayay wuxuu ugu qaatay inuu Ismaaciil yare isaga la hadlayay. Axmed Xaashina sax iyo khalad tuu doono ha ahaadee dood buu soo jeediyay oo wuxuu yidhi Kulmiye ayaa doorashada dib u dhigay. Taana hadal baa ka furan. Laakiin ninka Cirro cid u warranta garan maayo. Weligiina wax caddayna ma keenin eedna ma joojin. Waar ina Waran Cadde iyo Abiib Tima cadde iyo Garaad Cismaan timaha madoobaysta yaa yidhaahda belaa dhacday eh. Doolaal: idinkuba intaa been baad naga sheegaysaane maxaa taayada tilmaamay? Yaa idinka been badan? Dubbe: Waar heedhaha Somaliland-tu waa riwaayad. Bal ma waxaad aragteen C/lahi Cirro oo ina la hadlaya oo leh mujaahidiintii dalka xoraysay lexejeclo uma hayaan ee anigaa uga lexejeclo badan. Oo haddana leh taariikhdaa is qoraysa. Tolow taariikhda ma UDUB baa qalin u soo iibisay iminka? Mise UDUB baa iskuul ku dartay taariikhda oo iminkuun bay baratay sida wax loo qoro taariikhdu? Waxaanu aragnay Ina Ducaale oo yidhi. “waxa lay sheegayaa inuu jiro xisbi waxoogaa dacari hayso.” Dee waa runtiiyo illayn inalama joogoo haraggiisa ayuumbaa inoo muuqdee wixii loo sheego iyo wuxuu ku daro ayuumbuu yidhaahdaa. Waxaynu maqallay Ina Rayaale iyo Cawil oo midba meel ka yidhi. “ma cid baa samada laga keenayaa xukuumaddii dadku doortay ayuumbaa joogaysee.” Horta nimankaynu u dudaynaa waa nimanka sidaa u kibirsan ee u haysta inaan dalka cid kale oo xukunta laga helayn samada oo cid laga keeno mooyaane taasina aanay suura gal ahayn. Waxa kale oo aynu maqallay khasnaddii Booliska ee xarunta taallay oo la xaday intay xafiisyada Kulmiye ku warwareegayeen. Waxaynu maqallay Serverkii oo aynu kala garan weynay inuu tusbaxii dheeraa ee Jaamac Sweden tiriyay iyo inuu codbixiyeyaal tiriyay. Waxaynu maqallay in xisbiyada loogu yeedhay in hawshiisa la bilaabo sidii heshiisku ahaa oo haddana la yidhi waanu dhamaynay ee iska daaya. Waxaa waxaaba ka darnaa Cawil oo leh xoolaha dadweynaha waan ka ducaystaa oo aniga iyo Madaxweynuhu midkaayana afkaa ma saaro. Haddaba miyaynu qosollaa mise waynu ooynaa? Waar yaa Illaahay yaqaan? Waar dalkii mee? Waar dakii maye? Doolaal: Yaa kugu yidhi Booliskaa laga xaday khasnad? Dubbe: Waar waxaa iska daayoo ninkaa maantoo dhan lahaa gabaygii Ina Rayaale qaybtiisii kale noo sheeg baan u sheegayaa ee noo kaadi. Haa inaadeer. Gabayga sidaan hore kuugu sheegay aniga nin Cabdi Kariim Baanday la yidhaahdo ayaa ii sheegay. Waxaan is idhi mallaa isagaa tiriyay ee Ina Rayaalena ma tirin. Wuxuu yidhi buu yidhi: “Dalaggooda weeyaan wasiirradu eegga dabadeede Digtoonow, dib ujeeso iyo waa kala dareeraaye Dadkaa yidhiye waa inay ducada qaataane Dirkii ba’ Cawil baase diiday amarkiiye Inakstuu da’dii Quufla iyo kuwii Dura ka sii joogo Ood daaxuur gaboobiyo abees duudka sare mooddo Misna inuu Dubur haw ka xulu oo dego ka dheeraaye Doorkanse waxaan ka biqi inay la duushaaye Dab uu oogo iyo sharbaa loogu daw galaye Ma daneeyo diin iyo salaad deeq Allana mooge Daacadnimo waa tuu ka tegey naaska dabadiiye Dig wuxuu ka siiyo dhac buu derajo moodaaye Daaman jiirle waa nimaan xumo ka daalayne Dacwad kiisa xoolahaa dadkee laygu daba joogo Keligay dadweynaha ma dhicin daarna maan gadane Deynkaan u qoollahay badhbuu geystey debedaaye Uu weliba buug daabacii iiga digayaaye Mar haddaanu duul asqo ah iyo doqonba waayeynin Danaakilo kolay ku tahay deriskan baasheenna Degdeg wuxuu u heli qaaruu duufsado eh Giddigoodba dawladaha qarniga waw dantood jire eh Diiwaankuu ugu wada jiraa una daloolaaye Hadba wuxuu la sii duulayaa war u dahsoonaaye Sirri daari baan ahay xogtii inay durreeyaane Waa iga dardaarane tolow yaa u diga maanta
Doolli galay bakhaar ninkii daaska cunay buuxa Derejada ninkii ku helay duminta reerkooda Waagii dillaacaba ninkii duqayda caayaayay Dakanada waatuu u galay ani daraaday eh Sidii dirays la qubay ama cal la soo daadshay Derbi jiifku haddaanu rabin duugga uu yahay Dulli qabe Ina Ducaalena ha tago doxorre weeyaane Dibad iyo halkuu ka yimi dib ha ugu sii laabto Dabka dheriga haw soo shido hana dul taagnaado Duubi hiliba digaag iyo bariis dumarka haw saaro Daangada saloolkiyo laxoox duban ha soo siiyo Digsiyada ha maydhoo dabeed daaradda ha fiiqo Markuu cadho dareema bacdii debedda haw qaato Darka ceelka dooxii ha tago dawlis ha u tuurto Aakhiro danteede ha durduurto maaxdoo dawo ha soo laaco Derbiyada ha raacee maruun aniga hay daayo Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebe yidhaado. A. Geeljire |