Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1986 | March 13, 2009 Rabiicul Awal 16,1430H | |||
Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Cabasho Ka Muujiyay Qaabka Taliska Ciidamadu Ula Dhaqmay
|
“Haddii Qofka Shan Sannadood La Doortaa IskaHaysanayo, Dastuurkana Jebinayo Maxaa Loo Sheegtay Afweyne” “Ciidamada Inta Dadkii Lagu Soo Jeediyay Oo La Yidhi 70% Wixii Dalka Ka Soo Baxa Iyagaa Qaata, Ayaa Haddana 200 Oo Kun La Siiyaa” Cabdilaahi Darawal London London, March 13, 2009 (Haatuf) – “Madaxweynaha wixii loogu yeedhay iyo dadkii u yeedhayba way is arkeen, wadankeenana waxa ka taagan waad aragtaa, iyaguna waxay iskaga jiraan baadhi (party) iyo dukaamaysi (shopping), halkaas ayaad ka garan kartaa ilaa heerka ay danaynayaan ama ay ka naxayaan dhibaatooyinka dadka iyo in ay doonayaan inay wax ka qabtaan khilaafaadka ay iyagu abuureen.” Sidaa waxa yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo socdaal ku jooga dalka Inigiriiska, wuxuuna sidaas ku sheegay wareysi uu shalay siiyey Idaacadda Horyaal ee xarunta tahay Hargeysa. Wareysigaas oo uu Cabdillaahi Darawal kaga hadlay arrimo badan wuxuu u dhacay sidan: S: Bal nooga waran xaalada halkaas iyo siyaasiyiinta halkaas joogta siday u arkaan socdaalka madaxweynaha ? J: Runtiiii socdaalkani waxa uu ahaa mid kuwii hore ka duwan, marxalada uu ku soo beegmayna waxa uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, waadigii ogaa oo waakii xisbigii UDUB kala jabay, halkana qaar ayaa noo joogay, oo rag badan oo isbedel doon ah ayaa ka buuxay, wixii loogu yeedhi jirey waxa u dheeraa werwerka ay ka qabaan xaaladda wadanku uu marayo, weftiyadan badan ee idin imanayaa waxay u imanayaa xaaladaha doorashooyinka iyo dib u dhacan caadiga iska noqday, arrimaha lagala hadlayna kuwaas ayaa ugu waaweyn, waxa kale oo jirtay in madaxweynuhu dadkii halkan joogay ee qurba jooga ahaa uu ku dhici kari waayey inay la kulmaan, waayo halkan (Ingiriiska) waxa jooga qurba jooga ugu badan, sidaa darteed waxay la kulmi kari waayeen xataa labada guruub ee UDUB ee kala jabay kuwii isaga la jiray ayaa inta magaalooyinka looga yeedho la lugaynayey oo cadho kaga noqonaya. Wixii loogu yeedhay iyo dadkii u yeedhayba way is arkeen, wadankeenana waxa ka taagan waad aragtaa, iyaguna waxay iskaga jiraan baadhi (party) iyo dukaamaysi (shopping), halkaas ayaad ka garan kartaa ilaa heerka ay danaynayaan ama ay ka naxayaan dhibaatooyinka ay doonayaan inay ka qabtaan khilaafaadka ay iyagu abuureen. S: Miyaanay jirin cid ay la kulmeen oo kale mise kulankoodu waxa uu ku ekaa Xoghayaha Arirmaha debadda Ingiriiska iyo Wasiirkiisa? J: Haa labadaas uun bay ku eekaayeen, waxa kale waa dad soo booqanaya oo shakhsiyaad uun ah iyo dukaamaysi ay ku jiraan oo dan laga lahayn, intaas uun baa ugu filan qofkii is-lahaa meeshaa rajo ayey ugu maqan yihiin, waxa meesha ka dhacaya waa layska mushaxayaa oo casho iyo baadhi uun baa layskaga jiraa. S: Idinku ma la kulanteen dadkii isbedel doonka ahaa ee aad halkaas (UK) ugu tagteen? J: Waanu is aragnay oo intayadii isbedel doonkaa ahaa waanu kulanay S: Maxaad hadda qabanaysaan ee idiin qorshaysan ? J: Hawlahayagu wali waxay ku jiraan talo ruugid laakiinse sidii canaasiirtan dalka haysata looga qaban lahaa ayey talayadu ku soo gebogabowaysaa. S: Waxa jirtay in aad isku dayeyseen xisbigiina UDUB intii isbedel doonka ahaa mudaaharaad aad doonayseen inaad ku samaysaan Madaxweynaha, maxaa idinka hor istaagay arrinkaas? J: Walaahi arrinkaa way ka horeysay imaatinkayga oo iyagaa waday (isebdel doonka UDUB), laakiin markii ay taladii ruugeen ee ay eegeen saamaynta ay ku yeelan karto wadanka dal ahaan, waa niman wadanka jecel qiimaynayana, kana dhawraya wixii wadanka haddimo ku noqonaya, iyagaana arrinkaa hakiyey siyaabo kalena u dhigay oo qoraalo u gudbiyey hay’ado badan oo kuwa xaquuqda aadamaha iyo kuwo kaleba. Kolay layaab maaha oo waxaan websityada ka arkayey niman wasiirada ah oo sidoodii marka ay meel walba ka soo xidhanto yidhaahda nabadgelyo daro iyo dad baa Xamar doonaya iyo waxyaabahaa waan maqlayey, ceebtoodna maaha oo waa caadadood oo waa wax lagu yaqaanay, ragba la hadli maayo oo dadka suuqa ma war dhaamaan oo meel loo wado iyo waxa dhacaya kama war hayaan, laakiin nin weyn oo aan moodayey ragga dalka taladiisa haya, Cawil oo kale ayaan la hadlayaa, hadal uu toddobadii bishan jeediyey ayaan aad iyo aad runtii ula yaabay oo uu yidhi rag baa Xamar doonaya, bal kuwa doonayaa iyagaa iska soo bixiye, Cawil waxaan weydiin lahaa safarkiisii dhawaa ee Djibouti inuu dadka u sheego waxay dawladii cusbayd ee Sheekh Shariif ka soo wada hadleen, ilayn waa tii intii ay madaxweyne ku-xigeenka u sheegeen uu iftiimiyee, bal dadka ha u faahfaahiyaan hadday dalka daacad ka yihiin. Ta labaad nabadgelyada ay ka hadlaan mar allaale marka uu wakhtigoodu dhamaado ayey nabadgelyada ka hadlaan, nabadgelyada ma waxa duminaya ninka leh adeer damiir yeelo oo wakhtigaagii wuu kaa dhamaadee is casil, mise ka leh waan iska fadhiyayaa oo sharci daro ayaan ku haysanayaa, maalin walba wakhtigaa iiga dhamaanaya, ka duminaya dadku way garanayaan, dadku way barteen. Waxa kale oo aan la yaabay ciidamada ay dhiseen, ciidamada ay dhiseen waa tee ma kuwan indhihii dadka lagu soo jeediyey ee la yidhi wixii dalka ka soo baxa iyagaa qaata, haddana labada boqol ee Somaliland shillin ee $30 qaata, tiradoodana laga dhigo kuwo aan jirin oo dhawr iyo labaatan kun lagu sheego, wixii lagu daryeeli lahaa ee lagu kabi lahaana hortooda lagu baa’bi’inayo. Ciidamadu waa kuwii shalay ku soo halgamay ee xaq darada ka soo dagaalamay maantana inay xaq daro inay idinku taageeraan waa idiin nacasnimo, ta kale way arkayaan in wixii lagu dhaqaalayn lahaa lagu bixinayo wax bulshada baabi’inayo oo la leeyahay 22 xafiis ayaa laga furay xafaadaha oo $200 doolar lagu bixinayo, ciidamadu way arkayaan in afartaa sanno ee uu Cawil wasiirka ahaa in xisaab celin laga la’yahay, ciidamadu way arkayaan in inta indhihii dadka lagu soo jeediyey oo la yidhi 70% waxa dalka ka soo baxa waxa qaata ciidamada, in haddana laba boqol oo kun oo shillin SL la siiyo, waa niman garan kara taas, waar dadku way idin barteen oo filimkan toban jeer ayey daawadeen. Waxa laysku haystaa waa hoggaaminta dadkii markaa qof shan sano la doortay hadii uu toddoba sanno iska haysanayo oo dastuurka loo jebinayo maalin walba, maxaa Afweyne loo sheeganayey. S: Ma la kulanteen qolooyinkan uu madaxweynuhu la kulmay ama qoraalo ahaan ma u gudbiseen ? J: Qaar aan la kulmay iyo qaar ay ii hadhsan yihiin way jiraan, walina hawshu way noo socotaa,waxaana filayaa inay ilaa bisha dabayaaqadeeda isoo dhamaanayso. Aad Bay Ii Dhibtaa Markaan Arko Beelo Shiraya, Mana Jirto Sabab Ay U Shiraan Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco" Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale Hargeysa, March 13, 2009 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale, ayaa daadefeeyay shirka Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco Arbacadii uga furmay magaalada Burco ee la soo geba-gabeeyay maalintii shalay, waxaanu ku tilmaamay shir aan loo baahnayn. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sidaas ku sheegay Waraysi uu shalay siiyay Telefiishanka Dawladda, waxaanu ka waramay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen khilaafka ka taagan dib u dhaca doorashada madaxtooyada, sharciyada sii dhamaanaysa ee xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo arrimo kale. Xuseen Cali Ducaale, oo ka hadlayay shirka Burco, wuxuu yidhi "Aad bay ii dhibtaa markaan arko reero shiraya, iyadoo doorashadu dhowdahay sabab beelaha galbeedka iyo bariga Burco ka shiraan ma taalo, waa Qaran dib loo celinayo, wax uu soo kordhinayaana ma jiro, waxaa ka fiicnaan lahayd iyadoo axsaab siyaasadeed loo shiro, oo la yidhaahdo waxa shiraya UCID iyo KULMIYE, UDUB iyo KULMIYE ayaa shiraaya UCID Iyo UDUB baa shiraaya. Inta aynu beelo dib ugu noqonayno." Wasiirka maaliyadu wuxuu dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabad gelyadooda, oo aanu nin siyaasiyi beer-laxowsan beena u sheegin, waxaanu yidhi "Dadweynaha waxaan ka codsanayaa in ay nabad-gelyadooda ilaashadaan oo aanu nin siyaasiyi beer-laxowsan oo aanu been u sheegin." Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ahayd in xisbiyada mucaaridka ahi ay ku baaqeen marka la gaadho 6-da bisha April oo ku eg dhammaadka muddadii xil haynta Madaxweynaha ee hore loogu heshiiyay, in la sameeyo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ku meel gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiiya ama dawlad wadaag ah, wuxuu ku jawaabay "Horta dawladaha adduunka oo dhan dastuur ayaa kala saara, waana saldhigga ummad kasta, meel ay ka iman karto dawlad dhisan in dawlad kale la dul keeno ma jirto, Madaxweynahana waxa bedeli kara Madaxweyne la soo doortay oo kaliya, meel ay dastuurkeennana kaga qoran tahay ma jirto. Madaxweynenimadana daaqad lagama soo gallo ee albaab weyn ayaa laga soo galaa oo ah doorashada, ummaddaana cod u qaadaysa ka ay doortaan baana ku fadhiisanaya, markaa waxa haboon in aan ummadda la khalkhalin inay akhriyaan dastuurka ayaa loo baahan yahay ". Wasiirka oo ka jawaabayay wuxuu qaban doono iyo mustaqbalkiisa siyaasadeedba haddii xisbigiisa UDUB lagaga adkaado doorashada madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa, wuxuu yidhi "Horta haddii doorashada nalaga guulaysto si sharaf leh ayaanu u dhiibaynaa, axsaabta mucaaridkuna waa inay caddeeyaan sidayadaas oo kale inay aqbalaan, in nalaga guulaysto Alle kama dhigee, waxaan jeclahay in aan anigu u leexdo hawshii aan ugu jeclaa ee aan hore u waday oo ah in aan wax badan qoro, oo aan ku noqdaa Qoraanimadii taas oo ah mid muhiim ah ummaddaydana anigoo aan horeba xil u hayn ayaan u shaqaynayay, illaa inta cimrigayga ka hadhayna waan u shaqaynayaa." Madagascar: Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Ka Taagan Iyo Ciidamada Amniga Oo Iska Diiday Inay Xabbad Kala Hortagaan Dadka Mudaharaadaya “Dadkayaga Muwaadiniinta Ah Ee Mudaharaadaya Lama Dagaalamayno”-Saraakiisha Ciidamada “Ma Doonayo Inaan Ka Sii Tirsanaado Dawlad Dadkeeda Laynaysa”- Wasiirka Gaashaandhigga Oo Is-Casilay Madagascar, March 13, 2009 (Haatuf) – Jasiiradda Magagascar ee ku taal Badweynta Hindiya, ayaa waxa wakhtigan xaadirka ah ka taagan qalalaase siyaasadeed iyo hirdan ba’an oo dhinaca awoodda ah, waxaana tan iyo badhtamihii bishii January ee ina dhaaftay ka aloosnaa khilaafaad siyaasadeed iyo iska horimaadyo sababay khasaare balaadhan oo naf iyo maal-ba leh. Qalalaasaha ka taagan Jasiiradda Madagascar waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha dalkaas Mr. Ravalomanana iyo hoggaamiyaha Mucaaridka Mr. Andry Rajoelina, waxayna xaaladdu wakhtigan xaadirka ah maraysaa meel xun, iyadoo uu hoggaamiyaha Mucaaridkuna sheegay inuu yahay Madaxweyne, kuna dhawaaqay maamul hoos yimaada isaga. Hoggaamiyaha Mucaaridka oo ah Maayarka caasimadda Madagascar Antananarivo, da’diisuna ay tahay 34 jir, khilaafka ba’an ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha waxa uu ka dambeeyey, ka dib markii uu madaxweynaha Madagaskar bishii January ee sannadkan ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday maayarkii caasumadda, Mr. Andry Rajoelina, hase yeeshee Mr. Andry Rajoelina ganafka ayuu ku dhuftay eriga ka soo yeedhay madaxweynaha, wuxuuna markiiba isu caleema-saaray inuu yahay Madaxweyne, isla markaana wuxuu madaxweynaha ku eedeeyey inuu noqday nin kelitalis ah, iyadoo uu madaxweynuhuna ku tilmaamay hogaamiyaha mucaaradka nin awoodda si qaldan u baadi-doonaya, isla markaana wuxuu Madaxweyne Ravalomanana intaa raaciyey inuu isagu dalka Madaxweyne ka yahay ilaa inta uu dhamaanayo xiligiisu sannadka 2011. Qalaalasaha iyo iska hor-imaadyada ka taagan jasiiradda Madagaskar waxa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100 qof, kuwaas oo la sheegay inay intooda badan dileen ciidamada ka amar-qaata Madaxweyne Ravalomanana. Hase yeeshee toddobaadadii u dambeeyey waxa saraakiishaa ciidamada ka soo baxayey dhawaaqyo ay ku sheegayaan inaanay xabbad la dhici doonin dadweynahooda mudaharaadaya, iyagoo iska diiday inay ka amar-qaataan xukuumadda Madaxweyne Ravalomanana. 28 qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen taageerayaasha mucaaradka ayey Sabtidii ina dhaaftay toogasho ku dileen askar la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynaha. “Waxaan ka dal-banayaa ciidamada amniga inay waajibaadkooda gutaan oo ay dadka bad-baadiyaan, iyagoo sharaftooda ilaashanaya”, sidaa waxa yidhi madaxweynaha Madagaskar oo la hadlaya ciidamada dalkaa, kana dal-banaya inay wax ka qabtaan dadka mudaharaadaya ee taageersan hogaamiyaha mucaaradka, hase yeeshee ciidamada amnigu uma dhego-nuglaan amarka madaxweynaha. “In-muddo ahba wax amar ah kamaanu qaadanayn ciddii (madaxdii) aanu amarka ka qaadan jirnay, waxaanuna isku deyeynaa inaanu ilaalinno hantida dalka iyo dadkayaga muwaadiniinta ah, lamana dagaalamayno dadkayaga”, sidaa waxa yidhi nin ka tirsan ciidamada Madagaskar oo magaciisa qariyey, una waramay wakaaladda wararka AFP. Sida la sheegay inta badan saraakiisha ciidamada amniga hadii ay booliska tahay iyo hadii milateriga tahayba way diideen amarka xukuumdda Madaxweyne Ravalomanana, waxayna sheegeen inaanay xabbad kala hortegayn dadkooda. Hase yeeshee wararka qaar baa sheegay inay ciidamada amniga qaarkood kala qaybsameen, oo ay qaarna taageereen hogaamiyaha mucaaradka, qaarna madaxweynaha. Saraakiil ka tirsan ciidamada oo ku sugan caasumadda Madagaskar ayaa weriye BBC-da ka tirsan u sheegay inay taageeri doonaan hogaamiyaha mucaaradka haddii arinta xal siyaasadeed lagu soo dabaali-waayo. Ta kale saraakiisha ciidamada ayaa wasiirka gaashaandhigga oo ah haweenay magaceeda la yidhaahdo Cecile Manorohanta ku khasbay inay is-casisho, taas oo ay aqbashay, kuna dhawaaqday inay is-casishay, iyadoo xilka wasiirnimo haysay muddo bil ah. “Ma doonayo inaan ka sii tirsanaado dawlad shicibkeeda laynaysa”ayey tidhi wasiirka gaashaandhigga Madagaskar. Meelaha sida weyn loogu hirdamayo waxa ka mid ah caasumadda, iyadoo uu Madaxweyne Ravalomanana ilaa hadda awooddi kari-waayey inuu ka takhaluso hogaamiyaha mucaaradka iyo taageerayaashiisa, oo uu dhinac waliba leeyahay awooddiisa. Sida ay ku soo warameen suxufiyiinta iyo diblomaasiyiinta ku sugan jasiiradda Madagaskar waxay kooxaha mucaaradku kor ugu sawax-ayaan inay qabsan doonaan caasumadda, hase yeeshee waxay wararku intaa ku darayaan inaanay taasi hawl yarayn oo hadii ay labada dhinac dagaal iskaga horyimaadaan ay taasi keeni doonto khasaare xoog leh oo naf iyo maal-ba leh. Qaramada midoobay ayaa Madagaskar u soo dirtay ergay gaar ah si uu u dhex-dhexaadiyo labada dhinac. Sidoo kale dawladda Faransiiska oo gumaysan jirtay Jasiiradda Madagaskar ayaa isku deyeysa inay arinta faraha la soo gasho oo ay labada dhinac cadaadis ku saarto sidii ay xaaladda waan-waan iyo wada hadal ugu soo dabaali lahaayeen. Madaxweyne Ravalomanana waxa uu jagada madaxweynenimo qabtay sannadkii 2002, ka dib markii uu muddo qalalaase siyaasadeed iyo iska hor-imaadyo dhiig ku daatay uu ka socday dalkaa, iyadoo ay taasi ka dhalatay, ka dib markii ay xukuumaddii talada haysay xiligaa ku shubatay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday sannadkaa, taas oo ay mucaaradka oo uu hogaaminayey Mr. Ravalomanana gaashaanka ku dhufteen, dabadeedna waxa aakhirkii arinta soo gacan geliyey beesha caalamka, waxaana dib loo tiriyey codadkii dadka, taas oo ay mucaaradku heleen, sidaas ayuuna Mr.Ravalomanana ku noqday madaxweynaha dalka Madagaskar. “Golahani Xaaladdan Lagu Jiro Awgeed Fasax Ma Gelayo, Waanu Sii Shaqaynayaa Maalinta Sabtida Ayuuna Go’aan Ka Soo Saari Doonaa” Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md: Saleebaan Maxamuud Aadan Hargeysa, March13, 2009 (Haatuf) - “Goluhu ma kala tagayo xaaladda lagu jiro awgeed, waanu sii shaqaynayaa, sabtida ayaanu go’aan ka gaadhi doonaa” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha golaha Guurtida Md:Saleebaan Maxamuud Aadan oo aanu wax ka waydiinay kalfadhigii 37aad ee golaha Guurtida oo muddo toddobaad ah muddo dhaaf ahaa kuna eekaa shantii bishan march 2009 ka, isagoo kalfadhigooduna furmay 13 December,2008-dii, taas darteedna dhameeyey qodobada ajandaha kalfadhigooda, iyada oo la sheegay inuu goluhu maalinta sabtida kalfadhi aan caadi ahayn uu geli doono ayaa guddoomiyaha golaha Guurtida oo aanu shalay wax ka weydiinay, maadaama uu kalfadhigii 37aad uu dhamaad in goluhu fasax geli doono iyo inuu sii shaqayn doono ayaa guddoomiye Md:Saleebaan Maxamuud Aadan oo arrintaas ka jawaabaya waxa uu yidhi “golahani xaaladdan lagu jiro wax fasax ah ma gelayo, mana kala tegayo, waanu sii shaqaynayaa maalinta sabtida ayuu go’aan ka soo saari doonaa goluhu waxa uu ka yeeli doono dhamaadka muddada kalfadhiga” isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ golahan iyo gole kale toona ma kala tegayaan oo xaaladda dalka awgeed waxa waajib ah in goleyaashu ay sii shaqeeyaan” Dhinaca kale golaha guurtida kal fadhigiisan 37aad ayaa ku soo beegmay waqti uu muran xoogani ka oogan yahay muddadii xilka madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa oo ku eeg 6-da bisha April iyo komishanka doorashooyinka oo iyaguna doorashadii madaxtooyada ee ay u cayimeen inay dhacdo 29 march dib ugu dhigay inay qabsoonto 31 may ee 2009-ka, taas oo labada xisbi ee ee mucaaradka ee kulmiye iyo UCID-na ay mawqif adag iska taageen kuna tilmaameen inay muddadaasi tahay mid ka baxsan sharciyada ay ku fadhido xukuumadda xilka haysa, sidaas darteedna waxa la filayaa in golaha Guurtidu maalinta sabtida ah uu go’aan ku gaadhi doono ansixinta kalfadhi aan caadi ahayn uu golo goluhu, kaas oo kusaabsan arrimaha dalka ka taagan. Guuxa Reer Boorama Ee Ka Dhanka Ah Beelaha Dhexe Ee Somaliland Ma Ilowsiiyey Saaxiibadoodii Xisbiga UDUB Ee ee Beeshaasi? Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh Waa shay iska caadi ah lagana dareemo reer Boorama markastoo xukuumadda Rayaale beelaha reer Somalilandka kale ku qabsadaan ama ku dhaliilaan wax sharci ah ama sharcidarro ah, waana caado lagu yaqaano reer Boorama in markasatoo xisbiyada Mucaaradka, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha kale ka soo jeedaa cidhiidhi la geliyo kursiga madaxtooyada una arkaan in beelaha dhexe siyaasiyiintooda iyo waxgaradkooduba hayb ahaan uga soo horjeedaan Rayaale, iyagoo markasta meesha ka saara in kursigan madaxtooyada Somaliland ay beelaha dhexe codkooda ku geeyeen madaxweynaha haatan. Sidoo kale ayaa reer Boorama ugu ololeeyaan colaad iyo xumaan ka dhex dhacda reer Somaliland haddiiba loo dhawaado kursiga Rayaale, iyagoo ku baaqa inay Somaliland qaranimadeeda baabiin doonaan haddii beelaha dhexe ogolaan waayaan waxa Rayaale doonayo iyo waxay doonayaan sax iyo qalad midkay doontaba ha ahaatee. Arimahaasi iyo kuwa kale ayaad mooddaa inay mar kale ka soo cusboonaadeen Magaalada Boorama iyo qaybo kale oo ka tirsan deegaamada gobolka Awdal, kuwaas oo wakhtigan ka dhashay diiwaangelintii dalka ka dhacday, shaqada serverka, iska horimaadyada maleeshiyo beeleedka Baki iyo Gebilay, Eriga ama xil ka qaadista Guddoomiyihii diiwaangelinta Ismaaciil Muuse oo markii xilka laga qaaday reer Boorama qaarkood ku sheegeen waddani ay iska Eryeen saraakiisha beelaha dhexe ee ku jira komishanka diiwaangelinta, sababna uga dhigaya badinta Serverku badiyey tirade dadweynaha gobolka Awdal iyo hoos u dhigidda tirade beelaha dhexe ee Somaliland, iyadoo horena loo ogaa hadaladii uu Ismaaciil kaga hadlay siddii Reer Burco ugu shaqaysteen tiradii badnayd ee diiwaangelinta uga soo hoysatay gobolada dhexe, reer Booramana ula shaqaysan waayeen hawlwadeenadii komishanka. Markaad eegto dareenada kala duwan ee reer Boorama ka bixinayaan afkaarta ay warbaahinta siinayaan shakhsiyaad ama siyaasiyiin ka soo jeedda beelaha dhexe oo dareenkooda ka muujinaya natiijada Serverka iyo arimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaad is odhanaysaa reer Somaliland waxba kama dhexeeyaan, heshiiskii Boorama lagu gaadhay 1993-kiina malaha waa la laalay. Dareenadan caynkan ah oo ay inta badan magaalada Boorama iyo meelo ka tirsan gobolka Awdal ku faafiyaan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka soo jeeda beelaha Makaahiil ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Rayaale ayaan beelaha kale ee gobolkan ku nooli wax jawaab ah ka bixinin ama aanay arimahaasi soo qaadin, kuwaas oo kala ah beelaha Maxamed Case, H/Cafaan oo samarroon ah iyo beesha Ciise. Markaad eegto shabakadaha ama website-yada reer Awdal maamulaan qaarkood waxaad ogaanaysaa is Aamin la’aanta weli ka dhex jirta reer Somaliland gaar ahaana reer Boorama aanay u aamnisanayn beelaha dhexe, doorashadoodii Rayaale ay doorteen Madaxweynuhuna ahayd mid ay ku khasbanaayeen maadaama ay isku dhici lahaayeen haddii ay diidaan. Marka laga yimaaddo arrinta serverka iyo dareenka reer Boorama ku diiddanyihiin dhawaaqa beelaha dhexe ku doonayaan in dib loogu noqdo Serverka ayaa dareenkaasi mid la mid ah oo ka dhashay iska horimaadkii maleeshiyo beeleedyada waqooyiga Gebilay iyo Bariga Baki ka dhacyey sii xoojiyey dhawaaqa durbaan kale oo reer Awdal qaarkood ku doonayaan inaanay dalkan doorasho ka dhicin, iyagoo u haysta ama aaminsan in haddii Rayaale kursiga laga riiixo, kurisigana uu si xaq ah ama xaqdaro kula wareego madaxweyne ka soo jeeda beelaha dhexe ay noqon doonto guuldaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in la iska celiyo cidkastoo kursiga Rayaale ku soo duusha ama soo hungureysa. Dhinaca kale markaad eegto dareenka caynkan ah ayaa laga yaabaa inuu reer khasaare uga soo jiido qaybo ka tirsan beelaha dhexe ee weligoodba taageerada siin jiray xukuumadda Rayaale, kuwaas oo u qaadan kara inaan reer Awdal abaal ugu haynin doorashadii ay Rayaale u doorteen kursiga maanta, taasina ay keeni karto inay beelaha dhexe dhinac iskugu baydhaan. Waxyaalaha inta badan lagu baahiyo websiteyada reer Awdal ayaa waxay usoo cuskadaan xisbiga Kulmiye, iyagoo u haysta in xisbiga Kulmiye uu taageero ka helo guud ahaanba beelaha dhexe, taasina ay keentay in xitaa masuulyiin ka tirsan xisbiga UCID oo u dhashay gobolka Awdal ama Boorama cambaareeyaan siyaasi ka tirsan Kulmiye oo aragtidiisa cabbiray Serverka kana dhigeen in hadalka siyaasigaasi Kulmiye ay beelaha dhexe ka mideysan yihiin si loo yareeyo tirade Awdalna loo casilay Ismaaciil Muuse. Si kastaba ha ahaatee afkaarta reer Boorama ee ku dhisan abuuritaanka cadaawad kale oo la kala dhex dhigo reer Awdal iyo beelaha dhexe ee Somaliland waa mid guuldaro usoo jiidaysa taageerada haybta iyo gobolaysiga ku dhisan ee reer Boorama, mana muuqato ilaa imika cid dareenkan khasaaraha u keenaya xukuumadda ay hoggaamiyaan ka wacyigelisa, maadaama guddoomiyihii gobolkan ee arimahan u qaabilsanaa uu debedda ugu maqan yahay sababo caafimaad, kuwa dalka lagaga tegey ee reer Boorama kaga jira golayaashana aad mooddo inay badi dabada ka riixayaan ama u riyaaqsan yihiin dareenada cadaawadda ku dhisan ee beryahan Boorama ka jira, maadaama waxayaalaha ay ku hadlayaan ee ku saabsan dagaalada woqooyiga Gebilay iyo Bariga iyo tan diiwaangelintuba aanay dalkan maslaxad usoo jiidayn. Lughaya: Amar Uu Bixiyey Wasiirka Maaliyadda Oo Sababay Iska Horimaad Dhexmaray Ciidamada Qaranka Iyo Dadweyne Gadoodsan Lughaya, March 13, 2009 (Haatuf) - Wararka ka imanaya degmada Lughaya ayaa waxay sheegayaan in maalintii Salaasadii iska horimaad ku dhexmaray dadweyne gadoodsan oo ka tirsan deegaanka iyo ciidamada qaranka iyo bileyska ee magaalada Lughaya. Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu sabab u ahaa Amar uu bixiyey wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil), kaas oo ku saabsanaa in foostada shidaalka ee ka soo degta degmada Lughaya lagu cashuuro $45 foostadiiba, iyadoo hore-na la isku oggaa in $5 lagu cashuuro foostadii-ba, taasina ay keentay in xadigga intaas le’eg ee lacagta ah inay bixiyaan ay ka biyo diidaan ganacsatadii iyo dadweynaha deegaanka ahi. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh wararka xog-ogaalka ah ee laga helayo degmada Lughaya, ayaa sheegay in Ganacsatada shixnadan shidaalka ahi uga soo degaysay Lughaya ay ka war heleen in ciidamadu halkaas ugu sii diyaar garoobeen ka dibna maleeshiyo beeleedka iyo ciidamadu ay tacshiirado rasaas ah halkaas isku waydaarsadeen. Iska hor imaadkan ayaa ilaa salaasadii iyo Arbacadii galinkii hore socday, kaas oo aakhirkii sababay in maleeshiyo beeleedkii gacanta ku dhigaan saldhigii bileyska ee Lughaya, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo iska horimaadkan ka dhashay. Wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale iyo Agaasimaha guud ee maalliyada Axmed Daa’uud ayaa amaro kala duwan oo ku saabsan cashuurta shidaalka soo kala saarayay, iyadoo wasiirkuna leeyahay foostada shidaalka ah waa in lagu cashuuraa $45, hore-na la isugu ogaa in $5 lagu cashuuro foostadii-ba halka agaasimaha guudna soo saaray amar odhanaya waa kootarabaan shidaalka ka soo dega Lughaya ee hala qabto, labadan amar ee is khilaafsan ayaa beryahanba iska soo daba baxayey, taas oo keentay in ciidamada qaranka iyo bileyska ay iskaga horyimaadaan ganacsatada iyo dadka deegaanka. Arrintan ayaa wararku waxay intaas ku darayaan inay shir degdeg ah isugu yimaadeen tuulada Gargaara cuqaasha iyo odayaasha beesha Bahabar Muuse oo ka tirsan deegaanka Lughaya, iyagoo halkaa kaga tashanaya arrintan oo ay u arkaan inay tahay mid xaasaasiyad leh isla markaana ku soo noqnoqonaysa baryahanba deegaanka waxa ay ka yeelayaan, shirkaas oo ilaa iyo imika socda. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka dawladda iyo dadka degaanka ee shirku halkaas uga socdo. Shirkii Burco Ee Beelaha Galbeedka Iyo Bariga Oo Soo Gebogaboobay Iyo Qoddobada Laga Soo Saaray Burco, March 13, 2009 (Haatuf) - Shirkii beelaha galabeedka iyo bariga Burco uga soconayay magalada Burco ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyey halkaasi, iyadoo laga soo saaray gebagabadii shirkaasi qoddobo ku saabsan sidii ay nabadgelyada gobolkaasi iskaga kaashan lahaayeen iyo sidii ay wax iskaga ogaan lahaayeen xaaadda siyaasadeed ee uu dalku wakhtigan ku jiro iyo qodobo kale oo da u ah maslaxada labada beelood iyo guud ahaanba dalka Somaliland. Shirkan muddada u socday beelahaasi ayaa gebogabadii shirkaas waxaa laga soo saaray warmurtiyeed waxyaabahii ay labada dhinac ka wada hadlayeen, waxana shirkaas soo xidhay saladiinta oo halkaasi ka jeediyey kelmado guubaabo iyo mahadnaq ah oo ay u mahadnaqayaan xubnihii shirka wadey waxaana ay saladiintu qalinka ku duugeen qodabada shirkaas laga soo saaray. war
murtiyeedkii ama warsaxaafadeedkii laga soo saaray shirka magaalada
Burco uga socday beelaha Galbeedka iyo Bariga ayaa waxa uu u qornaa
sidan:- Maanta oo taariikhdu tahay 11/03/09 waxa shir balaadhan oo ka dhacay magaala- madaxda Gobolka Togdheer ee Burco isugu yimi beelaha Habar-Yoonis iyo Beelaha Habarjeclo oo ay hogaaminayaan Salaadiinta, Boqorada labada beelood, shirka oo ay ka soo qaybgaleen 200 oo ergo oo isug jira Cuqaal, Siyaasiyiin aqoonyahano, culimo-udiin iyo waxgaradka bulshada, shirkaas oo soconayay muddo labo maalmood ah, waxa lagaga wada arinsaday arimaha nabadgelyada iyo duruufaha siyaasadeed ee cakiran, shirkaas oo ay gogashiisa fidiyeen beelaha Habarjeclo. Ujeedada Shirka · Shirkan oo ujeedadiisu ahayd adkaynta nabadgelyada gobolka iyo kor u qaadida amaanka guud ee Somaliland. · badbaadada jiritaanka qaranimada Somaliland iyo xal u helida arimaha siyaasadeed ee taagan. · Xoojinta wax wada qabsiga labada beelood, xidhiidhinta iyo iskaashiga beelaha kale ee Somaliland. Go’aamada shirka Falanqayn iyo dood dheer kadib waxaa ergooyinka shirkani si buuxda isula qaateen go’aamadan soo socda:- 1. In labada beelood u wada noolaadaan si nabadgelyo iyo walaalnimo ah lana xaliyo arimaha taagan ee xasiloonida waxyeelikara, sida falkii Riyo-xidho ka dhacay. 2. In la-dhiirigeliyo wax wadaqabsiga bulshada iyo horumarinta adeegyada guud ee degaanada labada beelood. 3. Waxay labada beelood u arkaan natiijadii diwaangelinta codbixiyayaasha ee ay soo saareen Komishanka in si xun loo maamulay oo aan layla ogayn iyadoo ujeedo gaar ah laga leeyahay sidaa darted waxay isla garteen inaan la aqbalikarin hadii aan lasixin. 4. Waxay aragti-midaysan ka yeesheen labada beelood arimaha Siyaasada ee taagan :- A) In doorashadii madaxtooyada wadanka laga qabto wakhtigii loo mudeeyay ee ahaa 29 march. B) Waxay labada beelood u arkaan dib u dhigista doorashada ee soo noqnoqtay mid lagu majara-habaabinayo umada dalkana lagaga abuurayo khalkhal siyaasadeed siaa darteedna waxay kasoo horjeedaan wax mudo kordhin ah. C) Hadii doorashadu ku qabsoomiwaydo inta kahoraysa 6th April, oo ah wakhtigii sharciga ahaa ee hore laysula qaatay waxay labada beelood soo jeedinayaan in Golayaasha sharcidejintu go’aan ka gaadhaan hogaaminta dalka iyo ciddii doorashada gaadhsiinlahayd, waxaanay labada beelood ugu baaqayaan beelaha kale ee Somaliland inay mawqif midaysan kayeeshaan. 5. Waxay labada beelood si wada jir-ah u magacaabeen gudi kashaqaysa danaha labda beelood, hirgelisana go’aamada shirka lagu gaadhay gudiga oo ka kooban 18 xubnood. 6. Gebagebadii shirka Sulaadiinta iyo ergada shirku waxay baaq nabadeed u direen degaanada shiqaaqadu dhexmartay ee ceelbardaale, Galgal iyo cagaarane waxaanay ilaahay u waydiinayaan in uu beerkooda burcad isu mariyo. Magacyada Gudiga 1. Maxamuud Aadan Dheri 1. Cabdi Xuseen Dheere 2. Jaamac ganafcade 2. Cali Madoobe 3. Axmed Soodaani. 3. Yuusuf Boodh-isleged 4. Nuur Faarax Xirsi 4. Dr Aadan Mirre 5. Maxamed Shukri. 5. Eng. Cali Siciid Raygal 6. Cali Ducaale 6. Yaasin Maxed Cabdi 7. Maxud Sandheere. 7. Cabdi Farjar 8. Maxud Cali Jaakuli. 8. Caaqil Xasan X. Cabdi 9. Cabdi Cali Dhaq. 9 Nuux Cismaan (N.Dheere) Magacyada Sulaadiinta iyo Boqorada 1.Suldaan Cismaan Suldaan Cali 1. Suldaan Cabdilaahi Sul Cali 2.Suldaan Xasan Barre 2. Suldaan Maxud Guuleed 3. Suldaan C/raxmaan Qodax 4. Boqor Maxud Cali Carab 5. Suldaan Carab Cabdi Cali Daraasad Cilmi Baadhiseed Oo Ku Saabsan Raad Reebka Taariikhda Somaliland 1960-2009 Axmed Ciise Jaamac, Q:4aad 21. sinadii iyo fawaaxishki dinta aan la ogolayn= Sino iyo saaxiib isa jaqaya oo fasaxa 22. qaabka abuurista eebe ku siiyey= midab bedelis iyo is qorqorid 23. hugii iyo socodkii eebe kuu sameeyey= dumar oo dharka rag qaata (lama kala laha) 24. dumarka iyo danihii guriga loogu talo galay= way kula siman yihiin shaqo xafiis iyo hawl kastaba. 25. talintii ragga la siiyey= way talin karaan dumarku ilaa heer madaxweyne. 26. gudniinkii haweenka= sunne iyo inay furnaato inantu iyago diinta kuugu soo dhuumanaya 27. cuduradii quraanka iyo sunnaha lagu daweyn jirey= kimikalis wada sun ah oo jidhka qofka ka galinaya iga talaalo caruur lagu tirtirayo. 28. qasaa’idkii alle iyo nabi lagu amaan jirey= heeso iyo ciyaar jaas 29. horumarinta nolosha aduun iyo khayraadka= lama ogola inaad sanco, warshado iyo khayraad soo saart. 30.xoolihii iyo qaniimadii alle ku siiyey inaad ku noolato cid kasta kaga maarmaysay= in dawooyin laga sumeeyo oo la tirtiro iyaga iyo daagood si waxa ay farsameeyaan u isticmaasho oo baahani u noqoto. 31. shuruudaha ansaxasalaada iyo burintooda= waxa buraya u sameeyaan hugii iyo dhabarkii wax kasta oo xun oo qoraal ahi ay ku soo qoraan si qof tu kanaya u akhriyo o salaadu uga burto. 32.go’goshii lagu tukaneyey= ku so daabacaan calaamada kiristaan si ay salaadood wax ugu dhinto 33. kabihii aad ku soconaysid= ku soo qoraan maga ilaah ama ka nabiga 34saabuuntii jidhka lagu maydhayey iyo dharka= xaydhii doofaarka eyda yo wax la mid ah oo aad ka sameeyaa si ad isu mariso 35.hilibkiiama kalluunkiiqasaacadaha= hilib doofaar kusooridaan 36. xanta beenti jaajuuska, xaasid= oo ay sameeyeen basaasiin sida CIA,KGB,sirdon IWM. 37. Khayraadada dhulka hoostiisa ku jira= markii ay toodii laasteyn inay marbadal kale ku duulaan si ay dhaqaale uga helaan. 38. maamulkii guud ee rabaniga ahaa ee aduunka= waxay u sameystaan jimciyada quruumaha aduunka, si dan kasta ee ay leeyihiin uga fushadaan wixii ay diidayaana ay codka diidmada leeyihiin 39 hooyadii ilmaha nuujin jirtay= waxay sameeyeen rabasho Ilmuhu caanaha ku nuugo, si . ee korn jirtay ee ilmaha u roonayd = aan hoooyo u jaqin iyo naxariista waalidno beeri jirtay= masaasado si aan xanuunoo loo helin 40.doorashadii madaxtinimo ee islaamkuiska dhex dooran jirtay cida Hagaysa.-------- iyagaa khasab kuug dooraya mid danahooda iyo dhaqaalahooda u fulin kara, haddii kale mid ay kusoo duulaan ayey ka dhigayaan. Haddaba, markaad isu eegto, isbarbardhigan arrimaha diinigaah ee aad u fiirsato sida ay arrin kasta mid ku lidi ah u sameeyeen gaaladu, waxaad si dhab garwaaqsanaysaa in diinta islaamka lagula jira. halgan iyo dagaal joogto aho ku salaysan (a)tirtirad iyo suulin diimeed (B) jacayl alle iyo nabi lagaa masaxo. (c)raxmadii iyo naxariistii eebe oo lagan fogeeyo (D) dhaqalaha iyo kayraadkaaga oo ay gurtaan (E) xadaaradii iyo dhaqankii oo ay kaa lumiyaan (F) talada iyo maamulkii islaamnimo oo ay kala wareegaan (g) Diintii kiristaanka iyo waxqabadkooda oo ay la jeclaysanayn h) Cibaadadii alle o ay ka suuiyaan ajarkoodii akhiro I) marna inaad ka maarmin gaalo la’aantood Gaaladu iyagoo diinta islaamka intaas iyo ina ka badan oo hagan iyo dagaal ah kula jira ayey hadana arkaan oo u muuqatay in aanay sidaas ku liicin Karin ama aanay burburin Karin faca’ilkoodan xun xun ayey hindiseen inay samaystaan nooc kasta o hub waxgumaada ah si ay dawladii islaamka ah ee madaxa lasoo baxda eeaydhaqaale, horumar, iyo dhaqan diimeed oo wanaagsan ku arkaan ay ku liciifiyaan oo ku gumaadan bulshada islaamka ah ay u sameystaan iyo naf iyo maal iyo diinbaku baabi’iyaana sidadalalka (1) ciraaq 2. Afgaanistaan, 3. Somalia 4. Eritrea iyo Suudaan o dagalakoodii ay ku jireen oo qorshaystay taas oo ay maalin walbamaisbadheedhahiyo hanjabaadu aan kla go’ lahayn ku wadaan, sida maxakamad baa xukuntay oo in lasoo qabtaa IWM. Waxaasi aan dhaqaalaha ay abuurtaan iyo horumarkaas ay samaystaan in laga kala tuuro oo hoos dib loogu celiyo, si aanay u noqonin quwad weyn oo u dheelitiran o la gorgormi karta mustaqbalka dhaw. La soco…………. " Haddii la faro inay golayaasha oo fadhiya, ama dadweyne isku soo baxay oo aan wax dhibaato ah gaysan, rasaas mariyaan, amarkaasi xaq ma yahay, mise waa baadil?”. Ruux muwaadinka ah ee si xeerka waafaqsan u timaama Madaxweynha ama Wasiir khaldan iyo gef uu sameeyay, sarkaalka ama garsooraha soo xidhaa, isaga oo Madaxweyne ama Wasiir soo amaray waa in uu ogaadaa in uu burburkii dalka qaybtii ugu wayneyd dusha u ritay. Haddii Taliyaashiina ama Wasiir idiin la yimaaddo amar aan xeerka iyo Distuurku waafaqasanyn, oo ku salysan damac, siyaasad ama dano gaar ahaaneed, waxaa xaq u leedihiin inaydun si asluub iyo anshax leh ugu sheegtaan inaan arrintaaso dan ahayn. Haddii uu idinku diido ha noqonina marnaba kuwii dulmiga u adeegga ee xaqqa ka baqda. Ninka Ciidnaka ihi siyaasadda waxa qudha ee uu xaqa u leeyahay waa codkiisa oo doorashada ninka uu doonayo ugu deeqo. Waxaad ku badbaadi kartaan waa idinkoo xeerkii iyo diturrkii dalka ku mintida oo dhagaha ka furaysta loollanka iyo hirdanka siyaasiga ah. Inta uu dablaha, sarkaal xigeenka iyo sarkaalku ka yaqaan xeerarka, shuruucda iyo Distuurka dalka, ayuun buu ku dhiiranaan karaa siduu ka yeelayo arrinka la soo dersa. Sidaa awgeed, waxaan idinku baraarujinayaa inaa ku dadaashaan xeerka iyo Distuurka. 90 Sarkaal oo ka soo qalin jabiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Ethiopia, ee ilaa maanta loo diiddan yahay inay hawl galaan, waa inaa gacan siisaan wixii ay xaq u leeyihiin. Ma aqoontooda ayan loo baahnayn?. Ma markii horaa khalad loo diray? Ma qaar ka mid ah ayaa maamulku wax kale ka dhex arkay? Mise in Ciidanka tayo ku soo kordho ayaa la diidan yahay? Waxaan maanta hadalka ku soo koobayaa oo kula dardaarmayaa CiidamadaSomaliland, qayb ay yihiinba:
Waxaan Illaahay ka baryayaa inaad noqotaan Ciidankii ummaddoodu ku faanto ee aydan noqon kuwi laga faano ee dadkooda laga horkeeno. Waa inoo maqaalka dambe, haddi Alle ka dhigo Suleiman Omar Kujoog London/UK Badbaadada Dadka Iyo Bakhtiinta Dabka Waxa diyaariyay: Axmed Maxamed Xasan (Sawaxili) oo ka mid ah tababareyaasha kooxda dab-demiska Abu Dhabi ee dalka imaaraadka carabta Q: 2aad Qormadan waxaa inoo soo diyaariyay Axmed Maxamed Xassan (Sawaxili), oo khabiir ku ah badbaadada iyo bakhtiinta dabka, isla markaana ka mid ah tababarayaasha kooxda dab-damiska ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu kaga warami doonaa sida looga badbaadi karo dabka gubba naf iyo moodba, isla markaana sida ugu haboon ee haddii uu dab dhaco loo bakhtiin lahaa ama inta aanu dhicinba looga hortegi lahaa ee badbaado looga samaysan lahaa. Haddaba iyadoo aynu ogsoonnahay in dalkeenu aanu lahayn dab-damis iyo qalab lagaga hortago dabka, isla markaana aanay dawladda Somaliland u samayn magaalooyinka dalka gaadiidkii iyo qalabkii la bakhtiin lahaa dab haddii u dhaco iyo wacyi-gelin dadka lagaga wacyi-gelinayo qaabka looga badbaadin karo dadka iyo duunyadaba dabku marka uu dhaco iyo bakhtiintiisaba, taas oo ay laba maalmood ka hor uun ugu yaraan shan guri oo ay deganaayeen qoysas dan-yar ahi ku shufbeeleen kadib markii dab-qabsaday, lana waayey dab-damis markiiba bakhtiiya holacii dabkaasi kiciyey, waxaanu dabkaasi galaaftay shan guri iyo agabkii dhexyaalayba. Sidaas darteed waxa aynu qormadan kaga faa’iidaysan doonaan aqoonta iyo khibradda Axmed Sawaaxili oo halkan kaga warami doona noocyada kala duwan ee dabka, la-dagaalankiisa, ka hortegidiisa iyo waxyaabaha dhaliya dabka, iwm. Haddaba inagoo waxyaabaha sababa dabka hore ugu soo qaadanay qormooyin hore ugu baxay wargeyska Haatuf, waxaynu qormada maanta ku soo qaadan doonaa sida uu Faynuuska la shitaa dab u horseedi karo iyo sida looga foojigan karo dab ka dhasha Faynuusyadeena aynu habeenkii shidano. Waxaa dalkeena aad looga isticmaalaa Faynuuska hase yeeshee waxtarkiisa mooyee aan la ogeyn dhibaatadiisa iyo sida hawsha yar ee uu guriga, hantida iyo dadkaba u dhaawici karo dabna u horseedi karo. Haddaba haddii loo fiirsado Faynuuska habka iyo hannaanka uu u sameysan yahay waa hab isku dheeli tiran sida uu u shidmaayo, waxaana dubaalada lagu geedaamay quraaradda loo yaqaano ‘SHIGNI’, Faynuuska halka laga dalaco amaseba laga naaquso waxaa lagu hareereeyey daldaloolo yaryar oo qiyaaseysan oo loogu tala galay inay dubaaladu hawada ka hesho, Faynuuska halkiisa korena waxaa loo sameeyey daldaloolo kuwa hoose ka waaweyn oo qiiqa iyo kulkuba ka baxaan. Haddaba daldalooladaasi waxay u shaqeeyaan habka afka qalaad loogu yaqaano ‘DRAFT” oo hadduu midkood hawshiisa gabo aanu Faynuuskaasi sidii loo rabay aanu u shaqaynaynin amaseba uu demo waa haddii aanu wax dhibaato ah geysanin. Waxaa kaloo jirta faynuusku waxa u leeyahay meel saliidda lagaga shubo oo dabool leh, looguna tala galey inuu daboolkaasi si fiican u xidhnaado marka u faynuusku siraadan yahay lana hubsadaa inuu daboolkaas xidhmadiisu wada dhantahay. Haddaba bal aynu isweydiinee sidee ayuu Faynuusku u horseedi karaa inuu dab kiciyo? Jawaabtu waxa weeye khalad uu dadku sameeyo oo aanu u isticmaalin faynuuska habkii loogu tala galey, dhayalsadana u dhameystirka hab wanaaga u faynuusku ku shaqeyn lahaa. Waxaa aynu had iyo goorba maqalnaa faynuus ayaa qarxay oo dad amaseba guryo gubay, waxaan haddaba aan caddeynayaa inaanu faynuusku qarxin, dadka amaseba guryaha aanu ku gubin wax la yidhaahdo qarax ee faynuusku waxa uu dad ku dilaa amaseba uu guryo ku gubaa sidan soo socota: Markaynu soo garanay habka faynuusku u sameysan yahay ayaa waxaa dhacda in hab u shaqeyntiisii dadku wax ka bedelaan sida: 1. In faynuuska la shitto isagoo shignigiisu u dilaacsan yahay amaseba u jabanyahay. 2. In faynuuska oo shidan saliidda lagu shubo. 3. In faynuuska loo safeynin loona bannaynin godadka sare iyo kuwa hoose, mararka qaarkoodna godadka qaarkood iska awdan yihiin. 4. Faynuuska oo la ruxruxo isagoo siraadan si loo hubsado inuu saliidi ay ku jirto. 5. Faynuuska oo si kedis ah ku dhaca, sababtoo ah iyadoon la dhigin meelo ka weecsan cagta. 6. Faynuuska oo la dhigo meelo aan ku habooneyn sida daahyada hoostooda amaseba meel kulkiisu ka gaadhi karo inuu wax gubo sida sariiraha, kuraasta i.w.m. 7. Faynuuska oo la dhigo meel dabeyl badani ay ka dhacayso. Hadaba waxyaabahaas aynu soo sheegnay waxay wax ka bedelaan hab-samaantii loogu tala galey inuu faynuusku u shaqeeyo, haddaynu tusaale u soo qaadano: Haddii aynu soo qaadano qodobada 1, 2, 5, iyo 7 dhammaantood waxay khalkhal gelinayaan qiyaastii hawada ahayd ee uu faynuusku u baahnaa inuu ku shaqeeyo, waxaana Faynuuska soo gelaaya hawo aanu u baahnayn oo aanu xamili amaseba qaadan karin, markaas waxay Faynuuska ku kalifaysaa inuu olol dheeraad ah sii daayo oo uu gubto, isagoo sii gubaaya wax alaaliyo wuxuu ololkaasi gaadho dad iyo duunyoba, ammase Faynuuskaasi si kedis ah ayuu ku bakhtiyeyaa. Haddiise aynu soo qaadano qodobada 3, 4, 6, iyaguna waxay kharibayaan hab sameedkii dubaaladu ku nuugaysay saliidda, waxaana dubaalada u imanaya saliid aanay xaddigeeda qaadi karin dubaaladu, markaas waxaa sameysmaaya olol kedis ah oo riixmo saliideed watta oo ololiya Faynuuska oo dhan dabkiisuna booddo kedis ah ku qabsada wax alaaliyo wuxuu ololkiisu gaadhi karo dad iyo hanti midkuu doono ha noqdo’e. Si looga samata baxo dhibaatada ay la yimaadaan Faynuusyada la shitto mar haddii isticmaalkoodu uu ku badan yahay dalka, waxaa loo baahan yahay in had iyo goor laga war hayo Faynuusyadu markay siraadan yihiin lana dhigo meelahay ku haboon yihiin oo aan la dhayalsan dhibaatadooda manaafacaadkooda ka sokow. Ugu dambeyntii waxaanu Axmed su’aalo ka weydiiney wixii tusaale iyo taloba uu dadweynaha uga sheegi karo sidii looga manaafacaadsan lahaa Faynuuska loona yareyn lahaa dhibaatadiisa, waxaanu u dhacey wareysigu sida: Sidee Feynuusyada loogu isticmaali karaa hab nabadeed? Waxaa had iyo goorba haboon Faynuusyada oo keliya maahee in wax walba oo dab ku shaqeeya sidiisaba laga war hayo inta ay shidan yihiin, loona isticmaalo siday ku haboon yihiin, lana raaco amaseba la akhristo warqadaha shaygaas tilmaamaaya siduu ku haboon yahay isticmaalkiisa iyo awooda u leeyahay ee lagu adeegsan karo, waxaanay warqadahaasi tilmaamaan shay walba khatartiisa iyo sida looga hor tago waxyeeladiisa, hase yeeshee inagu umaba naqaanno warqadahaasi inay faa’iido leeyihiin oo waaba la iska tuuraa marka shayga cusub la soo iibsado. Markaas ugu horeynba waxaan ku tala bixin lahaa in shay walba oo la isticmaalaayo oo warqad tusaale ahiba la socoto in aan shaygaas la isticmaalin iyadoo warqadda sharaxeysa sheygaas laga baarandego mooyee. Talooyinka kaleen dadweynaha kula talinaayo dhinaca Faynuuska waxaa ka mid ah: 1. Inaan la istimaalin Faynuus shignigiisu jaban yahay sababtoo ah Faynuuska waxaa u gelaysa hawo ka badan oo awoodiisa ka weyn. 2. Waa inaan Faynuusyada gaasta lagu shubin iyagoo siraadan, sababtoo ah marka Faynuuska lagu shubaayo gaasta isagoo siraadan waxaa sameysmaaya wax afka qalaad loogu yaqaano ‘VACCUM’ oo sababa inuu gaasta sii raaciyo hawo aanu Faynuusku awood u lahayn oo sare u soo riixa saliid fara badan oo hafiya dubaalada, markaas waxaa dhacaysa inuu Faynuusku u bugbugleeyo oo uu demo, ammaseba olol lama filaan ah oo aad u weyn uu sameysmo, kaas oo halis ammaseba gubasho u geysta qofka hawshaas gacanta ku haya, isla markaasna uu gubo wixii uu ololkaasi haleelo, waana sababta guryaha iyo dadkaba Faynuusyadu u gubaan (Waa halka dadweynuhu u yaqaano Faynuus ayaa qarxey), Faynuus ma qarxee ololkaas uun baa sameysma oo wax laaya. 3. Faynuuska waa inaan la qaadin oo aan lala soconin isagoo siraadan amaseba aan la dhigin meel dabeyl badan, waxaana dhaceysa sida qodobkaas hore ee aynu soo sheegnay waxaa dubaaladda u imanaysa hawo dheeraad ah, isla markaasna waa inuu demaa ammaseba bugbugleeya ammaseba olol dheeraad ah oo wax sahayda uu sii daaya Faynuusku. 4. Faynuusyada waa in la dhigaa meelaha cagta ka weecsan gaar ahaan carruurta, waana in laga ilaaliyaa Faynuusku inuu dhaco, sababtoo ah haddii uu dhaco Faynuusku gaastii ayaa ku daadaneysa dubaaladii shidneyd iyo halkii Faynuuskaasi ku dhacayba, markaas waxaa halkaas ka dhalanaaya dab geysta inuu wada gubo guriga oo idil haddii xilligaas la hurdo oo aanay cidi war ka haynin. Talada khabiirku hadalkiisa ku soo xidhay Taladu aad ayey u fara badan tahay laakiinse waxaan iskugu soo ururinaaya mar haddii isticmaalka Faynuusyada aan laga maarmaynin ha noqdaan guryaha korontada leh iyo kuwa aan lahaynba, waa in Faynuusyada loo isticmaalo si taxadir leh iyo siday ku haboon yihiin isticmaalkoodu iyo sidaan horeba ugu soo sharaxay qoraalkaygan. Faynuusyada isticmaalkoodu wax khatar ahi kuma jiraan oo adduunyada oo idil way isticmaalaan, hase yeeshee habka isticmaalkiisa kama tagaan oo ma dhayalsadaan sidaynu inagu uga war hayninba inuu Faynuusku yahay shay munaafacaad leh, isla markaasna khatar leh oo dab horseedi kara oo baabi’iya dadka iyo hantidoodaba, haddii sida ku haboon loo isticmaali waayo. Madaxweyne Rayaale Oo Shirar Kula Yeeshay London Qaar Ka Mid Ah Qurba Jooga Reer Somaliland Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo hadda ku sugan cariga Ingiriiska ayaa la sheegay inuu maalmahii tegay ku mushquulsanaa shirar uu la yeeshay qaar ka mid ah qurba jooga reer Somaliland, gaar ahaan shirarka uu madaxweyne Rayaale la yeelanayey qurba jooga ayaa lagu soo waramay inuu ahaa kuwo beelaysan iyo qaar uu xisbigiisa la yeeshay, balse waxa ay wararku sheegayaan inaanu madaxweyne Rayaale si guud ula kulmin jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Britain oo wada jira. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca weftiga Madaxweynaha iyo xukuumadda toona, oo sheegaya waxyaabahii ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ay ka wada hadleen xukuumadda Britain, hase yeeshee sida ay tibaaxeen ilo xog ogaal ah oo ka ag dhaw weftiga Madaxweynaha waxa ay sheegeen inuu madaxweynuhu uu kulamo la yeeshay qurba jooga beeshiisa iyo qaar ka mid ah beelaha uu ka filayo inuu taageero ka heli karo marka la gaadho xilliga doorashada, kuwaas oo sida la sheegay uu madaxweyne Rayaale kala hadlayey siddii ay ugu taageeri lahaayeen sidii uu mar kale kursiga ugu soo noqon lahaa, maadaama ay qurba joogu samayn weyn ku leeyihiin dadka gudaha dalka ku sugan. |