Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2078 June 29, 2009                  Rajab 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xukuumada Somaliland Oo Bulshada Caalamka Ugu Baaqday In Looga Soo Gurmado Abaar Ba’an Oo Dalka Ku Habsatay

Hargeysa, June 29, 2009 (Haatuf)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr:Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ha’adaha caalamka ugu baaqay inay hal milyan iyo afar boqol oo kun oo qof oo ay ku habsadeen abaaro soo noq-noqday ay raashin iyo gurmad bini’aadanimo la soo gaadhaan.

Madaxweyne ku xigeenka isla markaana ah guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha ayaa intaas ku daray in sagaal cisho oo Alle barri ah laga dhigo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, haddii uu roob intaas ku di’I waayana saddex cisho la soomo. .

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay gudidaasi ku qabteen Xarunta Hay’ada ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland, waxaana shirkaa Jaraa’id goob-joog ka ahaa Wasiirrada Diinta Iyo Aw qaafta, qorsheynta, Beeraha, caafimaadka, macdanta iyo biyaha, wasiirul dawlaha arrimaha gudaha, wasiirul dawlaha xanaanada xoolaha, ku simaha duqa caasimada, maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa iyo mas’uuliyiin kale.

Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu arrintaas ka hadlayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Wadankeena waxa soo waajahay abaaro, gu’gii iyo deyrtiiba way yaraadeen taasi oo keentay biyo la’aan, baad la’aan iyo nafaqo darro wadanka oo dhan soo waajahday, dadka Somaliland waxa lagu qiyaasaa saddex milyan iyo badh, ilaa hal milyan iyo 400 oo kun inay u baahan yihiin quudin. Abaartaasina dalka oo dhan way saamaysay oo waxa loo bixiyey sima. ”

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu intaas ku daray, “Waxaan halkan ka jeedinaynaa laba baaq, baqe hore waa ka aanu Ilaahay beryayno kaasi ayaana muhiimsan, barri oo ah 29-ka bisha June ilaa 7-da bisha July, waxaanu go’aaminay maadaama oo aan guddidii abaaraha u ahay madax, kuwaasi oo beryahan oo dhan soo shirayeen, Hay’adihiina ay la soo shireen.

29-ka bishan June ilaa 7-da July waxa la bilaabaya qunuudii, ducadii masaajidada laga waday iyo istiqfaartii oo toobad keen lala yimaado, waligeed may dhicin bilaha Abril, May iyo June inaanu roob ka da’in magaalada Hargeysa, marka la gaadho 7-da bisha July ee fooda inagu soo haysa. Haddii roobku di’waayo waxa la soomi doonaa saddex cisho dalka oo dhan, saddexdaas maalmood ka dib waxa la tukan doonaa Salaadii ciroole iyo carruurba gobol waliba meelaha fagaaraha ah ay ku tukan doonaan. ”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay gurmad degdeg ah la soo gaadhaan shacbiga abaaruhu saameeyeen, waxaanu yidhi “Adduunka waxaanu ugu baaqaynaa inay shacbiga Somaliland la soo gaadheen raashin, maadaama oo ay saddex sanadood oo isku xigay roobabku ay soo yaraanayeen oo ay xoolihiina sii yaraanayaan, baadkiina uu sii yaraanayo oo aan la sii sugin. Waa inay gurmadkaasi la soo gaadhaan aanu ku qiyaasnay 40%. ”

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inay gobolada qaarkood ka bilaabeen cunto qaybin ay raashin ku gaadhsiinayaan dadka abaaruhu haleeleen.

“Waxa beryahan dambe ina haysatay mushkilad ka taagan biyaha magaalada Hargeysa, oo ah mid taagan. Markaa waxaan u saaray guddi ka kooban maayarka caasimada, wasiirka macdanta iyo biyaha, wasiirka daakhiliga, wasiirka qorsheynta iyo wasiirka caafimaadka, bal afartaas wasaaradood inay arrintaas u gondo degeen, biyahan magaaladu waa kuwii la geliyey 1972-kii oo markaas waxa deganaa Hargeysa konton kun oo qof, maanta Hargeysa waxa ku nool hal malyan oo qof.

Haddana bal inta yar ee la helo in si cadaalad loo qaybiyo, si aan maamulka wakaalada loo dhan waxay sameeyeen cadaalada darro, isla markaana guddiyo baadhiseed loo sameeyo biyaha qaybinta iyo kaalmaha biyaha ee dadweynaha, ” ayuu yidhi Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, intaas ka dib waxa la weydiiyay su’aalahan:-

S: Doorashadan fooda inagu soo haysa siddee ayay u saamaynaysaa abaartan ba’ani?

J: Dabcan, xaaladaha abaaraha Ilaahay inagu sii wadi maayee, dastuurku wuxuu odhanayaa abaaraha simani waa kuwa doorashada dib u dhigi kara, laakiin, waxaan Ilaahay ka baryayaa inaanu intaas inagu gaadhsiin, oo uu raxmaadkiisa uu inoo shubo.

S: Maxaad dadka xoolo dhaqatada ah ee ay abaarahani saamaynta ugu weyn ku yeesheen u qabanaysaan ka xukuumada ahaan?

J: Quudintii imikaba way socotaa oo gobollada barri ayaana ka bilownay, kolley aafo ayaa ina haysata, waxaan filayaa haddii aan la iska kaashan oo aan laga hortagin, waxaan filayaa in Somaliland laga waayi doono xoolaba, waayo waxaynu baabiinay deegaankeenii.