|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2078 | June 29, 2009 Rajab 6,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Muwaadinka Reer Somaliland Ee 18-Ka Dal Gaadhiga Ku Soo Maray Oo Xukuumadda Rayaale Ku Dhaliilay Qaabilaad La’aan Uu Kala Kulmay “Kalluunka Waxa Birta Shabaga Loo Raaciyaa Hilib Si Loogu Soo Dabo, Markaa Aniga Shahaadadan Aad I Siinaysaan…. ” Mr Maqtal Hargeysa
June 29, 2009 (Haatuf) –Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf
Yaasiin, ayaa shalay shahaado sharaf qaran gudoonsiiyay muwaadin Maxamed
Muuse Yuusuf (Makhtal), oo 18 dal ku soo maray gaadhi, isla markaana
wadamadaasi ka dalbanayay inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland.
Muwaadinkaasi waxa uu shahaadada Madaxweyne Ku Xigeenka kaga guddoomay
xarunta Guddida abaaraha Qaranka, oo ay shalay xafiiskooda ka soo saaray
baaq qaylo dhaan abaareed ah. Mr. Maxamed
Muuse Makhtal wuxuu tilmaamay in Huteelka Ambassador oo uu Maayarka
caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, dejiyay loo haysto lacagtii,
waxaanu yidhi Huteelka Ambassador oo uu Maayar Jiciir I dejiyayna waxa
la iigu haystaa lacagtii, ” muwaadinkaasi oo Madaxweyne Ku xigeenka u
duur xulayay wuxuu yidhi “Kalluunka waxa birta shabaga loo raaciyaa
hilib si loogu soo dabo, markaa Aniga shahaadadan aad i siinaysaan waxay
ka dhigan tahay inaad tustaan ummada inaad wixii aan doonayay aad ii
qabateen. Imikana waxaan rabaa inaan TV-ga Qaranka muuqayga laga sii
dayn. ” Madaxweyne
Ku Xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa jawaab ka bixiyay hadalka ka
soo yeedhay Maxamed Muuse Yuusuf Makhtal, oo uu xukuumada kaga
difaacayay hadaladii lagu dhaliilay, waxaanu yidhi “Ictiraaf doon maanta
Arrimahaaga waa laga sii dayn doonaa TV-ga Qaranka, maanta haddii aan
mar Anigu gacanta soo geliyay wixii kale ha inoo dambeeyaan inaga ayaa
isku hadhi doona. Maxamed Muuse Yuusuf (Makhtal) oo ka soo gudbay wadamo
badan soona kifaaxay tani waa shahaado sharaf aanu gudoon siin doono oo
Madaxweynuhu uu soo gudbiyay, oo aanu ugu talo galnay si qof waliba
qadiyada Somaliland sidiisa oo kale qaybtiisa ka qaato. ” Ugu dambayntii maayarka caasimada Jiciic ayaa sheegay inuu kharashka deynta ah ee mr Maqtal hudheelku ku leeyahay ee loo haysto bixinayo |