Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2078 June 29, 2009                  Rajab 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Gaadiidka Yar-Yar Ee Ku Xidhan Saldhigga Boorama Ma Tahriibayaal Baa Loo Haystaa Mise Arrimo Kale?

Warbixin – Maxamed Cumar Sheekh

Boorama, June 29, 2009 (Haatuf) – Ku dhawaad toddoba gaadhi ayaa ilaa hadda ku xidhan Saldhigga Booliska ee magaalada Boorama, kuwaas oo laba toddobaad ka hor laga soo qabqabtay xeebaha galbeedka Somaliland, kadib markii ay qaadeen tahriibayaal u badan dalka deriska ah ee Itoobiya.

Gaadiidkan oo ah kuwa yaryar ee loo yaqaan Landcuriserada ayaan tan iyo maalintii halkaa lagu xereeyey aan cidi isweydiin ilaa maantana ku xidhan, isla markaana tahriibayaashii u badnaa Itoobiya ee lagu qabtay gaadiidkaasna lagu celiyey dalkoodii, balse waxa meeshii ku hadhay waa gaadiidkii sidday dadkaa tahriibayaasha oo loo haysto dembiyo aan weli caddayn oo ka baxsan qaadista Tahriibayaasha, maadaama wakhtiga gaadiidkaasi laga soo qabqabtay xeebaha Galbeedku uu ahaa wakhti muran badan iyo shaki badani ka taagnaa badeecado tuhun badan xambaarsanaa oo ka soo degay sida la sheegeyo xeebaha dhulka ku teedsan Saylac iyo Lughaya.

Wakhtigan xasaasiga ah ee ay ku soo beegmeen gaadiidkaasi ayaa dad badani sheegeyaan sidii loo caddayn lahaa in gaadiidkaasi yaryari aanay ka shaqayn jirin wax ka badan tahriibayaasha lagu soo qabtay iyagoo maraya dhulka lama degaanka ah ee la sheegeyo in gaadiid reer Awdal leeyihiin oo xamuul ahi soo daabauleen badeecado xukuumadda Somaliland weli ka shakisan tahay kuna tuhunsantahay inay isugu jireen hub iyo waxyaalo kale, kuwaasoo haddii ay dhab noqdaan khatar gelin kara Somaliland nabadgelyadeeda.

Inkastoo sida laga soo xigtay darawaliinta gaadiidkaasi sheegeyaan in ciidamada xeebtu kasoo qabqabteen magaalada Caasha Caddo ee degaanka Saylac, balse ciidanka qaranka xeebta ayaa ku adkaysanaya inay gaadiidkaasi kasoo qabqabteen dhul u dhexeeya xeebaha Saylac iyo Lughaya oo aanay cidi marin, sidaa darteedna sababta gaadiidkaa yaryar keentay xeebaha Bullocaddo wax badan tahriibayaal ay qaadeen la iska weydiin doono.

Ciidanka amniga Boorama ayaan iyagu wax tafaasiil ah ka bixin xadhigga dheeraaday ee gaadiidkaasi loogu haysto saldhigga dhexe ee Boorama, waxayna kuu sheegeyaan inay gaadiidkaasi loo haysto tahriibayaal ay qaadeen, oo ay mariyeen dhul aan cidi ka shaqaysan, balse ma caddaynayaan tuhunka ku xeeran gaadiidkan yaryar ee la socday ama ay isku soo beegmeen gaadiidkii waaweynaa ee xamuulka ahaa ee magaalada Saylac loogu xidhay isla arrimahaasi ku saabsanaa badeecadaha muranka badan dhaliyey inay xidhiidh leeyihiin iyo inkalena aanay cidi caddayn karayn .

Haddii ay dhab noqoto doodda ah in gaadiidleydaasi ay nolol maalmeedkooda u qaadeen tahriibayaal ayaa dad badani aaminsan yihiin inay xaq darro tahay in gaadiidkaasi kusii xayirnaadaan saldhiga Booliska, balse waxa muran kale sii abuurmi kara haddii la dareemo in xidhiidh ka dhexdeeyey gaadiidkii xamuulka ahaa iyo kuwan raakaabka ah ee la haysto ay arrimahoodu sii murgi doonaan, waxaana waajib ku ah ciidamada amniga iyo xukuumadda in haddii ay dembi ku helaan si degdeg ah loo horgeeyo maxkamadaha, haddii kalese uu xaalku u ekaanayo oo keliya "ii hay".