Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2078 June 29, 2009                  Rajab 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guurtida Oo Doodo Xasaasiya Ka Yeeshay Nabadgelyada Guud Ee Dalka, Xukuumadana U Soo Jeediyey Inay Fuliso Go’aanada Golaha Ka Soo Baxa

“Xukuumaddu waa inay fuliso go’aanada golaha iyo xukunada maxkamadaha ka soo baxa “Cabdisalaan Maxamed Siciid

Hargeysa, June 29, 2009 (Haatuf) – Golaha Guurtida oo ku guda jira dooda nabadgelyada iyo horumarinteeda ee ajandaha kalfadhiga 38aaad ayaa fadhigodii shalay dood xasaasiya ka yeeshay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, taas oo ay mudanayaashu sababaha amaan darada keena ay gundhig uga dhigeen fulin la’aanta xukumada ka soo baxa golaha Guurtida iyo xukumada ay gaadhaan hay’adaha garsoorku waxaanay mudanayaashii doodahooga ka dhiibtay madasha fadhigu ay si duur xula doodahooga ugu soo gudbinayaan go’aanadii Guurtidu kasoo saartay shaqaaqada ceelbardaale iyo fulintooda haseyeeshee waxay mudanayaashu intooda badan iskaga aragti ahaayeen in ololaha wacyigelin la sameeyo xoojinta amaanka iyo doorashada madaxtooyada ee dalka ku soo fool leh sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd xukuumaduna u fulin lahayd go’aanada golaha guurtida kasoo baxa iyagoo dhinaca kalana soo jeedinayey in dhulka lagu sameeyo kala xadayn rasmiya lana kala saaro beeraha iyo daaqsinta.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo guddoominayey fadhiga shalay oo ay ka muquurteen labadiisa gudoomiye ku xigeen ee kowaad sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure iyo siciid Jaamac Cali oo ah ku xigeenka labaad ee golaha ayaa waxa uu inta badan gudoomiyuhu mudanayaasha ka dhex galayey in dooda nabadgelyada lagu soo qaado arrimaha muranka dhul ee ka dhex aloosan beelaha Somaliland, taas oo ay si dad ban mudanayaasha qaarkood ay u sarbeebayaan go’aanadii laga soo saaray mandaqada ceelbardaale, fulintooda haseyeeshee guddoomiyaha ayaa mawduucaasi ka hadalkiisa oo jawiga golaha ka dhex abuurayey guux iyo xasaasiyada mararka qaarkood mudanayaasha ku soo celinayey in mawduuca dooda nabadgleyada ay ku eekaadaan.

Mudanayaal tiradoodu tahay tobaneeyo oo doodahooga ka dhiibtay xaalada guud ee nabadgelyada dalka iyo horumarinteeda ayaa waxa ugu horeyn doodisa dhiibtay Md:Cabdi salaam Maxamed Siciid oo ku dooday in falalka amaandarada keena ay sabab u yihiin fulin la’aanta go’aanada goluhu ka soo saaro mushkiladaha dhulka “ xoojinta nabadgelyada waxa aasaas u ah in maamulka dawlada la gaadhsiiyo gobolada dalka, waxyaalaha nabadgelyo darada abuurayaana waxa sabab u ah fulin la’aanta go’aanada goluhu kasoo saaro mushkiladaha dhulka iyo xukumada maxkamadaha kasoo baxa een fulin, xukuumada maxkamadaha ka soobaxa”

Md:Caydiid Maxamed Cabdi ayaa isaguna ku dooday in la helo kala xadayn rasmiya lagu sameeyo dhulka beerta ah iyo dhul daaqsimeedka isaga oo intaa ku daray in la sameeyo sharcigii ciidamda amaanku ay iskaga difaaci lahaayeen cida soo weerarta xilliga ay gudanayaan sugida amaanka “ waxaa loo baahan yahay in kala xadayn rasmiya lagu sameeyo dhulka beeralayda ah iyo dhulka daaqsimeedka ah, barigii hore waxa laysku qabsan jiray geela la kala qaado oo fidmadu ka dhici jirtay hadase kuli fidma cinda dhul ayey maraysaa waxaana lagu xalin karaa mushkilada dhulka kala xadayn, waxa magaalada ku soo kordhiyey mushkiladaha ugu dhulka, maalintii shalay xaafada Idaacada 7 qof ayey ku dhawaceen ciidankii amaankuna waxay ku sameeyeen ayey garan waayeen oo talaabo ay qaadaan ayay garan waayeen.

Ta kale ciidamada amaanku markay ku guda jiraan sugida amaanka meelaha ay iska hor imaadyadu ka dhacaan waxa dhacda in ciidanka laftiisa lagu soo weeraro qoryo taas oo ay ciidamaduna ka garan waayeen si ay isku difaacaan oo ay yidhaahdaan amar aanu talaabo kaga qaadno ma haysano, sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa inaynu soo saarno sharci iyo xeer ay ciidamadu naftooda ku difaacaan marka lasoo weeraro, ta kale waxa laynooga baahan yahay in xisbiyada ku tartamaya doorashada aynaan kala raacin oo aynaan xisbi gaara taageerin balse aynu dhexdhexaad u noqono xisbiyada haddii aynu xisbiyada u kala safano wax midaysan oo aynu soo saarnaa jiri maayo”

Md:Maxamed Jaamac Abokor ayaa isaguna ku dooday in wax laga qabto ajanabiga caasimada ku soo jabay wacyigelina laga sameeyo hawlaha doorashooyinka “ waxa loo baahan yahay marxaladan doorashooyinku inagu soo fooleeyihiin inaynu wacyigelin balaadhan ugu baxno gobolada dalka oo aynu bulshada ku baraarujino sidii ay nabadgalyo ugu codayn lahaayeen, komishanka doorashooyinkana waa inaynu la socono hawluhu halka ay u marayaan, ta kale waxaynu u baahanahay in dadka tirada badan ee ajanabiga ee dalka ku soo jabay aynu wax ka qabano inta aanay ina qabsan iskana basrino sidii aynu iskaga xakamayn lahayn dadkan inagu soo jaba dal ahaan”

Md: Yuusuf Cabdilaahi Cawaale ayaa isaguna ku dooday in waxyaalaha nabadgelyo darada keenay ay sabab u yihiin dhulka laysku haysto loona baahan yahay in xal loo helo isagoo intaa ku daray in xiliga doorashada wacyigelin weyn laga sameeyo xoojinta nabadgelyada dalka iyo guud ahaanba wacyiga shacbi waynaha Somaliland ee doorashooyinka.

Md: Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Shaadh ayaa isaguna ku dooday in golaha Guurtidu wacyigelin balaadhan ka sameeyo gobolada iyo degmooyinka dalka iyo warbaahinta dalkaba isagoo intaa ku daray in garaadka bulshada ee dhinaca nabadgelyada iyo doorashooyinkaba si weyn loo xoojiyo.

Md: Nuur Rayaale Khayre ayaa isaguna ku dooday in waxyaalaha amaanka iyo xasiloonida dalka waxyeelaya si weyn looga gaashaanto xilligan doorashooyinku dalka ku soo fooleeyihiin.