|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2078 | June 29, 2009 Rajab 6,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kor-U-Kaca Sarrifka Birta Itoobiya Oo Mar Kale Saameyn Ku Yeeshay Ganacsiga Boorama Boorama, June 29, 2009 (Haatuf) – Magaalada Boorama ayaa shalay si aad loo hadal hayey wax iska beddelay sarrifka lacagaha birta Itoobiya iyo shilinka Somaliland, iyadoo shalay si aad ah looga dareemayey magaalada cabashooyin ka soo baxayey qaar ka mid ah ganacsatada qaadka. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, dhaqdhaqaaqa lacagaha Birta Itoobiya iyo shilinka Somaliland oo in muddo ah aanay wax iska beddelin sarrifkooda ama isku-bedelkooda, 5. 000 ee shillinka Somaliland ah lagu sarrifayey tobanka Bir ee Itoobiya, ayaa shalay la sheegay in sarrifka birta Itoobiya kor u kacay dhinaca lacagaha Somaliland-ta, boqolka birna lagu bedelenayey 53000-54000 oo shilin Somaliland ah, balse dhinaca kale sida ay ku doodayaan qaar ka mid ah ganacsatada qaadka Boorama, boqolka bir ee Itoobiya ah waxa aad ku beddelen kartaa ku dhawaad 58000 shilinka Somaliland ah, taas oo u ekaanaysa in lacagtii birta ahayd ay lexjeclaynayaan sariflayaasha Boorama, halka ay lacagta Somaliland-na hoos u dhigayaan. Dhinaca kale qaar ka mid ah sariflayaasha Boorama oo aan wax ka weydiiyey waxa la sheegeyo ayaa iyagu been ku tilmaamay cabashada qaadwalayaasha. Maamulaha sarriflaha ugu weyn Boorama oo la yidhaahdo Idiris oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dadku waxay jecel yihiin inay wax aan jirin wax ka sameeyaan, annagu waxaanu Boqolka birta Itoobiyaanka ah dadka ku siinnaa 54000 oo shillinka Somaliland ah, marka ay Somaliland-ta haystaan ee ay birta doonayaanna waxay ku siinayaan 56, 000 faraqa u dhexeeyaana waad garan karaysaa, laakiin nin doonaya inuu isagu abuuro wax aan jirin, dee dadkaa ka badan oo arkaya” Si kastaba ha ahaate sarriflayaasha Boorama iyo ganacsatada magaalada ayaa inta badan waxay dhibaatooyin dhaqaale soo gaadhsiiyaan dadweynaha danyarta ah ee kala haysta labada lacagood ee Birta Itoobiya iyo Shillinka Somaliland, mashaakilka dhaqaale ee Boorama inta badan ka dhacaana ay sabab u tahay sida weli reer Boorama birta Itoobiya ugaga kalsoon yihiin lacagta shillinka Somaliland. |