Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2078 June 29, 2009                  Rajab 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Fanaankii weynaa ee  la ilaawey !!  “Faysal Cumar Mushteeg”

Marka aan maqlo magaca Faysal Cumar Mushteeg,waxaan markiiba xasuustaa heesihiisii faraha badnaa ee ay ku raaxaysan jireen dhamaanba Ummadda af Soomaaliga ku hadashaa.

Anigu waxaan si gaar ah u xasuustaa  heestii caanka ahayd ee la odhan jirey

“LACAGEEEEEEEEEEEEY-

RAGGA KALA LABEEYAAY.

LIITAHA GARGAARAY

LAQAN HOOS U CELIYAAY  

TAAN ANIGU KU LOOFARAY

EEN HORE U LUMIYAAY.

Sida aan maqlay Faysal wuxuu hadda ku nool yahay magaalada Hargeysa, mana garanayo sida ay  xaaladiisa caafimaad iyo tan faneed ay tahay xilligan, balse waxa haboon in aan la ilaawin shaqsiyaadka qaaliga ah,  sida Faysal iyo ragga iyo dumar badan oo kale, oo ah shaqsiyaadkii shiday  SHUMACII FANKA  dadka af Soomaaliga ku hadla.

Ugu dambayntii ma garanayo hadal badan oo aan ka idhaahdo Fanaanka caanka ah ee Faysal Cumar Mushteeg, balse shacabka reer Somaliland  waxa ku waajib ah in la xasuusto Faysal iyo  fanaaniin kale oo fara badanba oo  rag iyo dumarba leh.

Caafimaad iyo barwaaqo ayaan u rajeynayaa dhamaanba fanaantii Soomaalida  iyo kuwa reer Somaliland-ba, xusuusna way mudan yihiin.

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com