|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2078 | June 29, 2009 Rajab 6,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maraykanka Oo Ka Codsaday Dawladda Kenya Inay Heegan Geliso Ciidamadeeda Si Ay Uga Hortagaan Kooxaha Mayalka Adag Ee Ka Dagaalamaya Somalia Washington, June 29, 2009 (W. Wararka) - Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay taageero siin doonaan dawladda Kenya si ay iskaga difaacdo khatarta Kooxaha mayalka adag ee Dagaalama kula jira dawladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif guddaha Somalia. Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya Michael Rannerberger ayaa ka dhawaajiyey inay Kenya siin doonaan Hub iyo Qalab milateri si ay uga hortagaan Kooxaha xagjirka ah ee ku hanjabay inay Weeraro ka geysan doonaan Gudaha dalka Kenya. Safiirku waxa kale oo uu Xaqiijiyey in Dowladda Maraykanku ay maamulka sheikh Shariif u dirtay Markab sida Hub iyo Saanad Milateri, taas oo uu ku micneeyey ujeedada hubka ay gaadhsiiyeen dawladda Taagta daran ee Sheekh Shariif inay khatar weyn ay kala kulantay kooxaha Mucaaridka ku ah ee ka soo horjeeda. Sidoo kale waxa uu Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Kenya uu sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dawladda ay adduunyadu aqoonsantahay ee Somalia si buu yidhi ay iskaga difaacaan Kooxahaasi weerarada culus ku hayay Ciidamada Dowladda, waxaanu intaasi ku daray inay diyaar u yihiin in Maraykanku Tababar u fidiyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya. Ugu Dambaynti Mr. Rannerberger ayaa Dowladda Wadanka Kenya ugu baaqay in ay galaan Heegan aad u sareeya ayna sidoo kale sii weyn u ilaaliyaan Xuduuda ay Kenya la wadaagto Wadanka Soomaaliya si aanay halkaasi uga soo gudbin Kooxaha Islaamiyiinta. |