Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2078 June 29, 2009                  Rajab 6,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Brazil Oo Hannatay Markii Saddexaad Koobka Qaaradaha Adduunka

Waxay Brazil 3-2 Ku Jiidhay Xulka Maraykanka Oo Ciyaarta Gelinkii Hore Ku Hoggaaminayey 2-0

Pretoria, June 29, 2009 (Haatuf) – Xulka Qaranka Brazil ayaa markii saddexaad koobka Qaaradda Adduunka, kadib markii ay guul ka daba-tag ah 3-2 kaga adkaadeen xulka dalka Maraykanka.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Confederation Cup oo dhex martay xulalka Brazil iyo Maraykanka ayay guushu waxa ay ku raacday xulka qaranka Brazil kadib markii ay 3-2 ku caraabiyeen, iyadoo uu xulka Maraykanku ciyaarta qaybteedii hore ku hoggaaminayey 2-0.

Ciyaartan oo ahayd mid aad xiiso badnayd oo dad badani sugayeen natiijadeeda, ayay laba kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan, waxaanay xulka Maraykanku ku hormareen laba goo loo ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada Clint Dempsey iyo Landon Donovan, kuwaas oo daqiiqadihii 10aad iyo 27aad ee qaybtii hore goolasha u saxeexay xukooda, hase yeeshee ciyaartoyda xulka Brazil oo u muuqday kuwo aan niyad-jabin ayaa ka damba yimid, waxaana goolkii u horeeyay xulka Brazil u saxeexay Luis Fabiano bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaanay sii kordhiyeen ciyaartoyda Brazil weeraradii ay ku hayeen goolka xulka Maraykanka.

Mar kale iyo daqiiqadii 74aad ayaa ciyaaryahanka Luis Fabiano waxa uu mar kale shabaqa xulka Maraykanka dhigay kubad uu soo dhisay Kaka, kadibna uu goolka ku liishaamay Robinho balse birtu soo celisay, taas oo uu madaxa ku dhaliyay Fabiano.

Hase yeeshee waxa ay muraayadii qalbiga ee ciyaartoyda Maraykanku jabtay kadib markii uu kubad uu soo karoosay ciyaaryahanka Elano uu madaxa shabaqa ku geliyay ciyaaryahanka Lucio, taas oo natiijadii ciyaarta ka dhigtay 3-2 ay guushu ku raacday xulka Brazil.

Ciyaartan xalay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Johannesburg ayaa ku soo geba-gabowday inay xulka Brazil markii saddexaad ku guulaystaan koobka Qaaradaha Adduunka ee Fifa Confederation Cup.

Sidoo kale ciyaartoygii ugu wanaagsanaa tartanka ayaa waxa ku guulaystay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka Brazil, Mr. Kaka oo la gudoonsiiyey kubadda Addidas ee Dahabka ah. Halka weeraryahanka Luis Fabiano uu ku guulaystay gool-dhallinta, kadib markii uu shan ciyaarood dhaliyay shan gool, taas oo u dhiganta  inuu ciyaartiiba hal gool dhaliyey, waxaanu noqday ciyaaryahankii afraad ee Brazil-ga ah ee tartanka Qaaradaha Adduunka ku guulaysta kabaha dahabka ee gool-dhallinta, iyadoo ay hore ugu guulaysteen Romario, Ronaldinho iyo Adriano oo saddexduba Brazil ah.

Sidoo kale xulka Brazil ayaa isla tartankan ku guulaystay jaa’isadda Fairplay ee ay bixiso FIFA.

Xulka Brazil ayaa hore ugu guulaystay koobkan sannadihii 2005 oo lagu qabtay dalka Jarmalka iyo 1997 oo lagu qabtay dalka Sucuudiga.

Xulka Spain ayaa kaalinta saddexaad ku guulaystay kadib markii ay xulka Koonfur Afrika kaga adkaadeen 3-2 ciyaartii kaalinta saddexaad oo isla shalay ka dhacday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.