|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2079 | June 30, 2009 Rajab 7,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shirweynaha Madaxda Afrika Oo La Filayo Inuu Go’aamiyo Faro-Gelin Milateri Oo Toos Loogu Sameeyo Somalia “Haddii Hawl-Galka Nabad-Ilaalinta Ee Ciidamada AMISOM Loo Bedelayo Nabad-Dhaliyeyaal, Waa In Loo Hubeeyaa Sidii Ciidan Dawladeed Si Ay Wax Iskaga Celinayaan” Addis Ababa, June 30, 2009 (Haatuf/W. Wararka) – Shir-madaxeedka Midowga Afrika oo la filayo inuu toddobaadkan ka furmo xarunta ururkaas ee Addis Ababa, ayaa la sheegay in la filayo inuu ka soo baxo go’aan si toos u ogolaanaya in faro-gelin milateri oo toos ah lagu sameeyo Somalia, si loo taageero baaqii dhawaan ay dawladda Sheekh Shariif beesha Caalamka iyo wadamada deriska la ah Somalia kaga dalbatay inay ciidamo degdeg ah u soo diraan Somalia si loo badbaadiyo xukuumadda taagta daran oo ay cidhiidhi geliyeen kooxaha mintidka ah ee dagaalka kala soo horjeeda. Dagaalada Somalia ka cusboonaaday ee in dhawaalaba gilgilay Mandaqadda Geeska Afrika, ayaa khasab ka dhigay in Ajandaha Shir-madaxeedka Afrika ay hadhayso arrinta wax ka qabashada xaaladda khatarta ah ee ka taagan Somalia, taas oo ay dawladda Sheekh Shariif si gaar ah shir-madaxeedka Afrika ugu igmatay ra’iisal-wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia Shariif Xasan Sh. Aadan, waxaanu la filayaa inuu horgeeyo shirkaas qorshe cusub oo wax lagaga bedelayo ciidanka nabad-ilaalinta ee Muqdisho jooga ee la yidhaahdo AMISOM, kaas oo ay dawladda Somalia doonayso in la kordhiyo sii joogistooda Somalia, isla markaana hawl-galkoodii nabad-ilaalinta lagu bedelo inay xoog milateri nabad kaga dhaliyaan Somalia. Gudoomiyaha Waaxda Nabadgelyada iyo Ammaanka u qaabilsan Midowga Afrika, Mr. Ramtane Lamamra, ayaa tibaaxay in guddida Midowga Afrika ay guud ahaan taageersan yihiin codsigii dawladda Sheekh Shariif ee ahaa in ciidamo waddamada deriska ah ka socdaa ay faro-gelin ku sameeyaan Somalia, waxaanu xusay in Madaxda Afrika ay tixgelin gaar ah siinayaan dariiq kasta oo loo arko inay wax lagaga qaban karayo xaaladda Somalia, taas oo ay ku jirto in xataa faro-gelin milateri oo toos ah ay Somalia ku sameeyaan ciidamo ka socda dalalka deriska la ah Somalia. “Haddii ciidamada AMISOM hawl-galkoodii nabad-ilaalineed loo bedelayo inay nabad sameeyaan, waxay taasi u baahan tahay in loo hubeeyo sidii ciidan dawladeed, si ay isu difaaci karaan” sidaa waxa yidhi Shariif Xasan Sh. Aadan oo Addis Ababa ugu waramayey warbaahinta, waxaanu sheegay in 2,000 oo dagaalyahan Ajnebi ahi ku sugan yihiin Somalia, iyagoo ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab. Shariif Xasan waxa kale oo uu sheegay in haddii Madaxda Afrika u coddeeyaan qorshahooda cusub ay taasi niyadda u dhisi doonto Soomaalida oo walaac ka qabta in ciidamadooda itaalka daran ay qabsadaan kooxaha mintidiinta ahi. “Dadku waxay mooraal u hayaan inay taageeraan dawladda oo dadka ugu muuqata mid isku dayeysa inay difaacdo shacbigeeda” ayuu yidhi Shariif Xasan, waxaanu raaciyey “Waxaanu haysanaa dadkii na difaaci lahaa, balse waxaanu u baahannahay taageeradii beesha caalamka si aanu dhisno dawladda.” Dawladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa labaduba waxay danaynayaan inay faro-gelin milateri ku sameeyaan Somalia, iyadoo laga soo xigtay wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya inuu yidhi ciidamada Kiiniya waxaa la geliyay heegankii ugu sareeyay abid, taas oo ka dhalatay xiisadda ka aloosan Somalia. Dawladda Itoobiya ayaa iyaduna toddobaadadii u dambeeyay ku celcelinaysay inay diyaar u tahay inay ciidamadeeda u dirto Somalia mar labaad haddii ay beesha caalamku ku taageerto isla markaana la helo ciidamo dalal kale ka socda oo kala hawl-gala dagaalka Somalia. Sidoo kale dawladda Maraykanka ayaa toddobaadkii ina dhaafay qiratay inay hub iyo saanad milateri u dirtay dawladda Sheekh Shariif si ay isaga caabiyaan kooxaha mucaaridka ee dagaalka qadhaadh kula jira. Madaxweyne Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna khudbad uu shacabkiisa u jeediyay maalintii xorriyadda Djibouti la xusayay ee toddobaadkan waxa uu kaga hadlay arrinta Somalia, waxaanu sheegay inaanay bulshada caalamku marnaba ogolaan doonin inay kooxaha mucaaridka ahi qabsadaan talada dalka Somalia, sidaas darteed ay dunida ka go’an tahay inay duullaan milateri ku qaadaan Somalia, si meesha looga saaro kooxaha mayalka adag oo uu sheegay inay dalka Somalia keeneen dagaalyahano ajnebi ah oo wadamadoodii ka soo cararay. Si kasta ha ahaatee, khatarta ka taagan Somalia ayaa gaadhay halkii ugu sareysay, sidaas darteedna waxaa si weyn loo saadaalinayaa in shir-madaxeedka Midowga Afrika ee toddobaadkani go’aamin doono faro-gelin milateri oo si toos ah loogu sameeyo Somalia si loo taageero dawladda Sheekh Shariif, kaas oo la aaminsan yahay in Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysaana uu sidiisa u ansixin doono, waxaanay taasi mar kale keeni doontaa in Somalia ay gudaha u galaan ciidamo shisheeyo oo ay taageerayso Beesha Caalamku. |