|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2079 | June 30, 2009 Rajab 7,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guurtida Oo Maanta U Balansan Fadhi Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Lagaga Hadlayo Khilaafka U Dhexeeya Labada Garab Hargeysa, June 30,2009 (Haatuf)- Golaha Guurtida ayaa maanta la filayaa kulan albaabdu u xidhan yihiin, taas oo lagu xalinayo khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo laba garab oo uu u kala jabay Guurtidu wakhtigii muddo kordhinta xukuumada Rayaale. Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo guddoominayey fadhiga shalay oo qadar 20 daqiiqo ah iridaha hooska iskaga soo xidhay ayaa furitaankii fadhiga waxa uu guddoomiye Md:Saleebaan Gaal saxaafada ku amray in madasha fadhiga ay dibada uga baxaan taas oo uu ku tilmaamay in goluhu gali doono fadhi xidhan. Intaa ka dib ayuu golaha Guurtidu halkaasi ku yeeshay fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo qadar 20 daqiiqadood ah, taas oo ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in fadhigaasi oo uu guddoomiye Saleebaan gaal gudoominayey uu halkaasi mudanayaasha golaha uga soo jeediyey hindise ku saabsan turxaan lagu sameeyo khilaafyada golaha ka dhex aloosan, taas oo ay tibaaxuhu sheegeen in hindisahaasi goluhu u guuxay, taas darteedna laysla ogolaaday in maanta goluhu yeesho fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo turxaan bixino ah. |