|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2079 | June 30, 2009 Rajab 7,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Mucaaridkuna Iyagaa Keena Ficilada Dib U Dhaca Doorashooyinka, Madaxtooyadana Nalagama Soo Dhaqdhaqaajin” Md: Xasan Cawaale Caynaan: Golaha Wakiilada Hargeysda, june 30,2009 (Haatuf)-Md:Xasan Cawaale Caynan oo ka mida mudanayaasha golaha Wakiilada xisbiga UDUB ee laga soo doorto gobolka Hargeysa ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka kulmiye iyo UCID ay kalsooni daro ka qabaan in doorashada madaxtooyada ay kula tartamaan xisbiga UDUB, isagoo intaa ku daray in xisbiga KULMIYE uu sababta muddo kordhintii lixda bilood ahayd ee ay golaha Guurtidu xilka ugu kordhiyeen madaxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenka, isagoo dhinaca kalana beeniyey in mudanayaashooda xisbiga UDUB oo madashii fadhiga golaha ee shalay aan kasoo xaadirin ay ku maqnaayeen qaadacaad ku saabsan mooshin mudanayaasha asxaabta mucaaridku ay soo wadaan, taas oo uu ku tilmaamay inaan maqnaanshahoodu ku imanin go’aan ay gaadheen. Md:Xasan Cawaale waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf ugu waramayey xarunta golaha wakiilada kaas oo uu sido kale sharci daro ku tilmaamay in xubnaha komishanka doorashooyinka xubno kale lagu kordhiyo, isagoo dhinaca kalena go’aanadii guddida dhexdhexaadinta ee golaha Guurtidu kasoo saartay shaqaaqada Ceelbardaale sheegay in fulintoodu ay u taalo xukuumada gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha. Waraysigas oo dhinacyo badan taabanayey waxa uu u dhacay sidan. S: mudanayaashiina xisbiga UDUB madashii fadhiga ee shalay aqlabiyadiinu kamaydaan soo xaadirin mudanayaashiinii fara ku tiriska ahaa ee soo xaadirayna way ka dareerteen waxaana la sheegay in go’aankiinaasi aad kaga hortagaysaan mooshin mudanayaashaa mucaaridku soo dhigayaan oo ku saabsanaa xeer lagu curinayo xukuumad ku meel gaadha taas darteedna aad ka diideen in kooram ku buuxsamo arrinkaa maxaa ka jira? J:Runtii mudanayaashayada xisbiga UDUB meel aanu kaga wada tashanay aynu qaadacno fadhiyada golaha oo yaanu kooramku buxsamin haba yaratee ma jirto, fadhiyada goluhu yeeshana mudanayaashu ama mucaarid ha ahaadaan ama muxaafid ha ahaadaane way dhacdaa in mudanayaashu marna wada yimaadaan marna maqnaadaan fadhiga maantana kamaanaan wada maqnayn, mudanayaal udub ahi way joogeen, mudanayaasha mucaarid ka laftoodu aqlabiyadoodu way maqnayd, mooshinka aad sheegaysana inuu jiro iyo inaanu jirina anigu ma hubo, oo golaha lama soo hordhigin, kana hordhici mayo in mudanayaashan ay mooshin soo dhigaana xaqbay u leeyihiin balse waxa loo eegi doonaa sharciyada wax sasa oo aanu ka qabnaana ma jirto mooshino lasoo dhigo golaha. S:marka la eego mudanayaashiina xisbiga UDUB oo 33 xubnood waxa madasha fadhiga ka joogay saddex mudane oo kale ahaa maxamud Jaamac Xaaji Cilmi dable, Baar siciid Faarax, Ibraahim Caraale Maxamed waxaana lagu macneeyey in madaxtooyada laydinka soo dhaqdhaaqjiyey oo laydinku amray inaydaan kooramka buuxin arrimahaasi miyaanay jirin mudane? J:anaga madaxtooyada nalagama soo dhaqdhaqaajin waana been aan sal iyo raad toona lahayn mudanayaashayadana nagama suurowdo inaanu golahayaga kaga go’aan qaadano kooramku yuu buuxsamin. S:madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB ee lagaa soo doortay waxay asxaabta mucaaridka ee kulmiye iyo UCID ku eedeeyaan inuu ku guuldaraystay inuu doorasho dalka ka hirgeliyo islamarkaana uu rabo in haddii doorasho dalka ka dhacdo ay musuqmaasuqi doonto xukuumadu arimahaasi miyaanay jirin? J:kalmadahaasi waxay afkooda ka soo baxeen hogaanka xisbiga kulmiye oo warwar ka qaba inuu la tartamo xisbiga UDUB maxaa yeelay musharaxa xisbiga udub madaxweyne Rayaale markii ay labada guddoomiye xisbi mucaarid Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ay soo jeediyeen shuruudana ku xidheen in doorashada goleyaasha deegaanka dib loo dhigo ta madaxtooyadana lasoo horaysiiyo madaxweynuhu wuu ka aqbalay haddii cidi doorasho dib u dhigtayna horta waxa dib u dhigay asxaabta mucaaridka oo iyagu ka door biday halkii doorasho deegaan la qaban lahaa in kursi madaxweyne lagu tartamo, ta kale xisbiga KULMIYE markii ay komishanka doorashooyinku soo cayimeen 31 may,2009 in doorashada madaxtooyada la qabto way diideen inay saxeexaan mandate labada bilood, ka dib golaha Guurtidu lix bilood bay kordhiyeen madaxweynaha haddii ay soo saxeexi lahaayeen kulmiye Guurtiduna mudada labada bilood ayuun bay ku go’aan qaadan lahaayeen, balse KULMIYE inay kala daayaan Guurtidu waa xaaraan iyo Guurtideenu ku qanacsanahay, maxaa yeelay iyagaa laga hayaa labadaa masalaba . Ta kale waxa layaaba kolba sheekada ay keenayaan ee muranka dhalisa markaa xubnaha komishanka la soo magacaabay Kulmiye xubintiisii muddo dheer baa laga sugayey. S: asxaabta mucaaridku waxay soo jeediyaan in xubnaha komishanka doorashooyinka lagu kordhiyo afar xubnood arrinkaana xisbigiina UDUB ayaa balantii uu qaaday ka baxay miyaan la odhan Karin UDUB ayaa markasta ka baxda heshiisyada laysla qaato fulintooda? J:waxaan kuu sheegayaa xeerka komishanka lagu soo xulay ee ay ku shaqeeyaan waxa uu qeexayaa todoba xubnood, sidaa darteed haddii layidhaahdo xubno kale ha lagu kordhiyo waa qayrul sharci aan waafaqsanayn xeerka komishanka haddii la yidhaahdaan kulmiye iyo ucid hala wada eryo komishankana waxaan u arkaa inay iyagu carqalad ku yihiin doorasho ka hirgasha dalka. S: sideed u aragta go’aanadii guddida golaha guurtidu ka soo saartay shaqaaqadii Ceelbardaale? J: Waxaan u arkaa in go’aan gole ay go’aanadaasi yihiin, fulinta go’aanadaasina waxay u yaalaan xukumada gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha ayey masuuliyadeedu ka saaran tahay. |