|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2079 | June 30, 2009 Rajab 7,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Udub Oo Ka Dareeray Fadhigii Shalay Ee Golaha Hargeysa, june 30,2009 (Haatuf) - Mudanayaasha golaha Wakiilada ee xisbiga UDUB ayaa fadhigii shalay ee goluhu yeeshay oo goluhu warbixin ku saabsan xeerka komishanka xuquuqul insaanka ee golaha guurtidu dib ugu soo celiyey wakiilada uu warbixin ka siiyey guddoomiyaha guddida shuruucda Md:Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan dheere) qodobada wax ka bedelka iyo kaabista ay ku soo sameeyeen ayaa fadhigaasi aanay gabi ahaanba kasoo xaadirin mudanayaasha xisbiga UDUB ee golaha Wakiilada taas oo mudanayaal door ah oo madasha fadhiga ka qayb galay bilowgii ay soo galeenba ay dib uga noqdeen, halka madanayaasha udub oo tiradooda guud tahay 33 mudane ay madasha fadhiga kaga sugnaayeen mudanayaal saddex aan ka badnaynin, taas oo sida ay ilo xogogaal ahi sheegeena ay mudanayaasha udub ay cabsi ka qabeen in golaha la soo hordhigo mooshin ku saabsan curinta xeer lagu abuurayo dawlad ku meelgaadh ah haddii doorashada madaxtooyadu ay dib u dhacdo, taas oo mudanayaal asxaabta mucaaradka ahi la filayey in shirgudoonka fadhigaasi ugu gudbiyaan, taas darteedna lagu macneeyey in mudanayaasha xisbiga UDUB ay sababta fadhiga uga baaqdeen ay la xidhiidhay talo la sheegay inay ku soo goosteen inaanu kooramka goluhu buuxsamin si aan loo soo dhigin mooshinkaasi oo la sheegay in Xukuumaddu ay sas weyn ka qabto sidii uu u hirgeli lahaa, taas oo ay tibaaxuhuna sheegeen in madaxtooyadu ay guuldaro weyn kala kulantay labadii xubnood ee komishanka doorashooyinka ee ay u gudbiyeen wakiilada taas oo shirgudoonka golaha wakiiladuna uu dib ugu celiyey madaxtooyada labadaasi xubnood isagoo ku sababeeyey in la soo waafajiyo eedaha xubnahaasi xeerka komishanka doorashooyinka. Fadhiga shalay oo uu guddoominayey ku simaha gudoomiyaha golaha wakiilada isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa fadhigaasi golaha uu yeeshay laga soo jeediyey qodobada ay golaha guurtidu k soo sameeyeen wax ka bedelka iyo kaabista xeerka komishanka xuquuqul insaanka taas oo golaha wakiiladu hore u ansixiyey, waxaana qodobadaasi golaha faahfaahin ka siiyey guddoomiyaha guddida shuruucda Md;Cabdiraxmaan Dheere oo ay guddidiisu xeerkaasi komishanka xuquuqul insaanka ee dib loogu soo celiyey ay naaqishaad ku soo sameeyeen ka dibna talo bixin ka siiyeen mudanayaasha golaha. Gebogabadii fadhigaasi ayaa guddoomiye Md:Cabdicasiis maxamed Samaale si rasmiya ugaga dhawaaqay in sabtida toddobaadka soo socda guluhu fadhiga uu yeelan doono uu ku ansixin doono qodobada ay golaha guurtidu ay wax ka bedelka iyo kaabista ku soo sameeyeen xeerka komishanka xuquuqul insaanka. |