Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2079 June 30, 2009                  Rajab 7,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Hargeysa: Guri Ku Shuf Belay Dab Qabsaday Iyo Meherado Ganacsi Oo Waxyeelo Ka Soo Gaadhay

Hargeysa June 30, 2009 (Haatuf)- Guri iyo laba meheradood oo ganacsi oo dhinaca isku haya kuna yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa ayaa shalay abaaro 11:00 saacadu markay ahayd dab qabsdaday ka dib markii sida la sheegay sababta dabkan dhalisay xadhkaha laydhka ee guryahani (electric) ka helayeen uu dab ka dhashay.

Guriga oo uu leeyahay Aadan Ibraahin Xasan iyo labada meheradood oo kala ahaa Farmasi uu leeyahay Naasir Cabdi Liibaan iyo meel ganacsiga Internet-ka ahaa uu leeyahay C/llaahi Jaamac, ayaa dabka qabsaday guriga ka midka ahaa aqalada gubtay oo qoys deganaa ayaa dhamaan agabkii yaalay uu shuf beelay, balse  dadkii aanu wax khasaare ahi soo gaadhin halka labadii meheradood ee ay dhinaca isku hayeen guriga wixii agab ahaa ee dhex yaalay intii aanu dabka xoogiisu ku fidin dibada looga soo daad guriyeeyay.

Wax yar ka dib markii uu dabkaasi guryaha qabsaday ayaa waxa halkaas u gurmaday  bakhtiinta dabkaasi ka hawl galay dadkii jaararka ahaa iyo dadkii ku dhowdhowaa gaar, ahaan dhalinyarada xaafadaasi oo isticmaalayey biyo iyo ciid si ay dabka u damiyaan, iyagoo dhinaca kalena agabkii yaalay meheradahaasi intii aanu dabka xoogiisu sii fidin ka soo badbaadiyey oo dibada u soo daadgureeyay halka guriga ay xaasku deganaayeena ay alaabtii shuf beeshay.

Lama sheegeen sababta rasmiga ah ee keentay gubashada guryahan, balse sida ay sheegeen dadkii jaararka ahaa ee halkaasi ku sugnaa dabkan ayaa sababta keentay ahayd ka dib markii xadhkaha laydhka u shidayey guryaha uu shoodh ka dhashay.

“anigu shaqo ayaan ku maqnaa laakiin markii la ii soo sheegay ayaan imid gurigii oo gubanaya, waad aragtaan agabkii guriga yaalay waa uu shuf beelay laakiin caruurtii iyo hooyadood iyo dadkii khasaare ma soo gaadhin cidi waxba kumay noqon, waxaan u malaynayaa inuu dabkani ka shashay xadhkaha laydhka oo sabab u ahaa dabka qabsaday guryaha” sidaa waxa yidhi Aadan Ibraahin Xasan, oo ah masuulka qoyska deganaa guriga dabku qabsaday ee uu ku soo horeeyay dabkani, oo ka mid ah ciidanka bilayska.

Dabka guryaha qabsaday ayaa dadku ay la tacaalayeen bakhtiintiisa qiyaas saacad ku dhowaad ka dib markii lagu guulaystay daminta dabkaasi ayaa dabadeed waxa halkaas soo gaadhay gaadhi booyada nooca dab demiska ah ay leedahay dawlada hoose iyo sidoo kale booyad ka timid Airport-ka, balse intii aanay soo gaadhin goobta ayaa dabkii la bakhtiiyey.

Si kastaba ha ahaatee markii labadaa booyadood soo gaadheen guryaha gubtay ayaa dadkii bakhtiinayey ee ku rafaadsanaa ka cadhoodeen xiliga ay socdaan gaadhiga dabdamiska ahi, taas oo ay shiid iyo cay kaga hortageen dadweynihiimadasha joogay, laakiin dadkii la socday iyo qaarkale oo dadweynaha ka mid ahaa ayaa dadkii ka horjoogsaday, iyagoo kuwa booyada gurmadka ah la socdayna u sheegeen in ay hadda uun ogaadeen oo ay ka maqnaayeen intay soo socdeen in soo wargelisayna aanay jirin.

Si kastaba ha ahaatee  booyadihii biyaha siday ee dabka bakhtiinaysay ayaa  guryihii ku fureen biyo si haddii uu dab yari ku sii hadhay meel ka mid ah guryaha u bakhtiyo.

“anaga markii la noo soo sheegay dabka guryaha qabsaday isla markiiba waanu soo dhaqaaqnay laakiin waxa dib noo riday xilligaasi oo waddadii aanu maraynay ay gaadiidku badnaayeen oo meel aanu ka soo marno waynay, taasina ay in yar dib noo hakisay” sidaa waxa yidhi darawalkii booyada dawlada hoose waday. Waxa iyaguna halkaas mar dambe soo gaadhay laba xaajiyadood oo siday ciidan bilays ah.

Sanadahan u dambeeyay ayaa guryaha, meheradaha iyo dhammaan aqaladii uu dab qabsaday dhismahoodu noocu doono ha ahaadee ay intooda badani shuf beeleen sababtuna tahay caasimada oo aanay haba yaraatee ka jirin gaadiidka nooca loo yaqaan dab demiska, taasi oo ka mid ah arrimaha sida aadka ah loogu dhaliilo xukuumada Rayaale inaanay waxba ka qaban dhacdooyinka sidan oo kale ah, iyada oo loo soo joogay in goobo fara badan oo magaalada ka mid ah uu dab qabsaday oo gurmad la’aan darteed sidaasi ku shuf beelay.