|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2079 | June 30, 2009 Rajab 7,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dhakhaatiir Qurbajoog Somaliland Ah Oo Ku Takhasusay Shaybaadhka Oo Muddo Ka Hawlgali Doona Cusbitaalka Boorama Boorama, June 30, 2009 (Haatuf) - Maamulka Cusbitaalka Guud ee Boorama Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye ayaa shalay Cusbitaalka kusoo dhaweeyey laba ka mid ah muwaadiniinta qurbajoogga reer Somaliland kuna takhasusay cilmiga Shaybaadhka ama laboratory-ga oo in muddo ah ka hawlgeli doona cusbitaalkaasi. Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiska maamulka Cusbitaalka Boorama ayaa uu agaasimaha cusbitaalka Boorama sheegay in laba xubnood oo ka mid ah qurbajoogga reer Somaliland gaar ahaana, kasoo jeeda Boorama Booranma ay cusbitaalka ka hawlgeli doonaan labada bilood ee soo socota, kuwaas oo ku takhasusay cilmiga shaybaadhka oo guud ahaanba aqoontiisu ama dadka ku takhasusay ku yaryihiin Guud ahaanba Somaliland. Labadana dhakhtar oo lagu kala magacaabo Dr. Maxamed Daa’uud Qawdhan iyo Dr Xuseen Axmed, ayaa waxay ka kala yimaaddeen Gobolka Texes ee dalka Maraykanka iyo Dr. Xusen Axmed oo ka yimi dalka Finland, kuwaas oo sida uu Agaasimuhu sheegay ku dhawaad laba bilood joogi doona Cusbitaalka, inta ay joogaana ay Cusbitaalka iyo dadweynaha uga shaqayn doonaan:- 1. Kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya shaybaadhka Cusbitaalka Boorama 2. baadhista dadweynaha u baahan in xanuunkooda la mariyo shaybaadhka 3. iyo tan saddexaad oo ah kor u qaadidda cilmiga shaybaadhka ee ardayda kulliyadda caafimaadka jaamacadda Cammuud. Sida agaasimuhu sheegay Dr. Maxamed Daa’uud qawdhan ayaa isagu Cusbitaalkaasi ugu tabarucay shaqadaasi muddo ku siman laba bilood, halka Dr. Xuseen Axmedna uu ku yimi barnaami dawladda Finland u dejisay qurbajoogga dalkeeda ku sugan inay u dirto dalalkii ay asal ahaan ka yimaaddeen si ay uga caawiyaan horumarinta dalkooda, taas oo xafiiska socdaalka ee dalka Finland qurbajoogaasi ka bixiyo kharasha la mid ah kii UNDP dhawr sano ka hor ku bixin jirtay qurbajoogga doonaya inay dalalkii ay ka yimaaddeen ka shaqeeyaan, muddo bil iyo badh ahna uu Cusbitaalkaasi ka wadi doono adeegsiga cilmiga shaybaadhka, baadhista xanuunada dadka bukaanka u yimaadda Cusbitaalka iyo tababaridda shaqaalaha cusbitaalka Boorama ee ka shaqeeya hawlaha shaybaadhka. |