|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2079 | June 30, 2009 Rajab 7,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maxkamadda Gobolka Awdal Oo Gubtay Badeecad Sharaab Ah Oo Wakhtigoodii Dhacay Boorama, June 30, 2009 (Haatuf) - Maxakamadda Gobolka Awdal ayaa maalintii shalay gubtay badeecado sharaabka la qaso ah oo wakhtigoodii dhacay, isla markaana xabsiga u taxaabay ganacsatadii badeecadahaasi lagu soo qabtay. Badeecadahan oo ahaa kuwo lagu hor Gubay maxkamadda horteeda ayaa waxa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Awdal, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Awdal, hawlwadeenada maxkamadda iyo saraakiil ka socotay ciidamada Bileyska. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal Axmed C/laahi Buubaal (Qaadi) oo gubitaankii badeecaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in cid kastoo ka mid ah dadweynaha ay waajib ku tahay inay iska qabtaan waxyaabaha laga ganacsado ee dhibaatooyinka caafimaaddarada u keenaya bulshada, badeecadahana ay qayb yar uun ka yihiin boqollaal badeecado oo ay dhammaadeen wakhtigii loogu talogalay in la isticmaalo, balse ganacsatada Boorama iyo kuwa kale ee Somaliland ahiba maaha inay dadweynaha lacag kaga qaataan waxyaalaha caafimaad darrada u keenaya. Wakiilka xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal Axmed Cismaan Mire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gubitaanka sharaabkani uu ku yimid wadashaqayn u dhaxaysa dadweynaha, ciidamada Bileyska iyo hay'adda sharcifulinta, taas oo ay Maxkamadduna dadweynaha tustay in sharciga la waafijiyo cid kastoo bulshada usoo jiidda waxyeelo caafimaad. Axmed Cismaan Mire ayaa sidoo kale sheegay in sharaabkani aanu ahayn kan keliya ee wakhtigoodii dhacay, balse farmasiyada lagu iibiyo dawooyin wakhtigoodii dhacay oo taariikhda loo cusboonaysiiyey, bulshada ayeyna u taalla sidii ay ka yeeli lahaayeen waxa uu ku tilmaamay "xanuunada ay lacagta kusoo iibsanayaan ee ay caafimaad ka raadinayaan. Badeecaddan ayaa ka koobnayd qasaacadaha sharaabka ee cananiska oo sida la sheegay magaalada laga soo geliyey dhinaca Wajaale, waxaana falkaasi loo xidhay siday maxkamaddu sheegtay laba nin oo gacantooda loogu tegay. Waa markii ugu horeysay muddo sanado ah oo ay Maxkamadda gobolka Awdal ay dadweynaha ka qabato badeecado dhacay, waxaase taa ka horeeyey keliya ganacsade reer Hargeysa ah oo magaciisa lagu naanayso 'Carab ha islwaalin' oo Boorama ku gubay badeecado u badnaa sharaab qasacadaysan oo yaallay laan ka mid ah laamihiisii ganacsiga ee Boorama muddo haatan laga joogo toban sano kudhawaad. |