Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2079 June 30, 2009                  Rajab 7,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Shir ka dhacay Sucuudiga Oo Lagaga Dhawaaqay Ciidan Ilaalinaya Badda Cas

Riyad, June 30, 2009 (W.Wararka) - Dalalka Carbeed ee kulaala Badda Cas Iyo Gacanka Carbeed ayaa shalay oo Isniin ahayd kulan iskugu yimid Magaaladda Riyaad ee Sucuudiga, Shirkaas oo ku saabsanaa Sugidda amaanka Badda Cas, taas oo lagu heshiiyay samaynta ciidan Carbeed oo ilaalin doona biyaha badda Cas.

Kulankaas oo isla shalayba la soo gebo gabeeyey ayaa lagaga hadlay halista Budhcad Badeedda Xeebaha Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatada baahsan ee ay ku hayaan marinadaasi.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Khubaro Milatari iyo Rayid isugu jiray, kuwaas oo ka kala socday 12 waddan oo carbeed ayaa la iskula eegay sida ay u wada shaqayn karaan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan iyo ciidamada Carbeed ee dalalka kulaala Badda Casi ay ku dhawaaqeen inay usoo dirayaan.

Wakiilada ka socday dalalka ka soo qayb galay kulanka shalay ayaa muujiyay walaaca ka dhalan kara ciidamada tirada badan ee caalamiga ah ee ku sugan biyaha Badda Cas iyo weliba Budhcad-Badeedda khatarta ku ah marinka isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Isku-duwaha xafiiska la dagaalanka Budhcad-Badeedda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Djibouti Maxamed Idris Faarax oo ka mid ah wafdiga Jamahuuriyadda Djibouti uga qayb galay kulanka Riyaad ayaa idaacada Codka Maraykanka u sheegay in la isla meel dhigay baahida loo qabo ciidan isku dhaf ah oo ka socda wadamada carabta oo ilaalaya Badda Cas, waxaana la isla gartay sida uu Mr Idiris sheegay in wakhti kale loo ballamo si looga wada hadlo tirada Ciidankaasi iyo Kharashka ku Baxaya.

Balse ma jiraan wax wafti ah oo ka socday dawladda Somalia oo ka qayb galay shirka ka dhacay Riyaad.