Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2080 July 01, 2009                  Rajab 8,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Golahani Laba Garab Wuu Ka Weyn YahayKhilaafkii Soo Kala Dhex Galayna Waa La Turxaan Saaray, Waxaana La Isku Raacay In Si Siman Loogu Shaqeeyo Qaranka”

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa, July 01, 2009 (Haatuf)-Guddoomiye golaha Guurtida Md;Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ayaa sheegay in fadhigii albaabadu u xidhnaayeen ee goluhu shalay ka yeeshay xalinta khilaafaadka kasoo laba kacleeyey golaha dhexdiisa uu gebi ahaanba gole waynuhu iska turxaan bixiyey wixii isqabada ee ka dhex jiray isagoo intaa ku daray in golaha Guurtidu is fahan guud ka gaadhay sidii qaranka oo wada jira loogu adeegi lahaa, tilmaamayna in ajandayaasha golaha hor yimaada ee lagu kale aragti duwanaadaana tahay dhaqanada Baarlamaanada, balse aanay ahayn buu yidhi in goluhu ku kala tago kale duwaaanshaha xaga aragtida ee danaha guud ee qaranka.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay Haatuf xafiiskiisa ugaga xog waramayey kulan albaabadu u xidhan yihin oo goluhu shalay ka yeeshay khilaafaad cakiran oo ka dhashay fadhigii axadii oo goluhu dood xasaasiya ka yeeshay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, taas oo mudanayaasha muxaafidka ahi ay doodaasi uga faa’iidaysteen durista go’aanadii guddida golaha Guurtidu ay ka soo saareen shaqaaqadii deegaanka Ceelbardaale, taas oo mudanayaashu carrabka ku dhufteen, islamarkaana ku difaacaan sharciyada go’aanadaasi taas oo fadhigii isniintii uu guddoomiye Saleebaan gole waynaha usoo jeediyey in fadhi xidhan oo turxaan bixina goluhu iskugu yimaado maalintii salaasadii shalay.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Gaal oo guddoominayey fadhiga albaabadu u xidhnaayeen ee goluhu shalay ka yeeshay khilaafaadkaasi oo wargeyska Haatuf kulankaa ka dib uga xogwaramay natiijada uu ku dhamaaday kulankii turxaan bixinta iyo waxyaabaha u goluhu kaga wada hadlay fadhiga albaabadu u xidhnaayeen ayaa isagu nuxurka kulankaasi ku sheegay in gole waynuhu ku soo afjaray khilaafaadkii soo laba kacleeyey gabi ahaana ay ku guulaysteen inay soo afjaran wixii ismaandhaaf ah ee jiray isagoo guddoomiyuhu arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ fadhigii doraad uu goluhu yeeshay ayaa waxoogaa ismaandhaaf ahi golaha ka dhex abuurmay, dabadeeto si khilaafkaasi loo damiyo ayaan golaha usoo jeediyey in goluhu fadhi xidhan oo turxaan bixina uu ka yeesho arrimahaasi, sidaa darteed gole waynuhu waxa uu fadhigiisa ku turxaan bixiyey wixii khilaafka ama curfisa ee jitay, waxaanu ku guulaysanay inaanu soo afjaro wixii ismaandhaafa ee dhex yimid waxaanu isku raacay iskuna waa faqay in si mudaysan qaranka loogu adeego, hadal iyo murti goluhu wuu ka midoobay waanu turxaan saaray wixii isqabada ee jiray”ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

S: maadaama goluhu laba garab ugu kala qaybsamay go’aankii muddo kordhinta madaxweynaha ilaa hadana kala qaybsanaantii qadiyadaasi ay golaha kasii dhex muuqato sidee goluhu xilkiisa u gudankara hadii kale qaybsanaani jirto?

ta kale goluhu ma xaliyey  khilaafkii ka dhashay fadhigii axadii mise waxa uu turxaan bixiyey khilaafaadkii jiray?

J: Horta golaha Guurtidu waa gole baarlamaan in aragtida ajandayaasha laysku qabto ansixintooda oo lagu kala aragti duwanaadaa waa dhaqanada baarlamaanada, aakhirkana waxa lagu kala baxaa cod, waxaanse kuu sheegayaa goloha guurtidu  laba garab iyo saddex garab uu ka weyn yahay oo waa gole baarlamaan, guud ahaana goluhu wuu ku guulaystay inuu xal u helo waxaanu ku midoobay inuu qaranka wada jir ugu adeego.

Fadhigan ay alaababdu u xidhan yihiin oo uu shalay yeeshay golaha guurtidu ayaa waxa uu ka dhashay fadhigii axadii oo lagaga hadlayey nabadgelyada oo golaha xiisad ka kiciyey, markii la soo hadal-qaaday shaqaaqadii Ceelbardaale ee dhex martay dadka dega deegaanada Gebilay iyo Dila, iyada oo ay golaha guurtida ka muuqatay kala qaybsanaan ka dhalatay muddo kordhintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kaas oo uu goluhu si weyn ugu kala aragti noqday.