Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2080 July 01, 2009                  Rajab 8,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Ilmo Yar Oo Keligii Ka Badbaaday Dayaarad Ay Saarnaayeen 153 Qof  Oo Ay Lahayd Shirkada Yemania Airweys Oo Ku Dhacday Xeebaha Comoros

June 1, 2009-(W/wararka)-Ilmo yar ayaa keligii ka badbaaday dayaarad ay saarnaayeen 153 qof oo habeen hore ku burburtay xeebaha Jaziirada Komoros ee badweynta Hindiya  dayaaradan oo ay  lahayd shirkadda la yidhaahdo Yemania, ayaa duushay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, taas oo la sheegay inay ku socotay oo duulimaadkeedu ahaa Jaziirada Comoros, balse dayaaradan oo in yar u jirta Komoros ayaa ku burburtay xeebaha jaziiradaasi, sababta keentay burburka dayaaradan ayaa baadhayaasha ilaa hada ku hawlan arrinta ay sheegeen in xaga hawada iyo roobab dabaylo wataa ay jireen, ka dibna burburka dayaaradan saamayn ku yeelan karaan  waxaana isla goobtaa shilku ka dhacay laga helay meydad ka mid ah rakaabkii saarnaa dayaaradaasi, waxaa kale oo la sheegayaa inay jirto rajo laga qabo in la helo dad kale oo nool

Diyaaradan oo ay leedahay shirkadda Yemenia Airways oo ay la socdeen 153 qof oo rakaab iyo shaqaalihii dayaarada ayaa ilaa hada inta la ogyahay la helay keligii ilmo yar oo nool, oo aan da’diisa la sheegin, arrintaasi oo rajo gelisay baadhayaasha shilka dayaaradan burburtay ku hawlan.. 

Diyaaraddan oo ay iska lahayd Shirkadda Yemenia Airways ayaa nooceedu ahaa Airbus 610 waxa ay ka duushey magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaa saarnaa 142 qof oo rakaab ah iyo 11 shaqaalaha diyaarada ah, diyaarada ayaa burburtey iyada oo 30 daqiiqo u jirta garoonka ay cago dhigan lahayd ee Jaziirada Komoros.