|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2080 | July 01, 2009 Rajab 8,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dawlada Jabuuti Oo Ciidamo Shuruudi Ku Xidhan Tahay U Diraysa Somalia Hargeysa June 1, 2009( Haatuf)-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DJabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi siiyay shalay Wargeyska Sharqal-awsad ee ka soo baxa Caasimada dalka Britain ee London, ayaa ku taliyey in dalka Jabuuti uu diyaar u yahay inuu Ciidamo u diro Somalia haddii Ururka Midawga Afrika uu rumeeyo qorshaha uu dalka Somalia ugu dirayo ciidamo tiro iyo tayo-ba leh. Waxaana wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti uu xusay in qorshaha dalkiisa uu ku damacsan yahay in uu ciidamada ugu diro Somalia ay ku xidhan tahay hadba sida uu noqdo Qaraarka ka soo baxa ururka midowga Afica Shirweynaha dhawaan uga furmaya magaalada Sirta ee dalka Libiya madaxweyneyaasha dalalka Afrika. “Haddii ay Jabuuti ka mid noqonayso Ciidamadda nabad-ilaalinta waxay ka hoos shaqaynayaan oo ay ka mid noqon doonaan ciidamada AMISOM., waxaanu diyaar u nahay haddii ay dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia ay naga codsato arrintaasi in aanu ku soo biiri doono Ciidamada Afrikaanka ee Nabad-ilaalinta u jooga dalka Somalia”. Ayuu yidhi Wasiirka, waxa kale oo uu ku sheegay waraysigiisa inay Dawladiisa fahamsan tahay Baaqa ay Hoggaanka Sare ee Dawlada Sh. Shariif kaga codsaday Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadad Carabta, Dr Caamir Muuse inay dawladaha dalalka Carbeed in ay taageero ku siiyaan Dawladiisa isla markaana Ciidamada Nabad-ilaalinta ee AMISOM looga dhigi lahaa Ciidamo awood leh oo Nabad-dhaliyayaal. Mar wax laga weydiiyey Aragtida Dalwadda Jabuuti ee ku aadan wararka sheegaya inay xubno ka tirsan Ururka Al-qaacida ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia, waxa uu Wasiirku sheegay inay iska cadahay taasi, oo ay TV-yada Calaamku soo bandhigeen inay Dagaalyahanno aan Soomaali ahayni ku jiraan Safka hore ee dagaalka ee Kooxaha Muqaawamadda. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Dawladda Jabuuti ay codsi ka heshay Israa’iil si ay Saldhig uga samaystaan Badda Cas, waxa uu sheegay inay Dawladiisu ku gacan-saydhay arrintaasi isla markaana aanay marnaba ogolaan Karin inay Israa’iil ku sugnaato Mandiqada Geeska Afrika |