Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2080 July 01, 2009                  Rajab 8,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Eriga Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinku Ma Yahay Bilowga Dagaal Siyaasadeed Oo Dhexmara Xukuumadda Iyo Shirgudoonka Baarlamaanka

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf Ee Boorama

Mar kasta oo la filayo inay Somaliland ka dhacaan isbeddelo siyaasadeed ,ayaa waxa soo baxa mashaakil aan hore loo arki jirin ama la illoobay haddii lasoo maray,sidaas ayaa mar kasta oo sharciga iyo dastuurka isku qabtaan xukuumadda iyo baarlamaanka lasoo doortay  uu usoo baxaa loollan Awoodeed oo ka dhex abuurma hay'adaha sharci dejinta iyo Xukuumadda ,axsaabta mucaaradka iyo   xisbulxaakimka ,golayaasha Guurtida iyo G/Wakiilada.

Waxa kale oo ay Somaliland usoo joogtay ,dagaalka siyaasadeed ee mar kasta ka dhex aloosma golayaasha qaranka siiba Baarlamaanka ,xisbiyada mucaaradka ah ,iyo Xukuumadda ,waxaana xusuusanaa sidii ay dawladda iyo xisbulxaakimka UDUB mar kasta ugu guuleysan jireen  dagaalada siyaasadeed .Waxa kale oo ay reer Somaliland la qabsadeen sida loo maareeyo ama dawladda looga saaro mar kasta oo ay cidhiidhi geliyaan golaha Baarlamaanka iyo xisbiyada mucaaradku ,iyadoo mar walba loo saaro ergo  dhexdhexaadisa  dhinacyadaasi .

Maanta oo ay  somaliland kusoo dhaw yihiin doorashooyin la fili karo inay ka adkaan doonaan,kana kharash iyo cadaawad badnaan doonaa kuwii hore loo soo maray ,ayaa waxa durba la arki karaa caqabado badan  oo dad badan ku abuuray shaki ku saabsan inay dhici doonaan doorashooyinkaasi wakhtigii loogu talogalay ee ahaa 27ka Septembar ee sannadkan iyo in kale.

Inkastoo ay Xukuumadda Rayaale iska riixday  wax kasta oo lagu eedeynayey inay dib u riixayso doorashooyinkaasi ,isla markaana ay shubtay lacagtii   dawladdu ku darsan lahayd qabsoomidda doorashooyinka ,ayaa weli waxa haddana muuqda caqabado badan oo aan la ogeyn wakhtiga iyo goorta laga gudbi doono ee ay qabsoomi doonaan doorashooyinkaasi .

Run ahaantii kama sheekayn karo waxa ka dhiman qabsoomidda doorashooyinkaasii ,balse waxay markasta xukuumaddu ku doodaysaa inaysan wakhtigeedii dhaafin ,hase yeeshee waxa arrimahaasi kasii daran dagaalka ka dhex aloosan komishankii kala hagi lahaa umadda ,axsaabta iyo dawladda

Komishankaas oo murankiisu bilowday tan iyo maalintii diiwaan gelinta dadweynaha somaliland la qabtay , ilaa maantana loo maaro helin in komishankaasi noqdo mid haysta kalsoonida shacbiga ,dawladda iyo xisbiyada ,aragtiyada saddexdaasi laamood ee siyaasadda dalka haystay ka qabaan komishanka ayaa aad u kala fog .

Xisbiyada ayaa hore u soo jeediyey in gebi ahaanba la eryo komishanka ,dawladda ayaa tidhi qaar ha la eryo ,ergooyinkii dhexdhexaadinta khilaafka ayaa soo jeediyey in komishankaasi  arrintiisu u taallo xisbiyada iyo dawladda,deeqbixiyeyaashii ayaa arkay daciifnimadooda ,iyo musuqmaasuqooda ,shacbiguna ma kala garan karayaan cidda khaldan iyo cidda sax ah .

Haddaba maanta waxay siyaasadda somaliland taagan tahay laba xubnood oo komishankaasi ka tirsan ha la eryo ,iyo la eryi maayo ,rag calculus oo wax u kala garnaqi kara ha lagu daro iyo lagu dari maayo oo sharci maaha ,arrimahaas oo dhammaantood sawir xun ka muujinaya qabsoomidda doorashooyinka ,balse lama oga cidda maanta salka u dhigi doonta komishanka liicliicaya ee aan iyaguna isku roonayn,cidna u roonayn.

Madaxweyne Rayaale ayaa  dagaaladiisa siyaasadeed ee ay shirguddoonka iskaga hor yimaaddeen inta badan ku guuleystay marka laga reebo miisaaniyadd hal sano ahayd ,iyo doorashadii shirguddoonka ,waxaana  ay rayaale iyo xisbiga UDUB maantana ku talogaleen inay jid iska mariyaan waxay u arkaan baarlamaan mucaaradku  hoggaamiyo,go'aaminta arrintanina iyaga maanta mar kale gacantooda ku jirto .

Inkastoo shirguddoonka baarlamaankaas,C/raxmaan cirro yahay nin ka xishooda hadalada xun ,hanjabaadaha ,iyo abaabulka xamaasadda siyaasadeed , balse  su'aasha meesha taalla ayaa ah ilaa intee C/raxmaan Cirro sii wadi karaa dulqaadkaasi ,seeftiisana galka ka siibi doonaa/? dad badan  oo kasoo jeeda xisbiga UDUB ayaa u arkaa daciifnimo dulqaadka uu guddoomiyaha cabdiraxmaan Cirro samaynayo.

Ku xigeenka shirguddoonka Golahaasi ,Sheekh Cabdulcasiis Maxamed Samaale  ayaa mar kale isagana waxa soo waajahay siyaasadihii  colaadda uga soo jiiday dhinaca dawladda .

Sh.Cabdulcasiis Samaale oo ka mid ah Xildhibaanada fara ku tiriska ah ee weli daacadda u ah xisbiga laga soo doortay ee KULMIYE,walina ku  shaqeeya ballamihii uu qaaday waagii la dooranayey  balse badi dawladdu ka hor timid ayaa tan  iyo markii shaqada Baarlamaanka u qabtay saddex sano  iyo badh ka hor Xukuumadda Rayaale u haysata inuu yahay  cadowga koowad  ee xukuumaddu ku leedahay Baarlamaanka ,oo ay jeclaaan lahayd inuu u ekaado sida golaha Guurtida ayaa arrinta maanta taagan ee komishanka ku saabsan la filayaa  inay shirguddoonka iyo Xukuumaddu fooddaa isku dari doonaan.

Shalay ayaa shirguddoonka la sheegayaa inuu   dib u waabiyey mooshin xilka lagaga qaadi lahaa labada xubnood ee komishanka ka tirsan ee xukuumaddu arki kari laadahay,isagoo shirguddoonku qoraal uu u diray Xukuumadda  ku  sheegay in sharciga la mariyo  eryida nimankaasi ,waxayna jawaabtaasi durba muujinaysaa sida  shirguddoonku diyaarka ugu yahay inuu daafaco  xubnahaasi  oo ay u arkaan inaanay jirin wax dembi ah oo ka galeen dalka, wax lagu tilmaami karo khalad oo ay ku kaceen labadaas xubnood ee Xukuumaddu biyo hoostooda ka saniftay.

Si kastaba  ha ahaatee xukuumada marna may filayn in la soo celiyo xubnahan oo waxay filaysay in mooshinka ay wadatay socon doono ,Baarlamaankuna ka takhalusi doono labadaa xubnood , sidaa darteed ilaa hadda waxay  garan la' yihiin jawaabta ay bixin doonaan qoraalkaas shirguddoonka Baarlamaanka ,iyadoo dhinaca kalena mooshinkaasi dib loogu celiyey bedelida labada xubnood ee komishanka ee Baarlamaanku u soo celiyey  ay xildhibaanada ka soo jeeda xisbiga muxaafadka ahi uu ka warwareegayo inuu kooramka buuxiyo kalfadhiga golaha Wakiila.

lamana oga meesha ay isla mari doonaan xukuumadda golahaasi ciilka baday muddo sannado ah iyo ,baarlamaanka u jilib dhigay dagaallo siyaasadeed oo  kaga yimaadda golaha Guurtida , komishankana itaalka daran , ergedii dhexdhexaadinta iyo doorashooyinka somaliland ,waxaase  aan shaki ku jirin in xukuumaddu qaadi doonto tallaabo kasta oo u meelmarinaysa eryida labadaa xubnood ee dad badani u arkaan inay yihiin labada nin ee ugu muxtaramsan komishankaasi .