Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2080 July 01, 2009                  Rajab 8,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Ciidamada Maraykanka Oo Ka Baxay Dalka Ciraaq

Baqdaad, July 01, 2009 (W.Wararka) - Ciidamada Ciraaqiyiinta ayaan iyagu si cad u soo ban dhigin inay gacanta ku hayaan maamulka iyo kala dambaynta casimada Ciraaq ee baqdaad kadib markii ay bilaabeen in ciidamadii maraykanka ee joogay halkaasi inay ka baxaan kadib lix sano markii dawladda maraykanku ku soo duushay maamulkii halkaasi ka jiray ee Sadam Xusen ee dalka Ciraq.

Balse Ciraaqiyiinta ayaa iyagu si cad ugu dabaal degayey maalintii shalay waxa ay ugu yeedheen Maalinta Dawladnimada.

Dhinaca kale gaadhi lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa dilay ugu yaraan 40 qof magaalada Waqooyiga ku taala ee Kirkuk, Taas oo dad badani ay rumaysan yihiin in qayb ka mid ah Carqaladihii wajihi jiray dadka Ciraaqiyiinta ahi ay haatan iskaga baxayaan Dalka Iran waa ciidamada Marayknakee.

“Ka bixitaanka Ciidamada Maraykanka ee Magaalooyinka ayaa haatan u muuqda Mid soo dhamaanaya, kadib markii ay naftooda u hureen Ammaanka” Sidasai waxa yidhi Sadiq Al-Rikabi oo ah lataliyaha Raysal Wasaaraha Ciraaq Nuri Al-Maliki, kaas oo sidasi u sheegay Wakaaladaha Wararka “Ciraaq Ayaa Imika u dabaal degaysa dib u haybayn Maamul.

Dareenka dadka ku dhaqan wadanka Ciraaq ayaa maraya meeshii ugu saraysay kadib markii ay ciidama Maraykanku iskaga baxeen halkaasi, kuwaas oo u arka in Wadanka Ciraaq uu haatan dib ugu soo nqoday gacantooda kadib markii Maraykanku ka fara maroojiyey.

Hasa yeeshee Dadka Intooda badan ayaa iyaguna walaac iyo walbahaar badan ka qaba Falalka Banbaanooyinka lagu Rakibo gawaadhida ee wadooyinka iyo Suuqyada la dhigo, kuwaas oo galaafta nafo badan.

Maxamed Al-Musafir oo ahaa diblomaasi hore ayaa u sheegay aljzeera oo yidhi “Aniga iyo Dadka Ciraaqiyiintuba Waxa aanu ogaanay inay tahay maalinta Maraykanku Aanu Sii joogi Karin dalka Ciraaq oo aanay maamuli Karin Magaalooyinka, tani waa waji amaan, waxa aanu u sheegaynaa dadka adduunka in aanaa la dili Ciraaqiyiinta intaa in ka badan.

Waxa la weydiieyey diblomaasigan inay jirto cabsi ah in Ciraaqiyiintu ay gudahooda is dilaan kadib marka ay baxaan Ciidamada Americanku waxaanu ku jawaabay “Tani waa dacaayada Maraykanka, waxa ay isku dayaan iay adduunka ka iibiyaan balse waa nasiibdaro in aduunku uu iibsado. Ma jiri doono in Ciraaqi uu dilo Ciraaqi oo la isku laayo Shiico iyo Suni waxa ay u wada noolaanayaan si wada jira waxa ay u wada noolaayeen si wada jira Boqolaal Sanadood, Dhibaatooyinka Dacaayadaha Maraykanku waxa ay bilaabmeen markii ay dalka ku soo duuleen ee ay qabsadeen oo ay kala qaybiyeen dadka, waa nasiib daro siyaasiyiin lagu Rekood gareeyey Siyaasada Maraykanka” ayuu yidhi diblomasi u dhashay Ciraaq oo la yidhaa Maxamed Al-musaafir.

Source Aljazeera