|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2080 | July 01, 2009 Rajab 8,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xaaladda Qaxootiga Soomaalia Ee Ku Sugan Somaliland Oo Laga Dayriyey Hargeysa (W/wararka/IRIN)-In ka badan 26,000 qof oo ka soo barakacay koonfurta Somalia oo jooga Somaliland ayaan helin kaalmo ku filan, sababta oo ah masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah oo aaminsan inay yihiin dal madaxbannaan, ayaa waxay awoodda saaraan dadka ku barakacay Somaliland gudaheeda.” Sidaa waxa lagu sheegay warbixin wakaaladda wararka ee IRIN ka diyaarisay qaxootiga reer koonfureedka ah ee ku sugan gobollada dalka Somaliland, waxaanay wakaaladdu sheegtay in habayaraatee aanay dadkaasi wax kaalmo ah ka helin hay’adaha caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland midna. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare) oo wakaaladda wararka ee IRIN wax ka waydiisay arrintaasi, ayaa sheegay in bulshada caalamku ay dayaceen dadka reer koonfureedka ah ee soo qaxay, balse Somaliland aaminsan tahay inay yihiin qaxooti soo barakacay. “Waxaannu ka aaminsanahay macne ka duwan IDPs-ka (dadka dalkooda gudihiisa ku barakaca) marka la barbar dhigo sida buslhada caalamku u haystaan, maxaa yeelay bulshada caalamku waxay aaminsan yihiin in dadka ka soo barakacay koonfurta Somalia ay yihiin IDPs, laakiin annagu [Somaliland] waxaannu u aragnaa inay yihiin qaxooti,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu. Waxa kale oo ay wakaaladdu sheegtay in qiyaastii 4370 una dhigma 26200 qof oo ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya ay ku nool yihiin Somaliland, sidaa daraadeed maadaama aan Somaliland loo aqoonsanayn si caalami ah waxay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yadu u tixgaliyaan dadkan inay yihiin qaar ku barakacay dalkooda gudihiisa, sidaas awgeedna ay masuuliyadda daryeelkoodu saaran tahay xukuumadda Somaliland. Saynab Maxamuud oo ah Guddoomiyaha ururka Haweenka ee Gaashaan oo la shaqeeya dadkan soo barakacay Soomaaliya, oo ka hadlaysa arrimaha dadka qoxootiga ee ka soo qaxay Somalia ayaa tidhi; “Qoysaskani had iyo jeer ma helaan wax taageero ah, marka laga tago hay’adda WFP oo marmar u qaybisa raashin yar, sidoo kale qoysaskani waxay la kulmaan dhibaatooyin dhinaca sharciga ah, kuwaas oo kaga yimaada booliska” Sidoo kalena, Wasiirka Qorsheynta Somaliland ayaa sheegay in dadka muwaadiniinta ah ee gudaha Somaliland ku barakacay ay dawladda ka helaan waxyaabo ay ka mid yihiin, dhul, adeegyo caafimaad iyo waxbarasho, laakiin buu yidhi; “Dadka ka soo barakacay Soomaaliya ee Hargeysa ku sugani ma helaan wax caawimo ah, maxaa yeelay dawladda Somaliland waxay u tixgelinaysaa inay yihiin dad qoxooti ah |