|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2080 | July 01, 2009 Rajab 8,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Machadka Sare Ee Diyaarinta &Tababarka Macalimiinta Oo Qabtay Xaflad Lagu Soo Gebagebaynayey Sanad Dugsiyeedka 2008/2009 Hargeysa July 1, 2009(Haatuf)-Machadka sare ee Diyaarinta iyo Tababarka Macalimiinta ayaa xalay xaflad ay qabteen ku soo gabagabeeyay Hawlihii waxbarasho ee Sannad dugsiyeedka 2008/2009. Xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin uu hor kacayo Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada C/Casiis Maxamed Samaale iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdi Odowaa iyo marti sharaf kale. Ugu horeyn waxa xafladaasi hadal ka jeediyey Maxamed Cali Nageeye oo ku hadlayer magaca Machadka wuxuuna ka waramay xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya Machadka iyo Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland iyo iskaashiga joogtada ah ee ay wada leeyihiin, sidoo kale waxa uu ka waramay qaybaha kala duwan ee machadka oo kala ah laba qaybood mid tahay Dugsi Sare mid-na ay tahay Heer Diploma taasoo ka kooban qaybo kala duwan oo kala ah: 1.Chemistry& Biology, 2. physics & Math’s, 3. Social Seines,4.Culuumta Islaamiga ah,5. Luqada Carabiga, 6. Luqada Ingiriisiga iyo Soomaaliga. Waxa kale oo uu sheegay Mr. Nageeye in uu Machadku si heer sare ah ugu qalabaysan yahay dhamaan agabka waxbarashada sida Laabka, Kumbiyuutarada iyo ka seines iyo qalabka shaybaadh-ka iyo Maktabad buugaagta lagu akhriyo, wuxuuna xusay in sannadkan machadka ay ka qalin jabiyeen lix iyo lixdan arday qaybta Diploma-da, iyadoo ay qayb ka mid ah dadkaasi qalin jabiyay ay ka socdeen hay’adaha waxbarashada kala duwan ee dalka, halka afar ka mid ah uu machadku uu siiyay deeq waxbarasho dibadeed ah, iyadoo uu sheegay in tirada ardayda wakhtigan ay tahay 398 taasoo 173 ka mid ahi ay wax ku bartaan lacag la’aan, iyadoo dadka ka shaqeeya machadku ay yihiin 35 qof oo shan ka mid ahi yihiin ajaanib, iyadoo shan ka mid ahi ay sitaan shahaado BHD iyo laba Master inta kale-na ay yihiin shahaado jaamacadeed, waxa kale oo uu sheegay in ay qabteen hawlo badan sannad dugsiyeedkan gudihiisa sida koob ciyaareed oo ay u dhigeen ardayda machadka iyo school-ada dalka, iyo tartamo aqooneed iyo tartanka xifdiga Quraanka Kariimka Jisas fara badan, wuxuuna shaaca ka qaaday in Machadku sannadka soo socda uu aasaasi doono Jaamacad ka kooban laba kulliyadood oo kala ah: Tarbiyada iyo Maamulka. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Cismaan Xaaji Mustafa kaasoo ugu horeyn u mahad naqay Masuuliyiinta Somaliland, wuxuuna sheegay in Machadkan la aasaasay 2005 hawl galayna 2006, kaasoo uu sheegay in wasiirka waxbarashada uu si wanaagsan ula socdo oo uu kormeero badan ku yimid isla markaana ku daray Machadyada qiimaha weyn kaga jira Wasaarada waxbarashada. Dhinaca kale agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Cali Cabdi Odowaa ayaa ku dheeraaday qiimaha ballaadhan ee uu Machadkani gaadhsiisan yahay ayaa u xaqiijiyay inay aqoonsan yihiin shahaadooyinkiisa isla markaana lagu gali karo shahaadada machadkan jaamacadaha dalka oo dhan iyo jaamacadaha aduunka, waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in wasaarad waxbarasho ahaan ay soo diyaariyeen xeerkii waxbarashada dhawaana ay u gudbin doonaan golaha wakiilada. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha wakiilada C/Casiis Maxamed Samaale kaasoo si wanaagsan ugu mahad naqay machadka iyo maamulkiisa ardaydana ku booriyay inay ilaaliyaan waxbarashadooda. Gabagabadii waxa waxa la gudoonsiiyay jaa’isado dadkii mutaystay iyadoo isla xafladaasi lagu soo bandhigay maadaysyo aad u raali galiyay dadkii xafladan ka qayb galay. |