|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2080 | July 01, 2009 Rajab 8,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Tahriibayaal Lagu Qabqabtay Xeebta Saylac Oo Marin Cusub U Noqotay Dadka Haajiraya Lughaya July 01, 2009 (Haatuf)–Lix iyo toban tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa lagu qabtay deegaanada Xuseeni ee dagmada Saylac, sidaas waxa warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka golaha dagaanka Saylac Md. Cismaan Muumin Caarre. Tahriibayaashan ayaa la qabqabtay saacadu markay ahayd 5:00-tii subaxnimo ee shalay ayaa waxa ay isu jiraan saddex dumar ah iyo saddex iyo toban rag ah oo dhamaantood Itoobiyaan ah, kuwaas saarnaa gaadhi Land Cruiser ah oo laga leeyahay Magaalada Boorama sida uu sheegay Md. Cismaan Muumin Caarre. Tahriibayaashan oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Qaranka ee xeebaha Somaliland ayaa waxa gacanta loo galiyay ciidanka bilayska ee dagmada Saylac, waxaanay ciidamada Booliska ee Saylac markiiba ku wareejiyeen Ciidanka bilayska ee magaalada Xariirad halkaas oo uu sheegay Gudoomiye ku xigeenku in lagaga wareejin doono Dawlada Itoobiya. Baabuurkii ay la socdeen dadkan tahriibayaasha ah ayaa isaguna ku xidhan xarunta ciidanka Qaranka ee Jidhi. Waxa ay ahayd Jimcihii dhawaa markii ay sidoo kale ciidamadu gacanta ku dhigeen tahriibayaal tiradoodu gaadhayso 170 kale oo koox-koox u lugaynayey ciidanka bilayska ee saldhiga bariga Boorama. Taliyaha Saldhiga Bariga Boorama Yaasiin Cabdi Buux ayaa isaguna sheegay in tahriibayaashani ay u lugaynayeen dhinaca degaanka Camuud isla markaana ay u qorshaysnayd in ay u wareegaan dhinaca Baki si ay baabuurta halkaas uga raacaan ugana sii gudbaan xeebta degmada Saylac. Tahriibayaashan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in Sabtidii dhaweyd lagu wareejiyay dawlada Itoobiya. |