Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2080 July 01, 2009                  Rajab 8,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Michael Jackson Oo Lagu Aasi Doono Aqalkiisa Oo Layidhaahdo Neverland

Los Angeles, July 1, 2009 (W.Wararka) - Fanaankii Caanka ahaa ee Geeriyooday Michael Jackson ayaa lagu wadaa in loosameeyo aas Qaran oo ay Dad caan ah, Madax iyo Dibloomaasiyiin ay ka kala iman doono aduunweynaha, kuwaas oo ka qayb gali doona aaska Fanaankaasi sida uu sheegay Aabaha Fanaanka Joe Jackson.

Ilaa imika Ehelka Michael Jackson ayaana Cayimin amaba xaqiijin Goorta laqabanayo Aaskaasi waxaana wali lasugayaa dhakhaatiirtii baadhayay sababta keentay Geerida Fanaankaasi waxayna qaadanaysa 3 ila 6 Todobaad sidaasna waxaa Qortay La.Times iyo Stargazin.

Saxaafada Canada iyo Maraykanka ayaa waxay qoreen in Michael Jackson lagu aasi doono Gurigiisa oo layidhaahdo Neverland hase ahaatee wali Qoyska Fanaankaa Geeriyooday ayaana wax Hadal ah laga heynin.

Abaha dhalay Michael Jackson oo joogey Axaddi lasoo dhaafay Xaflad BET Awards “Black entertainment Television” oo loogu baroor diiqayay ayaa Joe Jackson waxa uu wariye kasocda CNN-ka u sheegay sidatan....

“Waxaan halkan doonayaa in aan dedwaynaha uga ogeysiiyo amaba lasocodsiiyo in aan furtay Goob Music-yada lagu duubo hadaba kii u bahan in wax looduubo ha ila soo xidhiidho” sidana waxaa yidhi Aabaha dhalay Michael Jackson oo ah Mr.Joe Jackson.

Hadalkaas kasoo yeedhay Joe Jackson ayaa waxa aad uga carooday Taageerayasha Michael Jackson taasi oo ay yidhaahden Tacsi ayaa u taala Odeyga ee maxaa hadalkasi wakhtigan ka keenay, waxaa iyana buunbuuniyay saxaafada oo Odeyga ka dhigay mid aan Damiir lahayn, hadalkana uu yahay mid aanan wakhtigan ku habooneyn soohadal qaadka shaqooyinkiisa.